WARSAXAAFADEED: Burin Heshiiska Xirmooyinka Shiidaalka ee uu galay Wasiirka Batroolka Muqdisho, 19ka Febraayo 2022: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka. Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan…
Author: Jibril Qoobey.
A key IMF-supported programme funding military wages and other essential services in Somalia could expire in May if there are any further delays to elections, the chief International Monetary Fund representative in the country said. Riven by civil war since 1991, the impoverished Horn of Africa nation has paid its bills since 2017 thanks to the IMF as it slowly rebuilds its institutions despite a ferocious Islamist insurgency. The current three-year budget programme, worth nearly $400 million, is also a required part of a deal to slash Somalia’s debt from more than $5 billion to around a 10th of that.…
HOUSTON, Feb. 19, 2022 /PRNewswire/ — Coastline Exploration Limited (“Coastline”), the upstream oil and gas company focused on East Africa, announces that it has signed seven Production Sharing Agreements (“PSAs”) covering offshore, deep-water blocks of the Federal Republic of Somalia. These PSAs enable Coastline to proceed with plans to explore for oil and gas on the many prospects and leads identified in these offshore blocks. W. Richard Anderson, Chief Executive of Coastline, commented, “Somalia contains the largest remaining unexplored set of basins situated in warm waters in the world. We are honoured and excited to be part of its future development. The Government of Somalia and the Ministry of…
Sidii la filayay Maamulka mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo waxay saxiixeen wax lagu sheegay heshiis Shidaal. Shirkadaha Liberty Petroleum and Coastline Petroleum,ayaa heshiisyo aan sharciyad haysan la galay Maamulka Farmaajo oo mudo xileedku ka idlaaday. Heshiis kasta oo ay la saxiixdaan Shirkadahaas Maamulka Farmaajo waxa uu noqon doonaa mid bura. Ujeedka Shirkadahan ay udanaynayaan saxiixa heshiiskan,waa in ay kala haraan Dowlada aan sharciyada haysan ee Farmaajo heshiis qiimo jaban. Liberty Petroleum and Coastline Petroleum,waxay ku luminayaan heshiiskan sumcadooda !!!
Waxaa si habsami leh uga socda caasimada Deegaanka Somalida ee Jig-,jiga Kalfadhiga Golaha Wakiilada. Golaha xildhibaanada Deegaanka Somali Galbeed,ayaa Cod-buuxa ku ansixiyay Hanti-dhawraha Guud ee DDS oo uu Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar umagacaabay Cali Baaruud Sh. Axmed. Gudoomiyaha Maxkamada Guud ee DDS ayaana mudanaha u dhaariyay xilka cusub ee loo doortay. Sidoo kale Golaha Baarlamaanka Deegaanka,ayaa meel mariyay Guddiga joogtada ah ee Golaha
Hoggaaminta Deegaanka iyo kuwa Bangiga Adduunka,ayaa isla-meel-dhigay in si gaar ah ay uga wada shaqeeyaan horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee bulshada Deegaanka. Masuuliyiintii ay hoggaaminayeen Ousman Dione, Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduunka ee wadamada Itoobiya, Sudan, Eritrea iyo South Sudan iyo Wasiiru Dawlaha Maaliyada dalka marwo Samereta sewasewayaa soo gabagabeeyay booqashadii ay deegaanka ku yimaadeen ee ay ku indha-indhaynayeen xaaladda abaaraha iyo mida horumarkaba. Madaxwaynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar,ayaa uga mahad-naqay wafdiga taageerada dhanka jawaab-celinta abaaraha iyo ka qaybqaadashada horumarka Deegaanka Somalida. Waftiga iyo hoggaaminta DDS waxay isla garteen in ay si gaar ah ay uga wada shaqeeyaan adkaynta nidaamka dawligga…
Waxaa salka loo dhigay xabbad-joojintooda labo qabiil oo walaalo ah oo dhowaan khilaaf ku dhex-maray dhul-daaqsimeedka Harare ee degmada Shilaabo ee Gobolka Qorraxey ee dhaca xudduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Deegaanka Soomalida, gaar ahaan Degmooyinka Shilaabo, Balanbal iyo Guri-ceel. Nabadaynta labadani qabiil oo qaadatay muddo 10 cisho ah ayaa waxaa ka qeyb-qaadanayay Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee DDS, gaar ahaan guutada 3aad ee fadhigeedu yahay Gobollada Qorraxey iyo Doollo, la-taliyayaash madaxweynaha DDS ee dhanka nabadgelyada, Baddel Xiis iyo Xirsi Dool, masuuliyiinta Gobolka Qorraxey, kan Degmada Shilaabo iyo masuuliyiinta iyo Ciidammada Degmooyinka Balanbal iyo Guri-ceel ee Maamul-goboleedka Galmudug Somaliya,Odayaal-dhaqmeedka labada dhinaca…
Waxaa magaalada Beledweyne ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle gaaray Musharax Xildhibaan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo u sharaxan Kursiga Sumaddiisu tahay HOP086. Saacadaha soo socdo,ayuu qaadan doona Shahaadada musharaxnimo ee kursigii HOP086 oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Shiikh Cabdulqaadir. Shalay ayay Laba Diyaaradood geeyeen Beledweyne Ergeda dooranaysa Fahad Yaasiin.
