Dowladu Xabad joojin ayay ku dhawaaqday,waana soo dhawaynaynaa. Dalka iyo Dadku Nabad bay rabaan iyo wada xaajood. Talaabada xigta,waa Ciidamada oo lakala qaado iyo Isimada oo hawsha gala. Guul baan urajaynayaa iyo midnimo reer Puntland. Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.
Author: Jibril Qoobey.
Suldaan Siciid iyo Islaan Bashiir,ayaa la hadlay Deni,waxuuna ka balan qaaday Xabad joojin iyo wada xaajood. Waxaa loo qabtay Saacado in uu ku dhawaaqo Xabad joojin,taasoo hada ay ku jiraan shaacinteeda. Xalay,waxaa arinka galay Suldaan Siciid oo uu ka balan qaaday in uu Xabada joojinayo Deni,balse waa ka baxay balankaas oo Weerar buu qaaday. Isku soo wada duuboo shaacinta hada ay ku jiraan Deni iyo Dowladiisa,ayaan sugaynaa.
Saakay Hiirtii Waaberi ayay Xabada soo bilaabeen Ciidamadii ay soo lugooyeen Aaran-jaan. Dhawr jiho ayay kasoo weerar tageen oo ay kasoo galeen dagaalka. Si degan,ayaa loogu babac dhigay oo jawaab loo siiyay. Dhawr saac oo ay Xabadu si adag usocotay ugi danbayn waa kala carareen Ciidanada lasoo lugooyay. 2-Gaari waa laga qabtay midna waa laga gubay,Afar Askarina waa ka dhimatay rabi ha’unaxariisto. Haatan Ciidamada PSF difaacoodii ayay ku laabteen,kuwii ay soo lugooyeen Aaran-,jaan laba jiho ayay ukala jabeen oo furxadkoodii sii maraya. Waa ka xunahay qaxa shacabka ee Aaran-jaan barakiciyeen.
Axmed Karaash waa ku gacansayray soo jeedintii Deni. “Markii aad weeraraysay Gudoomiyihii Baarlamaanka igalama aadan tashan,markii aad weeraraysay PSF igalama aadan tashan,ma markii aad dhiiqada lugaha lagashay,ayaad ii yeeraysaa?Adeeroow waa kugu kaligaa!!Ayuu ku yiri Karaash. Deni caawa,ayuu uyeeray Karaash iyo masuuliyiin kale si ay ula furdaamiyaan dhiiqada uu bartanka u istaagay. Axmed Karaash waxuu aad uga caraysan yahay sida Deni umaamulay xaalada Dalka,gaar ahaan mida PSF oo uusan wax tixgelina ka siin haldoorka Bulshada.
Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay in ka badan 40 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Boosaaso, sida ay VOA u xaqiijiyeen qaar ka mid ah goobaha caafimaadka ee magaalada, waxaana dadka dhibnta isugu jiraan ciidan iyo rayid. Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano oo xiriir la soo sameeyey VOA ayaa ka warbixiyey xaaladdii dagaalka ee magaaladda Boosaaso maanta ku dhex maray ciidanka uu hurmuudka u yahay iyo kuwa Puntland, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey khasaaraha soo gaaray dhinacooda iyo sida uu u arko dagaalka uu la galay ciidamada Puntland ee wakhtiga dheer ay si isku mid ah uga qayb…
Mudada ay Amisom sii joogayso Somaliya,ayaa lagu daray 3-bilood oo kale,waxayna ka dhigan tahay ilaa 31-Maarso ee sanadka cusub 2022 in ay sii shaqayn doonaan. Golaha amaanka,ayaa usameeyay Amisom mudo kordhonta hawlgalkooda. Tani waxay timid,iyadoo intii mudo ahaydba laysku mari waayay qorshe ahaa in Ciidamada Amisom hawlgalkooda loo badalo mid heer Caalami ah oo hoos taga Qaramada midoobey. Dowlada Somaliya,ayaa qorshahaas dood adag ka keentay.
Waxa soo weeraray Xaruntii ganacsiga Puntland oo sababay dhimashada,dhaawaca iyo Barajaca oo qorshihiisa iyo aragtidiisu shaqaynayso waa Maxamuud Shido. Deni waa magaca iyo Shaabada la isticmaalayo. Mar walba oo ay timaado Dowlad uu talo ku leeyahay Maxamuud Shido,waxaa dhaca sicir barar,colaad sokeeye,Qaraxyo iyo Dilal qorshaysan. Kasoo bilow Jaamac Cali Jaamac,Faroole iyo Deni marka ugu danbaysa Madaxweyna walba,isagoo ceebaysan oo fashilmay,ayuu ka baxaa Xaafiiska. Puntland waa ka badbaadaysaa tala xumada Maxamuud Shido.
War kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Muqdisho,ayaa lagu yiri sidan tan.. “Waa in Dagaalka ay joojiyaan labada dhinac oo kusoo laabtaan wada hadalka,Dagaalku wax xal ah uma keenayo Bosaso iyo Shacabkeeda”. Waxa qoraalka Maraykanka ka muuqata wali in ay lex jeclo badan uqabaan Ciidamada PSF.,waxuuna uyahay garab istaag weyn. Deni iyo kooxdiisa Aaran-jaan,ayuu ku yahay waji gabax iyo dhabarjab,waana digniin adag oo kasoo baxday gacan aan lagu ciyaari karin sida haldoorka reer Puntland sida loogu ciyaaro.
Maanta isimo la hadlay lahaystaha oo ku yiri dagaalka jooji,waxuu ugu jawaabay,shaqo idin taal mahan. Garowe markuu kasoo degay,waxuu amar ku bixiyay in dagaalka lasii wado oo Hub,Ciidan iyo Saad dheeriya loo daabulo Bosaso. Galabta,waxaa soo weerar tagay Ciidamada Bada oo dhanka Xeebta damcay in ay kasoo galaan,iyagana jawaab adag bay la kulmeen. Dhimashada dhanka PSF,waa Laba Askari iyo Laba Dhaawac ah. Gaadiid Afar ah oo kuwa dagaalka ah ayay Ciidamada PSF midna gubeen 3-gacanta ku dhigeen. Dhanka kale Ciidamada Wadaniga ah ee PSF,waxay gurmad ufidiyeen Dadkii barakacay iyo dhaawacyadii. Dagaalku si teel-teel ah,ayuu usocdaa xiligan,waxaana la filan karaa in…
PSF si fiican ayay iskaga difaacday weerarkii gardarada ahaa ee Aaran-jaan iyo lahaystahooda Deni. Madaxtooyada Bosaso waxaa la wareegay Ciidanka PSF,waxaana halkaa ku geeriyooday Talyihii ilaalada Madaxtooyada. Dhanka Xaafadaha Suweyto iyo Raxma Ciidamada PSF si buuxda ayay uriixeen Ciidankii Aaran-jaan ee Jimcaale hogaaminayay. Hal Baabuur waa laga gubay,waxaana laga qabsaday Baabuur kale oo Shilka ah Ciidanka Aaran-jaan ee Jimcaale. Ciidankii Bada ee dhanka Dekeda ka yimid dib baa loo jabiyay,waxaana gudaha loogu xareeyay Dekeda. Xarunta Gobolka,ayaa ka mid ah goobaha talaabada laga qaaday oo PSF ay burhaanteedu gaartay. Hada Xabadii waa istaagtay Ciidanka PSF ee xaq ku dirirka ahna difaacoodii…
Deni oo amray in la weeraro Ilmo Diyaano iyo dagaalkii oo hada socda. Khasaaraha ilaa iyo hada,waxuu marayaa Askari dh8btay iyo mid dhaawaca oo dhanka Ciidanka Puntland ah,waxaana hada dhacaya Hub culus oo dukhayn ah. la soco wararkayaga danbe.
Jen.Bashir Mohamed Jama “Goobe oo ka jawaabay eedamaha loo soo jeediyay raysal wasaare Rooble. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa dhulkii ciidanka badda Soomaaliyeed si boob ah ku dhisanaya madaxdii qaranka ugu sareysay oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waa ayaan darro in la hunguriyeeyo hantidii ma guurtada ah ee ciidanka xoogga dalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya. Taliye Cabdixamiid ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda qaranka ay u sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble aysan ka aqbali doonin in hantidii umadda oo ay u dhaarteen la boobo. “Marqaati kama noqa doono, mana qaadan doono, boobka socda, in la isugu caga-jugleeyo xilkaa lagaa qaadayaa kuma aamuseyno, hadaan hadda ka tegeyno xilka, waxaan u dhaaranay inaan ilaalino…
Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda dhexe yaa isaga baxaysa gobollada waqooyi ee deriska la ah, taas oo ah tallaabo loo qaaday dhinaca xabbad joojiin suurtagal ah dagaalka culus ee socday 13-ka bilood, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Tigreega maanta oo Isniin ah. “Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna geesinimada leh ee ka bixitaankeenna uu noqon doono bilowga nabadda,” ayuu qoray Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka waqooyi ee Tigray. Warqad uu u diray Qaramada Midoobay waxa uu Gebremichael, ku baaqay in la sameeyo aag ka caaggan duulimaadyada diyaaradaha…
Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday 17 milyan oo dollar oo qeyb ka ah dadaallada gargaarka bani’aadminnimada ee wax looga qabanayo xaaladda degdegta ah ee abaarta Soomaaliya, loona caawiyo dadka nugul ee abaartu saameysay. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobay iyo saaxibada samafalka Soomaaliya ayaa soo saaray Qorshaha ka-jawaabista xaaladda Bani’aadamnimo ee Soomaaliya ee 2022 kaas oo baadi goob ugu jiraa 1.5 bilyan oo dollar, si loo caawiyo 5.5 milyan oo Soomaali ah oo ay ku jiraan 3.9 milyan oo aan aheyn barakacayaal iyo 1.6 milyan kale oo ay ku jiraan dadka qaba baahiyaha gaarka ah…
Maamulka Gobolka Mudug,kan Degmada Gaalkacyo,Saraakiisha Ciidanka booliska iyo Daraawiishta iyo Gudoomiyayaasha Maxkamadaha,ayaa maantay isugu yimid shirka amniga oo looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay. Sidoo kale Shirkab,waxaa looga hadlay oo go’aamo looga soo saaray arimaha khilaafaadka Dhulalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidamada Tigree,ayaa laga saarayaa Dhulka Amxaarada iyo Canfarta,sida lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka Tigreega,kaasoi loo diray UNSG. Ujeedka Ciidamada Tigreega looga saarayo Dhulka Amxaarada iyo Canfarta,ayaa qayb ka ah wada xaajood soo socday. Sida la filayo Dowlada Abiy iyo Maamulka Tigreega,ayaa isa soo hor fariisan doona dhawaan. Geedi socod Nabadeed oo uu hormuud ka yahay RW Canada,ayaa socda.
