“Cabdiwali Gaas Madaxweynihii hore ee Puntland,ayaa Ciidamo kasoo galinaya Degaanka Somalida, dhanka Puntland,Amniga Deegaanka,ayuuna Duulimaad ku yahay”Ayuu yiri Mustafe Cagjar oo uwaramayay TV-ga xagjirka ah ee Amxaarada ESAT. Mustafe isaga,ayaa wacay Tv-ga fariintana gaarsiiyay,waxuuna sheegay in Gaas iyo koox Dowladii hore ah oo Maraykanka laga abaabulayo ay qorshahan kawada shaqaynayaan. Waa war la taab ku noqday cid walba oo maqashay. Gaas xiligan Puntland kama taliyo mana joogo xataa Afrika,waxaa la yaab leh waxa Mustafe kusoo xushay eedayntaas. Halkan ka daawo muuqaalka Waraysigiisa
Author: Jibril Qoobey.
Dowlada Abiy,ayaa xalay saq-dhexe xalay laba jeer dukhaysay Guryo ku yaala Magaalada Mekelle ee Caasimada Tigreega. Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas,sida uusheegay Afhayeenka TPLF Getachu Reda. Dhanka kale Taliska dhexe ee Ciidmada TDF,ayaa saaka sheegay inay qabsadeen magaalooyin 4 ah oo ay kamid tahay magaalada Showa Robit. Magaalada Showa Robot,ayaa dagaal ka socday 4-maalmood nawaaxigeeda. Waxaa kale oo ay TDF xaqiijiyeen in ay qabsadeen Sadex magaalo oo ku beegan Galbeedka Debre-Birhan oo 136 km ujirta caasimada Adis-ababa.
Halkan ka daawo muuqaalka
Maamulka Degmada Gaalkacyo,ayaa dib u dajin toos ah u sameeyay Dadki laga soo barakiciyay Laascaanood 02/10/2021 ee soo gaaray Gaalkacyo. Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo oo wakiilka ah Dawladda Puntland,ayaa Maanta rartay Dadkaas oo awal dagaana Meel kusii meel-gaar ahayd. Dadka ayaa waxaa dib u dajin loogu sameeyay Degaanka Jeexdin oo ay iyagu doorteen kadib marki ay ku qanceen. Waxaana Deeganka jeexdin ee doorteen laga siiyay dhul iyagu ay mulkiyaddiisa leeyihin oo ay uga faaidaysan karaan hadba sida ay rabaan . Maamulka Degmada Gaalkacyo waxa uu uga Mahad celinaya Jaaliyada rer Gaalkacyo ee iskalaha Canadian Village oo ahayd meesha bil iyo…
Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa soo saraay warbixin sannadeedka ku saabsan baaritaanka maaliyadda laamaha dawladda Soomaaliya. Warbixinahan ayaa ka kooban kuwo ka hadlaya dhaqaalaha soo galay dawladda Soomaaliya dibedda iyo gudaha iyo sida loo maamulay, gaar ahaan wasaaradaha iyo qaybaha kala duwan. Sidoo kale waxaa ku jirta warbxiin si gaar ah diiradda u saaraysa kharashaadkii ku baxay la dagaalanka cudurka COVID-19 iyo sida loo maamulay. Waxaa markii ugu horraysay uu hanti-dhowruhu baaritaan ku sameeyey hannanaka loo bixiyo shatiyada kalluumaysiga Soomaaliya iyo maamulka dakhliga kasoo xarooda. Ugu horrayn waxa uu sheegay inuu baadhitaan uu ku sameeyey…
Sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Fadlallah Burma Nasir oo ah Madaxa Xisbiga Ummadda ee dalka Suudaan, millateriga Suudaan ay qorsheynaya inay dib u soo celiyaan Ra’isul Wasaaraha xilka laga tuuray ee Abdalla Hamdok, kaddib heshiis laga gaaray xaaladda dalkaas. Hamdok ayaa xabsi guri la galiyay markii militarigu ay la wareegeen talada 25-kii Octobar, taasi oo meesha ka saartay isbedelkii dhanka dimoqraadiyadda ee lagu heshiiyey, kadib ridistii xukunkii dheeraa ee Cumar al-Bashiir ee sanadkii 2019-kii. Nasir ayaa sheegay in Hamdok uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax-bannaan, isla markaanaa uu heshiiska ay gaareen Militariga iyo xisbiyada siyaasadda…
