Maxkamadda ciidamada ee gobolada mudug iyo Cayn ayaa maanta xukun dil ah ku ridey Shanti Horjooge ee Ururka Argagaxisada ee Alshabaab u qaabilsanaa amarada iyo qorsheynta dilalka iyo qaraxyadi lagu gumaadey bulshada magaalada Galkacyo 13 sano ee laso dhaafey.Maxkamada Ciidamada ayaa sidoo kale xoriyadooda u celisey 4 qof oo marki hore lagu soo eedeeyey in ay Alshabaab ka tirsan yihiin balse lagu waayey wax danbi ah,hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha doorashooyinka oo 20ka bishan May ka dhici doona Muqdisho. Halkan ka daawo muuqaalka
Tijaabada 1-aad ee Rooble ?? 1.Warqada Joojinta Dhaqaalaha dalka” Waa in uu soo saaro Warqada kala guurka iyo u diyaar-garowga doorashada.. B.In la xiro dhammaan Akoomada iyo Qasnadaha Dawlada. T.In aan lagu saarin wax lacag amarka Madaxweynaha ama Madaxtooyada. J.In Hanti dhowrku si joogto ah u soo kontoroolo dhaqaalaha dalka kana soo saaro warbixin joogto ah. X.In la xiro Baanka Dalka. 2.Warqada Habeynta Ciidanka” Taliyaha Ciidamada Qalabka sida waa Madaxweynaha Dalka sida Dastuurku qabo. Marka Rooble uu warqad qoro wuxuu ku Caddeynayaa Talada Ciidanka si kumeel-gaar waxay ka amar qaadanayaan Reysul-wasaaraha. Jibril Qoobey.
“Qaramada Midoobey waxay soo dhaweyneysaa go’aanka Baarlamanka Federaalka dib ugu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, kadib codsigii madaxweye. Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiyaasha Soomaalida inay ku noqdaan wadahadalka oo ay diyaariyaan doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin, waxay kaloo QM soo dhaweynaysaa doorka doorashada hogaaminta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”
Bud bud oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug xuduuda Puntland ee Degmada Towfiiq u jirta 90-KM waxaa maanta lawareegay Alshabaab. Xogaha laga helayo waxay sheegayaan in Alshabaab Baabuur waa weyn oo Ciidamadii 21-aad ee ka guuray Bacaadweyne ka hor intaysan Shabaab qabsan ay isticmaalayeen. Baabuurtaas oo ah kuwii Turkigu bixiyeen,ayaa halkii mar qaada 120-Askari. Markii laga tusaale qaato xogaha la helayo iyo dhaqdhaqaaqa Shabaab ee xiligan ka bixidii Bacaadweyne ee Ciidankii Fadaraalka laga maamulo waxaa jira wada shaqayn iyo qorshe Puntland ka dhan ah oo lawada fulinayo. Alshabaab waxay bartilmaameedsanayaan Dekeda Garacad oo ay u arkaan meel ay…
Somalia : Statement by the High Representative Josep Borrell on the political and security situation The conclusions in the African Union’s Peace and Security Council’s 22nd April Communique on the political and security situation in Somalia are decisive and welcome. The European Union supports the rejection of any mandate extension and looks forward to a prompt return to negotiations, facilitated by an African Union envoy, to achieve consensus for elections, based on the agreement of 17 September 2020. The EU also welcomes the call for a Troop Contributing Countries (TCC) meeting to assess the security situation in Somalia. The EU…
Golaha Amaanka QM ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku muujiyay Sida qotada dheer ay uga walaacsan yihiin Heshiis La,aanta siyaasadeed ee kadhex taagan Hogaamiyayaasha Siyaasada Taasoo salka ku haysa Khilaafka Doorasho Ee Taagan. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa isla soo qaaday Horumarada soomaaliya ee tobankii sano ee ugu dambeysay laga sameeyay Dhinacyada Dimuquraadiyada ,Habeynta siyaasada ,Horumarka Dhaqaalaha iyo deyn Cafinta waxa ayna kula taliyeen xukuumada Soomaaliya ,Amisom ,Midowga afrika,un ka iney doorkooda ka qaataan xalka ismari waagaan Taagan Warsaxaafadeedka kasoo baxay Golaha amaanka ayaa lagu dul istaagay Muhiimada Heshiiska 17 September ee DFS iyo Dowlad goboleedyada iyo safarkii uu Madaxweyne Farmaaho…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka dhagayso codka Talyaha Maraykanka