Waa muhiim in la dhiso Gole Qaran oo lagu badbaadinayo Doorashada Dalka loogana hortagayo boobka iyo ilhaamaynta Qaranimada. Shalay Deni,waxuu hormuud ka ahaa ka hor tagidii mudo kororsigii Farmaajo,taasoo Puntland ay ku heshay magac iyo karaamayn weyn Somalida dhexdeeda. Maanta Madaxweyne Deni,waxuu hormuud ka yahay boobka Doorashada iyo ku tumashada Sharciga,waxuuna Puntland usoo jiiday sumcad xumo iyo ka fogaansho uga yimid Umada Somaliyed. Deni iyo Farmaajo waa isku dan Maanta raba in Doorashadu jiitanto oo la boobo. Shalay hadii Dalka laga badbaadiyay Farmaajo,Maanta waa in Deni laga badbaadiyaa. Siyaasad Qof udanaynaysa Puntland iyo guud ahaan Somaliya uma baahna. Aragtida C.C.Warsame…
Ka hor inta uusan billaabanin shirka Turkiga iyo Afrika ee Istanbul, Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida lagu xaqiijiyay bogga rasmiga ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku leeyahay Faceboo. Xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan waxa uu mar walba ahaa mid sii xoogeysanayay. Wadashaqeynteennu way sii socon doontaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed. Madaxweynaha Turkiga ayaa dhowr jeer horay u sheegay in waddankiisu uu taageeri doono Itoobiya. Bishii August ee sanadkan ayuu Abiy Axmed booqasho rasmi ah ku tagay Turkiga, xilligaas oo labada waddan ay…
Dhabarjab weyn oo siyaasadeed ayaa soo gaaray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaddib marki uu Senator Joe Manchin oo dimoqraaddi ah uu diiday inuu taageero qorshaha dib u qaabeynta Deegaanka iyo Bulshada Mareykanka ee Aqalka Cad.Qorshahan oo ay ku kaci laheyd xirmo dhaqaale oo gaareysa $2 trillion oo dollar ayuu madaxweyne Biden ku rabaa, in dib loogu qaabeeyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waxbarashada, isbaddalka cimmilada, daryeelka waayeelka iyo carruurta.Dimoqraadiga ayaa u baahan in ay helaan 51 cod, si uu xeerkani u meel maro. Golaha Senetka oo ka kooban 100 ayay dimoqraadigu ka heystaan 51 kursi.Hase yeeshee senator Munchin oo ah dimoqraadi laga…
Shirka dib loogu eegayo Sanadka dhamaanaya xogta Malaariya Puntland oo Garowe ka Furmay. Garowe, Dec,20, 2021: Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland shirka dib u eegista malaariyadda saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo guud ahaan sanadka 2021. Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay shaqalaha xogta gobolada iyo degmooyinka kuwaasoo ku soo bandhigaya xogta malaariyada sanadka dhamanaya 2021, waxaa lagu soo bandhigi doonaa labada maalmood oo uu socon doono, hoos udhaca ku timid kiisaska laga helayo gobolada iyo meelaha wali ay ka jirto. Dr Abdikariin Xuseen Xasan Madaxa Malaariyada wasaaradda caafimaadka oo shirka furitaankiisa ka hadlay…
MADAXWEYNAHA OO QAABILAY WAFDI KASOCDAY DOWLADA TURKIGA. Kismaayo, 20, Diseembar, 2021-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Safiir kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya mudane Ismail Emre Kosif, iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha Turkiga, Hay’ada bisha cas iyo howlwadeenada Safaarada Turkiga ee Soomaaliya. Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubaland iyo doorka ay ka qaadanayso Dowlada Turkiga gargaarka la gaarsiinayo dadka tabaalaysan iyadoo si hordhac ah ay hay’ada bisha cas ee turkiga raashin qeybin uga bilowday meelaha qaar. Madaxweynaha…
Khudbadii Madaxweyne Deni uu ka jeediyay Xalay Baydhabo oo uu uga qaybgalay Sanadguuradii 3-aad ee Madaxweyne Laftagareen,waxay ahayd mid is dhex taal. Dhinac wuxuu ku duray Qoor qoor iyo lafatagareen doorashooyinkii ay qabteen. Dhinac Puntland,ayuu ku duray oo leeyahay waa in sharcigu sareeyaa qofkii diidana meel looga soo jeestaa oo la oran xal iyo waan-waan hala galo. Dhinac Mucaaradka Fadaraalka,ayuu durayaa oo uu leeyahay dalka Teendhadii Carta ayay ku celinayaan. Dhinac Isaga is duraya oo wuxuu leeyahay waa in hadba Madaxda Timaada dalka meesha rabaan la aadin. Dhinac waa faanayaa oo wuxuu leeyahay 80% wixii ay soo dhiseen Qoor qoor…
