Author: Jibril Qoobey.

Shirkii,waxuu kusoo idlaaday sida ay qorshaysteen Dowlad Goboleedyada. Arimaha muhiimada lahaa ee in la xuso mudan waa… 1.Ergada waxaa soo xulaya Odoyaasha iyo Bulshada Rayidka ah,taasi waxay ka badbaadisay Madaxda D.Goboleedyada in ay iska hor yimaadaan Beelaha. 2.Odoyaasha soo xulaya Ergada dooranaysa Xildhibaanka,waxay ka imaanayaan kuwa u Diiwaan gashan Wasaarada Arimaha Gudaha ee D.Goboleedka,halkaas waxaa ku dhintay Odoyaashii ay Dowlada Fadaraalku diyaarsatay,waxaana dabar lasoo gashtay Odoyaasha awooda uyeelanaya wax soo xulida,si gaar ah Qodobkan waxuu nafis u yahay Jubaland. 3.Labada-Xubnood ee Bulshada rayidka ka imaanaysa ee wax soo xulaysa,waxaa soo magacaabaya Gudiga Doorashada heer D.Goboleed,taasoo ka dhigan in Madaxweynaha D.Goboleedku…

Read More

Gudiga doorashooyinka heer Fadaraal oo qarka usaaran in uu burburo,kadib khilaaf xoog leh oo ka dhex qarxay. Khilaafka Gudigu isku hayaan,waxa uu yahay doorka Dowlad Goboleedyada ee Doorashada Aqalka-hoose. Heshiiskii 17-Sep,waxuu dhigayay in soo xulida Ergada Dooranaysa Xildhibaanada ay ka kala yimaadaan Dowlad Goboleedyada,Bulshada Rayidka ah iyo Odoyaasha Dhaqanka. Balse Baarlamaanka Fadaraalka markii la horgeeyay waxa uu ka saaray doorkii Dowlad Goboleedyada. Intii ka danbaysay wax ka badalkii Baarlamaanka layskuma soo qaadin doorkaas ,waxayna umuuqatay in Dowlad Goboleedyadu ku qanacsan yihiin wax ka badalkii Baarlamaanka. Haatan waxaa soo laba kac leeyay Dowlad Goboleedyadii oo cadaadis ku saaraya Gudiga in ay…

Read More

“We went to Afghanistan almost 20 years ago with clear goals: get those who attacked us on September 11, 2001 — and make sure al Qaeda could not use Afghanistan as a base from which to attack us again. We did that — a decade ago. Our mission was never supposed to be nation building” Waa hadal cad oo ku fadhiya ujeedooyin qeexan. Maraykanku waxuu hubsaday in Afgaanistaan iyo caalamka kale aysan jirin khatar argagixiso oo uga imaanaysa. Gelidii Afgaan waxay fududaysay oo jidmar u ahayd dano badan oo reer Galbeed oo hada umuuqda in la dhamaystiray. Ugu danbayn Maraykanku…

Read More

Kadib markay dowlada Ethiopia xiray safaaradii ay ku lahayd dalka Talyaaniga magaalada Roma, ayey safiiradii wadanka Talyaaniga u fadhiday Ethiopia magangalyo siyaasadeed ka dalbatay Isla Italy. Ma aha diplomacy gii koobaad ee Ethiopiana ee qaxootinimo ka codsaday wadamada Galbeedka ee ay Ethiopia ku matalayeen, waxaa iswada dhiibay dhammaan diplomacy-siyiintii dhimista lagu sameeyey & kuwii la xiray safaaradihii ay ka hawlgaleen, Safaaradaha ku yaalay inta badan Yurub iyo Mareykanka ayey is dhiibeen diplomacy siyiinta joogtay, waxaa kale oo Mareykanka iska dhiibay safiirkii Chine u fadhiyey Ethiopia. A.A.Shu

