Dib u dhaca Doorashada iyo Doorka Raysal Wasaaraha: Shirkii ugu dambeeyay in Golaha Wadatashiga Qaranka,ayaa lagu heshiiyey in doorashada loo dhaqaaqo,caqabadaha jirana RW Rooble kala shaqeeyo Madaxda ay khusayso sidii loo xalin lahaa. Caqabada jiray Waxaa ka mid ahaa: Gedo: 1.Dowaladda Jubbaland iyo Raysal Wasaare Rooble waxay ku heshiiyeen in doorashada ka hor Magaalada Garbahaarey laga saaro Ciidanka Duufaan oo ah cutub ka tirsan Nabad Sugidda iyo Kulane Jiis oo ah Ninka ay ka amar qaataan. 2.Intaa Kaddib MD Axmed Madoobe soo magacaabo Guddiga Heer Degmo ee Magaalada Garbahaarey 3.In Guddiga Doorashada ee Jubbaland ay tagaan Garbahaarey. 4.In Murashaxiinta kuraastoodu…
Author: Jibril Qoobey.
Nabad Tv oo ay leedahay Filsan Cabdi Wasiirkii Haweenka Fadaraalka Itoobiya ee is casishay,ayaa goor dhawayd Magaalada Jigjiga albaabada layskugu dhuftay. Ciidamada Booliska Jigjiga,ayaa sheegay in Tv-gu sii daayay warar lid ku ah Xaalada deg-dega ah ee Dalka la saaray. Filsan,ayaa sheegtay in ay iskaga casishay Wasiirka markay xaqiiqsatay in isbadalkii Itoobiya Wado khaldan uu qaaday. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ataya,ayaa udhaxaysa Kamise iyo Shawa Roobe. Ciidamada Dowlada Abiy,ayaa fiidkii isaga baxay halkaas oo dagaal aad uxoogan maalmahan ka socday,waxayna gaareen Shawa Roobe oo 15-km ujirta. Saacadaha soo socda,ayaa la filayaa in dagaal xoogan uu ka dhici doono,sababtoo ah Ciidamada Tigreega iyo Oromada,ayaa kadaba ruqaansaday. Ciidamada Jamhaduhu kuma aysan hakan Ataya oo ay xigaan Dabrasina iyo Dabra-birhaan oo difaac uusan ka danbayn lagu difaaco Adis-ababa. Jibril Qoobey.
Ciidamada Tigreega oo kaashanaya kuwa Jamhada Oromada,ayaa qabsaday goor dhawayd Magaalada Ataye oo udhow Magaalada Debriburhaan oo Adis-ababa ujirta 130-km. Ilaa Maanta,waxaa socday dagaal xoog leh oo sababay khasaare lixaad leh. Khasaaraha dagaalkaas ka dhashay,waxaa ka mid ahaa in diyaaradaha dagaalka Abiy ay garaaceen Ciidamadiisa si ilduuf ah. Jibril Qoobey.
Diyaarad ka qaaday Cargo-ga caadiga ah Bosaso oo Itoobiyan Airlines ah ayay ubadaleen waxay ahayd mid Ciidan. Saakay waxaan Bosaso imaan Diyaaradii waynayd ee isku qaadi jirtay Xamuulka iyo Dadka caadiga ah. Sidaa daraadeed waxay soo direen Diyaarad kale oo qaada Cargo-ga,waxayna qaaday Shanta Talaagadood oo Aargoosato ah. Majirto Diyaarad Milatari oo Bosaso timid Maanta sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Garoonka Diyaarada Bosaso.
WAR DEG DEGA. Afhayen u hadlay Qaramada midoobay ayaa xaqiijiyay in sagaal qof oo kamida shaqaallaha QM lagu xidhay Addiss-Ababa.Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xili xiisad culus ka dhex alloosan tahay Itoobiya iyo beesha caalamka.
