Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afghanistan: Toban qof oo ku dhimatay Qaraxyo ka dhacay Kabul
    Somalia

    Afghanistan: Toban qof oo ku dhimatay Qaraxyo ka dhacay Kabul

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 2, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay 12 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxyo is xig-xiga oo maanta ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganistaan.

    Hamid Rushan oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Afganistaan ayaa sheegay in laba qarax oo xiriir ah ay ka dhaceen galbeedka magaalada Kabul, halkaas oo uu ka dhashay qasaara isugu jira dhimasho dhaawac badan.

    Qarax saddexaad ayaa ka dhacay xarun koronto oo ku taal waqooyiga magaalada Kabul, kaas oo geystay qasaara ballaaran sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan waaxda tamarta iyo korontada ee dowladda Afganistaan oo lagu magacaabo Sangar Niazai.

    Qaraxyada ayaa lala bartilmaameedsaday goobaha ay ku badan yihiin shiicada laga tirade badan yahay ee ku nool dalka Afganistaan, mana jirto cid sheegatay in ay ka dambeysay weerarradan.

    Ururka Daacish ayaa looga bartay ugaarsiga Shiicada ku dhaqan dalkaasi oo ah 20% dadka reer Afganistaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.