Golaha Wasiirada Dowlada Puntland,ayaa ansixiyey dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan Shirkadaha korantada ee ka jira Puntland. Shirkadan saamiga ugu weyn,waxaa iska leh reer Deni,waana mid qandaraas ku qaadanaysa guud ahaan Kotontada,kadibna Shirkadaha kale iyada ay kasii qaadan doonaan. Ujeedkooda ugu weyn waa in ay Korontada Bosaso gacanta ku dhigaan,waxaana hada usocda xarumo Koronto dhalin ah. In la dhiso Shirkadan mahdinteedu waxay ku xirnaan doontaa hadii ay waxtar uyeelato Bulshada oo Qiimaha Korontada ee aadka uqaaliga ah ay wax ka badasho. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Safiirka Mareykanka ee Somaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Towsenr,ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka, kuwa Kumaandooska ee Danab. Sidoo kale waxay wadajir ula kulmeen Taliyaha Ciidanka Jen.Odawaa Yuusuf Raagge. Kulanka,ayaa looga wada hadlay arrimo ay ugu waa weynaayeen Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada. Maraykanka,ayaa gacanta ku haya Saldhiga Balidoogle,waxuuna taageero iskugu jirta Tababar,Qalab iyo dhaqaale siiyaa Ciidanka Danab. PSF oo sidaas oo kale Maraykanku gacanta ugu hayay,ayaa hada meel dhexe kusoo dhacay kadib markii Madaxweyne Deni ay fgaran waayeen Maraykanku.
Madaxweyne Deni,waxuu dhagax dhigey shaqo uu qaban doono Wiilkiisa. Dhisme cusub oo loo dhisayo Wasaarada Warfaafinta Dowlada Puntland,ayuu Maanta dhagax dhigay Madaxweyne Deni. Wasaarada Warfaafinta,ayaan lahayn dhisme ugaar ah oo casri ah si la mid ah inta badan Wasaaradaha kale ee Puntland. Shirkada Maandeeq ee uu leeyahay Wiilka Madaxweynaha ee haysata Qandaraasyada inta badan Puntland,ayaa dhisaysa dhismahan. Wiilka Madaxweyne Deni,waxuu leeyahay dhawr Shirkadood oo magacyo kala duwan leh oo uu ku qaato Qandaraasyada. Looma tartamo xili xaadirkan Qandaraasyada Dowlada Puntland oo waxaa toos uqaata Wiilka. Waxaana ka mid ah Qandaraasyada la tilmaami karo ee udanbeeyay Wadooyinkii Bosaso ee 4.5-m oo…
Maalintii Arbacada ee ay taariikhdu ku beegneyd 16-ka bisha February, 2022-ka waxaa magaalada Baraawe ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka ee HOP 145, taasoo uu ku guuleystay Maxamed Cabdalla Axmed. Xildhibaan Maxamed waxa uu baddalay Cabdiweli Muudeey oo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ka ahaa baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday ee 10-aad, waxaana uu xilkaas xildhibannimada hayay ku dhawaad 20 sano. Inkastoo Muudeey uu tabasho qabay, uuna sheegay in laga hor istaagay safarkii uu ku tagi lahaa Baraawe, haddana doorashadu waxay ku dhacday jadwalkii loo qorsheeyay. Wax badan lagama yaqaanno bogga siyaasadeed ee xildhibaanka cusub, oo inta badan loo arko nin ku cusub…
Ciidamada Booliska Dowladda Kenya,ayaa adkeeyay ammaanka xaafadda Eastleigh ee magaalada Naiorbi kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka dhaceen falal amni darro ah oo lagu beegsanayay bulshada Soomaalida ee ku nool Xaafaddaasi. Guddiga amniga Xaafadda Islii,ayaa sheegay in hawlgalladii looga gol leeyahay sidii looga hortagi lahaa kooxo burcad hubaysan oo maalmihii lasoo dhaafay dhac ka gaysanayay xaafadda Islii. Islii waa Xaafad aad ucamiran oo Ganacsi xoog badan ka jiro oo ay ku yaalaan Suuqyo waa weyn.
