Author: Jibril Qoobey.

Blinken,ayaa saacad iyo bar la hadlayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu la yeeshay wada-hadallo markii hore la qorsheeyey 10 daqiiqo oo kaliya. “Tallaabooyin adag waa in loo qaado nabada iyo in dib loo billaabo kaalmada bani’aadaminimo”Ayuu yiri Blinken.. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri Blinken“Waxaan ku celinayaa baaqeena ku aadan in dhammaan dhinacyada ay si deg deg ah u billaabaan wada-xaajood dhab ah oo ku aadan joojinta colaadaha, shuruud la’aan,”. “Mareykanku Meesha kama saarayo in uu dilalka ka dhacay Deegaanka Tigray ku qeexo xasuuq”Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. Jibril Qoobey.

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku boorisay muwaadiniinteeda inay ka baxaan dalka dagaallada ay la degeen Ethiopia, sida ugu dhaqsiyaha badan. Mareykanky waxay shacabka u sheegeen inaysan jiri doonin daad-gureyn la mid ah tii Afghanistan, oo maalmihii ugu dambeeyey kahor qabashashada Taalibaan ay militariga kasoo qaadeen kumanaan qof. Safaaradda Mareykanka ayaa baaqan wadday maalmo, waxayna u sheegeysaa shacabka inay duulimaadyada rayidka uga baxaan dalka Ethiopia, halkaas oo ay suurta-gal tahay in mucaaradka ay usoo ruqaansadaan caasimadda Addis-Ababa. Safaaradda ayaa deyn u yaboohday kuwa aan awoodin inay si deg deg ah u iibsadaan tikit. “Waxa aan sidaas u sameyneyno ma ahan…

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa galinka dambe ee maanta ka shiraya xaaladda Soomaaliya, waxayna warbixin ka dhageysan doonaan Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan, sida ay ku soo warrameyso wariyaha VOA-da ee Qaramada Midoobay Margaret Besheer. Shirkan oo ah mid albaabadu u xiranyihiin ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashada, howlgalka AMISOM iyo arrimaha bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya. Beesha caamalka ayaa hore walaac uga muujisay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashada, iyaga oo ku boorriyay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleeyadyada inay dhammeysitraan geeddi-socodka doorashada. “Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay…

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka hadlay xaalada Itoobiya ee xiligan,ayaa mar kale ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku xiran Itoobiya. “Sida xog-haya guud ee Qaramada midoobay ka warhayo shaqaalahan,ayaa lagu hayaa Xabsi,yadoon wax dambi ah lagu soo oogin, mana jirto xog gaar ah oo laga bixiyay sababaha loo xiray.”Ayuu yiri Xoghayaha Guud. Shaqaalaha Qaramada Midoobay,ayaa shaqo muhiim ah oo dhexdhexaadnimo ah ka wada Itoobiya. Xoghayaha Guud waxa uu carabka ku adkeeyey waajibka ah in la ixtiraamo dhawrsanaanta shaqaalaha Qaramada Midoobay ee caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee Itoobiya. Sidoo…

Read More

Garoowe, November 17, 2021: Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiilladda DPL ay kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland. Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey Miisaaniyadda 2022 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda. Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda, sida ku cad Buugga Miisaaniyadda dhakhliga gudaha sannadkaan ayaa noqonaya $93,363,604 oo bishii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntland, waxaana sannadka 2022 kordhay dhan 11% marka…

Read More

Qabqabashada Dadka Shacabka caadiga ah ee Tigreega,ayaa Toddobaadyadii u dambeeyay ka socotay Xarunta Dalka Itoobiya ee Adis-ababa iyo meelo kale. Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa ka digay kuna tilmaamay wax laga argagaxo in Dad lagu bar tilmaameedsado Sinjiga ay kasoo jeedaan,iyagoon danbi kale aan gelin. Abiy iyo Dowladiisa waxay abaabuleen Ciidamo iyo kooxo ugaarsada Dadka caadiga ah ee Tigreega. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Baadiyow iyo Cabdirashiid Cirro waxay soo abaabusheen qorshe ay ula baxeen Aqoonyahanka Somaliyed. Waxay hal ku dhig ka dhigteen “Doorasho hufan”,iyagoo sheegay in ay tala siinayaan Gudiyada Doorashada,Isimada iyo Odoyaasha si ay usoo saaraan Xildhibaano caafimaad qaba. Balse ujeedku waa ka duwan yahay sidaas,waa qorshe uu soo maalgaliyay Khayre oo si dadban loogu olalaynayo oo Bulshada qaybaheeda kala duwan loogu tilmaamayo in Khayre yahay hogaamiyaha Maanta Somaliya ubaahan tahay. Cabdirashiid Cirro,waxuu xiriir lasoo sameeyay Madaxtooyada Puntland oo ka codsaday in lasoo dhaweeyo oo ay yihiin Aqoonyahano is abaabulay. Madaxweyne Deni oo xushmeeyay xogta hoosana aan hayn,ayaa soo dhaweeyay oo ku…

