Author: Jibril Qoobey.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar, ayaa maanta kulan ballaaran la qaatay oday dhaqameedyada iyo waxgaradka beesha xawaadle ee tabashada ka qabay maamulka Hirshabeelle, sida lagu sheegay qoraal lagu shaaciyay bogga xafiiska warfaafinta madaxtooyada Hirshabelle. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiis rasmi ah laga gaaray tabashadii ay ka qabeen maamulka, iyaga oo ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u mahadceliyay odayaasha uuna aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen beesha.

Read More

Madaxweynaha Faransiiska ayaa maanta booqasho ku jooga dalka Ukraine, waxa uuna noqonayaa hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee reer galbeed ah oo taageero u muujiyo xukuumadda Kyiev. Kulanka Emmanuel Macron uu la yeelanayo dhiggiisa dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto cabsi ah in Ruushku uu qorsheynayo in uu weeraro dalka deriska la ah ee Ukraine. Dhanka kale, wasaaradda gaashaan-dhigga Ruushka ayaa xaqiijisay in lix markab oo kuwa ay diyaaradaha xambaara ah ay badda Black Sea ka soo galayaan dhanka badda Mediterranean-ka. Isniintii shalayto ahayd ayaa madaxweyne Macron waxa uu magaalada Moscow kulan muddo shan saacadood ah socday…

Read More

Warbixintii ugu dambeysay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada dowladda Islaamiga ah iyo Al-Qaacida iyo xulafadooda, oo si rasmi ah loo shaaciyay toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in Talibaan aysan sameynin wax xaddidaya dhaqdhaqaaqyada argagixisada shisheeye. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in wiilka Usama Bin Ladin oo lagu magacaabo Cabdullaahu uu booqday Afgaanistaan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, si uu kulan ula yeesho Talibaan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Qaacida ay sii wadayso ” istiraatiijiyaddeeda” ka dib markii ay ugu hambalyeysay Taaliban guushii ay gaartay Ogosto 31-dii ee sannadkii hore, oo sida muuqata “aanay wax u…

Read More

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarsiisay gargaar raashin ah oo loogu talo-galay abaarta ka jirta gobollo ka mid ah Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in gargaarka ay dowladda Imaaraadka “uga jawaabtay” codsigii Ra’iisul Wasaaraha uu u jeediyay dunida ee ah in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso. Diyaarad sidday sahaydan gargaar ee raashinka ah, ayaa waxaa Muqdisho soo gaarsiisay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan…

Read More

Madaxweynaha Masar ayaa Isniintii marti-geliyey dhiggiisa Jabuuti oo ay yeesheen wada-hadallo lagu horumarinayo xiriirkooda iyo biyo-xireenka muranka uu ka taagan yahay ee Ethiopia ay ka dhiseyso Webiga Nile, kaasi oo Masar ay u aragto halis. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Axaddii cago-dhigtay magaalada Qaahira, waxaana garoonka ku qaabilay madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi. Booqashada Geelle ayaa timid sideed bil kadib markii Al-Siisi uu booqasho naadir ah ku tegay dalka Jabuuti. Al-Siisi ayaa xilligaas noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Masri ah ee booqda Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas xoriyadda qaatay 1977-kii. Waxay qeyb ka aheyd dadaal ay Masar ku dhiseysay xulufo…

Read More

Dawladda Israa’iil ayaa magacaabi doonta guddi baadhitaan oo ogaada xaqiiqada in ay booliisku adeegsadeen barnaamij basaas ah kaas oo ay samaysay kooxda NSO si ay u jabsadaan telefoonnada dadwaynaha Israa’iil fasax la’aan. Dadka talefoonadooda la jabsaday waxaa ka mid ah saraakil sar sare, dad dibebaxyay, wariyeyal iyo wiil uu dhalay Ra’isal wasaarihii hore ee Benjamin Netanyahu, sida lagu sheegay wargeys maxali ah. Waxaa kale oo la bartilmaamedsaday talefoonka mid kamid ah dadka markhaatiga ka ahaa kiiska musuqa ee Mr Netanyahu. Ra’isal wasaaraha dalkaasi Naftali Bennett ayaa sheegay haddii la xaqiijiyo wararkaasi inay yihiin kuwa aad u culus. Barnaamijka Basaaska ayaa…

Read More

Khubarada dhanka ammaanka marka ay ka hadlayaan sugidda ammaanka dal ayaa waxa ugu horeeya ee ay ku taliyaan waxay tahay helidda hay’ad sirdoon oo awood leh. Sababtaas ayay dalalka dunida dhaqaalaha ugu badan ugu bixiyaan casriyenta iyo horumarinta awoodahooda sirdoon iyo xog-helid. Sirdoonka waxaa uu ka mid yahay waxyabaha udub dhaxaadka u ah dal walba islamarkaasna xogaha dibadda iyo gudaha ee ay keenaan ayaa lagu saleeyaa danaha qaranka iyo sugidda amniga. Hay’adda sirdoonka qaranka waa difaaca ugu horeeya ee qaran uu leeyahay, waana hay’adda u qaabilsan helista xogaha qarsoon, iyo hagarmaadooyinka loo maleygayo dal, laakiin dalalka oo dhan ma noqon…