Madaxweyna Emmanuel Macron ayaa ku dhowaaqay in France ay ciidamadeeda kala bixi doonto Mali, sagaal sano kadib markii ay faro-gelisay dalkaas si ay ula dagaalanto xagjiriin Islaami ah. Hase yeeshee Macron ayaa sheegay in Paris ay sii joogteyn doonto joogitaankeeda militari ee dalalka Mali deriska la ah ee Galbeedka Afrika. Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Paris, Macron ayaa ku eedeeyey militariga xukuma Mali inay dayaceen dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta Islaamiga ah, sidaas darteedna ay ciidamadooda la baxayaan, sababta oo ah buu yiri, kaalintooda ma ahan in dal madax-banaan ay ku beddelaan goobta dagaalka.…
Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa 26-kii kursi ee deegaan doorashada labaad ee Magaalada Baraawe maanta soo gabagabeysey. Cumar Cali Cabdi,ayaa ku guuleystay kursiga HOP035 ka dib markii uu u tanaasuley Musharaxii kula tartamayay kursiga. Nuurdiin Cabdulaahi Coljoog ayaa ku Guuleystay Kursiga Tirsigiisu yahay #HOP246. Xamza Saciid Xamza ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayey Qasaali Fiqi Abuu uu heley 12-cod. Dr Cali Saciid Faqi ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu uu yahay Hop-187 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la…
Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug,ayaa shaaciyay 11-kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee lagu dooran doono Gaalkacyo oo ah Magaalada Labaad ee Deegaan doorashada Dawlad Gobaleedka Galmudug. Halkan ka akhriso:-
Taliyihii saldhigga Booliska Baledweyne Maxamed Xuseyn Maxamuud (Duurdage) ayaa lagu dilay iska hor imaad subixii hore ee maanta gudaha saldhigga Booliska ku dhexmaray ciidamada Booliska gaar ah ee Haramcad iyo Ciidamo kale. Taliyaha,ayaa lagu dilay israsaaseyn kooban oo gudaha saldhigga ka dhacay xilli ay saldhiga ka buuxeen boqolaal dad oo lagu soo qabqabtay howlgal saaka ay ciidamadu ka sameeyayeen xaafadaha magaalada. Xog dhab ah lagama hayo sababta keentay iska hormaadka ciidanka dhexmaray. Iska hor imaadkan,ayaa kusoo beegmay xilli 20-ka bishan loo ballansan yahay doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Baledweyne.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa markii saddexaad saaka ku guuleystay doorashada kursiga HOP147 ee Golaha Shacab Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul Galmudug. Waxaa ka tanaasushay doorashada kursigan Shamso Cabdullaahi Maxamed oo Mahad Salaad kula tartameysay doorashada kursigan, iyado qaab gacantaag ah ay ergada doorashada kursigan oo gaareysay 101 ay marii dambee ugu codeeyeen xildhibaan Mahad Salaad. Hadal kooban oo uu jeediyay doorashada kadib ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada doorashada, isagoo u mahadceliyay erada iyo guddiga doorashada. Kursigan ayaa ka mid ahaa kuraasta sida weyn isha looga hayay, iyadoo laba kamid ah…
Gallan,waxaa uyeeray Gudiga Amniga Baarlamaanka si ay su’aalo uga waydiiyaan Amniga Guud ee Puntland. Su’aashii ahayd Amniga Bosaso markii la waydiiyay,waxuu ku jawaabay Wasiir Gallan.. “Bosaso 3-maamul,ayaa ka jira mid Xasan Shire,mid PSF iyo mid Shabaab,aniga idinla hadlaya oo Wasiirkii Amniga ah Xasan,waxuu ii diiday 700 oo dolar oo ahayd duug Askari iga dhintay” Xildhibaan Jaaburi oo ka mid ahaa Gudiga waraysanayay,ayaa si lama filaan ah ugu diray isla goobtiiba Lacagtii 700 ee dolar ahayd kuna yiri Wasiir xir arinkaas wax la sheego ma’ahan. Xildhibaanada kale waxay uqaateen in Jaaburi ay dhibtay fadeexada Aaran-jaan oo uu arinka diidayay in uu…
Madaxweyne Deni,waxuu tagayaa Bosaso,isagoo ku degi doona Saldhiga Ciidamada Badda Puntland. 3-beri oo uu Doorashada ku qabanayo,ayuu joogayaa kadibna waa kasoo baxayaa. Inta uu joogo in uu la kulmo Isimada Bari way ubadan tahay hadaysan wax isbadalin. Ma kulmi doonaan isaga iyo PSF qorshihiisana kama mid ah in uu arinkaas soo afjaro dhibkiisa. Ujeedkiisa ugu weyn waa siduu ula soo bixi lahaa 16-ka Kursi ee Bosaso yaala. Doorashadu waxay ka dhacaysaa Garoonka Diyaaradaha Bosaso Teendho laga taagay oo Ciidan xoog leh lagu wareejiyay. Balse wax walba waxay ku xiran yihiin sida isaga iyo Isimadu ukulmaan iskuna afgartaan.
Talyaha Ciidanka Dhiirane ee Daraawiishta ka hawlgasha Galgala oo lagu magacaabo Gaagaale,ayaa soo dhaweyntiisa loo xil saaray shalay Wasiir Jamaal. Beesha Dubeys shacab ahaan waa rabaan in Jamaal kusoo laabto Kursiga Xildhibaanimo,balse waxaa diidan Suldaanka oo ay saamayn ku leedahay Madaxtooyada Puntland. Waxay ubadan tahay in Suldaanku uxiro jifida Jamaal Dubeys ka yahay mid aan ahayn,taasoo hankiisa soo afjari karta. Balse dadaal buu wadaa,isagoo kaashanaya haldoor badan oo Beesha Dubeys ah.
