Baro safiirka cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya! Danjire Larry André waxa uu hore safiir uga soo noqday safaaradaha Maraykanka ee Jabuuti iyo Nouakchott. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay dalalka kala ah Bangladesh, Cameroon, Ethiopia, Guinea, Iraq, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, South Sudan, iyo Tanzania. Kahor inta uusan ku biirin Adeegga Dibadda ee Mareykanka, Danjire André waxa uu ka soo shaqeeyay dib u dhiska wadanka Chad dagaalkii ka dib, waxaana uu tabaruce u soo noqday hay’adda Peace Corps ee Senegal iyo shaqale xafiiska Peace Corps ee Washington, DC. Sawirka labaad, waxaad ku arki kartaa isaga oo jooga tuulo ku…
Author: Jibril Qoobey.
Boqor Axmed oo uu dhalay Boqorkii hore ee Beelaha Daarood Boqor Cabdullaahi King-kong,ayay Dowladu wadaa in ay kasoo dajiso Puntland. Boqor Axmed,waxa ay horay iskugu qabsadeen dhaxalka Boqortooyada Boqorka hada jooga Boqor Burhaan. Balse waa lakala saaray oo dhaxalkii Boqortooyada,waxaa la siiyay Boqor Burhaan Boqor Muuse,sidaas,ayaana lagu kala reebay. Haatan Axmed Boqor Cabdullaahi oo degan Canada kana mid ah Qoyska reer Boqor ayay soo abaabuleen Deni iyo kooxdiisa,waxayna rabaan in ay ku dhereriyaan Boqor Burhaan Boqor Muuse. Dhawaan ayay rabaan in ay kasoo dejiyaan Gaalkacyo,isla markaana galbiyaan ilaa Bosaso. Deni dhaqaalaha ku baxaya buunbuuninta Axmed Boqor Cabdullaahi,isagaa bixiyay,balse waxuu rabaa…
Shaahdoon Cali Yare Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari si wacan,ayuu yeelay. Koox ma weerarin mana samayn balanqaad hadhow kusoo laaban kara. Waxuu codsaday wada shaqayn,waxuuna muujiyay xog ogaal in uu ka yahay xaalka Gobolka Bari. Gudoomiyihii hore Abwaan hadaladiisii sagootinta,waxaa ugu micno badnaa dardaaran uu uga tagay Gudoomiyaha cusub,kaasoo ahaa..”Dhalinyarada Tiktok-yada xiriirkooda wanaaji”. Abwaan wax la taaban karo Gobolka ugama tagin. Intii uu joogay Xaafiiska hogaaminta Gobolka,waxaa dhacay Sadex dhacdo oo waa weyn oo uusan midna wax ka qaban ama ku fashilmay. 1.Waxaa Magaalada soo galay Ciidan Beeshiisa hoose ah oo 3-beri haystay. 2.Xabsigii weynaa,ayaa la jabsaday lagana sii daayay…
Sanyare Kursigiisa Xildhibaan banaan buu uyaalaa oo si dadban,ayaa looga reebay Dadkii khatarta ku ahaa. Tusaale” Beesha Cabdi-ciise oo xariga kula jirta Beesha MC ee Sanyare kasoo jeedo,waxay Madaxtooyadu ubalan qaaday in ay siinayso Wasiirka Haweenka Puntland oo ay hada ku fadhido Aamini Cismaan Xaaji. Sidoo kale Beesha Reer Khalaf oo hada la raaciyay Xarigaas,waxay Madaxtooyadu ubalan qaaday in ay Gudoomiyaha Gobolka Mudug siinayso oo hada uu ku fadhiyo Sanyare. Sida muuqata ciyaar qurxoon oo kala goosi,ayaa ka dhacday Xarigaas.
Madaxtooyada Kenya,waxay casuumad rasmi ah usoo dirtay Madaxweyne Deni. Sida aan xogta ku helay Kenya,waxay Deni kala hadlaysaa Musharax ay uwadato Madaxweynaha Somaliya. Maanta iyo Beri,ayuu si deg-deg ah utagi doonaa Kenya hadaysan wax isbadalin sida wararku sheegayaan. Horay,waxaa usii joogay Kenya Madaxweyne Axmed Madoobe. Axmed oo arinkan la hor dhigay,ayaa ka muujiyay soo dhaweyn,balse soo jeediyay in Deni la aqbalo. Deni,waxaa lagu xantaa in uu usharaxan yahay Kursiga Dalka ugu sareeya. Sida warar hore sheegayeen Deni,waxaa uqorshaysnayd in uu tago Bosaso 27-ka Bishan.