Waa mid ka mid ah Alshabaabkii lagu qabtay Suuj iyo Garmaal xiligii Dowladii Gaas ee ay Doonyaha kusoo galeen oo markale dib loogu qabtay Garowe,isagoo hawlgal raba in uu fuliyo. Waagaas isaga iyo tiro-kale oo Caruur ahaan loogu xareeyay Goob dhaqancelin ah oo ku taalay Garowe,ayaa habeen saq dhexe la sheegay in ay ka fakadeen. Balse dabagal aan ku samaynay dhacdadaas,waxaan ku ogaanay in ay jirtay heshiis dhexmaray Maamulayaashii Xaruntaas iyo Alshabaab. Maanta Dhalinyaradii Alshabaabka ahaa ee xiligaas sida qorshaysan dib looga iibsaday isla Alshabaabkii waxay hawlgalo ka fuliyaan Puntland. Sida xogaha amni tilmaamayaan Garowe way buuxdaa,waxaana ku jira gudaheeda…
Diyaaradaha dagaalka Abiy,ayaa isku khalday Maanta Ciidamada Tigreega iyo kuwa kale,waxayna garaaceen kuwa Dowlada Abiy. Khasaare xoog leh,ayaa laga soo sheegayaa halkaas. Dhanka kale Saldhiga Ciidamada ee Naasareed,waxaa ka dhacay iska hor imaad udhaxeeya Ciidamada Abiy dhexdooda. Dagaal socday ku dhawaad 2-saac,ayaa dhexmaray Laba Ciidan oo midna Saldhiga horay udaganaa mid kalana ahaa ilaalada gaarka ah ee Abiy oo gurmad ahaan ugu yimid Saraakiil ku shiraysay Saldhigaas oo ay is af dhaafeen Sarkaal hogaaminayay Qayb ka mid ah Ciidanka daganaa Saldhiga. Khasasre iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,ayaa ka dhashay Dagaalkaas. Waxaa la sheegay in Saraakiil sar-sare ay usoo aadeen Saldhiga…
Wariye Jamaal Cismaan oo Addis ababa kusugan si dhawna uga soo warama xaalada Ethiopia, ayaa sheegay in Mareykanka iyo wadamada Dunida badankood kala baxayaan shaqaalahooda safaaradaha. Mareykanka,ayaa amar ku bixiyey in shaqaaluhu ka baxaan inta ay helayaan diyaarado shacab. Jamaal,ayaa sheegay in xoogaga TDF & xulafadoodu kusoo wajahan yihiin Magaalada Addis ababa. Zambia,ayaa ka mid ah Dalalka kala baxsy Dakooda Itoobiya,iyadoo ku dhawaad 40-Qof ka saartay Dalkaas kadib amar uu bixiyay Madaxwrynaha Zambia.
Thieves have stolen 541 kilograms of cocaine worth the equivalent of around $13 million from the police in South Africa. The drugs were held inside the office of the Hawks special unit in the town of Port Shepstone in the eastern province of KwaZulu-Natal at the weekend, the police announced on Tuesday. The thieves entered the building through a window and then managed to break into the reinforced cabinets where the seized drugs were being stored. South Africa plays a vital role as a transit country for the illegal trade in Latin American cocaine, especially for onward transport towards Australia,…
Garoowe: 07 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel Ciidan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Amniga. Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi loo magacaabay Hogaanka Dembi Baarista (C.I.D) ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Waxaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka…
Garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa,waxaa ka dhoofay diblomaansiyiinta dowladaha reer galbeedka ee ka howl galayay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu amray in ay isaga baxaan dalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidamada Tigray ee Ethiopia, kooxo kale oo hubaysan iyo kuwa mucaarad ah ayaa dhisay isbahaysi ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyaga oo raadinaya isbeddel siyaasadeed ka dib sanad uu socday dagaal qaraar, sidaasina waxa ay AP ka soo xigatay qabanqaabiyeyaasha. Saxiixa Jimcaha maanta ah ka dhacay magaalada Washington ayaa waxaa kooxaha ku biiray ka mid ah ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jira ciidamada Ethiopia iyo kuwa huwanta ah. Sidoo kale, waxaa ka mid ah ciidanka xoreynta Oromada oo hadda ka barbar dagaalamaya kuwa Tigreega iyo 7 kooxood oo kale oo ka kala yimid qeybaha dalkaasi. Isbaheysigan ayaa la…
Ergayga Maraykanka ee Geeska,ayaa kusii socda Adis-ababa. Fariintii ugu danbaysay,ayuu udidaa Abiy,taas oo xanbaarsan Dalka uu degi doono Abiy iyo xaqiijin in aan danbi loo haysan haduu badbaadiyo Caasimada oo uu ogolaado in uu iskaga baxo,iyadoon Dhiig ku daadan. Adis-ababa 6-Aag,ayaa looga soo dhawaaday oo kan ugu fog uu yahay 60-Km. 4-Aag Oromo iyo Binshaagul wada socda,ayaa taagan,2-Aag Tigree,ayaa heegan ku ah. Maraykanku waxuu ku amray Tigreega iyo Oromada in aysan soo gelin Magaalada. Dhanka kale Asiyas Ciidankiisii waxay kusoo qaadeen Weerar Baadhame xalay,waana lagu jabiyay,markale ayay isku dayeen Weerar kale waana la celiyay. Jibil Qoobey.
