Author: Jibril Qoobey.

Kadib markii Maraykanku soo saareen Qoraal xambaarsan hanjabaado xayiraado dhanka Safarada iyo Dhaqaalaha ah,ayaa waxaa la sheegayaa in Midowga Yurub uu diyaarinaayo qoraal ka culeys badan kan Mareykanka lana filayo in uu dhowaan soo baxo. Midowga Yurub,ayaa diyaarinaya ku dhowaad Liis ay ku qoran yihiin 100-xubnood oo ah Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Saraakiisha Ciidamada ee Booliska, NISA, Asluubta iyo Xooga Dalka. Masuuliyiintan,ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen tacadiyada lagula kacay Shacabka Somaliyed,Boobka Doorashada, Lunsashada hantida Ummada iyo ku tagrifalka awooda Xafiisyada. Bartilmaameedka Midowga Yurub,ayaa noqon doona kuwa ku tagri fala Deeqaha ah Midowga Yurub ee haysta…

Read More

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer D/G Galmudug waxa ay shaaciyaan jadwalka doorasha bari oo ku beegan 14-2-2022 ka qabsoomi doonta Magaalada Dhuusamareeb, Doorashadan waxa ka mid ah kursiga HOP#053 oo ay ku tartami doonaan todoba Dumar ah. Jadwalkan,waxaa ka dhex muuqda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay la tartamayso Gabar. Dad badan,ayaa qaba in isku daygii ay Villa Somaliya iskugu dayday in ay ka reebto Cabdiraxmaan Doorashada ay ku hungowday. Halkan ka akhriso:-

Read More

Madaxwene ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta kaso jeeda Gobalka Gedo kaasoo looga hadlayay caqabadaha hortaagan in degmada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo ee Jubbaland lagu qabto doorashada Golaha Shacabka. Shirkaan oo socday mudoo labo maalin ayaa Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta kaso jeeda Gobalka Gedo si weyn uga gorfeeyay caqabadaha hortaagan in degmada Garbahaarrey oo ah degaan doorashii labaad ee loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada golaha shacabka Soomaaliya islamarkaan lagu soo doorto 16 kursi oo qeyb ka ah xildhibaanada Jubbaland ku marti doona afarta sano…

Read More

Waa war weyn oo lagu farxo in Ciidamada Puntland ay ku guulaysteen qabashada Alshabaabkii dilay Jamaal Faarax Aadan. Sidoo kale in Maxkamad lasoo taago oo ay qirtaan danbigaas Labo ka mid ah Ragii dilka fuliyay waa shaqo guul ku dhamaatay. Saacadaha soo socda,ayaa la shaacin doonaa sida ay udhacday Maxkamadaynta Ragaas. Jamaal,waxuu ka mid ahaa haldoorka Puntland ee argagixisadu laysay. Laamaha amaanka Puntland qaybtooda Mudug shaqo adag ayay qabteen.

Read More

Garowe: 13 February, 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqna dalka Kenya,ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha iyo waftiga la socday waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Garowe Gen. Mohamed Abshir kusoo dhoweeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, Xildhibaanada labada Aqal ee Federaal ee dhowaan la doortay, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garowe.

Read More

Dhismaha wadadan waxay ka mid tahay waddooyinka ay maalgalisay Dawladda Puntland, masuuliyadeeduna iyo hubunteeduna ay leedahay Hay’adda wadooyinka Puntland. Waddadan,waxaa dhismaheeda fulisay Shirkada Shire Constraction.Co, dhererkeeduna waa 48-KM,iyadoo ay ku baxday 329,906-dollar,waxayna shaqadu ay socotay mudo 4-bilood ah. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland,ayaa maanta xariga ka jaray,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xaalad kacsanaan ah,ayaa ka taagan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ka dib markii Gudoomiye Kuxigeenka Baaralamaanka Fadaraalka Somaliya Ibrahim Shiikh Muudey iyo Ciidamo uu wato ay hor istaageen ilaalada Garoonka kuwaasi oo ka amar qaata Talyihii hore ee NISA Fahad Yasiin Mudeey,ayaa maanta Safar u ahaa Magaalada Baraawe. Wararka,ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Somaliya Cabdilaahi Maxamed Nuur uu amray in aan la hor istaagi karin Safarka Gudoomiye Muudeey balse wararka,ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Fahad Yaasin ay hor imaadeen Amarkaasi. Xalaada kacsan,ayaa iminka ka taagan garoonka Aadan Cade oo laga cabsi qabo in uu dagaal ka dhex dhaco labada…

