Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Abu Dubai: Shir looga hadlayo Maalgashiga Puntland oo la Qabanayo (Daawo)
    Puntland

    Abu Dubai: Shir looga hadlayo Maalgashiga Puntland oo la Qabanayo (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 16, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa Sheegay in bilaha soo socda lagu qaban doono Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Shir looga hadlayo Maalgashiga Degaanada Puntland, taas oo ay ku baaqday Dowladdu.

    Madaxweyne Deni oo la hadlayay Jaaliyadda Puntland ee Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Shirkan looga hadlayo Maalgashiga Puntland, oo la qaban doono horaanta Bisha 8-aad ee Sanadkan, ay kasoo qeyb-galayaan dhamaan Daneeyayaasha Maalgashida Degaanada Dowladda Puntland, kuwaas oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali.

    Waxaa uu xusay in Shirkan ay dhinac socoto Madal lagu soo bandhigayo Kheyraadka laga helo Dhulka Puntland iyo Meelaha ku haboon in la maalgashado.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa Sheegay in Xukuumaddu ay dadaal ugu jirto kor u qaadista Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashada Degaanada Puntland.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/2183112848440306/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.