Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Dowladda Imaaraadka Carabta,ayaa sheegtay inay xalay hawadeeda ka qabatay saddex diyaarad oo ah nuuca aan duuliyaha laheyn (Drone), ayada oo mar kale lagu soo qaaday weerar. Saddex weerar oo horey loogu qaaday Imaaraadka, oo uu ku jiray mid gantaal oo dhacay Isniintii xilli uu dalkaas booqanayey madaxweynaha Israel ayaa waxaa ka dambeeyey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto. Hase yeeshee Xuutiyiinta ayaan weli sheegan weerarka cusub. Weerarkii Drone ee Arbacadii ayaa waxaa sheegtay koox aan sidaas loo aqoon oo lagu magacaabo Alwiyaat al-Waad al-xaq ama “Guutada Ballan-qaadka Runta ah” oo qiil ka dhigatay faro-gelinta Imaaraadka ee Yemen iyo…
Mareykanka ayaa u diri doona ku dhawaad 3,000 oo askari oo dheeraad ah dalalka Poland iyo Romania si ay uga difaacaan bariga Yurub dhibaatada ka dhalatay ciidamada tirada badan ee Ruushku soo dhigay xadka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka Arbacadii. Ruushka ayaa Arbacadiii beeniyay inuu qorsheynayo inuu duullaan ku qaadayo dalka Ukraine, balse wuxuu muujiyay inaysan wax tanaasul ah sameyn, iyagoo ku jees jeesay Britain, kuna tilmaamay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson inuu aad u jahawareersan yahay, siyaasaddiisuna tahay mid “doqonnimo iyo jaahilnimo ah” waa sida ay hadalka u dhigeen Ruushku. Moscow ayaa in ka badan 100,000 askari geysay meelo…
Hoggaamiyihii kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal xalay ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Syria, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Weerarka ayaa lagu beegsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi, oo hoggaanka kooxda mintidiinta ah la wareegay 31-kii October 2019, maalmo un kadib markii hoggaamiye Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si la mid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur kadib markii ay…
Hogaamiyaha markay shacabku og yihiin in uusan Xoolahooda rabin kaliya uu yahay Nin han leh oo Xukun doona Gaajada,waa ugu dulqaataan oo xataa Ciidanku,iyagoon Mushahaar qaadan ayay Xabada iskaga dhigaan. Balse markii ay ujeedaan,isagoo baraaraystay oo nimcada uu ku dhex jiro darteen Miisaankii fuulay uu cudur ku noqday oo hadana Wiilkiisa kayd usii samaynayo,waxaa dhaca masiibooyin waa weyn. Nidaamyada dunida 3-aad markaad ufiirsatid,waxayba utaagan yihiin kaabida hogaamiyaha Musuqa iyo Eexda. Madaxweyne Deniyoow rabi ka baq hoos u eeg Bulshada oo yaysan kugu dhicin xanuunadii ku dhacay hogaamiyayaashii Dadkan iyo Dalkan diirtay. Talada Maxamuud Shido ee ah….. “Qofkii Lacag haystaa Qof…
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo sabtidii booqasha ku tagay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa inuu dowladda Imaaraadka uu kala hadlay Arrinta Dekedda Berbera. Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeesheey Amiirka awoodda badan ee Imaaraadka Sheekh Maxamed bin-Zayed Al Naxyaan. Wuxuuna Abiy uu Amiirka kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dekadda Berbera ee ay saamiga ugu badan ku leedahay sidii ay uga wada faa’ideysan lahayeen madaamaa Itoobiya ay laheen Dekad isla-markaana dhaqaalaheedea uu si weyn u saameeyey dagaalka waqooyiga dalkaasi ka socda, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi Imaaraatka.…
Dowladda imaaradka Carabta ayaa soo dhaweysay raaligalintii uu bixiyay rai’sul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Bayaan kooban oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in ay muujinayso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya. “Imaaaraadka waxay soo dhaweynayaan raaligalintii uu bixiyay rai’sul wasaaraha Soomaaliya ee ku saabsanayd dhacdadii bishii April 2018,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii Abriil 2018-kii la wareegtay lacag dhan $9.5 milyan oo doolar oo ay lahayd dowladda Imaaraatka, taas oo dhalisay khilaaf dublamaasiyadeed oo xoog leh. Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyo wafti ay hogaaminayso. Kulanka,ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Itoobiya oo shacabkeedu ka badanyahay 100 milyan oo qof , wuxuuna dalkani u baahanyahay in uu lasoo dego badeeco aad u badan, islamarkaasna dhoofiyo waxsoo saar kale sida bunka oo uu caan ku yahay, sidaas awgeed waxa uu ku qasbanyahay in la helo deked si sahlan loo isticmaali karo. Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo dekeda Sudan, balse markan waxa ay Itoobiya qaadaysaa tallaabo ay kula wareegeyso saami dekadaha inta badan dalalka dariska. 2018-kii waxa uu muran weyn ka dhashay kadib markii dowladda Itoobiya boqolkiiba 19% laga siiyay saamiga dekada Berbera, waxayna tan ka…
Deegaanka Balanballe ee Gobolka Galgaduud oo maalmihii u danbeeyey ay ku dirirayaan Malleeshiyo Beeleed iskasoo horjeeda oo halkaasi wada dega,ayaa la soo sheegayaa in saaka xaalku deggan yahay. Dagaalkan oo socday labadii maalmood ee u danbeeyey, ayaa sida lasoo weriyey ay ku dhinteen dad ka badan dhawr iyo Tobanqof halka tiro kalena ay ku dhaawacantay. Dagaalkan ayaa ahaa mid soo noqnoqnayey muddo dheer. Waxaa inta badan loo tiiriyaa in ay huriyaan marba aanooyin dil ahaa oo horey u dhexmaray, reerraha dagaalamaya iyo dhul daaqsimeed ay isku hayaan.
