Hoggaamiyaha labaad ee ugu awoodda badan Sudan oo Sabtida maanta ah booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay wasiirka gaashaandhigga Ethiopia, waxayna booqashadan naadirka ah ay imanaysaa iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xuduudda u dhaxeysa labada dal, sida ay saraakiishu sheegeen. Mohamed Hamdan Daglo, oo loo yaqaano Hemeti, oo ah ninka labaad ee golaha talada haya ee Sudan, ayaa Ethiopia joogi doona muddo laba cisho ah si uu ula kulmo “dhowr sarkaal oo Itoobiyaan ah”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sudan ee SUNA. Waxaa ay garoonka diyaaradaha ku kulmeen wasiirka difaaca ee Ethiopia Abraham Belay, sida lagu…
Author: Jibril Qoobey.
Isbahaysiga ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka,ayaa dukhaymo ka fuliyay Xalay Dalka Yemen. Dukhaymahaas,waxaana ku dhintay ugu yaraan 30-Qof oo rayid ah halka 170 kalena ay ku dhaawacmeen. Dukhaymaha,ayaa lala beegsaday Xabsi ku yaalla Gobolka Sacda ee Dalka Yemen. Sidoo kale khadka Internetka,ayaa gabi ahaanba ka maqan dalka Yemen ka dib markii uu isbahaysigu dukheeyay xarunta isgaariisnta ee Xudayda. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa baaqyo kala duwan ka soo saaray dhacdooyinka u dambeeyay ee dalka Yemen. Yemen dagaalada ka socda,waxaa la sheegaa in ay ku naf waayeen in ka badan 70-Kun Rayid ah.
Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa uu ku dhacay mooto mareysay galbeedka Ghana, kadibna uu sameeyay qarax weyn, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen Jimcihii.Shilkan ayaa Khamiistii ka dhacay deegaanka Piate, oo u dhow Bogoso, oo ah magaalo macdanta laga qodo oo ku taal degmada Dooxada Prestea-Huni, sida uu sheegay madaxa fulinta dowladda hoose ee degmada Isaac Dsamani. Gaariga ayuu sheegay in uu siday waxyaabaha qarxa oo loo waday godka dahabka laga qodo ee Chirano ee ku yaala Galbeedka Gobolka. Qaraxa ayaa burbur weyn u geystay tuulada…
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqanto sidii qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya. Raychelle Omamo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi ah in loo aqoonsado dal madax-bannaan. kenya waa Dalkii Labaad oo Todobaadkan cadeeya mowqifkiisa kala jarida Jamhuuriyada Somaliya. Toddobaadkii hore ayay Dowlada Uk cadaysay in Aqoonsi ay helaan Gobolada Waqooyi ee Dalka uu ku xiran yahay Dowlada Fadaraalka Somaliya. Waxay umuuqataa in Caalamku uusan danaynayn kala goynta Somaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan ayaa soo saaray shuruudo lagu kala reebayo xubnaha Golaha Degaanka, ee ku soo baxay Doorashadii qof iyo cod, ee ka dhacday degmada Qardho. Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha, ayaa lagu sheegay in Golaha Degaanka Qardho aysan ka mid noqon doonin ciddii aan buuxin Shuruudahaas, islamarkaana aysan ka qayb geli doonin Doorashada Duqa degmada. Shuruudaha waxa kamid ah; in qofku sumad wanaagsan leeyahay iyo in uu la yimaado warqadda denbi la’aanta ee Waaxda C.I.D-da, uuna bixiyo $300 Dollar oo diiwaan-gelin ah. Qofka u sharraxan Duqa degmada Qardho ayaa isna laga rabaa $1000 Dollar oo…
MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIR IYO WASIIR KU XIGEEN KA TIRSAN GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND Garoowe: 21 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 21ka January 2022 kuna magacaabid Wasiir, iyo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad. Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Waxaa Axmed Yaasiin Saalax loo magacaabay…
Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in kooxda Wagnar oo ah askar calooshood u shaqeystayaal ah hadda la geeyey dalka Mali. Kooxdan ayaa taageero ka helaysa militariga Ruushka. General Stephen Townsend, madaxa ciidanka Maraykanka ee Afrika ee Africom ayaa yiri “Kooxda Wagner waxa ay ku sugan tahay Mali. Halkaas ayey joogaan, waxaanan u malaynaynaa in hadda tiradoodu ay boqolaal gaareyso. Townsend ayaa warkan idaacadda VOA u sheegay mar uu wareysi gaar ah oo khadka Skypte-ka ah siiyey Khamiista maanta ah, isaga oo ku sugan xaruntiisa magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka. Waxa uu intaas raaciyey “dayuuradaha ciidanka cirka ee Ruushka ayaa…
Ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa lasoo tebiyay inay xadgudubyo waaweyn ka geysteen gobolka Tigray ee uu dagaalka ka socdo, inkastoo ay dowladda Soomaaliya horay u beenisay inay askar geysay gobolkaas oo ku yaalla Waqooyiga dalka Itoobiya. Militeriga Soomaaliya oo garabsanaya kuwa dowladda Eritrea ayaa lagu eedeeyay inay xasuuq ka geysteen deegaanno ka tirsan Tigray, bilihii ugu horreeyay ee ka dambeeyay marka uu dagaalku billowday, sida laga soo xigtay dad goob joogeyaal ah oo uu wareystay wargeyska “The Globe and Mail” ee kasoo baxa wadanka Canada. Markhaatiyaasha uu wargeyska la hadlay waxaa ka mid ah nin 52 jir ah oo…