Read More

Geel tiradiisu gaarayso 53-Halaad oo ay leeyihiin Xoolo dhaqato kasoo jeeda Beesha Harti ee Jubaland,ayaa waxaa toogtay Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya. Laynta Geelan waxay ka dhacday Deegaanka Wafaynle oo ka tirsan Degmada Badhaadhe. 32-Halaad oo kale,ayaa Dhaawacyo halis ah kasoo gaareen toogashadaas,kuwaasoo aan hada wax rajo ah lahayn. Aadan Cabdiraxmaan oo ah Ninka Geelaas lahaa,ayaa ii xaqiijiyay in Diyaaraduhu soo weerareen xili Duhurnimo ah abaarihii 12:30-ka. Aadan,waxuu kaloo noo sheegay in ay jiraan Dad dhaawacyo soo gaareen. Ilaa iyo hada Dowlada Jubaland kama aysan hadlin dhacdadaas foosha xun,mana jirto Gurmad loo fidiyay Dhibanayaashii. Jibril Qoobey.

Read More

Garowe:16 November 2021 Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi,ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madax Xafiiska Unsom ee Puntland. Kulanka oo ujeedkiisu ahaa isbarasho ayay masuuliyiintu kawada hadleen sidii loogawada wadashaqayn lahaa loona hormarin lahaa tabarada iyo mashaarcda ay booliska ka caawiyaan United Nation ka.

Read More

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR Mudane Maxamed Iimaan oo uu wehlinayo Agaasimaha Waaxda Miino Saarka ayaa kulan la qaatay madaxa hay’ada NPA Soomaaliya oo ay wehliyeen saraakiil sare oo ka socda xarunta dhexe ee NPA Oslo. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinka ka qabsoomay Miino Baarista iyo hawlaha horu tabinta leh ee la qorshaynayo in sanada 2022 ay qabsoomaan. Dhamaad. Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-galinta Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dowlada Puntland.

Read More

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi,ayaa maanta shir Guddoomiyeey shir ay isugu yimadeen Madaxda Mashaariicda ay Bangiga Adduunka Puntland ka wadaan. Shirka,ayaa Muhiimadda lagu saaray qorshayaasha Fulay ee mashruuca Tayaynta Hay’ada Dowladda ee CIP, iyo qorshayaasha hortebinta leh ee u qorshaysan mashruuca CIP. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Warqadan kama soo bixin Qaybta Booliska Gobolka Mudug oo waa been abuur,sida uu ii xaqiijiyay Talye Muumin. Majirto Ciidan Boolis ah oo waayay kharashkii hawlgalka roondada,shaqaduna si fiican ayay usocotaa. Sidoo kale Dowlada hoose majirto Lacag ay ka jartay Ciidamada Amaanka,si buuxda ayayna ubixisaa qoondada kaga aadan Amaanka,sida uu ii xaqiijiyay Duqa Magaalada. Markaan dabagalay Warqadan isha ay kasoo baxday waxay noqotay mid ka mid ah Musharaxiinta Duqa Gaalkacyo,kaasoo uga dan lahaa ku fadeexaynta Duqa xilka haya Maxamuud Cabdinuur. Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe: 16 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdi ka socda Bangigga Adduunka oo uu hoggaaminayo Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda Gregory Kasunko. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Masuuliyiinta Dowladda ee wadashaqeynta la leh Bangigga Adduunka, waxaa looga hadlay dardagelinta mashaariicda Bangiga Adduunku uu ka wado Puntland.

