Wax walba oo uu ku dhaqaaqay in uu qabto Madaxweyne Deni,waxaa soo afjaray oo qariyay Dabkii uu Bosaso geliyay. Bosaso waxay ku noqotay Deni iyo Xukuumadiisa Niyukleer burburiyay Siyaasadoodii,hankoodii,qorshahoodii iyo taariikhdoodii. Reer Puntland Dabka Bosaso waxuu ku yahay Barmadow oo taariikhda ugashay. Deni Bosaso,ayaa cuntay waxii hada ka danbeeyana waa Mayd soconaya oo dhawranaya mudo xileedka gaaban ee uharay. Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somaliya kulmay. Kulankooda waxa ugu weyn ee ay kawada hadleen,waxay ahayd sidii Imaaraadku dib ugu fasixi lahaa dhaqaalihii uu ku taageeri jiray Ciidamada Badda ee Puntland. Wiilka uu Adeerka uyahay Madaxweyne Deni ee ah Agaasimaha Ciidamada Bada,ayaa sii raacay Cumar Cabdirashiid markii uu dib ugu laabanayay maalmo ka hor Dubai. Cumar arimaha uu deg-dega ugu laabtay,waxaa ugu horeeyay xalinta dhaqaalaha Ciidamada Bada ee ka imaanayay Imaaraadka. Dowlada Imaaraadka,ayaa si weyn uga xumaatay ka qaybgalka Ciidamada Badda ee dagaalkii aan macnaha ku salaysnay ee Bosaso. Ciidamada Badda Puntland,waxa ugu weyn loo dhisay laguna taageerayay,waxay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya, gaar ahaan qeybta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Heidi Elburgi Johansen. Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Heidi Elburgi Johansen, ergayga Dowlada Norway u qaabilsan Somaliya. Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Jubada Hoose, Cabdirashiid Cabdullahi Gooni,ayaa lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo tageerada Dowlada Norway ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska dalka.
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa Pro Xamze Warfaa u Magacaabay Lataliyaha Arimaha Amniga Rayidka, Dimuqraadiyada iyo Xuquuqul insaanka ee Wasaarada Arimaha Dibada Mareykanka. Professor Hamze,ayaa Noqonaya Qofki ugu horeyay ee Somali Maraykan ah ee Jago Intaa Le’eg Mareykanka ka Qabta. Pro Xamze Warfaa oo horey uu ahaa ku-xigeenka Wasaarada Shaqada iyo horumarinta Dhaqaalaha Gobalka Minnesota. Xamse ayay Bulshada Geeska Afrika soo dhawaysay magacaabista oo ay u arkaan in ay wax ka tarayso kor uqaadida heerka ilaalinta xuquuqda bini’aadanka iyo Dimuqraadiyada. Xamse waa inuu uruuriyo dambiyada ay faraha kula jiraan dambiilayaasha Gobolka sida Abiy Afowerki iyo Farmaajo. Sidoo kale kor joogteeyaa Dimuqraadiyeynta…
“Waxaan Madaxda Dowlad-Goboleedyada dalka ku adkaynayaa hirgelinta Jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.”Ayuu yiri Farmaajo. Falanqeeye Daahir Isaaq wuxuu yiri “Madaxweynaha khudbadiisa waxa ay ahayd 9 daqiiqo iyo dheeraad, halmarna ma uusan soo hadal qaadin magaca Ra’isulwasaaraha , doorkiisii uu ka qaatay madasha wadatashigana muu sheegin, balse warmurtiyeedkii ayuu aqbalay, hadalo dadka qaarkood u faristeen in ay xanaf leeyihiin buu sheegay, waana loo fasiran karaa in uu Ra’isulwasaaraha ula jeedo”. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in la dhawro hantida qaranka, lana illaaliyo ammaanada shacabka u dhiibteen madaxda. Horey madaxweynaha waxa uu Ra’isulwasaaraha ugu eedeeyay ku tagrifal hantida qaranka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur…
Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuiyadda weerar xalay ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu, waxayna sheegeen inay weerarkaasi ku dileen laba qof. Weerarkaasi waxaa sidoo kale tebiyey telefishinka Citizen ee dalka Kenya. Telefiishinka Citizen waxa uu soo tebiyey oo kale in weerarku ka dacay degaanka Kibaoni. Sida laga soo xigtay warbaahinta Al-Shabaab taageerta, weerarku waxa uu ka dhacay Wito iyo Salaama. Booliiska Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Lamu xalay. Hase yeeshee booliiska Kenya waxay ka hadleen weerar ka dhacay Lamu Jimcihii oo ay ku dhinteen afar ka tirsan ciidamada booliiska sida ay…
Shaqada Janbigii labaad ee Dekada Garacad ay yeelanayso,ayaa meel wanaagsan maraysa. Sidoo kale,waxaa socota buuxinta Badda ee Qaybta Maraakiibta Kunteenarada qaada. Garacad waa Deked Shacabka caadiga ah ay maalgashteen.
