Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Puntland oo ku baaqday Shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17-Sep
    Somalia

    Akhriso: Puntland oo ku baaqday Shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17-Sep

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 27, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhaweynaysaa Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Sidoo kale, waxaan Dowladda Koonfur Galbeed u rajaynaynaa in ay qaataan mowqifkaas la mid ah.Dowladda Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka.

    Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.

    Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.

    Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.