Read More

Dibad-baxayaal badan ayaa lagu soo warramayaa inay mar kale soo buux-dhaafiyeen meel u dhow buundada Ambassador, taasoo isku xirta gobolka Kanada ku yaalla ee Ontario iyo gobolka Michigan ee dalka Mareykanka. Ciidamada Booliska ayaa ku guuleestay in ay goobta ka saaraan gawaari waaweyn oo kuwa xamuulka qaada ah balse waxaa wali halkaasi ku sugan tiro yar oo gaadiid ah. Warbaahinta Canada ayaa sheegtay in boqollaal dibadbaxayaal ah oo qaarkood ay caruur wataan ay haatan ku sugan yihiin meel waddo ah oo ku taalla magaalada Windsor. Ismariwaaga ayaa sii socda xitaa ka dib markii maxkamad ay Jimcihii amartay in la joojiyo…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga ee Britain, Ben Wallace, ayaa sheegay in dedaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan dalalka Galbeedka si looga baaqsado in Ruushka uu ku duulo Ukraine, ay la mid yihiin kuwii looga hortagayay dagaalkii labaad ee dunida. Wallace ayaa u sheegay wargeyska Sunday Times ee ka soo baxa London in xaalku hadda marayo sida maalmihii ugu dambeeyay ee lagu qancin rabay nidaamkii Naziga Jarmalka in uusan billaabin dagaalka. Mr Wallace ayaa sidoo kale sheegay in weerarku uu yahay mid aad u macquul ah uuna iman karo “wakhti kasta”. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Faransiiska ay Sabtidii…

Read More

Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Sabtidii shalay u sheegay dhiggiisa Russia Vladimir Putin in duullaan uu Ruushku ku qaado Ukraine uu sababi doono “Dhibaato baahsan oo soo gaarto aadanaha”. Biden ayaa sidoo kale Putin u sheegay in Galbeedka ay ka go’antahay in xasaraddan lagu dhammeeyo dariiqa diblomaasiyadda, laakin si taasi la mid ah ay ugu diyaar garoobeen xaaladaha kale. Aqalka Cad ma bixin faahfaahin ku aadan, in wadahadalkiui khadka telefoonka ku dhexmaray shalay Biden iyo Putin ee qaatay muddada saacadda aheyd uu hoos u dhigi karo halista dagaal ay suurtagal tahay inuu ka qarxo Yurub.…

Read More

INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILEEHI RAAJICUUN. Allaah ha u naxariisto Marxuum Abwaan Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Marxuumka,ayaa u geeriyooday xanuun uu ayaantaan la jiifay.geerida marxuumku waxay taabtay dhammaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan tacsida marxuumka la qayb-Sannayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed oo uu wax Badan u soo shaqeeyey,waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa bahda FANKA Soomaaliyeed & Ehelkii uu marxuumku ka tagay. Waxaan ka codsanayaa in uu qof kasta iska cafiyo marxuumka.

Read More

PDRC caawa,waxaa ka dhacay Shir si cad lays kugu sheegay in Madaxweyne Deni ka leexday Wadadii Dimuqraadiyada. In lagu guuldaraystay ilaa iyo hada dhismaha 3-da Degmo ee la doortay Golayaashooda Deegaanka waa fadeexad weyn. Ka mashquulka Madaxweynaha ee shaqadii gudaha oo ay ugu horayso Dimuqraadiyadii,waa dhaliisha ugu weyn ee taagan. Is casilaadii Gudoomiyihii Gudiga Doorashada iyo hadalkii uu ka tagey ee ahaa (Koox abaabulan oo Madaxweynaha ku dhow,ayaa hor istaagtay Dimuqraadiyadii) waa war kale oo wax fashiliyay. Xanta ah in Madaxweynuhu Xamar usocdo waa niyad jab kale oo Dimuqraadiyada khatar ku ah. 27-Xildhibaan oo Baarlamaanka Puntland ka mid ah in…

Read More

Beri,ayay wararku sheegayaan in uu kusoo laaban doono Dalka Madaxweyne Deni. Todobaadyo uu ku maqnaa Dibada oo aysan Saxaafadu waxba kala socon socdaalkiisa,marka laga reebo xogo hoose oo aan waadix ahayn,ayuu kusoo aadayaa. Sidoo kale soo laabashada Madaxweynaha waxay kusoo aadaysaa,iyadoo Puntland ay ka jiraan arimo waa weyn oo cakiran… 1.Xalinta dhacdooyinkii dagaalkii Bosaso. 2.Abaar daran oo aysan Dowladu wax gacan ah ka geysan. 3.Dhismaha Golayaasha Degmooyinka Sadexda ah ee la doortay. 4.Dhamaystirka Doorashada Xildhibaanada Fadaraalka. Jibril Qoobey.