Shaqo fiican oo ay bogaadiyeen Bulshadu ayay qabteen Ciidamada Amaanka Puntland qaybtooda Mudug. Hub,Gaadiid iyo Noocyo ka mid ah Maandooriyaha ayay caawa Ciidamada amaanka Gobolka Mudug gacanta ku dhigeen kadib hawlgal lagu fuliyay haraaga caadeyste ah oo xilliyo kala duwan isku dayay inay abuuraan qas iyo falal lid ku ah amniga. Sidoo kale hawlgalka caawa,waxaa lagu qabtey tirada illaa 8 ruux oo ka mid ah isla kooxdaas ka shaqaysata Maandooriyaha. Khasaaraha soo gaaray Ciidamada,ayaa gaaraya Askari markii danbe ugeeriyooday dhaawacaas oo lagu magacaabi jiray Muxiyadiin Cabdi Jaamac rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.
Xabada ka dhacay gudaha Magaalada Gaalkacyo,ayaa ahaa Weerar markii hore ay soo qaadeen Koox Cabtooy ah. Cabtooyda,ayaa Bar Kayntarool Xabado kusoo riday,taasoo taalay Aaga Ex-Warsgada Kabista ,waxaana ka dhashay khasaare dhaawaca Hal askari oo Boolis. Ciidanku waxay ku jireen baacsami Khamri oo ay xogteeda heleen xiliga lasoo Weeraray. Hawlgalo Amniga lagu xoojinayo,ayaa si weyn uga socda Gaalkacyo oo waayahan danbe amnigeedu aad usoo hagaagay.
Hoobiye,ayaa laga soo tuuray dhanka Buuraha Girible ee Bosaso,waxuuna ku dhacay cirifka hore ee Magaalada. Majiro cid wax ku noqotay Hoobiyahaas oo ay soo tuureen kooxda argagixisada ah ee Daacish. Magaaladu aadbay udegan tahay oo Noloshu si caadi ah ayay usocotaa.
Xerada kabista waxaa mudo ku dhow saacad ka socotay is rasaasayn u dhaxaysay Ciidamada Puntland iyo Rag Cabtooy ah, khasaare,ayaa jira balse xiliga oo habeena weli faahfaahin lagama heli karo.
Garowe 19.Dec.2021 Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyradda iyo Ciyaaraha oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland Ahmed Jaamac ayaa daah furan tababar loo qabanayo agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda iyo agaasimayaasha Shaqaalaha, Tababarkaa oo ujeediisu ahayd in lagu tababaro shaqaalaha qaabkii ay u soo ururin lahaayeen xog baahida tababaradda shaqaalaha (Training Need assessment), si loo ogaado baahida tababar iyo noocyada tababar ee shaqaalaha dawladu u baahin yihiin. Waxaana tababarka fududaynayey Machadka Tababaradda Shaqaalaha Dawladda Kenya oo la mataansan Machadka Tababaradda Shaqaalaha Dawladda Puntland. Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland
9-bilood Lacagtii Adeega Wasaaradaha lama bixin mana jiro Wasiir ka hadli kara oo xataa Xan ku sheegi kara. 9-Milyan oo Dolar oo ahayd Lacagtii tijaabada Corona iyaduna si toos ah ayay Acount gaar ah ugu xiran tahay. 19-ka bisha 12-aad ee 2021 weli lama qaadan Mushahaarkii Shaqaalaha rayidka ah,balse waxaa la bixiyay kii Ciidanka. Miisaaniyada gudaha kasoo xaroota kor baa loo qaaday,waxayna cagacagaynaysaa 8-Milyan oo dolar Bishii. Badanaa Madaxweyne walba oo hogaanka Puntland qabtaa 2-da Sano ee u horaysa,waxaa caado unoqon jirtay in uu bixiyo si joogta ah Mushahaaraadka iyo kharashaadka Dowlada. Balse isbadalada uu waday Madaxweyne Deni oo ay…
Hoggaamiyaha TPLF,Debretsion ayaa waraaq u diray hoggaminta 53-dal,ururada caalamiga ah,iyo kuwa xuquuqaha adamiga u doodda. Debretsion,wuxuu sheegay in shacabka Tigreega isir beegsi lagu hayo,loona gaystay xadhig farabadan intii xaallada deg-dega ah la galay,wuxuuna beesha caalamka ku dhaliilay inay tallaabo qaadin oo ay arrimahaas daawanyaan,isagoo usoo jeediyay in tallaabo la qaado oo ay beesha calamku dagaalka socda joojiso. Debretsion,ayaa dalalka Imaradka iyo Turkiga eedaymo usoo jeediyay,isagoo sheegay inay Itoobiya dagaalka ku taagerayaan.Sigaar ah wuxuu ka hadlay Droneska,oo uu sheegay in dhawaan si horleh loo keenay dalka,islamarkaana ay duqaymo ka gaysteen Tigreega. “Muddo badan ayaan aaminsayn in wada haddal lagu xalin karo…
