Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Taariikhda Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo geeryooday
    Somalia

    Akhriso: Taariikhda Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo geeryooday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 18, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Allaha u naxariistee waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka tirsanaa Golaha Shacabka iyo xubin ka tirsan Midowga Musharaxiinta.

    Alllaha u naxariistaa Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandhi) ayaa dhashay sanadkii 1949 wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya, waxaa uu noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Canada,Wasiirka Gaashaandhigga dowlada federalka.

    Proff Gaandhi waxa uu muddo dheer wax ka dhigi jirey jaamacadaha dalka Faransiiska waxana uu hore isugu so sharaxay Madaxweynaha Jubbaland halka uu haatan ka mid ahaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaliya.

    Prof Gandi wuxuu kasoo shaqeeyey Heya’adda UNDP Xafiiskeedda Somalia wuxuu xubin firfircoon ka ahaa ururadda u dooda nabadda.

    Waxaa  uu madax ka ahaa Guddigii farsamada ee shirarkii Carta, Djibouti ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan lagu doortay, waxaa uu sidoo kale hogaaminayey ururada bulshada shirkii Kenya ee Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf sidoo kale lagu doortay, waxaa uu muddo gaaban ahaa wasiirka gaashaandhigga.

    2011: Waxaa uu ku dhawaaqay maamulka Azaaniya isaga oo hoggaamiye ka noqday (2011-2013) kadibna Safiirka Soomaaliya ee Canada(2014), baarlamaanka 10-aad ayuu ka mid noqday, waxaa uu noqday  guddoomiyaha guddiga  Dib-u-heshiisiinta.

    Prof Gandi wuxuu ahaa Dadka ugu Aqoonta Badan Soomaalida wuxuu Diyaariyey Lab Shahaado oo sare ” PH.D. ” Sidoo kale  wuxuu Qoray 12 Buug iyo in 50 Maqaal oo isugu Jira cilmi Baadhiso kala duwan.

    Hadda wuxuu ahaa xubin Baarlamaan oo ka tirsan aqalka hoose ee Gollaha Shacabka,sidoo kale na ah musharax madaxweyne oo xubin ka ah Madasha midowga Musharaxiinta isagoo ahaa Guddoomiye ku-xigeen midowga musharaxiinta

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.