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay wehliyan Wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa shir la qaatay madaxa hay’adda UNDP Somalia Mr. Jocelyn iyo wafdi uu hogaaminayay shirkaas oo looga hadlay dardargalinta iyo dhamaystirka Barnaamijyada Istaraatiijiga ah ee Hormarinta. Kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in la xoojiyo wadashaqaynta 20 ka sano korka u dhaaftay ee Wasaaradda Amniga iyo DDR iyo UNDP wada lahayeen taas oo shaqooyin badan soo wada qabtay. Sidoo kale waxaa diirada la saaray sidii loo bilaabi lahaa mashaariic hiraal u leh dadka reer Puntland iyo hormarkooda. DHAMAAD xafiiska…
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee shanta Gobol ee Dowlada Puntland,ayaa dib u furtay Hoollka dhegaysiga Garmaqalada iyo Dacwadaha kaas oo ay qalabaysay PSF. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus 5ta-Gobol ee Dowlada Puntland,ayaa xukuno dil ah ku riday 2-ka mid ah 5-Eedaysanayaal oo lagu soo Eedeeyay ka mid ahaanshaha Ururka argagixisada ah ee Alshabaab. 3-ka Qof ee kale,ayaa dib xoriyadooda loogu celiyey ka dib markii lagu waayey tuhun ah in ay ka mid yahiin argagixisada Alshabaab. Puntland waxay ku jirtaa dagaal dagaal adag oo ka dhan ah argagixisada Shabaab iyo Daacish. Jibril Qoobey.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi oo abaal mariyay 53 kamida Ciidanka Booliska DPL kuwaa oo tababar ku qaadanayay mudo lix bilood ah kuliyada tababarada booliiska ee degmada Carmo. Halkan ka daawo muuqaalka
Jaaliyada Somaliyed ee Nayrobi,gaar ahaan mida Jubaland,ayaa Qado sharaf usamaysay ay kusoo dhawaynayaan Wasiirka Shidaalka iyo Tamarta Jubaland Axmed Handal. Soo dhaweynta kadib Wasiir Handal,waxuu warbixin ka siiyay Jaaliyada Xaalada Jubaland ee Amniga iyo horumarka. Gaar ahaan Wasiir Handal,waxuu warbixin dhamaystiran ka siiyay Abaarta ka jirta xiligan Deegaamada Jubaland,isagoo ka codsaday in ay door ka qaataan gurmadka Dowladu wado ee Dadka loo fidinayo. Handal,waxuu Imaaraadka uga qaybgalay Shirweynaha Petrolka ee Caalamka,ka hor imaanshihiisa Kenya oo uu kulamo kale oo muhiim ahaa kulahaa. Qadada oo uu soo abaabulay Ganacsade Ibraahim Shiikh Maxamuud Mire,iyadoo uu kasoo qaybgalay Ra’isalwasaarihii hore Cumar Cabdiradhiid Cali…
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey shirka sadex bilood laha ah ee ay ku kulmaan xafiiska kor uqaadida heerka nafaqada Puntland (SUN) iyo Wasiirada Wasaaradaha bah-wadaagta la ah mashruuca. Ku-simaha Wasiirka Deegaanka ,Beeraha iyo is badalka Cimilada, Ahna Wasiiru Dowlaha Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle ayaa kulanka ka warbixiyay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo caawa lagu qaarijiyay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Agaasimihii Telefishinka qaranka Sharmaarke Maxamed Warsame,ayaa isna kasoo gaaray dhaawac culus Qaraxaas. War lagu daabacay warbaahinta Alshabaab,ayaa lagu sheegay dilka Cabdicasiis Afrika in loogu aarguday rag badan oo katir sanaa Alshabaab, oo uu kamid yahay Xasan Xanafi. Alshabaab waxay sheegeen in weerarkaas uu ahaa camiliyad ishtish-haadi ah, waxayna xuseen in ay muddo dheer ku raad joogeen sidii ay mar un u soo afjari lahaayeen nolashiisa.