Jeffrey Feltman, special envoy for the Horn of Africa, will hold talks on Thursday and Friday to urge “all Ethiopians to commit to peace and resolution of grievances through dialogue,” a State Department spokesperson said. “The United States is increasingly troubled by the expansion of combat operations and intercommunal violence in Ethiopia and is closely monitoring the situation,” the spokesperson said Wednesday. The Tigray People’s Liberation Front (TPLF), which has been fighting Prime Minister Abiy Ahmed’s government for a year, has claimed significant territorial gains in recent days and has been marching southward. The allied Oromo Liberation Army said that…
Madaxweyne Deni waa iska diiday in uu si gaar ah ula kulmo Wasiirka Beeraha Fadaraalka ee Qardho utagay Xarunta Ayaxa ee xariga laga jarayay. Ina Ciid waa mid ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland kasoo jeeda oo hadana khatarta ku ah Amnigeeda iyo horumarkeeda. Waxuu qayb ka ahaa qorshayayaal ka dhan ah Puntland oo Dowlada Farmaajo 4-tii sano ee ay xukunka haysay ay fulisay. Sidoo kale waxuu door kulahaa siyaasada Fadaraal diidka ah. Ina Ciid hada waxuu isku dayayaa in uu soo dhex raaco Mashruuca Ayaxa si uu uhelo Xildhibaan uu Puntland ku dhibaateeyo markale. Madaxweyne Deni waa ku amaanan yahay…
Xasuuqii lagu sameeyay Dadka Tigreega baaristiisu waxay maraysaa heer caalami. Xogaha laga helayo,waxay sheegayaan in danbiyo waa weyn ay dhaceen,kuwaasoo Maxkamad lagu gayn karo Dadka fulyay. Abiy iyo Mustafe Cagjar waxay safka hore uga jiraan Dadka la eedaynayo. Xaaladu ma fududa,waana sababaha Abiy isku casi la’a yahay oo uu ka walwalsan yahay. Halkan ka daawo muuqaalka
Puntland sababaha ay ujoojisay soo gelinta ama isticmaalka Diyaaradaha Drons-ka waxaa ka mid ah xogahan Amni ee horay loo helay. Drones-kan waxaa xiligan Dalka loo keenay,waa fulin hawlgalo Amni daro. Nisa,ayaa qabatay waxba kama jiraan waa war Saxaafada loogu talagalay. Sheegashada Sakariye waa marin habaabin markii wax fashilmeen. Ujeedku waxuu ahaa in Qaraxyo iyo qorshayaal Amniga lid ku ah lagu fuliyo. Goobaha ugu muhiimsan ee la rabay in laga fuliyo qorshayaashaas waa Puntland,iyadoo lagu soo gelin lahaa Mashruuca la dagaalanka Ayaxa ee Xaruntiisa ugu weyn laga dhigay Qardho. Hawshan waa qorshe sirdoonka Qatar ka yimid shakina laga qabo in Turkigu…
900 oo Tigree ah oo ka mid ahaa Police-ka Adis-ababa oo loo taxaabay Xabsiga Maanta. 820 Tigree ah oo Fadaraal Police-ka Itoobiya ka mid ahaa oo loo qaaday meel aan la garanayn. 100 Tigree ah oo ka mid ahaa Ciidanka Cirka Itoobiya oo lagu xiray Xabsi gaar ah. Adis-ababa,waxaa si xawli ah uga socda weerarada lagu beegsanayo Ganacsatada,Ardayda iyo Saraakiisha Dowlada ee Qowmiyada Tigreega kasoo jeeda.
