Ujeedo : Shaacin qabashada Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Somalia 2021. Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SIT oo fulinayawaajibaadka qaran iyo Heshiisyadii Madasha qaranka waxa uu halkan ka shaacinayaa qabashada Doorashada 14 Kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Dawladda Jubaland. Halkan ka akhriso:-
Author: Jibril Qoobey.
Dhamaan Shirkadaha sida tooskaa warqadani ugu socoto waxaan ku wargalinaynaa hadii aysan mudada loo qabtay Diiwaan galinta Shaqaalahooda Ajaanibta ee ka shaqeeya Xarumahooda u hogaansamin in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono insha allaah.
Shiikh Shariif wuxuu Farmaajo ka qaatay in uu Plan B u noqdo, sidaas ayuu MM oga horyimid,sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah. La kulanka Xisbigiisa ee Rooble xili Midowgu mawqif adag taagan yihiin,ayaa ka turjumaysa tuhunka jira. Muqdisho Caawa Shiikh Shariif Colaad,ayaa looga qaaday, mana ka heli doono Xildhibaanada Beelaha Hawiye wax cod ah. Farmaajo ayay arrintan faa’iido u tahay, oo kala Jabshay Xooggii isku duubnaa ee Midowga Musharaxiinta. Sh.Shariif,waxuu ka cararay Muqdisho markii uu soo baxay go’aanka Midowga Musharaxiinta.
5-sanno ka hor (13/12/2016) waxaa uu Madaxweyne Gaas shahaadooyin guddoonsiinayay Xildhibaanadii labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ee lagu doortay Garowe. Maanta 5-sanno kadib waxaa Puntland laga codsanayaa inay 48-saac kaga soo jawaabaan bilaabashada doorashada Aqalka-hoose. Madaxweyne Deni waxuu si fudud oo lagu tilmaamay khibrad yari siyaasadeed u lumiyay isbahaysigii Puntland ee Muqdisho. Maanta waxay isku dhinac noqdeen Madaxweynihii ku fashilmay hogaaminta Dowlada Fadaraalka ee 30-sano kadib Dalka dib uceliyay. Deni,waxuu danaynayaa in ay wax ku socdaan sida hada xaalku yahay,isagoo ka duulaya Laba arimood oo kala ah… 1.In Doorashadu jiitanto si mudo xileedkiisa Puntland usii gaabto. 2.In uu boobka iyo…
Shirkada Waddaniga Ee Kebarco Construction CO. ayaa Meel Gebogebo Marinaysa Dayactirka 8-buundo oo isku xirta Caasimada iyo deegaanka Birta-dheer iyadoo dhawaan la filayo in xariga laga jari doono. Wanaag Arag
Guddiga Doorashooyinka Qaranka “Waxaan fareynaa Guddiyada Maamulka Doorashada ee Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeele in ay muddo 48 sac ah kusoo gudbiyaan warbixin ku saabsan bilaabashada doorashada ama bulshada Soomaaliyeed u cadeeyaan caqabadaha hor taagan”. War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorshada ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay ‘sida ugu dhaqsiyaha badan’ u bilaaban doorashada xubnaha Golaha Shacabka. “Dib u dhaca ku yimaada doorashada, waxaa masuuliyadeeda qaadaya mas’uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaran, oo siyaasiyan dhankooda uga xanniban tahay howshu” ayaa lagu yiri bayaankan oo intaas ku daray “Waxaan ugu baaqeynaa Golaha Wadatashiga Qaran inay gutaan masuuliyadooda ummadeed ee saaran, ayna…
Imaamka Masaajidka barakaysan ee Xaramka Sh.Cabdiraxmaan Sudeysi ayaa daahfurey Hannaan fogaan-arag ah ‘Virtual Stone Initiative’ kaasi oo dadka u suuraginaya in iyaga oo dalalkooda/guryahooda jooga ay taabtaan ‘Xajru-aswadka’ si fogaan-arag ah. “Waxaan leenahay goobo diimeed iyo taariikheed oo waaweyn oo ay tahay inaan hannaanka casriga ah la jaanqaadsiinno, si qof walba ula xidhiidho anagoo adeegsanayna tignoolajiyaddii ugu dambaysay”. Sh.Suudeysi. Warbaahinta carbeed qaar kood ayaa ku warramay in ay jidka ku soo jirto ‘Fadwo’ lagaga hadlayo suurtagalnimada in qofku ku xajiyo hab fogaan-arag, iyada oo la cuskanayo kala xidhanka dunida ee karoonuhu kasbay.
Garoowe: Diseembar 13, 2021: Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Fadhiga maanta waxaa warbixino la xiriira xaaladaha abaaraha, amniga iyo arrimaha bulshada lagaga dhegeystay madax-guddiyeedyada, waxaana guddigu isla qaatay in ay galaan fasax muddo bil ah, lana isu soo noqdo 13/01/2022 si loo dardergeliyo hawlaha shaqo ee Guddiyada Joogtada ah. DHAMMAADXafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Wararaka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada Matabaan oo muddo kooban ay maanta qabsadeen. Dadka magaalada ayaa u sheegay VOA in maleeshiyada Al-Shabaab ay burburiyeen saldhigga booliiska ee magaalada oo ay ku xireen qaraxyo ka hor intii aysan ka bixin magaalada. Ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku abaabulayeen magaalada Guriceel si ay ugu soo dhaqaaqaan dhinaca Matabaan.
