Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo mar kale fagaare ku toogatay 10 Ruux
    Somalia

    Al-Shabaab oo mar kale fagaare ku toogatay 10 Ruux

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 29, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ururka Al-Shabaab ayaa markale goob fagaare ah ku toogtay muddo todobaad ah gudihiis ah 10 Ruux oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowlado shisheeye, toogashadaas ayaa kala kala dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe & degaanka Buula Fuulay ee gobolka Baay.

    Toogashada koowaad oo ka dhacday fagaare ku yaal degmada Jilib ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan, waxaana ragga la toogtay Afar kamid ah lagu eedeeyay inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka halka kan Shanaad lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Ingiriiska.

    Shanta Ruux oo ay Al-Shabaab ku toogteen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo isugu jira dhalinyaro iyo dad waaweyn ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay.

    Sacad Muuse Xaaji Daahir, Cabdow Mad Abow, Cabdulle Cumar Maxamuud &  Cabduqaadir Caddaan Xassan  oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka &  Cabdiraxmaan Axmed Maxamed  oo lagu eedeeyay in uu la shaqaynayay hayadda sirdoonka MI6 ee dowladda Ingiriiska.

    Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaal degaanka Buula Fuulay ee gobolka Baay waxaa ay ku toogteen Shan Ruux oo kale, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka.

    Maalin ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab sidaan oo kale ay goob fagaaro ah oo ku taal degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen 6 Ruux oo kala ahaa 5 rag ah iyo haweeneey, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.