Waxaa jiray Nin cadaan ahaa oo waayihii SSDF iyo Gobolada Waqooyi Bari haystay Hay’ad. Markii shirkii Qaahira soo fashilmay oo la go’aansaday in la dhiso Maamul ay yeeshaan Daaroodka Bartamaha iyo Waqooyiga Dalka dega,ayaa loo baahday dhaqaalihii wax lagu dhaqaajin lahaa. Ninkaas Cadaanka ahaa,ayaa loola tagay aragtidii ahayd Maamul dhisida,waxaana laga codsaday garabgal dhaqaale. Waa soo dhaweeyay aragtidii Ninkaas Cadaanka ahaa,waxuuna balan qaaday in ay hay’adiisu bixinayso wax alaale iyo waxii dhaqaale ah ee ku baxaya dhismaha maamulkaas. Balse hal shuruud,ayuu ku xiray,taasoo ahayd.. 1.In aan Maamulkaas lagu darin Gobolada Sool iyo Sanaag. Jilib culustii markaas hawsha ku jirtay ee…
Guddiga dhaqaatiirta ee dalka Sudan ayaa sheegay in laba qof ay geeriyoodeen ka dib markii ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyo ka dhacay dalka Sudan oo dhaliyey rabshado u dhaxeeya ciidamada iyo shacabka. Dibad-baxyada,ayaa qeyb ka ah kacdoon shacabka ay sameynayaan oo looga soo horjeedo xukunka militari ee dalkaas kadib markii la riday dowladdii rayidka aheyd ee dalkaas. Tobaneeyo qof ayaa illaa hadda ku dhaawacmay ayada oo boqolaal kalena lagu dhaawacay dibad-baxyada oo socda dhowr bil.
Shirkii beesha Cumar Maxamud ee maanta Hotel Al jasiira 2, Magaalada Galkacyo. Go’aanada wax qaybsiga Kuraasta ee kasoo baxay waxay udhigan yihiin sida tan…. 1.Labadii Xarig ee horay u hayay kuraasta waxay ku tartamayaan, Hal kursi,kuwwaasoo kala ah.. B.Xariga Khalaf iiyo Cabdille iyo Ibraahim Cumar. T.Xariga Cabdciise,Maxamed Cumar iyo reer Aadan. 2.Xariga Reer Xirsi & Reer Maxamed Faarax waxay ku tartamayaan kur siga labaad. Halkan ka daawo muuqaalka
Military Update ayaa qoray in Turkigu samaystay hanaan difaac oo Casri ah kaasoo Layaab ku noqday Qaar kamid ah wadamada Reer Galbeedka & Israel, hannaankan difaac ayay turkigu uga maarmi karaan noocyada waqtigan dunida ugu casrisan sida S-400 iyo Patriot. Turkiga ayaa Gabo-gabo marsiinaya gantaalaha dhul-ka-iyo cirka ah ee HISAR iyo SIPER,waxayna tijaabiyeen noocyada HISAR A+ & HISAR 0+ oo ay iska kaashadeen Shirkadaha ASELSAN & ROKETSAN, isagoo ku bartilmaameedsanaya walxo ku socda xawaare aad u sarreeya islamarkaana joog sare ku duulaya sida uu qoray Wargeyska turkiga kasoo baxa ee Daily Sabah. Turkiga ayaa dhamaystiraya inta lagu jiro Sanadkan 2022…
Madaxweyne Deni Bishan 27-keeda,waxaa la filayaa in uu gaaro Bosaso. Deni waa aqbalay go’aankii Isimada,waxaase jira Qodobo laga sii wada xaajoon doono oo Madaxweynuhu rabo in wax laga badalo. Qodobada in la dhexgalo ubaahan ama laba dhexgalayba,waxaa ka mid ah… 1.In arinka DP World Baarlamaanka la mariyo. 2.In Qoondada Bosaso Barlamanka la mariyo. 3.In Agaasimaha PSF si rasmi ah oo laysla waafaqsan yahay kuna soo baxda Digreeto Madaxweyne looga dhigo Axmed Cismaan Diyaano. Gudiyo hoose oo is abaabulay,ayaa hawshaas gacanta ku haya oo heer gaba-gaba ah marinaya. Madaxweyne Deni,waxaa ku amaanan yahay in uu dib uga degay talooyin guracan oo…
Gacanta hore ee Doorashooyinka guud ahaan Magaalooyinka markay soo gabagabowdo,waxaa kulmi doona Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran. Kulankaas,waxay kusoo koobi doonaan goob doorashooyinka,iyadoo ay ka dhigi doonaan hal Magaalo meeshana laga saari doono Magaalada labaad. Madaxda Wadatashiga Qaran,ayaa toos ukulmi doona ama Aalada Zoom-ka isku arki doona,sida wararku sheegayaan. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Diblamaasiyiinta Galbeedka Afrika iyo ilo-wareedyo militari ayaa sheegay in madaxweynihii dalka Burkina Faso Roch Kabore maanta lagu xiray saldhig militari, kaddib marki ay askar ka tirsan ciidanka qalabka sida ay kasoo qabteen gurigiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou. Xarigiisa ayaa yimid ka dib markii ay habeenkii Axadda oo dhami rasaas xoogan ka dhaceysay xeryo ciidan oo ku yaala dalkaasi dhaca Galbeedka Afrika, iyadoo askartu ay dalbanayeen in taageero dheeraad ah laga siiyo dagaalka ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta ah. Dawladda waa ay beenisay in ciidanku ay talada xoog kula wareegeen.Waxaanan si dhab ah loo ogeyn halka uu…
Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, ku dhowaad sanad kadib markii la magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda. Qoraalka safaaradda oo lasoo dhigay Twitter ayaa lagu yiri “waxaan ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno imaatinta Danjire Larry Andre.” “Waxa uu aad u daneynayaa inuu si iskaashi leh ula shaqeeyo shacabaka Soomaaliyeed, dalkooda iyo dowladda federaalka, si loo horumariyo hadafyada aan wadaagno ee dib usoo nooleynta Soomaaliya oo ah qaran ammaan, barwaaqo iyo dimoqraadi ah. Danjiraha cusub ayaa Soomaaliya imanaya ayada oo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muran…
Tan iyo horraantii 1990-meeyadii, Itoobiya ma lahayn Ciidamo Badeed oo shaqeeya, inkastoo waddanka uu horay u lahaa awood Ciidan oo dhanka Badda ah. Si ay xukuumadda Addis Ababa dib ugu yagleesho Ciidankeeda Badda,waxa ay u baahan tahay Dalal ka caawiya. Faransiiska,ayaa umuuqda in uu yahay Waddanka 1-aad ee garabka ku siinaya tababarrada iyo qalabeynta Ciidanka Badda Dalka Itoobiya xiligan. 2019-kii ayay Itoobiya iyo Faransiiska kala saxiixdeen heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan wadashaqeynta dhismaha Ciidamada. Ciidanka Badda ee ay Itoobiya qorshaynayso in ay dib udhisto,waxay ubaahan yihiin Saldhig in ay ka helaan Badda Cas si hamigeedu U rumoobo. Wadamada ay…
Beyle oo qiil ka dhigtay in Ajandaha Golaha Wasiirada ee Maanta aysan ku jirin arinka ucodaynta in Onlf laga saaro Liiska argagixisada. Beyle ma cadayn in uu diiday codaynta arinkaas iyo in kale,waxuuna ku war wareegay Ajandaha kuma jirin. Marka la qiimeeyo doodiisa kuma filna in looga qanco mana ahan dood gadmaysa,waxaa waajib ku ah in uu Umada hor yimaado oo si cad uqirto khaladkiisa kana dalbado cafis. Ajandaha kuma jirin ma noqon karto marmarsiiyo ku filan danbi uu galay in uu kaga galgasho. Shalay,iyadoon Ajandaha ku jirin,ayuu ansixiyay Beyle in Onlf lagu daro Liiska argagixisada loona dhiibo Itoobiya Qalbidhagax.…
Somaliland ayaa sheegtay inay joojin doonto wada-hadallada kala dhexeeya Dawladda Federaalka ee Somaliya. Somaliland waxay sabab uga dhigtay in aanay Madaxda Dowlada Fadaraalka Somaaliya diyaar u ahayn inay miro dhalaan wada-hadalladaas. Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamud ayaa wareysi uu siiyey VOA ka yiri sidaas. Hadalkiisa,ayaa kusoo aadaya sida ay sheegayaan xogo laga helay socdaalkii Adis-ababa ee Muuse Biixi in Abiy qorshaynayo in markale uu Farmaajo ku kulansiiyo. Farmaajo,ayaa Adis-ababa uga qaybgeli doona Shirweyne,waxayna halkaas ku kulmi doonaan Muuse,sida Wararku sheegayaan. Jibril Qoobey.
Xam-xam hoose,ayaa sheegaysa in Golaha Wasiirada la hor keeni doono Khamiista danbe arinkii Ikraan Tahliil. Sida xoguhu tilmaamayaan hor keenida Golaha arinka Ikraan,waxaa lagu shaacin doonaa xogo xasaasiya oo ku aadan kiiskeeda. Sidoo kale,waxaa si cad dusha loogu saari doonaa dilkeedii Madaxda Dalka ugu saraysa. Waa dagaal doorasheed Rooble ka shaqaynayo oo uu kula dirirayo Farmaajo iyo Fahad,sida xoguhu leeyihiin. Jibril Qoobey.
Ururka ONLF,ayaa ka hadlay go’aanka Golaha Wasiirada Fadaraalka Somaliya uga saareen Liiska argagixisada. Ururka,ayaa soo dhaweeyey, go’aankooda kuna bogaadiyay Rooble iyo Wasiiradiisa talaabadaas. ONlf waxay canbaaraysay markale Go’aankii hore ee Dowladii Khayre ugu dartay Liiska argagixisada 2017. Halkan ka akhriso warka Onlf.
Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa dhankiisa ka hadlay go’aanka Dowlada Somaliya uga laabatay in Onlf ay ka mid tahay Ururada argagixisada. “Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay Urur argagixiso”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xaafiiska Madaxweyne Axmed. Madaxweye Axmed,ayaa hadalkiisa kusoo afmeeray..”Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Shiikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed”
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha DDSI Mustafe Cagjar,ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ay maanta xukuumadda Fadaraalka Somaliya uga laabatay go’aankii ay horay u qaadatay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaas oo Ururka ONLF ku sharciyeeyay in uu argagixiso yahay. “Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse Qalbidhagax”Ayuu yiri Mustafe.