Ethiopia ayaa Axadda berri ah bilaabeysa in ay koronto ka dhaliso biyo-xireenkeeda muranka badan dhaliyay ee wabiga Nile-ka Buluuga, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen wakaaladda wararka AFP. Biyo xidheenkan oo lagu magacaabo Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) oo noqonaya mashruucii ugu waynaa ee koronto laga dhaliyo ee ku yaalla Africa ayaa udub dhexaad u ahaa khilaaf ka taagnaa gobolka tan iyo markii ay Ethiopia dhaqaajisay dhismaha biya-xireenkan sanadkii 2011-kii. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay AFP Sabtida maanta ah in berri la bilaabi doono in tamar laga dhaliyo biya-xireenka. Sarkaal labaad ayaa isna xaqiijiyay warkan. Labada…
Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa maanta hakiyay qabashada doorashada kuraasta golaha shacabka ee ka imanaya beelaha Banaadiriga ee Muqdisho. Beelahaasi,ayaa soo gudbiyay cabasho la xiriirta in la boobayo qaar ka mid ah kuraasta Benaadiriga. Dhinaca kale, Maraykanka ayaa mar kale ku celiyay in uu tallaabo adag ka qaadi doono cidda caqabad ku noqota dardar-gelinta doorashada Somaliya ka socota.
Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku dhintay 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii qof ismiidaamiyay uu Sabtida maanta ah isku qarxiyay maqaayad ku taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dadka waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa ayaa waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan maamulka gobolka, siyaasiyiin iyo askar. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Ka dib markii uu kulan wadatashi ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT), Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble waxa uu magacaabay Guddi ka kooban 7-xubnood oo ka socda FEIT, SEIT Banaadiriga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kuwaas oo kala ah: FEIT1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Guddoomiye2- Maxamed Aadan Cismaan3- Cabdi Hiis Udan SEIT Banaadiriga4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay. Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga5- Saciid Cabdulqaadir Axmed6- Maxamed Cabdulxamiid Axmed Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle La taliyaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha Guddigan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaray in ay baaraan cabashada la xiriirta…
Halkan ka daawo muuqaalka
Qaraxa ka dhacay Bosaso Saacad ka hor,waxaa ku dhintay Labo Qof,waxaana ku dhaawacmay 11-Qof,sida isbitaalka weyn uu xaqiijiyay. Qarax,ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taal Isgoyska Maqaska. Xaalka Magaaladu hada waa degan yahay . Qaraxan waa mid ka mid ah kuwa argagixisadu ay dhigto.
Guddiga doorashada Banaadiriga,ayaa soo bandhigay Liiska Guddiga soo xulista ee shanta kursi. Doorashada shanta kursi ee Banaadiriga ayaa todobaadkan la qabanayaa, sida uu horay u shaaciyay Guddiga doorashada Banaadiriga. Halkan ka akhriso:-
Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa ka digtay inay joojin doonaan lacagaha ay ku taageeraan mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya bisha May haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada dalka Somaliya. IMF ayaa tan iyo sanadkii 2017dii ka caawinaysay dowlada Soomaaliya bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowlada iyadoo miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad 400 oo milyan oo dollar. Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya, ayaa u sheegtay Reuters in barnaamijku si toos ah uu u dhamaanayo haddii aysan…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa gelinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go’aansaday inuu ku duulo Ukraine. Milateriga Ruushka ayaa ku dhawaaqay in Sabtida maanta ah ay sameyn doonaan dhoolatus ballaaran oo ay ku sameynayaan ciidamadooda istaraatiijiga ah ee Nukliyeerka, kaasoo Putin uu si shaqsi ah u kormeeri doono. Si kastaba ha noqotee, Madaxweyne Biden wuxuu sheegay inuusan rumaysnayn in Putin uu si dhab ah uga fikirayo adeegsiga hubka Nukliyeerka.
Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Somaliya,ayaa looga dalbaday in madaxda Somalida ay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo 25-ka bishan,si lagu kalsoonaan karo oo daah-furan. “Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqalad ku keenta ama carqaladeysa hanaanka doorashooyinka,”,Ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Mareykanka ee Somaliya.