Dadka lasoo qabtay,ayaa tiradoodu waxa ay gaaraysaa ilaa iyo Afar Qof oo Saddex Dumar tahay kuwaasi oo ku eedaysan dilka Cabdikaafi Cabdixaafid oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Dowladda-hoose ee caasimadda Garowe. Ciidamada Booliska iyo kuwa sirdoonka Puntland,ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay gudaha magaalada ka sameeyeen howlgalo lagu baadi goobayo Dadkii ka danbeeyay dilkii Xalay loo gaystay Cabdikaafi. Ciidamada waxay gacanta ku soo dhigeen eedeysane Cabdikaafi Ibraahim Aadan iyo 3-Dumar ah oo eedeysanaha ku wehelinayay dilka marxuumka.
Qaramada Midoobey,ayaa boggaadisay Qodobada ay soo saareen Ra’isul wasaare Rooble,madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kadib shirkoodii Muqdisho. Qaramada Midoobay ee Somaliya waxay ku faraxsan tahay in Golaha Wadatashiga Qaran ay shalay gaareen is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardargelinta doorashada Golaha Shacabka. Qaramada Midoobay waxay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamadan si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo marka la gaaro waqtiga cusub ee la qabtay ee 25-ka Febraayo. QM waxa ay sidoo kale ku dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Somaliya in ay sii…
Halkan ka akhriso:-
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal oo soo dhaweeyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirka Muqdisho uga socday madasha Wadatashiga Qaran. Halkan ka akhriso:-
Shaqaalaha gargaarka iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ka dhacay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ay ku dhinteen 56 qof, ayna ku dhaawacmeen 30 kale, ka dib markii xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah la garaacay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Duqeyntan oo ka dhacay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah habeenkii Jimcaha ayaa waxaa dadka dhintay ku jiray carruur, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen howlwadeeno ka tirsan hay’adaha samafalka oo soo xiganaya dad goobjoogayaal ah iyo maamulka deegaanka. Saraakiisha dowladda Itoobiya ma aysan xaqiijinin duqeynta…
Qodobada muhiimka ah ee ku jira Warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran. 1.Cidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amiga Dalka yo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka. 2.AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada 3.Doorashada Golaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25-ka Febaraayo. 4 Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in u u tartamo kursiga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho. 5.Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka iyo…
Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble, ayaa kulan la leh wakiillada Beesha Caalamka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, iyadoo uu heer gebogebo ah marayo Shirka Golaha ee maalmihii la soo dhaafay ka socday Muqdisho.
Saacad kadib,ayaa lagu dhawaaqaa go’aanka kulamadii Golaha Wadatashiga Qaranka. Shirka waxaa saaka looga yeeray midowga musharaxiinta iyo bulshada rayidka ah. Midiwga musharaxiintu 3-arimood oo horay ay uga soo wada shireen ayay soo jeediyeen. 1.Doorashada wakhtigeeda in lacayimo. 2.Kuraastii laboobay in lasoo celiyo 3.Amniga doorashada in raysal wasaarahu gacantiisa ku maamulo kor joogtana ka noqdo. 3-daas Qodob ee ay soo jeediyeen waxaa loo sheegay in laga wadahadlay lagana heshiiyay. Waxay soo dhaweeyeen Qodobada Shirka oo loo sharaxay iyo wax kasta oo go’aan lagu gaaray hadana soo jeedin tooda latix galin doono. Midowga musharaxiinta waxaa lala socod siiyay in Qodobada laga heshiiyay…