Read More

Bishii November ee sanadkii 2020-kii, kolonyo gawaari ah oo uu la socday seynisyahankii ugu sarreeyay dhinaca nuclear-ka Iiraan, Mohsen Fakhrizadeh, ayaa la weeraray. Waxaa lagu dilay qori lagu hagayay qalabka meelaha fog laga isticmaalo. Weerar sidaasoo kale loo diyaariyay oo lala beegsaday gawaari socda, iyadoo aan waxba la yeelin cid kale oo rayid ah, waa mid u baahan wadashaqeyn sirdoon oo tallaabo tallaabo isugu xidhan, goobtana ku sugan. Dilkaas kaddib, Wasiirka Arrimaha Sirdoonka ee Iiraan, Mahmoud Alavi, ayaa sheegay in labo bilood ka hor waqtigaas, uu isagu digniin u gudbiyay ciidanka amniga, una sheegay inuu jiro fal dil ah oo…

Read More

Sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin lagu shaaciyay warbaahinta, Kuuriyada Waqooyi ayaa lacago malaayiin doollar ah ku xadda dhinaca internet-ka si ay ugu maalgeliso barnaamijyadeeda sameynta gantaallada ee uu kharashka badan ku baxo. Baareyaasha ku howlanaa arrintan ayaa sheegay in lacag dhan $50 milyan oo doolar oo nooca digital-ka ah la xaday intii u dhaxeysay 2020-kii ilaa 2021-kii, taasoo lagu qaatay qaabka xatooyada internet-ka. Waxa ay saraakiishu sheegeen in habkaas dhaca internet-ka ah ee lagu jabsado bangiyada uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu kharash gareyso hubkeeda nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer. Waxaa…

Read More

Diyaarada Maraykanka ah ee B-52 oo awood uleh in ay xanbaarto Hubka wax gumaada ee Niyukleerka,ayaa todobaadka danbe kasoo dagaysa Uk. Xiisadda ka taagan Bariga Yurub ee udhaxeeya Nato iyo Ruushka,ayaa marba marka kasii danbaysa cirka iskusii shareeraysa. Ruushka,ayaa u arka hadii Ukrain ay ku biirto Gaashaanbuurta Nato khatar weyn oo soo wajahday,isla markaana Gantaalada Niyukleerka xanbaara ee Nato lasoo dhigi karo goobo ku dhow dhulkiisa oo laga soo weerari karo. Dadaal diblomaasiyadeed oo xal loogu raadinayo arinkan,ayaa socda.

Read More

Xilli doorashada Golaha shacbaka ay ka socota Soomaaliya ayaa guddiga doorashooyinka ee heer federaal waxaa ay sheegeen inay haysato cabaqad dhaqaale oo ay la qabaan sidoo kale guddiyada heer maamul goballeed. Afhayeenka guddiga doorashada ayaa sheegay in muddo sedex bilood ah aysan qaadanin wax mushahaar ah , guddigana uu soo food saaray dahaqaala yaraan baahsan. Waxaa ay sidoo kale beeniyeen in guddiga guryahooda laga saaray ayna been abuur tahay waraqadda barha bulshadda la kula dhex marayyo ee lagu sheegay in gudiga la siiyay maalmo kooban in ay uga baxaan guryaha ay deggan yihiin. Guddiga ayaa sheegay in dhaqaalihii loogu tala…

Read More

Israel ayaa Axaddii sheegtay inay hakin karto duulimaadyada diyaaradaha Israel ay ku tagaan Dubai maalmaha soo socda, sababo la xiriira muran ku saabsan nidaamka amni, balse loo weecin karo magaalada Abu Dhabi. Sarkaal Israeli ah ayaa sheegay in nidaamnka amni ee iminka ee saddex diyaaradood oo Israel ah oo u duala Dubai, kuwaas oo kala ah El Al , Israir iyo Arkia uu dhici doono Talaadada, taasi oo ku qasbeysa in wada-xaajoodayaasha labada dal inay isku raacaan mid cusub kahor waqtigaas. Duulimaadyada tooska ah ee Israel iyo Imaaraatka Carabta ayaa billowday kadib markii labada dal ay yeesheen xiriir rasmi ah…