Maalinkii in 25-kun oo dolar uu Qaadka ka faa’ido Wiilka Madaxweyne Deni dhanka kalana 25000 oo Wiil ay yihiin baagabuundo aan Sadexda wakhti heli karin,waxa kaliya ee uu dheer yahayna ay tahay in uu Deni dhalay, wax laga aamusi karo mahan Maanta!! Wiilasha Xasan Shire Abgaal ee Turkiga jooga in midkiiba biil ahaan 2000 oo dolar loogu diro ,halka kuwa la midka ah ee reer Puntlandta kale badankood aysanba heli karin 300 oo dolar Bishii,wax laga aamusi karo mahan Maanta!! Wiilka Maxamuud Shido in uu noqdo kan qaata wax walba oo Mashruuca oo soo baxa oo xataa kuwa kula tartama…
Wax macno ah masoo kordhin Dowladu,cabashadii shacabkana jawaab uma noqon karto Warqadan. Weli,waxaa la ilaalinayaa danaha Ganacsatada Gaaska ee ay ugu horeeyaan reer Faroole!! Bulshada Puntland waxay sugaysay wax la taaban karo in laga qabto Qiimaha Gaas ee xuduud dhaafka ah. Halkan ka akhriso Warqada Dowlada kasoo baxday:-
January 27, 2022. by Colin Robinson On January 22, news began breaking of agreement between the Somali government and the African Union (AU) Commission on the future of the AU intervention mission in Somalia. After 15 years, an uncertain withdrawal process, and doubts surrounding both the federal government and the current stretched-out electoral process, the mission needed reassessment. A formal announcement confirming the new shape of the mission has not yet been made, nor has the agreement been negotiated by the AU Peace and Security Council and the United Nations (UN) Security Council, but the outlines have been widely reported. Unfortunately,…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu u aqoonsado dowladda Qatar meeqaamka dal “Xulafo weyn la ah oo ka baxsan NATO “, taasoo u ogolaaneysa in uu xiriir milateri iyo mid ganacsi oo ballaaran uu dhex maro labada dal. Biden ayaa si cad u sheegay xilli uu Aqalka Cad wadahadalo kula yeeshay Amiirka Qatar Tamim bin Hamad in tallaabadan ay tahay mid muddo dheer la filayay. Biden ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha amniga bariga dhexe, tamarta caalamka iyo taageerada Afqaanistaan. Amiirka Qatar ayaa ku tilmaamay wadahadalka uu la yeeshay Biden…
Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa raali-gelin buuxda ka bixiyey xafladihii lagu qabtey xafiiskiisa kaddib markii warbixin laga soo saaray baaritaan ay wadey gabadh sarkaalad ah oo dowlada u shaqaysa. Ra’iisul Wasaare Johnson ayaa balan-qaadey in uu xalin doono khaladaadkii dhacay. Johson ayaa waxaa kusii kordhaya cadaadis loogu baaqayo inuu is-casilo sababo la xiriira xafladdan oo loogu magac-daray “Partygate”, taasi oo dhacday inay ay socdeen xayiraadihii COVID-19.