Read More

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo Talaadada maanta ah ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, sida ay sheegeen booliska. Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha degmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska. “Illaa iyo hadda waxaa dhaawac ah 33 qof, waxaana 5 ka mid ah ay xaaladdoodu tahay mid daran,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska Fred Enanga, oo shir jaraa’id qabtay, kaasi oo intaas ku daray inay dhinteen saddex qof oo kale. Enanga wuxuu sheegay in qaraxyada…

Read More

Amar Madaxweyne aysy ahayd joojinta Dacwada Dhulka mudo 3-bilood ah Magaalada Kismaayo,sababtoo ah shaqadii kale,ayaa ka socon wayday. Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad waa ku deg-degay soo saarista Warqada,isagoon xog badan ka hayn kulankii uu goobjooga ka ahaa Madaxweynaha iyo Wasiirka Arimaha Gudaha. Balse waxay ii xaqiijisay Maxkamada sare in ay uyeertay Qaadigaas dibna uu uga laabanayo Warqada usoo saaray. Isku qabsiga Dhulka,waxuu ka yahay Jubaland arimaha ugu waa weyn ee amniga khatarta ku ah. Jibril Qoobey.

Read More

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Anthony Blinken,ayaa habeenimadii Talaadada soo gaaray dalka Kenya. Blinken,ayaa kala hadlaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta xasaradaha ka jira wadamada dariska ah ee Ethiopia iyo Sudan iyo sidoo kale doorashada guud ee Kenya ee dhici doonta bisha Ogosto ee sanadka soo socda. Booqashadiisa ugu horreysa ee Afrika. Blinken wuxuu isku dayi doonaa inuu ku nuuxnuuxsado baahida loo qabo in Afrika ay si degdeg ah u soo farageliso colaada Itoobiya Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Golaha ammaanka ayaa muddo sanad ah ku daray muddada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, gaar xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus. Waxa ay goluhu tilmaameen in sidoo kale ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhuxusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday Qaraarka warbixinada la xiriira musuq-maasuqa ee ka jira dalka, gaar ahaan leexsashada hantida guud ee Soomaaliya. Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale waxa ay ugu baaqeen dowladda federaalka inay xoojiso dagaalka Al-Shabaab, si awoodooda loo wiiqo.

Read More

Isku duwaha Gargaarka Deg-dega ah, Martin Griffiths,ayaa maanta $25-Milyan uqoondeeyay Itoobiya si loogu taageero gargaarka bini’aadantinimo iyo ilaalinta rayidka. Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay 15-Milyan oo Dollar oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bini’aadantinimo ee Itoobiya. Hawlgallada bini’aadantinimo ee guud ahaan Itoobiya,ayaa gaaraya $1.3 bilyan, oo ay ku jirto $350 milyan oo wax looga qabanayo Deegaanka Tigreega. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Muqdishu –Saaxiibbada Caalamiga* ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey dhammeystirka doorashada Aqalka Sare ee daba socotay kulanki Golaha Wadatashiga Qaran ee 11 ka Nofeembar iyo ballan qaadka hoggaamiyeyaasha ee dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ugu dambeyn dhammaadka Diseembar 2021. Si kastaba ha ahaatee, Saaxiibbada Caalamiga ahi waxa ay weli si weyn uga walaacsan yihiin jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid waxa ayna ku boorrinayaan hoggaanka Soomaalida, ee dhammaan heerarka dowladda, in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-socodka doorashada ee kuraasta Golaha Shacabka. Waxa aan xusuuusan nahay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan bixineyso beesha…

Read More

Uganda,ayaa dib u dhigtay shir madaxeedka IGAD oo la filayay in maanta, November 15-ka furmo Kampala. Lindah Nabusayi oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Uganda,ayaa u sheegay Wariyeyaasha in Shirka dib loo dhigay mudo todobaad ah. Madaxweynaha wakhtigu ku idlaaday ee Somaliya,ayaa ka mid ahaa Madaxda ku casunayd. Shirkaas,ayaa looga hadli lahaa dagaalka ka socda Itoobiya iyo xasaradaha ka jira Sudan. Lama oga sababta baaqashadda Shirka IGAD ee Uganda,wuxuuse kusoo aadayaa xili Gobolka Geeska Afrika uu booqasho ku imaanaya Blinken. Uhuru,ayaa shalay tagey Addis Ababa, wuxuuna lasoo kulmay Abiy Axmed,waxuuna fariin uga waday Blinken.