Garowe, December 19, 2021: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland oo kaa shanaysa UNDP/JPLG, ayaa Garowe ku qabatay shir ku saabsan isku Xirka Wasaaradaha, Iskuduwayaasha heer Gobol iyo Degmo, iyo Agaasimayaasha Arimaha bulshada ee Dawladaha Hoose. Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Axmed kulan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur (Jubba), ayaa Garowe ka daah furay shirka. Shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Degaaanka, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Horumarinta Haweeenka iyo…
Baydhabo: 19 December 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo munsaabadda sanad-guurada 3-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Shaati-gaduud ee Baydhabo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo. Soo dhoweynta kadib Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi…
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku gaaray degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland ayaa halkaas siwayn loogu soodhaweeyay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Si loo joojiyo khuurada, waa lagama maarmaan ah in marinka hawada la furo, si arrintan loo sameeyo, waxaa jira tallaabooyin dhowr ah oo dadka lagu taliyay inay qaataan. Qofka waa in uu hal dhinac ah u seexdaa Carabka, garka iyo unugyada dufanka leh ee garka hoos yimaada waxay horseedi karaan in uu xannibaad ku yimaado marinka hawada gaar ahaan marka qofka uu beer beer u jiifsado. Markaa waxaa habboon in qofka khuuriya uu hal dhinac ah u seexdo sida in qofka mid kamid ah gacmahiisa barkisto. Nadiifi sankaaga Haddii aad qabto hergeb ama xasaasiyad, sankuna uu ku xiran yahay markaa…
Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa shaaciyey mashruuc laga hirgelinayo bartamaha magaalada Jidda oo ay ku kaceyso $19.96 balyan oo doolar. Mashruucan uu dhaxlsugaha Sacuudigu shaaciyey ayaa la sheegay marka la gaaro 2030-ka inuu mashruucan uu dalka Sacuudiga uu ka soo galayo 47 balyan oo Riyaal. Mashruucan bartamaha magaalada Jidda laga heirgelinaya ayaa lagu fulinayaa dhul baaxaddiisu gaadheyso 57,000 oo hektar. Mashruucan oo la sheegay inuu ka mid yahay himilooyinka boqortooyda Sacuudiga ay tiigsaneyso 2030-ka oo lagu doonayo inuu dalku ku tallaabsado kobac dhaqaale oo ay u aayaan muwaaddiniinta iyo ajaanibta dalkaasi ku nool. Wuxuuna dhaxal sugaha…
Shirkii iskaashiga Turkiga iyo Afrika ee shalay lagu soo gabagabeyay magaalada Istanbuul ayaa madaxdii khudbadaha ka jeediyay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo madasha ka sheegay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee Soomaaliya yaalla. Sidoo kale muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka, siyaasadda iyo is dhexgalka bulshooyinka . Haddaba Turkiga iyo Soomaaliya xiriir wanaagsan ayaa mudaba ka dhaxeyay waxaana sidoo kale ka marneyn iskaashi inuu jiray. Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegayo in Turkiga uu Soomaaliya u siinayo diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka.…
Ururka 3aad ee Ciidamada Birjeex,ayaa Gurmad lagaaray Baabuur Xamuul ah Oo ku Dhaabatay Sabansabadhada oo u Dhaxaysa Godod iyo Gacmafale Ciidanka,ayaa wadada si isxilqaan ah u dhisaya waxayna hawlgalyeen Mudo 5-Maalmood ah. Dhanka kale Ururada Kale ee Ciidanka Birjeex,ayaa ka hawlgalaya Deegaanka Qaydare ee Bariga Mudug. iyagoo wali Gurmad biyo dhaamin ah halkaasi lagaarey qaydare ayaa Taliska Ciidanka ee Godod ujira masaafo dhan 300-km.