Shirkadaha Liberty Petroleum and Coastline Petroleum,waa in ay joojiyaan ku lug lahaanshahooda heshiisyada aan sharciyada haysan ee Maamulka Farmaajo oo mudo xileedku ka idlaaday. Heshiis kasta oo aad la saxiixataan Maamulka Farmaajo ee Sanad ka hor lumiyay sharciyadii uu Dalka ku hogaaminayay,waxa uu noqonayaa mid bura. Waxaa jira koox ka wakiil ah Dowlada wakhtigeedu dhamaaday ee Farmaajo oo wada dadaal ay Shirkadahaas ku tartarsiinayaan in ay heshiis la galaan. Shirkadahaas oo ka faa’idaysanaya kooxdan,ayaa danaynaya heshiis qiimo jaban ah in ay kala haraan Dowlada aan sharciyada haysan ee Farmaajo. Liberty Petroleum and Coastline Petroleum markale,waxaa loogu baaqayaa in aysan lumin…
Heshiisyada Shidaalka waxay u baahan yihiin Dowlad xasilan, oo mudo iyo sharciyad haysata hadana heshiis la’ah Dawladaheeda xubnaha ka ah ee Federaalka. Sababaha aan heshiis shidaaleed loola gali karin xiligan Dowlada Somaliya,waxaa ka mid ah… 1.Shirciyada taabanaya dhaqaalaha iyo dakhliga Somaliya ay ka heli karto ayaa maqan. Sharciga kusheeya dhulka khayraadka laga soo saaro,ayaan weli baarlamaanka la geyni oo sugaya Baarlamanka 11aad. Arrimaha fiskaalka ah, sida royalty ga, corporate income tax-ka sharciyada u xayiran baarlamaanka ayay ku jiraan. La’aanta arrimaha fiskaalka, ma suurto galayso in Somaliya ay gasho heshiis dakhli uga imaanaaya ayna war u hayn. 2.Waxay u eg tahay…
Isagoo maanta magaalada New york warbixin kooban ku siinayey Golaha Ammaanka, ayuu Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay hannaanka doorashada, isagoo xusay in 130 ka mid ah 275-ta kursi ee Golaha Shacabka la soo buuxiyay ilaa hadda, wuxuuna ku baaqay in la dedejiyo doorashada kuraasta hartay. Waxa uu sheegay in madaxda Somaliya looga baahan yahay inay laba jibaaraan dadaalkooda si loo gaaro qoondada haweenka ee 30% ee doorashada baarlamaanka, iyo in la hubiyo in matalaadda Haweenka ee baarlamaanka ay sii kordhineyso in horay loo sii socdo, sida wakiilku ka sheegay shirka Golaha…
Markale ayay isku dayeen Gallan iyo Xasan Shire oo adeegsanaya Aamin Xaaji Khayr iyo Talyaha Qaybta Booliska Bari in ay Bosaso colaad geliyaan. Waxay amreen in Ciidan gaaraya 300 oo iskugu jira Boolis,Daraawiish iyo Badda lagaliyo gudaha Magaalada Bosaso. Ciidankan waxay umagac baxiyeen xoojinta amniga gudaha Magaalada Bosaso. Saraakiisha Ciidanka Badda,ayaa ka hor yimid qorshahoodii oo diiday in ay Ciidan ku daraan. Markii danbe arinkii,waxuu gaaray Madaxweyne Deni,isagaana diidmo qayaxan saaray qorshihii Xasan iyo Gallan. Dhanka kale Bosaso weli,waxaa Saldhigyadeeda ku xiran Ardaydii Jaamacadaha,Ganacsato iyo Haween la qabqabtay Habeenadii Qaraxyada. Dadkaas,waxaa xir-xiray Aamiin iyo Talyaha Qaybta,ilaa iyo hada lama hor…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka. Kulan,waxuu ka danbeeyay kadib falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Magaalads Muqdisho. Rooble,ayaa faray hay’adaha amniga in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga Magaalada. Xalay Alshabaab,ayaa weeraro iyo Qaraxyo ka fuliyay Xaafadaha Kaxda iyo Dar Es-salaam.
Shacabka Bosaso si weyn ayay usugayaan imaanshaha Madaxweyne Deni. Sababta ugu weyn ee Shacabku u eegayaan dhanka Garowe iyo wax kasoo socdaa waa soo afjarida jawiga cakiran ee Bosaso si dhamaystiran. Niyada Dadku ma degana,waxaana ku taagan wal-wal weyn oo ay markale ka cabsi qabaan in lays afgaran waayo oo dushooda laysku hardiyo. Bulshadu waxay rabtaa deganaan dhamaystiran iyo xal kama danbays ah oo laga gaaro arinka PSF. Weli,waxaa Magaalada daafaheeda jooga Ciidamadii Daraawiishta. Sidoo kale Xaafadaha Laanta Hawada iyo Alridwaan Dadkii deganaa kuma noqon oo waxay barakac ku yihiin Xaafadaha kale ee Magaalada. Deni Shacabka Bosaso waxay uga fadhiyaan…
Gudoomiyihi xariirka kubada Cagta Fadaraalka Somaliya Cabdiqani Siciid Carab,ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Gudoomiye ee xiriirka. faahfaahinta goordhow filo.
