Bar Kayntarool oo Ciidamada Amaanka utaalay gudaha Bosaso ayay Qarax la eegteen argagixisadu. Hal Qof,ayaa ku dhaawacmay oo Qura,mana jiro khasaare kale oo hada soo baxay. Kadib khalkhalkii amaan ee ku yimid laamaha amaanka,gaar ahaan Ciidamada la dagaalanka argagixisada si weyn ayay isku soo abaabushay argagixisadu. Todobaadkii hore ay mareen karin Maleeshiyo gaaraysa ilaa 100 oo argagixisada ah. Sidoo kale,waxaa jira dagaal udhaxeeya Daacish iyo Shabaab oo ka socda Buuraha Todobaadyadii lasoo dhaafay. Dagaalka,ayaa salkiisu yahay cida ka qaadaysa Ganacsatada Bosaso waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka. Xogo laga helayo gudaha Bosaso waxay xaqiijinayaan in dib ay ubilaabatay fariimihii ka imaan…
Author: Jibril Qoobey.
Xulka kubadda cagta ee dalka Qatar ayaa 2-0 uga adkaaday dhiggiisa uu xifaaltanka weyn uu ka dhexeeyo ee dalka Sacuudi Carabiya, ciyaar ka tirsaneyd Koobka Qaramada Aasiya. Kulankaasi oo xiisa gaar ah lahaa, isla markaana loogu magac daray “Blockade Derby” ama kulanka adag ee go’doominta, ayaa waxa ay labada xul ku tartamayeen hogaanka guruubka E. Almoez Ali oo asal ahaan ka soo jeeda Suudaan, weerarkana uga ciyaara kooxda Qatar, ayaa u dhaliyay labada gool, waxaana xulkaasi gool ku laad ka khasaariyay kabtankooda, Hassan Al Haydos. Kulanka oo ka dhacay garoonka Mohammed bin Zayed ee magaalada Abu Dhabi, ayaa ahaa kii…
Sacuudi Carabiya ayaa meesha ka saareyso ciqaabta karbaashka sida laga soo xigtay dukumiinti sharci ah oo ay heleen warbaajinta. Maxkamadda ugu sarreyso dalkaasi boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegeysa in karbaashka lagu baddali doono xabsi ama ganaax. Dukumiintiga ayaa waxaa ku qoran in tallaabadani ay ka mid tahay isbadallada xuquuda aadanaha ee ay keeneen Boqor Salmaan iyo wiilkiisa. Sacuudi Carabiya ayaa lagu eedeeyay xiridda dadka ka soo horjeeda iyo dilkii loo geystay weriye Jamal Khashoggi. Markii ugu dambeeysay ee ay bogagga hore ee warbaahinta qabsato ciqaabta karbaashka ee Sacuudi Carabiya, waxay ahayd sannadkii 2015-kii markii la karbaashay Raif Badawi oo wax…
Turkiga ayaa ku guulaystay inay samaystaan markii ugu horaysey hannaanka la yiraahdo VLS oo loo adeegsado in laga gano gantaalaha 90-ka digrii ah ee sare u baxaya. Madaxweyne Erdoğan oo ka hadlayey xarunta maraakiibta lagu dhiso ee Istanbul Shipyard ayaa dib u Xasuustay marar badan oo Reer galbeedku u diideen inay hub ka iibiyaan,wuxuuna yiri sidan. ” Shalay Nidaamka VLS waxaan kasoo iibsan jirnay dibada,lknse maanta gudaha turkiga ayaa lagu sameeyey waa guul weyn oo aan bogaadinayo ,waxaana lagu qalabaynayaa markabka Istanbul Frigate. Markaan Xasuusta dib u celino waxaynu xasuusanaynaa Markii aynu Dawladahaas ka dalbanay inay naga iibiyaan diyaaradaha aan…
Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii argagaxisada maanta la beegsadeen Afhayeenka Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaas oo dhaawac ka soo gaaray. War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Qatar ay si aad ah uga soo horjeeddo ficilada guracan ee argagixisada ku beegsadaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee rayidka ah. Sidoo kale, war saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dowladda Qatar caafimaad deg deg ah u rajaynayso afhayeenka xukuumadda ee dhaawaca soo gaaray. Ka hadalka Qatar ee Qaraxa lala beegsaday Afhayeenka Xukuumada Fadaraalka,ayaa dhalisay iswsydiin oranaysa “Maxaa keenay ka hadalka Qatar…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa maanta kulan la yeeshay Ururada siyaasadda Puntland, kulankan oo ka danbeeyay laba kulan oo horey uyeesheen labada dhinac ayaa TPEC Ururadda ugu soo bandhigeen fikradihii ururadu kusoo gudbiyeen labadii kulan ee hore iyo qaybtii Guddigu ku dareen sidoo kale waxaa kulanka lagu falaqeeyey qorshaha hirgalinta dooorashad degmoyinka dhiman. ugu danbayn afhayeenka Guddiga oo shirkan gudoominayay ayaaa ururada uga mahadceliyey figradaha iyo xogaha iyo wadashayqanta ay guddiga la leeyihiiin.
