Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ahlu-sunna oo shuruud adag ku xirtay dhismaha Maamulka Galmudug.
    Somalia

    Ahlu-sunna oo shuruud adag ku xirtay dhismaha Maamulka Galmudug.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Dhuusamareeb ku sugnaa Ganacsato Reer Galmudug oo ka tagay Muqdisho, iyaga oo kulamo looga hadlayay dhismaha Galmudug la yeeshay hoggaanka Sare ee Ahlu-sunna Wal-Jamaaca.

    Hoggaanka Ahlu-sunna ayaa Ganacsatada u sheegay inay ku qanci karaan heshiiskii ay horay ula galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Ahlu-sunna 35 Xildhibaan laga siiyo Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

    Ganacsatada ayaa ku guul-dareestay inay Ahlu-sunna qanciyaan, iyaga oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ay ku wargeliyeen Madaxda Villa Soomaaliya in kulamadii ay Dhuusamareeb kula soo qaateen hoggaanka Ahlu-sunna iyo mowqifka Ahlu-sunna.

    Dowladda Soomaaliya ayaa Ganacsatada waxaa ay u dhiibtay farriin aheyd in 15 Xildhibaan Baarlamaanka Cusub ee Galmudug laga siiyo Ahlu-sunna, hayeeshee taasi ay diideen hoggaanka Ahlu-sunna.

    Hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlu-sunna Macalin Maxamuud ayaa la sheegay in Ganacsatada uu hor-dhigay in dowladda fuliso heshiiskii hore ee lagu siinayay 35 Xildhibaan ama in dowladu howsheeda dhismaha maamulka sii wadato.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay culeys kala kulmeysaa dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay, iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu dhowr jeer booqday deegaannada Galmudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.