Waa Dadka Maanta la siiyay Shahaadada Musharaxnimo ee tartanka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka qaybtooda ugu horaysa ee Puntland laga soo dooranayo. Afar Musharax,ayaa qaatay oo ksla ah… 1.Wasiirka Kalluumeysiga Fadaraalka Bidhaan oo kasoo jeeda Beesha Dhulbahante. 2.Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan oo kasoo jeeda Beesha Dhulbahante. 3.Cali Yuusuf Xoosh oo kasoo jeeda Beesha Majeerteen. 4.Axmed Taajir oo kasoo jeeda Beesha Leelkase. Dhamaan waa Dadka ay wadato Xukuumada Puntland ee loo xiray Kuraastooda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, siyaasiyiin iyo odeyaal dhaqameed kasoo jeedo Somaliland oo maanta Muqdisho ka hadlay ayaa dalbaday in la hakiyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee dhowaan la shaaciyay in Muqdisho lagu dooranayo, iyagoo ku eedeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen rooble inuu faragelinayo doorashada. Sidoo kale Boqor Buurmadow,ayaa ka hadlay Shirka jaraa’id si weyna udhaleeceeyay Rooble,kuna dhawaaqay in ay iskaga baxeen Doorashada haday Reer Waqooyi yihiin. Doorashadu waxay noogu socotay si habsami leh oo waxaa iskula eegi jireyna sida ay beeshu xildhibaanadeeda u soo dooraneyso, maalmahan dambe waxaa dhacday in waxyaabihii aan u gudbinay…
Rag habuysan,ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku dilay Saddex Dhallinyaro ah. Ciidanka Booliiska,ayaa sheegay in qaar ka tirsan kuwii dilka geysay gacanta lagu hayo. Horay,waxaa wax udilay Nin kasoo jeeda dhanka Puntland,kaasoo gacanta lagu soo dhigay. Balse,waxaa ka danbeeyay Labada Nin ee Xalay laga afduubtay dhanka Puntland,kadibna lagu dilay dhanka Galmudug. Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland,ayaa sheegay in ay xiriir iyo wada shaqayn kala yeesheen Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug oo ay hada ka war sugayaan soo qabashada Ragaas. Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ,ayaa ka hadlay dhacdooyinkaas. Halkan ka daawo muuqaalka.
Waa dhab in Hay’ada Sirdoonka Qaranka Somaliyed la tayeeyay oo ay leedahay awood Sirdoon oo qarsoon iyo mid muuqata. Sidoo kalena loo dhamaystiray hogaamadii iyo qaababkii laga rabay Hay’ad Sirdoon oo Qaran. Tayaynteedu mahan mid hada soo bilaabatay ee waa dhisid isa soo daba socotay tan iyo Dowladii Cabdullaahi Yuusuf. Balse su’aashu waxay tahay see loo adeegsaday iyo yaa loo adeegsaday? Hay’ada Sirdoonka Somaliyed ee Nisa waxaa loo adeegsadaa dano iyo qorshayayaal ay leeyihiin Dowlado iyo Hay’ado shisheeye!! Sidoo kalena,waxaa loo adeegsaday isla Qaranka Somaliyed basaasidiisa,burburinta danihiisa Qaran iyo la dagaalanka Siyaasigiisa iyo caburinta Shacabkiisa. Nisa oo awood leh way…
“Ma jiraan wax iska bedelay mawqifkeena. Ma rabno in booqashada Hoggaamiyaha Somaliland xumayso xidhiidhka wanaagsan ee aan la leenahay Jamhuuriyadda Soomaaliya”Ayuu yiri Afhayeenka W.Arimaha Dibada Itoobiya. Waa hadal khilaafsan ficilka Itoobiya ku kacayso. Sidee warkeeda loo qaadan karaa,iyadoo si muuqata usamaynaysa ficil khaldan oo bahdil ku ah Midnimada Qaranimada Somaliya. Hadalkan,waxuu umuuqdaa mid loogu hiilinayo Fahad iyo kooxdiisa oo lagu dajinayo Bulshada Somaliyed. Dowlada Somaliya,ayaa ku deg-degta khaladaadka Diblomaasi ee Dowladaha kale ka galaan Somaliya,halka Itoobiya oo dhawr jeer si cad ugu xadgudubtay Qaranimada ay indhaha ka xiratay. Ma noqon doono hadalka kasoo baxay Itoobiya mid lagu sii khaldo shacabka…
Itoobiya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan Somaliland, kaddib booqasho uu Addis Ababa ku tegey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Dina Mufti afhayeenka Wasaaradda Arrimaha-dibedda Itoobiya oo shir jaraaid uu qabtay arintan uga hadlay wuxuu yiri sidan . “Arrinta Dawladda federaalka Somalia iyo Somaliland waa arrin maxalli ah, marna ma doonayno inaannu faragelinno. Runtii booqashada uu Addis Ababa ku yimi hoggaamiyaha Somaliland ee aanay Qaramada Midoobay aqoonsanayn marna khatar ma gelinayo xiriirka aanu Soomaaliya la leenahay,Waxaan xoojinaynaa xiriirka aan Somalia la leenahay, mana jiro aqoonsi ajendaha ugu jira Itoobiya ” Dhinaca kalena Dina Mufti afhayeenka Wasaaradda Arrimaha-dibedda Itoobiya ayaa ka hadlay…
Ciidamo ku jiray Xerada Xargoble ee Qardho oo uu haystay Sarkaal lagu magacaabo Qoolaali,ayaa gadooday diidayna in ay amarka qaataan. Kadib amardiidadaas Qoolaali,waxuu la hadlay Madaxtooyada,waxaana lasoo faray in uu Dirayska iyo Qoriga ka qaado Askarigii isa soo taaga,kana saaro Xerada. Ilaa iyo hada Ciidan gaaraya 120-Askari,ayaa Tuutihii iyo Hubkii laga dhigay. Ciidamadan waxay badankoodu kasoo jeedaan Gobolada Bari iyo Mudug. Waa talaabo kale oo muujinaysa burburka ku socda Ciidanka.
