Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaano muhiim ah
    Somalia

    Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaano muhiim ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo saaray warbixin la xiriirta howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmooyin & degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM ay howlgalkii ugu dambeeyay ku qaadeen degaananda Mishaani iyo Doonka daafeedow, halkaas oo ay ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

    Abaanduulaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM Gen. Don William Nabasa  ayaa sheegay in howlgallada oo ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay qeyb ka ahaayeen hawlgallo isdaba-joog ah oo socda oo loogu talagalay in lagu sii yareeyo awoodaha Al-Shabaab.

    Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa AMISOM ay weerareen 12-kii Bishii Febaraayo Tuulada Adimole, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab si ay u weeraraan fariisimaha ciidamada AMISOM.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.