Wasiirka Maaliyada Dowlada Galmudug Farxaan Cali Maxamuud,ayaa Maanta loo doortay in uu nowdo Seneter ku matalaya Aqalka Sare ee Fadaraalka Galmudug. Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug,ayaa cod gacan taag ah ugu u Doortay senatay Wasiirka Maaliyada. Waa xubintii ugu danbaysay Seneterada laga doorto Galmudug ee Aqalka-sare.
Magaalada Baraawe ee caasimada Koonfur Galbeed,ayaa maanta lagu doortay todoba kursi oo ka mid ah kuraasta Barlamaanka 11-aad ee dalka . Hope145HOPE 045HOPE 148HOPE 162HOPE 143HOPE 163HOPE 256 Halkan ka daawo muuqaalka
Gudiga Doorashada Puntland,ayaaa shaaciyay Jadwalka doorashada 16-kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Bosaso. 6-dii Kursi ee ka harsanayd Kuraastii lagu dooranayay Garowe oo ay ku jiraan kuwa Beesha Cumar Maxamuud,ayaa dib loo dhigay oo la go’aamiyay in ay noqdaan kuwa ugu danbeeya ee lagu doorto Puntland. Teendho loogu talagalay in ay ku qabsoonto Doorashada 16-ka Kursi ee Bosaso oo laga dhisayo Gudaha Garoonka Diyaaradaha,ayaa saakay gabagabooysa. Madaxweyne Deni,waxuu kusii jeedaa Bosaso. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.
Ugu yaraan Afar qof oo labo kamid yihiin rayid ayaa lagu dilay weerarro is xigxigay oo xalay saqdii dhexe lagu qaaday, saldhigyo ay fadhiyeen, ciidamada dawladda oo ku yaala xaafadaha kulaala daafaha caasimada Muqdisho. Sidoo kale labaatan qof oo iyana isugu jira askar iyo rayid ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen duulaanka Al-Shabaab sida laga soo xigtay booliska iyo dad goobjoog ah. Saldhiga xaafadda Kaxda iyo guryaha ku xeeran ayaa iyana waxa gaaray burbur xoog leh kadib markii uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gashaanle Cabdifitaax Aden ayaa weriyayaasha u sheegay in dib…
Maxamed Cabdalla Axmed ayaa maanta kusoo baxay doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP145, kaddib markii uu ku guuleystay 76 cod, halka musharraxii la tartamayay oo ahaa Cabdullahi Axmed Cabdi uu helay 12 cod. Kursigan ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdiweli Ibraahim Muudeey isaga oo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka hor-istaageen safar uu ku tagi lahaa degmada Baraawe, si uu ugu tartamo doorashada kursigan. Muudeey ayaa is-hortaaga lagu sameeyey ku tilmaay mid sharciga baal marsan, laakiin booliska Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay in sababta garoonka…
Dalka Afghanistan ayaa muddo lix bilood ah waxaa ka dhacay isbedello waaweyn, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen hoggaanka Taalibaan, waxaana dadku ay dareemayaa nabadgelyo iyo rabshadaha oo ka yar kuwii tobannaan sano socday, hase yeeshee dhaqaalaha Afghanistan oo ku tiirsan gargaarka caalamka uu hadad burbur qarka u saaranyahay. Talaadadii shalay ayay ku beegneyd lix bilood tan iyo markii caasimadda Afgaanistaan ee Kabul ay si lama filaan ah ula wareegeen Talibaan, iyadoo si qarsoodi ah uu uga baxay madaxweynihii dalkaas ee uu Mareykanku taageeri jiray. La wareegitaanka Kabul waxaa ka horeeyay olole militari oo socday muddo bilo ah oo Taaliban…
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Jubbaland ayaa caawa shaaciyay saddex kamid ah kuraasta taala Magaalada Kismaayo ee caasimadda Kumeel gaarka ah ee Jubbaland. Halkan ka akhriso:-
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa xaqiijiyey in Taliyaha Booliska Col.C/lahi Cabdi la galiyey Xabsi Guri. Sababta loo galiyey xabsi guriga ma cadda ilaa iyo hada. Waxaa kale oo aan caddayn cidda bixisay amarka lagu xiray taliyaha. Warku,waxuu kaloo tibaaxayaa in isna xabsi Guri la geliyey Wasiirkii hore Boode Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya baahida loo qabo dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka looban Golaha Xukuumadda iyo qeybaha Bulshada.Guddigan oo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa waxa ay kala yihiin: Mudane Mahdi Maxamed Guuleed: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFSMarwo Khadiijo Maxamed Diiriye : Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta MasiibooyinkaMudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle: Wasiirka Wasaaradda MaaliyaddaMudane Jamaal Maxamed Xasan:Wasiirka Wasaaradda QorsheyntaMudane Cabdullaahi Maxamed Nuur: Wasiirka Wasaaradda Amniga GudahaCismaan Abokor Dubbe: Wasiirka Wasaaradda…