Xerada 54-aad oo ay ka dhacayso Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaa lagu wareejiyay Ciid. Sidoo kale Afarteeda Gees,waxaa lagu xiray Qoryo Dhashiikayaal ah. Taliskii CID ee danbi baarista,waxaa loo raray si Kmg ah gudaha Xerada 54-aad. Ujeedada laga leeyahay talaabooyinkan,waa in looga hor tago hadii ay dhacdo in Beelaha qaar isa soo abaabulaan oo ay soo weeraraan Xerada xiliga Doorashadu ka dhacayso. Boobka Xildhibaanadu,waxuu marayaa meel halis ah. Jibril Qoobey.
Maxamuud Shido,ayaa diiday in Madaxweyne Deni ogolaado go’aankii Isimada si waadixa. Waxuu soo jeediyay in si hoose loo aqbalo heshiiska,isla markaana Nabadayn hoose lala saxiixdo Isimada. Maxamuud Shido,waxuu Deni usheegay in uu ka dhigo khilaafka PSF mid Beeleed oo Cismaan Maxamuud ka dhaxeeya una soo raro wada hadalka Qardho. Hadii kalena uu hoos udhigo kana aamuso,sidaana Xamar ku aado. Ujeedka Maxamuud Shido,ayaa ah in aan Isimada iyo Madaxweynuhu heshiis dhaqangal ah kala saxiixan oo taariikhda geli kara. Waxuuna Deni kula dooday in uu Xamar aadayo hadhowna heshiiskan haduu Waadix noqdo iyaga caqabad ku noqonayo oo PSF helayso sharciyad ay Dowlada…
Ciidan gaaraya 400-Askari oo Garowe loo keenay in ay xoojiyaan amaanka Doorashada,ayaa iyaguna diiday amar la siiyay. Ciidankan,ayaa ka hor yimid amar lagu siiyay in ay Roondo ka sameeyaan Magaalada xiliga Habeenimada. Habeenkii xalay ahaa,ayaa amarkii ugu horeeyay lagu siiyay in ay galaan gudaha Magaalada. Ciidanku waxay ku yiraahdeen Saraakiishii loosoo diray ..”Anagu Magaalo Gudaheed hawlgal kamaba fulinayno mana naloo diri karo Shacab”. Ciidanku,waxuu diidayaa in sidii Bosaso laga hor keeno Bulshadooda. Waa talaabo kale oo muujinaysa kala taga Ciidanka iyo Aaran-shaydaan iyo Boobka Kuraasta halkuu gaaray. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Joe Biden iyo xisbigiisa Dimoqraadiga ayaa Arbacadii dhabar-jab weyn kala dulmay Aqalka Senate-ka Mareykanka, kaddib markii xisbiga Jamhuuriga ay hor istaageen shirciga ilaalinta xuquuqda codbixinta, kaas oo ay muddo sanad ah u ololeynayeen.Dimuqraadiyiinta ayaa diyaar u ahaa inay isla markiiba u codeeyaan isbedel lagu sameeyo mid ka mid ah xeerarka Senate-ka, si ay uga gudbaan habraaca filibuster-ka oo ay u arkayeen inuu caqabd ku yahay hindisahooda, si ay ugu ansixiyaan aqlibiyad fudud sharciga ilaalinta xuquuqda codbixinta. Laakiin bedelka sharcigan ayaa sidoo kale ku dhammaaday guuldarro, maadaama Biden uu awoodi waayay inuu ku qanciyo laba senator oo xisbigiisa ah. Hoggaamiyaha…
Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay shil ka dhacay jihada Bari ee magaalada Garowe. Shilka,ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay laba ruux halka ay ku dhaawacmeen Afar kale. Marxuum Maxamed Cabdikariin Cumar oo ka tirsanaa Madaxtooyada Puntland ayaa kamid ah Labada Qof ee ku dhintay shilkaas. Dhimashada iyo dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Garowe halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacyada.
