Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland “Abshir wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarinta Waxbarashada”
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland “Abshir wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarinta Waxbarashada”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 21, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka iyo Dowladda Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

    “Waxaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Bahda Aqoontaba, uga tacsiyeeynaya geerida alle ha u naxariistee Abshir Aw-yuusuf Ciise Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland.

    Abshir wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarinta Waxbarashada xiliyadii kala duwanaa ee dalku soo maray, isagoo ka mid ahaa macalimiinta Soomaaliyeed ee fara ku tiris-ka ahaa ee dalka laga yaqaanay.

    Aniga geeridiisu si gaar ah ayeey ii taabanaysaa oo wuxuu ii ahaa macalimkaygii maadada Physics-ka oo uu ku caanbaxay, markii danbena loogu magac daray, wuxuu ahaa barre siweyn dalka looga yaqaanay soona saaray Bulsho balaaran oo nooc walba leh Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ganacsato, Dhakhaatiir, Culimo , Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

    Markii danbe oo uu Qurbaha aaday, AHUN Abshir wuxuu halkiisii kasii waday halgankii Waxbarasho, isagoo waxbaray Soomaalidii u guurtay dalka Maraykanka.

    Wuxuu soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Puntland isagoo doorkiisa ka qaatay, shaqada wanaagsan iyo horumarka Waxbarasho ee Puntland kajira.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Madaxweynaha ayaa alle uga baryay marxuumka inuu janadii fardowsa geeyo, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan kasiiyo. Aamiin.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.