Read More

Ciidanka la dagaalanka argagaxisada ee Britain ayaa Axaddii xiray saddex nin, kadib markii baabuur taksi ah uu ku qarxay goob kasoo horjeedda isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee magaalada Liverpool ee Waqooyiga Dalkaas. Booliska ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay nin saarnaa taksiga, halka uu dhaawac kasoo gaaray darawalkii baabuurka.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa u ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug. Socdaalka Rooble ee Dhuusamareeb,waxuu bilow uyahay mid uu ku marayo guud ahaan Dowlad Goboleedyada ka hor Doorashada Xildhibaanada Aqalka-hoose ee dhawaan bilaababaysa. Garowe,waxuu kula kulmi doonaa Madaxweynayaasha Pl iyo JL oo iyaga ay Maanta uga bilaabatay halkaas wada xaajood ugaar ah. Tan iyo kasoo laabashadiisii Qatar Ra’isalwasaare Rooble,waxaan cadayn jihadiisa siyaasadeed.

Read More

Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee Sannadka 2022-ka oo ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa la hor geeyey Golaha Wakiiladda ee Dowladda Puntland. Kulanka Golaha, waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Gudoomiye kuxigeenadiisa. Miisaaniyadda la hor geeyay Golaha Baarlamaanka ayaa dhan $354,093,039. Horayna usoo ansaxiyeen Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland. Golaha Baarlamaanka,ayaa maalmaha soo socda si wayn u eegi doona Miisaaniyadda ay soo diyaariyeen madaxda Wasaaradda.

Read More

FBI-da ayaa billowday baadhitaan kaddib markii kumannaan farriimo e-mail oo been abuur ah laga soo diray mid ka mid ah Server-yadooda, waxaanay fariimahaasi ka digayeen suurtagalnimada weerar internet-ka ah. Hay’adda ayaa sheegtay in dhacdadaas oo subaxnimadii Sabtida laga war helay ay qayb ka tahay “xaalad socota” laakiin ma ay bixin faahfaahin dheeraad ah. Trump oo amar ku bixiyay in la baaro garsoore faraxumayn lagu eedeeyay Farriimahaa la sheegay inay ka yimaaddeen waaxda amniga gudaha ee Maraykanka. Waxaana lagu sheegay in ay digniin ka bixinayaan khatar soo fool leh, waxaana cinwaan looga dhigay: “Degdeg: Halista soo dhex gashay kombuyuutarrada.” E-mail-ladu waxay…

Read More

Safarka Axmed ee Beri iyo Garowe,waxuu daaran yahay ka tashiga sida loo soo saarayo Xildhibaanada Aqalka hoose iyo dadka la siinayo ee Labada Maamul. Rooble safarkiisu waa mid ku salaysan Socdaal uu ku marayo Dowlad Goboleedyada oo uu Garowe ka bilaabay. Balse waxaa jira tuhun Axmed iyo Deni ka qabaan isaga oo uu isku dayayo in uu hoos udhigo. Dhinaca kale waxuu Rooble ka war wareegayaa tan iyo intii uu Qatar kasoo laabtay in Shir horay loogu balansanaa uu qabto. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa soo baxaya warar murugo leh oo ku Aadan baarista Dilkii Ikraan Tahliil! Baaritaankii kiiska,ayaa la sheegayaa in lagu soo gabagabeyn doono in uusan jirin wax cadeymo ah oo la hayo. Ujeedka warbixinta soo bixi doontaa waa in la yiraahdo cadayn looma hayo Ikraan in ay ku dhimatay gacanta Nisa,isla markaana Qof loo Maxkamadayn karaa uusan jirin Kiiskeeda. Hadii Rooble qayb ka noqdo Warbixintaas oo uu aqbalo,waxaa xaqiiq noqon doonta in uu iibsaday cadaaladii Ikraan. Shacabka Somaliyed ee damiirkoodu nool yahay,waa in aysan aqbalin warbixintaas lagu tijaabinayo damiirkooda. Jibril Qoobey.

Read More

Tigree laba ujeedo,ayay dagaalka ugu jiraan oo ay usocdaan in ay gaaraan… 1.In la dhiso Dowlad KMG ah oo fududaysa kala taga iyo Qowmiyadii go’aysa in ay Go’do. 2.In ay helaan Dowlad Adis fadhida oo Konfedereeshin ah,Basaboorka iyo Lacagta kaliyana ay Itoobiyada kale Shirko kula ahaadaan. Si Labadaas ay ugaaraan waa in ay burburiyaan Dowlada hada Adis ka talisa ee aaminsan Itoobiya mid ah oo hal magaalo iyo hal Xaafiis looga taliyo,isla weynida iyo lahaanshaha Amxaaradana ilaalisa. Hadaan nahay Somalida Fadaraalisimka fahansan halkaas,ayaan kawada soconaa oo Tigree isku dhabo,ayaan ku aroornaa. Somalida tirada yar ee aan Beelahoodu aysan saamayn weyn…