Waxaa la dilay Jeneral Abraham Tadhase oo ahaa taliyihii Guud ee Ciidanka Eritrea. Jeneralka,ayaa lagu dhex toogtay Magaalada Humeera waxaana Toogtay Nin xirnaa dirayska Ciidanka Ethiopia. Ilo lagu kalsoon yahay,ayaa sheegaya in ay dilka Jeneralka ka danbeeyeen Xoogaga TDF. Dilka Jeneralka kadib,waxaa dagaal xoogan dhex maray Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Eritrea. Dagaalkaas,ayaa,waxay Labada dhinac ku lumiyeen Ciidan aad u tiro badan oo labada dhinac ah.
Degmada Bender-Beyla wuxuu soo degitaankeedu bilowdey xili haatan laga joogo 400 oo sanno, waxeyna magaaladdu aheyd meel xeeb ah oo dad ajnabi ah oo Yamaniyiin iyo Cumaaniyiin kaluumeysato ahi degenaayeen, waxase dhanka soomaalida degitaan ugu horeeyey nin la oran jirey Cabdi Yuusuf. Xilligii Boqor Cismaan oo ku aadan dabayaaqadii qarnigii 19-aad iyo horaantii qarnigii 20-aad waxa degmadda B/beyla Duq Magaalo u ahaa Samantar Cabdi oo ahaa nin dulqaad badan, guddoon adag isla markaana diinta islaamka aqoon fiican u lahaa. Xilliga deyrta oo dabeyshu tahay Mansoon koonfureed ayay doonyuhu u dhoofi jireen suuqyadda sawaaxilka ee Mombassa iyo Zinzibaar waxeeyna sii mari…
Gavin Williamson waa 45-jir kasoo jeeda Scarboroug ,dadka kasoo horjeeda ayaa ku tilmaama,qof aan la aamini karin oo ka macaasha Siyaada,gaar ahaan iibgeynta Qadiyadaha Xasaasiga ah. Wuxuu mudo ku hawlanaa mooshin la horgeeyey Aqalka Hoose ee UK si looga doodo aqoonsiga Soomaliland,wuxuu kamid ahaa rag u ololeeya Somaliland uu horay u booqday Soomaliland isagoo xilligaa ahaa Wasiirka Gaashaandhigga UK. Gavin Williamson ayaa ahaa Wasiirka Gaashaandhigga UK 2017 ilaa 2019 ,Lknse markii dambe xilkii wasiirka waxaa looga qaaday si foolxun,kadib markii la ogaaday inuu sirtii qaranka UK uu xadayoo uu siiyey Dawladd cadow ah. Dawladda Britain ayaa sheegtay in Gavin Williamson…
Jaamacadda Michigan ayaa ogolaatay $ 490 milyan oo heshiis ah in ka badan 1,000 qof oo sheegaya in uu faraxumeeyay dhakhtar hore oo isboorti oo ka tirsan oo jamacada afar sano oo dood socotey heshiiska ayaa la sheegay in uu dhacay maalintii Arbacadii. Qareenka Parker Stinar ayaa sheegay in 1,050 qof ay qeyb ka qaadan doonaan dejinta, kaas oo la gaaray habeen ka hor. Jaamacaddu waxay ku jirtay dhexdhexaadin si ay u xalliso dacwooyin badan oo rag u badan kuwaas oo sheegay in Dr. Robert Anderson uu ku xad-gudbay galmo intii lagu jiray baadhitaannada caafimaad ee caadiga ah. “Waxay ahayd…
Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha qoyska ee Dowlada Puntland Sahra-Kiin Cabdi Xirsi,ayaa kasoo hor jeensatay taladii uu Wasiirka Arrimaha gudaha kusoo jeediyay in la badiyo taranka. Wasiirka,ayaa dhawaan sheegay in Puntland ay dhul ballaaran heysato ayna tahay in tirada dadka la badiyo si dhaqaalaha iyo kobaca Puntland uu sare ugu kaco. “Waxaan leeyahay fakirkaas ma ahan mid aan soo dhaweynayo xilligaan, waxaana leeyahay hala gaaro xilliga ay bulshadeena wax badan fahanto oo aqoonta iyo dhaqaalahana sidaan iska baddalaan midda kale arrinkan ma ahan arrin aniga iyo wasiirkaba inoo yaalla waa arrin shakhsi ah.” “Qofka waa xor oo ra’yiga…
Muuqaalku waa mid qurxoon oo na farxad gelinaya,hadana,waxaa agyaala Baarlamaanka hawlgabka noqday ee gacanta ugalay Madaxtooyada. Abwaan Jibriil oo ka yimid Fan,waxaa la oran karaa,waxuu yimid shaqo uusan lahayn oo uusan waxba ka aqoon. Inta badan Dadka reer Puntland waxay u arkaan Baarlamaanka Puntland in uu macno beelay oo uu noqday Xarun wakhtiga lagu lumiyo tan iyo intii Abwaan Jibril hogaanka uqabtay. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
“Waxaa cajiib ah in Madaxtooyada Puntland ay amar siinayso guddiga doorashada oo la leeyahay qofka aan rabno siiyaa foomamka diiwaangalinta, waana ceeb iyo fadeexad”Ayuu yiri Wasiir Duraan. Waxaa jira xogo sheegaya in Ergooyinka lagu yiri iska taga oo 1000 dolar mid walba ha qaato,anagaa Dad kale keensanayna. Halkan ka daawo muuqaalka