Read More

Dood ka baxday Al Jazeera oo lagaga dooday xaalada Ethiopia ayaa daaha ka qaaday waxa la isku hayo. Sadex Qodob ayay ku saleeyeen Aqoonyahanka dooda ka qaybgalaya dulucda arimaha laysku hayo,kuwaasoo kala ah… 1.Dowlad dhexe oo lamida midii Dergiga iyo Mililik oo awooda dowlada Addis la isugu geeyo, waana midda Kornayl Abiy & xulafadisa Axmaarada & inta la Axmaareyey u dagaalamayaan. 2.Federal Qawmiya oo awooda inteeda badan maamul goboleedyadu yeelanayaan. Dowlada dhexena ay daciif tahay. Doodan Oromada badankeed ayaa qabta. 3.Confederation, oo ah dowlado kala madaxbanaan, balse sida midowga Yurub wax yaabo kooban ka midaysan sida lacagta, xuduuda guud &…

Read More

Ciidamada sudaan ee ku sugan Degaanka Al- fashaqa’ ayaa sheegay inay soo dajiyeen Diyaarad Drons ah’ oy isticmalaan Ciidamada Ethiopia’ asal.ahaana ay soo saarto Dawlada shiinaha. Diyaarada noceeda’ waa Drons, CL_11Dheerarka’ waa 1.97 MTaangiga Shidaalka 5 Liter (Jazz)Culayska 25KG.Sawir qaadista accuracy 1920*1080)Dulimaadka 200KMDulimaadkeda ugu badan 1000 MQiimaheeda, waa 25.789$ Dawlada Ethiopia kama hadal Arintan’ ay sudaan sheegayso. Dollo Web Tv.

Read More

Bangiga dhexe ee Ethiopia ayaa ku amray dhamaan bankiyada Ethiopia inaysan bixinin wax deyna, xataa kuwa damanada Guryaha, dhulka iyi hantida maguuranka ah laga dhigo. Dowlada ayaa sheegtay in sixir bararku marayo 52.5%, balse dhaqaale yahanada ayaa qaba inuu sadex jibaar inta dowladu sheegtay yahay ee dowladu qarxinayso xajmiga sixir bararka. Dhaqaalo daridii ugu cuslayd ee soo Marta 30kii sano ee lasoo dhaafay ayaa haysata dowlada Ethiopia, waxaana la sheegaya in gobolo badan lagu arkayo dadka Gaajo udhimanaya, sidoo kale waxaa suurtagala xili kasta inuu dumo dhaqaaluhu, lacagta birtuna aad usii qiimo beesho. A.A.Shu

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdigiisii ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho 3 maalmood ah oo uu ku tagay Kenya, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Kenya, mas’uuliyiin kale, Jaaliyadda Soomaalidaa ee Kenya iyo wakiillada Beesha Caalamka.

Read More

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weer maleeshiyo ka tirsan ururka Al-shabab ay shalay duhuradii ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland. Weerarkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Kismaayo iyo deegaanka Beerxaani oo 60 km galbeedka ka xiga ayaa waxaa la soo warinayaa inay ku dhinteen in ka baan 10 ka mid ciidamada maamulka Jubbaland, ku dhawaad 10 kalena wey ku dhaawacmeen. Weerarka ayaa ku bilowday miinooyin lala beegsaday kolonyo ay ciidamadan la socdeen, waxaana qaraxu haleelay laba ka mid ah gaadiidkii kolonyada. Qaraxyada ka dib ayaa waxaa labada dhinac dhex maray israsaaseyn muddo 20 daqiiqo…

Read More

Dowlada Faransiiska waxay joojisay xiriirkii iskaashi ee ay la lahayd Militariga Ethiopia,iyadoo ka baxday dhamaan heshiisyadii ay horay ula gashay. Faransa,ayaa lagu tilmaamaa Dalalka sida weyn Itoobiya uga taageera dhanka dhismaha Ciidanka,waxayna gacanta ku haysay dhismaha Ciidamo Badeed oo uu Dalkaasi yeesho. Heshiiska,ayay labada hogaamiye ee Itoobiya iyo Faransa wada gaareen March 2019. Waa talaabo dharbaaxo kulul ku ah hogaamiyaha wakhtigu kusii adkaanayo ee Abiy. Abiy ayaa sii galaya go’doon Diblomaasiyadeed,waxuuna sii luminaya maalinba maalinta ka danbaysa awoodo muhiim ah. Reer Galbeedka,ayaa umuuqda in ay dhabarka usii duwayaan Abiy.