Marka la eego go’aanka Dowlada Rooble,waa khaa’inulwadan Khayre ay tahay in Maxkamad loo diro inta danbigaas ku cadaanayana laga reebo Doorashada!! Khayre oo ahaa Ra’isalwasaarihii Xukuumadii sida aqlabiyada leh ugu codaysay in ONLF ay tahay Urur argagixiso meel uga baxsan karo majirto danbigan,waxuuna mudan yahay in lagula xisaabtamo. Khayre waa Musharax Madaxweyne oo waliba loo saadaalinayo in uu heli doono Codad door ah. Sidoo kale sharci ahaan Farmaajo in uu danbiga qayb ku yeelanayo waa su’aal iswaydiin mudan? Farmaajo waa Madaxweynihii Dalka oo lagu wargelinayay wax walba oo socda,si gaar ahna arinka Qalbidhagax iyo Onlf loola socod siiyay. Dad badan,ayaa…
Gudiga Doorashada heer Dowlad goboleed Jubaland ayaa shaaciyay Sadax kursi Golaha Shacabka BFS ee hoos ku xusan.1- HOP#126 2- HOP#118 3- HOP#127
Militeriga Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay gudaha u galaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, ayna “ka takhalusaan” xoogagga TPLF, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga, xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda waqooyiga dalkaas. Dalka Geeska Afrika ee Itoobiya ayaa muddo ka badan hal sano waxaa ka socday dagaallo, iyadoo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la dagaalamayaan ciidamada daacadda u ah xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliya gobolka Tigrayga. Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dowlada ee Fana ayaa sheegay inay…
Siyaasadu Sxb joogtaa maleh,waa qaacido jirta!! Siyaasadu Muufaysi mahan ee waa Qadiyad iyo Qiyam,waa qaacido kale oo jirta!! Odoyaasha shalay noqday Xildhibaanada Labadaas Qaacido,waa ufuran yihiin tay raacaanba. In Odaygii Kuraasta sida dadban ugu xiray sida dadbana ugu hiiliyay ay xeeriyaan!! Ama in ay Odayga ka danaystaan oo Qaacidada Muufaysiga ka raacaan. Sida horay loo arkay Shaqsiga marka uu gacanta ku dhigo Card-ka Xildhibaanimo si kaluu noqdaa,tagida Xamarna saamayn kale ayay yeelataa. Looba jooge !! Halkan ka daawo muuqaalka
Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay,ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017. Go’aankaas,ayaa ahaa kii Ururka ONLF u aqoonsaday Urur argagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax ee loo gacan geliyay Ethiopia, Tallaabadaas,ayaa Golaha Wasiirada Fadaraalku si aqlabiyad leh ugu codeeyeen in ay ahayd khalad. Beyle,ayaa ah Wasiirka kaliya ee diiday in ay khalad ahayd go’aankii lagu dhiibay Qalbidhagax,isla markaana ONLF loogu daray Ururada argagixisada ah. “Roobloow waxaad wado waa ka badbadis ee jooji”Ayuu ka yiri Beyle fadhigii Golaha. Jibril Qoobey.
Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga HOP 114 ee Golaha Shacabka JFS ee deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland. Wuxuu helay 80 cod, halka Cabdi Aadan Cabdulaahi oo la tartamayey uu helay 12 cod. Maxamed Sheekh Nuur Cismaan ayaa qaab gacan taag ah ugu guuleystay kursiga HOP 107 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay Xasan Cismaan Aadan oo la tartamayey. Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga HOP 120 ee Golaha Shacabka JFS ee deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland. Wuxuu helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu helay 18 cod. Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim ayaa ku…
Garowe: 23 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Xildhibaanada cusub ee loo doortay shalay in ay Puntland ku metelaan Golaha Shacabka JFS. Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada cusub wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.
5-ta kursi ee lagu doortay Garowe Maanta,waxaa lasoo baxay Deni. Labada ku jiray shakiga waxay xog ogaal hoose ii xaqiijiyeen in Deni ay damiin buuxda uga noqdeen Rag Miisaan culus ku leh agtiisa. Labada Xildhibaan ee laga shaki qabay,ayaa kala ah.. 1.Cali Gaab,waxaana damiin u ah Islaan Ciise,Xasan Shire iyo Maxamuud Shido 2 .Wasiir Bidhaan,waxaa damiin u ah Madaxweyne xigeenka Puntland Axmed Karaash. Doorashada Maanta,waxay u ahayd tijaabo Deni iyo garabkiisa,waxayna umuuqataa mid maqsuud ka dhigtay oo uqabsoontay siday qorshaysteen. Sidoo kale waxay tijaabo ku ahayd dareenka iyo falcelinta Shacabka. Jibril Qoobey
Gudiga Hirgelinta doorashada heer Dowlad Goboleed – Koonfur Galbeed wuxuu shaacinayaa 5 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BFS ee hoos ku xusan. Halkan ka akhriso:-
Sabti 22/01/2022 | Doorashada Golaha Shacabka BFS.Xidhibaanada kusoo baxay Natiijada hordhaca ah ee Dowlad Goboleedka Puntland waxa ay kala yihiin: 1- Xildhibaan Abdi Ibrahim Warsame – Hop# 196. 2- Xildhibaan Cabdiullahi Xasan Rooble – Hop# 249. 3- Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh – Hop# 200. 4- Xildhibaan Cabdullahi Bidhaan Warsame – Hop# 235 .5- Xildhibaan Axmed Cabdi Xaashi – Hop# 166.