Mali ayaa Isniintii sheegtay inay ceyrineyso safiirka Faransiiska kadib hadallo “cadowtinimo ah” oo uu jeediyey, tallaabadaas oo sare usii qaadeysa xiisadda kala dhaxeysa dalka horey u gumeysan jiray. War-saxaafadeed laga akhriyey taleefishinka qaranka ayaa lagu yiri “Safiirka Faransiiska ee Bamako, Mudane Joel Meyer… waxaa lagu wargliyey go’aanka ay dowladda ku weydiisaneyso inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.” Tallaabadan ayaa su’aalo cusub gelineysa taageerada Militari ee Faransiiska uu siiyo dalka Mali, oo dagaal socda 10 sano ka badan kula jira kooxo Jihaadiyiin ah. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faranasiiska ayaa bayaan kooban oo ay soos aartay ku sheegtay “inay ka war-hayso qoraalka”…
Lix qof ayaa geeriyootay kadib markii gaari rakaab ah oo ay la socdeen uu maanta burburiyey qarax intuu uu socday weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen koox hubeysan, waqooyiga bari ee dalka Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaariga kadib markii uu dul maray miino dhulka lagu aasay, meel 8 km u jirta magaalada Mandhera. “Lix qof ayaa la dilay intii uu socday weerarka lagu qaaday gaariga. Waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo kooxda weerarka soo qaaday,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska qaranka Bruno Shioso. Weli ma…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dal. gaar ahaan dhinacyada ganacsiga , dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta . Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee Gobolada Mudug iyo Ceyn,ayaa xukuno iskugu jira dil Toogasho iyo Xabsi ku riday 7-Qof oo ku eedeysnaa Al-shabaabnimo fadhi ay Gaalkacyo ku yeelatay. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirkada Gaas-ka,waxaa iska leh reer Faroole,waxaana lagu maalgeliyay Xoolihii laga musuqmaasuqay Canshuurta Canshuurta Puntland. Ninka hadlay Maanta,waxaa la yiraahdaa Ciise Faroole oo waxay Walaalo yihiin Madaxweynihii hore Faroole,waana Maamulaha Shirkadaas. Xiligii Dowladii Faroole,ayaa la maalgeliyay Shirkadan,waxaana ku nool Qoyska reer Faroole oo idil. Waa talaabadii 3-aad oo reer Faroole ku dhibaataynayaan Bulshada Gobolka Todobaadkan gudihiisa. Halkan ka daawo muuqaalka
Dowladu Ciidamo ayay kusii daysay saakay Magaalada Bosaso. Jidka Sodonka iyo Wadooyin kale,ayaa la dhigay Ciidankaas. Ujeedka Ciidanka Magaalada loogu daadiyay,ayaa ah ka hor tagida Mudaahaaraadyo waa weyn oo qorshaysan. Shacabka Bosaso waxay qayb ka yihiin kuwa reer Puntland ee Noloshu ku adkaatay .
Garoowe 31 January 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shir ku saabsan abaaraha. Ujeedka shirka ayaa ahaa ka jawaabida xaaladda abaaraha Puntland ka jira, Shirka waxaa kasoo qeyb-galay dhammaan Masuuliyiinta iyo Wakiilada Hay’addaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Puntland waxaana la iskaga xogwareystay xaaladadaha abaaraha ee guud ahaan saaameyey dhamaan Gobollada Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la wadaagay Shirka, in Dowladda Puntland ay ka go’antahay ayna dadaal ku bixinayso ka jawaabista Xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhasha Abaaraha iyo garab istaaga Shacabka. Wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda…
Garowe, January 31, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xafiiskiisa Garowe ku qaabiley wafti uu hogaaminayey Safiirka Dalka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Mr Per Lindgärde. Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, gaar ahaan abaarta, doorashooyinka Soomaaliya iyo barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland. Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa Safiirka iyo waftigiisa uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin guud ahaan Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaanna mashaariicda horumarinta, dowlad wanaagga iyo kuwa bini’aadanimo ee ay ka wadaan gudaha Puntland. Dhammaad Xafiiskiisa Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.
Dabley hubaysan,ayaa goordhawayd dil ugaysatay Lamaane is qaba xaafada Farxaskule xili ay kusii socdeen Gurigooda. Lama oga cida dilka gaysatay,waxayna ka baxsadeen isla goobtii. Waa markii Labaad ee dil noocan oo kale ah oo aan la garanayn cidii gaysatay uu ka dhacay Laascaanood.