Garoowe: 09 January 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir iyo Wasiiro ku-xigeeno uu dhowaan Madaxweynaha Dowladda Puntland magacaabay oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey. Munaasabadda Dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, halkaasi oo Wasiirada cusub uu ku dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweyne Ku-xigeenku goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah . Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Wasiirada cusub ee maanta la dhaariyey kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo masuuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isago…
Waraysigan oo uu siiyay Tv-ga Xaruntiisu tahay Puntland ee SBC,ayuu kaga hadlay arimo ay ugu waa weyn yihiin… 1.Khilaafka Rooble iyo Farmaajo. 2.Dib udhaca Doorashada Fadaraalka. 3.Fashilka Dimuqraadiyada Puntland soo food saaray. Halkan ka daawo muuqaalka
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Dhoobodaareed,ayaa muuqaal uu soo duubay,waxuu kaga hadlay arimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan xaalada Bosaso ee haatan iyo dhacdooyin horay udhacay oo ay ku jirto midii isaga xilka looga tuuray. Halkan ka daawo muuqaalk
Golaha Wadatashiga Qaran oo uu Guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa shir la leh Midowga Musharrixiinta ka hor gebogabada Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho. Halkan ka daawo muuqaalka
Qodobada laga gaaray khilaafka PSF cid si rasmi ah u og majirto aan ka ahayn Gudiga gacanta ku haya. Balse,waxaa jira Xan ka agdhow oo soo duul-duulaysa. Xantaasi waxay sheegaysaa in Jeneral Maxamuud Cismaan loo dayn doono hogaaminta Ciidanka PSF. Sababta looga maarmi waayay oo go’aankaas loo qaatay,ayaa waxay tahay in qiimayn ay ku sameeyeen Gudigu Agaasimaha Madaxweynuhu magacaabay ay u arkeen in uusan awood ulahayn hogaaminta Ciidankaas,sida xantu sheegayso. Haduu dhab noqdo Qodobkaas,waa talaabo bogaadin mudan oo badbaado u ah Ciidankaas aadka muhiimk ugu ah Puntland. PSF waa Ciidan gaaraya ilaa 800 oo Askari,balse tababarka,Qalabka iyo garabkooda qarsoon ee…
Madaxweyne Deni Doorashadiisii bulshadu masoo dhaweyn,markii lagu dhawaaqay natiijadii Cod bixinta Qofka kaliya ee u istaagay una sacab tumay waxuu ahaa Maxamuud Shido. Balse markii danbe Dadku tartiib tartiib,ayay ugu soo dhawaanayeen. Dadku waxuu ukala baxay kuwo go’aansaday in ay la shaqeeyaan maadaama la doortay iyo kuwo go’aansaday in ay ka gaabsadaan oo ka aamusaan. Deni talaabooyin muhiim ahaa oo uu qaaday,waxay usoo jiideen sumcad,kuwaasoo kala ahaa. 1.Dib uhabaynta Ciidamada. 2.Dib uhabaynta Maamulka iyo Maaliyada. 3.Iska celintii Farmaajo iyo kooxdiisii Balse waxay wax walba isbadaleen oo uu lumiyay taageerada boqolkiiba Todobaatan Bulshada Puntland dagaalkii Bosaso. Dabkii Bosaso,waxuu dhaliyay oo sababay…
Ugu yaraan Maleeshiyo Alshabaab ah oo gaaraysa 240,ayaa warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in lagu ururshay Saldhigyada Shabaab ee Deegaamada Galmudug. Maleeshiyadan ayay Alshabaab kasoo urursheen Deegaamada Koonfur-galbeed,Hir-shabelle iyo Galmufug Todobaadyadii lasoo dhaafay. Alshabaab waxay qorshaynayaan oo sy Maleeshiyadan u urursanayaan in ay weeraraan Dekeda Garacad,sida xoguhu xaqiijinayaan. Maleeshiyadan,ayaa loogu khudbeeyay in Dekeda Garacad ay tahay mid Cadow dhisanayo,gaar ahaan Itoobiya oo Ridowday. Dhanka Dowlada Puntland si buuxda,ayaa loogu wergeliyay dhaqdhaqaaqa argagixisada Alshabaab.