1-Yaa Weriye Cabdicasiis ku ballamiyay Hotel City? oo caawa qaraxu ka dhacay? 2.-Yaa isagana meesha ugu yeedhay Agaasime Sharma’arke Maxamed? Oo labadooduba ay Agaasimayaal ka yihiin Warbaahintii la safatay Reysalwasaare Rooble wakhtigii khilaafku kalla dhaxeeyay Kooxda Madaxweyne Farmaajo. 3-Qofka qaraxa gaystay yaa ku ballamiyay meesha? 4-Yaa is-miidaamiyaha tusay Baabuurka Wariye Cabdicasiis iyo Suxufi Sharmaarke? 5-Yay ahayd cidda gudaha Hotelka ku haysay Wariye Cabdicasiis ilaa inta is-miidaamiyahu walxaha qaraxa sameeyay ka diyaarsanayo? 6- Aaway Ciidamada wasaaradda Amniga iyo kuwii Taallada Daljirka Daahsoon joogay ee u dhawayd bartii uu qaraxu ka dhacay? 7- Yay ahayd ciddii ku dhawaad 12-Daqiiqo ay is rasaasaynayeen…
Allaha u naxariisto walaalkeen Wariye Cabdicasiis Afrika oo ugeeriyooday dhaawicii caawa fiidkii soo gaaray. Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo ehelada, asxaabta iyo bahda warbaahinta ee uu ka geeriyooday. Cabdiasiis Afrika Gaarigiisa,ayaa Qarax loogu xiray,waxuu Wariyihii N8sa uqaabilsanaa Waraysiyada. Nin shaqo badan ayuu ahaa oo ay aad udaba taagnaayeen Alshabaab. Fahad iyo Farmaajo,ayuu dalka uga cararay kadib dhaawac horay usoo gaaray iyo in ay wada shaqayn kala dhaxayso Villa Somaliya iyo Nabad diidka. Rooble,ayaa shaqada dib ugu soo celiyay xilkana umagacaabay. Ugu danbayn Maanta,ayuu Geeriyooday,waxaana loo badinayaa kiiskaas in uusan ka fogayn arintii Ikraan Tahliil. Nin aad isku qariya,ayuu ahaa…
Cabdi Siciid,waa Lataliyihii Amniga Qaranka Farmaajo,markii danbe noqday Agaasimihiisa Madaxtooyada. Balwad shaqo kuma laha,waana ka Diin iyo Akhlaaq wanaagsan yahay Ina Qufac-diid. Balse Qiimaha Dadnimo waa kasii hooseeyaa Ina Qufac-diid oo maleh wax qiyam iyo dareen ah oo aan ka ahayn unuglaanta Qofka markaas uu u adeegayo. Isku soo wada duuboo Labada Nin Guud ahaan reer Puntland iyo Gaar ahaan reer Mudug wax macno ah oo ay ugu kala duwan yihiin majirto.
Maxay tahay sababta xilka looga qaaday Ina Qufacdiid? Sida ay ii xaqiijiyeen masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Villa Somaliya,Xaafiiska RW iyo kuwo Madax banaan,waxuu eersaday Ina Qufc-diid Labo arimood oo kala ah…. 1.Xiriirkii ama Diblomaasiyadii Dibada ee Villa Somaliya oo dhulka gashay,lana kulantay dagaal joogta ah oo kaga imaanaya Caalamka. 2.Balwad xad dhaaf ah oo aan xuduud lahayn,waxaana dhacday in mararka qaar,isagoo looga yeeray Madaxtooyada ama Xaafiiska RW-ha ay ka muuqato Balwadaas. Farmaajo,ayaa awalba ku dhaganaa,isaguna markii danbe waa ka horleexday oo waa aqbalay in uusan shaqada sii wadi karin. Majirto wax arin ah oo ay isku qabteen Farmaajo iyo…
Xilkii,ayaa laga qaaday Wasiirkii Arimaha Dibada,waxaana lagu badalay Cabdi Siciid Agaasimihii Madaxtooyada .
Madaxweynaha Tigreegu,isagoon wax walwal ama baqdin ah aan ka qabin Dowlada Abiy,ayuu kusoo sagootiyay Garoonka Diyaaradaha Maqalle Waftigii dhexdhexaadinta waday ee caalamka ka socday. Tigreegu Shan Qodob oo cad-cad ayay usoo dhiibeen Waftiga,kuwaasoo kala ah… 1.In la soo afjaro Go’doominta lagu hayo Tigreega oo loo ogolaado Gargaarka Bini’aadantinimo. 2.In Ciidamada Asiyas iyo Abiy ka baxaan Galbeedka Tigreega. 3.In xiriirka caalamka iyo Tigreega dib loo furo oo laga joojiyo carqaladaynta. 4.In Hay’adaha caalamiga ah,gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobey ay si xor ah u imaan karaan ugana hawlgeli karaan Deegaanka Tigreega. 5.In la bilaabo Wada-hadal Siyaasadeed oo Qaran. Waftiga Caalamka ee gaaray…
Garoowe: 20 November 2021: Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya Mr Jocelyn Mason. Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta mashaariicda UNDP ka fuliso Puntland, dardargelinta qorsheyaasha socda iyo xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee UNDP iyo Puntland.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo gaba gabeeyay safarkii uu ku joogay Puntland. Madaxweynaha ayaa Dowlada iyo shacabka Puntland uga mahad celiyay sida weyn ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa mudadii ay joogeen Magaalada Garowe.