Dhulkii hore loo siiyey shirkadda Shiinayska ah CCECC ee dhistay garoonka Bosaso,ayaa waxaa sheegtay Cabdiraxmaan Faroole iyo wiilashisa. Arrintan,ayaa soo ifbaxday ka dib markii Dowladda Hoose ee Garowe ay dhex marisay dhulkan oo ku yaala Buurta Wasaaradaha Jid weyn oo ah 30 mitir oo ka imaanaya dhanka Galbeedka una gudbaya Waqooyi Bari. Khadar Cabdiraxmaan Faroole,ayaa geeyey Ciidan jifidiisa ah (reer Jarafle ah) ka dibna dib u dhisay gidaarkii ay Wadadu martay ee la dumiyey,wuxuu ku andacoonayaa in dhulka uu isagu leeyahay. Khadar Faroole,ayaa u hanjabey Duqa Magaalada Garowe Axmed Barre. Dhulkan waxaa hore looga qaaday Dad u badan Beesha Abokor…
Halkan ka daawo muuqaalka
Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga DPL iyada oo ka Jawaabaysa Cabashooyinkii kala duwan oo uga yimid Bulshada Puntland isla markaana salka ku hayey kor u kaca ku yimid lacagta Gaaska Cuntada lagu kariyo. Waxay Wasaaradu intii ay Cabashooyinku soo gaareen raadin iyo dabagal ku samaysay in ay lacagtii Gaaska Cuntada lagu kariyo uu kacay iyo in kale baaritaan iyo dabagal dheer Waxay Wasaaradu Soo ogaatay in aysan jirin Wax kor u kaca oo Malmahan soo siyaaday , sidaas daraadeed Waxay Wasaaradu Cadaynaysaa in aysan jirin Wax Cusub oo Kororay. Wasaaradu Waxay Diyaar u tahay in ay xal u raadiso Cabashooyinka…
Maxkamadda Gobolka Banaadir,ayaa amar ay maanta soo saartay ku sheegtay in aan labixin karin lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Aadan Cadde bishii April ee 2018-kii. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa 7-dii Janaayo sheegay in lacagtaas dib loogu celin doono Imaaraadka Carabta, isaga oo Abu Dhabi ka raali geliyey dhacdadii lagu qabtay lacagta. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in lacagtaas aan laga saari karin Bankiga Dhexe, isagoo ku sababeeyay inuu baaritaan ku socdo. Warqaddan,ayaa ku soo beegmeysa Xilli Ra’isul Wasaaraha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble uu u amba baxay…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble iyo wefti uu hoggaaminayo,ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka,ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Garowe, Jan,30,2022:- Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 30 Janaayo 2022 ka furmay Magaalada Garowe Shirwaynaha koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Guud ee Qaranka, Shirkan ayaa gundhig u ah Dejinta asaaska Cilmibaarista Caafimaadka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya(NIH). Shirka ayaa socon doona muddo 3 cisho, waxaana ka qeybgalaya Shirka marti katimd dhamaan qeybaha dalka iyo dibadiisa kuwaas oo ay hogaaminayso Wasiirka Caafimaadka ee XFS Dr Fawziya Abikar Nur. Wasaaradda Caafimaadka Dowllada Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa bogaadisay in Shirweynahu sanadkaan kadhaco Garoowe Puntland, Dr. Jamac Farah Hassa, Wasiirka Caafimaadka Dowllada Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa kalmad qiima leh ka…
Xog waranka Cabdulaahi waxaa laga faa’idi karaa. 1.Axmed Madoobe iyo shaqsiyadiisu sida ay uliidato,sababtoo ah Sarkaalkaas muhiimka u ah Jubaland waxa baday Nisa waa Gaajada uu ku dilay. 2.Fahad shaqada foosha xun ee uu hayo,dhaqamada guracan ee uu soo kordhiyay iyo sida ay ubaaxad weyn tahay dhibka uu gaarsiiyay Umada Somaliyed 4-tii sano ee lasoo dhaafay. 3.Farmaajo hogaamintiisa,xaalka uu ku sugan yahay iyo sida laftigiisu uyahay lahayste aan dhaqdhaqaaqi karin. 4.Sida Baraha Bulshada ay qayb uga yihiin dhibaataynta shacabka iyo haldoorka Somaliyed. Qeybta 1-aadhttps://www.youtube.com/watch?v=faq42w3OTuQ&t=517s Qeybta 2-aadhttps://www.youtube.com/watch?v=Iy5clTOUAao Qeybta 3-aadhttps://www.youtube.com/watch?v=uI2mENSWmbg&t=2654sQeybta 4-aad
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Sabtidii booqasho ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo uu weli socdo dagaalka uu dalkiisa kula jiro TPLF, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha dhaxal sugaha awoodda badan ee Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan. Dagaalka Tigray ayaa socday ilaa bishii Nofembar 2020, wuxuuna dagaalku is beddelay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Tigraygu ay dib ugu gurteen gobolkooda kadib markii ay isku dayeen inay ku sii socdaan caasimadda Addis Ababa, waxaana militariga Itoobiya ay sheegeen inaysan sii baacsan doonin, iyadoo taasi waddada u furtay dadaallo dhexdhexaadin cusub ah oo ay wadaan Maraykanka…
