Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirweynaha Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta HDQ.
    Puntland

    Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirweynaha Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta HDQ.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 21, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn u soo dhaweynayaan Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta xogta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran (HDQ) oo hal-ku-dheggiisu ahaa “AAN DUUGNO COLAADDA, OO NABADDA BEERNO!” oo si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 19 ilaa 21ka February.

    Laga soo bilaabo bartamihii sannadkii 2017, waxay Wasaaraddu qabatay Shirweyne Qaran iyo wadatashiyo lala yeeshay dadka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan oo lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhusamareb, Jowhar iyo Baydhabo. Waxa la qabtay 15 wadatashi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 1400 oo qof oo kale socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo laamaha hayädaha dowlada ee Qaran, Dowlad Goboleed iyo Deegaan.

    Sidoo kale waxa wadatashiyo lala sameeyey khubaro Soomaaliyeed iyo hay’ado cilmi baariseed. Wadatashiyadaas kadib, khubaradii waxay soo gudbiyeen nuqulka 1aad ee Hannaanka Dhab-u heshiisiinta Qaran.

    Shirweynahan Qaran oo uu daah furay Gudoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka uuna soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu soo bandhigay nuqulka 1aad ee Hannaanka Dhab-u-heshiinta qaranka waxaana kasoo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu isku ahayd 350 oo xubnood si markii ugu danbaysay dadka Soomaaliyeed loogu soo bandhigu talooyinkii laga soo uruurshay ummadda Soomaaliyeed.

    Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen:

    1. In ergooyinka loo soo bandhigo nuqulka 1aad ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta Qaran ayna xaqiijiyaan Hannaanka

    2. In latashigii ugu dambeeyey iyo wixii talooyin iyo tusaale ah laga uruuriyo dadka Soomaaliyeed Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka.

    Labada qaybood oo kala ahaa: B. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista Hannaan dib-u-heshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran;

    Kaalinta Odayaasha Dhaqanka ee Dhab-u-heshiinta Qaran
    Kaalinta Culimada Soomaaliyeed ee Dhab-u-heshiinta Qaran
    Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed iyo Dhab-u-heshiinta Qaran
    Kaalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhab-u-heshiinta Qaran
    Kaalinta Qurbajoogga ee Dhab-u-heshiinta Qaran
    Kaalinta Bulshada Rayidka ah ee Dhab-u-heshiinta Qaran
    Muhiimadda iscafinta dadka Soomaaliyeed
    Muhiimadda daaweynta damiirka qofka Soomaaliyeed (tiiraanyo-bixin)
    Xog–ururintii Ergada Shirweynaha

    Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen qaybaha tiirarka HDQ ku dhisan yahay ee loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, u fariistaan isla markaana u talooyin dhaxal-gal ah u soo jeediyaan HDQ si loogu kordhiyo nuqulka ugu dambeeya HDQ. Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su’aalo hagaya una fududaynaya in talooyin dhaxal gal ah ku soo kordhiyaan HDQ. Nuxurka Shirka Kasoo Baxay

    In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan Dhab-uheshiin run ah.
    In Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran yahay mid ka turjumaya baahida iyo waayaha dhabta ah ee dalku ku sugan yahay
    Si Dhab-u-heshiinta waarto loo helo, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran, waa in la hirgeliyo Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo ay Golaha Wasiirrada Qaranka ansixiyaan si loo soo celsho kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay
    In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dhab-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu kaalmeeyaan
    In hirgelinta dhab-u-heshiisiinta iyo hogaamintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad
    In maalinta is-cafiska looga dhawaaqo dalka.
    Baaqa Shirka

    Shirku waxa uu ku baaqayaa:

    In Dowladdu ay sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariso Hannaanka Dhab-uheshiinta Qaran (HDQ) si loo soo afjaro isbar-baryaaca arrimaha dib-uheshisiinta ee in ka badan 27 sano ka socday dalka.
    In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso qorshaha la socda Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran.
    In dowladdu mudnaan gaar ah siiso deminta khilaafyada hadda taagan ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado.
    In la taageero oo la tayeeyo hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen.
    Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-uheshiisiinta, isla markaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan ee nabadda wax u dhimaya.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.