Read More

Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay haweeney beddaleysa Simon Malungo oo ay horey dalka uga ceyrisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somaliya. Haweeneydan loo soo magacaabay in ay ka shaqeyso Soomaaliya ayaa beddaleyso ku xigeenkii hore ee ergeyga Midowga Afrika, Simon Malungo oo ay Soomaaliya ah dalka saartay, kadib markii bishii November ee sanadkii hore lagu eedeeyey inuu dambiyo waa weyn ka geystay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ku lug yeeshay howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM. Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey in Marwo Fiona Lortan ay door muhiim ah ka qaadan…

Read More

Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah maalin fasax ah si uu ugu dabaaldego guushii ay xulka qaranka kubadda cagta ka gaareen koobka qaramada Afrika. Madaxweynaha oo ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa soo gaabiyay safarkiisa si uu u soo dhaweeyo xiddigaha kubbadda cagta ee qaranka Senegal. Madaxweyne Sall ayaa salaasada kooxda ku soo dhaweyn doona qasriga madaxtooyada, sida uu sheegay telefishinka dowlada ee RTS TV. Senegal ayaa ku guuleysatay finalkii ugu horeeyay ee cayaaraha Afcon ka dib laba guuldaro oo hore oo qabsatay sanadahii 2019 iyo 2002. Axadii ayay dalka Masar ku garaaceen rigoorayaal 4-2…

Read More

Madaxweynaha mudo xileedkiisa sharciga ah dhamaadey Maxamed Farmaajo oo ku matalaya Somaliya Meertida 35-aad Midowga Afrika,ayaa si weyn ugu mahad celiyay Ra’isalwasaaraha Itoobiya. “Waa kaaga mahadcelinayaa Walaal Abiyoow soo dhaweyntaada diiran adiga iyo dadkaaga Geeska Afrika ee cajiibka ah”Ayuu yiri Farmaajo. “Mar horeba waa ka faaidaysanay hadaan nahay Somalida isdhexgalka ganacsi oo waxaan nasiib uyeelanay Laba duulimaad oo diyaarada Itoobiya ah maalin walba”Ayuu yiri Farmaajo markale. Ugu danbayn waxuu kusoo afmeeray hadalkiisii mahadnaqa ahaa Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaadey ee Farmaajo.. “Anigoo og hamigaaga balaaran,waxaan ku rajo weynahay in Jiilkeena xiga ay midoobi doonaan oo ka faa’idaysandoonaan”. Amaanta Farmaajo waxay…

Read More

On February 4, on the sidelines of the 35th Assembly of Heads of State and Government of the African Union in Addis Ababa, Special Representative of the President of the Russian Federation for the Middle East and Africa, Deputy Minister of Foreign Affairs of Russia Mikhail Bogdanov met with President of the Federal Republic of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed. During the conversation, M.A. Mohamed shared his assessments and thoughts in connection with the emerging socio-political situation in Somalia at the final stage of the parliamentary elections. The Russian side confirmed its consistent and principled support for the efforts of the…

Read More

Addis Ababa, Febraayo 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika. Madaxweynaha oo ka warbixiyey guulaha la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay la dagaallanka argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayaa xusay muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto ururrada argagixisada ah. “Argagixisada Alshabaab waxa ay cadow ku tahay xasilloonida Qaaradda Afrika.…

Read More

Ciidamadii ugu horreeyay ee Mareykan ah ayaa Sabtidii gaaray waddanka Poland, si ay u xoojiyaan xulafada NATO ee ku sugan Bariga Yurub, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Poland, iyadoo laga cabsi qabo in Ruushka uu ku duulo dalka deriska la ah ee Ukraine. “Sida lagu dhawaaqay, cutubyada ugu horreeya ee guutooyinka dagaalka ee qaybta 82-aad ee hawada sare ee ciidamada Maraykanka ayaa soo gaaray Poland,” ayuu yiri afhayeen u hadlay militariga Poland. Ciidamada Mareykanka ayaa gaaray saldhiga milatari ee Rzeszow oo ku yaala koonfur bari Poland, una dhow xadka uu la wadaago Ukraine, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden…

Read More

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen ku xigeenkii Yuusuf Dabageed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhowr madfac ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha kahor inta aanu madaxweyne Guudlaawe kasoo degin, waxaana ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa dowladda lagu daadiyay waddooyinka magaalada, xilli laga cabsi qabo isku dhac hubeysan. Kooxda la baxday Kacdoonka Hiiraan ee diiddan imaatinka Guudlaawe ayaa ku sugan meel ka baxsan magaalada. Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu wadaa inuu daahfuro doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee kuraastoodu ay taal magaalada Beledweyne.