Deni,isagoo ka cararaya Rag abaal ku leh oo uu yaqaan waxay galaan,qadiyadooda iyo balankooda soona garab istaagay Labadii Sano ee udanbeeyay,ayuu u geli doonaa Dhurwaayo Yuur-yuurura. Axmed Taajir waa gacanta Midig ee Fahad Yaasiin. Si kale hadii loo dhigo waa Sodogiis oo Gabadha Fahad qabo waxaa dhashay Axmed Taajir Walaashiis. Waliba waa Xidid dhanka Siyaasadana iskaga xiran oo hawlo fara badan wada fuliyay. Waxaa udanbeeyay Shirkii Goldogob oo Lacag gaaraysa Nus Milyan Dolar oo Fahad usoo dhiibay lagu kharash gareeyay. Axmed waa Nin mowqifkiisu cadaa Sanadihii ugu danbeeyay si cadna udiidanaa Fadaraalisimka iyo Puntland. Saakay in Subag lasoo mariyo oo…
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT waxay shaaciyeen Guddiga xulista Ergooyinka Kuraasta Lixda ah ee jadwalkooda la shaaciyey 18-Jan-2022. Halkan ka akhriso Shaacinta:-
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa garoonka diyaaraha Kismaayo kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka dadban ee heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafti uu hogaaminayay. Gudoomiyaha Guddiga FEIT iyo xubnaha kale ee lasocda ayaa Kismaayo u yimid sidii ay xog ogaal uga noqon lahaa doorashada Kuraasta lixda ah ee ay xalay shaaciyeen SEIT Jubbaland iyo sidii uu kulamo kala duwan oo lagu dardargalinayo howlaha shaqo ee doorashooyinka ula qaadan lahaa xubnaha Guddiga seit Jubbaland. Halkan ka daawo muuqaalka
Israel ayaa Imaaraadka Carabta u yaboohday taageero amni iyo mid sirdoon oo ka dhan ah weeraro kale oo lagu qaado kadib weerarkii dhimashada lahaa ee Xuutiyiinta ay ku qaadeen Abu Dhabi, waxaa sidaa lagu sheegay warqad kasoo baxday ra’iisul wasaaraha Israel. Saddex qof ayaa la dilay, lix kalena waa la dhaawacay Isniintii kadib markii saddex booyad oo shidaal ah ay ku qarxeen caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi. Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxda ay “tiro ballaaran” oo ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka iyo shan gantaal oo ballistic ah ay u adeegsadeen weerarka. Ra’iisul Wasaaraha Israel…
11-Kursi,ayuu Maanta Deni soo saaray,iyadoo 10-kii ka horeeyay aan la dooran. Waxaa jira cabasho iyo buuq xoog badan oo ka imaanaya Beelaha oo dhan. Awrtable si buuxda,ayaa loo faragaliyay 3-dooda Xildhibaan. Leelkase,waxaa ka imaanaya cabashooyin xoog badan. Majeerteen,Dhulbahante,Warsangeli iyo Dishishe,ayaa iyagana,waxaa kasoo baxaya cabashooyin la mid ah kuwaas. Kuraasta Xildhibaanada Ee la shaaciyay waa sida tan… Hop 129-Carab Saalax. Hop 199-Majeerteen Cumar Maxamud Hop 198-Majeerteen.Cumar Maxamud Hop 121-Dhulbhante.Maxamud Garaad Hop 192 -Leelkase.reer Xasan. Hop 75-Xasan Ugaas.Dhulbahante Hop 73-Axmed Garaad.Dhulbahante. Hop 229-Dhulhante Faarax Garaad.Bah-Ararsame. Hop 191 Leelkase.Maxamed Muumin. Hop 14 Awrtable. Hop 174 Awrtable.
Xildhibaan Vicky Ford oo Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK,ayaa iyaduna ka hadashay doodda Aqoonsiga Somaliland. “Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay tiri.
Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa si yaab leh oo laga naxo uga falceliyey kulan maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo soomaaliya uga guddoomaysey Safiirka cusub ee dowladda Sucuudiga. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa barteeda Facebook ku baahisay sawirada Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad. Arinta layaabka lihi waa sida liidata ee ay Soomaalidii ra’yiga dhiibanaysey ay uga fal-celiyeen sinjiga Danjiraha cusub ee Sucuudiga ee dowladda Sacuudiga ay u soo magacowday Soomaaliya Iyagoo muujinaya in aanay ku qanacsanayn safiirka safiirka cusub…
650-Xildhibaan oo Golaha Baarlamaanka Ingiriiska ka kooban yahay,waxaa Qadiyada gooni goosadka Gobolada Waqooyi ee Somaliya usoo xaadiray kaliya 30-Xildhibaan,taasoo ka dhigan 0.04%,wax kayar Boqolkiiba 1%. Muuqaalkaasi waxuu soo afjaray hamigii gooni goosatada,islamarkaana,waxuu xaqiijiyay in caalamku aysan muhiim u arag kala goynta Jamhuuriyada Somalida. Baarlamaanka Ingiriiska abaal baan uga haynaa hoos udhigida hamiga gooni goosatada. Muwaadinka Somaliga ahna Maanta qiimo gaar ah ayay uleedahay. Jibril Qoobey.
