Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Algeria: Wararkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Bouteflika oo is-casilay iyo dabaal-degyo socda (Daawo)
    Puntland

    Algeria: Wararkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Bouteflika oo is-casilay iyo dabaal-degyo socda (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 3, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ALGIERS (IDIL NEWS)-Dowladda Algeria ayaa xaqiijisay in Madaxweynihii dalkaas Abdelaziz Bouteflika uu is casilay kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani dalkaas ka socdeen.

    Wakaaladda dowladda ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu iscasilay Shacabka uu ugu baaqay in ay muujiyaan tanaasul oo ay taageeraan Isbedalka cusub ee ay doonayaan.

    Mr Bouteflika, oo talada dalkaas hayey 20 sanadood, ayaa mar horeba meesha ka saaray qorshe uu doonayey in uu mar shanaad isu soo taago madaxtinimada dalkaas, waxaana is-casilaadiisii kaddib Magaalooyinkaas ka bilowday Dabaal-degyo lagu soo dhaweynayo is casilaadiisa.

    Ciidanka awoodda badan ee dalkaas ayaa sheegay in madaxweynahaas 82 jirka ah aanu awoodin in uu guto waajibaadkiisa.

    Hoggaamiyahan xanuunsan ayaa waxaa haleelay xanuunka faaligga lix sano kahor, waxaana aad u yarayd in lagu arko fagaareyaasha.

    Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku baaqaya in gabi ahaanba la baddalo nidaamka siyaasadeed ee dalkaas ka jira, kaas oo ciidamadu ay kaalin wayn ku leeyihiin.

    Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa u badan dhalinyaro waxayna doonayaan nidaam xukuumadeed oo cusub.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.