Read More

Maxaa kasoo baxay kulamadii Deni iyo Khayre?. Sadex kulan oo is xigxiga ayay yeesheen Madaxweyne Deni iyo RW-hore Khayre. Kulamadan,waxaa soo abaabushay Dowlada Kenya,gaar ahaan Qaybta sirdoonka Madaxtooyada ee awooda badan. Hadaba kulamadaas maxaa kasoo baxay? 1.In ay sameeyaan Xulufo Siyaasadeed oo garaba garabka kale ka dhigto qorshihiisa 2-aad ee (Plan B). 2 Waxay wada dhisteen Guddi wada shaqeeya oo si hoose ula socda hawlaha olalaha talo bixina ka keena jawiga siyaasadeed ee socda si maalinle ah. 3.Labada garab kii Codbata in layskugu geeyo Codadka guud ee la hayo,halka garabka kalena ay qaataan jagada Ra’isulwasaaraha. Khayre Xildhibaanada ugu badan ee…

Read More

Madaxwayne Mustafe,ayaa qaabillay culimada ugu waaweyn Soomaalida oo ugu horreeyo Shiikh Umal. Ujeeddada socdaalka culimada ayaa ah ka qayb’qaadashada gurmadka abaaraha, darsida nolosha dadka iyo duunyada ay saamaysay abaartu iyo wacyi-gelinta bulshada. Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar ayaana culimada uga xog warramay xaaladda guud ee abaarta Deegaanka. Sheekh Umal ayaa sheegay in wakhtiyada noocana loo baahanyahay kaalinta culimada, iyaguna ay sii xoojin doonaan baaqoodii ku aadanaa gurmadka abaaraha.Waxa uuna Sheekhu intaasi ku daray in masiibadani lagaga bixi karo baryada Allah SWC iyo iskaashi guud oo la sameeyo. Culimada ayaa baryihii ugu danbeeyayba waday baaq ku aadan gurmadka abaaraha oo ay…

Read More

Ilhaan ayaa ka dalbatay Madaxweyne Joe Biden inuu dib u eegis ku sameeyo cunaqabateynta la saaray Soomaaliya 2010 iyo 2012-kii. “Tan iyo markii la saaray cunaqabateyntan, xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddashay,” ayey ku tiri qoraalkeeda Ilhaan Cumar. Sidoo kale waxay maamul Biden qoraalkan ku weydiisay 5 su’aalood oo la xiriira sida siyaasadda cunaqabateynta ay u ciyaareyso istiraatiijiyadda ballaaran ee Somaliya. Halkan ka akhriso:-

Read More

Ciidamada Ruushka waxa ay diyaar u yihiin inay ku duulaan Ukraine “xiili kasta”, sidaa awgeed waa in muwaadiniinta Maraykanka ay dalkaas uga baxaan 48-da saac ee soo socota, ayay sheegtay xukuumadda Washington. Duulaanka ayaa ku billaaban kara duqeyn cirka ah, taasoo adkeyn doonta in Ukraine laga samata bixiyo muwaadiniinta Maraykanka, ayuu sheegay Aqalka Cad. Xukuumadda Moscow ayaa marar badan beenisay inay duulaan ku tahay Ukraine, inkastoo ay ciidan ka badan 100,000 oo askari ay ku daabushay meel u dhaw xuduudda labada dal. Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, waxaana kamid ah UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan…

Read More

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa maanta lagu doortay laba xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ahaa Maxamed Abuukar Jacafa iyo Cadar Cali Maxamed. Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abukar Jacfar ayaa ku guulestay kursiga Hop 025, kaddib markii musharraxi la tartamayay oo ahaa Xasan Cali uu u tanaasulay, iyadoo si gacan taag ah erga gaareysa 100 ay ku ansixiyeen. Kursiga kale ee isna maanta la doortay waxaa ku guuleysatay Cadar Maxamed Cali, kaddib markii ay u tanaasushay Nasro Maxamed Dalabey. Dhinaca kale,waxaa guddiga doorashada Galmudug ay dib u dhigeen doorashada saddex kursi,…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii saxiixay amar fulin ah oo oggolaanaya in ku dhow kala bar $ 7 bilyan oo ah hantida laga xayiray Bangiga Dhexe ee Afghanistan in loo qoondeeyo dhibanayaasha weerarradii argagixiso ee Sebtember 11, 2001. Aqalka Cad ayaa sheegay in hantida soo hartay oo dhan $ 3.5 bilyan, loogu talo galay in lagu shubo sanduuqa gargaarka bani’aadanimo ee Afghanistan. Taliban ayaa isla markiiba cambaareeysay tallaabadaasi. Mohammad Naciim, oo ah afhayeenka xafiiska siyaasadda Taliban ee saldhiggiisu yahay magaalada Doha ee caasimadda Qatar, ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in “xatooyada lacagta dadka Afghanistan ee Maraykanku xayiray ay tahay…

