Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa ka horyimid Habraaca doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee kasoo baxay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee axadii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.
Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in habraacan uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 May, iyagoona dalbaday in 135 Odayaasha dhaqanka ay saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada.
Ugu dambeyntii, Midowga Musharaxiinta ayaa ka digay boob doorasho iyo colaad sokeeye inay dalka ka dhacdo, iyagoo tusaale u soo qaatay dalaalka dariska ah.
https://www.facebook.com/AAbdishakur/videos/275679717279133
Idilnews