“Siyaasada Itoobiya waxaan ka gaadhay jaran-jaradii ugu sarreysay.Arrimo qadiyada Soomaliyed la xidhiidha ayaan uga tagay xilkaygi,waxayna igu kaliftay inaan dadkeygii dib ugusoo noqdo.” “Kolba inaan sugno wixii adeer-keen uu inoo yeedhiyo,ama maqaar saar naloo keeno ayaan-darro ayaan u arkaa.Itoobiya ka aqbali mayno inay maqaar-saar dambe noo keento” Waxaa siddaas tidhi Filsan Abdi,oo horay usoo martay wasiirka haweenka,iyo dhalaanka Itoobiya,kana hadlaysay shir ka qabsoomay Nairobi. Vos-tv.
Dhacdadan iyo dhacdooyinkii hore ee ay ka mid ahaayeen kuwii lagu wiiqay awooddii baarlamaanka waxa ay na tusayaan sawirka dhabta ah ee xukuumadda haatan talada haysa. Waxaa na markii ba soo baxaya qodobbada ay kuwani ka mid yihiin: 1.In ay caqabad walba oo soo food saarta ku xalliyaan qori caaraddii, xarig, iyo cagajuglayn. 2.In ay dagaal kula jiraan saddexdii tiir ee asaaska u ahaa dawladnimada Puntland oo kala ahaa: b. Isimmada; t. Culimada (wadaaddada); iyo j. Ganacsatada. 3.In ay u adeegsato cashuurtii dadweynaha laga uruuriyey iyo deeqihii dawladaha shisheeye ay bixiyeen kala furfurka iyo aamusinta kooxaha xukuumadda dhaliilsan. Markii intaa…
Al shabaab oo dhowr iyo toban sano kadib lawaregay Degmada Matabaan. Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in maleeshiyada Al-Shabaab oo wata dhowr baabuur ay magaalada kasoo galeen dhinaca galbeedka, kadibna ay calankooda ka taageen magaalada, waxaanaa Al-Shabaab ayaa lagau arkay iyaga oo dhex lugaynaya magaalada. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa shalay qabsaday tuulooyin hoos yimaada Matabaan oo ay ka mid tahay tuulada Bacda oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada. Magaalada Matabaan waxaa horey gacanta ugu hayn jiray maamul ka tirsan Hirshabelle, waxayna u jirta in ka badan 60KM magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Farmaajo,isagaa codsaday in ay kulmaan Cumar Cabdirashiid. Kulankaasi,waxuu ahaa qado ka dhacday Villa Somaliya. Farmaajo waa cawday oo waxuu ka cawday Deni iyo Axmed Madoobe. Farmaajo waxuu Cumar usheegay in aysan waxba gacanta ugu jirin oo uusan Doorasho ka warqabin. “Qoor-qoor iyo Laftagareen,ayaa igarab taagan,iyaguna waxay igula socdaan Jeebkayga oo Lacagtayda ayay qaataan”Ayuu ku yiri Cumar. Markii Cumar ku yiri sida wax usocdaan waa khalad ee aan wax toosino waxuu ugu jawaabay Farmaajo,waa runtaa wax weyn baa khaldan meeshaana wax Dowladnimo rabaa majoogaan,hadaan hada iraahdo wax hala saxo waxaanba iga yeelayn labada ila socota ee Qoor-qoor iyo Lafta-gareen,hadiise wax la…
Muuqaalkani waa Xildhibaannada Golaha Wakiilada ee Somaliland oo ay gacan ka hadal ka gaartay ku kala aragti duwnaantooda ku aadan ajendaha kulanka maanta. Halkan ka daawo muuqaalka
Xiriirka Kubada Cagta oo shaqada ka joojiyay Gudoomiyaha xiriirka Kubada Cagta Cabdi Qani Siciid Carab. Waxaa Warbaahinta lahadlay Xoghayaha xiirirka Kubada Cagta Yuusuf Muxyudiin. Halkan ka daawo muuqaalka
Go’aanka furista Ururrada siyaasiga ah ee ay Somaliland ku dhawaaqday ma waxa ay uga dan leedahay Muddo kordhin Madaxweynaha loo sameeyo ? Dooda Mucaaradka,ayaa ku qotonta in xiligan waxa loogu soo aadiyay furida Ururada ay tahay Muuse oo xaqiiqsaday in looga adkaanayo Doorashada miiska saaran haduu saxiixo,taa badalkeedana raba in uu mudo kororsi ku badasho. Qodobka furashada Ururada,ayuu Muuse Biixi kal hore diiday in uu saxiixo oo dib ugu ceshay Baarlamaanka oo markaas ogolaaday una soo gudbiyay Madaxweynaha. Saleebaan Koorre Wasiirka Warfaafinta Maamulkaas,ayaa ku dhawaaqay go’aanka furashada Ururada. Halkan ka daawo muuqaalka Koore oo arinkaas ku dhawaaqaya