A statement with respect to the Joint Investigation Team Report of the EHRC and UNOHCHR We take note of the report of the Joint Investigation Team (“JIT”) of the Ethiopian Human Rights Commission (EHRC) and the UN Office of the High Commissioner for Human Rights (OHCHR) released into alleged human rights violations and abuses committed in the context of the conflict in Tigray region. I would like to extend my appreciation to the leadership and staff of these two institutions for their endeavor to conduct a professional and credible human rights investigation in very difficult circumstances. Although we have some…
Shirkada Meta ayaa sheegtay inay Facebook ka saareen qoraal uu Abiye Ahmed soo galiyay,oo uu bulshada ugu baaqayay inay hubka qaatan oo ay ka hortaaggaan Tplf.Afhayen u hadlayay shirkada ayaa sheegay in qoraalkas ka saarreen maadama uu shuruucdooda jabiyay.
Madaxweyne Deni,waxuu ubaxayaa Qardho,kadib Muqdisho,sida wararku sheegayaan. Xamar waxaa ka dhici doona Shir muhiim ah,sida wararku sheegayaan. Deni,waxaa la filayay in uu Kenya udhoofo Maanta. Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa kaga sii horeeyay Nayrobi oo Maalin ka hor aaday. Jibril Qoobey.
US and Russia Tell Citizens to Leave Ethiopia. US and Russia advised their citizens to leave the country following Ethiopia’s announcement of a nationwide state of emergency after Tigray forces #TDF captured several towns in recent days and said they might march on Addis.
Dhamaan Diyaaradaha Adis-ababa ka baxaya oo buuxa. Markii laga soo tago Diblomaasiyiinta iyo Shacabka Itoobiyaanka ah,waxaa iyaguna si weyn ubaxsanaya Shaqaalaha Dowlada Itoobiya. Maraykanka,ayaa goordhawayd ugu baaqay Muwaadiniintiisa in ay samaystaan qorshe ay Itoobiya uga baxayaan.
US embassy in Addis tells American citizens in Ethiopia to consider making plans to evacuate the Country: Safaaradda Maraykanka ee Addis,ayaa u sheegaysa muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan Itoobiya in ay iskaga baxaan Dalkaas.
Dagaalkii Dabrabirhan,ayuu marayaa,iyadoo Labada Ciidan ee Tigraay iyo Oromo ay kulmeen oo ay wada socdaan,waxaana loo jiraa 138-KM Adisababa. Caawa rasaas,ayaa Aagaas ka socota xoog badan. Hadalkii Abiy ee ahaa dagaal adag oo gudaha dawladaydaan galaynaa,waxaa loo fasirtay in Xukuumadiisa iyo Ciidamadaba lagu dhexjiro oo uu rabo in uu Wasiiro iyo Saraakiil Laayo.
Jubaland,waxaa dhawaan ay bilaabi doontaa dhismaha Ciidamo Boolis Badda ah. Ciidankaas dhismihiisa,waxaa Jubaland ka caawinaya Midowga Yurub. Jubaland Marine Police Forces,ayaa lagu bilaabayaa dhismahooda 100-Askari oo qalab casri ah lagu qalabayn doono. Sidoo kale mudo Hal Sano ah,waxaa dhaqaalahooda bixin doona isla Midowga Yurub. Jubaland baahi ayay uqabtaa Ciidan Badda ka hawlgala oo la dagaalama argagixisada iyo Kaluumaysiga sharcidarada ah. Jibril Qoobey.
Hub iskugu jira Miinooyin casri ah iyo Anti Taangi oo ka yimid Masar una gudbay Tigreega,ayaa maray Dekeda Jabuti. Sidoo kale Bangiyada Jabuti,waxaa la mariyay Lacag fara badan oo Tigreega ku socotay. Ismaaciil Cumar Geelle,waxuu ku dooday in Hubkaas uu ahaa mid Jabuti soo iibsatay,balse sirdoonka Itoobiya waa ogaadeen in uu Tigree usocday una gudbay. Arintaas waxay xasarad xoog leh ka dhex dhalisay labada Nin ee Abiy iyo Geelle,waxaana dhici karta in Abiy uyeerto Safiirkiisa Jabuti. Tigreegu waxay todobaadkii ugu danbeeyay heleen Taangi duleeliso casri ah,Miinooyin muhiim u ahaa iyo Lacag Kaash ah. Jibril Qoobey.
Maraykanka,ayaa xaqiijiyay in Itoobiya dalka Iran ka heshay diyaaradaha Drones-ka,kuwaas oo la sheegay in ay dagaalka Waqooyi u adeegsadeen. Eedaymahan,ayaa kusoo Aadaya xili Maraykanku cunaqabatayn hor-leh kusoo rogay Iran. Iran,ayaa Abiy uga badalatay Diyaaradahan in ay Qalab Milatari oo u socda Xuutiyiinta Yemen ay ku dhex qarsanto Maraakiibta Badeecadaha uqaada Itoobiya ee Jabuti taga,maadaama ay Badda ilaalo ka hayaan Ciidamo Caalami ah. Jibril Qoobey.