Read More

Hoggaamiyaha TPLF,Debretsion ayaa Kiniisadaha Orthodox-ka ku eedeyay inay siyaasadda ku dhex-milmeen oo ay la kala safteen shacabkoodi,isagoo xusay inay dabka kusii shidayeen dagaal shacab baddan oo Tigree ah lagu xasuuqay,waa sidduu haddalka u dhigaye. “Xadhigoodii waan jarnay,xidhiidh dambe yeellan mayno.Diinteena annagoo Tigree ah ayaan ilaashanaynaa”; ayuu yidhi Debretsion. Laba Sanno kahorna Oromada Orthodox-ka ayaa sheegay inay samaysan doonaa hanaan u gaar ah(Luuqada Oromada),xiligaas waxay sheegen inay ka lug-baxayaan qorshaha kiniisadaha Orthodox-ka.” Af-Oromo ayaan ku baryaynaa,Iyasus-ku wuu naga aqbali”;ayuu qays Belay oo qorshan haggaya(Axmari kaliya inay Ilaahoda ku baryi karaan ayaa laga dhaadhiciyay.” Kiniisadaha Orthodox-ka ayaa ahaa kuwo qarniyo baddan siyaasada…

Read More

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga,ayaa sheegaya in la xaqiijiayay labo qof oo hor leh oo Soomaali ah inay ka mid yihiin dadkii qabowga barafka ugu dhintay xadka u dhexeeya dalkaas iyo Gariiga. Horey waxaa xalay loo aqoonsaday meydka labo qof oo kale oo Soomaali ah. Waxay tan ka dhigeysaa tirada guud meydadka dadka Soomaalida ah ee la aqoonsaday afar, sida uu BBC Somali u xaqiijiyay Cabdullaahi Xuseen Aadan (Abtidoon) oo ka mid ah madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga. Wadarta guud ee meydadka dad la rumeysan yahay inay tahriibayeen ayaa gaareysa… Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xadka ee Giriigga inay masuul…

Read More

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in laga helay cudurka Coronavirus. Wuxuu intaa ku daray in xaaskiisa Emine Erdoğan iyana laga helay cudurka Covid-19. Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisu isku arkeen calaamadaha Covid-19 . Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu guriga ka sii wadi doono shaqadiisa iyo waajibaadka saaran. Madaxweyne Erdogan iyo xaaskiisa ayaa todobaadkan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Ukraine.

Read More

Dowladda hoose ee Magaalada Kismaayo,ayaa markale Ganacsatada ku wargelisay in ay baneeyaan Waddooyinka dhex mara Suuq yare. Horay ayay Dowlada hoose usoo saartay amar loogu sheegayo Ganacsatadu in ay ku baneeyaan Wadooyinka Suuqaas. Halkan ka akhriso wareegtada:- Dhanka kale Waxaa maanta Dekada Kismaayo ku soo xirtay Markab sida Gaadiid nooca xamuulka ah,Cagafyo iyo Agab kale oo loo adeegsan doono dhismayaasha Waddooyin Laami ah oo dhowaan laga bilaabi doono magaalada Kismaayo. Qalabkan iyo Gaadiidkan oo ay Magaaladu baahi weyn uqabtay,ayay kaga faa’idaysan doontaa Barnaamijyada horumarinta Magaalooyinka.

Read More

Waxaa Goordhawayd furmay Shir madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika. Xarunta Midowga ee caasimadda Itoobiya Addis Ababa,ayuu ka furmay. Ajandayaasha ugu waa weyn ee horyaala Madaxda Afrika,ayaa waxaa ka mid ah.. 1.Afgambiyada Military ee Qaarada oo dib usoo laba kacleeyay. 2.Israa’iil iyo dalabkeeda ah in la siiyo maqaamka Xubin goobjooge Ururka ah. 3.La tacaalida Virus-ka Corona ee Qaarada. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Boosaso waxaa ka socota abaabul dhaqaale baaxad leh loogu yaboohayo dhismaha Dekeda Bosaso. Lacagta ugu badan waxaa isku qoraya ganacsatada reer Bari iyo reer Mudug. Sidoo Qabiilada iyo Issimada,ayaa iyagana lacag badan isku qoray. Waxaa soo dhamaatay qiimeyn hordhac ah oo ku aadan qiimaha lagu dhisi karo Dejeda Bosaso,wax badan ayay ka tiro yar tahay Qiimayntu tii ku baxday Dekeda Garacad. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Milkiilaha Facebook ayaa wajahay hoos u dhac weyn oo ah dhanka suuqa saamiyada waxa uu khasaaray in ka badan $230 bilyan oo dolar, taasoo ah khasaare rikoor ah oo ay khasaarto shirkad Mareykan ah. Meta ayaa sidoo kale sheegtay in isticmaaleyaasha Facebook ee firfircoon ee maalinlaha ah ay hoos u dhaceen markii ugu horreysay taariikhda muddo 18-sano ah. Mark Zuckerberg ayaa u sheegay shaqaalaha in laga yaabo inuu ooyo sababtoo ah isha ayuu xoqday saacado yar ka dib markii shirkadiisu ay gashay khasaarahaasi. Tirokoobyo cusub, oo la sii daayay iyada oo qayb ka ah natiijooyinka dhaqaale ee ugu dambeeyay ee…