“Ina kooraw dhimashada Somaliland ku adimi-maysid,Muusoow adna Madaxweyne ahaan maysid haddaanad sharafta Nadaxwayne ilaalin waydo “Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Halkan ka daawo muuqaalka
Taxanaha Sirdoon Iyo Ammaan” Cilmi-baaristu waa meelaha lacagaha ugu badan ay ku bixiyaan hay’adaha sirdoonku. Horumarka dal ee beero, warshado, dhaqaale, aqoon iyo siyaasaddeed ba waxa bud-dhig u ah cilmibaadhista. Xarumaha cilmibaariseed waa goobaha lagu maareeyo mashaakilaadka ummaddaha. Baraarugga lagu baraarugay waxtarka cilmibaarista waxaa marag ka ah sida kharashaadka maal-gelinta loogu sameeyaa ukobceen. Muddo toban sanno ah 170% ayuu kordhay isaga oo ka dhaqaaqay $674 billion illaa 1.8 trillion. Kororkaasina wuxuu dhacay intii u dhexeysay Sannaddii 2000-2010. Sannadkii 1960 wadarta guud ee kharashka cilmibaarista ku baxa haddii boqollay loo beddelo wuxuu ahaa sidan; 69% Maraykan 31% Dowladaha kale. Sannadkii 2016…
Waxa aan si dhow u la socdey maalmihii dambe xiisad ka dhex aloosantay xukuumadda Puntland iyo ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee P.S.F. (ex P.I.S.), xiisaddaa oo sababi gaartey iska-hor-imaad foolxun oo gaysan lahaa khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ba. Xiisaddu waxa ay ka dhalatay isbeddel lagu sameeyey hoggaanka sare ee ciidanka P.S.F., ka dib markii xeer madaxweyne lagu magacaabay agaasime cusub taariikhdu markii ay ahayd 24-tii Nofeembar, 2021. Madaxweynaha Puntland ayaa ku celceliyey, sabab na uga dhigay, isbeddelka uu ku sameeyey hoggaanka ciidammada P.S.F., waqtigan oo uu dalku doorasho ku jiro, in uu uga gol leeyahay xoojinta nidaamka…
Golaha Midowga Musharraxiinta,ayaa shaaciyay in qaban doonaan Shirweyne Wadatashi oo ay kasoo qayb geli doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada. War-Saxaafadeedkaan,ayaa sidoo kale lagu sheegay in la magacaabi doono 2-Guddi oo kala ah.. 1.Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha. 2.Guddiga Amniga Shirweynaha. Halkan ka akhriso:-
Weerar,ayaa Galan iyo kooxdiisii diyaarinayaan hada oo Ciidamadii ayay amar siinayaan!! Waxay hada ku mashquulsan yihiin abaabul welina dhamaan saraakiisha Ciidanku mawada helin amarka. Dhanka PSF heegan sare ayay ku jiraan,waana gaartay xogta weerarka Gallan diyaarinayo.
Madaxwryne Deni albaabada,ayuu xirtay 5-tii Maalmood ee udanbeeyay. Qofna magalo Madaxtooyada oo xataa Ciidamada ilaalada qaar,ayaa la fasaxay. Waxaa jira Fariimo tiro beel ah oo uga imaanaya Beesha Caalamka Madaxweynaha oo ku aadan Arinka PSF,kuwaasoo uu ka qaaday Madax xanuun weyn. Sidoo kale Madaxweynuhu Dawooyin,ayuu qaataa muhiim ah waliba xiliyada xaaladahan oo kale ay lasoo darsaan. Dhanka kale Xamar,waxaa gaaf wareegaya Maxamuud Shido oo albaabadii ay ka furi waayeen Musharaxiintii Muqdisho. Maxamuud,waxuu ku sheekeeyaa waxaan hordhac u ahay Olalaha Deni ee Madaxweynaha Fadaraalka.
Hay’ada Sirdoonka Puntland ee PISA,ayaa laga soo qaaday Saraakiisheedii ka hawlgalaysay dhamaan xarumaha Socdaalka ee Puntland. Goobaha Saraakiisha PISA laga soo qaaday,waxaa ka mid ah.. 1.Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo. 2.Garoonka Diyaaradaha Bosaso. 3.Garoonka Diyaaradaha Garowe. 4.Dekeda Bosaso. 5.Kastamada Mudug iyo Sool. Shaqadii Hay’ada Sirdoonka Puntland ee PISA,waxaa la siiyay Shirkada HRM ee Maxamuud Shido,iyadoo ay ka hawlgalayaan Dhalinyaro ubadan jifida hoose ee Madaxweyne Deni. Ujeedka PISA looga saaray xarumahaas,ayaa ah in aan la ogaan cida Dalka soo galaysa iyo Cida baxaysa oo kaliya Madaxtooyada la wargeliyo. Waa talaabo kale oo lagu bahdilayo hay’adaha sirdoonka Puntland. Jibril Qoobey.