Desie TPLF waa kor taagan tahay oo 18-km ayay ujiraan,waxa ay ka fogaanayaan in gudaha Magaalada ay ku dagaalamaan oo burbur soo gaaro Dhismayaasha. Ciidamadii Abiy iyo Jamhadii Amxaarada,ayaa iskaga sii cararaya Magaalada. Desie oo ay si buuxda uqabsadaan Tigreegu waxay ka dhigan tahay in Adis-ababa ay gacanta ku hayaan. Jibril Qoobey.
Muhiimada istaraatiijiga ah ee magaalada Dessie u leedahay ciidamada Tigrayga: Marka koobaad Magalada Desie waxay waqooyi-galbeed kaga beegan tahay Kembolcha taasoo ku taala meesha ay iska galaan waddooyinka Addis Ababa iyo Asmara (Asseb) iyo Jabuuti. Marka labaad magaalada Desie waxay xuduud la wadaagtaa labada deegaan ee Canfarta iyo Oromia. Sidoo kale waa magaalo kala badha Meqele & Addis Ababa. Marka saddexaad Desie waa magaalo ku taal meel istaraatiijiya waxaana soo gala ama kabaxa afar waddo oo istiraatiji ah ooy ugu mihiimsantahay wadada Djibouti-Corridor. Istaratajiyadaha magaaladani waxay sahlaysaa inay isku xidhmaan ama bar kulan u noqoto ciidanka Tigreega & ciidaanka Jabhada…
Ruush iyo Maraykan waxay wada tageereen Afganbigii ka dhacay Dalka Sudan ,waxaana laga codsaday Alburahan in uu Dowlad soo dhiso. Hamdu,ayaa eersaday daba orodkiisii Abiy iyo Afawerqe,sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan. Waxaa jira isfahan Maraykan iyo Ruush ah oo ka dhan ah siyaasada Abiy ee Geeska Afrika una muuqata in laga heshiiyay meesha sidii looga saari lahaa.
Hala yaabin Rooble oo iscasilay ama lagu khasbay in uu Kursiga baneeyo hadaad ku waabariisato subax subaxyada ka mid ah. Waxay umuuqataa in Rooble dhaqaajin la’a yahay Tareenkii Doorashada ee loo dhiibay,ahaana shaqada kaliya ee laga sugayay. Diblomaasiyiin uu uwaramay Rooble,ayuu usheegay in guud ahaan Madaxda Somalida aysan diyaar u ahayn Doorasho xiligan oo ay ka midaysan yihiin lug jiidka,cida kaliya ee rabta Doorasho in ay dhacdana ay isaga tahay. Ilo kale oo xog ogaal ah waxay xaqiijinayaan in Rooble xiligan go’doon ka yahay Madaxda kale ee Somalida. Deni,Axmed,Qoor-qoor,Guudlaawe,Laftagaren iyo Farmaajo intuba waxay tuseen,iyaga oo aad moodo in ay ka…
Soomaaliya oo si aad uga walaacsan xariga safmarka ah ee loo geystay Soomaalida ku nool dalka Zambia Muqdisho, October 29, 2021 – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalasho ahaan, waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka loo xummaaday.