Read More

Mareykanka,ayaa markale ugu baaqay dhinacyada Itoobiya ku dagaalamaya in ay si degdega u yimaadaan miiska wadahadalka xili ergayga gaarka ah ee Mareykanka uqaabilsan Geeska Africa uu markale kusoo wajahan yahay Itoobiya. “Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada (dagaalamaya) inay si degdeg ah u yimaadaan miiska wadahadalka” Jake Sullivan, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Maraykanka. Baaqa Mareykanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo todobaadkan ay Dowlada dhexe ee Itoobiya ka laabatey xabad joojintii halka dhinac ahayd ee ay horey ugu dhawaaqday.

Read More

Rooble,ayaa faahfaahin ka bixiyey dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qoondada laga sugayo Beesha Caalamka oo aan weli laga wada helin. Dhaqaalaha ku baxaya doorashada,ayaa gaareysa illaa $26 Milyan, taasoo inteeda badan laga sugayo beesha Caalamka. Rooble ayaa xaqiiiyey in weli lacagtaas aysan soo wada gelin gacanta Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya,balse laga helay 7.2 Milyan Dolllar oo udhiganta 3-meeloodoo hal Meel. Lacagta ay beesha Caalamka ay bixinayso marka laga soo tago,inta kale ayaa la qorsheeyay in ay kasoo xarooto musharixiinta u taagan xilalka labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. Musharax walba oo u tartamaya xilka Aqalka-sare,ayaa laga rabaa in uu bixiyo lacag…

Read More

Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta warbixin kooban siinayay Golaha Ammaanka ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya, tan iyo markii ugu dambeysay ee uu golahan la hadlo oo aheyd maalmo ka hor 27-kii bihsii May, xilligaas oo ay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Federaalka ah ay kala saxiixdeen heshiiskii hirgelinta doorashada. Swan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu muujiyay hogaamiyenimo, isagoo kullamo wada tashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada. Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in doorashada kuraasta…

Read More

Warbaahinta degaanka Axmaarada ayaa maanta sheegtay inuu xidhmay jidka u dhaxeeya Addis ababa & Bahradar, waxayna sababta ku sheegtay in buuri kuusoo duntay wadata ayna hay’adda jidadka Ethiopia ku hawlan tahay inay furto. Ururka OLA ee Oromada ayaa sheegay shalay inay xidheen jidkan oo sii dhaxmara degaanka Oromia ayna qabsadeen goobo muhiim u ah isu socodka Addis ababa & caasimada degaanka Axmaarada ee Bahradar. Miday dooniba ha noqoto balse haduu xidhmay jidkaasi oo ahaa mid kaliya ee hadda isku xidha Addis & degaanka Axmaarada intiisa badan waa go’doomin uu wajahayo degaanka Axmaaradu. TDF ayaa qabsatay marinka Woldiya oo muhiim u…

Read More

Hadalka Rooble,waxaa laga akhrisan karaa dhawr arimood markii la turjumo,kuwaasoo kala ah…… 1.Khilaafkii Warka Suuqa ku koobnaa oo uu xaqiijiyay. 2.Nin adkaaday oo jeesjees iyo ku digasho hadlaya. 3.Farmaajo oo Amarkiisii shaqayn waayay wax uu ka qaban karana aysan jirin. 4.In wada shaqaynta ka dhaxaysa isaga iyo Farmaajo ay tahay mida Dastuurku qorayo. Rooble markii laysku geeyay isaga iyo Farmaajo,waxuu ku garnaqsaday dhawr arimood oo kala ah… 1.Han ha yeelan waa kaa yeelay. 2.Musharax ha noqon waa kaa yeelay. 3.Siyaasad haka hadlin waa kaa yeelay. 4.Ma in aan noolaadaad diidan tahay marka ?? Sida aan xogta ku helay Shirkadaha Diyaaradaha…

Read More

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay inuu la kulmi karo hoggaamiyaha kooxda Taliban, si uu gacan uga geysto xaqiijinta nabadda Afghanistan. Dagaal-yahanada Taliban ayaa wax kayar toddobaad gudihiis qabsaday afar meelood meel caasimad goboleedyada dalkaas. Turkey ayaa waxaa Afghanistan ka jooga ciidamo qeyb ka ah NATO, waxayna yaboohday inay xaqiijiso amniga garoonka diyaaradaha Kabul, marka ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dhammaadka bishan. Wada-hadallo ayaa u socda saraakiisha Turkishka iyo Mareykanka, waxaana Turkey ay sheegtay inay sugi doonto amniga garoonka, haddii shuruudaha diblomaasiyad, maaliyad iyo sahay laga soo baxo. “Dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo xaaladda shacabka Afghanistan, runtii waa kuwa…