Dowlada Sudan,ayaa Gaashaanka ku dhufatey eedo ay dowlada Itoobiya ujeedisey oo ah in ay Xukuumada Khartoum ay taageerto TPLF. Xukumada Khartoum way beenisey iney taageerto TPLF oo ay siiso gabaad iyo tababaro Milatari, waxayna sheegtay in ay dhowrto mabaadi’ida deris wanaaga Dowlada Itoobiya. Sudan,ayaa usoo jeedisay Itoobiya in aysan faragalin Arrimaha gudaha ee Wadamada kale.
Ciidamada Tigreega ayaa dib u qabsaday magaalada Lalibela ee dalka Itoobiya, wax ka yar laba toddobaad markii ay ciidamada dowladda iyo xulafadoodu la wareegeen, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Axaddii.Lalibela oo ah magaalo ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay xarunta dhaqanka ayaa ku taal gobolka Axmaarada. Mid ka mid ah goobjoogayaasha oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka Axmaarada iyo maleeshiyaadka isbaheysiga la ah oo labaduba gacan saar la leh dowladda Itoobiya ay habeenkii sabtida ka baxeen magaalada Lalibela. “Qeybtii u dambeeysay ayaa…
“Somalida Caqligeeda,ayaad la yaabaysaa Nin Dhulka jiifa oo Feer Cirka utuurayay ayay ku leeyihiin Qabkii buu soo celiyay”Ayuu yiri Cumar . Sidoo kale,waxuu ku baaqay arinka PSF in lagu xaliyo wada xaajood ayna agaydba in ay mar hore noqdaan Ciidan heer Fadaraal ah oo la dagaalanka argagixisada ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
6-Baabuur,Qalab isgaarsiineed iyo m8d Xaafiiseed oo ay lahayd hay’ada sirdoonka Puntland ee PISA oo la bililiqaystay. Dowladda Puntland ee leh waxaan ilaalineynaa sharciga & Hay’adda Amniga waxay burburisay Hay’adii muhiimka ahayd ee Sirdoonka Puntland. Amar Madaxweyne,ayaa lagu qaatay Gadiidkaas iyo Qalabkaas Hay’adda Nabagdsugida Puntland ee PISA. Gaadiidka la qaatay” Gadiidka la qaatay,ayaa gaaraya 6-Baabuur oo aysan Xabadu karin,waxaana loo qaybiyay masuuliyiinta kala ah…. 1.Gaari Land Kuruusar ah oo aysan Xabadu karin,waxaa haysta oo wata Madaxwyene Deni. 2.Gaari xaajiyad ah oo aan xabadu karin waxa haysta Wasiirka Maaliyada Xassan Shire Abgaal. 3.Gaari aan Xabadu karin oo Xajiyad ah waxaa haysta Taliyaha…
The chargé d’affaires at the U.S. Embassy in Mogadishu spoke twice with Mr. Deni, pressing him to find a peaceful way out of the impasse, according to a senior U.S. diplomat in Mogadishu. “Generally we are urging that forces of any sort in Somalia refrain from getting involved in politics,” the senior U.S. diplomat said. “We urge all security forces to focus on fighting violent extremist organizations like al-Shabaab and ISIS-Somalia.” Sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,ayaa labo jeer la hadlay Mr. Deni, isagoo ku cadaadiyay in uu helo waddo nabadeed oo uu kaga baxo xiisadda taagan”Sida laga soo xigtay…
Waxaa jira Gudi si hoose uwada wada xaajood ku saabsan PSF. Aaran-jaan waxay Guddiga u sheegeen in ay Dad badan kiciyeen, kolkaas loo baahan yahay in Waji ay ku baxaan loo sameeyo oo xataa wax uun Hubka laga siiyo ama xataa qeyb laga gado. Wakiilada PSF u hadlaya waxay ku doodeen in Baaqii Issimada oo laga noqdo ay tahay ilhaano aan la aqbali karin,isla markaana lagu dul shaqeeyo baaqii issimada ee Qoor dhiibashada. Mareykanku,waxuu issimada u cadeeyay ka hor intaysan soo saarin go’aankoodii in ay Qalabkooda qaateen, muddo kahor,waxii harayna ay siiyeen Agaasinka PSF, oo cadow badan leh,sidoo kale waxay…
Kaddib gacan bidxeeyntii soo martay iyo in uu ka fariistay hawshii ciidannimada tobanaan sano oo uu hoggaaminayay ciidamada Itoobiya kaddib, janaraal Tsadkan Gebre-Tensae marnaba ma uusan fileyn in uu markale xiran doono tuutahiisa. Basle markii uu dagaalku ka qarxay gobolka Tigreeda, ayuu dib u soo laabtay Tsadkan oo khabiir ku ah qorshaha iyo xeeladaha milateriga, isaga oo diyaar u ah in uu la dagaallamo ciidankii uu mar hoggaamin jiray. Dad badan oo falanqeeya arrimaha dalkaasi Itoobiya ayaysan shaki kaga jirin in Tsadkan oo ah nin bidaar leh isla markaana shaarubihiisa dhaadheer iyo wajigiisu ay yaqaaniin dad badan oo reer Itoobiya…
5-tii sano ee Deni la doortay,waxaa ka harsan 2-sano,waxuuna bilaabay hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan. Kadib 2-da Sano ee Deni uharsan,waxaa qorshahoodu yahay in ay dalbadaan 2-sano oo ay Dimuqraadiyada ku dhamaystiraan. Markay ay helaan 2-daa Sano,waxaa hadana qorshahoodu yahay in ay Doorashada kusoo baxaan Wado walba oo ay umari karaan. Ugu danbayn Puntland in ay ka taliyaan 15-sano,iyagoo hadba Shaati isticmaalaya. Waxaan ka hadlayo waa Boqortooyada Shaydaanka (Aaran-jaan). Xogtayda,waxaa xaqiijin kuugu filan oo aad ka daba geli kartaa kulankii Habeen hore dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Haldoor isu abaabulay ka hor tagida in dagaal uusan ka dhicin Bosaso oo kasoo jeeda…