Waddamada Muslimka ah ayaa isku dayaya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa bini’aadantinimo ee sii kordhaya ee ka jira dalka Afgaanistaan, xilli dalka ay deriska yihiin ee Pakistan uu Axadii ka furmay shir aan caadi ahayn oo uu yeelanayo Ururka Iskaashiga Islaamka. Xaaladda degdegta ah ee Afgaanistaan, oo malaayiin ay wajahayaan gaajo xilligan qaboobaha, ayaa sababtay qeylo dhaan isa soo tareysa, laakiin beesha caalamka ayaa ku dhibtootooneysa jawaab wadajir ah oo ay ka bixiso xaaladda bini’aadaminimo, iyadoo reer galbeedku ay ka caga jiidayaan inay caawiyaan xukuumadda Taalibaan, oo xukunka la wareegtay bishii Ogosto. “Haddii aan tillaabo degdeg…
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu doortay afar xildhibaan oo gobollada Waqoyi ee Somalia ku matali doona golaha shacabka ee Somalia, waxaana ka mid ah Fowsiya Yuusuf Xaaji Adan oo mar kale xildhibaan loo doortay. Halkan ka daawo muuqaalka sida Doorashadu udhacday
Shirkadda Kebarco Construction CO. ayaa soo gabagabaysay dhismaha & dayactirka Buundooyin sideed ah oo dayactir lagu samaynayay saddex bilood ee u dambaysay. Madaxda PHA & Wasaaradda howlaha Guud ee Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dhamaystirka mashruuca Dayactirka Buundooyinka Garowe & Birta dheer oo ay dhisaysay Shirkada wadaniga ah ee Kebarco. Gabagabada mashruucan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda PHA, Injineero kasocda wasaradda howlaha guud iyo madaxda shirkadda Kebarco. PHOTO By: Wanaag Arag
Gudida xalinta Khilaafaadla ayaa diidey xil ka qaadistii Rwasaare Rooble ku sameeyey iyagoo sharci daro ku tilmaamay. Gudiga,ayaa sheegay in ay Warqada kasoo baxday Xaafiiska RW ay baalmarsan tahay Sharciga,isla markaana Gudoomiyaha xilka uu ka qaaday lagu doortay wadar guud oo isla ogol ah. Rooble,ayaa xubnaha uu eryey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya. Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Xuseyn Maxamed Maxamuud Laki. Halkan ka akhriso:-
Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay in Larry Edward Andre, Jr. uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna baddali doona danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018. Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay. André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.
Dadka ka faallooda arrimahaan,ayaa sheegaya in tan iyo markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu xukunka qabtay uu galay dadaal uu xoogga ku saarayo sidii uu xoojin lahaa xiriirka uu la leeyahya dalalka qaaradda Afrika. Shirkaan hadda dhacaya waxaa ka horeyay dhowr shir oo kale oo kala dhacay sanadihii 2008-dii iyo 2004-tii.Turkigada ayaana aaminsan sida dadka qaar ay qabaan in mushkiladda ka jirta Afrika dhexdeeda ay iyadu xalisato oo aan la dhex galin. “Turkigu wuxuu aaminsanyahay mad’a ah in mushkillada Afrikaanka ay xalliyaan iyaga dhexdooda sidaas daraadeed Turkidu ma dhex gasho arrimaha Afrika” ayuu yiri Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed…
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta,ayaa lagu yiri sida tan… “Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhaweynayaa tallaabada uu xilka kaga qaaday Ra’iisulwasaare Rooble xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka, loogana hortago ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka, laga fogaado wax kasta oo keeni karana cadaalad darro,Goluhu wuxuu garab istaagayaa tillaabo kasta oo lagu saxayo geedi- socodka doorashada. Si loo helo caddaalad waa in dib looga laabto go’aannadii Guddiga ay hore u gaareen, lana qabto dacwooyinka laga soo gudbiyey kuraasta kale” Halkan ka akhriso warka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.