Sawirkan waxuu umuujinayaa Madaxweyne Qoor-qoor hogaamiye miisaan leh oo isku hayn kara Galmudug-ta kala duwan. Sidoo kale,waxuu ka dhigayaa Qoor-qoor Siyaasi kulmin kara Siyaasado kala fog. Uhakashada uu mudan yahay,waa in Qoor-qoor hogaaminayo Maamul magac ahaan ujira,balse ficil ahaan aan waxba ahayn. Fariin,ayuu unoqon karaa Deniga hogaaminaya Maamulka awooda muuqata leh ee soo dhismayay 23-kii sano ee udanbeeyay. Deni,waxuu ku guulaysan waayay in uu soo saaro 1-Xildhibaan oo ka fikir duwan. Sidoo kale,waxuu ku fashilmay isku wadida Dadka reer Puntland ee halka Qoys ah kala duwanaanshahooduna aad uyar yahay. Deni xataa waxuu ku ceeboobay in uu iska xakameeyo kooxda lagu…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah oo khuseeya dhammeystirka, daahfurnaanta iyo amniga doorashada dalka. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseyn Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato xilligii loo qorsheeyay iyo in aan cidna lagu xad gudbin. Mar uu ka hadlayay qoontada haweenka ee Golaha Shaacabka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo qoontada haweenka ee 30%, taas oo hadda gaarsiisan 21%. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in aan la aqbali doonin in…
Teendho lagu dooran doono Doorashada Kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka,ayaa gabagaba maraysa. Teendhada,ayaa laga dhex dhisay gudaha garoonka Diyaaradaha Bosaso dhanka xiga Xeebta oo udhow Xaruntii PIA. Madaxweyne Deni,ayaa tegi doona Bosaso maalmaha soo socda,sida wararku sheegayaan. Jibril Qoobey.
Dhabancad waxay Madaxtooyadu usheegtay in uu joojiyo abaabulka Wiilka Agaasimaha ka ah Wasaarada Duulista Hawada. “Xoosh,waxuu nagu yahay khatar oo waxuu nagu soo jeediyay Bulshadii,waxaana fursad ka helay mucaaradkii,sidaa daraadeed ka fogow gadaal ka riixiisa”Ayaa lagu yiri Dhabancad. Dhabancad,waxuu Aaran uga eg yahay ku mashquulka hoose ee ku dhisan Xinka. Shaqada iyo dhaqaalaha ugu badan,waxuu ku bixiyaa kala ilaalinta Madaxweynaha iyo haldoorka Cumar Maxamuud. Ujeedadiisu waa in uusan masraxa soo fuulin Qof isaga qarin kara ama lagu badalan karo. Dhabancad,waxuu u arkaa Xoosh Wiil Suufi ah oo aan maqaam weyn lahayn oo aan isaga la leebal ahayn,waana sababta uu ula…
Golaha Wakiillada shacabka ayaa laalay bayaankii xaaladda deg-degga ee 3-dii bilood ee la soo dhaafay dalka ka jiray. Golaha wakiillada shacabka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay bayaankii tirsigiisu ahaa 1264/2014 ee xaaladda deg-degga ah loogu soo rogay dalka. Wasiirka dowladda u qaabbilsan golaha wakiillada mudane Tasfaye Baljage ayaa sheegay in bayaanka loo qaaday maaddaama loo arkay in ay hoos u dhacday xaaladdii looga baahnaa bayaanka ee xaqiijinta sarreynta sharciga taasi oo uu sheegay in lagu xallin karo maxkamadaha iyo sugidda sharciga. Dhinacooda qaar ka mid ah xildhibaannada golaha wakiillada shacabka ayaa sheegay in aynan wakhti xaadirkan ahayn in la…
USAID,ayaa sheegtay in ay ku deeqday in ka badan 39 milyan oo doolar si ay uga jawaab-celiso abaaraha ku dhuftay Itoobiya. Hay’adda aan dowliga ahayn ee dowladda Mareykanka u qaabbilsan horumarka caalamiga ee loo soo gaabiyo USAID ayaa ku deeqday in ka badan 39 milyan oo doolarka Mareykanka ah si jawaab deg-deg ah ay uga bixiso baahida dadka ku waxyeelloobay abaaraha, iyada oo lagu baaqayo in shacab ay tiradoodu dhan tahay 6.2 milyan u baahan yihiin cunno deg-deg ah sannadani 2022. Astaamaha abaarta ayaa si weyn uga muuqda koonfurta iyo koonfur-bari Itoobiya iyada oo ay jiraan biyo-yaraan, dhimashada xoolaha iyo…
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay faahfaahinta qaraxii lala beegsaday 16-kii January ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Macallimuu oo waraysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu dhaawacmay siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay in marka la eego xajmiga qaraxa uu fuliyay qofka dili rabay iyo masaafada kooban ee uu u jiray, ay tahay wax mucjiso ah sida uu uga badbaaday. Xaaladdiisa caafimaad ayaa hadda soo hagaagaysa, waxaana muddo ku dhaw lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla Istanbul, Turkiga. “Waxaan ka jabay bowdada midig iyo gacanta, firirna jirka ayuu iga galay. Hadda waxaan isku dayaa in aan…
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye,ayaa kulan ujeedkiisa lagu sheegay iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Agaasime ku xigeenkii hore Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Talyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Xildhibaan Saadiq Cumar Xasan John oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb. kulankan oo iska ahaa mid guud oo saxaafada la tusayay,ayaa Dad badan oo shacab ah dareen ku dhaliyay. Qoor-qoor,waxuu uga dan lahaa kulansiinta Ragan aadka ugu kala fogaa Siyaasada 4-tii sano ee lasoo…
Guddoomiye ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada DPL, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta daah-furay aqoon is weydaarsi loo qabtay Guddiyo kamid ah Golaha Wakiilladda oo looga hadlayo Arrimaha dib-u-habeynta Ciidamadda iyo Qiimeynta Miisaaniyadda dalka, kaas oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ( UNSOM) ee Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT),ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Dr Cali Saciid Faqi Gudoomiyaha Baarlamaaka Koonfur Galbeed oo U-Tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-187.