Garoowe: 16 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dhallinyarada Puntland oo labo maalmood ka soconaya Garoowe. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Shirwayanaha Dhallinyarada Puntland, oo ah fursad dhallinyaradu arrimahooda gaarka ah ku gorfeynayaan, wuxuuna u rajeeyay in uu noqdo mid ay wax wanaagsan kasoo baxaan. Dowladda Puntland oo ka duulaysa siyaasadda Madaxweynaha ee fursadsiinta Dhallinyarada Puntland ee uu hore u ballan qaaday, waxaa Dowladdu hirgelisay nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo dhallinyarada siinaya fursad-siyaasadeed oo aysan hore u haysan, Dowladda oo 69% Dhallinyaro tahay , Sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Puntland oo la sameeyay iyo…
Dowlad Goboleedyada Soomaaliya,ayaa billaabay dedejinta doorashada Golaha Shacabka ayaga oo shaaciyey kuraas badan oo ay doorashadoodu qaban doonaan dhowaan. Puntland,ayaa maanta ku dhawaaqday qabashada doorashada 10-ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka 10-ka maalmood ee soo socda. Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in shan ka mid ah kuraasta doorashadooda la qaban doono 22-ka Janaayo 2022, halka shan kale la qaban doono 25-ka Janaayo. Waa kuraastii ugu horreysay ee Golaha Shacabka ee baarlamanka 11-aad oo doorashadooda lagu qabanayo Puntland. Sidoo kale,Guddiga doorashada HirShabeelle,ayaa soo saraay liiska 11-kursi oo doorashadoodu ay ku qaban doonaan magaalada Jowhar. 11-ka kursi,ayaa ka…
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa lagu dhaawacay qarax ismiidamain ah oo maanta ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Macalimuu ayaa loola cararay mid ka mid ah cisbitaallada magaalada, waxaana dadka ka ag dhow ay u sheegeen VOA in xaaladdiisu ay deggan tahay. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in Macalimuu lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah, waxaana xafiisku cambaareeyey werarkaas. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u rajeeyey Macalimuu inuu degdeg uga soo kabsado dhaawaca soo gaaray. Maxamed Ibrahaim Macalimuu oo horey u ahaa saxafi, islamarkaaana hoggaamin jiray mid ka mid ah ururrada u dooda saxaafadda ayaa dhowr…
Puntland,ayaa maanta ku dhawaaqday qabashada doorashada 10-ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka 10-ka maalmood ee soo socda. Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa sheegay in shan ka mid ah kuraasta doorashadooda la qaban doono 22-ka Janaayo 2022, halka shan kale la qaban doono 25-ka Janaayo. Waa kuraastii ugu horreysay ee Golaha Shacabka ee baarlamanka 11-aad oo doorashadooda lagu qabanayo Puntland. Halkan ka akhriso:-
Annaga oo ku hadlayna magaca wax-garadka Dal-udug ee qurbaha ku dhaqan, baaqayagan II-aad, waxaan bogaadin iyo taageero ugu muujineynaa go’aanka geesinimada leh ee Isimada Dal-udug ay ka qaateen shiqaaqadii ka dhacdey Boosaaso. Go’aankan ay shanta Isim soo-saareen boqorkuna uu guddoonshey wuxuu soo baxay maantii ay taariikhdu ahayd 11-01-2022-ka. Go’aanadan lixda qodob ah waa kuwo masiiri ah oo xoojinayadhinacyada nolosha dhaqaalaha, dhaqanka iyo nabadgelyada Dal-udug. Sida ka muuqata qodobada bayaanka, Isimadu waxay tix-raaceen sidii uu dhaqanku ahaa oo ahayd in la qaboojiyo dagaalka lugaha loo geshey ciidamada walaalaha ah oo u dhisnaa difaaca Dal-udug. Islamarkaas waxay go’aankooda ku bidhaamiyeen boogo u…
Waxaa Xaaladiisu Caafimaad Ay Fiicantahay afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim macalimuu oo Barqanimadii Maanta Qof isi Soo Miidaamiyay uu isku Qarxiyay Gaarigiisa. Xaalada Afhayeenka,ayaa naloo Xaqiijiyay in haatan ay ka so wanaagsanaaneyso sidi ay ahayd marki qaraxa lala eegtay ,dhaqaatiirta ayana ku hawlan baxnaaninta Macalimow. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamada Sare Ee Somaliland Ayaa Ku Dhawaaqday Inay Furan Yihiin Ururada Siyaasada. Akhriso Go,aanka Maxamada Sare.
Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay Liiska 11 kursi oo ka mid ah 13 kursi ee deegaan doorashadooda tahay Magaalada Jowhar. Halkan ka akhriso:-
Halkan ka daawi muuqaalka
Keliya diinta Islaamka ma mamnuucin cunidda doofaarka, ee sidoo kale Yahuudda ayaa xaaraantimeeyay doofaarka. Si kastaba culimada diinta Islaamka ayaa qaba inay jiraan xaalado gaar ah oo la eego. Dr. Ibraahim Sheekh Maxamed (Dasuuqi) oo ah dhaqtar ku takhasusay xanuunnada wadnaha, isla markaana ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee ay dhaqaatiir Muslimiin ah baaraan sida xubnaha doofaarka amaba waxyaabaha kale ee laga soo dheegtay xayawaankan ay u leeyihiin caafimaadka bani’aadamka. Wuxuu sheegay in xubin xayawaan lagu beero bani’aadam ay soo bilaabatay xilli fog oo haatan laga joogo 800 oo…
Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay 21 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasoo doorashadooda la qabanayo maalmaha soo socdo. Waa kuraastii ugu badneyd ee hal mar la shaaciyo, iyadoo maanta ay bilaabaneysay jadwalka doorashada ee loo muddeeyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 15 Janaayo illaa 25 Febraayo.
Somaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa iska kaashaday arrin aysan Soomaali badani aanay xog ka hayn sida uu sheegay Maxamed Cabdirisaaq Maxamed. Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, ayaa waraysi uu bixiyey wuxuu ku sheegay arrin dood badan ka dhex abuurtay Soomaalida oo ah in Soomaaliya ay diiday deeq daawo ahayd oo uga imaan lahayd dalka Masar, Si aanay uga caraysiinin Itoobiya. Dhinaca kalena Wasiirka ayaa ka hadlay xiriirka Somalia iyo Imaaraadka wuxuuna beeniyey inuu si buuxda u wada go’ay, wuxuuna soo qaatay arrin diblomaasiyadeed oo ay labada dal ka wada shaqeeyeen sanadkii hore. Wasiirkii hore ayaa sheegay…
Islaan Ciise Islaan Max’ed iyo Suldaan Saciid Max’ed Garaase,ayaa Maanta Qado sharaf ugu sameeyey Beeraha 22-aad Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam iyo Waftiyo Isimo u badan oo ay Hogaaminayeen. Qadada waxaa kale oo ka qeybgalay Isimo, Cuqaal, Nabadoonno, Wasiiro Ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaano Heer Federaal, Siyaasiyiin iyo waxgarad kale. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Suldaan Saciid Suldaan C/salaan iyo Isimo kale ayaa kasoo laabtay Magaalada Boosaaso oo ay u tageen Xal u helidda Arimihii Dagaalada Sababay.