Gobolada Bari iyo Gardafuul ee Puntland,waxaa ka mid ah Beelaha dega oo waliba mudnaanta ku leh Beesha Sawaakhroon. Waa Dad tilmaamaha Gobanimo meel sare kaga jira. Xaqiiqdii dulqaadkooda iyo tanaasulkooda,waxaa kuugu filan cadayn ahaan 3-dii sano ee Dowlada Deni talada haysay maleh matalaad. Laba jeer,ayaa Wasiiradoodii la ilhaamaystay oo la kufsaday. Wasaarada Kalluumaysiga ee awood qaybsiga loogu magacaabay,waxaa ku xigeen ka ah Nin Xidid la ah Madaxweyne Deni. Sidoo kale,waxaa Agaasime Guud ka ah Nin ay Ilmo Abti yihiin Sxb-ka dhow ee Madaxweynaha Maxamuud Shido. Xilka qaadista Wasiirka Wasaaradaas oo dhacday Laba jeer,waxaa sababay Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud…
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRWEYNAHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKA Istanbuul, Diseembar 18, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, isaga oo tilmaamay in Shirweynahani uu faa’iido istiraatijiyadeed u leeyahay wax wada-qabsiga iyo xiriirka Labada dhinac. “Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay in 5-ta qodob ee istiraatiijiyadeed ee iskaashiga ah…
Codayntii shalay Qaramada Midoobey ee baarista tacadiyada ka dhacay Itoobiya,waxay markale Aduunka tustay laba arimood oo kala ah.. 1.Sida Afrikaanku aysan urabin cadaalad iyo isla xisaabtan oo kuligood ugu wada jiraan Dhiiqo. 2.Sida Reer Galbeedku ulaba wajiileeyaan markii tooda ay timaado. Dhammaan 13-ka waddan ee Afrikaanka ah ee @UN_HRC waa ay diideen ama way ka aamuseen. Dalalka Soomaaliya, Eritrea, Ivory Coast, Cameroon, Namibia iyo Gabon,ayaa ka mid ah dalalka diiday qaraarka. Waa la fahmi karaa in Somaliyada Maanta uu Kursigeeda hogaaminta sii joogo Farmaajo ay diido daahfurnaan oo ay garab siiso xiqdi iyo dulmi. Fahad iyo Farmaajo danbiyada loo haysto…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka. Xubnaha la cayriyay,ayaa lagu eedeeyay in ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo kuna milmeen siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeerarka anshaxa doorashada. Go’aankii ugu danbeeyay ee Gudiga khilaafaadku qaateen ee keenay tuhunka weyn,ayaa ahaa Kursiga Talyaha Nabadsugida Yaasiin Farey. “Ra-isulwasare Rooble,waxaa looga fadhiyaa in uu dib usoo celiyo Kursiga sida xaaraanta ee sharciyada baslmaarsan uu ku qaatay Yaasiin Farey. Kuma filna cayrin xubno oo qura cadaalad darada laga sameeyay Kursiga Hope-067. Kursigaas wado khaldan,ayaa loo maray, hab doorashadiisa, kamana ahayn goobjooga Nabadoonadii Kursigaas Saxiisa lahaa iyo…
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya qarax ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda gobolkaas. Qaraxan ayaa la sheegay in lala bewgsaday baabuur uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Axmed Mayre Makaraan. Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuusan la socon baabuurka xilligaas, khasaarena ilaa xilligan lama soo werin. Dhinaca kale saddex qof oo ka tirsan askartii hore ee Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu dilay weerar Al-Shabaab ku qaadeen xeradii Hiilweyne. Weerarkan ayaa wararku sheegeen inuu dhacay Jimcihii. Ilaa hadda taliska ciidanku kama aysan hadlin rasmi ahaan weerarka.
Dowladda Itoobiya ayaa ka hortimid gudi madaxbanaan oo Qaramada Midoobay ay u saartay in ay baaraan xadgudubyada loo gaystay Dadka Tigreega. Halksn ka akhriso:-
Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa kulan isugu yimid si ay uga doodaan Qaraar qabyo ah oo Midowga Yurub uu kasoo diyaariyay Itoobiya. Qaraarka,ayaa ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo xadgudubyada ay geysteen dhammaan dhinacyada ku hardamaya dagaalka Itoobiya tan iyo dabayaaqadii Sanakii 2020. Fadhiga gaarka ah ee jimcihii dhacay,ayaa waxaa codsaday Midowga Yurub,waxaana taageeray 21-Xubnood oo ka mid ah Wadamada xubnaha ka ah Golaha Xuquuqul Insaanka. Fadhiga,waxaa Goob joog ka ahaa 36-wadan oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Kanada. Golaha,ayaa u codeeyay oo ansixiyay koox ka kooban 3-xubnood si ay usoo baaraan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee ka dhacay Itoobiya.…
Mushahaarka ugu yar ee Qof Turkiya qaato xiligan waa $171 bishii. 40% Dadka Turkiga ah,ayaa qaata mushahaarka ugu yar. Dad badan,ayaa la halgamaya sidii ay u iibsan lahaayeen badeecadaha maalinlaha ah,iyada oo qiimiha Maciishadu ay kor u kacayso maalinba maalinta kasii danbaysa. Si loo yareeyo sicir bararka Madaxweyne Erdogan,ayaa kordhiyay Mushahaarka 50% bilawga sanadka soo socda. Balse wax saamayn ah ma yeelan doono,iyada Lacagta Turkiga ee loo yaqaan Liira ay hoos usoo hoobanayso ay gaartay meeshii ugu hoosaysay Abid marka lagu qiimeeyo Dolarka. Halkii Dolar,ayaa hada maraya $1=16.46 Lira,taasoo ay ku tilmaameen Dhaqaale yahanadu wax qayrul macquul ah. Hadii xaalku…
Dowlada Mareykanka,ayaa si adag u dhaleecaysay Dowlada Ethiopia kuna eedaysay in ay gargaarka u isticmaalayso xeelad dagaal. Maraykanku,waxuu sheegay in ay Dowlada Itoobiya hor istaagtay gargaar la gaarsiiyo Gobolka Tigreega iyo in ay kumanaan shacab oo asalkoodu Tigree yahay ay xirxirtay. Maleeshiyadka Amxaarada ayey ayana ku eedaysay in ay isir sifayn ka wadaan Galbeedka Gobalka Tigree. Dowlada Eritrea ayey iyadana ku eedaysay in ay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda Insaanka ka gaysatay Ethiopia uguna baaqday in ay ka baxaan Ethiopia. Mareykanka,ayaa soo jeediyay in dagaalka si deg dega oo bilaa shuruuda loo joojiyo, gargaarka la fasaxo, maxaabista shacabka ahna lasii…
Jaamacada Global Science University, ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kaqalin jabiyay 36 arday oo baratay kuliyada caafimaadka.
