Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay Xerada Xalane
    Somalia

    Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay Xerada Xalane

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 27, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Al-Shabaab ayaa markii labaad 24-saac gudahood weerar madaafiic ah ku qaaday xarunta Xalane oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, Hey’adaha Qaramada Midoobey iyo Safaarado dhowr ah.

    Weeraradan Madaafiic ayaa dhacay shalay subax iyo xalay fiidkii hore, waxaana la sheegay in dhowr madaafiic ku dhaceen Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

    Madaafiicdii shalay ayaa sidoo kale ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Xerada Xalane waxaa ku dhintay illaa afar qof rayid ah oo guryahooda madaafiicda ku habsadeen.

    Al-Shabaab ayaa qoraalo ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in duqeyntaas lagu dilay Dad ajaaniib ah, wallow aysan jirin wax war oo kasoo baxay AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan weeraradan madaafiicda ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.