Caawa ilaa beri Subax,waxuu Farmaajo shaacin doonaa is badal uu ku sameeyay Saraakiisha Ciidanka. Latashiyo uu ilaa habeen hore waday,ayuu soo gaba-gabeeyay,waxuuna caawa damacsan yahay shaacinta isbadalkiisa hogaaminta Ciidamada. Naqshada cusub ee uu qorshastay Farmaajo in uu Ciidamada isbadal ugu sameeyo,ayaa udhigan sidan. 1.Talyaha Ciidamada Qalabka sida Beesha Daarood,waxaana lagu xamanayaa Biixi in uu ka dhigayo. 2.Talyaha Booliska Beesha Habargidir,waxaana lagu xamanayaa Saadiq John,iyadoo ku xigeen looga dhigayo Nin kasoo jeeda Beesha Murursade. Ujeedka Habargidir oo Ra’isalwasaare haysata looga dhiibayo Booliska waa in Doorashada galaangalkeeda lala qaybsado Rooble,gaar ahaan Maamulada Hir-shabelle,Koonfur-galbeed iyo Galmudug. 3.Talyaha Ciidamada Lugta,waxuu siin doonaa,Beesha Abgaal. 4.Talyaha…
Qodobo ka mid ah is afgaradka laga gaaray wada xaajoodka Golaha Wadatashiga Qaran. Qodobadan iyo kuwa kale,ayaa beri soo bixi doona haduu rabi idmo,sida ay xaqiijinayaan ilo muhiim ah…. Qodobadu waxay kala yihiin….. 1.In doorashada loo daayo Odayaashii Asalka ahaa in ay soo xulaan Baarlamaanka,si Dadka Somaliyed rajadooda loo dhiso oo loo tuso in doorashadu kalsooni ku dhacayso. 2.In dib loogu laabto loona daayo Beelaha iska leh kuraastii la boobay iyo kuwa hada la damacsan yahay go’aankooda loo daayo dadka iska leh. 3.Goluhu wuxuu isku raacsan yahay hogaaminta doorashada in looga danbeeyo Raysalwasaaraha. 4.Iyada oo la og yahay dhaqaalaha iyo…
Hal askari,ayaa ku dhintay mid kalena waa uu dhaawacmay Is rasaasayn maantay dhex martay Ciidamo kawada tirsan PSF. Dhacdada,ayaa sababtay markii Ciidamo PSF ah oo dhexmarayay Magaalada ay ka hor yimaadeen Sadex Askari oo uu ku jiro Askari horay uga mid ahaa PSF,balse xiligii khalkhalgelinta raacay Saraakiishii baxsan jirtay. Askarigaas,ayaa Xabad bilaabay markii uu uqaatay in isaga la raadinayo,waxayna sababtay taasi in isagii ku naf waayo mid kalena ku dhaawacmo Xabadii uu bilaabay. Xaalada,ayaa caadi ah Magaalada Bosaso dhacdadaasna waxba uma dhimin amaanka iyo nolosha caadiga ah. Beri ayay ubadan tahay in uu soo baxo Qodobada xalinta khilaafka PSF.
MADAXWEYNE KU-XIGEENKA OO GUDDI MASUULIYIIN DOWLADDEED AH U MAGACAABAY NABADAYNTA DEEGAANKA SAAX-MAYGAAG. Garoowe: 08 Janaayo 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi ka kooban masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda u magacaabay korjoogtaynta, fulinta iyo dabagalka heshiisyadii Shirka nabadaynta, isla markaana si dhaw ula shaqeeya Guddiga Culimada iyo odayaasha dhaqanka. Guddigan oo ka Kooban 8 xubnood ayaa kala ah. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland. GudoomiyeMaxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Gudoomiye ku xigeenCabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare .XoghaynJaamac…
Magaalada Muqdishu waxaa weli ka soconaya shirkii Golaha Wadatahsiga Qaran oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee shirkaas,waxaa ka warbixiyay Afhayeenka Xukuumada Fadaraalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Farmaajo,ayaa Bangiga Dhexe ku amray inaan laga bixin qasnada lacag Dowladda Imaaraadka hadda ka hor laga qabtay. Halkan ka akhriso warqada
Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir ku leh magaalada Muqdisho, kaas oo qeyb ka ah wada xaajoodyadooda ku saabsan dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka.
Muqdisho, 07, Janaayo, 2022-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Dowlada Imaaradka Carabta uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab.