Halkan ka daawo muuqaalka
Dawladda Maraykanka ayaa ugu dambayn ogolaatay in xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla gasiiradda Cuba laga sii daayo Maxbuus Soomaali ah oo halkaa ku xirnaa in ka badan 17 sanadood. Guuleed Xasan Duraan, oo 47 jir ah, islamarkaana aan marna maxkamad la soo taagin, ayaa lagu wadaa in xabsiga laga sii daayo 20-ka bishan Jannaayo, kaddib halgan ay muddo dheer qoyskiisu wadeen. Waxay sii dayntiisu Sumad u tahay 20-guurada kasoo wareegtay furitaankii xabsiga Guantanamo Bay, oo loogu tala galay in lagu xiro dad badan oo uu Maraykanku ku tilmaamay inay argagixiso yihiin, balse qaar badan la iska soo qabtay wax…
Saddex musharax oo u taagan kursiga #Hope200,ayaa ka sheegay inaysan ku qanacsanayn Guddoonka Islaan Ciise uu kursigaan ugu xiray reer, “Kuma qanacsanin warka ka soo yeeray Isimka, wuxuu baalmarsan yahay Habracyadii Doorashada 3-9 january 2022, qodobkiisa 13aad. Halkan ka daawo muuqaalka
Dowladda Itoobiya ayaa warqad u dirtey hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO), iyadoo ku eedeysay aggaasimaheed guud, Tedros Adhenom Ghebreyesus inuu ku kacay “anshax xumo”, kadib dhaleeceyn xooggan oo uu ujeediyey colaadda iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira gobolka Tigray Tedros ayaa afar sano kahor magaca Itoobiya ku helay xilka uu ka hayo WHO, laakiin waxa ay Addis Ababa sheegtay “inuusan kasoo bixin daacadnimadii iyo filashadii xirfadeed ee loogga baahnaa xafiiskiisa,” iyadoo dowladdu ay ku eedeysay inuu faro-gelin ku hayo arrimaha gudaha e Itoobiya. Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Tedros uu faafiyey macluumaad khaldan, isagoo wax u dhimey…
Waa kuma Muuse Geelle Yuusuf (Faroole)? Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) ayaa xilal dhowr ah oo hore ka soo qabtay Puntland. 1.Dhowaan wuxuu ahaa Guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee Guddiga Girgelinta Doorashooyinka Qaranka. 2.Sanadkii 2006 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari, Puntland, xilkaas oo uu sanado hayay. 3.Wuxuu sidoo kale soo noqday Duqa Magaalada Bosaso. 4.Sanadkii 2013 wuxuu ahaa wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland. 5.Wuxuu ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha Puntland.
Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa maanta doortay guddoon cusub ka dib markii ay dhowaan xilkii ka xayuubiyeen guddoomiyihii guddigaasi, Maxamed Xassan Cirro. Cabdiraxiin Cabdicasiis Aaden iyo Muuse Geelle Yuusuf oo labadaba ka tirsanaa Guddiga ayaa ku tartamay kursiga, waxaana 14 cod ku guuleystay Muuse Geelle Yuusuf. Cabdiraxiin Cabdicasiis ayaa helay 11 cod. Doorashadan oo ka dhacday Afisyooni ayaa waxay imaaneysaa iyadoo Maxamed Xasan Cirro, oo ahaa guddoomiyihii hore ee guddiga ay dhawaan xilka qaadis ku sameeyeen xubnaha guddiga doorashooyinka dalka. Maxamed Xasan Ciro ayaa horay loogu eedeyay shaqa gudasho la’aan iyo ku milanka siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira, taas…
Garoowe: 15 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 15-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada. *Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Waa dhab in Qaadka Puntland yimaada loo xiray Wiilka Madaxweynaha iyo Xildhibaanka Jifida Madaxweynaha. Maalinkii celcelis ahaan,waxay ka faa’idaan 24000 oo dolar. Qaadkaas,waxaa ku noolaa Dad fara badan oo reer Puntland ah oo Nolol maalmeedkooda ka heli jiray. Balse hada lumiyay fursadihii ay ku dabaran jireen Noloshooda. Diyaarado dhawr ah,ayaa Qaadka keeni j8ray Puntland,kuwaasoo kasoo degi jiray garoomo kala duwan. Haatan,waxaa lagu soo koobay hal Diyaarad oo u kiraysan Cabdullaahi Siciid Deni,Hal Garoon oo ah Garowe iyo Hal Xaafiis oo keeni kara Qaadka,kaasoo ay wada leeyihiin Wiilka Madaxweyne Deni iyo Xildhibaan Xaamud oo Deni ay Ilmo Adeer hoose yihiin. Markii…
