Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Pakistan: Qarax Ismiidaamin ah oo Carruur lagu dilay
    Somalia

    Pakistan: Qarax Ismiidaamin ah oo Carruur lagu dilay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 21, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaari ay la socdeen muwaadiniin Shiinees ah oo ka dhacay Gwadar oo ku taalla gobolka Balochistan ee koonfur -galbeed Pakistan ayaa lagu dilay laba carruur ah, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

    Ma jirin sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Jimcihii.

    Liaquat Shahwani, oo ah afhayeenka xukuumadda gobolka Balochistan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters “Laba carruur ah ayaa ku dhimatay weerarka, saddexna way ku dhaawacmeen.

    Qaraxa ismiidaaminta ayaa ka dhacay wadada East Bay ee magaalada dekedda leh ee Gwadar abaare 7 -da fiidnimo (14:00 GMT). Muwaadiniinta Shiinaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska.

    Dagaalyahannada gooni u goosadka ah ayaa kacdoon hubeysan oo muddo dheer ka waday Balochistan.

    Weerarka ayaa yimid ka dib markii weerar bas lagu qaaday gobolka waqooyi-galbeed ee Pakistan ee Khyber-Pakhtunkhwa halkaas oo lagu dilay 13 qof oo ay ku jiraan sagaal shaqaale Shiinaha ah iyo laba askari oo Pakistan ah horaantii bishaan.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.