Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Aqalka Sare oo ka digay tallaabooyinka ka hor imaanaya Dastuurka Dalka
    Somalia

    Akhriso: Aqalka Sare oo ka digay tallaabooyinka ka hor imaanaya Dastuurka Dalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 26, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga digay Hay’adaha Dowladda iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka.

    Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faahfaahiyay Hab-raaca dastuuriga ah ee Xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya Awoodda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka koobanyahay.

    “Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku Shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka”

    Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in muddo kordhinta ay ansixiyeen Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee Dalka, wax sharciyad ahna aan laheyn Dalkana u horseeday xasilooni darro iyo qalqal amni aan la mahdin.Wuxuu Guddoomiyuhu sidoo kale xusay, inuu hore soo saaray go’aan uu ku faahfaahiyay sharci-darraninada go’aankaas Golaha Shacabka iyo waxa ka dhalan kara.

    Faahfaahinta Nidaamka Xeer-dajinta Dalka

    Sida ku cad “Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro. Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran:

    1. In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay waajib dastuuri ah tahay in uu maro aqalka kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah ee sida faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah.
    2. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay si kala goonni ah u meel mariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dastuurka KMG ah; si uu u saxiixo.
    3. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah”.

    Sida oo kale, Dastuurka KMG ah wuxuu si faahfaahsan uga hadlay habraaca lagu meelmarin karo Xubnaha Guddiyada Madaxa-bannaan oo uu ka mid yahay Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, sida uu xeeriyay Qod.112aad ee Dastuurka KMG ah. Sida oo kale, xeerka lagu dhisay Guddigaan ayaa si qummaati ugu qeexay qodobbada 10aad iyo 11aad habraaca loo marayo dhismaha guddigaan. Haddaba, tallaabooyinka lagu soo magacaabay,sida loo ansixiyay iyo sida sharci-darrada ee loo dhaariyay waxay baalmarsan yihiin qodobbada Dastuuriga ah iyo sharciga kor ku xusan ee Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalku ansixiyeen.

    Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyay in Hay’adaha Dowladda & cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta Dalka in ay ilaaliyaan sharciga Dalka u yaala ayna ka fogaadaan hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.