Read More

Addis Ababa, Febraayo 04, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika. Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada…

Read More

3-dii sano ee Madaxweyne Deni hogaaminayay Puntland guusha ugu weyn oo lagu xasuusan doono,waa waxkaqabashada amniga Mudug oo markuu talada la wareegay yaalay meel xun. Gaalkacyo oo gashay gacanta argagixisada,Khamriga iyo danbiyada ayuu dib usoo celiyey. Gaalkacyo oo Qof caadiya ka cararay ama la dilay,ayuu gaarsiiyay in dib loogu soo guuro. Amni,horumar iyo dib usoo kabasho la yaab leh,ayaa ka muuqata Gaalkacyo. Muumin iyo Saraakiisha kale Aadbaan ugu bogaadinaynaa shaqadooda ay sida weyn uga soo dhalaaleen. Wariye Abshir Dhiirane waa uga mahadnaqaynaa Barnaamijkaas qiimaha weyn lahaa ee uu kasoo diyaariyay Sanad ka hor Gaalkacyo. Halkan ka daawo muuqaalka Barnaamijkaas.

Read More

Rooble intii uu ku guda jiray booqashadiisii Imaaraadka,waxyaabaha ugu waa weynaa ee ay kawada hadleen Madaxda Dalkaas,waxaa ka mid ahaa…. 1.In uu Deni ka caawiyay ka dhaadhicinta Imaaraadka gadoodka Ciidamada PSF in ay ka danbayso Dowlada Fadaraalka ee uu RW ka yahay,isaguba uu xaqiijinayo faragalintaas in ay sameeyeen. 2.In uu danaynayo Ra’isalwasaare unoqoshada Deni hadii uu Madaxweyne Fadaraal kusoo baxo. 3.Dhaqaale ay Dowlada Imaaraadku ku taageerto dhamaystirka Doorashada. PSF iyo Rooble!! Qodobka PSF ee Rooble ku darsaday ajandihiisa,waxaa si toos ah uga codsaday Madaxtooyada Puntland,isaguna waa fuliyay codsigaas. Balse xog ogaalka arinkan la socda,ayaa xaqiijinaya in PSF iyo Villa Somaliya…

Read More

Maamulka Koonfur Galbeed,ayaa Magaalada Baraawe geeeyey ciidamo sugaya Amaanka doorashada Magaaladaas lagu qabanayo. Gudiga doorashada Koonfur Galbeed, ayaa horay ushaaciyey 13-kursi oo dhawaan doorashadooda ka dhacayso Baraawe. Sidoo kale Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT,ayaa goordhaweyd sii daayay jadwalka doorashada 13-ka kursi deegaan doorashadooduna tahay Magaalada Baraawe. Tani,waxay xaqiijinaysaa in loo gudbay gacantii Labaad ee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka. Halkan ka akhriso:-

Read More

Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah,ayaa ku geeriyootay 3-kalena waa ku dhaawacmeen qarax miino oo argagixisada Al-Shabaab ay ku aaseen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen Dad shacab ah,ayaa Miinadu kula qaraxday meel u dhow deegaanka Cabdi Dhoore ee duleedka Kismaayo. Qaraxan,ayaa kusoo beegmaya xili Jubbaland ay bilowday howlgalo amniga doorashooyinka lagu sugayo oo ka soconaya nawaaxiga Kismaayo

Read More

Afar Malyan iyo Sadex Boqol oo kun dolar,waxaa bixiyay Deeq bixiyayaasha. Hal Malyan iyo Sideed Boqol oo kun dolar,waxaa bixisay Dowlada Puntland. Isugeynta guud Lacagta Wadada lagu dhisayo,waa Lix Malyan iyo Boqol kun dolar. Wadadu waxay gaaraysa 69-km Jalam ilaa Xarfo. Lacagtaas,waxaa ku jirta tii Shirkada wax dhisaysa ay horay usheegatay in ay ka maqnayd. Nooca Laamiga la dhisay qayb ahaan inta kalana ay socoto shaqadiisu waa kan ugu jaban ee Km-kii uu ku kaco 70-kun oo dolar. Shirkada dhisaysa,waxay bixisay xaqiijin ah in uu jirayo Laamigaas ugu yaraan 10-sano ugu badnaan 30-sano. Si kasta oo ay tahay Xarfo ilaa…

Read More

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika. Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Read More