Xubno ka tirsan guddiga Doorashada heer Fadaraal oo diiday in magacyadooda la shaaciyo,ayaa si hoose usheegay in ra’iisal wasaare Rooble dalbaday in dib loogu dhigo doorashada kursiga uu Fahad rabo in uu utartamo oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Shiikh Cabdiqaadir. Lama ogga go’aanka uu guddiga ka qaatay dalabka ra’iisal wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86. Sidoo kale ma cada sababta Rooble udanaynayo daahinta Kursigaas Fahad lagu xamanayo in uu utartamayo. Xildhibaan Faarax ayaa hadda hawlo caafimaad ugu maqan dalka dibaddiisa. Xiriirka ra’iisal wasaare Maxamed Xuseyn Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaa tan iyo markii bishii…
Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa isagoo isticmaalaya xeerka xaaladaha deg-degg ah ee dalkaasi, ku dhawaaqay inay sharci darro tahay dibad baxyada looga soo horjeedo xayiraadaha COVID-19 oo toddobaadkii labaad ka socda dalkaasi. Dibad-baxyada oo ay dhigayaan wadayaasha baabuurta xamuulka iyo shacab taageersan ayaa la sheegay inuu saameeyay dhaqaalaha dalka iyo isu socodka dadka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shilkan,waxuu ka dhacay Garowe 15 -11-2021. Gaari Dhayna ah,ayuu seed khaldan ka soo baasay kadibna waxuu ku dhacay Bajaajta muuqata. Taraafikadu waxay kasoo saareen Qiimayn cadayn ah oo ku aadan Shilkaas. Balse Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal,ayaa arinkii si khaldan usoo faragaliyay oo sharciga baalmarsan. Wuxuu soo saaray Warqad been abuur ah,isagoo iska dhigaya Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland. Ujeedka Xeer ilaaliyaha Nugaal,waa in uu majara habaabiyo Shil ay gungaarkiisa soo gudbiyeen taraafikada,isagoo iska dhigaya xeer ilaaliyaha Guud. Xeer ilaaliyaha Guud oo aan waydiiyay waa iska fogeeyay Warqadaas iyo kiiskaba in uu galay. Kaaga sii darane Warqada lagu been abuuranayo Xeer…
Garoowe: Febraayo 14, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Guddiga joogtada. Fadhiga maanta waxaa Guddiga horyimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dimoqraadiyadda isagoo Guddigu wax ka waydiiyey arrimo la xiriira dhismayaasha gollayaasha deegaanka, cabashada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan Bajaajka, lacagaha laga qaado dhulka ee loo qoondeeyo danta guud iyo hanaanka geedi-socodka dimoqraadiyadda Puntland, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, Guddigu waxay Wasiirka kula dardaarmeen in la xoojiyo hanaanka maamul-daadejinta…
14 Feberaayo Kigali RuwandaGuddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Eng-Maxamud Cabdinur Aaden,ayaa ka qaybgaley Madasha Guddoomiye-yaasha Degmooyinka Soomaaliya (Somali Mayors Forum). Shirkan oo socon doona 14-18 Feberayo,ayaa la’isku waydaarsan doonaa khibrad, talo soo jeedino iyo sidii ay isugu xirnaan la haayeen Mas’uuliyiinta Degmooyinka, si loo horumariyo adeega Dawladnimo ee loo hayo guud ahaan Shacabka Somaliyed. Shirkan waxaa ka qaybgalaya ilaa 15 Gudoomiye Degmo oo ka yimid guud ahaan Soomaliya, waxaana soo qaban qaabiyey Ururka Dawladaha Hoose ee Dalka Ruwanda oo kaashanaya hay’ada UNHABITAT/JPLG. Waxaa jiri doona kolamo joogta ah oo ay yeelan doonaan Maamulka Degmooyinka Somaliya, Laguna qabandoono goobaha amniga ah ee dalka…
Colaada ka jirta Sangajabiye waa Sanad jirsatay. Ilaa iyo hada xal waara waa loo la’ yahay,waxaana dibindaabyo kuwada Aaran-jaan. Reer Nugaaleed iyo reer Sool waa ku filnaan waayeen xalinta arinka Sangajabiye iyo Saaxa Meygaag. Waxaa baaqday kulan weyne loo balansanaa oo ka dhici lahaa Garowe. Aaran oo xumaynaya jifida Maxamed Ugaar ee Abokor Ciise,ayaa dhaqaale iyo Hub siinaya Jifida Xasan Ugaas ee Boocame,taasoo keentay in xal la gaari waayo. Hadaba arinkan waa fursan waayay in Boqorka Daarood soo farageliyo oo toos ula wareego xalinteeda sida ugu deg-dega badan. Inta xaalku uusan markale ka bixin gacanta waa in Boqor Burhaan u…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Shir-gudoomiyey Shir ay isugu yimaadeen Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Mudug. Gudoomiyaha ayaa warbixino la xiriira Abaarah Degmooyinka iyo Deegaanada hoos yimaada ka dhagaystay