Britain ayaa sheegtay in ay ka fiirsaneyso qorshe ay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan NATO ugu direyso qeybo ka mid ah Yurub, taasoo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo xuduudaha Yurub, isla markaana jawaab u ah ciidamada uu Ruushku geeyay xadka Ukraine. War kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaare Boris Johnson ayaa lagu sheegay in, in Britain ay ka fakareyso sidi qeybta ugu weyn uguna macquulsan ay ugu yaboohi laheyd xubnaha qeybta ka ah heshiiska difaaca NATO ee dalalka Waqooyiga iyo kuwa Baltiga ee Yurub. Qorshahan ayaa laba laabi doona tirada ciidanka Ingiriiska isla markaana ogolaanaya in hub dheeraad ah oo…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Taliinta Sare ee Dowlada Puntland ayaa kormeer ku tagay xafiiska Shirkada Madabacadaha midoobay ee Puntland Printing oo soo bandhigtay buugaagta Manhajka dugsiga Sare ee Puntland oo ah buugaag ay diyaariyeen Macalimiin laga soo xulay dugsiyada sare iyo Jaamacadaha Puntland. Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Mohamed Xasan ayaa la kulmay qaar ka mid ah gudiga qorista buugaagta dugsiyada sare, Waxaa sidoo kale xarunta ku sugnaa qaar ka mid ah qubaradii diyaarisay Manhajka Waxbarashada iyo shaqaalaha shirkada madbacadaha midoobay ee Puntland oo ay ka mid yihiin maalgeliyaasha Manhajka. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Abdulaahi Mohamed…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo ay uga billaabaty booqasho rasmi ah. Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheega in Rooble uu kulamo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalka Imaaraadka. Waa booqashadii ugu horreyasay ee Rooble uu ku tago Imaaraadka Carabta tan iyo markii xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabay, waxeyna imaneysaa kadib markii uu sheegay inuu ka shaqeynayo hagaajinta xiriirka labada dal. Rooble ayaa 7-dii Janaayo waxa uu dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay dhacdadii bishii…
Weli dhismihii Golaha Deegaanka Eyl,waxay uxaniban yihiin Madaxweynihii hore Faroole. Faroole,waxuu ka caraysan yahay Deegaankii uu sheegan jiray in uu ku dhashay uu ka helo Laba Xubin. Sidoo kale waxuu qaadan waayay in Beesha Muuse Ciise looga cod batay Degmada Eyl oo jifi hoose oo Abokor Ciise ah ay ka codad badatay. Si kastooy tahayba waa Yax-yax iyo hanyari in Faroole oo soo noqday Wasiir,Madaxweyne iyo Senetar saakay hankiisu halkaas joogo. Madaxweyne Deni waa ku dhiiran la’a yahay in uu talaabo ka qaado. Halkan ka daawo muuqaalka
Haddii Ukraine NATO ay ku biirto micnaheedu waxay tahay in gantaalaha NATO ay caasimadda Ruushka u jiri karaan wax ka yar kun Km. Moosko iyo Kiev masaafada u dhaxeysa waxay gaareysaa 874.7 KM , ama way ka yaraan kartaa. Dalka Maraykanka ee hadda gadaal ka riixaya qorshahaan hadda ka hor waxa uu dhanka badda ka go’doomiyay dalka Kuba oo uu diiday inay galaan wax Maraakiib oo uusan Maraykanku baarin. Taas waxay keentay in dunidu ku sigato dagaalkii Nukliyeer kaddib markii Ruushku ku adkeystay in uu Gantaallo geynayo Kuba. Dhacdadaas oo loo yaqaan “Cuban Missile Crisis” waxay ahayd sannadkii 1962 ,…
Sidoo kale Beesha reer Xuseyn ee Muuse Ciise Maxamuud oo aad uga carootay tarihii Xildhibaanka ee la dhaafiyay,ayaa Islaan Ciise kala hadlay Deni. Kulan dhexmaray waxgaradka Beeshaas iyo Madaxweynaha,waxaa loogu balan qaaday in la siinayo Wasiirka Muuse Ciise oo uu hada hayo Cawil.Sh.Xaamud. Shaqsiga Wasiirkaas loo magacaabayo ayay Beesha iyo Madaxweynuhu isla garteen in uu noqdo Axmed Jowle oo ahaa Musharaxii Xildhibaan ee Beeshaas. Sidoo kale Beesha reer Bicidyahan,ayaa Wasiirkooda la siinayaa Jifida reee Xaamud sida ay isla qaateen Madaxweynaha iyo Waxgarad kulmay. Agaasimihii hore ee Tv-ga Puntlabd,ayaa loo magacaabi doonaa booskaaas Waxaa socota rushaynta Beelaha aadka ukacsan.
Wasaarada Deegaanka,Beeraha iyo Cimilada,waxaa loo kala jarayaa Labo,sida wararku sheegayaan. Wasaarada Beeraha oo gaar ah,ayaa loo dhiibayaa Kulan oo kasoo jeeda Beesha Cali Jibraahiil. Kulan waxay Ganacsi wadaag yihiin Madaxweyne Deni. Beesha Cali Jibraahiil mala hayn Wasiir buuxa,waxaana dalbaday in Wasaarada loo dhamaystiro Beeldaaje Cali Faarax oo ay wada hadleen Deni. Horay,waxaa Wasiir iyo Wasiir ku xigeen loo siiyay Ugaaska Dishishe. Ujeedka ugu weyn oo laga leeyahay isbadaladan waa kala furfurida Beelaha Bari iyo ka reebida Boqor Burhaan.
Madaxweyne Deni waxuu gaaray Kenya,isla Caawa 1-da habeenimo,waxay uwada gudbayaan isaga Axmed Madoobe Imaaraadka. Socdaalka Imaaraadka,ayaa lagu sheegay in ay soo qaadanayaan Lacagtii Doorashada qaybtii hore iyo tan hartay ee Xildhibaanada. Imaaraadku,waxuu joojiyay Lacagtii faraha badnayd ee uu bixin jiray halmar. Isniinta Subaxeeda in ay kusoo laabanayaan Kenya ayay Wararku sheegayaan. Diyaarad khaas ah,ayaa Deni ka qaaday Garowe.
