Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Amnesty: 106 qof oo dibad-baxayaal ah ayaa lagu dilay Iran
    Somalia

    Amnesty: 106 qof oo dibad-baxayaal ah ayaa lagu dilay Iran

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Haya’dda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Iran ay dileen ugu yaraan 106 qof, oo qeyb ka ahaa dibad-baxyo ka socday dalkaas tan iyo jimcihii tagay oo ka dhan ah dowladda.

    Tiradaaas ayaa afar jeer ka badan dadkii ku dhintay dibad-baxyo kale oo xooggan oo dalkaas ka dhacay laba sano ka hor.

    Cilmi-baaraha Amnesty ee dalka Iran, Raha Bahreini ayaa u sheegtay laanta Persian-ka ee VOA in Amnesty ay go’aamisay tirada dhimashadaas ayada oo soo xiganeysa goobjoogeyaal.

    VOA Persian ayaa si madax banaan u xaqiijisay in ciidamada Iran ay dileen toddoba dibad-baxayaal ah, sabtidi.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dibad-baxyada lagu dilay dhowr qof, oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda.

    Dibad-baxyada oo billowday Jimcihii ayaa kusii fidaya dhowr magaalo oo dalkaas ka mid ah.

    Dowladda Iran ma aysan sii deyn warbixin rasmi ah oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay kuwa ku dhaawcamay dibad-baxyada, iyo sidoo kale tirada dadka la xiray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.