Saaxiibada caalamku* waxa ay ka war hayaan in doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay qiyaastii kala bar qabsoontay. Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba. Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan. Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Sidoo kale, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan madaxda inay ka fogaadaan…
Jamaal Faarax Aadan ma dilin Labada Wiil oo loo qabtay ee maalmahan Muuqaaladooda baraha Bulshada ku jiray. Dabagal fiican oo la sameeyay,waxaa lagu xaqiiqsaday in Wiilashaas aysan geysan dilka Jamaal Faarax Aadan. Sayloon waa Wiil balwad lahaa oo aad ucaba Xashiishka oo aan waxba loo dirsan jirin. Dilka Jamaal Faarax Aadan,waxaa gacanta geystay Nin udhashay Beesha Hawiye,Habar-gidir ,Cayr. Magaciisu waa Sahal,waxuuna ahaa Darawal Bajaajle ah. Teloofoonada uu isticmaali jiray,waxay ahaayeen.. 0615705528/0614042021. 19-May 2021,ayuu Qarax ku dhintay dhanka koonfurta Gaalkacyo. Ugu yaraan waa in aan lagu deg-degin dilka Wiilashaas oo dib loogu laabtaa baarista kiiskaas. Jibril Qoobey.
Hoggaanka nabadgelyada DDS oo sheegay in Deegaanku uu ka jiro amni dhammaystiran. Hoggaanka nabadgelyada DDS Mubashir Dibbad Raage oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in guud ahaan Deegaanka Soomaalida uu ka jiro amni dhammaystiran, islamarkaana ay socdaan qorshayaal lagu xoojinayo amniga guud. Dhanka kale, Hoggaanka nabadgelyada DDS ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallo u dhaxeeya Deegaanka Soomaalida iyo Deegaanka Canfarta oo ku aaddan xallinta muranka dhanka xudduuda ee u dhaxeeya labada deegaan isaga oo xusay in wada-hadalladan ay gadhwadeen ka tahay dowladda dhexe. Xilli uu ka hadlayay xaaladda amni ee degmada Aw-barre waxa uu sheegay…
Bangiga adduunka,ayaa lacag ka badan 60-Milyan oo dollar ku taageeray Deegaanka Somali Galbeed ee Jigjiga si wax looga qabto abaarta ba’an ee ku dhufatay shacabka. Masuuliyiinta sare ee xukuumadda Deegaanka iyo kuwa bangiga adduunka ayaa kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada kulankan ayayna ujeeddadiisu ahayd xoojinta daddaalada kala-duwan ee gurmadka abaaraha. Kaddib markii masuuliyiinta dawladdu ay sharaxaad kooban ka siiyeen masuuliyiinta Bangiga xaaladda abaarta Deegaanka,ayaa waxa ay ku deeqeen lacag ka badan 64 milyan oo dollar oo wax lagaga qabanayo xaaladda abaarta, lacagtan ayaa wajigii koowaad lasoo dayaay oo dhan 38-Milyan oo dollar.
Warqadii lagu hakinayay tartanka Kursiga Fahad Yaasiin usharaxan yahay,waxay kasoo baxday garab ka mid ah Gudiga Doorashada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Muuse Geelle. Rooble,ayaa ka dalbaday Muuse in uu joojiyo tartanka Kursigaas,balse dood,ayaa ka dhalatay keentay in Gudigu kala jabo. Markii Gudoomiye Geelle xalay Warqada amray in la shaaciyo,ayaa waxaa bartii FC la wareegay garabkii kale ee diidanaa hakintaas,waxayna soo geliyeen Warqad ay ku beeninayaan. Ilaa iyo hada warcad majiro balse waxaa la ogaaday in Gudiga Doorashada heer Fadaraal kala jabay. Gudiga Doorashada Hirshabelle,isagu waxuu ku adkaysanayaa in tartanka Kursigaas furan yahay. Beledweyne,waxaa diyaarad lagu geeyay saakay ilaaladii iyo Ergadii…
Waxaa manta Maxkamad ku taalla magaalada Kuala Lambur ee waddanka Malaysiya lasoo taagay Nin ku eedeysan dilka Gabar Soomaali ah oo toddobaadkan lagu dilay dalkaasi. Amaal Maxamed Siciid Hoggaamo oo ah sii hayaha Safaarada Somalida ee Maleesiya ahna Qunsulka Safaaradda oo la hadashay idaacada VOA laanteeda Somaliga,ayaa sheegtay in ehelka Marxuumadda ay ka qaybgaleen fadhiga Maxkamada. Dhinaca kale saacado yar kadib,ayaa lagu wadaa in caasimadda Maleesiya lagu aaso Dahabo Cumar oo Axaddii dilkeedu uu ka dhacay isla waddankaas.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcaha maanta ah u ballansan uu hogaamiyeyaasha dalka ku jira gaashaabuurta NATO uu kala hadlo xiisadda ka jirta Ukraine. Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynuhu uu hogaamiyeyaashaas ogeysiin doono dadaallada Maraykanka ee diblomaasiyadeed iyo kuwa ka-reebidda ee in Ruushku uu fal ku kaco. Khamiistii shalay ayaa Biden yiri “aad bay u sarreysaa” suurto galnimada in Ruushku weerari doono Ukraine dhowrka maalmood ee soo socda. Isaga oo la hadlaya warfidiyeenno Aqalka Cad ku sugnaa ayuu yiri “Waxaa jira sababo aan ku rumeysanayno inay diyaarinayaan hawl mar-marsiiyo ah si duullaan ay sabab ugu helaan. Waxa uu intaas…
Guddiga doorashada heer Fadaraal ee Somaliya,ayaa goor sii horreysay soo dhigay warqad ay ku joojinayaan doorashada HOP#86. Warqadaas ayay soo dhigeen barahooda Facebook iyo Twitter-ka. Daqiiqado ka dib, warqaddii waxay ku tilmaameen “been abuur ” waxaana laga saaray bartooda Facebook. Balse warqaddu weli waxay kusii jirtaa Bartooda kale ee twitter-ka. Waa dhaqan aan ku wanaagsanayn Gudi looga fadhiyo hufnaan in ay muujiyaan siina luminaya kalsoonidii yarayd ee Bulshadu ku qabtay hanaanka Doorashada. Dad badan,ayaa qaba in Warqadaad aysan been abuur ahayn,balse ujeedkii laga lahaa uu fuli waayay.
Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland ayaa dib u bilaabay doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana maanta la doortay saddex kursi oo midkood uu ku guuleystay wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Saadiq Cabdullaahi Cabdi, kadib markii musharraxii kula tartamayay kursiga HOP092 oo ahaa Cabdullaahi Aadan Ibraahim uu tanaasulay. Ergada doorashada kursigan ayaa si gacantaag ah ku ansixiyay Injineer Saadiq Cabdullaahi Cabdi, waxaana guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland Siyaad Maxamed Mursal uu shaaciyay inay ansax tahay natiijada rasmiga ah ee kursigan. Nasra Mahdi Carraale ayaa iyana ku guuleysatay kursiga 023 ee Golaha Shacabka, kadib markii ay u tanaasushay…
Gudiga Doorashooyinka heer Federaal,ayaa bartooda ka saaray Warqad lagu sheegay in la hakiyay tartanka Kurisiga Hop #086,kaasoo ah kan Fahad Yaasiin utartamayo. Sidoo kale Gudiga Doorashada ee Hirshabelle,ayaa diiday go’aanka ku qornaa Warqadaas,waxayna cadeeyeen in kursigaas la qabanayo tartankiisa. Dhanka kale diyaarad siday Ciidamo badan oo ilaalo gaar ah u ah Fahad Yasiin taliyihi hore ee NISA hadana u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay Hop#086,ayaa Ka dagtay Garoonka diyaraadaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne. Laba Diyaaradood oo kale,ayaa geeyay Beledweyne Ergadii dooran lahayd Fahad Yaasiin kuwaasoo la dajiyay goob amaan ah oo horay loogu diyaariyay.
Guddiga Doorashada Heer Federaal oo ku wargeliyey Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamkaba in Boggii ay ku lahaayeen Barta Facebook-ga uu galay gacan kale, sidaa daraaddeed intuu gacanta guddigu ku soo noqonayo wixii lagu faafiyo aysan waxba ka jirin.
Guddiga Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) oo hakiyey Qabashada Doorashada Kursiga HOP #86. Halkan ka akhriso:-
Colaada Sangajabiye ee udhaxaysa Beesha Maxamed Ugaar iyo Beesha Dhulbahante,waxaa fashilinaya soo afjarideeda Kooxda Aaran-jaan. Ujeedka Aaran waa Shan ujeedo oo ka dhan ah Beesha Maxamed Ugaar,kuwaasoo kala ah.. 1.In Beesha Maxamed Ugaar la geliyo colaad si aysan fursad ugu helin Siyaasiyiintoodu loolanka Doorashada soo socota ee Madaxweyne. 2.In Beesha Maxamed Ugaar oo ah mida xigta darafyada Beelweynta Ciise Maxamuud laysku dhufto Beelaha dariska ah. 3.In Beesha Maxamed Ugaar iyo Beesha Dhulbahante xumaan gaar ah lakala dhex dhigo si beri Siyaasiga Beeshaas kasoo jeeda uusan cod uga helin Xildhibaanada Dhulbahante. 4.In la ceebeeyo Beesha Maxamed Ugaar oo Beelaha kale ee…
Axmed Karaash socdaalkiisii Bosaso ee la filayay waa fashilmay. Kadib markii Axmed iska diiday codsi uga yimid Deni oo ahaa in uu Bosaso tago oo arimaha cakiran dhameeyo. “Adigaa Gobolka kasoo jeeda oo xaalada taagana abuuray ee tag,meeshu haday ahaan lahayd Sool iyo Nugaal anigaa ku khasbanaan lahaa”Ayuu ku yiri Axmed. M.xigeenku horay,ayuu Deni ugaga hor yimid weerarkii Xerada PSF iyo colaad ka abuuridii Bosaso.