Madaxweyne Deni Maanta in uu si qarsoodi ah ugu baxay safar Kenya ah,ayaa la hadal hayaa. Sidoo kalena,waxaa la hadal hayaa in uusan weli bixin oo beri uu baxayo. Si kastooy noqotoba socdaalkan waa mid ay Kenya ku casuntay Madaxweyne Deni. Hal arin,ayaa laga wada hadlayaa,taasoo ah in Deni aqbalo Musharax kasoo jeeda Beesha Hawiye oo Kenya ay gadaal ka riixayso. Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa aqbalay,balse dalbaday in Deni lagu qanciyo. Kenya,waxay cadaadis xoog badan ku haysaa PL iyo JL si ay u aqbalaan Musharaxa ay wadato. Dhanka kale Madaxweyne Axmed Madoobe,waxuu ka war helay in Shuraakada Aaranjaan macaa Faroole aysan…
RIYADII BOQOR MENELIK II OO RUMOOYDAY Waxey dowladda Ethiopia dib uhabeyn ku sameysey heshiis ay horay ula gashay Jamhadii SNM ee Gobolada Waqooyi Somaliya. Heshiiskaas,waxaa wada saxiixday Mengistu Xayle Maryan iyo Axmed Silaanyo. Waxuu dhigayey in Itoobiya ay la wareegto xeebaha Seylac ilaa Berbera oo dhererkoodu yahay 270-km. Xeebahaas,ayaa heshiisku dhigayay in Itoobiya ay maalgashato kana dhisato Dekedo ganacsi iyo saldhigyo Ciidamadeeda Badda. Haddaba waxaa labadii sano aynu soo dhaafnay Addis ababa ka socday shirar hosaad u socday madax dhaqameedyada Beelaha Ciise,Gadabuursi oo dhinac ah iyo Dowladda Itoobiya. Beelahaas,ayaa cabasho ka muujiyey xeebtaas dheer in aan Beesha Isaaq wada laheyn.…
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashada beelaha Banaadiriga la yeeshay kulan ku saabsan hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddiyada Doorashada Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xallinta Khilaafaadka. Halkan ka daawo muuqaalka
Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo mudada sanadka ka badan dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya, ayaa sheegay in dedaallada dibloomaasiyadda horumar laga gaaray. Waraysi uu BBC siiyay hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay inay jiraan wadahadallo aan toos ahayn oo ay la leeyihiin xukuumadda Addis Ababa. Gebremichael ayaa tilmaamay in tallaabadaas ay dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan. “Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalino xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yiri Gebremichael. Ra’iisal wasaare Abiy ayaa mudooyinkii dambe u muuqday inuu raadinayo xal aan xabbad…
Baratan adag ayaa ka dhex biloowday Ciidamada Badda ee Maraykanka iyo Ruushka, iyada oo midba kan kale uu rabo in uu kaga hormaro burburka diyaarad casri ah oo uu Maraykanka leeyahay, taas oo ku dhacday badweynta caalamiga ah. Diyaaradan oo qiimo ahaan ku fadhida $100 milyan oo doolar ayuu nooceedu yahay F35-C, waxayna ku dhacday meel ka shisheysa koonfurfa badda Shiinaha. Diyaaradan ayaa ah noocii ugu dambeeyay ee gaadiidka cirka ee dagaalka ee uu Maraykanka soo saaray, taas oo lagu rakibay qalabkii ugu casrisanaa ee uu Maraykanka soo saaray. Illaa 7 qof ayaa ku dhawaacantay burburka. Diyaaradda ayaa hadda loo…
Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa Sabtida maanta ugu hanjabay warbaahinta Turkey in ay aargoosi la kulmi doonaan haddii ay faafiyaan warar dhaawacaya qiyamka asaasiga ah ee Turkey, tallaabadaasi oo ay suurtagal tahay in ay horudhac u tahay faafreeb dheeri ah oo ay warbaahintu wajahaan. Qoraal uu daabacay wargeyska rasmiga ah ee Gazette ayuu ku sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin lagu ilaalinayo “dhaqanka qaran” ee Turkey, islamarkaana laga hortago in ubadku ay ku barbaaraan “in ay si xun u saameyaan warbixinnada waxyeellada leh ee dhammaan warbaahinta qoraalka, tan maqalka iyo tan muuqaalkaba.” Erdogan ayaan carrabaabin waxa ay yihiin warbixinnadaasi, laakin waxa…
WASHINGTON — Maamulka Biden ayaa lagu wadaa inuu u dalka Masar ka xayiro 130 milyan oo dollar oo gargaar militari ah sababo la xiriira xuquuqda aadanaha, sida ay sheegeen saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Jimcihii, taas oo noqoneysa ciqaab naadir ah oo Mareykanku saaro saaxiib xulufo la ah.Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken ayaa bishii Sebtembar sheegay in gargaarkan la joojin doono haddii Masar aysan wax ka qaban shuruudo gaar ah oo la xiriira xuquuqda aadanaha oo ay Washington soo bandhigtay, kuwaas oo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ay sheegeen in ay ku jirto sii deynta shaqsiyaad gaar ah oo loo…
Taliyaha Booliiska ee Saldhiga Degmada Kaaraan, Salaad Carraale, ayaa maanta ka badbaaday qarax lala eegtay gaari uu watay. Inta la ogyahay saddex askari oo ka tirsan Booliska,ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxa. Dhanka kale, hay’adaha amniga ayaa maanta tagay suuqa Bakaaraha iyaga oo faray in gooobaha ganacsiga dib loo furo kuwaasi oo xirnaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay sababo ay ku sheegeen mid la xiriirta amniga iyo lacago ay ka qaaddo kooxda Daacish.