Puntland waxay ubaahi qabtaa in nidaamka Fadaraalka ah laga wada hirgeliyo. Maamul daadajinta,ayaa ah arin xiligan muhiimad gaar ah uleh. Adeega Dowladnimo,shaqo abuurka iyo kaydka dhaqaale ee la heli karo waa in Tuulo walba la gaarsiiyaa. Waa nasiibdaro in Maanta aan dib u abuurno nidaamkii halka Magaalo iyo halka Xaafiis. Hadaan deg-deg looga hawlgelin Qodobkaas oo Dowladu Gudi usaarin,waxay keeni doontaa isnicid,kala fogaansho iyo ka hor imaansho Dowladnimada Puntland. Si gaar ah Gobolada leh Kaydka Dhaqaale ee isku filan hadii Shacabkooda la bado shaqo la’aan iyo dayac adeega Bulshada,waxay abuuri kartaa in ay gadoodaan oo ka hor yimaadaan nidaamka iskuna…
Guriga Beeldaajaha markuu tagayay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari,waxaa Irida danbe kasoo galay Xasan Abgaal. Kulanka caawa ka dhacay Guriga Beeldaajaha waxba kama badali doono go’aankii iyo midnimadii Isimada. Shaahdoon waa Nin Kaarar badan ciyaari kara oo tiro badan. Jibril Qoobey.
Garoowe: 13 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo sidoo kale dardargelinta Doorashada in laga qabto degmooyinka kale ee Puntland. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga Doorashooyinka TPEC, Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid , Guddoomiye Ku-xigeen Mudane Cali Jaamac Faarax, xubnaha kale ee Guddiga iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo…
Waa Noocee Saaxiib-tinimada Madaxwayne Saciid Deni? Alle ha u naxariisto adeer Gen Khaliif Ciise Mudan wuxuu ahaa saaxiibka ugu dhow Madaxweyne Deni isla markaana ahaa Halyeey ay aad Puntland u tabtay oo kasoo gudbiyay caqabado badan xukuumada Deni balse abaal gudkiisii noqday sidan. 1.In booskii marxuumku ku magacaabnaa Senior Advisor of the president lasiiyo madaxweynaha walaalkii iyadoo ay wiilashii marxuumku joogaan xaqna u lahaayeen in lagu samirsiiyo. Sunrise handling company of Bossaso Airport oo uu marxuumku lahaa mudo dheer iyadana qoyska madaxweynuhu qaatay iyada oo qandaraaskii ka dhamaan shirkada.Sidoo kale Mudan Cargo and Shipping Company oo uu marxuumku lahaa ayaa…
Madaxweyne Guubaa-baddu Dan kuuma Aha. Madaxweyne waxaad Ogaataa marka loo Eego go’aamadii kasoo baxay Isimada ee ku saabsanaa PSF ma aha wax mucjiso ah ama Ugub ku ah Puntland. Puntland taariikh ayay u leedahay in Ciidamada iyo Madaxdu is qabtaan ka dibna Isimadu soo dhex-galaan una hiiliyaan Ciidamada markaas gadoodka sameeyey Tusaale July, 2015 waxaa gadooday Islamarkaana diiday inay amarka dawlada qaataan Ciidan u hogaamiyey Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, wuxuuna Idaacaha ka sheegay Gen Muxiyadiin in uusan wax wada-hadal ah la galeyn Madaxweynihii Puntland ee waqtigaas Abdiweli Mohamed Ali Gaas, wuxuuna sameeyey hawl-galo uu ku kala gooyey isu-socod magaalooyinka Puntland…
Shaahdoon Cali Yare,waa Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari oo uu magacaabay goor dhawayd Madaxweyne Deni. Shaahdoon,waxaa dhalay Ganacsade miisaan weyn lahaa oo la oran jiray Cali Yare rabi ha’unaxariisto. Cali Yare,waxuu ahaa Ninkii ugu horeeyay ee Cabdullaahi Yuusuf markii Xabsigii Adis-ababa uu kasoo baxay udira Dhaqaale kuna yiraahda Dalkii gaar xaalad adag baa jirtee. Shaahdoon,waa Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga Puntland,isla markaana mar isku soo taagay jagada Madaxweyne xigeenka Puntland oo uu kula tartamay Gaagaab. Madexweyne Cabdullaahi Yuusuf,ayaa xili sidaan oo kale xaalka Bari u adag yahay umagacaabay Wasiirka Kaluumaysiga Shaahdoon. Waxaan urajaynayaa shaqo wacan iyo furdaamin xaalka adag. Jibril Qoobey.