Turkiga ayaa sanadihii ugu danbeeyay sameeyay dhowr diyaaradood oo kuwa aan Duuliyaha lahayn,wuxuuna Turkigu noqday dalka 6-aad ee soo saara UCAV. Mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waa TB-2 Bayraktar Tactical UCAV,waxaana la soo bandhigay diyaaradan 2014-kii Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradaas ay samaysay,waxa uu ahaa 2009-kii. Diyaaradan waxaa soo saaray oo farsameeyay Kale-Baykar iyo Baykar. Diyaarada aan duuliyaha lahayn ayaa 100% si guul leh loo tijaabiyay 17kii December 2015 iyadoo ku hubaysan gantaalada lidka taangiyada ee Turkiga (UMTAS) oo uu sameeyay Roketsan. Diyaaradan,ayaa sidoo kale lagu tijaabiyay sax ahaanshaheeda 100% masaafo dhan 8-km iyo joogga 5-km,iyadoo lagu…
Turkey has developed several drones in the last years and Turkey became the 6th country in the world that produces UCAV. One of the drones is the TB-2 Bayraktar Tactical UCAV. The first flight was in 2009 and the introduction of the drone started in 2014. Turkey operates 12x TB-2 Bayraktar drones. The drones are developed and manufactured by Kale-Baykar and Baykar. The drone was 100% succesfully tested on 17 December 2015 armed with a Turkish anti-tank missile (UMTAS) developed by Roketsan. The drone was also tested with 100% accuracy from a distance of 8km and altitude of 5km with…
Ma dhabaa in diyaaradihii dagaalka Turkiga ee Armenia lagu jabiyay la geeyay Soomaaliya?10 Disembar 2021. Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah baraha bulshada loogu hadal hayay in dowladda Turkigu ay siisay dwoladda Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Droniska nooca uu Turkigu sameeya ee TB2, taas oo sida wararku sheegayaan loo tababaraya ciidamada ammanaka Soomaaliya si ay u adeegsadaan. Inkasta oo warkaan ay baraha bulshada ku hadal hayaan siyaasiin iyo dadka shacabka ah, haddana ma jirto cid xaqiijisay sax-ahaanshiisa mana jirto cid ka tirsan dowladda oo arrintaa warbaahinta la wadaagtay ilaa iyo hadda. Sidoo kale, dowladda…
NAIROBI—A Somali commando unit trained by Central Intelligence Agency operatives and U.S. Navy SEALs has become so entangled in local political power struggles that it has ceased operations against the Islamist militants it was created to fight. Until last year, the 600-strong Puntland Security Force had reported directly to U.S. forces and was largely independent of Somali government control. But now the unit, the main force combating Islamic State’s Somali affiliate, ISIS-Somalia, has abandoned the front lines and returned to its headquarters in the northeastern port of Bosaso, overlooking the Gulf of Aden, according to U.S. officials and Somalis familiar…
Bankiga Adduunka ayaa ku dhowaaqay maalintii shalay in mashruuca dib usoo kabista adeegga korontada uu kordhinayo helitaanka koronto nadiif ah oo qiimaheedu hooseeyo oo ay helaan dad dhan 1 milyan iyo 100 kun oo qof ama qiyaas ahaan 7 milyan oo Soomaali ah kuwaasi oo kala-badh ay yihiin dumar. War saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in ilaa 15 milyan oo qof oo Soomaali ah, 9 milyan oo ka mid ah aysan haysan koronto; qiimaha korontaduna uu ku jiro kuwa ugu qaalisan dunida. Taasi waxaa la socota in tobankii qof ee Soomaali ah, sagaal ka mid ah ay…
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo maanta ka qeyb galay xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa sheegay inay Soomaaliya muhiim u tahay dhismaha hay’ado dowladeed oo leh isla xisaabtan iyo hufnaan. Bayaan kasoo baxay xafiiska Swan ayaa lagu yiri “Musuqmaasuqu wuxuu caqabad wayn ku yahay horumarka. Wuxuu wiiqayaa dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta. Sidoo kale wuxuu wiiqayaa kalsoonida shacabka, wuxuuna wiiqayaa hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda ay ugu adeegayaan shacabka Soomaaliyeed,” Ergeyga Gaarka ah ee Qarmada Midoobay, James Swan ayaa intaas ku daray “Ayadoo taa la…
Maqaamka ugu sareeya Dhaqanka,waxaa leh Isimada soo jireenka ah ee Abtirsada. Kuwa Bugaanbugta loo yaqaan ee magacyada caadiga ah leh waxba kama badali karaan go’aan kasoo baxay Isimada karaamada leh. Bugaanbugta markii hore,waxaa loo samaystay Siyaasad iyo in lagu sicir jabiyo isimada Runta ah. Go’aanka PSF waa inta ay kasoo saareen Isimada Runta ah ee Abtiriska Dhaqan leh. Halkan ka akhriso:-
Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa ku baaqan In doorashada la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado. Akhriso warqadda.
