Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo weerartay Ajaanib macdan ka guraneysay Buuraleyda Cal-madow ee Puntland
    Somalia

    Al-Shabaab oo weerartay Ajaanib macdan ka guraneysay Buuraleyda Cal-madow ee Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar dhabo gal ah ku qaaday Masuuliyiin kamid ah Dowladda Puntland, kuwaas buuraha Cal-madow ee Gobalka Sanaag, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Ciidanka Amniga Puntland.

    Weerarkan oo ahaa mid kooban ayaa shalay ka dhacay degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag, waxaana la sheegay in uusan ka dhalan khasaare nafeed, marka laga soo tago gaari CABDI-BILE ah oo ka carareen Masuuliyiintu, kaddibna ay gubeen Shabaabku.

    Dadka Degaanka ayaa sheegay in Masuuliyiinta Puntland ee la weeraray ay la socdeen rag cadaan ah, ayna guranayeen macdan, waxaana ay intaas ku dareen inay weerarkaas geysteen maleeshiyaad Degaanka kasoo jeeda.

    Warar hoose oo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegaya in gaariga Cabdi-bilaha ah ee weerarkaas lagu gubay uu lahaa Duqa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayna weteen maleeshiyaad ku beel ah oo galbinayay Masuuliyiinta iyo Khuburo ajaanib ah oo dhag-xuun macdan ah guranayay.

    Buuraleyda Degaanka Puntland ee Cal-madow iyo Cal-miskaat ayaa waxaa lagu tilmaamaa inay ku jirto macdanta ugu badan ee Soomaaliya, waxaana gabaad ay u yihiin Unugyo kamid ah Ururada Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo weeraro joogto ah kala kulma Ciidanka Amniga iyo Sirdoonka Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.