Garoowe: 13 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntlnd Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari *Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Fadhiga Baarlamaanka Puntland oo loo wareejiyo Bosaso waa mid kamid ah talaabooyinka ku filan qaybinta awooda iyo masuuliyadaha nidaamka Fadaraalka ee aan hormuudka unahay. Sidoo kale Hay’adaha aan Dowliga ahayn oo qayb dib loogu celiyo Bosaso waa shaqo abuur iyo kor uqaadid dhaqaalaha Bulshada Gobolka. Qoondo loo sameeyo horumarinta Gobolka,gaar ahaan Magaalada Bosaso,waa wax weyn oo laga qabtay baahiyaha jira. Bosaso xaqiiqdii dayac dhan walba ah,ayaa ka muuqda oo mudan in loo istaago. Dhamaan Qodobada ay soo saareen Isimadu waa kuwo waaqiciya oo ay ahayd in horayba loo hirgaliyo. Nidaamkii Fadaraalka ee reer Puntland hormuudka u ahaayeen,ayaa dhigaya in awooda…
Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer Koonfur Galbeed oo shaaciyay qabashada 5-kursi oo kamid ah kuraastii ay shaaciyeen. Halkan ka akhriso:-
Maamulka Bangiga Dhexe ma waxa uu Aqbalay Go’aankii Reysul Wasaaraha mise kii Madaxweynaha. Halkan ka daawo muuqaalka
Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobaya ayaa lagu sheegay in 11 dal oo ay Soomaaliya ka mid ah lagu leeyahay lacagta xubinnimada Golaha. Saddex wadan oo lacagahaas ay ku gaareen malaayiin doolar ayay Soomaaliya qayb kasii tahay, sida ku cad liiska Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa. Liiskaas lasoo saaray 10-kii bishan January ayay dalalku ugu kala xusan yihiin sidan: Venezuela: oo ah waddanka qaanta ugu badan looga leeyahay xubinnimada Qaramada Midoobay waxaa laga doonayaa lacag dhan $39, 850, 761 oo doolarka Mareykanka ah. Iiraan: oo ku jirta kaalinta labaad ee dalalka lacagaha ugu badan looga leeyahay Qaramada Midoobay waxaa ku maqan $18, 412, 438…
ABUJA — Dowladda Nigeria ayaa qaadday xayiraaddii saarneyd barta Twitter-ka, toddoba bilood kadib markii in ka badan 200 oo milyan oo qof oo dalkaas ku nool laga xiray shabakaddan bulshada. Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa amar ku bixiyay in shaqada Twitter-ka ay dib uga bilaaban doonaan dalka Khamiista maanta, sida uu sheegay agaasimaha guud ee Wakaaladda Horumarinta Tignoolajiyada Qaranka Kashifu Inuwa Abdullahi. Waxay uu sheegay in taasi ay ka dambeysay markii Twitter-ku ay oggolaatay inay buuxiso shuruudo ay ka mid yihiin inay xafiis ka furtaan Nigeria. Nigeria ayaa dalkeeda ka mamnuucday Twitter-ka 4-tii Juun ee sanadkii hore, iyadoo tixraacaysa waxa ay…
Wargalin Ka soo baxday Xafiiska Imtixamaadka ee Dowlada Puntland. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa sannadkan bilaabaysa imtixaan laga qaadi doono ardayda ka hartay dugsiyda dhexe ee fasalka 8aad iyo dadka waaweyn oo waxbarshada ku jira sida gancasatada, hooyooyinka, xoogsatada iyo ciddii kale oo danaynaysa fursaddaan. Dadkan ayaa ay Wasaaraddu u diyaarinaysoaa in ay la galaan intixaanka shahaadiga ah fasalka 8aad, kadibna ay helaan shahaado ay ku gali karaan macaahiidda, dugsiyada sare dugsiyada Farsamada Gacantaba. Waxaa kale oo jiri doona mustaqbalka in laga qaadayo ardayda fasallada 6aad, 7aad 9aad, 10aad iyo 11aad imtixaan (MLA) loogu talagalay in…
Guddiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Shaaciyay Xiliga La Dooranayo Gudoonka Gudiga Doorashada Heer Federal. Halkan ka akhriso:-