Aadbaan ubogaadinayaa Ciidamada Puntland Alifle ilaa Saraakiil oo markii 3-aad diiday amar dagaal oo uu bixiyay Madaxweyne Deni. Taariikhda,ayaa xusi doonta Ciidamada Puntland. Wax kale Bosaso kuma badbaadin markii amarka Eebe laga soo tago aan ka ahayn Ciidamada Puntland. Madaxweyne Deni waxuu amray xalay markii 3-aad in Weerar lagu qaado Ilmo Diyaano,balse waxaa ka dhaga adaygay Saraakiishii iyo Askartii Dablayda ahayd laftigooda. Jibril Qoobey.
Goob caafimaad oo la baneeyey ma jiraan,balse waxaa la sheegayaa in Ciidamo ay u gudbeen dhinaca Madaxtooyada. Sidoo kale Hotel Gacayte iyo Xaafada Ridwaan,ayaa ka mid ah Goobaha Dadku ay ka guureen. la soco wararka ugu danbeeya..
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo lagala soo hadlay Madaxtooyada Puntland,ayaa iska diiday in uu beeniyo Warqada ay soo saareen Isimada uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse. Waxaa kaloo ka fashilmay Madaxtooyada qorshe Isimada waa weyn ee Beesha Dhulbahante looga hadalsiinayo. Saakay ayay ahayd markii uu socon waayay abaabul looga hadal siinayo Nabadoonada iyo Isimada Bugaanbugta loo yaqaan ee Gobolka Bari. Waxay umuuqataa in Wareegtadii kasoo baxday Isimada Bari ee soo jireenka ah lagu dhici waayay in laga daba tago.
Mareykanka ayaa Talaadadii cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogay madaxa sirdoonka ciidamada Uganda Sareeye Gaas Abel Kandiho, kaas oo lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanka, kuwaas oo ay geysteen ciidankiisu, uuna oga jiritaanka xabgudubyadan. Milatariga Uganda ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aankaas, ayna ka dalbanayaan in ay caddeeyaan xukuumadda Washington, oo sannadihii u dambeeyay ay Kampala la aheyd xulufo dhinaca amniga ee la dagaallanka xagjiriinta Bariga Africa. Waaxda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyntan, iyada oo ay barbar socoto tillaabooyinka kale oo ka dhanka ah saraakiisha Iran iyo Suuriya oo ay sheegtay inay iyaguna ku lug leeyihiin caburinta…
Waxaa hada la uruurinayaa Isimada halka Magac ka ah Isinka oo aan Qofka caadiga ah waxba ka duwanayn loona yaqaan (Bugaanbugta) Qorshaha Dowladu waa in ay ka daba hadlaan Isimada Karaamada leh oo soo jireenka ah kuna abtirsada Isininada ugu yaraan 12-fac. Sida ii muuqata Deni,waxuu lumin doonaa Sharciyada uu ku yahay Madaxweynaha. Sababtoo ah Isimadu waa Hay’ada Puntland ugu saraysa ee sharciyaysay Xildhibaanada Deni kalsoonida siiyay. Labada Dikreeto tan Isimada saraysa oo soconaysa. Jibril Qoobey.
Haduu hal talaabo horay uqaado,waxuu aqbali doona go’aamada Isimada,isagoo ka liita kana foolxun sida hada uu yahay. Balse,waxaa la aaminsan yahay in uusan hal talaabo horay uqaadi karin,marka la qiimeeyo awooda hor taagan ee Ilmo Diyaano haystaan. Warkii xalay soo saaray,waxay qabaan xog ogaal badan in uu ahaa isgiijis aan waxba ka hoosayn. Madaxweyne Deni si fudud,ayuu Dhiiqo lugaha ulagalay Dalkana ugeliyay,markii Wado looga saaro loo sameeyayna waa diiday,isagoo waliba Qoordhiibtay go’aanka ka hor. Go’aamada Isimadu way soconayaan,waana kuwa ay kusoo gabagaboobi doonaan ugu danbayn. Dad badan,ayaa qaba hadii uu dagaal ku qaado Ilmo Diyaano in uu ku fashilmayo soona…
Dowladu waxay amartay in la damiyo Isgaarsiinta Magaalooyinka Garowe iyo Bosaso. Balse,waxaa amarkaas ka cudurdaaratay Shirkada Golis,taasoo ku dooday daminta Qalabkaas in ay sababayso khasaare weyn oo soo gaara Dadka iyo Dalka,kaasoo aan laga soo kaban karin. Ujeedka Dowlada Deni u amrayso daminta Shirkadaha isgaarsiinta waa in ay fuliyaan hawlgalo,sida xogtu igu soo gaartay. Talaabadaas waxay toos utaabanaysaa Bulshada caadiga ah waliba danyarta oo awalba aan haysan Lacag Kaash ah oo ay wax ku iibsadaan.