Read More

Dawladda Puntland Ee Somaliyed oo 15-ka November Garowe Ka bilaabaysa Hawlgal Balaaran oo Amniga wax weyn ka Tari doona. Siyaasada Amniga Caasimada Puntland,ayaa laga bilaabo maalinka Beri foog ah la dhaqan gelinayaa. Siyaasadan fulinteeda,waxaa ku guuldaraystay Taliskii hore ee Booliska,waxaana durba hada muuqata isbadal hogaamineed. Puntland sharaf ayay utahay in la sameeyo oo la fuliyo Siyaasada Caasimada,inkastoo ay soo daahday hirgelinteedu. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Hogaanka cusub ee Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland,ayaa xilkii kala wareegay Hogaankii hore ee Dembi Baarista (C.I.D) Col.Cismaan Cabdi Yuusuf. Shaqada ugu weyn ee utaal hogaanka cusub ee C.I.D,waa in uu fariisiyo qaybaha Gobolada sifeeyo kana dhex saaro kuwa lagu soo dhex darsaday ee danaha Oubtland khatarta ku ah. Gaar ahaan Hogaanka Gobolada Afarta ah ee Bari,Sanaag,Haylaan iyo Gardafuu Aadan uu keensaday Wasiirka Qorshaynta ee Fadaraalka Jamaal waa in meesha laga saaraa. Waxaa isaguna wax ka badan ubaahan Xarunta Guud ee Garowe. Jibril Qoobey.

Read More

Taliban forces held a military parade in Kabul on Sunday using captured American-made armoured vehicles and Russian helicopters in a display that showed their ongoing transformation from an insurgent force to a regular standing army. The Taliban operated as insurgent fighters for two decades but have used the large stock of weapons and equipment left behind when the former Western-backed government collapsed in August to overhaul their forces. The parade was linked to the graduation of 250 freshly trained soldiers, defence ministry spokesman Enayatullah Khwarazmi said. The exercise involved dozens of U.S.-made M117 armoured security vehicles driving slowly up and…

Read More

Madaxweynaha Kenya Uhuru ayaa gaaray Addis si uu ula kulmo RW Abiy isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in xal siyaasadeed laga gaaro dagaalka Tigray. Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa ku soo dhaweeyay ra’iisul-wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Sahlework Zewde. “Walaalkeyga qaaliga ah madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa lagugu soo dhaweynayaa gurigaaga labaad,” ayuu ra’iisul-wasaare Abiy ku soo qoray bartiisa bulshada.

Read More

Turkey ayaa ku gacan sayrtay baaq ka yimid madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ahaa in dhammaan quwadaha shisheeye ay ciidamadooda kala baxaan Libya. Dalka Libya ayaa waxaa ka socday dagaal sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuuray kaligii taliye Mucamar Qadafi, oo ku baxay kacdoonkii 2011. Turkey ayaa Libya u dirtay ciidamo iyo maleeshiyaad Suuriyaan ah oo ku xiran si ay u xoojiyaan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli, halka Russia iyo dalal kale ay taageerayaan kooxda bariga Libya ee uu hoggaamiyo Jeneraal Khalifa Haftar. Macron ayaa ka sheegay shirka caalamiga ah ee Libya ee Jimcihii ka dhacay Paris “In…

Read More

Dowladda Jabuuti ayaa maanta sheegtay in dhulkeeda aan loo adeegsan doonin “farogelin dagaal” oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah. Hadalkan ayaa yimid kadib markii Jeneral ka tirsan ciidamada Mareykanka uu wareysii uu siiyey BBC-da walaac uga muujiyey saameynta uu dagaalka Ethiopia ku yeelan karo gobolka, islamarkaana ciidamada Mareykanka ee Jabuuti “ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan xasaradda.” Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Jeneraal Willilam Zana, taliyaha saldhigga Lemonier [ee Jabuuti], wuxuu wareysi uu siiyey BBC-da ku sharxay sida ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti ay u fuliyaan howlgallo lagula…