Muuse waa diiday in uu saxiixo Deked Itoobiya looga dhiso Seylac oo Afka ku haysa Xuduuda Oromada Itoobiya ee Jamhuuriyada Somaliya. Waxaa la hor dhigay Saxiixii Farmaajo iyo midkii Odoyaasha Beelaha Gudabiirsey iyo Ciise ee ogolaanshaha Dekedaas. Waxaa kaloo loo sheegay haduu ka hor yimaado danaha Shacabka Itoobiya in aysan jiri doonin wax ku khasbaya Itoobiya in ay dhankeeda ilaaliso Sxb-tinimada SL. Sida xoguhu sheegayaan Muuse waa ku adkaystay diidmadiisa,waana udabci waayay baqdin gelinta ahayd in Maamul gaar ah oo ay dhistaan Beelaha Awdal iyo Salal lagu garab istaagi doono. Isla maalinkii Muuse soo laabtay,waxaa Adis lagu casumay Cabdiraxmaan Cirro,waxaana…
Ugaaska Beesha Dishishe,ayaa la fuliyay dalabkiisii ahaa in Wasiirka,Wasiir ku xigeenka iyo Xildhibaan Fadaraal ah loogu dhiibo Dad uu wato. Wasiirka,waxaa looga dhigay Axmed Yaasiin oo ka mid ah Ganacsatada Hubka,horayna Dowlada ku taageeray Rasaas fara badan. Axmed sidoo kale,waxuu uhanqal taagayay Kursiga Xildhibaan ee Jurille usharaxan yahay. Wasiir ku xigeenka,waxaa looga dhigay Xasan Cabdille oo horay usoo noqday Duqa Magaalada Bosaso. Sidoo kale,waxaa loo fulinayaa dalabkiisa ahaa in Jurille uu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka Fadaraalka ah. Fulinta dalabka Ugaas Xasan,waxay fariin utahay Isimada kale ee ay hadaf wadaaga ahaayeen. Isimada Bari ee soo jireenka ah,ayaa leh Midow xoogan oo…
Wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta markale xildhibaan loogu doortay magaalada Garoowe, wuxuuna noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay ee heer gole wasiiro federaal ah oo xildhibaan loogu doortay Puntland, marka laga hadlayo doorashadan hadda socota ee Golaha Shacabka. Mas’uuliyiin iyo wasiirro kale oo heer federaal ah ayaa sheegay in laga hor istaagay ama caqabado aysan ka gudbi karin loo dhigay kadib markii ay kuraas u doonteen Puntland, waxaana ka mid ah wasiirka duulista hawada Sare Mudane Duraan oo dhowaan warbaahinta la hadlay. BBC-da ayaa Wasiir Bidhaan weeydiisay sababta uu ugu malaynayo in uu kaga duwanyahay mas’uuliyiinta kale ee…
Booliiska Maraykanka ee Columbus ayaa baahiyey muuqaal cusub oo kaamarada ammaanka ah (CCTV) oo oo muujinaya nin wata gaari nooca Van-ka ah kaas oo markii dambe laga helay maydka Imaam Maxamed Xasan Aadan, iyadoo haatan la raadinayo darawalkaas. Maydka Imaam Maxamed Xasan Aadan, oo 48 jir ah, muddo dheerna imaam ka ahaa Masjidka Columbus ee Masjid Abu Hurairah, ayaa 24-kii Diseembar, waxaa maydkiisa laga helay meel kayn ah oo dhanka Waqooyi ah. Dhimashadiisa ayaa loo xukumay dil ahaan. Xogihii ugu dambeysay ee baaritaanka, booliisku waxay soo saareen muuqaal soconaya 15-ilbiriqsi oo la qaaday fiidkii 22-kii Diseembar – maalin ka hor…
Puntland dhismaheedii waa lagu baraaray oo waxay keentay nidaam Somaliya dib ay iskugu soo laabatay kadib.burbur Dowladnimo iyo kala tag fogaaday. Gobolada Waqooyi oo farabaxsi ahaa,waxay Puntland keentay xarig lagu xakameeyo. Caasimadii halka Magaalo ahayd ee laysku dulmiyayna,waxay Puntland keentay nidaam looga badbaado. Sidoo kale Puntland Beesha Daarood oo 1991 uu gaaray maqaamkeeda iyo saamaynteeda heerkii ugu hooseeyay Abid dib ayay usoo saartay masraxa Siyaasada. Daarood,waxaa looga adkaaday gacantii ugu horaysay ee colaadihii sokeeye,dhan waxaa lagu shubay Xuduuda Kenya,dhanka kalana,waxaa laga qabsaday Gaalkacyo,dhanka Sool,waxay ku khasbanaadeen,iyagoo baqaya in ay saxiixaan Siyaasiyiintii iyo Garaadadii ugu miisaanka cuslaa Dastuur Dalka kala jaraya…
Gudiga Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Puntland oo soo gudbiyay Qeybta1-aad ee Doorashada Golaha Shacabka. Halkan ka akhriso:-
Guddiga Maaamulka Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Somaliland oo shaaciyay Jadwalka 3-Kursi ee Doorashada Golaha Shacabka. #HOP037 2.#HOP238 3.#HOP244
Cali Yusuf Cali Xoosh, ayaa ku guuleystey doorashada kursiga HOP# 200 Wuxuu ka guuleystey Cabdiwaaxid Abshir Ibraahin. Cali,ayaa noqday Xildhibaankii Labaad Golaha Shacabka Fadaraalka ee Puntland ka soo baxa. Cali Xoosh,ayaa helay 93-Cod ,halka Cabdiwaaxid oo la tartamayay helay 5 -Cod,waxaana xumaaday Hal Cod. kursigan,ayaa ka mid ahaa kuwa aadka loogu loolamay ee ay ka taagnayd dooda adag dhaliyayna kala qaybsanaan aan horay loogu arag Beesha sida gasrka ah uleh.