Golaha Midowga Murashaxiintu, wuxuu uga mahadcelinayaa dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabta deeqda ay maanta soo gaarsiiyey dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax-yeelleeyeen. Goluhu wuxuu bogaadinayaa dadaalka Raysalwasaare Rooble uu dib ugu soo celinayo xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee sanadihii danbe la xumeeyey ee Soomaaliya kala dhexeeyey dawladaha Carbeed ee aan walaalaha nahay oo ay ugu horrayso dawladda Imaaraadka Carabta. Halkan ka akhriso Warka Midowga
Madaxweyne Deni 3-Sano iyo dhowr cisho,ayaa ubuux santay Jan.8.2022 oo ku beegan Maanta. Maxaa u qabsoomay xukuumadii Dani (3-Sano kadib.!? (1)November 7, 2019 Godumiyihii Baarlmanka Puntland Cabdixakiin (Dhoobe-Dareed),ayuu Qorri iyo Xabad dhiig shacab ku daatay lagu weeraray xaruntii Baaralmaanka Puntland, Gudoomiyihina xilka looga qaday!. (2) Dec 3. 2020 waxa sifo sharci daro ah looga qaaday xasaanadii 8-Xilidhibaan oo lagu soo eedayay maxaad ula xisaabtamaysaan Mulkiilaha dawlada Xasan Abgaal iyo kooxda dhiig miiratada ah ee Aaran-Jaan!. (3) Dec 27, 2020 waxaa gabi ahaanba dawladu joojisay Lacagtii shilinka Sh.Somali markii ay ganacstadu ku gacan sayreen cashuurta xad dhaafka ah ee Dowladu ku…
Rooble waxuu Maanta ka gudoomay Safiirka Imaaraadka Carabta Deeq Raashin ah oo loogu talagalay Dadka Abaaruhu saameeyeen. Deeqdan,waxaa la wareegay Wasaarada Gargaarka ee Dowlada Fadaraalka. Dad badan,ayaa qaba in Somaliya xaalad adag oo abaareed,ay ku jirto Kiish Bariis ah cidii ugu deeqdana in looga mahadceliyana waa loo baahan yahay. Sidoo kale go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu Dowladda Imaaraadka Carabta uu kaga raali galiyey dhacdadii loogala wareegay lacagtii bishii April ee 2018,waa mid loo baahnaa. Farmaajo 4-tii sano ee lasoo dhaafay,waxuu burburiyay haykalkii Diblomaasi ee Siyaasada Dibada Somaliya,waxuuna dhulka dhigay xiriirkii Caalamka ee Dalka. Halkan ka daawo muuqaalka
MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND OO DAAH-FURAY SHIRKA NABADEYNTA BEELIHII KU DIRIRAY SAAX-MAYGAAG. Hadhwanaag: 07 January 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag. Madaxweyne Ku-xigeenka oo hore u iclaamiyey qabashada shirkani ayaa maanta si rasmi ah uga furay degaanka Hadhwanaag, waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Isimada qaybta ka ah nabadaynta, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, waxaana laga soo saaray go’aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada-noolaashaha beelaha walaalaha ah. Go’aamadaas oo ka kooban afar qodob ayaa kala ah. 1.Xabad joojin rasmiya…
Labo Gaari oo ah nooca loo yaqaan 3-f,ayaa Ciidamada Badda lagala soo baxsaday. Labada Gaari,waxaa lasoo baxsaday Askar ka tirsanayd Ciidamada Badda oo ka gadooday Mushahaar la’aan. Gawaarida iyo Ciidankii saarnaa,waxay isku soo dhiibeen Taliska Ciidamada PSF. Balse Boqorka,ayaa dadaal badan geliyay in dib loo celiyo Gawaaridaas,waana ku guulaystay. Ciidamada Bada,waxaa usocota Bishii 2-aad oo aysan Mushahaar qaadan.
Sharmarke berito,ayuu ka dhoofayaa Bosaso,waxuuna uduulaya Dubai,kadib Xamar oo howlo muhiim ah ay uga socdaan. Arrinta Bosaso wakhti badan ayay isaga ka qaadatay oo howl,ayaa si gaar ugu socota. Taladiisa ku aadan khilaafka Bosaso waa dhiibtay. Sida xoguhu sheegayaan Qodobada xalinta khilaafka PSF ,waa la qoray shaacintooda kaliya,ayaa harsan.