Golaha Wasiirada Dowlada Puntland,ayaa ansixiyey dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan Shirkadaha korantada ee ka jira Puntland. Shirkadan saamiga ugu weyn,waxaa iska leh reer Deni,waana mid qandaraas ku qaadanaysa guud ahaan Kotontada,kadibna Shirkadaha kale iyada ay kasii qaadan doonaan. Ujeedkooda ugu weyn waa in ay Korontada Bosaso gacanta ku dhigaan,waxaana hada usocda xarumo Koronto dhalin ah. In la dhiso Shirkadan mahdinteedu waxay ku xirnaan doontaa hadii ay waxtar uyeelato Bulshada oo Qiimaha Korontada ee aadka uqaaliga ah ay wax ka badasho. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Safiirka Mareykanka ee Somaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Towsenr,ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka, kuwa Kumaandooska ee Danab. Sidoo kale waxay wadajir ula kulmeen Taliyaha Ciidanka Jen.Odawaa Yuusuf Raagge. Kulanka,ayaa looga wada hadlay arrimo ay ugu waa weynaayeen Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada. Maraykanka,ayaa gacanta ku haya Saldhiga Balidoogle,waxuuna taageero iskugu jirta Tababar,Qalab iyo dhaqaale siiyaa Ciidanka Danab. PSF oo sidaas oo kale Maraykanku gacanta ugu hayay,ayaa hada meel dhexe kusoo dhacay kadib markii Madaxweyne Deni ay fgaran waayeen Maraykanku.
Madaxweyne Deni,waxuu dhagax dhigey shaqo uu qaban doono Wiilkiisa. Dhisme cusub oo loo dhisayo Wasaarada Warfaafinta Dowlada Puntland,ayuu Maanta dhagax dhigay Madaxweyne Deni. Wasaarada Warfaafinta,ayaan lahayn dhisme ugaar ah oo casri ah si la mid ah inta badan Wasaaradaha kale ee Puntland. Shirkada Maandeeq ee uu leeyahay Wiilka Madaxweynaha ee haysata Qandaraasyada inta badan Puntland,ayaa dhisaysa dhismahan. Wiilka Madaxweyne Deni,waxuu leeyahay dhawr Shirkadood oo magacyo kala duwan leh oo uu ku qaato Qandaraasyada. Looma tartamo xili xaadirkan Qandaraasyada Dowlada Puntland oo waxaa toos uqaata Wiilka. Waxaana ka mid ah Qandaraasyada la tilmaami karo ee udanbeeyay Wadooyinkii Bosaso ee 4.5-m oo…
Maalintii Arbacada ee ay taariikhdu ku beegneyd 16-ka bisha February, 2022-ka waxaa magaalada Baraawe ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka ee HOP 145, taasoo uu ku guuleystay Maxamed Cabdalla Axmed. Xildhibaan Maxamed waxa uu baddalay Cabdiweli Muudeey oo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ka ahaa baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday ee 10-aad, waxaana uu xilkaas xildhibannimada hayay ku dhawaad 20 sano. Inkastoo Muudeey uu tabasho qabay, uuna sheegay in laga hor istaagay safarkii uu ku tagi lahaa Baraawe, haddana doorashadu waxay ku dhacday jadwalkii loo qorsheeyay. Wax badan lagama yaqaanno bogga siyaasadeed ee xildhibaanka cusub, oo inta badan loo arko nin ku cusub…
Ciidamada Booliska Dowladda Kenya,ayaa adkeeyay ammaanka xaafadda Eastleigh ee magaalada Naiorbi kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka dhaceen falal amni darro ah oo lagu beegsanayay bulshada Soomaalida ee ku nool Xaafaddaasi. Guddiga amniga Xaafadda Islii,ayaa sheegay in hawlgalladii looga gol leeyahay sidii looga hortagi lahaa kooxo burcad hubaysan oo maalmihii lasoo dhaafay dhac ka gaysanayay xaafadda Islii. Islii waa Xaafad aad ucamiran oo Ganacsi xoog badan ka jiro oo ay ku yaalaan Suuqyo waa weyn.