Ruushka,ayaa qorsheynaya qorshe been abuur ah oo uu marmarsiiyo uga dhigto duullaan uu ku qaado Ukraine, isagoo si been abuur ah ugu eedeynaya ciidamada Ukraine inay weerar ku qaadeen kooxaha goonni u goosadka uu Ruushka taageero ama Ruushka laftiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka. Arrimaha la sheegay in Ruushka uu ka fiirsanayo inuu soo bandhigo waxaa ka mid ah baahinta weerar been abuur ah, iyadoo sawirro muuqaal ah oo ku aaddan qaraxyo iyo falal ay ka dhasheen khasaare badan a abuurayo si markaana Ruushku uga jawaabo falalkaas qiilna ugu helo weerarkiisa dalkaas. Saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka…

Read More

Dalka Imaaraadka Carabta,ayaa dhanka dhaqaalaha si wayn uga horeeya inta badan dalalka kahliijka ee dariska la ah. Militariga Imaaraadka ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan dalalka Khaliijka. Ciidamada Imaraadka ayaa ka dagaalamay dalal badan sida iibiya, Yemen iyo Afqaanistaan. Balse marka la eego dhanka tirada ciidamada Imaaradka ayaa aad u yar. Dowladda Imaaraadka ayaa sanooyiinkii u dambeeyay waxa ay dhaqaala badan galisay dhanka militariga, iyada soo iibsatay hub badan oo casri ah, balse lama oga miisaaniyadda rasmiga ah ee gaashaandhiga. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa kaalinta 36-aad kaga jira caalamka dhanka awoodda militari. Sida uu…

Read More

Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa maamulka madaxweyne Biden ka sugeysa inay ku soo wargaliso wixii laga yeelli lahaa lacag dhan 7-bilyan oo dollar oo ay leedahay Afghanistan, taas oo ku xanniban Bangiga Keydka ee Maraykanka ee magaalada New York. Maamulka Biden,ayaa haysta illaa 11-ka bishan February inuu maxkamadda u caddeeyo saddex arrimood oo kala ah… 1.In lacagtaas si abid ah loo xannnibo. 2.In Afghanistan loo celiyo. 3.In la siiyo qoysaska dhibbanayaashii weerarkii 11-kii September ee 2001. Garsooraha maxkamadda,ayaa labo mar kordhiyey wakhtiga si uu dawladda u siiyo in ay sharci ahaan kala hufto keyska, hase yeeshee qareenka u dooddaya illaa…

Read More

Russian President Vladimir Putin and Chinese President Xi Jinping are all set to meet in Beijing on Friday, ahead of the opening of the Winter Olympics. The meeting between the two top global leaders will be closely monitored by the experts as a “cold war” brews between the US and China. As the distance between Moscow and the US grows, the two top global leaders of the East are inching closer. With the rumours of Russia invading Ukraine making the rounds, Beijing last week publicly backed Moscow’s “security concerns” regarding NATO. In a statement released by Beijing on Thursday, China stated Russia…

Read More

Labada madaxweyne ee Shiinaha iyo Ruushka, Xi Jinping iyo Vladimir Putin ayaa kulmaya Jimcaha maanta ah, ka hor furitaanka ciyaaraha Olympic-ga 2022 ee magaalada Beijing. Kulankan ayaa la filayaa in loo muujiyo in labada dhinac ay u midaysan yihiin xiriirka aan deganayn ee labada dal mid walbaa la leeyahay Maraykanka. In kasta oo Ruushka iyo Shiinuhu aanay xulufo hore ahayn, haddana labada dal ayaa sanadihii u dambeeyey isku soo dhawaaday si ay iskaga kaashaadaan raadka Maraykanka. Shiinaha ayaa si cad u muujiya taageeradiisa Ruushka, xitaa xilli uu Ruushku soo dhoobay tiro ka badan 100 kun oo askari xuduudda uu la…

Read More

Dowladda Imaaraadka Carabta,ayaa sheegtay inay xalay hawadeeda ka qabatay saddex diyaarad oo ah nuuca aan duuliyaha laheyn (Drone), ayada oo mar kale lagu soo qaaday weerar. Saddex weerar oo horey loogu qaaday Imaaraadka, oo uu ku jiray mid gantaal oo dhacay Isniintii xilli uu dalkaas booqanayey madaxweynaha Israel ayaa waxaa ka dambeeyey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto. Hase yeeshee Xuutiyiinta ayaan weli sheegan weerarka cusub. Weerarkii Drone ee Arbacadii ayaa waxaa sheegtay koox aan sidaas loo aqoon oo lagu magacaabo Alwiyaat al-Waad al-xaq ama “Guutada Ballan-qaadka Runta ah” oo qiil ka dhigatay faro-gelinta Imaaraadka ee Yemen iyo…

