Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Abiy Ahmed malaha aamuskaa loo qaatay ? 10 qodob oo uu kashifay!
    Somalia

    Abiy Ahmed malaha aamuskaa loo qaatay ? 10 qodob oo uu kashifay!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 24, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku dhawaad 2 saac oo uu hadal qulub ah uu ka jeediyay golaha Baarlamaanka hortiisa wuxuu cadeeyay dhawr arimood oo khatar ku ah isla xukuumada uu hogaamiyo islamarkaana sii xoojin kara culayska diblimaasi ee saaran.

    1. In Ciidamada Eritrea ay siwayn uga hawl galayaan gudaha deegaanka tigreega islamarkaana ay ku joogaan rabitaanka xukuumada Eritrea itoobiyana aysan wax fasax ah waydiisan,, wuxuuna yidhi, Eritrea masiin karno damaanad amni marka inay gudaha ka hawlgasho taasaa sabab u ah, wixii xatooyo, dil iyo kufsi ah ee ay gaysteen ciidamada Eritrea waan kala hadalay in baadhitaan lagu sameeyo.
    2. Inay jiraan danbiyo dagaal, dil, dhac, kufsi iyo burbur hantiyeed oo uu sababay dagaalka waqooyiga itoobiya islamarkaana ay ciidamada Eritrea qayb kayihiin dunuubta lagalay,, wuxuuna yidhi, waa suuragal inay tirada kiisasku kala duwanaadaan lkn waa hubaal inay jiraan khaladaad iyo danbiyo dagaal oo laga galay shacabka tigreega waxaana samaynaynaa baadhitaan cidii ka danbaysayna sharcigaanu horkeeni, waxaa waxan oo dhan sabab u ah waa kuwa dagaalka bilaabay.
    3. In ka sokow deegaanka tigreega ay xasuuqyo iyo dhibaatooyin xuquuqul insaanka ka dhan ahi ka jiraan gobolada Wolega ee deegaanka Oromiya iyo Deegaanka Benshangulka,, wuxuuna yidhi majirto cjd u hadasha dadka Benshangulka ee xasuuqa loogu gaystay isla deegaankooda, malaha waa kuwo madmadaw oo aan Facebook lahayn lacagna haysan.
    4. In dagaalo ba,ani ay wali ka socdaan deegaanka tigreega islamarkaana ay wiiqantahay awooda milatariga itoobiya maadaama uu khasaaruhu badanyahay, taas daraadeedna ciidanada eritrea loogu baahi qabo,, wuxuuna yidhi, ciidanku markaad dagaal gasho way dhimanayaan hadaadan badalkiisa helin askariga kaa baxana way adagtahay.
    5. In dagaalka dhanka Diblomaasiyada iyo saxaafada looga adkaaday xukuumada Abiy Ahmed, wuxuuna ku eedeeyay haayadaha UN, maraykanka iyo wadamada reer galbeedku inay wax ka dhagaystaan oo kaliya caruurtii juntaaga iyo saaxiibadood.
    6. In Sudan ay xoog ku haysato dhul itoobiya balse aysan maanta diyaar u ahayn inay dagaal kula gasho, wuxuu yidhi shalay Badime ayaan boqolaal kun kuwayn kadibna UN ayaa go,aan ka soo saartay marka Sudan iyo itoobiya waa isku mid micnaha Sudan oo carabi ah hadii Itoobiya oo giriig ah loo eegana waa isku miduun,, wuxuuna yidhi TPLF waxay hasataa aduun lacageed oo ay ku iibsatay saxaafadii iyo haayadihii iyo dilaaliintii caalamka, anagu lkn lacag mahaysano, Wuxuu ugu baaqay in jaaliyaadku lacag iska uruuriyaan kadibna dilaal caalami ah u qabtaan xukuumada silooga hortago wararka beenta ah ee TPLF fidinayso.
    7. In burburka dagaalku sababay uuyahay mid ay adagtahay suda looga soo kabto, wuxuuna yidhi dagaal micnihiisu waa burbur, waa cabsi, waa dil waa kufsi, waa qax iyo carar, lkn waxaa layaableh in kuwii nadilay, kuwii na khaa,imay aan mudna lahadal hayn balse anaga larabo in danbiilenimo nalagu shaanbadeeyo.
    8. In beesha caalamku aysan wax taageera ah oo muuqda ka gaysan kaalmada dadka dagaalku saameeyay,, wuxuuna yidhi kasokow in Twitter laga sheego in walaac laga qabo xaalada itoobiya majirto taageero aan ka helay beesha caalamka.
    9. In ciidamada axmaarada ee ku sugan deegaanka tigreega uu isagu masuul kayahay danbigii ay galaana uu damaanad qaadayo, islamarkaana hadii loo baahdo uu jigjiga gayn karo barina ku dhawaaqi karo inay ciidan qaran yihiin.
    10. In Doorashada silooga dhigo mid xalaala dib loo furi doono diiwaan galinta musharixiinta asxaabta tartanka diyaarka u ah (OLF),, waa sidaan ka fahanay hadalkiisa.

    SDM, Wax ka dheh

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.