Afar Qof,ayaa dhintay ku dhawaad 10 kalena wey ku dhaawacmeen kaddib markii uu galabta naftii halige isku qarxiyay makhaayad Shaah laga cabo oo ku taalla ka soo horjeedka Xerada tababarada Ciidanka Xoogga dalka ee Jenaraal Dhaga-badan ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo Ciidamada Booliska Somaliya,ayaa gaaray goobta kuwaas oo gurmad u sameeyey dadkii waxyeellada ka soo gaartay Nawaaxiga uu qaraxan ka dhacay ayaa lagu soo warramayaa in hadda ka hor uu ka dhacay weerar ka mid ah kan maanta dhacay. Ururka Al-Shabaab ayaa markiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarka.
Xaafiis Ganacsi,ayaa lagu ogaa Adis in uu uga furnaado Maamulka Somaliland,balse layskuma ogayn in uu Calan lahaado. Waa fahmi karnaa Daqiiqado kooban oo Sawirada la qaadayay in Calanka la saaray Gaariga,waxyar kadibna la qariyay. Sababtoo ah Baratakoolka Diblomaasi,ayaan ee caalamku isla ogol yahay,ayaan siinayn Muuse in Calan loo saaro Gaariga. Si kastaba ha ahaatee khaladaad Diblomaasi,ayay Itoobiya ku kacday,kuwaasoo mudan in lagula Xisaabtamo. Inkastoo Farmaajo Abiy uu ku tilmaamo Walaal,loogana baran in uu ka falceliyo khaladaadkiisa,isla markaana Dowlada Somaliya mudo xileedkeedu idlaaday laguna jiro xili doorasho oo Xildhibaanada la xod-xodanayo hadana khaladkan Diblomaasi lagama aamusi karo. Jibril Qoobey.
MUDEYNTA FARIISINTA GOLEYAASHA DEEGAANKA EE DEGMOOYINKA QARDHO, EYL IYO UFEYN. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo dhammaan Xubnihii 25kii October 2021 loo doortay Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl in Wasaaraddu u asteysay fariisinta Goleyaasha 3da Degmo iyo qabashada doorashada Guddoomiyaasha Degmooyinka 27 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo. Wasaaraddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan inta fariintaani ku socoto in si waafaqsan sharuucda Puntland Wasaaraddu fududeyn doonto: In fadhigaas lagu dhaariyo Xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee la doortay sida ku cad Qodobka 22aad…
Sanadkan 2022-ka, darajada baasaboorrada adduunka ayaa u muuqda inuu isbaddal ku dhacay marka la eego qeybaha ugu sarreeya. Saameynta cudurka Covid-19 oo keentay in dalal badan ay xaddidaan galitaanka iyo bixitaanka ayaa horseedday in heerarkii baasaboorrada uu isbaddal ku imaado. Baasaboorrada dadka adduunka qaarkood waxay u yihiin shey muhiim u ah oo loo baahan yahay in mar walba uu diyaar kuu ahaado, halka dad kalena ay u arkaan caqabad hor taagan socdaalka. Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa sanad walba soo saarta liis muujinaya…
Dowlada Fadaraalka Somaliya,waxay Dowlada Ingiriiska uga Mahadcelisay garab istaageeda dib udhiska Dowladnimada. Xiriirka Labada Dal,ayaa lagu amaanay intii uu socday wada hadalka Labada Wasiir. Dowlada Uk waxay maalin ka hor ugu deeqday Somaliya Abaarta xiligan ka jirta 10-Milyan oo dolar. Laguma soo qaadin wax mudnaana lama siin soo jeedinta dhawrka Xildhibaan ee Baarlamaanka Ingiriiska ee ku aadan kala jarida Jamhuuriyada Somaliya. Talaabada uqaaday Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya saakay ayay bogaadiyeen Diblomaasiyiin badan oo Somaliyed,maadaama ay kusoo aaday Olale koox la maalgeliyay ay kawado Baarlamaanka UK oo ka dhan ah Qaranimada Dalka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda daah-furaya Hiigsiga Puntland 2040, oo maanta lagu soo bandhigay Madaxtooyada Puntland Shirkan oo ay Dadka ugu badan ee ka qaybgalay ay ahaayeen Wasiirada iyo Agaasimayaasha Dowlada,ayaa Dad badan u arkaan mid ii dheh ah oo aan macno badan soo kordhinayn. Iyadoo 2022 lagu fashilmay maaraynteeda in 2040 loo hanqal taago waxay umuuqataa in Bulshada laga mashquulinayo xaalka cakiran ee Dalka. Sidoo kale hiigsiga 2040 saw mashquulin mahan Bulshada laga mashquulinayo Boobka Kuraasta Golaha Shacabka Fadaraalka ee sida xuduud dhaafka ah ay uboobayaan Aaran-Shaydaan. Hadii Amnigii lagu fashilmay!! Hadii Dimuqraadiyadii lagu fashilmay!! Hadii…