Gudoomiyayaasha Degmooyinka, intaasi kadib shirkan oo mudo socday ayaa ugu dambayntii waxaa laga soo saaray Qodobadda hoos ku xusan. Akhriso War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Gobolka oo shir Gudoominayey. In loo Balamo Shir Guud oo ay isugu yimaadaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka, Hay’adaha Gudiga Abaaraha iyo GobolkaIn dibu dajin loo sameeyo Dadkii usoo barakacay Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Mudug ee ka yimid Gobolada kale ee Dalka ee…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo Shahaado sharaf siiyey Arday kamid ah Dugsiga Dugsiga Hoose/ Dhexe Al- Furqaan Badhan. Maamulka Dugsiga Ayaa ku Maamusay Shahaado Sharaf Tobankii Arday ee ugu Sareeyey imtixaankii Teramka ,Ee Dugsiga Dhexe iyo Dugsiga Hoose . Waxaana Shahaada Sharafta Gudoonsiiyey Ardayda Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Mudane C/laahi Maxamed Xasan .Waxaana Goob jooog ahaa Maamulka heer gobol iyo heer Degmo iyo Mas’uuliyiin kale. Xafladda Teramka Kowaad ee Sanad Dugsiyeedka 2021/2022.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Abu Dhabi ee xarunta isutaga Imaaraadka Carabta. Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal sugaha Abu Dhabi, ayaa aaday Turkiga bishii November;Labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo badan. Booqashada Erdogan ayaa sidoo kale ah tallaabo cusub oo horumar u ah xiriirka labada dal ka dib sannado badan oo uu xiriirkooda aad u hooseeyay. Madaxweyne Erdogan oo kasoo muuqday warbaahinta Imaaraatka Carabta ayaa booqashadiisa waxa uu ku tilmaamay in tahay “fursad dahabi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal”. Booqashadan ayaa daba socota tillaabooyinka la qaaday sannadkii…
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in magaca cusub uu “si wanaagsan u muujinayo dhaqanka, ilbaxnimada iyo qiyamka dalkiisa.” Dadka qaar ayaa ku doodaya in isbedalka uu ka dhashay aragti ah in aan la isku khaldin magaca dalkaas iyo shimbirta Turkey loo yaqaan ee u eg dagiiranka. Marka la eego luuqada Turkiga, magaca dalka ayaa loo qoraa Türkiye. Markii uu dalkaas madax bannaanidiisa ka qaaday quwadihii Galbeedka 1923, dalka ayaa la baxay magaca Turkey oo ah luuqada Ingiriiska. Ankara ayaa doonaysa in dhawaan ay magaca cusub u gudbiso Qaramada Midoobay si caalamka oo dhan looga isticmaalo. Qorshaha magac bedalidda ayaa…
Guud ahaan dunida waxay dadka lamaaneyaasha ah maanta u dabaal dagayeen munaasabadda “Valentine’s Day”, oo ah maalinta la xusho jacaylka. Maalintani waxay billaabatay xilligii boqortooyadii Romankii hore. Boqorkii waagaas ee roomanka oo la odhan jirey Claudius ayaa kala foogeeyey wiilasha iyo gabdhaha guurkooda iyo kulankooda, wuxuuna oggolaaday oo keliya habeenka dabaaldegga boqortooyadiisa in gabadh waliba warqad uu qoran yahay magaceeda sanduuq yar ku riddo, kaddibna sanduuqaas ayaa wiil walib warqad kala bixi jirey, sidaas ayaanu ku raadsan jiray inanta magaca ugu qoran, kaddibna intaa xafladdu socoto ayay wada joogi jiren, halkaas ayaa si nasiiib ah habeenkaas qofka calool galaa uun…
Afhayeenka Ciidamada Booliska Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan,ayaa faah faahin ka bixiyey is hortaaggii shalay lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo loo diiday inuu ka baxo garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday Baraawe. Cabdifitaax Aadan ayaa sababta ku sheegay in guddoomiyuhu watay ciidamo fara badan iyo hub, taasina ay keentay in laga hor istaago inuu ciidamadaas kala baxo garoonka. Afhayeenka ayaa xusay in amniga Baraawe uu sugan yahay, isla-markaana musharixiinta tegaya kaliya loo ogol yahay ilaalo gareyso 4 ama 5 nin o kaliya.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa maanta laga celiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Cali Yare iyo ciidan uu watay oo ku wajahnaa Magaalada Guriceel ayaa loo diiday inuu Garoonka ka dhoofo. Ciidamada Nabad-Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde ayaa u diiday inuu ka dhoofo Garoonka, waxaana ugu dambeyntii baaqday safarkiisa oo si weyn looga diyaar garoobay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Lama sheegin sababta loo celiyay Cali Yare iyo ilaaladiisa. Waxaa la aamisan yahay inuu u socday magaalada Guriceel si uu u sameeyo olole la xiriira kursiga HOPP#147. Shalay ayay marikii is hortaagg lagu…