EYL, DANGOROYO IYO GODOBJIRAAN. Waxaan rabaa inaan halkaan kusoo gudbiyo xog kooban oo kusaabsan sedex kamid ah shanta degmo ee Gobolka Nugaal. 1.EYL waa magaalo xeebeed qadiimi ah waxay kamid tahay sedex degmo oo doorashadii qof iyo codka ahayd kadhacday 25-Oct-2021. sedex bilood kadib Golihii lasoodoortay wali ma fariisin, balantii 27-Jan-2022 ee ay Wasaarada Arimaha Guduhu qabatayna ma hirgalin. 2.DANGOROYO waa mid kamid ah degmooyinkii ay ka horeeyey 1991 waxay kutaal bartamaha dhulka Puntland meel istiraatiiji ah, Golihii deegaankeedu wuxuu dhacay 21-September-2021 ilaa hada cid Digreeto looguma magacaabin Gole deegaan oo cusubna lagama soodhisin.Waxaa sharcidaro kumaamula Gudoomiye waqtigu ka dhamaaday…
The French government is now warning its citizens in Kenya of a looming terror attack in Nairobi targeting places frequented by foreigners. France’s Ministry of Foreign Affairs hence cautioned its citizens as well as expatriates from other Western countries to avoid public areas and crowded places it classified as possible hotspots. These include hotels, restaurants, leisure spots and commercial centers in the city. The ministry, in a statement released on Thursday, called on foreigners living and working in Nairobi to exercise extreme vigilance in the coming days, especially over this weekend. The German embassy has also issued a warning that…
“Siyaad Barre iyo Xaasaskiisii,waxaa ka saaray Madaxtooyada Ciidankii Dhafoorqiiqa ee Majeerteen iyo Hal Nin oo Wagardhac ah,msrkii ay ka carareen kuwii Mareexaan”Ayuu yiri Xasan Sulub. Waa war xaqiiq ah oo loo baahnaa in laga maqlo Qof aan Daarood ahayn hadana xog ogaal iyo goobjoog ahaa. Halkan ka daawo muuqaalka
Masuuliyiinta Rwanda,ayaa saaka oo Jimcaha ah sheegay inay dib u furi doonaan xuduudda ay la wadaagaan Uganda, taas oo soo afjaraysa ku dhawaad saddex sano oo is-mariwaa ah oo u muuqday mid dhaawacay dhaqaalaha labada dal, isla markaana sare u qaaday cabsida laga qabo isku dhacyo hubeysan. Ku dhawaaqistan,ayaa timid kadib muddo ay diblomadsiyad ahaan kala aamusnaayeen labada dal, iyada oo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu Rwanda u diray ergo uu ku jiro wiilkiisa Lt. Gen. Muhoozi Kainerugaba, si ay wadaxaajood ula galaan dhiggiisa Rwanda Paul Kagame. Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada lugta ee Uganda, ayaa ku sugnaa Rwanda Sabtidii.…
The new military leader of Burkina Faso has promised a return to the normal constitutional order “when the conditions are right”. Lieutenant Colonel Paul-Henri Damiba led a mutiny that ousted President Roch Kaboré on Monday. He blamed the president for failing to contain violence by Islamist militants. He made his first national speech since taking power on the eve of an emergency summit of West African leaders, called in response to the coup. Burkina Faso is the third West African country to witness a military takeover in the past year. Guinea and Mali have had sanctions imposed on them by…
Dadka reer Burkina Faso, kuwooda taageersan af-gambigii dhacay toddobaadkan ayaa la arkayey iyaga oo dabbaaldegaya, isla markaana lulaya calanka dalka Ruushka. Dadkaas,ayaa ku baaqayey in Burkina Faso ay ka wareegto Faransiiska oo ay xulufo ka dhigato Ruushka. Iyada oo aan la garanayey inta uu le’egka heerka dareenka dadka Ruushka ka soo horjeedaa, haddana shaki kuma jiro in dad badan oo dalkaas u dhashay ay ka soo taagan yihiin dadaalka Faransiiska ee lagula dagaalamayo kooxaha qowlaysatada ah iyo ururka mitidka ah. Iyaga oo baabuur ku maraya waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou Talaadadii ayaa labo ka tirsan dibadbaxyaashu ay lulayeen calanka…