Read More

Maraykan geeska africa , Shaqo culus ayuu Ka wadaa , CONGRESS-KA MARAYKANKA OO MEEL MARIYEY QARAAR niyad ku keeni doona , rag aan Ogahay Congress-ka Mareykanka ayaa meel mariyay Qaraar ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo ku Lug lahaanshaha quwadaha shisheeye ee Dagaalka 15ka bilood ka socda Tigray. Qaraarka uu Kongaresku meelmariyey taladadi Laguma qeexin goorta ay codayntu dhacayso, Balse hadii loo codeeyo waxa saxeexi doona Madaxwayne JoeBiden. Qaraarkan ayaa ugu baaqaya madaxweynaha Maraykanka Joe Biden inuu kusoo rogo Cunaqabatayn kala duwan oo ay ka mid yihiin Cunaqabatayn, fiisaha laga mamnuuco iyo Cunaqabataynta hubka ah. Qaraarkan ayaa sidoo kale ku…

Read More

Ra’iisul Wasaararaha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa la kulmay. Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Read More

Garoowe: 12, February, 2022.Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjebinayeen dufcaddii 3-aad ee ka baxda Jaamacadda Admas faraceeda Garoowe. Munaasabadda Qalin bedelashada Ardayda Jaamacadda Admas waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Waalidiinta Ardayda, Aqoon yahano Soomaaliyeed iyo Qunsulka Dalka Itoobiya u qaabilsan Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Ardayda qalin bedelatay, Maamulka, Macalimiinta iyo waalidiinta ardayda ku bogaadiyey dedaalka wadajirka ah ee ay heerkan kusoo gaareen, isagoona si gaar ah ardayda kula dardaarmay in cilmiga ay barteen si hagar la’aan ah ugu adeegaan Diintooda, bulshadooda,…

Read More

Booliska iyo Sirdoonka Puntland horay ayay uxaqiijiyeen Da’da Dhalinyaradan ka tirsan Alshabaab ee dilalka ka fulin jiray Gaalkacyo. Sidoo kale Garsoorka Puntland,ayaa xaqiijiyay Da’da Dhalinayaradan ka hor intaan la xukumin. 5-sano ka hor ayay Dad ku laynayeen Gaalkacyo ee goormay Caruur ahaayeen?? Warbixinta ay soo saartay Save the Children,waa mid la abaabulay oo laga danbeeyo. Wasiir Xuseyn Ciid,ayaa abaabulay oo la kaashaday Madaxa Hay’adaas ee Somaliya. Wasiir Ciid,waxaa uga jira Dhalinyaradan la xukumay ee Alshabaab ka tirsanayd Wiil Walaalkii dhalay oo la yiraahdo Najiib Faysal Ciid. Wasiir Ciid shalay Wiilka uu Adeerka uyahay markuu Dadka laynayay kama hadlin ,balse Maanta…

Read More

Shirka Amniga Gobolka mudug ayaa maanta Lagu qabtey Magalada Galkacyo Taliye ku xigeenka qaybta booliiska gobalka Mudug, Gaashaanle Dhexe, Cabdi Siciid Xuseen Jamac (Koomaad) ayaa Shir gudoomiyay Shirka amniga gobolka Mudug. Shirkaan oo Asbuucla ahaa,ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Taliyayaasha Saldhigyada Magaalada Galkacyo . Shirkaan ayaa looga hadlayay Xaaladihii udanbeeyay talaaboyinki lagu talaabsaday ee dhanka amniga Gobolka mudug.