Read More

Xildhibaanada baarlamanka maamulka GalMudug ayaa maanta u codeeyey lix xubnood oo maamulkaas uga mid noqona doona Aqalka Sare ee Baarlamanka Fadaraalka Soomaaliya. Xubnaha la doortay,ayaa kala ah.. 1.Saciid Siyaad Shirwac, 2.Yuusuf Geelle Ugaas 3.Cabdi Axmed Dhuxulow. 4.Samsam Daahir Maxamuud 5.Cabdixakiim Macallin Axmed 6.Duniyo Maxamed Cali. Dhammaan xubnahan,ayaa loogu codeeyey qaab gacan taaga ah, ayada oo aanay jirin cid la tartantay kadib markii xubnihii la loolami lahaa ay sheegeen in ay tanaasuleen. Saddex ka mid ah xubnahan oo kala ah; Yuusuf Geelle Ugaas, Cabdi Axmed Dhuxulow, Samsam Daahir Maxamuud ayaa dib loogu doortay kuraastii ay ku fadhiyeen, halka saddexda kale ay…

Read More

Garoowe: 12 August 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay todobaadkan Amniga, Caabuqa Covid-19, xaaladda Gobollada iyo Doorashooyinka iyo Siyaasadda Biyaha Puntland. Kulanka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale looga hadlay Ciyaaraha Gobollada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay in Ciyaaraha Gobolada Puntland ay siweyn u xoojiyeen isdhexgalka bulshada, dhiirigelinta dhallinyarada iyo ka qeyb qaadashada horumarka Puntland. Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta ay khuseyso iyo dhammaan Hay’addaha Dowladda in loo baahanyahay masuuliyad dheeri ah oo…

Read More

Kenya,ayuu si hoose ula xiriiray,isagoo ka dalbaday wada hadal,balse waa laga diiday. Sidoo kale isku dayo kale oo fara badan oo uu sameeyay si uu xiriirka Kenya uhagaajisto way dhicisoobeen. Hada isagoo ka caraysan oo ka masayrsan dadaalka aan khatarta ahayn ee Rooble,ayuu isku dayayaa carqaladayn. Balse waxuu ilawsan yahay in uusan wax awooda lahayn oo Sharcigu xadidayo maadaama uu wareejiyay amniga iyo siyaasada mudo xileedkiisiina dhamaaday. Sida aan xogta ku helay tan iyo markii uu kasoo laabtay London Rooble ma aysan kulmin Farmaajo,waxuuna aad uga caraysan yahay xilka qaadistii Kulane Jiis iyo arimo kale. Jibril Qoobey.

Read More

Sida qorshuhu yahay hadaysan wax isbadalin,waxaa beri imaanaysa Muqdisho Wasiirka arimaha dibada ee Kenya. Heshiis ganacsi oo labada Dal dan u ah,ayaana lakala saxiixan doonaa,sida qurshu yahay. London waxaa ku kulmay Rooble iyo Uhuru,waxayna isku afgarteen in lawada shaqeeyo oo danaha labada shacab loo daneeyo. Rooble waxuu ku tagi doonaa Kenya booqasho Qaran si maqaam lehna waa loogu diyaar garoobay. Jibril Qoobey.

Read More

Rooble Maanta waxuu galay danbi weyn oo dhaawacay uuna ka shalaayi doono. Cabdixaashi in uu sidaa ula dhaqmo mahan mid hirgalaysa oo lagu daawanayo. Dowlad Goboleedyadu waxay kul mayaan Jimcaha oo ay kawada xaajoon doonaan arimaha Doorashada oo ay ugu horayso arinka Somaliland. Kulankii ugu danbeeyay ee Zoomka,waxaa Rooble lagu taageeray in uu wado hawsha waxii uu dhaqaajin kari waayana kusoo cesho Madasha Dowlad Goboleedyadu kula jiraan. Sida aan xogta ku helay way dhibsadeen Dowlad Goboleedyadu hab dhaqanka Rooble,waxayna faragelin doonaan oo go’aan kasoo saari doonaan Gudiyada Waqooyi. Gudiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi,waxay ka kooban yihiin 11 ay kala magacaabeen…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in ganacsade lagu magacaabi jirey Cumar Yuusuf Cali Ducaale lagu diley caawa xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne. Dilka ganacsadaha,ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo markiiba goobta isaga baxsaday lamana oga waxa uu salka ku hayo dilka ganacsadaha loogu geestay Baledweyne. Idil Television