Mogadishu – With the peaceful completion of polling and announcement of preliminary results from ‘one person, one vote’ electoral process in three districts of Puntland, international partners* congratulate the people of Puntland for leading the way towards instituting a system of universal suffrage elections across Somalia. The international partners welcome the enthusiasm shown by the population of the districts of Qardho, Eyl and Ufeyn, as shown by the high number of voters who turned out. We look forward to the completion of additional voter registration and the roll-out of state wide local government elections in Puntland in 2022. The partners commend…
Dacwad oogayaasha France ayaa Jimcaha maanta ah amar ku bixiyay in maxkamad la soo taago kabtanka markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Britain kaasi loo haysto in uu soo galay biyaha Faransiiska ruqsad la’aan, waxayna taasi sare u sii qaadaysa muranka xuquuqda kalluumaysiga oo keeni kara loollan ama dagaal dhanka ganacsiga ah. Maamulka badaha ayaa markabkan gacanta ku dhigay Arbacadii, iyagoo sheegay in aaladda lagula socdo maraakiibta ay ku ogaadeen in uu ka aruriyay in ka badan laba tan oo kalluun ah biyaha Faransiiska iyada oo aanu haysan shati ama ruqsad. “Kabtanka markabka Cornelis Gert Jan ayaa loogu yeeray in…
Muqdisho – Iyadoo si nabad ah ay ku soo gebagebowday codbixintii iyo ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee hanaanka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Puntland. Saaxiibada beesha caalamka* waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Puntland ee hormuudka u ah hirgelinta nidaamka doorashada guud oo ka hirgasha Soomaaliya oo dhan. Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhawaynayaan xamaasadda ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, sida ka muuqata tirada badan ee codbixiyaasha ah ee soo baxay. Waxaan rajaynaynaa dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha dheeraadka ah iyo soo saarista doorashooyinka dawladaha hoose ee guud ahaan dawlad goboleedka…
Jeneraalka sare ee Maraykanka Mark Milley ayaa walaac ka muujiyay wax uu ugu yeedhay tijaabadii gantaalka codka ka dheereeya ee Shiinaha. Dalka Shiinaha ayaa dhawaan tijaabiyay gantaal sii huriyay xiisadda kala dhaxaysa Maraykanka. Abbaanduulaha ciidanka guud ee Maraykanka Mark Milley ayaa ku tilmaamay tijaabada gantaalka Shiinaha mid la mid ah dhacdadii tartankii hawada sare ee 1957-dii ay Midowgii Soofiyeetku hawada sare ugu direen dayax-gacmeedkii Sputnik 1, taasi oo dhalisay tartankii hawada sare oo ka dhex-abuuray Soofiyeetkii iyo Maraykanka xiisad ballaadhan oo dhinac walbe ah. Shiinaha ayaa ganafka ku dhuftay eedaymaha Maraykanka, kuna sheegay tijaabadan mid caadi ah.
Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay iska baddashay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta, tallaabadaas oo qayb ka ah isbaddal weyn oo lagu sameynayo shirkaddan. Waxaa sidooda ahaan doona adeegyada Facebook, Instagram iyo WhatsApp balse shirkadda wayn ee ay hoos imaadaan oo markii hore xitaa dusha sare ka ahayd Facebook ayaa loo yeelay magaca cusub. Maamulka shirkaddan ayaa sheegay inay “sii badinayaan” waxa uu magacooda ka dhigan yahay marka loo eego adeegyada ay qabtaan, kuwaasoo ka gudbay baraha bulshada oo hadda gaaray meelo kale sida muuqaallada qalabka indhaha la isu galiyo. Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook…
Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabay eedeymo sheegayay inay taageero milatari u fidiyeen ciidammada dowladda ee dhawaan magaalda Guriceel kula dagaalamay meleeshiyada Ahlu Sunna. Hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee shalay ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo dagaallo ay ka socdeen, ayaa ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen dagaalkaas iyo weerar loo geystay labo isbitaal iyo xafiiska hay’ad gargaar oo magaaladaas ku yaalla. Eedeymaha qaar ayaa sheegayay in hubka culus ee ay dowladda adeegsatay laga keenay bakhaarada hubka ee AMISOM. Balse AMISOM oo arrintaas ka jawaabeysay ayaa…
Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay xireyso toddoba Masaajid iyo ururo kale oo ay leeyihiin Muslimiinta dalkaas ku nool dabayaaqada sannadkan 2021-ka. Paris ayaa la sheegay inay ku sabababeysay go’aankeeda xagjirnimo ka jirta goobahaasi ay xireyso inkasta oo ururada Muslimiinta Faransiisku ku macneeyeen inay tani qeyb ka tahay ololaha Islaam nacaybka ee dowladda madaxweyne Macron. Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmian ayaa sheegay in Masaajid ku yaala magaalada Allones ee Waqooyiga Galbeed ee Faransiiska lix biloood la xidhay iyada oo lagu saleeyey u nuglaanta xagjirnimada, waxa kale oo ay dowladu la wareegtay kootadii bankiga ee Masaajidka.
Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii u yeeray safiirada Lubnaan u jooga dalalkaas kadib hadal uu wasiirka warfaafinta dalkaas George Kordahi ku cambaareeyey howlgalka militari ee Riyadh ay hogaamineyso ee ka dhanka ah mucaaradka Yemen. Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey Isniintii ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.” Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.” Wasaaradda Arrimaha Dibedda…
Over the last few years, Kizilay Square in the heart of Ankara has experienced a unique kind of gentrification. The Turkish capital’s growing Somali community has established restaurants, cafes, clothing stores and consultancy businesses for bilateral trade here, slowly turning the decaying area into a vibrant neighbourhood. However, the prosperity of a Somali-dominant neighbourhood has become a target of abuse in Turkey, where anti-immigrant sentiments are on the rise. In April, Sozcu daily, a rightwing Kemalist newspaper known for its anti-immigrant coverage, featured this area in a report and put it on the radar of the nation
Waxaan hambalyo u dirayaa Dowlada iyo shacabka Puntland talaabada ay u qaadeen dhinaca dimuqraadiyada taas oo degmooyin kamid ah laga qabtay Doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo cod oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka. Talaabadan oo ah mid mudo dheer ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed waxaa hada muuqata rajo weyn oo ah in meelaha duruufaha amniga iyo siyaasadu ay saamaxayaan laga qaban karo Doorashooyinka shacabku ay kusoo xulanayaan cida matalaysa. waa arin bogaadin mudan in Puntland ay noqotay Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee hirgaliya waxaana rajaynayaa in Dowlad Goboleedyada kalana ay ku dayan doonan. Doorashooyinka dadweynaha waa fursad weyn oo shacabka loogu…
Gudiga Doorashooyinka Puntland,ayaa Shaaciyay natiijada doorashada Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari.
Natiijada hor u dhac ah: Eyl” Waxay u badan tahay in Ururka KAAH ku guuleysto oo helo tiro ku filan Doorashada Duqa. Kaalinta Labaad waxaa ku jira Mideeye Ufeyn” Codka la tiriyey waxaa horeeya KAAH,balse Ururada Mideeye iyo Sinaan iyo Cadaalad aad ayay ugula tartameen. Qardho” Waxaa weli socda tirintii codadka Deegaankii ugu danbeeyay,waxaana ugu horeeya KAAH,sidoo kale labada Xisbi Mideeye iyo Sinaan iyo Cadaalad,ayaan waxba ka danbeyn Ururka KAAH. Waxay ubadan tahay in Qardho KAAH ka helo 12-Xubnood Golaha 33-da ah,taasoo aan usuurta gelin karin in uu kaligii Duqa dhisto. Haddaba haddii labada Xisbi ee Mideeye iyo Sinaan iyo…
As a result, Al Shabab are at their strongest in years. They roam the countryside, bomb cities and run an undercover state, complete with courts, extortion rackets and parallel taxes, that netted at least $120 million last year, by American government est. Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday xogta dowladda Mareykanka ee ku aadan dhaqaalihii sanadkii hore soo galay kooxda Al-Shabaab. Warbixinta ayaa lagu sheegay in qiyaastii dowladda Mareykanka ay muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.…
“Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen kooxda Ahlu Sunna.”Ayaa lagu yiri War kasoo baxay Warbaahinta Dowlada Fadaraalka. “Ciidamada oo ay la socdeen maamulka magaalada ayaa si nabad ah ku galay gudaha waxaana ay ku sugan yihiin ilaa dhowr xaafadood oo ka tirsan magaalada Guriceel. Wariyayaasha gobolka Galgaduud ee warbaahinta Qaranka ayaa soo wariyay in kooxaha Ahlu suna ay isaga baxeen inta badan magaalada isla markaana ay faarujiyeen xarumo muhim ah sida saldhiga Booliska.”Ayaa lagu sii yiri qoraalka. Inkasta oo ay…
Xoogagii Ahlusunna,ayaa ka baxay Magaalada Guriceel Saldhigii Booliska iyo Goobo kale oo muhiim ah. Ciidamadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa caawa Gudaha u galay Magaalada Guriceel, halkaasoo labo Usbuuc ay haysteen Xoogaga Ahlusunna.
Dhaarinta Shaqaalaha maalinta doorashada ka shaqayn doona Degmada Qardho. Halkan ka daawo muuqaalka dhaarinta Qardho Dhaarinta Shaqaalaha maalinta doorashada ka shaqayn doona Degmada Ufayn.