Read More

Dekeda Garacad oo si buuxda uheshay aqoonsi dhamaystiran,kaasoo kala ah.. 1.Mid heer Caalami ah. 2.Mid heer Dowlada Fadaraalka ah. 3.Mid heer Dowlada Puntland ah. 4.Mid Qalab iyo Farsamo ah. Garacad waxay ka mid noqotay Dekedaha caalamiga ah ee Bariga Afrika,waxayna ufuran tahay cid walba oo danaynaysa in ay ka faa’idaysato,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ee weli jooga Ukraine in ay degdeg uga baxaan dalkaas. Wuxuu sheegay in Ruushku ciidamo soo dhoobaya xadka uu dalkaa la leeyahay oo ay xiisaddu cakirantahay isaguna aanu doonayn inuu u diro ciidammo soo samatabixiya muwaadiniinta Maraykanka ah ee dalkaa jooga hadiiba ciidamadaa Ruushku dalkaa galaan. Biden ayaa sheegay in Arrimuhu si degdeg ah ay isu baddeli karaan, waxa uuna hadalka madaxweynaha imaanaya kadib markii hogaamiyayaasha Estonia, Latvia iyo Lithuania ay ugu baaqeen xulafadooda NATO inay xoojiyaan taageerada militari ee bariga Yurub. Ruushka ayaa si isdaba joog ah u beeninayay inuu jiro…

Read More

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa diiday baaritaanka caafimaad ee Covid-ka ka hor kulankii uu la yeelanayay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sida ay Kremlin-ka Ruushka looga rrimiya ay xaqiijisay. Baadhitaankan ay rabeen kooxda hab-maamuus caafimaadka ayaa ahaa mid aan la aqbali karin oo aan ku habboonayn jadwalka hoggaamiyaha Faransiiska. Arrintan ayaa daba socota warbixino sheegaysay in Mr Macron uu diiday baadhitaanka PCR sababo la xiriira cabsi laga qabo in Ruushka ay kaydsadaan DNA-diisa.Hogaamiyayaashan ayaa intaa ka dib yeeshay kulan la hirgeliyey kala fogaanshihii lagama maarmaanka ahaa ee feyraska covid, iyaga oo haba yaraatee aan isu soo dhawaan. Intii kulankaasi socday oo…

Read More

6-ka mid ah Ergedii dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka ee Golaha Shacabka,ayaa lagu dilay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. Sarkaal katirsan Laamaha amaanka Somaliya oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP,ayaa xaqiijiyay dhimashada ergadu ay tahay 6-Qof halka 12-kale oo shacab u badnaa ay ku dhaawacmeen. Qaraxa,ayaa ka dhacay is goyska Ceelgaabta ee Degmada Xamar-Jajab halkaas oo ah is goys si weyn loo ilaaliyo kana mid ah iridaha laga galo Madaxtooyada Villa Somaliya. Ergada la qarxiyay,ayaa markaas kasoo laabatay codaynta Xildhibaanada. Al-Shabaab,ayaa sheegaray weerarka,waxaana war kasoo baxay lagu yiri. “Is-miidaaye ka tirsan xarakada,ayaa fuliyay qaraxaas, bartilmaamedkiisuna,waxuu ahaa Afar Bas oo siday…

Read More

Mid ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee dalka Mareylkanka ayaa isagoo ka fal celinaya hadallo uu khudbad ku jeediyay madaxweyne Biden waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay magaalooyinka Muqdisho iyo New York. Si la mid ah siyaasiyiinta kale ee xisbiga Jamhuuriga ee daawanayay khudbaddii uu madaxweyne Biden jeediyay Arbacadii, taasoo uu shaaca uga qaaday dhowr mashruuc oo isaga iyo xeel ilaaliyihiisa guud, Merrick Garland, ay aaminsan yihiin inay gacan ka geysan doonaan yareynta dambiyada hubka, ayuu Senator John Kennedy madaxa ruxay isagoo muujinaya inuusan ku qanacsaneyn arrimahaas. Waxa uu kasoo hor jeestay hadallada uu Biden ku sheegay in qorshihiisa…

Read More

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in shan ka mid ah 12-kii tahriibayaasha dhawaan qabowga ugu dhintay xadka Turkiga iyo Giriiga ay ahaayeen Soomaali. Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, waxyna dalbatay in la sameeyo baaritaan ku aadan dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Shanta qof ee ku dhintay ee Somaalida ayay dowladdu magacyadooda ku sheegtay: Cabdi Mahdi Cali oo ka soo jeeday magaalada Muqdisho. Yaxye Jamaal Muumin oo ka soo jeeda Boorama. Abuubakar Axmed Ibraahim oo ka soo jeeda magaalada Boorama.…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inuusan mar dambe hortageyn maxkamadda kiiskiisa gacanta ku haysa. Madaxweyne Cabdi iyo Soomaalida kale ee la xiran oo maxkamada la horkeenay ayaa sheegay iney mardambe maxkamadda ay hor imaneyn maadaama aysan caddaalad helin. Cabdi wuxuu maxkamadda ka sheegay in dadkii ay isku kiiska ahaayeen ama kiisaska loo haysto ay ka sii cusleyd la sii daayay balse maxabiista Soomaalida uu isagu ka mid yahay oo keli ah xabsiga lagu sii hayo, ayna jirin sabab Soomaalida oo keli ah xabsiga ay ugu sii jirayaan. Cabasho ay maxkamadda u gudbiyeen Cabdi…

