Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga Adduunka oo xoojinaya taageerada uu siiyo Puntland
    Somalia

    Bangiga Adduunka oo xoojinaya taageerada uu siiyo Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 23, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland ahna sii hayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi, ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ay hoggaaminayso madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

    Kristina Svensson ujeedada socdaalkeeda ayaa ahaa sidii ay wax badan uga ogaan laheyd shaqooyinka ka socda Puntland gaar ahaan mashaariicda Bangiga adduunku ka Fuliyo Puntland.

    Wafdiga, ayaa sidoo kale booqdey Bangiga Dowladda Puntland iyo Hantidhowrka oo ay warbixino ka dhageysteen masuuliyiinta ay kula kulmeen xarumahan.

    Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland iyo wafdiga Bangiga Adduunka ayaa kormeerkooda kaddib shir ku yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe, iyaga oo ku gorfeeyey mashaariicda socda iyo meelaha ay shaqadu mareyso.

    Wasiir Cumar Xasan Fiqi, ayaa wuxuu sheegay in ay si qotodheer uga wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa xiriirka shaqo ee Puntland iyo Bangiga Adduunka.

    Ugu dambeyntii, Kristina Svensson ayaa dhankeeda boggaadisay shaqada ka socota Puntland, waxeyna si gaar ah u xustey hirgelinta Barnaamijyada habka maareynta Xogta Maaliyadda ee FMIS-ka, oo uu maalgeliyo Mashruuca PFM-DRPM Project, sidoo kale waxay bogaadisay shaqada ka socto mashaariicda kale RCRF , CIP, SURPII iyo Biyoole iyo sidoo kale dib u habeynta dhaqaalaha.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.