Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo 61 xubnood ku weyday Qarax ka dhacay Gobalka Sh/hoose
    Somalia

    Al-Shabaab oo 61 xubnood ku weyday Qarax ka dhacay Gobalka Sh/hoose

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 8, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya, gelinkii dambe ee shalay ayaa tuulo lagu magacaabo Aala-fuutow oo qiyaastii 65-KM dhanka galbeed ka xigta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa ka dhacay qarax xoog leh oo khasaare culus uu ka soo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena dad shacab ah ay ku dhinteen.

    Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 61-xubnood oo isugu jiray saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, dagaalamayaal kale iyo dad rayid ah, waxuuna ka dhashay gaari weyn oo kooxdu ay ku diyaarineysay waxyaaba qarxa.

    Warbaahinta ciidamada qalabka sida oo soo xiganeysa saraakiil militeri ayaa baahisay warka qaraxaan iyo xogta khasaaraha ka dhashay.

    Hooyo iyo cunug yar oo ay dhashay oo goobta ka ag dhawaa ayaa la sheegay inay ka mid yihiin 61-da qof ee ku geeriyootay qaraxaas, halka 59-ka kale ay ahaayeen Shabaab, waxaana ku jira ilaa lix sarkaal oo ajaanib ah, sida lagu shaaciyey xogtaan.

    Guri ka koobnaa 11-qol oo qaraxyo isugu jira kuwa gawaarida lagu rakibo, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo jaakadaha is-miidaaminta ay ku diyaarinayeen ayaa la sheegay inuu galabta ku burburay qaraxaas, kadib markii uu ku qarxay gaari weyn oo ay qarax ku rakibayeen, waxaana geeriyooday dhammaan xubnihii saraakiisha iyo dagaalamayaasha isugu jiray ee ku sugnaa gurigaas.

    Saraakiisha ajaanibta ah ee ku geeriyootay qaraxaas waxaa la sheegay inuu ka mid yahay nin lagu magacaabi jiray Axmed Shariif (Abuu Bilaal) oo u dhashay dalka Afgaanistaan iyo nin magaciisa lagu soo koobay Khaalid oo isna u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo aad ugu xeel dheeraa sameynta qaraxyada ay kooxdu ka fuliso Soomaaliya.

    Xaruntaas waxaa la sheegay inay aheyd tan ugu weyn ee qaraxyada lagu diyaariyo oo kooxdu ay ku laheed gobolka Shabeellada Hoose, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya balan qaadeen in baaritaan kadib ay soo gudbi doonaan xog dhameystiran oo ku saabsan qaraxaas ka dhacay duleedka degmada Qoryooley.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.