Dawladda Australia ayaa dalalka reer Yurub u soo jeedisay inay siiso gaaska dabiiciga ah ee dareeraha loo beddelay, haddii Ruushku uu go’aansado inuu jaro gaaskiisa, xiisada Ukraine darteed. Xilli ay sii kordheyso xiisadda la xiriirta dalka Ukraine ee u dhaxaysa Ruushka iyo reer galbeedka ayaa waxa sii kordhaya cabsida laga qabo in Moscow ay yareyso ama ay joojiso gaaska ay siiso Yurub. Dalalka Midowga Yurub ayaa haddaba uu gaasku ku yar yahay, ka dib markii la dabciyey xayiraadihii xanuunka COVID-19, arrintaas oo dalab badan oo gaaska ah abuurtay. M. Yurub ayaa saddex meeloodow hal meel Ruushka ka hela gaaska uu…
Mareykanka ayaa ka walaacay in laga helo xog muhiim ah oo ku saabsan mid ka mid ah diyaaradihii loo adeegsaday weerarkii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee ururka al-Qaacida. Dowladda Pakistan ayaa laga yaabaa inay militariga Shiinaha u fasaxday howlgal ay ku basaasayeen diyaaraddii ay ciidamada Mareykanka ku tageen goobta uu dagganaa Cusaama Bin Laadin ee halkaas ku burburtay, sida ay wararka qaar sheegeen. Saraakiil Mareykan ah ayaa laga soo xigtay iyagoo sheegaya in ay jiraan caddeymo muujinaya in Pakistan ay goobtaas geysay injineerro ka socday Shiinaha, dhowr maalmood kaddib markii uu weerarka dhacay. Diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca…
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed),ayaa sheegay in Ciidammada gaarka ah ee Muqdisho ka yimid loo baahan yahay in ay sii joogaan gobolka Hiiraan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen ismariwaa ku aadan imaanshaha Madaxweynaha maamulkaasi ee Cali Guudlaawe. “Anaga ayaa dowladda Soomaaliya ka codsanay, madaxweynaha Hirshabelle iyo aniga ayaa isla ogayn, waana ay ku mahadsantahay dowladda sida ay oga soo jawaabtay dalabkeena waxaana leenahay noo soo badiya,” ayuu yiri Dabageed oo intaasi ku daray, ”Soomaaliya madaxweyne ayay leedahay isaga ayaana ah taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka ah Soomaaliyeed, dabcan Madaxweynaha Hirshabelle waxaa uu…
Amar,ayaa lagu bixiyay in dib loosoo cesho Ciidamadii Beledweyne loo raray maal8n ka hor. Sidoo kale Gudi,ayaa loo saaray xslinta xiisada Beledweyne. Golaha Wasiirada Fadaraalka,ayaa soo saaray go’aamadaas. Halkan ka daawo muuqaalka
Warsaxafadeed ay saareen xildhibaanada golaha deegaanka degmada Qardho ee ururada mideeye iyo sincad. Doorashadii hordhaca ahayd ee ka dhacday saddexda degmo Qardho, Eyl iyo Ufayn 25 bishii October, natiijadeedana lagu dhawaaqay 26 bishii October, iyada oo xeerka law number 7 uu dhigayo 30 beri gudahood kalfadhiga ugu horeeya uu ku qabsoomo. Welina Xildhibaanadii la soo doortay fursad looma siin mudo 3bilood ah in u adeegaan bulshadii soo doortay. 18/01/2022 wasaaradda arrimaha gudaha iyo dimuqradiyadda Puntland waxay mudaysay qabashada kal fadhiga 1aad goolayaasha deegaanka 3da degmo kaas oo lagu dooran lahaa gudoonka 3da degmo 27/01/2022 oo ku beegan maanta oo khamiista…
Imaaraadka Carabta ayaa xayiraadda duulimaad maalinta Sabtida ah ka qaadaya 12 dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo dadka ka imanaya ama kuwa horey u booqday laga mamnuucay inay soo galaan dalkaas. Dalalkaas ayaa kala ah; South Africa, Kenya, Nigeria, Ethiopia, Tanzania, Republic of Congo, Botswana, Eswatini, Lesotho, Mozambique, Namibia iyo Zimbabwe. Maamulka Maareynta Musiibooyinka iyo Xasaradaha Deg Degga ah ee Imaaraadka Carabta oo loo soo gaabiyo NCEMA ayaa Arbacadii sheegay inuu qaadayo xayiraaddaas oo lasoo rogay markii uu dunida kasoo shaac baxay nooca cusub ee COVID-19 ee loo yaqaan Omicron. Dadka ka imanaya 12-kaas dal ama booqday 14 maalmood kahor…