Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Midowga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka oo kulan leh & Shuruudo cusub
    Somalia

    Akhriso: Midowga Musharixiinta iyo Beesha Caalamka oo kulan leh & Shuruudo cusub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Midowga Musharaxiinta ayaa hadda shir dhanka qadka Zoomka kula leh Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+, iyagoo ka wada hadlaya is mari waaga siyaasadeed iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

    Warqad Beesha Caalamkanu qoreen oo ahaa labo bog ayay ka dalbadeen in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Hotelkii ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore, sidoo kale falkii lagu rasaaseeyay bannaan bixii ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta.

    In Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu ku wareejiyaa talada Gole Qaran oo Kumeel Gaara ah, In heshiis kama-dambeys ah laga gaaro saddexda qodob ee muranku ka taagnaa ee hore u jiray qaab dhismeedka hay’adaha maamulka doorashooyinka, Arrinta Somaliland iyo Arrinta Gobolka Gedo, in Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha inay si toos ah uga qeybqaataan wadahadalada doorashooyinka iyo wadatashiga in la abuuro jawi siyaasadeed, oo ay ku jirto xorriyadda banaanbaxa, qabashada shirarka, ololaha, dhaq dhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo u adeegsiga warbaahinta qaranka si siman.

    Sidoo kale waxay soo jeediyeen in Taliyayaasha militariga, sirdoonka iyo booliska inay is casilaan madaama ay ku lug lahaayeen weeraradii ka dhanka ahaa musharixiinta Madaxweynaha ee mucaaradka.

    Sidoo kale waxay soo jeediyeen Jadwalka cusub ee doorashada in uusan ka dheeraan muddo 60 maalmood, waana inuu jiraa dammaanad qaad caalami ah, iyadoo la tixgelinayo khilaafaadka soo noqnoqda iyo eedeymaha ku xeeran heshiisyadii hore.

    Ugu dambeyn shirarka soo socda in lagu qabto goob amni ah, sidoo kale doorashada Madaxweynaha lagu qabto isla goobtii ay ka dhacday Febraayo 2017.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.