Kismaayo, 13, Jannaayo, 2022-Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland oo maanta lagaga hadlay qodobo kale duwan. Kulanka waxaa ugu horeyntii Madaxweynaha golaha oga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo xiligan lagu guda jiro sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha kamid noqonaya kuraasta aqalka hoose ee barlamaaka Soomaaliya. Wasaaradda Caafimadka ee Dowladda Jubaland ayaa kawar bixisay xaalada caafimadka ee deeeganada Jubaland, waxa ay golaha usoo gudbisay in wali ay taagantahay xaalada Covid-19 isla markana ay wadaan wacyi galinta bulshada iyo dadaalada ay xanuunkan ku xakamaynayaan. Wasaarada Amniga Dowladda Jubaland ayaa golaha…
Garoowe: 13 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah. Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, Dhameystirka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee DFS. Dowladda Puntland waxaa ka go’an dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland. “Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay. Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku…
Islaan Bashiir waa diiday in ay qoraan Warqad ay ku diidan yihiin go’aamada Isimada Bari. Taa badalkeeda,waxuu go’aamiyay Shirweyne Wadatashi oo Puntland lagu badbaadinayo oo ay iskugu yimaadaan Isimadii Marjaca ahaa. Shirkaas,ayaa ka dhici doona Caasimada Siyaasada Puntland ee Garowe,waxaana la iclaamin doonaa maalmaha soo sicda. Faroole iyo Suldaan Siciid waxa ay rabeen Warqad ay ku qadacayaan Isimada in ay qoraan waana laga hor istaagay. Islaan Bashiir waa uga mahadcelinaynaa garashadiisa iyo hogaaminta uu muujiyay Maanta. Reer Puntland kala qaybin kale uma baahi qabaan ee midnimo iyo isu soo dhaweyn ayay rabaan. Si gaar ah Beesha Cumar Maxamuud Nimankaas Bahdir…
Shan xubnood oo kamid ah guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa loo Doortay in ay noqdaan Guddiga qabanaya Doorashada Gudoonka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal. Halkan ka akhriso:-
Howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxbo ka jirin wararka sheegayo in in shaqaale ka tirsan UN-ta lala beegsaday qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho. Qaramada Midoobey waxay cambaareysay qaraxa,isla markaana waxay tacsi u dirtay qoysaska ay eheladooda uga geeriyoodeen qaraxa.
Madaxweyne is yeel-yeelka iska ilow ee wajah waaqiciga. Dagaal,ayaad la gashay Bahdir-rooble,kaasoo ahaa mid Dhaqan iyo mid Siyaasadeed. Koofiyadii Dhaqanka Puntland ee Boqorku ugu sareeyay oo lagu karaamayn jiray,ayaad si fudud u damacday in aad uga wareejiso. Siyaasadii ay hogaanka uhayeen,gaar ahaan Beesha dhexdeeda oo nasiibku kaaga hiiliyay,ayaad uga hari wayday maadaama aad Libintii ka heshay,si hoose,ayaadna ugu sii mashquushay. Wax kaleba daayee Awoodihii ay Puntland ku dhex haysteen oo ay ku noolaayeen,ayaad uga daba tagtay. Haatan waa iska kaa dhiciyeen oo burhaantoodii ayay wax kaa tuseen. Gobolkii Bari oo idil ayay gacantaada si dadban uga saareen,iyagoo ka faa’idaystay fursadaha…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo maalmahii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay magaalada muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland. Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa muqdisho kaga soo qeyb galay shirka madasha wadatashiga qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo laga soo saaray go’aamo Cusub oo lagu sii dhaqaajinayo doorashooyinka golaha shacabka ee qeybo kamid ah dalka ka bilowday.