Dhismaha ku astaysan awooda iyo soo jireenka Qaranimada Maraykanka markii la weeraray,waxaa kasoo wareegtay Halsano. Waxay ahayd dhacdo xanuun badan,fool xun oo Taariikhda Maraykanka gashay. In ka badan 700 Boqol oo Qof,ayaa loo qabtay dhacdadaas,waxaana eeda ugu weyn la saaray Trump Madaxweynihii xiligaas. Haatan taas,waxaa noola mid ah hadaan nahay reer Puntland Dagaalkii Bosaso. Magaalo u ah xarun Ganacsi oo ay kusoo hirtaan Dad gaaraya 4-Milyan Qof,ayaa Dowladeedii Dab si walba looga baaqsan karay ay gelisay. Xaqiiqdii waa dhacdo xanuun badan,foolxun oo Taariikhda gashay. Balse muhiimadu waa in Cadaaladu shaqayso oo Sharcigu qabtaa masuuliyiintii gubay Bosaso. Madaxweyne Deni,Wasiir Xasan Shire,Wasiir…
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay Khamiista maanta ah inay soo magacaabi doonto Ergey Gaar ah oo u qaabilsan horumarinta nabadda Geeska Afrika ee uu ay xasraduhu ka taagan yihiin, waxaana ay doonaysaa in ay diiradda saarto si ay uga ganacsato kaabayaasha dhaqaalaha ee Geeska Africa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay dalka Kenya, oo ku hawlan dadaallada diblamaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka ka socday Itoobiya ilaa dabayaaqadii 2020-kii ee u dhexeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo xukuumadda federaalka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxa uu sidoo kale booqday dalka Eritrea oo xuduud la leh gobolka Tigreega…
Khilaafkii PSF xalintiisii gebo-gebo,ayuu marayaa. Beri ama Saadanbe,waxaa soo baxaya Qodobo 11 ah oo ay wada qaateen Siyaasiyiinta iyo Isimada. 6-dii Isin ee soo jireenka ahaa oo horay go’aan uga soo saaray khilaafka PSF oo ay kusoo biireen Labada Isin ee soo jireenka ah ee Mudug iyo Sanaag oo dhinac ah iyo Siyaasiyiin ay hormuud uyihiin Gaas,Cumar iyo Faroole,ayaa Qodobada soo bixi doona kasoo wada shaqeeyay. Dhanka Dowlada,waxaa la xaqiijinayaa in ay qayb ka ahayd wada xaajoodka oo ay ku faraxsan tahay sida ay wax usocdaan. Xalinta arintan,ayay reer Puntland si weyn uga warsugayaan oo udheg taagayaan. PSF waa Ciidanka…
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ay u ahayd maalintii Afraad ayaa hadda jawi wanaagsan kusoo xirmay. Madaxda,ayaa maanta halkii shalay kasii waday shaqada. Waxayna isla wadaageen aragtiyaha iyo soojeedimaha dhexdooda ah. Golaha,ayaa beri oo Jimce ah nasan doona waxayna isu imaan doonaan Habeen danbe si ay u dhameystiraan arimaha harsan. Maanta waxay u ahayd Shirka mid adag oo la jeexjeexay arimihii ugu cuslaa. Qodobka ugu adkaa ee laysku mari waayay loona balamay in dib layskugu soi laabto oo dhawr jeer Shirku kharar ugalay in uu burburo,ayaa ah ku wareejinta Amniga guud ee Dalka Ra’isalwasaaraha. Ilaa iyo hada waxaa la…
Garoonka Aadan-cade hada waa meel badbaado ah oo ay ka dhoofi karaan kana soo degi karaan Siyaasiyiinta iyo haldoorka kale ee diidan siyaasada Farmaajo iyo kooxdiisa. Waxaa istaagay danihii gaarka ahaa ee Fahad ka fushan jiray garoonka iyo shaqsiyaadkii magacyadooda la dhigi jiray ee la bar tilmaameedsan jiray. Sidoo kale,waxaa laga hor tagay Ciidamadii Ereteya laga soo celinayay ee danaha gaarka ah loo adeegsan lahaa. Waxaa xirmay Terminalkii ugaarka ahaa ee Nisa isticmaali jirtay. Hadaba,iyadoo laga duulayo badqabka amniga Dalkoo idil oo ay ku jirto Doorashada,waxaa muhiim ah in laga qaado awooda hogaaminta Ciidanka Farmaajo. Dastuurka Dalku,waxuu qabaa in mudo…
Amniga guud ee Dalka in Rooble la hoos geeyo,waa go’aan masiiriya oo ay tahay in lagu garab siiyo. Puntland iyo Jubaland waa ku amaanan yihiin mawqifkooda cad ee ku aadan arinkaas. Qoor-qoor iyo Guudlaawe iyaguna waa soo dabceen oo ma foga. Laftagareen waxuu dalbaday in la siiyo balanqaad cad in haduu saxiixo Qodobkaas aan lagu soo duulayn oo loo adeegsanayn Ciidamada,waxaana kulan gaar ah kula jira Madaxweyne Deni. Beesha caalamka ee awal ilaalin jirtay maqaamka ah Farmaajo waa Madaxweyne inta laga helayo mid badala ee yaan aad loogu talax tegin hada waa ka fogaatay oo albaabaday ka xiratay,waxayna gadaal ka…
Hadaysan Shirka kasoo bixin Qodobadan,waxuu la mid yahay in uu fashilmay. Qodobada ay tahay in la isku raaco hadii Dalka laga rabo Doorasho in ay ka qabsoonto,waxaa ka mid ah… 1.Goob Doorashooyinka oo lasoo koobo. 2.Amniga Dalka oo si buuxda loogu wareejiyo Rooble. 3.Mudada Doorashada ay kusoo gabagaboobayso oo la cayimo. Hadii wax ka hooseeya ama mid ka mid ah Qodobadaas laga tago oo laysku raaci waayo,waxay udhigantaa in Shirku fashilmay. Shirkan haduu fashilmo waxay ubadan tahay in Doorashadu istaagto xaalada Dalkuna gacanta ka baxdo. Jibril Qoobey.