Cabdi Warsame Ibraahin Qawdhan, oo ah Wasiir kuxigeenka Maaliyada Puntland,ayaa ku guuleystey kursiga Hop196,isagoo ka guuleystey Abshir Cabdi Xuseyn. Waa Xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka Fadaraalka lagu doorto Puntland 2022. Doorashadan oo ay Dad badan ku dhaliileen halka lagu qabtay ee ah Xerada Ciidamada 54-aad.
Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ee ku sugan Muqdisho. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dhaqanka Gobollada Waqooyi ee ku sugan Muqdisho,ayaa codsaday in dib loo dhigo doorashada xildhibaannada Gobolladaasi ee lagu wado in ay dhawaan qabsoonto. Shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Muqdisho ayay uga digeen in aan la maroorsan doorashadooda. Dhanka kale Ra’iisal wasaare ku-xigeen Mahdi Maxamed Guuleed,ayaa difaacay Doorashada iyo Rooble kuna eedeeyay garabka gudoomiye Cabadi Xaashi Cabdullahi in ay u gafeen ra’iisal wasaaraha, doorashadana ay si habsami leh u socoto. “Wixii ka dhacay guriga Cabdi Xaashi dhaqan Somaliyed ma aheyn…
Hoggaamiyaha labaad ee ugu awoodda badan Sudan oo Sabtida maanta ah booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay wasiirka gaashaandhigga Ethiopia, waxayna booqashadan naadirka ah ay imanaysaa iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xuduudda u dhaxeysa labada dal, sida ay saraakiishu sheegeen. Mohamed Hamdan Daglo, oo loo yaqaano Hemeti, oo ah ninka labaad ee golaha talada haya ee Sudan, ayaa Ethiopia joogi doona muddo laba cisho ah si uu ula kulmo “dhowr sarkaal oo Itoobiyaan ah”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sudan ee SUNA. Waxaa ay garoonka diyaaradaha ku kulmeen wasiirka difaaca ee Ethiopia Abraham Belay, sida lagu…
Isbahaysiga ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka,ayaa dukhaymo ka fuliyay Xalay Dalka Yemen. Dukhaymahaas,waxaana ku dhintay ugu yaraan 30-Qof oo rayid ah halka 170 kalena ay ku dhaawacmeen. Dukhaymaha,ayaa lala beegsaday Xabsi ku yaalla Gobolka Sacda ee Dalka Yemen. Sidoo kale khadka Internetka,ayaa gabi ahaanba ka maqan dalka Yemen ka dib markii uu isbahaysigu dukheeyay xarunta isgaariisnta ee Xudayda. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa baaqyo kala duwan ka soo saaray dhacdooyinka u dambeeyay ee dalka Yemen. Yemen dagaalada ka socda,waxaa la sheegaa in ay ku naf waayeen in ka badan 70-Kun Rayid ah.
Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa uu ku dhacay mooto mareysay galbeedka Ghana, kadibna uu sameeyay qarax weyn, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen Jimcihii.Shilkan ayaa Khamiistii ka dhacay deegaanka Piate, oo u dhow Bogoso, oo ah magaalo macdanta laga qodo oo ku taal degmada Dooxada Prestea-Huni, sida uu sheegay madaxa fulinta dowladda hoose ee degmada Isaac Dsamani. Gaariga ayuu sheegay in uu siday waxyaabaha qarxa oo loo waday godka dahabka laga qodo ee Chirano ee ku yaala Galbeedka Gobolka. Qaraxa ayaa burbur weyn u geystay tuulada…
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqanto sidii qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya. Raychelle Omamo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi ah in loo aqoonsado dal madax-bannaan. kenya waa Dalkii Labaad oo Todobaadkan cadeeya mowqifkiisa kala jarida Jamhuuriyada Somaliya. Toddobaadkii hore ayay Dowlada Uk cadaysay in Aqoonsi ay helaan Gobolada Waqooyi ee Dalka uu ku xiran yahay Dowlada Fadaraalka Somaliya. Waxay umuuqataa in Caalamku uusan danaynayn kala goynta Somaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan ayaa soo saaray shuruudo lagu kala reebayo xubnaha Golaha Degaanka, ee ku soo baxay Doorashadii qof iyo cod, ee ka dhacday degmada Qardho. Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha, ayaa lagu sheegay in Golaha Degaanka Qardho aysan ka mid noqon doonin ciddii aan buuxin Shuruudahaas, islamarkaana aysan ka qayb geli doonin Doorashada Duqa degmada. Shuruudaha waxa kamid ah; in qofku sumad wanaagsan leeyahay iyo in uu la yimaado warqadda denbi la’aanta ee Waaxda C.I.D-da, uuna bixiyo $300 Dollar oo diiwaan-gelin ah. Qofka u sharraxan Duqa degmada Qardho ayaa isna laga rabaa $1000 Dollar oo…
MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIR IYO WASIIR KU XIGEEN KA TIRSAN GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND Garoowe: 21 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 21ka January 2022 kuna magacaabid Wasiir, iyo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad. Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Waxaa Axmed Yaasiin Saalax loo magacaabay…
Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in kooxda Wagnar oo ah askar calooshood u shaqeystayaal ah hadda la geeyey dalka Mali. Kooxdan ayaa taageero ka helaysa militariga Ruushka. General Stephen Townsend, madaxa ciidanka Maraykanka ee Afrika ee Africom ayaa yiri “Kooxda Wagner waxa ay ku sugan tahay Mali. Halkaas ayey joogaan, waxaanan u malaynaynaa in hadda tiradoodu ay boqolaal gaareyso. Townsend ayaa warkan idaacadda VOA u sheegay mar uu wareysi gaar ah oo khadka Skypte-ka ah siiyey Khamiista maanta ah, isaga oo ku sugan xaruntiisa magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka. Waxa uu intaas raaciyey “dayuuradaha ciidanka cirka ee Ruushka ayaa…
Ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa lasoo tebiyay inay xadgudubyo waaweyn ka geysteen gobolka Tigray ee uu dagaalka ka socdo, inkastoo ay dowladda Soomaaliya horay u beenisay inay askar geysay gobolkaas oo ku yaalla Waqooyiga dalka Itoobiya. Militeriga Soomaaliya oo garabsanaya kuwa dowladda Eritrea ayaa lagu eedeeyay inay xasuuq ka geysteen deegaanno ka tirsan Tigray, bilihii ugu horreeyay ee ka dambeeyay marka uu dagaalku billowday, sida laga soo xigtay dad goob joogeyaal ah oo uu wareystay wargeyska “The Globe and Mail” ee kasoo baxa wadanka Canada. Markhaatiyaasha uu wargeyska la hadlay waxaa ka mid ah nin 52 jir ah oo…
Waa Dadka Maanta la siiyay Shahaadada Musharaxnimo ee tartanka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka qaybtooda ugu horaysa ee Puntland laga soo dooranayo. Afar Musharax,ayaa qaatay oo ksla ah… 1.Wasiirka Kalluumeysiga Fadaraalka Bidhaan oo kasoo jeeda Beesha Dhulbahante. 2.Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan oo kasoo jeeda Beesha Dhulbahante. 3.Cali Yuusuf Xoosh oo kasoo jeeda Beesha Majeerteen. 4.Axmed Taajir oo kasoo jeeda Beesha Leelkase. Dhamaan waa Dadka ay wadato Xukuumada Puntland ee loo xiray Kuraastooda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, siyaasiyiin iyo odeyaal dhaqameed kasoo jeedo Somaliland oo maanta Muqdisho ka hadlay ayaa dalbaday in la hakiyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee dhowaan la shaaciyay in Muqdisho lagu dooranayo, iyagoo ku eedeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen rooble inuu faragelinayo doorashada. Sidoo kale Boqor Buurmadow,ayaa ka hadlay Shirka jaraa’id si weyna udhaleeceeyay Rooble,kuna dhawaaqay in ay iskaga baxeen Doorashada haday Reer Waqooyi yihiin. Doorashadu waxay noogu socotay si habsami leh oo waxaa iskula eegi jireyna sida ay beeshu xildhibaanadeeda u soo dooraneyso, maalmahan dambe waxaa dhacday in waxyaabihii aan u gudbinay…
Rag habuysan,ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku dilay Saddex Dhallinyaro ah. Ciidanka Booliiska,ayaa sheegay in qaar ka tirsan kuwii dilka geysay gacanta lagu hayo. Horay,waxaa wax udilay Nin kasoo jeeda dhanka Puntland,kaasoo gacanta lagu soo dhigay. Balse,waxaa ka danbeeyay Labada Nin ee Xalay laga afduubtay dhanka Puntland,kadibna lagu dilay dhanka Galmudug. Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland,ayaa sheegay in ay xiriir iyo wada shaqayn kala yeesheen Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug oo ay hada ka war sugayaan soo qabashada Ragaas. Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ,ayaa ka hadlay dhacdooyinkaas. Halkan ka daawo muuqaalka.