Read More

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo in muddo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Gudihiisa iyo dalalka Dariska ah ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland. Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweyne Kuxigeenka kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash wuxuu ku sii jeedaa Bosaso. Qaar ka tirsan Golaha Wasiirada,ayaa hada uga sii hormaray Boosaso. Sababta waa in Madaxweyne Deni isaga u soo xilaaartay arrimaha Bosaso ka jira oo ay ugu horeeyaan qaban-qaabinta Doorashada 16-ka kursi. Deni waa baaqday isagoo shirar kula leh Nairobi Xildhibaanada Jubaland ee dhawaan la doortay,musharaxiinta Madaxweyne qaarkood sida Khayre oo Nairobi ku sugan. Sidoo kale Nayrobi,waxaa ku xanuunsan Madaxweynaha Hooyadii,sida wararku sheegayaan. Kulamada Nayrobi uu ka wado Deni,waxay ku salaysan yihiin balamo kala qaadasho. Jibril Qoobey.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray Dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dayactir lagu samaynayo. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Cabdirisaaq Xuseyn Xassan,ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenku maanta ku booqday hospital guud ee Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Kismaayo, 10, Feb, 2022- Madaxweynaha Dowlada Jubaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada. Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa golaha wasiirada oga warbixiyey xaalada guud ee amniga, arimaha abaaraha oo guud ahaan si siman u sameeysay dhamaan dadka ree Jubaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Dowlada Jubaland ay wado gurmad baxaad leh oo lagaga gaarayo dadka ay dhibaatadu gaartay. Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland, waxa ay warbixin guud ka bixisay xaaladda isbitaalada Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq, shirweynaha caafimadka oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah wasaaraddu qabatay ayuu wasiirka oga warbixiyey golaha wasiiradda kaas oo…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa ka wadahadlay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo arrimaha Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Iran iyo Yemen, kadib kulan khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.”Labada hgogaamiye waxaa ka go’an inay hubiyaan xasiloonida sahayda tamarta dunida” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dalka ugu badan dhoofinta shidaalka ee kooxda OPEC, ayaa ka hadlay ilaalinta dheelitirka iyo xasilloonida suuqyada shidaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Sucuudiga ee SPA. Boqor Salmaan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo heshiiska OPEC…

Read More

Qaramada Midoobay ayaa rajo wanaagsan ka muujisay iney mira dhalaan wadahadallada u socda madaxda dowladda iyo fallaagada TPLF oo muddo ka badan sanad ku dagaallamayey waqooyiga dalkaasi. Qaramada Midoobay waxay sheegtay iney wadahadallada labada dhinac u socda ay meel wanaagsan marayaan. Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Aamina Maxamed waxay booqasho ku soo martay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay oo ay dagaalladu saameynta badan u geysteen. Amina oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Addis Ababa waxay sheetay marka loo eego dagaalkii waqooyiga Itoobiya ka socda mudda ka badan sanad ay xaaladdu hadda deggan tahay marka laga reebo isku dhacyo…

Read More

Hay’adda dawladda Maraykanka ee maamusha Kaydinta Xogaha Madaxtooyada ayaa ka codsatay waaxda caddaaladda in ay baadhitaan ku samayeen Donald Trump sidii uu u maamulay waraaqihii rasmiga ahaa ee dawladda. Madaxweynayaasha Mareykanka waxaa looga baahan yahay sharciga inay ku wareejiyaan dhammaan warqadahooda, dukumeentiyadooda shaqo iyo iimaylkooda ku aaddan Keydka Qaranka. Balse saraakiisha haayaddan ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu si sharci darro ah u jeexjeexay dukumentiyo badan oo muhiim ahaa. Qaar ka mid ah waxay in dib loo isugu dhajiyo maadaama ay lagama maarmaan ahaayeen. Waxa kale oo soo baxday in 15 sanduuq oo waraaqo ah oo ay ahayd in Mr…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax xooggan uu goor dhaweyd ka dhacay agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqudisho. Qoraal kooban oo kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in qaraxan uu ahaa is-miidaamin, kaas oo ay ku sheegeen in qofka is qarxiyay uu la eegtay dad rayid ah, iyadoo aysan jirin faahfaahin intaas dheer oo laga bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxan. Wixii ku soo kordha warkan halkan ayaad kala socon doontaan.