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni wiil uu dhalay General Muhoozi Kainerugaba ayaa fariin u diray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyadoo ay jirto xiisad u dhexeysa labada dal ee ku saabsan xuduudka Malaba. General Kainerugaba oo ku taagan mawqif aan leexleexad lahayn ayaa waxa uu soo dhigay baraha bulshada isagoo ku dhawaaqay in aanay cidina jebin karin xidhiidhka labada dal Kenya iyo Uganda Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda, ee ah Hogaamiyaha Qarsoon ee dalka Uganda ayaa dhowr jeer oo hore, ammaanay Uhuru oo ku aaddan hoggaamintiisa, isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah madaxweynayaashii ugu waaweynaa ee Afrika soo mara. “Walaalkeyga weyn, Mudane…
Tagida Muuse Biixi ee Adis-ababa waxay ku salaysan tahay qorshaha Itoobiya ee Seylac. Guurti iskugu jirta Beelaha Godeybiirsay iyo Ciise oo gaaraya in ka badan Boqol,ayaa Adis ujooga ogolaansho ay Itoobiya ugu saxiixayaan in ay Deked ka dhisan karto Seylac. Abiy toos,ayuu ugu gacan dhaafay Muuse Biixi Beelaha Godeybiirsay iyo Ciise,waxuuna rabaa in uu awood Ciidan geliyo halkaas,isagoo ka dhiganaya jidmar Saxiixii Farmaajo ee Afarta Dekadood iyo kan Odoyaasha Deegaanka Seylac. Muuse Biixi,waxaa horyaala ciyaar adag oo ubaahan aragti iyo Diblomaasiyad. Itoobiya oo Shiinaha iyo Ruushku dabada ka riixayaan waxaa ka go’an in ay ka hesho Xeebaha Somaliya Deked ugu…
Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa cambaaraysay weerarkii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee maanta lagu qaaday caasimadda Imaaraatka Abu Dhabai.
Aamiin Xaaji Khayr majirto Dowlad aqbalaysa in ay wada shaqayn la yeelato. Maamulka Deni ee hada haya talada Puntland ma heli doono Dowlad kale oo garab ka siisa la dagaalanka argagixisada. Sababtoo ah Aamiin,waxuu toos xogaha uga iibsadaa Shirkad degan Imaaraadka oo Qandaraas ka haysata Sirdoonka Ingiriiska. Maraykanku cida uu wax udirsanayo waa iska soo baaraa,sidaas awgeed waa yaqaan Aamiin ka badan inta Deni yaqaan. Maraykanku,waxuu haystaa Ciidan uu ku kalsoon yahay oo uu yaqaan,tababartay oo gacanta uu ku hayo,mana jirto sabab uu ugu wareego adeege u adeega Qolo iyaga usii adeegta. Aamiin,waxaa looga yeeray Garowe si uu ula kulmo…
Deni in uu tago Bosaso,waxaa ka xiga laba Qodob oo kala ah.. 1.In uu shaaciyo aqbalaada Go’aanka Isimada. 2.In uu amar cad ku siiyo Xasan Abgaal iyo Gallan joojinta gacma gacmaynta iyo dagaal Shaanshiyeedka ay kawadaan Bosaso. Deni waa la hadlay Isimada,waana uxaqiijiyay in uu si guud u aqbalsan yahay Go’aamadooda,balse ay jiraan qaar ubaahan in si hoose looga wada xaajoodo. Isimadu waxay ugu jawaabeen xalaal barqaa Laquutaaye oo xaalka haka dhigin Gashaanti Aamus baa lagu Meheriyaa ee shaaci aqbalaaada ka hor imaanshahaaga Bosaso. Wal-walka ugu weyn ee haysta Deni,waa baqdin uu ka qabo Drons-ka PSF oo ay Aaran-shaydaan ku…
Dawladda Biritan ayaa ku dhowaaqday lacag ka badan 10 milyan oo dollar oo wax looga qabanayo abaaraha dhibaatada ku haya. Soomaaliya. Deeqdan waxaa ku dhawaaqday Wasiirka Afrika ee Biritan Vicky Ford. War saxaafadeed,ayaa kasoo baxay safaaradda Biritan ee Soomaaliya. British Ambassador to Somalia, Kate Foster, said: The situation is extremely worrying, with millions of people in desperate need of lifesaving food and clean water. The UK is moving quickly to provide support with an additional $10 million of funding, as experience has shown that early, preventative action is vital to avoiding mass loss of life. So far, the UK has…
The UK’s Minister for Africa, Vicky Ford MP, today (17 January 2022) announced a $10 million package of UK support for Somalis affected by extreme drought, during a visit to Kenya as part of a three-country East Africa visit. The funding will provide vital assistance such as cash to buy urgent food supplies and water to help vulnerable families across Somalia that are desperately suffering from relentless drought. The support is part of the £17 million package of UK support to countries in East Africa affected by extreme drought and flooding. The drought severity in Somalia continues to worsen, with…
Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa la muddeeyay waqtiga la maxkamadayn doono Khaalid Sheekh Maxamed, oo ku eedaysan inuu yahay ninka naqshadeeyay weerraradii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday. Mr Maxamed ayaa waxaa lala maxkamadayn doonaa afar nin oo kale, kuwaas oo maxkamadayntoodu ay 11 bisha Janaayo 2021 ka dhici doonto maxkamad milateri oo ku taal Guantánamo Bay. Raggan ayaa waxa ay ku eedaysan yihiin inay galeen dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo dilka ku dhawaad 3,000 oo qof. Raggan shanta ah ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee maxkamad la keeno ku dhawaad 20 sanadood kaddib markii ay dhaceen weerraradii burburka badan gaystay…
Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayada oo Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku dhowaaqeen “howlgallo militari” oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. “Walxyo yar oo duula” ayaa la helay ayada oo saddex booyado shidaalka qaada ah ay ku qarxeen aag warshado, sidoo kalena dab uu ka kacay garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen booliska. Saddex qof ayaa ku geeriyootay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen booliska. Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu kasoo jeedo Pakistan. “Baaritaano horudhac ah ayaa tilmaamaya…
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT,ayaa shaacinaya 13 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Dowladda Jubbaland. Guddiga,ayaa horey u shaaciyey 14-kursi,iyadoo doorashada kuraastaas 6-kamid ah horey loo qabtay.
Halkan ka daawo muuqaalka
Beesha reer Xuseyn ee Muuse Ciise Maxamuud, waxay ka hor timid Gudoonkii Islaan Ciise. Islaan Ciise Islaan Maxamed,ayaa go’aamiyay in Beesha Cali Nuur Kursigaas markale la siiyo,iyadoo soo haysay 5-tii Sano ee hore. Beesha Cali Nuur,waxaa kasoo jeeda Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh oo ahaa 4-tii sano ee hore Nin aad ugu khidmeeyay Labada Isin ee Beelweynta Ciise Maxamuud danahooda gaarka ah iyo fududaynta adeegyada ay uga baahdaan Xamar. Sida aan xogta ku helay Labada Isin waa ka midaysan yihiin soo celinta Cali Xoosh oo ay u arkaan Siyaasi Baari u ah. Xildhibaan Cali Gaab waa Siyaasi aragtidiisu aysan ka sarayn…
Diyaarad uu leeyahay hoggaamiye kooxeedka Libya ee Khaliifa Haftar ayaa ku degtey in mudo ahna joogtey garoonka Diyaaradaha ee Tel Aviv . Diyaarada siday Xaftar ayaa ahayd kuwa gaarka ah ee loo yaqaan P4-RMA waxayna ku degtay Ben Gurion Airport iyadoo kasoo kicitintay dhanka Qubrus, Wiilka uu dhalay Khalifa Haftar ee Saddaam ayaa horay bishii Nofeembar u booqday Israel isagoo taageero ka raadinaya una ballanqaadaya inuu xiriir wanaagsan oo diblomaasiyadeed la yeelanayo haddii ay taageeraan aabbihii inuu Libya madaxwayne ka noqdo, sida uu qoray Wargeyska Haaretz ee Israel. Khalifa Xaftar, oo ay taageeraan Ruushka, Masar, Imaaraadka iyo dalal kale ayaa…
Go’aan Wasaaradeed” Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ahna kusimaha Wasiirka Waxbarashada, markii uu arkay xogihii ka soo baxay kormeerkii loo diray magaalada Gaalkacyo wuxuu soo saaray: In la xiro labada dugsi sare ee kala ah Somali International iyo Cabdullaahi Yuusuf oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo maaddaama dugsiyadaas ku kaceen nidaam baalmarsan hannaanka waxbarashada dowladda Puntland, laguna dhuminayo ubadka reer Puntland.In caddaaladda la horkeeno mulkiilayaasha, maamulayaasha iyo cid kasta oo qayb ka ah burburinta nidaamka waxbarashada dowladda Puntland. Hoos ka daalaco Go’aamadii kasoo baxay Xafiiska Wasiiru-dowlaha. Halkan ka akhriso Go’aamada:-
Isafgarad ayay ka gaareen Labada Wasaaradood ee Waxbarashada Puntland iyo Galmudug,kaasoo la xiriira Qul-qulka Ardayda Labada dhinac.
Qaraxa Bosaso ka dhacay,wuxuu ahaa Bam Gacmeed uu Qof Tuuray,waxaana ku dhaawacmay Ninkii Tuuray. Qaraxa,waxaa ka danbeeyay Laamaha amaanka. Qorshaheedu waa sidii loo baajin lahaa Doorashada 16-ka Kursi ee Bosaso ku qoran in ay ka dhacaan. Hadii taasi suuroobi waydana in la abuuro Jawi baqdin gelin ah. Qaraxu mahan wax argagixiso tuurtay ee waa mid Gacanta Dowlada ah.