Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Maxaa kala socota Taariikh Nolaleedka Hoggaaminayaha Taliban ?
    Somalia

    Akhriso: Maxaa kala socota Taariikh Nolaleedka Hoggaaminayaha Taliban ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 16, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hibatullaah Akhundzaada waa 60 jir ku dhashay degmada Banjwaayi oo ku taal gobolka Qandahaar ee dhaca Koofurta Afqaanistaan. Waa Bashtuun reer Nuurzaay ah. Aabbihii Mullah Muxamammad Akhund waxa uu ahaa hoggaamiye diineed caan ah oo imaamna ka ah masjidka jaamica ah ee Banjwaayi.

    Hibatullaah Akhundzaada aabbihii ayuu billowgii cilmiga diinta ka qaatay. Hilaadda bilowgii 1980maadkii ayay qoyskoodu u qaxeen magaalada Quetta oo Baakistaan ku taalla ka dib markii ay Midowgii Soofiyeetku Afqaanistaan xoogga ku galeen. Halkaa ayuu Hibatullaah ka sii watay barashadii cilmiga iyo axkaamta diinta Islaamka.

    Dagaalkii Midowga Soofiyeetka looga baxshay Afqaanistaan ayuu qayb askarinnimo ah ka qaatay. Markiise ay Dhaalibaantu qabsadeen dalka Afqaanistaan, waxay u beddeleen Gobolka Faraah oo uu mufti u noqday Ciidanka Reebidda Xumaha iyo Faridda Samaha.

    Mar dambe ayuu Hibatullaah Qandahaar u soo wareegay iyadoo uu markaa ustaad ka noqday hoy aqooneedkii uu Amiir Mullah Maxamed Cumar laftiisu gacanta ku hayey ee Madrassa la oran jirey. Madrassa waxaa la sheegaa in ay markiiba xaadiri jireen in ka badan 100,000 oo arday.

    Intaa ka dib Mawlaawi Hibatullah Muxammad Akhundzaada waxay Dhaalibaan u magacaabeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Imaaradda Islaamiga ah ee Afqaanistaan. Waxaa la sheegaa in intii ay talada hayeen ay Mullah Muxammad Cumar iyo Mullah Akhtar Mansuur labaduba arrimaha diinta iyo fatwooyinka Hibatullaah uga dambayn jireen.

    Markii ay Dhaalibaan adduunka u xaqiijiyeen geeridii Mullah Maxamed Cumar oo sida la sheegay cudur caadi ah u allaystay, isla markaana uu dhaxlay Mullah Akhtar Mansuur, waxaa Hibatullah loo doortay in uu ku xigeen u noqdo Amiir Akhtar Mansuur.

    Maajo 25, 2016 ayay Dhaalibaan Mullah Hibatullaah Akhundzaada u doorteen in uu qabto xilka Hoggaamiyaha Sare ee Xarakada Dhaalibaan iyo Amiiirul Mu’miniinnimadii la socotayba. Wuxuu beddelay Amiirkii Mullah Akhtar Mansuur oo uu ku xigeen u ahaa, oo ay Maraykanku weerar dhinaca cirka ah ku dileen. Shuxshuxda Dhaalibaanka dhexdooda ayaa lagu weriyaa in uu Mansuur laftiisu amiirnimada uga dardaarmay Hibatullaah Akhundzaada.

    Shalay Agoosto 15, 2016 (7 Muxarram 1443) ayuu Qasriga Madaxtooyada Afqaanistaan looga taliyo la galay koox qamiisyo baakistaani ah, duubab kadan-kood ah iyo hub fudud oo AK-47 u badan wadata oo marafoon buun-caroog ah ku akhrinaysa
    ‎ ……إِذَا جَاءَ نَصْرُ اللَّهِ وَالْفَتْحُ”

    Ustaad Adan Aw-Xirsi

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.