Madaxweyna Emmanuel Macron ayaa ku dhowaaqay in France ay ciidamadeeda kala bixi doonto Mali, sagaal sano kadib markii ay faro-gelisay dalkaas si ay ula dagaalanto xagjiriin Islaami ah. Hase yeeshee Macron ayaa sheegay in Paris ay sii joogteyn doonto joogitaankeeda militari ee dalalka Mali deriska la ah ee Galbeedka Afrika. Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Paris, Macron ayaa ku eedeeyey militariga xukuma Mali inay dayaceen dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta Islaamiga ah, sidaas darteedna ay ciidamadooda la baxayaan, sababta oo ah buu yiri, kaalintooda ma ahan in dal madax-banaan ay ku beddelaan goobta dagaalka.…
Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa 26-kii kursi ee deegaan doorashada labaad ee Magaalada Baraawe maanta soo gabagabeysey. Cumar Cali Cabdi,ayaa ku guuleystay kursiga HOP035 ka dib markii uu u tanaasuley Musharaxii kula tartamayay kursiga. Nuurdiin Cabdulaahi Coljoog ayaa ku Guuleystay Kursiga Tirsigiisu yahay #HOP246. Xamza Saciid Xamza ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayey Qasaali Fiqi Abuu uu heley 12-cod. Dr Cali Saciid Faqi ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu uu yahay Hop-187 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la…
Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug,ayaa shaaciyay 11-kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee lagu dooran doono Gaalkacyo oo ah Magaalada Labaad ee Deegaan doorashada Dawlad Gobaleedka Galmudug. Halkan ka akhriso:-
Taliyihii saldhigga Booliska Baledweyne Maxamed Xuseyn Maxamuud (Duurdage) ayaa lagu dilay iska hor imaad subixii hore ee maanta gudaha saldhigga Booliska ku dhexmaray ciidamada Booliska gaar ah ee Haramcad iyo Ciidamo kale. Taliyaha,ayaa lagu dilay israsaaseyn kooban oo gudaha saldhigga ka dhacay xilli ay saldhiga ka buuxeen boqolaal dad oo lagu soo qabqabtay howlgal saaka ay ciidamadu ka sameeyayeen xaafadaha magaalada. Xog dhab ah lagama hayo sababta keentay iska hormaadka ciidanka dhexmaray. Iska hor imaadkan,ayaa kusoo beegmay xilli 20-ka bishan loo ballansan yahay doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Baledweyne.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa markii saddexaad saaka ku guuleystay doorashada kursiga HOP147 ee Golaha Shacab Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul Galmudug. Waxaa ka tanaasushay doorashada kursigan Shamso Cabdullaahi Maxamed oo Mahad Salaad kula tartameysay doorashada kursigan, iyado qaab gacantaag ah ay ergada doorashada kursigan oo gaareysay 101 ay marii dambee ugu codeeyeen xildhibaan Mahad Salaad. Hadal kooban oo uu jeediyay doorashada kadib ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada doorashada, isagoo u mahadceliyay erada iyo guddiga doorashada. Kursigan ayaa ka mid ahaa kuraasta sida weyn isha looga hayay, iyadoo laba kamid ah…
Gallan,waxaa uyeeray Gudiga Amniga Baarlamaanka si ay su’aalo uga waydiiyaan Amniga Guud ee Puntland. Su’aashii ahayd Amniga Bosaso markii la waydiiyay,waxuu ku jawaabay Wasiir Gallan.. “Bosaso 3-maamul,ayaa ka jira mid Xasan Shire,mid PSF iyo mid Shabaab,aniga idinla hadlaya oo Wasiirkii Amniga ah Xasan,waxuu ii diiday 700 oo dolar oo ahayd duug Askari iga dhintay” Xildhibaan Jaaburi oo ka mid ahaa Gudiga waraysanayay,ayaa si lama filaan ah ugu diray isla goobtiiba Lacagtii 700 ee dolar ahayd kuna yiri Wasiir xir arinkaas wax la sheego ma’ahan. Xildhibaanada kale waxay uqaateen in Jaaburi ay dhibtay fadeexada Aaran-jaan oo uu arinka diidayay in uu…
Madaxweyne Deni,waxuu tagayaa Bosaso,isagoo ku degi doona Saldhiga Ciidamada Badda Puntland. 3-beri oo uu Doorashada ku qabanayo,ayuu joogayaa kadibna waa kasoo baxayaa. Inta uu joogo in uu la kulmo Isimada Bari way ubadan tahay hadaysan wax isbadalin. Ma kulmi doonaan isaga iyo PSF qorshihiisana kama mid ah in uu arinkaas soo afjaro dhibkiisa. Ujeedkiisa ugu weyn waa siduu ula soo bixi lahaa 16-ka Kursi ee Bosaso yaala. Doorashadu waxay ka dhacaysaa Garoonka Diyaaradaha Bosaso Teendho laga taagay oo Ciidan xoog leh lagu wareejiyay. Balse wax walba waxay ku xiran yihiin sida isaga iyo Isimadu ukulmaan iskuna afgartaan.