Read More

Mareykanka ayaa u diri doona ku dhawaad 3,000 oo askari oo dheeraad ah dalalka Poland iyo Romania si ay uga difaacaan bariga Yurub dhibaatada ka dhalatay ciidamada tirada badan ee Ruushku soo dhigay xadka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka Arbacadii. Ruushka ayaa Arbacadiii beeniyay inuu qorsheynayo inuu duullaan ku qaadayo dalka Ukraine, balse wuxuu muujiyay inaysan wax tanaasul ah sameyn, iyagoo ku jees jeesay Britain, kuna tilmaamay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson inuu aad u jahawareersan yahay, siyaasaddiisuna tahay mid “doqonnimo iyo jaahilnimo ah” waa sida ay hadalka u dhigeen Ruushku. Moscow ayaa in ka badan 100,000 askari geysay meelo…

Read More

Hoggaamiyihii kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal xalay ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee Syria, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Weerarka ayaa lagu beegsaday Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi, oo hoggaanka kooxda mintidiinta ah la wareegay 31-kii October 2019, maalmo un kadib markii hoggaamiye Abu Bakr al-Baghdadi uu ku dhintay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in al-Qurayshi uu u dhintay si la mid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur kadib markii ay…

Read More

Hogaamiyaha markay shacabku og yihiin in uusan Xoolahooda rabin kaliya uu yahay Nin han leh oo Xukun doona Gaajada,waa ugu dulqaataan oo xataa Ciidanku,iyagoon Mushahaar qaadan ayay Xabada iskaga dhigaan. Balse markii ay ujeedaan,isagoo baraaraystay oo nimcada uu ku dhex jiro darteen Miisaankii fuulay uu cudur ku noqday oo hadana Wiilkiisa kayd usii samaynayo,waxaa dhaca masiibooyin waa weyn. Nidaamyada dunida 3-aad markaad ufiirsatid,waxayba utaagan yihiin kaabida hogaamiyaha Musuqa iyo Eexda. Madaxweyne Deniyoow rabi ka baq hoos u eeg Bulshada oo yaysan kugu dhicin xanuunadii ku dhacay hogaamiyayaashii Dadkan iyo Dalkan diirtay. Talada Maxamuud Shido ee ah….. “Qofkii Lacag haystaa Qof…

Read More

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo sabtidii booqasha ku tagay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa inuu dowladda Imaaraadka uu kala hadlay Arrinta Dekedda Berbera. Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeesheey Amiirka awoodda badan ee Imaaraadka Sheekh Maxamed bin-Zayed Al Naxyaan. Wuxuuna Abiy uu Amiirka kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dekadda Berbera ee ay saamiga ugu badan ku leedahay sidii ay uga wada faa’ideysan lahayeen madaamaa Itoobiya ay laheen Dekad isla-markaana dhaqaalaheedea uu si weyn u saameeyey dagaalka waqooyiga dalkaasi ka socda, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi Imaaraatka.…

Read More

Dowladda imaaradka Carabta ayaa soo dhaweysay raaligalintii uu bixiyay rai’sul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Bayaan kooban oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in ay muujinayso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya. “Imaaaraadka waxay soo dhaweynayaan raaligalintii uu bixiyay rai’sul wasaaraha Soomaaliya ee ku saabsanayd dhacdadii bishii April 2018,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii Abriil 2018-kii la wareegtay lacag dhan $9.5 milyan oo doolar oo ay lahayd dowladda Imaaraatka, taas oo dhalisay khilaaf dublamaasiyadeed oo xoog leh. Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in…

Read More

Itoobiya oo shacabkeedu ka badanyahay 100 milyan oo qof , wuxuuna dalkani u baahanyahay in uu lasoo dego badeeco aad u badan, islamarkaasna dhoofiyo waxsoo saar kale sida bunka oo uu caan ku yahay, sidaas awgeed waxa uu ku qasbanyahay in la helo deked si sahlan loo isticmaali karo. Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo dekeda Sudan, balse markan waxa ay Itoobiya qaadaysaa tallaabo ay kula wareegeyso saami dekadaha inta badan dalalka dariska. 2018-kii waxa uu muran weyn ka dhashay kadib markii dowladda Itoobiya boqolkiiba 19% laga siiyay saamiga dekada Berbera, waxayna tan ka…

Read More

Deegaanka Balanballe ee Gobolka Galgaduud oo maalmihii u danbeeyey ay ku dirirayaan Malleeshiyo Beeleed iskasoo horjeeda oo halkaasi wada dega,ayaa la soo sheegayaa in saaka xaalku deggan yahay. Dagaalkan oo socday labadii maalmood ee u danbeeyey, ayaa sida lasoo weriyey ay ku dhinteen dad ka badan dhawr iyo Tobanqof halka tiro kalena ay ku dhaawacantay. Dagaalkan ayaa ahaa mid soo noqnoqnayey muddo dheer. Waxaa inta badan loo tiiriyaa in ay huriyaan marba aanooyin dil ahaa oo horey u dhexmaray, reerraha dagaalamaya iyo dhul daaqsimeed ay isku hayaan.