Read More

DEBRESION: “ADISS ABABA INAAN MAAMULNO MA RABNO,WADA HADAL MARKASTA DIYAAR AYAAN U NAHAY”. Hoggaamiyaha kooxda Tplf,Debretsion oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi: “Hawshan hadda socota midii hore ee xilligii 1983 way ka duwan tahay,Addiss-Ababa inaan maamulno uma tagayno.Ajandhayaal baddan ayaa hadda na horyaalla,shacabka Tigreegu inay aayahooda ka tashadaan(Referendum), oo ay iyagu go’aanka gaadhan ayaan rabnaa.Wixii dhibaato soo gaadhay in laga xisaabtamo ayaan rabnaa” “Xoog wax laguma maquunin karo,waan arragnay middaas.Waxkasta awood laguma xallin karo ayaan horay u aaminsanayn,haddana siddoo kale xal siyaasaded in loo baahan yahay ayaan aaminsanahay.Hal maalin xitaa haddii ay Dawladda dhexe u hadhsan tahay,waxaan udiyaarsanahay wadda haddal.”

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika Mr. Keith Hansen iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Soomaaliya iyo kuwa qorsheysan. Ra’iisul Waaaaraha ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageeradiisa hay’adaha dowladda iyo horumarinta midaamka maaliyadeed ee dalka.

Read More

Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada Puntland lagu qabtay shir kusaabsan sidii Qiime dhimis loogu samayn lahaa Gaaska Cuntada lagu karsado kaas oo sare u kac samaynayey mudooyinkii ugu danbeeyey. Sidoo kale Shirka,ayaa ku saabsanaa canshuur dhimis loo sameeyo Gaasaska Cuntada. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanku,waxaa kaasoo qaybgalay Wasiirka Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, wasiiru-dawlaha ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada,Cabdirashiid Cali Geelle, Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Marwo. Saynab Ismaaciil Maxamed iyo Marwo. Faa’isa Cali Ismaaciil, agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada, khuburo iyo Agaasimeyaal…

Read More

Garowe, 14,November,2021 waxaa wasaaradda amniga ka qabsoomay shir looga arinsanaayey dhameys-tirka dhaqangelinta siyaasada tayeynta amniga caasimada puntland. Shirkaan ayaa waxaa shir gudoominaayey wasiirka amniga mudane cabdisamad mohamed gallan waxaana kasoo qaybgalay wasiir kuxigeenka Wasaradda amniga,Taliyaasha ciidaanka Darawiishta,booliska,asluubta,sirdoonka ,Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,Saraakil,Taliyaha qeybta gobolka Nugaal,Gudoomiyaha gobolka nugaal,duqa degmada garowe iyo khuburo ciidan. Gabagabada shirka aya wasiirka oo ay waheliyan taliyaasha ciidanka,gudoomiyaha gobolka,duqa dagmada,taliyaha qeybta gobolka nugal aya qabtay shir jaraa’id,halkaas u Wasiir Gallan ka soo jeediyey dhaqan galinta siyasada amniga in ay bilabmeyso 15,November,2021. Dhamaad.Xafiiska Warfaafinta &wacyi-galinta wasarada Amniga iyo DDR ee Dowlada Puntland.

Read More

Garoowe, November 14, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha DPL oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadibna markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Xeerka ayaa si faah-faahsan…

Read More

Britain’s Queen Elizabeth will not attend Sunday’s Remembrance Day Service at the Cenotaph because she has sprained her back, Buckingham Palace said. “Her Majesty is disappointed that she will miss the service,” the palace said in a statement. The ceremony would have been the 95-year-old queen’s first in-person public engagement since she was advised to rest following a night in hospital last month. The news that the queen would not attend the service in central London, an event that she sees as one of the most significant engagements of the year, will increase concerns around her health after she withdrew…

Read More

Shirkada Isgaarsiinta ee Ethio Telecom (@ethiotelecom) ayaa 3-bilood ee udanbeeyay lumisay 1.9 Bilyan oo Birr, taasoo ay ugu wacan tahay colaadda ka taagan Dalkaas. Adeeg usgaarsiineed kama jiro Deegaamada kala ah… 1.Waqooyiga Wello, 2.Waqooyiga Gonder 3.Guud ahaan Deegaanka Tigreega 4.Qaybo ka mid ah Deegaanka Canfarta. Shirkada isgaarsiinta Itoobiya waa mid ka mid ah Ilaha dhaqaale ee Dowlada Dhexe. Dalkaas kama jirto Shirkad gaar loo leeyahay oo isgaarsiineed. Jibril Qoobey.