Maalinkii saddexaad ee tababarka boolisaynta bulshada degmooyinka Galdogob,Rako,Xarfo iyo Carmo. Tabarkaan waxaan iska kaashanayaa Wasaardda Amniga & DDR,Booliiska puntland iyo hay’ada UNDP, Wuxuuna qayb kayahay tabarbarkaan mashruuca hurumarinta booliska soomaaliyeed ee (JPP). Tababarkan,ayaa soconaya mudo 5 malmood ah,waxana lagu baran doona isku xirka booliska iyo bulshada ku nool degmooyinka loo qabtay tababarkan.
Wargalin Fasax; Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa ay fasaxday dhamaan xarumaha Waxbarashada birri oo ku beegan 21 Nov, 2021 kuna astaysan Maalinta Macalinka oo ah maalin qiima badan. Fulin Wacan,
Garoowe: November 20, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga oo ay soo xaadireen 45 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2022 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey. Dood dheer ka dib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod Aqlabiyada ah ku ansxiyey Miisaaniyadda sannadka 2022 taasoo dhan $354,093,039. Dhinaca kale,…
Xoghayaha arrimaha gudaha Britain, Priti Patel, ayaa Jimcihii sheegtay inay mamnuucday kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, tallaabadaas oo ka dhigtay mawqifka UK ee ku aadaan maamulayaasha Marinka Gaza inay la jaanqaadeyso go’aankii Maraykanka iyo Midowga Yurub.”Xamas waxay leedahay awood weyn oo argagixisanimo, oo ay ku jiraan inay helaan hub aad u ballaaran oo casri ah, iyo sidoo kale xarumo lagu tababaro argagixisada,” ayay Patel ku tiri hadal ay soo saartay. “Taasi waa sababta aan maanta go’aankan u qaatay si aan Xamaas u mamnuuco gebi ahaanba.” ayay sii raacisay.Ururkan Xamaas ayaa mamnuucistiisa loo cuskaday sharciga Argagaxisada ee Uk, waxaana qof kasta oo…
Puntland waxaa kasoo baxaya Xildhibaanka Dowladu wadato. Jubaland,waxaa kasoo baxaya Xildhibaanka Dowladu wadato. Koonfur-galbeed,waxaa kasoo baxaya Xildhibaanka Fahad iyo Farmaajo wataan. Galmudug,waa laysku hardinayaa oo qolo si buuxda uma haysan karto. Hir-shabelle,waa laysku hardinayaa oo qolo si gaar ah uma xiran karto. Shaxdan,waa sida Rooble afkiisa ku amray oo uu ku yiri “Koox walba waxay rabto hasoo saarato ee aan Doorashada wada galno”. Dalka Doorasho soo marta tii ugu xumayd oo si weyn oo cad loogu shuban doono,ayaa ka dhacaysa,waxaana lumay Qiimihii Dowladnimo. Waxay dhasho haloo toog hayo. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Guddiga Doorashooyinka,ayaa soo saaray warkan ku docda Musharaxiinta Xildhibaanimo ee Aqalka-hoose. “ WARGELIN” Dhammaan waxa lagu war galinayaa musharax kasta oo ku tartamaya kuraasta gollaha Shacabka ee ka dhacaysa Dalka in ay lacagta diiwaangelinta ku shubaan xisaabaadka Bangiga Dhexe uga furan Doorashooyinka, iyadoo uu koonto hoosaadyo ku kala leeyahay laamaha Bangiyada gaarka ah ( Private Banks) ee hoos ku xusan.” Dhanka kale Warka Gudiga,waxaa loo arkaa mid Malagiis galay oo layska yiri kana fog waaqiciga jira. Majiri doono Musharax lacag ku shubaya Bankiga Dhexe ee Xamar oo xataa kuwa isla Xamar ka tartami doona,ayaan ku shubi doonin.
Majirto Xildhibaano Puntland sii daynayso beri ama Saadanbe. Ugu horay Bisha danbe bartankeeda, ayay Puntland blaabaysaa Doorashada Xildhibaanada Aqalka-hoose. Xiriir Taleefoon oo dhexmaray Madaxda Somalida,waxaa lagu heshiiyay in Doorashada la galo. Muhiimada is afgaradku waa Maamul walba Dadkuu rabo haku soo saarto Xildhibaanada, bar kulankuna waa Teendhada Afisyoone iyo Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka. Jibril Qoobey.