Talyaha Ciidanka Dhiirane ee Daraawiishta ka hawlgasha Galgala oo lagu magacaabo Gaagaale,ayaa soo dhaweyntiisa loo xil saaray shalay Wasiir Jamaal. Beesha Dubeys shacab ahaan waa rabaan in Jamaal kusoo laabto Kursiga Xildhibaanimo,balse waxaa diidan Suldaanka oo ay saamayn ku leedahay Madaxtooyada Puntland. Waxay ubadan tahay in Suldaanku uxiro jifida Jamaal Dubeys ka yahay mid aan ahayn,taasoo hankiisa soo afjari karta. Balse dadaal buu wadaa,isagoo kaashanaya haldoor badan oo Beesha Dubeys ah.
Shirkadaha Liberty Petroleum and Coastline Petroleum,waa in ay joojiyaan ku lug lahaanshahooda heshiisyada aan sharciyada haysan ee Maamulka Farmaajo oo mudo xileedku ka idlaaday. Heshiis kasta oo aad la saxiixataan Maamulka Farmaajo ee Sanad ka hor lumiyay sharciyadii uu Dalka ku hogaaminayay,waxa uu noqonayaa mid bura. Waxaa jira koox ka wakiil ah Dowlada wakhtigeedu dhamaaday ee Farmaajo oo wada dadaal ay Shirkadahaas ku tartarsiinayaan in ay heshiis la galaan. Shirkadahaas oo ka faa’idaysanaya kooxdan,ayaa danaynaya heshiis qiimo jaban ah in ay kala haraan Dowlada aan sharciyada haysan ee Farmaajo. Liberty Petroleum and Coastline Petroleum markale,waxaa loogu baaqayaa in aysan lumin…
Heshiisyada Shidaalka waxay u baahan yihiin Dowlad xasilan, oo mudo iyo sharciyad haysata hadana heshiis la’ah Dawladaheeda xubnaha ka ah ee Federaalka. Sababaha aan heshiis shidaaleed loola gali karin xiligan Dowlada Somaliya,waxaa ka mid ah… 1.Shirciyada taabanaya dhaqaalaha iyo dakhliga Somaliya ay ka heli karto ayaa maqan. Sharciga kusheeya dhulka khayraadka laga soo saaro,ayaan weli baarlamaanka la geyni oo sugaya Baarlamanka 11aad. Arrimaha fiskaalka ah, sida royalty ga, corporate income tax-ka sharciyada u xayiran baarlamaanka ayay ku jiraan. La’aanta arrimaha fiskaalka, ma suurto galayso in Somaliya ay gasho heshiis dakhli uga imaanaaya ayna war u hayn. 2.Waxay u eg tahay…
Isagoo maanta magaalada New york warbixin kooban ku siinayey Golaha Ammaanka, ayuu Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay hannaanka doorashada, isagoo xusay in 130 ka mid ah 275-ta kursi ee Golaha Shacabka la soo buuxiyay ilaa hadda, wuxuuna ku baaqay in la dedejiyo doorashada kuraasta hartay. Waxa uu sheegay in madaxda Somaliya looga baahan yahay inay laba jibaaraan dadaalkooda si loo gaaro qoondada haweenka ee 30% ee doorashada baarlamaanka, iyo in la hubiyo in matalaadda Haweenka ee baarlamaanka ay sii kordhineyso in horay loo sii socdo, sida wakiilku ka sheegay shirka Golaha…
Markale ayay isku dayeen Gallan iyo Xasan Shire oo adeegsanaya Aamin Xaaji Khayr iyo Talyaha Qaybta Booliska Bari in ay Bosaso colaad geliyaan. Waxay amreen in Ciidan gaaraya 300 oo iskugu jira Boolis,Daraawiish iyo Badda lagaliyo gudaha Magaalada Bosaso. Ciidankan waxay umagac baxiyeen xoojinta amniga gudaha Magaalada Bosaso. Saraakiisha Ciidanka Badda,ayaa ka hor yimid qorshahoodii oo diiday in ay Ciidan ku daraan. Markii danbe arinkii,waxuu gaaray Madaxweyne Deni,isagaana diidmo qayaxan saaray qorshihii Xasan iyo Gallan. Dhanka kale Bosaso weli,waxaa Saldhigyadeeda ku xiran Ardaydii Jaamacadaha,Ganacsato iyo Haween la qabqabtay Habeenadii Qaraxyada. Dadkaas,waxaa xir-xiray Aamiin iyo Talyaha Qaybta,ilaa iyo hada lama hor…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka. Kulan,waxuu ka danbeeyay kadib falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Magaalads Muqdisho. Rooble,ayaa faray hay’adaha amniga in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga Magaalada. Xalay Alshabaab,ayaa weeraro iyo Qaraxyo ka fuliyay Xaafadaha Kaxda iyo Dar Es-salaam.