Waa dhab in Hay’ada Sirdoonka Qaranka Somaliyed la tayeeyay oo ay leedahay awood Sirdoon oo qarsoon iyo mid muuqata. Sidoo kalena loo dhamaystiray hogaamadii iyo qaababkii laga rabay Hay’ad Sirdoon oo Qaran. Tayaynteedu mahan mid hada soo bilaabatay ee waa dhisid isa soo daba socotay tan iyo Dowladii Cabdullaahi Yuusuf. Balse su’aashu waxay tahay see loo adeegsaday iyo yaa loo adeegsaday? Hay’ada Sirdoonka Somaliyed ee Nisa waxaa loo adeegsadaa dano iyo qorshayayaal ay leeyihiin Dowlado iyo Hay’ado shisheeye!! Sidoo kalena,waxaa loo adeegsaday isla Qaranka Somaliyed basaasidiisa,burburinta danihiisa Qaran iyo la dagaalanka Siyaasigiisa iyo caburinta Shacabkiisa. Nisa oo awood leh way…
“Ma jiraan wax iska bedelay mawqifkeena. Ma rabno in booqashada Hoggaamiyaha Somaliland xumayso xidhiidhka wanaagsan ee aan la leenahay Jamhuuriyadda Soomaaliya”Ayuu yiri Afhayeenka W.Arimaha Dibada Itoobiya. Waa hadal khilaafsan ficilka Itoobiya ku kacayso. Sidee warkeeda loo qaadan karaa,iyadoo si muuqata usamaynaysa ficil khaldan oo bahdil ku ah Midnimada Qaranimada Somaliya. Hadalkan,waxuu umuuqdaa mid loogu hiilinayo Fahad iyo kooxdiisa oo lagu dajinayo Bulshada Somaliyed. Dowlada Somaliya,ayaa ku deg-degta khaladaadka Diblomaasi ee Dowladaha kale ka galaan Somaliya,halka Itoobiya oo dhawr jeer si cad ugu xadgudubtay Qaranimada ay indhaha ka xiratay. Ma noqon doono hadalka kasoo baxay Itoobiya mid lagu sii khaldo shacabka…
Itoobiya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan Somaliland, kaddib booqasho uu Addis Ababa ku tegey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Dina Mufti afhayeenka Wasaaradda Arrimaha-dibedda Itoobiya oo shir jaraaid uu qabtay arintan uga hadlay wuxuu yiri sidan . “Arrinta Dawladda federaalka Somalia iyo Somaliland waa arrin maxalli ah, marna ma doonayno inaannu faragelinno. Runtii booqashada uu Addis Ababa ku yimi hoggaamiyaha Somaliland ee aanay Qaramada Midoobay aqoonsanayn marna khatar ma gelinayo xiriirka aanu Soomaaliya la leenahay,Waxaan xoojinaynaa xiriirka aan Somalia la leenahay, mana jiro aqoonsi ajendaha ugu jira Itoobiya ” Dhinaca kalena Dina Mufti afhayeenka Wasaaradda Arrimaha-dibedda Itoobiya ayaa ka hadlay…
Ciidamo ku jiray Xerada Xargoble ee Qardho oo uu haystay Sarkaal lagu magacaabo Qoolaali,ayaa gadooday diidayna in ay amarka qaataan. Kadib amardiidadaas Qoolaali,waxuu la hadlay Madaxtooyada,waxaana lasoo faray in uu Dirayska iyo Qoriga ka qaado Askarigii isa soo taaga,kana saaro Xerada. Ilaa iyo hada Ciidan gaaraya 120-Askari,ayaa Tuutihii iyo Hubkii laga dhigay. Ciidamadan waxay badankoodu kasoo jeedaan Gobolada Bari iyo Mudug. Waa talaabo kale oo muujinaysa burburka ku socda Ciidanka.
Xerada 54-aad oo ay ka dhacayso Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaa lagu wareejiyay Ciid. Sidoo kale Afarteeda Gees,waxaa lagu xiray Qoryo Dhashiikayaal ah. Taliskii CID ee danbi baarista,waxaa loo raray si Kmg ah gudaha Xerada 54-aad. Ujeedada laga leeyahay talaabooyinkan,waa in looga hor tago hadii ay dhacdo in Beelaha qaar isa soo abaabulaan oo ay soo weeraraan Xerada xiliga Doorashadu ka dhacayso. Boobka Xildhibaanadu,waxuu marayaa meel halis ah. Jibril Qoobey.
Maxamuud Shido,ayaa diiday in Madaxweyne Deni ogolaado go’aankii Isimada si waadixa. Waxuu soo jeediyay in si hoose loo aqbalo heshiiska,isla markaana Nabadayn hoose lala saxiixdo Isimada. Maxamuud Shido,waxuu Deni usheegay in uu ka dhigo khilaafka PSF mid Beeleed oo Cismaan Maxamuud ka dhaxeeya una soo raro wada hadalka Qardho. Hadii kalena uu hoos udhigo kana aamuso,sidaana Xamar ku aado. Ujeedka Maxamuud Shido,ayaa ah in aan Isimada iyo Madaxweynuhu heshiis dhaqangal ah kala saxiixan oo taariikhda geli kara. Waxuuna Deni kula dooday in uu Xamar aadayo hadhowna heshiiskan haduu Waadix noqdo iyaga caqabad ku noqonayo oo PSF helayso sharciyad ay Dowlada…
Ciidan gaaraya 400-Askari oo Garowe loo keenay in ay xoojiyaan amaanka Doorashada,ayaa iyaguna diiday amar la siiyay. Ciidankan,ayaa ka hor yimid amar lagu siiyay in ay Roondo ka sameeyaan Magaalada xiliga Habeenimada. Habeenkii xalay ahaa,ayaa amarkii ugu horeeyay lagu siiyay in ay galaan gudaha Magaalada. Ciidanku waxay ku yiraahdeen Saraakiishii loosoo diray ..”Anagu Magaalo Gudaheed hawlgal kamaba fulinayno mana naloo diri karo Shacab”. Ciidanku,waxuu diidayaa in sidii Bosaso laga hor keeno Bulshadooda. Waa talaabo kale oo muujinaysa kala taga Ciidanka iyo Aaran-shaydaan iyo Boobka Kuraasta halkuu gaaray. Jibril Qoobey.