Maamulka Magaallada Addiss-Ababa iyo Booliska caasimada, ayaa maalintii shalay sheegay inay qabteen rasaas tiro baddan oo lagu qariyay mid kamida kiniisadaha ku yaala Addiss-Ababa,waxayna sheegen in rasaastan loo adeegsan rabay qorshe Tplf soo maleegtay. Arrintan ayaa hadal hayn baddan abuurtay,kana cadhaysiisay buurralayda.Xisbiga garabka fog ee Axmarada,Balderas ayaa arrintan ka horyimid waxayna ku tilmaamen inay muujinayso quus Dowladda dhexe ka taaggan tahay dagaalka socdo,iyagoo arrimahan ku tilmaamay waxba kama jiraan lagu magac bi’inayo kiniisadaha. Dhanka kale warbaahinta buurralayda xubno kamida ah oo ka ka hadlay ayaa arrintan ku tilmaamay dagaal lagula jiro Orthodox-ka(Yacnihi ree waqooyi),Eth-360 waxay sigaar ah eedaymo ugusoo jeediyeen…
Awoodda Madaxweynaha Maraykanka,waxaa lagu wareejiyay Madaxweyne ku xigeenka Kamal Harris. Madaxweynaha Maraykanka Biden,ayaa maraya baaris caafimaad oo sanadle ah ,taasoo uu si caadiya usamayn jiray intaan la dooran ka hor. Xarunta Caafimaadka ee Walter Reed,ayuu ku marayaa baarista Caafimaad Madaxweynaha 79-jirka ah. Waa wax iska caadi in marka uu marayo baaris Caafimaad Madaxweynaha Maraykanku uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa,maadaama loo baahanayo in la suuxiyo. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaal looga faaloonayo
Blinken,ayaa markuu soo gabagabeeyey booqashadii Kenya,waxa uu bixiyay Waraysi uu kaga hadlay colaada Itoobiya iyo doorka Maraykanka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wararka ka imaanaya magaalada Bardaale ee gobolka Bay ayaa sheegaya, in ugu yaraan 7 qof oo shacab ah ay ku dhinteen 11 kalena ay ku dhaawacmeen, qarax maanta ka dhacay suuqa magaaladaas. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in suuqa uu qaraxa ka dhacay ay ku yaalaan dukaamo maalmaha jimcaha ay dadka reer miyiga aad uga adeegtaan, iyo qeyb yar oo suuqa ka tirsan oo lagu iibiyo jaadka. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay. Dhowr ka mid ah 11-ka qof ee dhaawaca ah ayaa lagu warramay in xaaladdooda ay liidato. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda…
Hogaamada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland oo lamagacaabay, 1: G/Sare Cabdiqani Saciid Saleeban waxaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Nabadgalyada Wadooyinka ee Ciidanka Booliska. 2: G/sare Maxamuud Faarax Maxamed waxaa Loo magacabay Hogaanka Hawlaha ee Ciidanka Booliska. 3:G/sare Cabdi Yuusuf Muuse Loo magacabay Hogaanka Maaliyada iyo Saadka Booliska. 4: G/Sare Axmed Cabdi Nuur loo magacabay Taliye ku xigeenka Hogaanka Saadka iyo Maaliyada Ciidanka Booliska. 5: G/sare Maxamed Cabdi Axmed loo magacabay Hogaanka Tababarada Ciidanka Booliska Puntland 6: G/sare Ayaan Cabdulle Qarbe loo magacaabay Hogaanka xirirka Dadwaynaha iyo Xuquuqul inslaan Ciidanka Booliska 7: G/sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku xigeenka 1aad…
The United States is warning pilots that planes operating at one of Africa’s busiest airports could be “directly or indirectly exposed to ground weapons fire and/or surface-to-air fire” as Ethiopia’s war nears the capital, Addis Ababa. The Federal Aviation Administration advisory issued Wednesday cites the “ongoing clashes” between Ethiopian forces and fighters from the northern Tigray region, which have killed thousands of people in a year of war. The U.S. this week urged its citizens in Ethiopia to “leave now,” saying there should be no expectation of an Afghanistan-style evacuation.
