Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Uhuru Kenyatta oo ka wada-hadlay muranka Badda
    Somalia

    Akhriso: Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Uhuru Kenyatta oo ka wada-hadlay muranka Badda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 10, 2021Updated:August 10, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta oo talaado ah waxaa isaga iyo wafdigiisu ay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Mombasa wadahadal laba-geesood ah kula yeesheen Madaxweyne Uhuru kenyatta iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalka Kenya.

    Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

    Eng. Rooble ayaa xusay in booqashadiisu ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas oo u baahan in laga wada xaajoodo.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya arrin aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.