Read More

12 qof ayaa lagu dhaawacay firirka diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, taasi oo Sacuudiga ay sheegeen inuu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada. Howlgalkii diyaaradaha ee garoonka ayaa caadi kusoo laabtay kadb markii muddo kooban la hakiyey, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen. Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jira shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal, ayuu intaas ku daray bayaanka oo ay baahisay warbaahinta Sacuudiga. Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoonka Abha oo ku yaalla…

Read More

Looguma yeerin waftiga Somaliland ee tagay Taiwan magaca Jamhuuriyad. Sidoo kalena looma dhigin ama lagama soo dhaweyn Calanka Somaliland kamana muuqan barsada lagu qaabilay. Lama siin wax baratakool Dowladeed ah,waxa kaliya ee loo muujiyay ,waa in ay yihiin wafti yimid Dalkaas oo la mid ah Hay’ad ka shaqaysa Dimuqraadiyada iyo Maamul wanaaga. “Waxaan ku faraxsanahay in aan la kulmo Wasiirka Dr.Essa Kayd waftiga ka socda Somaliland, saaxiibkayaga dimuqraadiga ah ee Bariga Afrika, kuna soo dhaweeya Taiwan markii ugu horeysay”Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Twitter-ka ay soo dhigtay Madaxweynaha Taiwan. Somaliland waxay dadaal xoog badan gelisay sidii ay xiriir ula…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Kenya ee loo yaqaan IEBC,ayaa soo saaray tirada Guud ee Dadka ka codaynaya Degmo walba (County). Kenya waxay ka kooban tahay 47 County,waxaana la baab’iyay 8-dii Gobol ee hore. Soomaalida,ayaa leh Seddex County oo aan lagu tarixin,kuwaasoo kala ah.. 1.Gaarisa, 2 Mandheera 3.Wajeer Sannadkan,waxaa ka muuqda kor u kacay dadka codayn kara. Tirada Soomaalida Gobolka Waqooyi Barri Kenya ee codayn karta,ayaa ah… 1.Mandheera 211,098 qof 2.Gaarisa 207,435 qof 3.Wajeer 196,466 qof Wadarta Guud waa 614,999 Qof-Somali ah. Hoos waxaa ku qoran shaxda Guud ee County-da Cadadka ka codayn kara. Waxaa ugu badan Nairobi County oo ay ka codayn…

Read More

Kuraastii ugu horreysay ee Golaha Shacabka Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta lagu doortay magaalada Baraawe. Baraawe,ayaa ka mid ah labada Deegaan doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed Somaliya. Toddobo kursi,ayaa lagu doortay Baraawe oo noqotay magaaladii labaad ee hal maamul Goboleed uu ku qabto doorashada Golaha Shacabka. Dhanka kale 4-qof oo rayid ah,ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen hoobiyayaal ku soo dhacay gudaha Magaalada xili ay Doorashadu ka socotay,halka 8-kalena ay ku dhaawacmeen.

Read More

Bosaso Qarax baa ka dhacay dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac. Dhimashadu waa 3-Qof iyo 10-dhaawac ah. Qaraxu,waxuu ka dhacay meel Mehered ah oo ay ku sugnaayeen Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada. Ilaa iyo hada Laamaha amaanka Puntland kama hadlin Qaraxan. Jibril Qoobey.

Read More

Waa war weyn oo farxad ah hadii ay dhab noqoto in Farmaajo lagala laabtay Basaboorkii iyo Green Card-kii Maraykanka ee uu qarsanayay. Madax kale oo ay ku jiraan kuwa Dowlad Goboleedyada,ayaa talaabadu saamaysay sida la sheegayo. Hadii la waayay nidaam Dowladeed oo la xisaabtama hogaamiyayaasha Somalida in la helo mid caalami ah waa guul weyn. Taariikhda Somalida waa hogaamiyayaashii ugu liitay ee soo mara Dalka,waxay si cad ugu tunteen Dowladnimadii dhan walba… 1.Garsoorkii ayay ka dhigeen wax Jeebka ugu jira. 2.Sharci dejintii ayay ka dhigteen wax iyaga u adeega. 3.Hawl fulintii ayay ka dhigteen Shirkado iyagu leeyihiin. 4.Hanaankii is doorashada…