Qunsulka Safaarada Somalida Zambia Yaasiin Seed,ayaa ii sheegay in Dowlada Zambia balan qaaday in aysan dib udhacayn xarigii ama Raafkii maalinkii dhawayd ka dhacay Magaalada Ndola oo kale,isla markaana raali gelin ay ka bixinayaan. Lunga Agaasimaha Hay’ada Socdaalka Zambia,ayaa si cad usheegay in Somalidu Dalkan sharci ku joogto. Madaxda Safaarada Somalida ee Zambia oo Maanta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Laanta socdaalka Zambia ( the Director General of Zambia imigration) , Mr. Denny Lungu,ayaa sidoo kale kawada hadlay arimo muhiim u ah Somalida Dalkaas ku nool,soda uu sheegay Qunsulka Safaarada Somalida Zambia. Safaarada Somalida ee Dalkaas,ayaa lagu dhaliilay sida…
Ergeyga Maraykanka Feltman iyo Ergeyga Midowga Afrika Obasanjo ayaa kusoo laabtay Caasimada Itoobiya ee Adis-ababa. Soo laabashada Labadan Ergay,ayaa lagu micneeyay in ay wadaan fariimo cusub iyo wada xaajood kale. Dhanka kale US FAA waxay uga digtay rayidka Maraykanka khatarta sare ee hawada Itoobiya. Sidoo kale waxaa weli sii socda xariga Dadka caadiga ah Tigreega ee ku nool Adis-ababa.
Waxaan NGO-yada kala shaqayn doonaa sidii loo xaqiijin lahaa warbixinta sheegaysa in Mustaf Cumar Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida uu si khasab ah u Askareeyo Carruurta aan Qaan-gaarin ee Ogadenya, si ay uga qaybgalaan dagaalka Tigreega. Waxaan riixeynaa in Mareykanku uu cunaqabateyn ku soo rogo Madaxweyne Cumar haddii wararkaasi la xaqiijiyo. Von Batten-Montague-York, L.C. waa la-taliyayaal Siyaasadeed iyo Koox u dooda oo Hay’adaha Danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Kooxdan,ayaa ah kuwo galgal weyn leh oo hawlgalkoodu sababi karo in Dowlada Maraykanku talaabo ka qaado Mustafe Cumar. Todobaad ka hor bay ahayd markii Duleedka Jigjiga tababar loogu soo xiray Ciidamo ubadan…
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay wehliyan Wasiir ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ayaa shir la qaatay madax ka socota hay’addaha UNDP iyo UNSOM shirkaas oo looga hadlay dardargalinta iyo dhamaystirka Barnaamijka Hormarinta Booliiska (JPP). Kulanka ayaa waxaa la isku afgartay sidii si habsami leh loogu dhamaystiri lahaa wajiga koobaad ee barnaamijka si loo bilaabo wajiga labaad.
Argagixiso Al-Shabaab ah oo aad Khatar u ahaa kana baxsaday Xabsiga Kamiti ee Kenya,ayaa dib gacanta loogu soo dhigay. Mohammed Cali Abikar, Joseph Juma Odhiambo & Musharaf Abdallah Washiali,ayaa lagu qabtay Kitui,iyagoo ku sii jeeday Somaliya. Shaqo wanaagsan,ayaa la qabtay,inkastoo markii hore yax-yax ku dhacay Laamaha amaanka Kenya.
Mareykanka iyo dalalka ay xulufada yihiin ee Khaliijka ayaa Arbacadii ku eedeeyey Iran inay xasarad Nukliyeer iyo xasillooni darro Bariga Dhexe uga abuureyso gantaalladeeda ballistic-ga iyo diyaardaah drone-ka. Digniintan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen kooxda qaabilsan Iran ee Mareykanka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka kadib shir ay ku yeesheen Sacuudi Carabiya. “Dhammaan ka qeyb-galayaasha waxay ku booriyeen maamulka Iran inuu ka faa’iideysto fursadda diblomaasiyeed ee hadda” ee ka dhalaneysa dib u bilaabidda wada-hadallada Vienna ee looga dan leeyahay badbaadinta heshiiska Nukliyeerka Iran, ayna “ ka hortagaan dagaal iyo xasarad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Wada-hadalladan aan tooska…
BOOSAASO -18,November,2021 Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa ka qayb galay xafladda xil wareejinta Taliyaha cusub ee qaybta Gobolka Bari iyo Taliyihii hore ee qaybta. Munaasabadda xilwareejinta waxaa ka qayb galay qaar kamida golaha Wasiirarada Puntland,Gudoomiyaha Gobolka Bari,duqa degmada Bosaso,siyaasiyiin,Isimo,ganacsato iyo saraakiisha Booliska Gobolka bari. Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabadda xilwareejinta ayaa ku dheeraaday ka haldalka guulaha amniga ee boosaaso laga gaaray iyo wadashaqayn booliska iyo shacabka,Taliyihii hore ee qaybta gobolka Bari G/Sare Xuseen Calli Maxamuud ayuu Taliyaha booliska Puntland ku amaanay shaqadii amni ee baaxadda…
Halkan ka daawo muuqaalka
