Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: 10 Su’aalood oo Madaxweynaha Puntland uu hor-dhigay Wasiirada XFS
    Somalia

    Akhriso: 10 Su’aalood oo Madaxweynaha Puntland uu hor-dhigay Wasiirada XFS

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni wuxuu diiday $10 Malyan oo Villa Somalia logasoo dhiibay si uu uga Baaqdo Caleema Saarka Axmed Madoobe.

    Wasiirada Federaalka ee Puntland kasoo jeeda ee Madaxweyne Deni ugu yimid inuu ka Baaqdo Caleema saarka Axmed Madoobe iyagoo wada $10 Malyan oo Dollar ayaa waxa uu waydiiyay dhawr Su’aalood waxaana kamid ahaa:

    1. Waxbarashada iyo Shahaadooyinka Puntland halkee ku og tihiin?.

    2. Markii laga reebo inaad idinku Wasiirro tihiin waxaad ii sheegtaan hal qof oo reer Puntland ah oo ka shaqeeya shaqooyinka ay bixiso Dawladda Federaalka ah?

    3. Ma idinku jiraa hal Wasiir oo saxiixa ama kalsoonida hal Xildhibaan haysta iskabada rabitaanka shacabka?.

    4. Miyaad haysaan hal mashruuc oo dawlada federaalku siisay puntland ?

    5. maxay dawlada federaalku ruqsada ugu diidey shirkada dhisaysa dekeda boosaaso ?

    6. Maxay dawlada faderaalku ugu diiday puntland deeqaha waxbarasho ?

    7. Maxay dawladu ugu diiday puntland qalabka ciidanka iyo taba barada ay beesha caalamku ugu deeqdo guud ahaan soomaaliya?

    8. Maxaa loo duminaya oo lacagta qaranka loogu adeegsanayaa meel dhisan oo nabada?

    9. Mashaariicda Puntland caalamku ugu deegay loogu diiday.

    10. Maxaad adinku ugu doodi weydeen xaquuqda dadkiina halkii aad muxaafid dawlada noqon lahaydeen. Weli midkiin shir jaraaid ma qaban asaga oo u hadlaya dadkiisa uu metelo

    Sida aan xogta ku helay Wasiir Su’aalahaas mid ka mid ah ka jawaabay majiro, iyagoo yaaban oo is eegaya ayay madasha ka kaceen.

    Madaxwayne Deni ayaa u sheegay in Puntland Xaq ka maqan uusan goyn $10 Malyan uusana Laaluush ku qaadanayn Burburinta Dalka iyo Dastuurkiisa isagoo Fulinaya dano Dad gaar ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.