Read More

Macno ayay samayn lahayd hadii ay dhab noqoto Xanta soo baxaysa ee sheegaysa in hogaamiyaha Puntland Siciid Deni uu ku jiro Madaxda xilalka haya ee lagu soo rogay xayiraadaha socdaalka iyaga iyo Qoysaskooda. Xaqiiqdii wax mudan in lagula xisaabtamo,ayuu Deni ku kacay,balse aysan jirin Hay’ado Dowliya oo shaqadaas qaban kara. Dadka,waxaa ubilaabatay 3-bilood oo Diraac adag ah,mana hayaan ilaa iyo hada gurmad Dowladeed haba yaraatee. Sidoo kale shaqo la’aan baahsan iyo Dhaqaale yari xoog badan,ayaa Dadkii soo food saartay. Hal Mashruuc oo gudaha Dalka ka socdaa majiro. Lacagtii wareegi jirtay markii laga reebo adeega Dowlada kharashaadka ku baxa oo gaaraysay…

Read More

Dowladda gobolka Cafarta ee Itoobiya ayaa sheegtay in dad ka badan 300,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii halkaas ka socday tan iyo bishii December, waxayna ku eedeysay ciidammada Tigrayga inay dil iyo dhac u geysteen dad rayid ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Canfarta uu xannibay raashin la geeyn jiray gobolka Tigray ee dariska la ah, halkaasi oo dhowr boqol oo kun oo qof ay ku sugan yihiin xaalad macaluul ah. “Dadku waxay u cararayaan cabsi buuxda oo dhan walba ah,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Canfarta, oo codsaday inaan la magacaabin.…

Read More

“Maanta,iyada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”Ayaa lagu yiri bayaan usoo saaray Blinken. Blinken ayaa sheegaya in shakhsiyaadkaas ay rabshado u adeegsanayaan dibad-baxayaasha,ay xirayaan ama cabsi gelinayaan suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayna boobayaan hanaanka doorashada dalka. Waxa uu intaas ku daray in xubnaha qoysaska shakhsiyaadkaas ay sidoo kale saameyn karto…

Read More

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa isugu yeeray saddexda reer ee doonaya labada Kursi ee Beesha Cismaan Maxamuud ku leedahay Golaha Shacabka ee Hop#234 iyo Hop#228. Shirka Nabadoonada iyo cuqaasha Xarigyada Bah-yaaquub, Bah-gareen iyo Bah Dubeys ayaa ka dhacay Hotel Tropical. Boqorka iyo odoyaasha saddexda reer oo ka tirsan Beesha Cismaan Maxamuud ayaa isla qaatey in Xariga Bahgareen ay qaataan hal kursi oo baraxan oo keligood ku tartamaan kaas oo ah Dumar. Labada Xarig ee Bahyaaquub iyo Bah- dubeys ayaa la wadaajiyey in ay ku tartamaan hal kursi oo Nin ah. Warbixinta kasoo baxday Boqorka sida tan ayay uqornayd:- Ujeedo: Qoondeynta…

Read More

Deni wuxuu soo kireeystay 8-Nin Beelaha HG u badan laakiin Hawiyaha kalena ay ku jiraan oo takhasus gaar ah u leh, ridida noocyada Hubka uu kamid yahay Hoobiyaha. Lacag badan,ayaa Ragaas iyo dulaaladooda lagu baxshay, waxaana iska kaashaday Deni, Xasan Shire Abgaal iyo Xasan Deni. Dhowr cisho ka hor,waxaa u timid Dooni Hub u sidda Dowlada,waxaana xaqiijiyay 3-Qof oo ka mid ah shaqaalaha Dekeda Bosasi. Dhanka PSF waxaa ka jira heegan iyo diyaar garow buuxa. Suurtagal waxaa ah Doorashada kadib ama ka hor inay weerar kale Dowladu ku qaado Xerada PSF. Maxamuud Shiddo iyo Abgaalow,ayaa weli waxay ku adkeysanayaan in…

Read More

“Kursiga aad ku fadhido waxaad u kululeyneysaa kan kugu xiga, macnaha, ha dareemin in aad meesha leedahay adigu, laakiin waxaad dareensanaataa in aad u warm-up gareyneyso (kululeyneyso) kursiga, for the next guy (qofka ku badali doona). Laakiin dadka hada jooga iyo dadkii horaba, waxaad moodaa hadii aad mar soo fariisatay wax kaa kicin kara ma leh. Waa dhaqan xumo waxaan ma lihid, umada baa isa leh, waa wareegto”Ayuu yiri Farmaajo. Aadan-cade hal maalin kuma darsan mudo xileedkiisa kumana xadgudbin sharciyada dalka,taa badalkeeda waxuu ka tanaasulay mudo xileedkiisii qaar si uusan dalku meel cidlo ah ugu soo dhicin. Farmaajo Hal sano…

Read More