Guddiga Doorashada Galmudug,ayaa shaaciyay 5- Kursi oo dhawaan lagu bilaabi doono Doorashada Aqalka-hoose. Tani waa mira dhalka safarkii Rooble ee Dhuusamareeb oo uu ku doonayay in Doorashada Aqalka-hoose ku bilaabsto. Rooble waxaa saaran cadaadis xoog badan,kaasoo ku aadan sida habqanka ah ee ay ku bilaabatay Doorashada Aqalka-hoose. Cadaadiska uu wajahayo Rooble, m8dka ugu culus,waxuu uga imaanayaa Beesha Caalamka. Kuraasta Galmudug shaacisay” HOP#043HOP#054HOP#104HOP#067HOP#026
PL iyo JL,Midowga Musharaxiinta iyo Beesha caalamku waxay Maanta kasoo saari doonaan Warar kala gaar-gaar ah Geedi socodka Doorashada. Wararkaas ma noqon doonaan kuwo farxadgaliya Rooble oo ah hogaamiyaha loo daba fadhiyo hirgelinta Doorasho hufan oo laysku waafaqsan yahay. PL iyo JL waxayba ubadan tahay in ay ku dhawaaqaan Kulan deg-deg ah oo lagu badbaadinayo hanaanka Doorashada. Halka Midowgu Musharaxiintu u usticmaali doonaan Warkooda Erayo adag oo Rooble dhagihiisa aan ufiicnayn. Isku soo wada duuboo Rooble markale waxuu wajahayaa caqabado uusan ulahayn khibrad iyo karti. Jibril Qoobey.
James Swan mar uu warbixintiisa uu kaga hadlayey ammaanka dalka Soomaaliya wuxuu sheeegay Nasiib darro, xaaladda ammaan ee Soomaaliya weli waa mid kacsan isaga oo bogaadiyey dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee maalin walba hortaagan Al-Shabaab. Wuxuuna intaa raaciyey Al-Shabaab iney weli khatar weyn ku yihiin amniga Soomaaliya, awoodna ay u leeyihiin in ay joogteeyaan dhaqdhaqaaqyo xoog leh, oo ay ku jiraan isticmaalka walxaha qarxa ee joogtada ah, iyo kororka adeegsiga ismiidaaminta. Ilaa hadda sanadkan 2021-ka, UNSOM waxa ay diiwaan gelisay 964 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay iskahorimaad hubeysan. Al-Shabaab ayaana…
Khilaafkii Farmaajo iyo Rooble Danjire James Swan waxaa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay Qaramada Midoobay iney sii wadeyso la shaqaynta iyo taageeridda saamileeyda muhiimka ah si loo horumariyo hannaanka doorashada. Isaga oo ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah ugu dhaqaaqaan soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka, si loo dhameystiro doorashada baarlamaanka ka hor dhammaadka sanadkan. Swan waxaa kale uu sheegay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka dhex curtay bilihii Agoosto iyo September, uu ka dhashay laba arrimood oo kala ahaa magacaabista saraakiisha sarsare ee nabadsugidda iyo sidii loo maamuli lahaa. Baaritaanka lagu hayo sarkaal ka…
Qaramada Midoobey oo amaantay Doorashooyinkii Qof iyo Cod ee Puntland. Swan ooka hadlayay Golaha amaanka shalay,ayaa si gaar ah uxusay Doorashooyinkii Qof iyo Cod ee Puntland ka qabsoomay. “Marka laga soo tago diyaargarowga doorashada heer Qaran,waxaa si nabad ah u qabsoomay doorashooyin qof iyo cod ah oo bishii Oktoobar ka dhacay Daddex Degmo oo ka tirsan Puntland, taasoo muujisay “suurtagalnimada in doorasho Qof iyo Cod ah ay dhici karto Soomaaliya,waxayna hoosta ka xariiqday rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qaybgalka siyaasadda,iyadoo la raacayo nidaamka caalamiga ah ee Doorashooyinka”.Ayuu yiri Swan. Warkan waxuu uyahay Madaxweyne Deni iyo nidaamka Dowladnimo ee…
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken,ayaa ku celceliyay baaq xabbad joojin ah oo laga sameeyo Itoobiya, isagoo sheegay inuu ka walaacsan yahay in dagaalku uu u gudbo Geeska Afrika. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka,ayaa diiradda saaray dalka Itoobiya isagoo booqanaya dalka ay jaarka yihiin ee Kenya. Blinken,ayaa Lugtan utahay socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu ku tagay Dalalka Saxaraha ka hooseeya. Halkan ka daawo muuqaalka
Musharaxiinta Muqdisho oo ka shalayssn awoodsiintii Rooble,ayaa helay fursad kale oo kusoo celin karta Masraxa Siyaasada Dalka. Hadii Doorasho dhici waydo ugu danbayn December,waxay ku hanjabeen in ay dhisayaan Dowlad Dalka badbaadisa oo Doorasho gaarsiisa. Midowgu waxay lasoo xiriireen PL iyo JL oo usoo jeediyeen in Dalka la badbaadsho oo aan sidan lagu sii fiirsan. Balse PL iyo JL kuma raacin aragtidooda,waxayna ugu jawaabeen in aan la degdegin. Maanta Midowgu waxay fariintoodii gaarsiiyeen Beesha Caalamka si ay cadaadis ugu noqoto. Isku soo wada duuboo Rooble khasaaraha ugu weyn ee siyaasadeed,waxuu gaarsiiyay Beesha uu ku matalo awood qaybsiga. Jibril Qoobey.