Mustafe Cagjar oo umagacaabay Gudoomiyayaal cusub Gobolada Deegaanka Somalida Itoobiya. Sidoo kale waxuu magacaabay Ku xigeeno Madax Xaafiiseeedyo heer Deegaan. Liiska ku-xigeennada Madax-xafiiseedyada heer Deegaan ee Mustafe Cagjar magacaabay.
Halkan ka daawo muuqaalka isu soo baxa Qardho
Ciidamada Difaaca Cirka ee Tigreegu waxay Maanta ku guulaysteen in ay Dabxir ku sameeyaan Hawada Caasimadooda Makelle oo ay soo geli waayaan Diyaaradaha Abiy. Meel dhexe ayay wax ku daadiyeen Diyaaradihii Ciidamada Abiy ee qorshuhu ahaa in ay Maalinkii 3-aad garaacaan Maqale. Ciidamada Tigreega,ayaa isticmaalayay Gantaalo casri ah oo Maraykanku farsameeyo. Waa Gantaalada Garabka laga rido ee qaybta ka ahaa difaaca Hawada Maqale ee caasimada Tigreega. 3-jeer ayay isku dayeen Diyaaradaha Abiy in ay soo galaan Hawada Maqale,balse waa usuuroobi wayday. Gantaaladan waa kuwo casri ah oo ay ku qalabaysan yihiin Ciidamada Tigreegu. Jibril Qoobey.
Wasiirkiii hore ee Dimuqraadiyada iyo xiriirka caalamiga ah Itoobiya oo kasoo jeeday Qowmiyada Tigreega,ayaa baxsaday,waxuuna shir jaraa’id oo uu ku dhaleecayno Abiy hogaamintiisa iyo qorshiiisa isir tirtirka Tigreega ku qabtay Nayrobi. Abraham Sadik,ayaa ka mid ahaa Golihii Wasiirada ee Dowladii tan ka horaysay ee Abiy. Baxsashada Wasiirkan waxay kaloo kusoo aaday iyadoo Duqa Caasimada Adis-ababa iyo Madaxa Sirdoonka Itoobiya ay Caruurtoodii ka saareen Itoobiya. Kadib wararkaas,waxaa guux ka dhex bilowday Xukuumada cusub ee Abiy,taasoo keentay in la amro ka qaadista Basaboorada dhamaan Golaha Wasiirada iyo Madaxda kale ee muhiimka ah si aysan ubaxsan. Jibril Qoobey.
Qodobada heshiiska Rooble iyo Farmaajo” 1-In sii yahay Agaasimaha Hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka sii ahaado Yaasin Faray ilaa laga soo Magacaabo Agaasime. 2- in Bashiir Goobe loo Magacaabo Wasiiru Dowle. 3- in Wasiirka Amniga ahaado Cabdulaahi Maxamed Nuur. 4-in la dardargelinta Doorasho ku qabsoonta sida ugu dhow. 5- in laiska kaashado la dagaalanka Argigixisada Alshabaab.
Farmaajo iyo Rooble,ayaa xal ka gaaray arrimihii ay ku kala aragti duwanaayeen,waxayna soo saareen war-saxaafadeed ku saabsan Qodobbadii ay ku heshiiyeen. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxamed Nuur oo ahaa sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka booliiska ee magaalada Minneapolis, xabsina ugu jiray dilkiiJustine Ruszczyk, ayaa maanta dib loo xukumay. Maxamed ayaa lagu xukumay ku dhawaad 5 sano oo xabsi ah, shantaas sano ayaa waxaa laga gooynayaa, dhawrkii sano ee uu xirnaa, waxaana laga yaabaa inuu bisha July ee sanadka danbe xabsiga ka soo baxo. Dhawaan ayaa maxkamadda Sare ee gobalka Minnesota waxaa ay tuurtay xunkunkii 12 sano iyo barka ahaa ee hore loogu xukumay Maxamed, kaasi oo maxkamaddu ay u aragtay in aanu cadaaladda waafaqsanayn. Garyaqaanada Maxamed Nuur ayaa maxkamadda waydiistay in 41 bil lagu xukumo…
Taliska Booliska Gobalka Mudug,ayaa kaga qayb galay degmadda Goldogob shir uu soo agaasimeen Guddiga hormarinta degmadda Goldogob,kaas oo looga hadlayeey Amniga degmadda iyo hormarinteeda. Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii looga hortagi lahaa dad diidan hormarka degmadda,waxaana la isla gartay in gacan bir ah lagu dhigu cid walba oo khalkhal galinaysa amniga Degmadda.