Madaxweynihii dalka Koongo Patrice Lumumba Oo Safar Dibada ah kasoo laabtay ayaa la qabtay oo la xiray,markii dambena la dilay Novemebr 17, 1962. Lamumba wuxuu ka soo horjeestay danihii Maraykanka iyo Ingiriisku ka lahayaen dalkiisa oo hodan ku ah macdanta Yuraaniyam-ta . Sanadkii 2010-kii ayay wax walba kala cadaadeen Kadib markii haweeney layiraahdo Daphne Park oo ka tirsanayd sirdoonka Ingiriiska ay si cad u qiratay inay iyadu hogaaminaysay dilkii Lamuumba iyadoo wakhtigaasi ku jirtay maalmihii nolosheeda ugu danbeeyay. Daphne Park markii la dilayey madaxweyne Lamumba waxay ahayd qunusulkii iyo xoghayihii koowaad ee Ingiriiska u joogay caasimadda dalka Koongo ,iyadoo ka…
“Madaxweynaha waan isku fahmi weyney nidaamkan in uu socdo, Madaxweyne waxaad ku suntan tahay madaxweynihii doorasho qof iyo cod ah ka dhabeeyey haku suntamin,isla Madaxweynihii burburiyay”Ayuu yiri TPEC. Halkan ka daawo muuqaalka
Guddigii baaritaanka dhacdadii 27 December ee isku daygii Afgambiga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta su’aalo weydiiyay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Col. Xasan Dhicis iyo saraakiil kale oo ka tirsan Guutada 77aad ee Ilaalada Madaxtooyada. Guddiga,ayaa waday labadii maalmood ee la soo dhaafay su’aalo weydiin iyo xog uruurin ku aadan dhacdadii 27 December. Warar aan la xaqiijin oo lagu faafiyay baraha bulshada,ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ilaalada madaxtooyada kana mid ahaa ciidamadii weeraray xafiiska ra’iisul wasaaraha ayy ka baxsadeen magaalada Muqdisho.
Saraakiisha dalka Itoobiya ayaa si aan sharciga waafaqsanayn u xiray kumannaan qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee dhawaan laga soo tarxiilay Sacuudiga, sida ay sheegeyso warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch. Warbixintii ugu dambeysay ee colaadda Itoobiya oo soo xiganeysa dad goobjoogayaal ah ayaa ku tilmaamay xarig wadareedyo loo geystay qowmiyada Tigrayga. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay beegsaneyso dadka looga shakisan yahay in ay taageerayaan ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jiray dowladda tan iyo bishii November 2020, balse dib ugu laabtay gobolkooda toddobaadyo ka hor. Sida ay qortay walaaladda wararka ee…
Xiris Cali ayaa waxaa la socday marka uu tegayey xarunta dambi baarista musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Cirro iyo xildibaan Barkhad Baatuun. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha su’aallo laga weydiiyey shirkii jaraa’id ee uu dhowaan qabtay, kaas oo uu ku eedeyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Arrinta ugu weyn ee Xirsi Cali Xaaji loo haysto,ayaa ah hadalkii uu sheegay ee ahaa in Muuse Biixi uu haysto baasaboorka dalka Jabuuti. Halkan ka daawo muuqaalka
Mas’uuliyiinta Xisbiga Wadani oo ka hadlay dhacdadan,ayaa eedeyn culus u jeediyey Xukuumadda, waxayna sheegeen inay wado caburin ka dhan siyaasadda. Arrintan,ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana sidoo kale magaalada Hargeysa isugu soo baxay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga Wadani. Halkan ka daawo muuqaalka
Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo Haweenka Somaliyed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka. Ra’isalwasaare Rooble,ayaa ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka. Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu hogaaminayo Rooble,ayaa ku jira Shirar isdaba joog ah oo ku Aadan Geedi socodka Doorashada.
Kuwan waa Qodobadii ay maanta Midowga Musharrixiinta la wadaageen Golaha Wadatashiga Qaran si meesha looga saaro tabashooyinkooda ku aaddan hannaanka ay ku billawdeen doorashooyinka.
