Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Addis Ababa: Shir looga soo hor-jeedo Hoggaanka DDS oo u socda Beesha Dir (Daawo)
    Puntland

    Addis Ababa: Shir looga soo hor-jeedo Hoggaanka DDS oo u socda Beesha Dir (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 3, 2019Updated:March 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, waxaa ka socda Shirweyne u dhexeeya Beelaha Direed ee dega Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo la sheegay in ay uga arinsanayaan aayahooda.

    Shirweynahan oo loogu Magac-daray “Shirweynaha 1-aad ee Midaynta Direed” ayaa ah kii ugu horeeyay ee Beeshana isigu timaado.

    Wararka,ayaa sheegaya in Shirweynahan uu yahay mid looga soo horjeedo Hoggaanka sare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana la sheegay in uu ka danbeeyay Abaabulkiisa Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya Axmed Shide oo gacan ka helaya maamulka Oromada iyo xaafiiska ra’isalwasaaraha.

    Xubnaha Shirweynahan ka qeybgalaya,ayaa la sheegay in ay doonayaan in Beeshu ay la wareegto Hoggaanka Dowlad Deegaanka oo ay ka degan Deegaano kooban, Iyagoona doonaya in meesha laga saaro Beesha Daarood oo Maamusha Deegaanka.

    Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Itoobiya Mustafe Cagjar, oo ka hadlay Shirkan ayaa sheegay in uu yahay mid la doonayo in lagu kala qeybiyo Dadka Degaan, loona kala saaro beel beel, sida Daarood, Dir iyo Hawiye, si loo wiiqo Awoodooda.

    Dad aan u dhalan Dowlad Deegaanka iyo kooxo qaswadayaal ah,ayuu xusay in ay soo abaabuleen Shirkan, Isagoona uga digay Dadka kasoo jeeda beesha Direed Deegaanka degan in ay ka qeybgalaan.

    Dadka u dhuundaloola arrimaha Dowlad Deegaanka Soomaalida,ayaa aaminsan in shirweynahani uu yahay mid Beesha Direed ay doonayso in ay kula loolanto Beesha Daarood ee inta badan degta Deegaanka, waxaana ay sheegeen in taas hadey dhacdo ay fursad u tahay Qoomiyadaha kale ee Dalka Itoobiya oo dagaal kula wada jira Soomaalida,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka Daawo Muuqaalka.

    https://www.facebook.com/barira.chanel/videos/2310378799001244/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.