Degmada Xaabo waa magaalo ganacsiyeedka gobolka Gardafuu ee Bariga fog ee Puntland, ka bogo bilicda degmadan oo kusug xog sugan oo wariyayaasha Sahanka Daljir kasoo sameeyeen degmadan Cajiibka ah.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka . Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada. Waxa kulanka sidoo kale ka qeyb qaatay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed ,Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakuur kuwaas oo Madaxda Golaha…
Sawiro Shaqada janbiga labaad ee Dekada Garacad ayaa si habsami ah u socota. Sida muuqata waxaa banaanka u soo baxay Shubkii laga soo bilaabay Bada Gunteeda hoose ee Janbiga Labaad. Dhismaha Dekeda Garacad,waxaa maal galinaya ganacsatada reer Puntland,gaar ahaan kuwa Mudug iyo Somali inteeda kale. Mashruucan ma noqon doono mid shisheeye saamayn ku yeesho oo loo ogolaan doono in ay Saami ku darsadaan ilaa inta Qof Somali ah la helayo. Garacad Mudug Puntland Somaliya,sida qorshuhu yahay wuxuu noqonayaa maal gashi isagu jira Dekad iyo Jidka Dheer ee isku xira Gobolada Puntland iyo Itoobiya. Halkan ka daawo muuqaalka
Afhayeenka Gudiga Doorashada qoraal uu soo saaray,ayuu ku sheegay in Axada 19-ka December la qabanayo doorashada afarta Kursi ee biri balanku ahaa in la qabto. Afhayernku ma sheefin sababta dib loogu dhigay doorashada Afarta Kursi. “Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland wuxuu ogaysiinayaa in dib udhac uu ku yimid qabashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255, Isla markaana maalinta Axada ee ay bishu tahay 19-Dec-2021 la qaban doono kuraastaas. Waxaan ku war galinayna musharaxiinta u tartamayaa ku raastan in 19-Dec-2021 ay u soo diyaar garoobaan qabashada kuraastas,” ayaa lagu yiri qoraalka Kuraasta la la badalay xili…
Farmaajo ka hor intuusan ka duulin Aadan-cade,waxuu sii maray Qaybta Terminalkii hore Garoonka Aadan-cade oo ay yaalaan 3-Diyaaradood oo Drones ah,kuwaasoo Turkigu ay gacanta ku hayaan. Farmaajo oo diyaarada Itoobiyan Airlines ka raacay Muqdisho,ayaa mudo dhawr saac ah ku sugnaa Qaybta VIP-da ee Garoonka Adis-ababa,waxuuna kula kulmay Talyaha Ciidamada Itoobiya Berhanu Juula. Sida ay tibaaxayaan xogo laga helayo Ilo lagu kalsoonaan karo Turkiga,ayaa isku dayay in uu dhiso isbahaysi Milatari oo Sadex Geesood ah,kaasoo udhaxeeya Turkiga,Itoobiya iyo Somaliya. “Labadiina Dal,waxaa aad khatar idin kugu ah Mucaaradka,marka iska dhisa Milatariga ka hor inta aydaan ka fakarin Doorasho iyo Dimuqraadiyad”Ayuu Turkigu usoo…
Madaxweynaha Dowlada Koonfur-galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen,ayaa maalmahan booqasho ku joogay Kismaayo. Laftagareen oo kulamo la qaatay dhigiisa Jubaland,ayaa ugu danbayn waxay soo wada saareen Warmurtiyeed ku aadan wada xaajoodkooda. Axmed Madoobe iyo Laftagareen,ayaa Warmurtiyeedkooda ku sheegay in ay doonayaan sii socoshada Doorashada. Mawqifkoodu,waxuu lid ku yahay dalabkii Midowga Musharaxiinta ee ahaa in la hakiyo doorashada. Waxaa muuqata in Dowlad Goboleedyada iyo Madaxda mudo xiloodkoodu dhamaaday ee Fadaraalka ay isku dhan ka yihiin Midowga. Rooble,waxuu Jabuti uga dhawaaqay in uu dhici doono Shir layskugu imaan doono oo ku aadan Doorashada. Shirkaas,ayaa looga gol leeyahay in lagu qanciyo tabashada Midowga Musharaxiinta,waxaana dabada ka…