Sida uu qabo falanqeeye siyaasadeed, kuna xeeldheer arrimaha xiriirka caalamiga ah Shawqi Xayir oo BBC-da la hadlay, xayiraadda Maraykanka waxa ay noqon kartaa mid dhanka socdaalka ah, oo lagula eegto madaxda federaalka iyo tan dowlad goboleedyadaba. Shaqsi waxa kale oo uu sheegay in Maraykanka ay sidoo kale cunaqabateen ku hanjabeen haddii dib u dhac lagu sameeyo doorashada ama waxyaabo carqaladayn kara. Mar aan wax ka weeydiinay in madaxda Soomaalida u hoggaansami doonaan hanjabaaddan ayuu Shawqi yiri “Iyada oo aanba loo fiirinaynin hanjabaadda Maraykanka, waxay ila tahay in madaxda ay markab ka dhabayn doonaan heshiiskan, tusaale madaxweyne Farmaajo habbeen hore waa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Danjire Per Lindgärde. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda FDS Mudane Mahdi Guuleed. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Qadar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz.
Qarax,ayaa ka dhacay agagaarka Xerada Ciidamada Cirka Avisione ee magaalada Muqdisho. Qaraxa,waxa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa lala beegsaday kolonyo ay wateen howl-wadeeno ka tirsan Qaramada Midoobay oo xilligaas marayey wadada. Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya baaxadda saameynta uu lahaa qaraxa, waxaana ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray gawaari u badan nooca raaxada iyo sidoo kale waxyeelo gaartay dhismayaasha ku yaalla halkaasi.
Wasiirka Ganacsiga Soomaliya ayaa shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Taya-dhowrka Aadan Xasan Barre, waxaana si KMG u sii heynayo xilka Maareeye Kuxigeenka Hey’adda.
Golaha Wasiirada cusub ee ay magacowday Madaxweynaha Tanzania,waxaa ka mid noqday Xuseyn Maxamed Baashe. Baashe,ayaa loo magacaabay Wasiirka Beeraha, isagoo horay u ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha. Baashe oo asalkiisu Somaliya kasoo jeedo,ayaa ku dhashay 26 Ogosto 1975-tii Gobolka Nzega ee Dalka Tanzaniya waana Siyaasi iyo Ganacsade caan ka ah dalkaas. Xuseyn Baashe oo ka tirsan Xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah Xildhibaan.
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo…
Wax walba oo uu ku dhaqaaqay in uu qabto Madaxweyne Deni,waxaa soo afjaray oo qariyay Dabkii uu Bosaso geliyay. Bosaso waxay ku noqotay Deni iyo Xukuumadiisa Niyukleer burburiyay Siyaasadoodii,hankoodii,qorshahoodii iyo taariikhdoodii. Reer Puntland Dabka Bosaso waxuu ku yahay Barmadow oo taariikhda ugashay. Deni Bosaso,ayaa cuntay waxii hada ka danbeeyana waa Mayd soconaya oo dhawranaya mudo xileedka gaaban ee uharay. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somaliya kulmay. Kulankooda waxa ugu weyn ee ay kawada hadleen,waxay ahayd sidii Imaaraadku dib ugu fasixi lahaa dhaqaalihii uu ku taageeri jiray Ciidamada Badda ee Puntland. Wiilka uu Adeerka uyahay Madaxweyne Deni ee ah Agaasimaha Ciidamada Bada,ayaa sii raacay Cumar Cabdirashiid markii uu dib ugu laabanayay maalmo ka hor Dubai. Cumar arimaha uu deg-dega ugu laabtay,waxaa ugu horeeyay xalinta dhaqaalaha Ciidamada Bada ee ka imaanayay Imaaraadka. Dowlada Imaaraadka,ayaa si weyn uga xumaatay ka qaybgalka Ciidamada Badda ee dagaalkii aan macnaha ku salaysnay ee Bosaso. Ciidamada Badda Puntland,waxa ugu weyn loo dhisay laguna taageerayay,waxay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya, gaar ahaan qeybta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Heidi Elburgi Johansen. Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Heidi Elburgi Johansen, ergayga Dowlada Norway u qaabilsan Somaliya. Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose, Cabdirashiid Cabdullahi Gooni,ayaa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo tageerada Dowlada Norway ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska dalka.