Read More

Mareykanka ayaa Jimcihii cunnaqabateyn cusub saaray Eritrea, sababo la xiriira colaadda dhimashada badan keentay leh ee dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia, halkaasi oo uu Mareykanku ka digay in colaaddu ay halis gelineyso “bur-bur” haddii aan laga gaarin heshiis. “Ciidamada Eritrea ayaa ka howlgalay guud ahaan Ethiopia intii ay colaaddu socotay, waxaana ay mas’uul ka ahaayeen xasuuq, dhac iyo xadgudubyo dhanka jinsiga ah,” ayay Waaxda Maaliyadda ee Mareykanku ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Cunnaqabatayntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Ciidanka Difaaca Eretria iyo xisbi siyaasadeedka Madaxweyne Isaias Afwerki, Xisbiga Shacabka ee Dimuqraadiyadda iyo Caddaaladda, iyo sidoo kale xubo kale oo ka…

Read More

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada laba xubnood oo ka harsan xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa dib loogu doortay kursigii uu ku fadhiyay Senator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid. Waxaa isna doorashada maanta ku soo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo noqonaya senator cusub oo Galmudug ku matali doona Aqalka Sare. Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah ka dib markii ay tanaasuleen musharraxiintii kale ee kuraastan kula tartami lahaa ragga la doortay.

Read More

Banking Adduunka (World Bank) ayaa xiriirka u jaray, kana joojiyey shaqooyinkii ay la qaban jirtay Shirkadda la yiraahdo Africa Development Professional Group oo Xafiiskeedu ku yaal Nairobi. Mashruucan ayaa qeyb ka ah xoojinta Hay’adaha Dowliga ah iyo Maareynta Dhaqan Dhaqaalaha ( Public Financial Management) Shirkaddan ayaa Bankiga Adduunka kala shaqeyn jirtay Mashruuc balaaran waddanka Soomaaliya (Somalia Capacity Injection Program) oo ka koobnaa: Kor u qaadidda tayada shaqaalaha DowladdaDib u soo celinta Dadka Soomaaliyeed ee Khibradaha kala duwan lehGudbinta Mushahaarada iyo GunooyinkaXoojinta iyo tayeynta Maamulka QandaraasyadaXoojinta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, Canshuuraha iyo Dakhliga Heshiiska waxaa la galay: Wasaaradda Maaliyadda FederaalkaWasaaradda Qorsheynta…

Read More

6-Dhufays kadib dagaal xoogan ayaa shalay galab ka dhacay magaalada Mile ee Deegaanka Canfarta,kaasoo looga adkaaday Canfartii iyo Militaragii. TDF xalay waxay si buuxda ula waregtay Mile iyo Jidkii Jabuuti. Dagaalka Mile Ilaa 1000 Askari,ayaa ku dhintay oo xasuuq,ayaa ka dhacay,Ciidankii magaalada ku dhex dagaalamayna mid kama bixin.

Read More

Qaramada Midoobay,ayaa ugu baaqday Dowladda Itoobiya in ay sii deyso Shaqaalaha iyo Darawallada xiran. Qaramada Midoobay,ayaa dadaal ugu jirta sidii loo sii dayn lahaa 16-Shaqaale ah oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasoo ay Dowladdu ku xirtay Magaalada Addis Ababa. Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegtay in Itoobiya ay xidhay 72-Darawal oo u shaqaynayay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP . Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.

Read More

Jabhadda Oromada ee OLF,ayaa doonaysa in ay madax kumeel gaar ah u magacawdo guud ahaan Deegaanka Oromia. Hogaamintan,ayaa noqonaysa mid looga hortagayo hakad ku yimaada howlaha hay’adaha dowladda inta lagu guda jiro xilliga kala guurka, waxaana bulshada loogu baaqay in ay la shaqeeyaan Madaxda loo dhiibay. Ama loo magacaabay.

Read More

Government of Tigray Official Press Release on Amnesty International latest report: “On November 10, 2021, Amnesty International (AI) issued a report on sexual violence allegedly committed by Tigrayan forces in the Amhara region. While we acknowledge what Al has over the past one year done to expose human rights abuse in Tigray and other parts of Ethiopia, its latest report is, however, based on a disturbingly flawed methodology, based as it is on a remote video-calling application as well as self-serving testimonies from regional and federal officials. Given this serious procedural error, it would be easy to dismiss the contents…

Read More