La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin “duulaan milateri oo ballaaran” hadalkaas oo u muuqda in Maraykanka uu ka quustay xal laga gaaro xiisadda taagan. “Ma saadaalin karno mustaqbalka, mana ogin waxa dhici doona, balse khatarta waa mid saraysa, waxaana loo baahan yahay in si degdeg ah ay [muwaadiniinta] uga baxaan dalkaas” ayuu yiri Sullivan. La-taliyaha ayaa intaa raaciyay in maamulkiisa aanu ka war-qabin in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu gaaray go’aan kama dambeys ah oo ku aaddan duulaanka, balse Aqalka Kremlin uu raadinayo marmarsiyo uu ku billaabo dagaalka. Xoghayaha…
Ukraine ayaa codsatay inay kulan la yeelato Ruushka iyo dalal kale oo ka tirsan guddiga ammanka Yurub, si looga xaajoodo xiisadda sii xoogeysanaysa ee ka taagan xuduudda labada waddan. Wasiirka arrimaha dibedda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa sheegay in Ruushka uu dhagha ka furaystay codsi rasmi ah oo ku aaddan inuu sharraxo sababta uu ciidamada tirada badan u geeyay xuduudda. Waxa uu intaa raaciyay in tallaabada xigta ay tahay in dalkiisa uu diro codsi ku aaddan kulan dhaca 48 saacadood gudahood, si Ruushka loogala hadlo waxa uu damacsan yahay. Xukuumadda Moscow ayaa marar badan beenisay inay duulaan ku tahay Ukraine,…
Afar qof oo rayid ah ayaa geeriyooday kadib markii Mooto Bajaaj ay la socdeen ay la qaraxday miino waddada lagu aasay, duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle. Qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha oo ku yaalla banaanka magaalada. Goobta uu qaraxa ka dhacay waa wadada loo maro garoonka diyaaradaha. Dadkan qaraxa ku dhintay marka laga reebo wadaha mootada, inta kale waxay ahayeen ganaacsato caan ka ah magaalada Jowhar. Lama oga cida lala damacsanaa qaraxan Jowhar, sidoo kalena ma jirta koox iyo illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda. Magaalada Jowhar waxaa dhowaanahan ka dhacay doorashada…
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiya xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa maanta loo doortay inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo sidoo kale ah musharax madaxweyne, ayaa kusoo baxay doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb oo loo galay kursiga HOP#138 kadib markii ay tanaasushay Naciimo Xuseen Cali oo sidoo kale u sharaxneyd kursiga. Kadib tanaasulkaas ayaa cod gacan taag ah loo qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana u codeeyey dhammaan 86-kii ergo ee fadhiyey hoolka, doorashada, sida uu sheegay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug. Cabdiraxmnaa Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook…
Guri ka mid ah Guryaha kooxda Aaran-jaan oo Qaboojiyihiisa Biyaha ka imaanaya ay Shacabka Garowe Weel uhoorsanayaan Abaarta iyo dhaqaale yarida taagan darteed..!! Aaran dhibka ugu weyn waxay ku hayaan Shacabka Garowe markii loo eego Shacabweynaha kale ee reer Puntland. Garowe Dadku inta badan,waxuu dhaqdhaqaaqa nololeed ka furdaansadaa hawlgalka Dowladeed ee ka socda. Aaran,iyagoo taas ka duulaya waxay ciriiri geliyeen helida fursadaha,waxayna ufududeeyaan Qofkii iyaga daba socda. Nabadoon walba oo Jifi reer Garowe ah horjooge u ah waxay ushaqaalaysiiyaan Wiil ama Gabar uu ka helo Biilka reerka. Hotelada iyo Maqaaxiyaha Cuntada ka jira Garowe,waxaa loo kala siiya fursadaha Siminaaraada iyo…
Dowlada Jubaland,waxay shaacin doontaa halka lagu qaban doono Doorashada16-ka Kursi. Kuraastan,ayaa qorshaysnaa in ay Doorashadoodu ka dhacdo Garbahaarey. Balse qiimayn ay sameeyeen Gudi uu Shir Gudoon u ahaa Madaxweyne xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ay xubno ka yihiin Wasiirada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Gedo,ayay kusoo gudbiyeen 7-Qodob oo aysan macquul ku ahayn in Magaaladaaa Doorasho ku qabsoonto. Sida la filayo Baarlamaanka Jubaland,ayaa go’aamin doona halka loo wareejin doono Doorashadii 16-kii Kursi ee Garbahaarey.
Halkan ka daawo muuqaalka