Shacabka Bosaso si weyn ayay usugayaan imaanshaha Madaxweyne Deni. Sababta ugu weyn ee Shacabku u eegayaan dhanka Garowe iyo wax kasoo socdaa waa soo afjarida jawiga cakiran ee Bosaso si dhamaystiran. Niyada Dadku ma degana,waxaana ku taagan wal-wal weyn oo ay markale ka cabsi qabaan in lays afgaran waayo oo dushooda laysku hardiyo. Bulshadu waxay rabtaa deganaan dhamaystiran iyo xal kama danbays ah oo laga gaaro arinka PSF. Weli,waxaa Magaalada daafaheeda jooga Ciidamadii Daraawiishta. Sidoo kale Xaafadaha Laanta Hawada iyo Alridwaan Dadkii deganaa kuma noqon oo waxay barakac ku yihiin Xaafadaha kale ee Magaalada. Deni Shacabka Bosaso waxay uga fadhiyaan…
Gudoomiyihi xariirka kubada Cagta Fadaraalka Somaliya Cabdiqani Siciid Carab,ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Gudoomiye ee xiriirka. faahfaahinta goordhow filo.
Wasiirka Maaliyada Dowlada Galmudug Farxaan Cali Maxamuud,ayaa Maanta loo doortay in uu nowdo Seneter ku matalaya Aqalka Sare ee Fadaraalka Galmudug. Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug,ayaa cod gacan taag ah ugu u Doortay senatay Wasiirka Maaliyada. Waa xubintii ugu danbaysay Seneterada laga doorto Galmudug ee Aqalka-sare.
Magaalada Baraawe ee caasimada Koonfur Galbeed,ayaa maanta lagu doortay todoba kursi oo ka mid ah kuraasta Barlamaanka 11-aad ee dalka . Hope145HOPE 045HOPE 148HOPE 162HOPE 143HOPE 163HOPE 256 Halkan ka daawo muuqaalka
Gudiga Doorashada Puntland,ayaaa shaaciyay Jadwalka doorashada 16-kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Bosaso. 6-dii Kursi ee ka harsanayd Kuraastii lagu dooranayay Garowe oo ay ku jiraan kuwa Beesha Cumar Maxamuud,ayaa dib loo dhigay oo la go’aamiyay in ay noqdaan kuwa ugu danbeeya ee lagu doorto Puntland. Teendho loogu talagalay in ay ku qabsoonto Doorashada 16-ka Kursi ee Bosaso oo laga dhisayo Gudaha Garoonka Diyaaradaha,ayaa saakay gabagabooysa. Madaxweyne Deni,waxuu kusii jeedaa Bosaso. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.
Ugu yaraan Afar qof oo labo kamid yihiin rayid ayaa lagu dilay weerarro is xigxigay oo xalay saqdii dhexe lagu qaaday, saldhigyo ay fadhiyeen, ciidamada dawladda oo ku yaala xaafadaha kulaala daafaha caasimada Muqdisho. Sidoo kale labaatan qof oo iyana isugu jira askar iyo rayid ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen duulaanka Al-Shabaab sida laga soo xigtay booliska iyo dad goobjoog ah. Saldhiga xaafadda Kaxda iyo guryaha ku xeeran ayaa iyana waxa gaaray burbur xoog leh kadib markii uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gashaanle Cabdifitaax Aden ayaa weriyayaasha u sheegay in dib…
Maxamed Cabdalla Axmed ayaa maanta kusoo baxay doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP145, kaddib markii uu ku guuleystay 76 cod, halka musharraxii la tartamayay oo ahaa Cabdullahi Axmed Cabdi uu helay 12 cod. Kursigan ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdiweli Ibraahim Muudeey isaga oo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka hor-istaageen safar uu ku tagi lahaa degmada Baraawe, si uu ugu tartamo doorashada kursigan. Muudeey ayaa is-hortaaga lagu sameeyey ku tilmaay mid sharciga baal marsan, laakiin booliska Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay in sababta garoonka…
Dalka Afghanistan ayaa muddo lix bilood ah waxaa ka dhacay isbedello waaweyn, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen hoggaanka Taalibaan, waxaana dadku ay dareemayaa nabadgelyo iyo rabshadaha oo ka yar kuwii tobannaan sano socday, hase yeeshee dhaqaalaha Afghanistan oo ku tiirsan gargaarka caalamka uu hadad burbur qarka u saaranyahay. Talaadadii shalay ayay ku beegneyd lix bilood tan iyo markii caasimadda Afgaanistaan ee Kabul ay si lama filaan ah ula wareegeen Talibaan, iyadoo si qarsoodi ah uu uga baxay madaxweynihii dalkaas ee uu Mareykanku taageeri jiray. La wareegitaanka Kabul waxaa ka horeeyay olole militari oo socday muddo bilo ah oo Taaliban…
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Jubbaland ayaa caawa shaaciyay saddex kamid ah kuraasta taala Magaalada Kismaayo ee caasimadda Kumeel gaarka ah ee Jubbaland. Halkan ka akhriso:-