Read More

Warbixinta uu Golaha Wasiirrada ka siinayay Ra’iisul Wasaarahu Siyaasadda dalka ee xiliga kala guurka, ayuu ku sheegay in xal-u-raadinta iyo abuuris jawi isfaham oo uu muddo ka dhex waday siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, oo la xiriirtay doorashada Guddoonka Guddiga Siet ee Somaliland uu dadaal xooggan ku bixiyay in isfaham la gaaro ,waqtina uu siiyay ,balse hadda uu go’aan ku gaaray in doorashada la guda galo ,guddiguna ay dhexdooda is doortaan,hoos ka daawo muuqaalka. Hallkan ka daawo muuqaalka

Read More

Waftiga,waxaa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug. Ujeedka waftigan,ayaa ah qiimeyn ay ku sameyn doonaan xaaladaha guud ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale Anita Kiki Gbeho iyo xubnaha la socda ayaa kala hadli doona Glmudug arrimaha doorashada iyo horumarinta maamulkaas,hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Garoowe: 05 August 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka Madasha Bangiyada Islaamiga ah oo muddo labo maalmood ah ka socon doona Garoowe. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shirweynaha Bangiyada, wuxuuna rajeeyay in hadii siwanaagsan loo hagaajiyo nidaamka Bangiyada dalka in dalku horumar fiican uu gaari doono. Wuxuuna la wadaagay madaxda Bangiyada ee Shirka ka qeybgalaysa in Dowladda Puntland ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta maalgashiga iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka. “Bangiyada waxaan rajeynaynaa inay maalgashi u sameeyaan dhallinyarada iyo fursadaha ganacsi ee ay sameyn karaan, Dowladd ahaana diyaar baan u nahay inaan idinkala qeybgalno, xagga…

Read More

Kismaayo, 05, Ogoosto, 2021-Madaxweyne ku xageenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Adan, ayaa shir gudoomiyay shirka todobadlaha ah ee golaha xukuumada. Ugu horayn Shirka ayaa lagaga hadlay arimaha amaanka iyo xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada Jubaland iyadoo Wasaarada amniga laga dhagaystay faah faahin ku saabsan qaraxii dhawaan lala beegsaday baska kooxda kubada cagta JCCI halkaas oo khasaare uu ka dhashay, waxaana Wasaarada amniga iyo hay’adaha amaanku ay sheegeen in wali baaritaan uu socda isla markana ay jiraan dad loo qabqabtay falkaas. Wasaarada Maaliyada ayaa soo gudbisay xeerka isbadalka sharciga qoondad Wasaarada maaliyada taas oo golahu ay falanqayn kadib dib ugu soo…

Read More

ROOBLE BOOBKII FARMAAJO LAGA DIIDAY LAGAA AQBALI MAAYO. Rooble oo doonaya inuu Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) u boobo Farmaajo & Mahdi Guled,sida uu qabo Omar Abrar. Golaha Siyaasadda Somaliland,ayaa mar kale ku celinaya in ay ka soo horjeedaan Rooble go’aankii dhinaca Mahdi/Farmaajo u janjeera ee lagu taageeray Farmaajo ajendihiisii ​​doorashada Somaliland. Omar oo hadalkiisa sii wada,ayaa yiri”Haddii aan la joojin, tani waxay horseedi doontaa geedi socod barbar socda” “Rooble ha sababin in doorashada dalka Somaliya qalqal gasho & fowdo oo noqoto dagaal. Damaca Gurracan ee Farmaajo cid aqbaleyso ma jirto. U adeegida damaca gurracan Farmaajo & ku shaqeynta Amarkiisa…

Read More