Isagaa la badbaadshay oo loo furay Wado uu kaga baxo Dhiiqada uu sida fudud lugaha ula galay ee la degtay hogaamintiisii gudaha iyo dibada. Arinka PSF sida loo xaliyay kama duwana dhacdooyinkii hore sidii xalka loogu helay… 1.Cabdi Yare iyo Muxyidiin. 2.Galan. 3.PDG iyo Ciise Yulux. 4.Dhacdadii Garoonka Gaalkacyo. Hubka Ilmo Diyaano loo saxiixay,waxuu la mid yahay kuwan…. 1.Hubkii SSDF iyo PL ee Mudug yaala. 2.Hubkii GBB iyo PL ee Caagadayste hayo. 3.Hubkii Dowladii Faroole ee Jimcaale ku shaqaysto. 4.Hubka Ciise Yulux ku haysto Carmo korkeeda. Go’aanka Isimadu khatar kuma ahan Dowladnimadeena,taa badalkeedana waa bilayaa. Muhiimada ugu weyn waa badbaada…
Puntland- Waxaa xafiiska hogaanka CID Puntland ee Garoowe soo booqday madaxa xafiiska UNODC u qaabilsan Afrika ee Ka hortaga Human Trafficking Mr. Paul Beck iyo Masuuliyiin la socotay. Mr Paul waxaa si wada-jir ah usoo dhaweeyay Taliyaha hogaanka CID Puntland Gen. Omar Bille iyo Taliya ku xigeenka Hogaanka CID Puntland G/Sare Abshir Hussein Said Dabaylaha. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa oo looga hadlay sidii kor loogu qaadilahaa Waaxaha Crime prevention, iyo Unitka Human trafficking ee CID-da Puntland.
Go’aanka Isimadu waa Dastuuri Dastuurka Puntland, Qodobkii 108aad, Farqadiisa 5aad ayaa u dhigan. “Go’aannada dib-u-heshiisiinta, dhexdhexaadinta, iyo heshiisyada xallinta khilaafaadka ay guddoomiyaan hoggaamiye dhaqameedyadu, iyaga oo adeegsanaya xeerarka habdhaqameedka, dhamman hay’adaha Dawladda waa inay aqoonsadaan gacanna ku siiyaan fulinta go’aannada ay gaaraan” Halkan ka akhriso:-
Go’aamadii ay soo saareen isimada Puntland 1 -Waxaa dhaqan gashay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ee uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Dyaano looguna Magacaabay Aamiin Cabdilaahi Xaaji Kheyr 2-Guryaha, Hubka iyo Gaadiidka waxaa Mulkiyadooda iska leh Generaal Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Diyaano 3-Xuquuqda ka maqan Ciidanka PSF waa in ay dowladu ku bixisa 13 Bilood Gudahood 4-Waa in ay dowladu bixiso kharashka Ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii hore ee Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdilahai Diyaano madaama uu dalka u soo halgamay Halkan ka akhriso:-
Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka, Joe Biden iyo Vlademir Putin ayaa lagu wadaa in Talaadada maanta ah ay yeeshaan kulan-fogaan arag ah oo xasaasi ah. Muranka Ukraine ee NATO iyo Ruushka ayaa gundhig u noqon doona kulanka labada madaxweyne, kaddib marki ay Russia ciidamo soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Ukraine.Ruushka ayaa ku eedeeyay isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ee NATO inuu qorsheynayo in ay gantaallo ku rakibtaan Ukraine. Mareykanka ayaa u arka ciidamada uu Ruushka soo dhoobay xadka Ukraine mid halis ku ah madaxbannaanida xukuumadda Kiev, laakin Moscow ayaa beenisay oo sheegtay inaysan duullaan ku aheyn Ukraine, taasi baddalkeedana ku eedeeyay…
Askari ka tirsan booliska Kenya ayaa shalay toogasho ku dilay shan qof oo ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kahor inta aanu isdilay, sida ay sheegtay hay’adda dambi baarista ee DCI. Askariga ayaa markii hore toogtay xaaskiisa oo ku sugneyd gurigooda kahor inta uusan u la dhaqaaqin qoriga AK-47 oo uu ku toogtay afar qof oo kale, sida ay hay’adda dambi-baaristu ku sheegtay Twitter-ka, iyaga oo ku tilmaamay qofka toogashada geystay in uu ahaa “Sarkaal khaa’in ah”. “Kadib markii uu dilay seddex qof, ayuu askarigu qorigiisa kula jeestay laba nin oo mooto watay, kuwaas oo mid ka mid…
Si buuxda ayay Dowladu uga soo laabatay diidmadeedii uguna qoor dhiibatay Isimadii Boqorku hogaaminayay. Dowladu waxay kaloo fulisay balamihii horay loo galay ee ay hakisay. Sidoo kale Saraakiisha PSF way uqoordhiibteen Isimada. Labada dhinac waxay balan qaadeen in ay fulinayaan go’aamada kasoo baxa Isimada. Maanta ayay kulmeen Isimadu dibna ubilaabeen dadaalkoodii. Jibril Qoobey.
