Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiye Xaashi “Rooble xaq uma leh inuu maamulo doorashada Gobalada Waqooyi” (Akhriso)
    Somalia

    Guddoomiye Xaashi “Rooble xaq uma leh inuu maamulo doorashada Gobalada Waqooyi” (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 24, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha siyaasiyiinta kaso jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa ay ka horyimaadeen habraaca doorashada Aqalka Hoose oo ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaran.

    Qoraal ay Golaha soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen in aysan rali ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland, balse ay soo dhaweeynayaan in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi la waafajiyay habraacyadii sanadkii 2016-kii.

    Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay sidoo kale soo saareen Saddex qidib oo ay sheegeen inay muhiim u tahay in xal laga gaaro doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo kala ah.

    1: Gudiga Doorashada Somaliland ee SEIT wuxuu u kala qaybsan yahay laba dhinac oo laba gudoon, sidaas darteed iyada oo aan la xallin oo la mideyn guddoonka Guddiga dhici karto doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka toona.

    2: Doorashada Golaha shacabka ee Somaliland waxaa saldhig u ah odayada dhaqanka ee ku jira 135-ka oday, sida xulista ergada iyo astaynta qoondada kuraasta haweenka iyagoo la tashanaya cuqaasha iyo nabadoonada jifada kursiga iska iska leh.

    3: Sidii aan marar badan hore u caddeynay, hirgelinta habraacyada iyo maamulka doorashada waxaa hagaya hogaanka siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland oo isu dhan si waafaqsan habraacii doorashadii 2016 kii. Sidaa awgeed, xafiiska RW xaq uma lahan in uu kuraasta Somalialnd iyo kuwa banaadiriga u maamulo si ka duwan sida uu u maamulayo doorashada guud ee Dalka.

    Ugu dambeyn, waxaanu cadeynaynaa in siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland u taagan yihin midnimada dalka iyo xoojinta wadajirka Soomaaliya, ayna xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan aayahooda oo ay qabsadaan doorasho madaxbanaan, hufan oo xor iyo xalaal ah.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.