Read More

Maalinkii in 25-kun oo dolar uu Qaadka ka faa’ido Wiilka Madaxweyne Deni dhanka kalana 25000 oo Wiil ay yihiin baagabuundo aan Sadexda wakhti heli karin,waxa kaliya ee uu dheer yahayna ay tahay in uu Deni dhalay, wax laga aamusi karo mahan Maanta!! Wiilasha Xasan Shire Abgaal ee Turkiga jooga in midkiiba biil ahaan 2000 oo dolar loogu diro ,halka kuwa la midka ah ee reer Puntlandta kale badankood aysanba heli karin 300 oo dolar Bishii,wax laga aamusi karo mahan Maanta!! Wiilka Maxamuud Shido in uu noqdo kan qaata wax walba oo Mashruuca oo soo baxa oo xataa kuwa kula tartama…

Read More

Wax macno ah masoo kordhin Dowladu,cabashadii shacabkana jawaab uma noqon karto Warqadan. Weli,waxaa la ilaalinayaa danaha Ganacsatada Gaaska ee ay ugu horeeyaan reer Faroole!! Bulshada Puntland waxay sugaysay wax la taaban karo in laga qabto Qiimaha Gaas ee xuduud dhaafka ah. Halkan ka akhriso Warqada Dowlada kasoo baxday:-

Read More

January 27, 2022. by Colin Robinson On January 22, news began breaking of agreement between the Somali government and the African Union (AU) Commission on the future of the AU intervention mission in Somalia. After 15 years, an uncertain withdrawal process, and doubts surrounding both the federal government and the current stretched-out electoral process, the mission needed reassessment. A formal announcement confirming the new shape of the mission has not yet been made, nor has the agreement been negotiated by the AU Peace and Security Council and the United Nations (UN) Security Council, but the outlines have been widely reported. Unfortunately,…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu u aqoonsado dowladda Qatar meeqaamka dal “Xulafo weyn la ah oo ka baxsan NATO “, taasoo u ogolaaneysa in uu xiriir milateri iyo mid ganacsi oo ballaaran uu dhex maro labada dal. Biden ayaa si cad u sheegay xilli uu Aqalka Cad wadahadalo kula yeeshay Amiirka Qatar Tamim bin Hamad in tallaabadan ay tahay mid muddo dheer la filayay. Biden ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha amniga bariga dhexe, tamarta caalamka iyo taageerada Afqaanistaan. Amiirka Qatar ayaa ku tilmaamay wadahadalka uu la yeeshay Biden…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa raali-gelin buuxda ka bixiyey xafladihii lagu qabtey xafiiskiisa kaddib markii warbixin laga soo saaray baaritaan ay wadey gabadh sarkaalad ah oo dowlada u shaqaysa. Ra’iisul Wasaare Johnson ayaa balan-qaadey in uu xalin doono khaladaadkii dhacay. Johson ayaa waxaa kusii kordhaya cadaadis loogu baaqayo inuu is-casilo sababo la xiriira xafladdan oo loogu magac-daray “Partygate”, taasi oo dhacday inay ay socdeen xayiraadihii COVID-19.

Read More

Mali ayaa Isniintii sheegtay inay ceyrineyso safiirka Faransiiska kadib hadallo “cadowtinimo ah” oo uu jeediyey, tallaabadaas oo sare usii qaadeysa xiisadda kala dhaxeysa dalka horey u gumeysan jiray. War-saxaafadeed laga akhriyey taleefishinka qaranka ayaa lagu yiri “Safiirka Faransiiska ee Bamako, Mudane Joel Meyer… waxaa lagu wargliyey go’aanka ay dowladda ku weydiisaneyso inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.” Tallaabadan ayaa su’aalo cusub gelineysa taageerada Militari ee Faransiiska uu siiyo dalka Mali, oo dagaal socda 10 sano ka badan kula jira kooxo Jihaadiyiin ah. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faranasiiska ayaa bayaan kooban oo ay soos aartay ku sheegtay “inay ka war-hayso qoraalka”…

Read More

Lix qof ayaa geeriyootay kadib markii gaari rakaab ah oo ay la socdeen uu maanta burburiyey qarax intuu uu socday weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen koox hubeysan, waqooyiga bari ee dalka Kenya, meel ku dhow xuduudda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa rasaas ku furay gaariga kadib markii uu dul maray miino dhulka lagu aasay, meel 8 km u jirta magaalada Mandhera. “Lix qof ayaa la dilay intii uu socday weerarka lagu qaaday gaariga. Waxaa socda howlgal lagu soo qabanayo kooxda weerarka soo qaaday,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska qaranka Bruno Shioso. Weli ma…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dal. gaar ahaan dhinacyada ganacsiga , dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta . Halkan ka daawo muuqaalka

Read More