Doorkii Madaxweynaha Fadaraalka iyo kii Puntland,ayuu buuxiyay Cumar,waxuuna dhaqaajiyay qorshihii Dalka lagu badbaadin lahaa. Si weyn ayay usoo dhaweeyeen Midowga Musharaxiintu imaanshaha Cumar,waxaana durba isku duba dhacay midaynta aragtida Haldoorka Somaliyed ee badbaadinta Dalka. Midowgu,waxay usoo jeediyeen Cumar in uu Gudoomiye unoqdo,waase ka cudurdaartay. Balse waxaa laysla go’aansaday in deg-deg loo hirgeliyo hogaan iyo qorshe mid ah oo Dalka badbaadiya. Dowladii Somaliya ee Afar Sano ka hor hogaankeeda loo dhiibay Farmaajo,waa isla luntay. Sidoo kale hanaankii Doorasho ee Rooble gacanta loo geliyay,waxuu noqday faashil. Dowlad Goboleedyadii uu ugu tunka weynaa Madaxweyne Deni,waxay qayb ka noqdeen hagardaamada iyo faashilka dhacay. Dalku…
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa maanta oo Isniin ah bilaabaya booqasho uu ku tagayo dalalka Khaliijka Carabta, kahor shir-madaxeedka sannadlaha ah ee dalalka Khaliijka ee dabayaaqada bishan. Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa booqan doona dalalka Cumaan, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Qatar iyo Kuwait, sida uu sheegay telefishinka Al Carabiya ee Sucuudigu leeyahay, iyadoo dalkaa Cuman uu ku tagi doono lugta koowaad ee socdaalkiisa. Safarka Maxamed Bin Salman ee dalka Qatar ee ay deriska yihiin ayaa dhinaca kale noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ku tago tan iyo markii Riyadh iyo xulafadeeda Carabta ay cunaqabateyn ku soo rogeen Doha…
Hogaamiyaha TPLF Debresion Gabre Mikael, ayaa sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan Maamulka Abiy. Telefishiinka Tigraay,ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael. Hoggaamiyaha wuxuu sheegay Ciidamada cadowga uu ay iska caabbin doonan ayna guulo wax ku ool ah ka soo hoyin doonaan. Labadii bilood ee ugu dambeeyey TPLF guulo tira badan ayey dagaalka ka soo hoysay,iyaga oo dhul badanna ka qabsaday Dowlada Abiy. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Gambia Adama Barrow ayaa si fudud ugu guuleeystay doorashadii madaxtinimo ee Satidii ka dhacday dalkaai ku yaala dhinaca galbeed ee qaaradda Africa. Natiijada doorashada oo ay Axaddii shalay shaaciyeen guddiga doorashada ayaa waxaa markiiba qaadacay musharraxiinta ka socday mucaaridka, kuwaas oo la filayo in ay loolan dhanka sharciga ah geliyaan Adama Barrow kahor inta uusan billaabin muddo xileedkiisa labaad. Doorashadan ayaa aheyd tii ugu horreeysay oo xor ah oo Gambia ka dhacda muddo 27 sano ah, iyada oo uusan dalka joogin madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh, oo hadda masaafuris ugu nool dalka Equatorial Guinea, kadib markii uu diiday natiijada…
Garoowe, December 06, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajandaha fadhiga ayaa ahaa ka doodista Xeerka Dalxiiska Puntland, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Dawladda Puntland, kadibna lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada. Guddiga ayaa kusoo sameeyay akhriska 2aad kadib la tashiyo ay la yeesheen dhammaan dhinacyadda uu Xeerka saameynayo, waxayna Kaabis…
Hawshii ay galeen Isimadu ee PSF oo ay aqbaleen Wasiirada,waxaa ganafka ku dhuftay Madaxweynaha. Saakay ayay ahayd in Isimadu sii wadaan wada xaajoodka oo ay la kulmaan Maxamuud Diyaano,balse waxay ogaadeen in dadaalkooda laga soo diiday Madaxtooyada. Madaxweyne Deni,waxa uu udiidayo dadaalka Isimada waa Laba arimood oo kala ah… 1.Boqorku shaqo uu qabtay in aysan guulaysan oo uusan magac ku helin waa ka go’an tahay. 2.Sidiisa,isagoo uraba in uu gacan saaro Ilmo Diyaano iyo Bahdir. Xalay Ciidamada Amaanka Bosaso sugayay,waxay qabteen Laba Askari oo PSF ah markay lasoo baxeen Cadaymahoodiina laguma qadarin ee Buskooladii iyo ID-Card-kii,ayaa laga qaatay. Sidoo kale…