Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ammaanka Xildhibaanada Ilhan Cumar oo la Adkeeyay Iyo Hanjabaado (Daawo)
    Puntland

    Ammaanka Xildhibaanada Ilhan Cumar oo la Adkeeyay Iyo Hanjabaado (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 15, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WASHINGTON (IDIL NEWS)-Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Congorres-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa Shaaca ka qaaday inay Kordheen Hanjabaadaha loo soo diray, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Madaxweynaha Dowladda Donald Trump uu baahiyay Muuqaal goos goos ah oo muujinaya naceyb.

    Afhayeenadda Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka Nancy Pelosi, ayaa sheegtay inay Sarkaalka dhinaca Ammaanka ee Aqalkaas kala hadashay Ammaanka Xildhibaanad Ilhan Omar iyo in ilaalo khaas ah loo sameeyo.

    Hadal-qoraal oo ay soo saartay Nancy Pelosi waxay kaloo ku sheegtay inay doonayso inay Ciiddanka Boliska ee Capitol (USCP) ee u xil-saaran ilaalinta Ammaanka Xildhibaanadda dalkaasi inay Ilaalo Khaas ah u sameeyaan Ilhaan Cumar, Qoyskeeda iyo shaqaalaheeda.

    “Waxay Ciiddankaasi sii wadi doonaan inay ilaaleeyaan iyo inay sheegeen Cabsida soo wajihi karta Ilhaan Cumar” ayey tiri Afhayenadda Aqalka Wakiiladda ee Maraykanka.

    Nancy Pelosi waxay kaloo qoraalkeeda ku sheegtay in hadallada Madaxweyne Trump lagu miisaami karo Hal Tan iyo  inay nacaybkiisa ay abuuri karaan Khatar Xaqiiqo ah.

    “Madaxweyne Trump waxaa waajib kuugu ah inaad hoos u dhigto Ixtiraam la’aantaada dadka kale iyo Muuqaalladda Video-ga ee Khatarta leh” ayey Afhayeenadda Aqalka Senedka Maraykanka si tooska ah ugu sheegtay Madaxweyne Trump.

    Trump waxaa uu durbadiiba ka saaray Twitter-kiisa qoraalkii Eedeynta ee ka dhnaka ahaa Ilhaan Cumar.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/Yu.abdi.shire/videos/2091178924328780/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.