Somaliya waxaa soo maray nidaam Dowlad Dhexe oo awoodu hal Xaafiis ku kooban tahay. Muqdisho waa magaaladii loogu magacdaray (Magaaladii Dalka),waxayna ahayd meesha kaliya oo wax walba oo Dowlad looga baahdo laga heli karay. 30-sano oo Dowlad Dhexe ah,10-sano oo Dowlad la’aan ah kadib Somaliya waxay qaadatay nidaamka Federaal oo awooda baahinaya hoosna udaadajinaya. Nidaamkii Fadaraalka,waxaa soo food saaray caqabado la mid ah kuwii ka hor yimid nidaamkii awoodu taalay Halka Xaafiis oo waxaa jidgooyo kale ku noqday Caasimadihii Dowlad Goboleedyada. Bulshadda Puntland oo hormuud u ah hirgelinta nidaamka Fadaraalka,ayaa la gaaray markii ay dib-u-eegis ku sameyn lahayd nidaamkan. Si…
Madaxweyne Faroole si qiimo leh uga hadlay markale xaalka Bosaso iyo halka dadaaladu marayaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta. Labada dhinac,ayaa ka wada hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka. Golaha Wadatashiga Qaran,ayaa dhanka Midowga Musharaxiinta ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada. Kulankii kan ka horeeyay waxay Golaha Wadatashiga Qaran la qaateen Wakiilada Beesha caalamka oo sidoo kale ay kaga dhagaysteen talo bixintooda.
Guddiga KMG ah Ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan la qaatay Ururada siyaasadda Puntland, Kulankan ayaa qayb ka ahaa kulamadii wada-tashiga ee u dhexeyn jiray Guddiga iyo Ururada Siyaadadda. Shirka ayaa looga wada hadlay in la dul istaago cashiradii laga bartay doorashadii hordhaca ahayd iyo sida loo dar dar galin lahaa dhamaystirka geedi socodka doorashooyinka Puntland. Ugu danbayn Guddiga iyo Ururada ayaa isla gartey in lasii wado maalmaha soo socda kulamada wada-tashiga ah ee u dhexeeyaa Guddiga, Ururada iyo Dawladda, si looga dhabeeyo xaqiijinta riyada bulshada reer Puntland ee ah hirgalinta nidaamka Axsaabta badan.
Xilli horeba,waxuu qorshuhu ahaa sidii ciidanka booliska loogu wareejin lahaa amniga garoonka. Mar walbana waxay ahayd Ciidanka Nisa in laga maarmo ayay ahayd,waxaana loo arkayay sababta ay weli u joogeen in ay ahayd go’aan ku xirnaa madaxda NISA oo diidayay inay gacantooda ka bixiyaan awood ay heysteen. Garoonkan waa meesha ugu xasaasisan ee dalku uu leeyahay,waxa uu xarun u yahay safaaradihii ajaanibta oo dhan, waxa uu xarun u yahay saldhigga AMISOM, waa meesha dalka laga soo galo oo diyaaradaha ugu waaweyn ee caalamiga ah ay imaadaan. Waa meel doorashooyinkii lagu qabanayo oo ilaa Madaxweyneyaasha lagu doorto,waa meel Dadka siyaasadda isdiiddan…
Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, oo ka hadlayey sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay dilkii Maraykanku u geystay Jeneraal Qasem Soleimani, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ay waajib ku tahay inuu wajaho maxkamad ku saabsan dilkaas. Iran iyo kooxaha xulafada la ah ee Ciraaq iyo waddamo kale ayaa sameeyay munaasabado lagu maamuusayo Soleimani oo ahaa taliyaha ciidamada Quds, garabka dibadda ee ilaalada Kacaanka ee ciidanka Iran. Waxaa lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn January 3, 2020 oo ka dhacay waddanka Ciraaq, kaas oo uu amray madaxweyne Trump. “Haddii Trump iyo (Xoghayihii hore ee arrimaha…
Gaari iska-rogo ah,oo ku raran Hub iyo Rasaas ayay Ciidamada amaanka Bosaso gacanta ku dhigeen. Gaariga,waxaa saarnaa Ciid lagu qarinayay Hubka,waxaana la dhex dhigay oo laga soo qabtay Geeresh ku yaal Xaafada Minisaariyo. Hubka ay Ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen,waxuu ka kooban yahay… 2-Baasuke2-Dhashiike1-Beekaa-em11-Ak4780-Kartoon oo Rasaas ah. Sida aan xogta ku helay Hubkan waa mid Ganacsi oo uu lahaa mid ka mid ah Raga lagu xanto ka Ganacsiga Hubka oo reer Bosaso ah. Waxay ubadan tahay in Hubkaas Dowladu la wareegto oo Xeer-ilaalintu soo saarto Amar xalaalayn ah.