Xaaskiisii waxaa loogu raray Doha Qatar,sidoo kalena Daymo uu sheegay in lagu leeyahay,ayaa laga bixiyay. Qoor-qoor iyo isagana gacantaa laysku saaray oo waa la heshiisiiyay. Rooble si buuxda,ayuu ugu laabtay gacanta Fahadkii keenay markii horaba. Gugii Beelaha Hawiye,Kacdoonkii Shacabka Somaliyed,magacii iyo hogaamintii gacanta loo geliyay waa iibsaday. Jibril Qoobey.
Gudiga Doorashada,ayaa utagay Deeq bixiyaasha Shalay,waxayna ka codsadeen oo hordhigeen Miisaaniyad ay ku shaqeeyaan tan iyo Sanadka danbe bishiisa 4-aad. Safiirada Beesha caalamku waxay waydiiyeen su’aal ahayd… Miyaynaan soo gudbin Jadwal Doorasho oo dhigayay in 16-ka Bishan ay bilaabato Doorashadu kuna soo gabagabowdo December? Waxay ku jawaabeen..Haa !! Su’aal kale,ayaa la wadiiyay oo ahayd…. Hadaba ilaa Bisha Afraad ee Sanadka danbe yaad ushaqaynaysaan? Waxay ku jawaabeen..waa hadii ay dhacdo in laysla gaaro !! Safiirada Beesha Caalamku waxay ugu jawaabeen naga raali ahaada !!! Kulankaas shalay waji gabax,ayaa kasoo raacay Gudiga Doorashada Fadaraalka. Jibril Qoobey.
Cali Nuur waa Masuul Da’a ah oo ubaahan in la nasiyo. Xilka qaadistiisan waa mid loo baahnaa oo mar horaba ay ahayd in la sameeyo lalana soo daahay. Ciidanka Asluubta Puntland oo qiyaastii lagu sheego 760-Askari,ayaa ka mid ah kuwa ugu diyaarsan Ciidamada Puntland “Magacaabis” Madaxweynaha Dowladda Puntland markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda CiidanimoWuxuu xeeriyey: Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay…
Rooble waji gabax,ayuu kala kulmay Beesha caalamka,isla markaana waxaa fashilmay isku daygiisii bilaabida Doorashada. Dharbaaxo wajiga looga dhuftay,ayuu ku yahay Rooble Warka Deeq bixiyayaasha ee shuruud ku xirida dhaqaalaha Doorashada. Rooble,waxuu isku dayay in uu dhaqaajiyo Doorashada si uu uhelo dhaqaalaha Deeq bixiyayaasha uguna muuqdo Nin Dalka Doorasho gelin kara,balse waa laga hor yimid qorshihiisii. Ugu yaraan 3-Dowlad Goboleed,ayaa laga rabaa in isku mar Doorashadu si muran iyo dood la’aan ah oo wada ogol ah ay uga bilaabato. Si uu uhelo Sadexdaas D.Goboleed waxuu ku khasban yahay in uu wajaho la xaajaysiga Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo shuruudahooda oo uu ka…
Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway,ayaa qoraalo ay u direen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,Guddiyda doorashada FEIT iyo SEIT waxay ugu sheegeen si cad indhaqaalaha ku baxaya Doorashada ay ku xiran tahay Laba Sharuudood.. Shuruudaha ay ku xireen bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada,ayaa kala ah… 1.In qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashadu inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed. 2.In lacagaha khidmada Musharaxiinta Xildhibaannada laga qaado lagu soo shubo Bankiga Dhexe. Jibril Qoobey.
Xoghayaha Guud waxa uu walaac ka muujinayaa wararka sheegaya xarig aanvsabab lahayn oo lala beegsanayo Qowmiyad gaar ah sabab lahayn,isagoo ugu baaqay ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Halkan ka daawo muuqaalka