Halkan ka daawo muuqaalka
Soo jeedintiisa waxaa lahaa Nigeria iyo Ghana,waxaana ku raacay inta badan Wadamada kale ee Golaha Amaanka Afrika. Bai Koroma waa Madaxweynihii hore ee Siraliyoon oo noqon doona dhawaan Ergayga Afrika usoo dirayso Somaliya. Itoobiya iyo Masar,ayaa iyaguna laba ergay soo kala bandhigay mid waa Caamir Muusa Xoghayihii guud ee hore Ururka Jaamacada Carabta iyo kan kale oo ahaa Hayle Maryam Desale RW-hore Itoobiya. Waxaa xusid mudan in Farmaajo wax kawatay Hayle Maryam Desale Ergayga Itoobiya soo sharaxday,balse codka waayay. “Nigeria, Ghana and others proposed Earnest Bai Koroma, former Sierra Leone president. Most members supported this proposal. It’s expected that Congo…
Somalia : Statement by the High Representative Josep Borrell on the political and security situation The conclusions in the African Union’s Peace and Security Council’s 22nd April Communique on the political and security situation in Somalia are decisive and welcome. The European Union supports the rejection of any mandate extension and looks forward to a prompt return to negotiations, facilitated by an African Union envoy, to achieve consensus for elections, based on the agreement of 17 September 2020. The EU also welcomes the call for a Troop Contributing Countries (TCC) meeting to assess the security situation in Somalia. The EU…
Ururka Jaaamacdda Carabtu waxay cadaynaysaa inay si dhaw ula socoto xaalaadda siyaasadda Soomaaliya ee ka dhex jirta DF , Dawlaha Xubnaha ka ah Iyo dhinacyada kale. Jaamacaddu waxay ku adkaynaysaa dawladda in ay fariisato miiska wadahadalka si loo gaaro heshiis u danaynaya Soomaalida oo dhan.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Gobolka Mudug ayaa maanta xukun ku dil ah ku xukuntey labo Shabakadood oo ka tirsan Ururuka Alshabaab kana kooban sideed qof,waxaana lagu eedeeyay shanta ruux ee la xukumay inay dilal ka geysteen magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dad Haldoor ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Derek Chauvin oo ah askari horay uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis, kuna eedeeysnaa dilka Goerge Floyd oo ahaa nin madow ayaa maanta lagu helay dhammaan danbiyadii lagu soo oogay. Chauvin ayaa lagu helay saddex danbi oo kala ahaa, darajada labaad ee dil aan qasdi aheyn, darajada saddexaad ee dil ula kac ah iyo darajada labaad oo ah dil aan ula kac aheyn. Galabta xilliga magaalada Mineapolis, marki ay guddigi xeer-beegtida aheyd ay ku dhawaaqeen go’aankooda oo ahaa in Derek Chauvin uu danbiile yahay, ayaa markiiba waxaa bannaanka maxkamadda ka billowday dabaaldag ay sameeyeen ehelka iyo taageerayaasha Goerge Floyd iyo dadka…
Farmaajo oo ka tanaasulay labadii sano ee muddo kordhinta ahayd. Fake time buying !!! Kooxda Farmaajo,ayaa wada tashi kadib isla qiray in aysan qaabkan wax ugu soconayn. kadibna waxay isla dajiyeen qorshe cusub oo oranaya in ay wada hadal deg deg ah laga laan Saamilayda Siyaasada. Qorshahooda cusub,ayaa ah… 1.In meesha laga saaro 2-dii sano. 2.In heshiiskii 17-September meesha laga saaro. 3.In nidaam doorasho oo cusub lagu heshiiyo. 4.In 9-bilood oo mudo ah laysla qaato oo doorashada lagu qabanayo. Qorshahan ujeedka ay ka leeyihiin waa laba arimood oo kala ah.. 1.In mudo kordhin Laysla ogol yahay ay helaan intay rabto…
Madaxtooyada DR Congo ayaa xaqiijisay in Farmaajo ka codsaday Madaxweynaha Congo ahna madaxa Midowga Afrika in uu ka qeyb qaato dhex dhexaadinta Saamileyda siyaasadda ee ku lugta leh xaalada cakiran ee Soomaaliya.
Hindisaha dhexdhexaadinta Midowga Afrika yaa keenay ?? Booqashada deg-dega ah uu madaxweynihii xilligiisa dhamaday, mudane Farmaajo uu ku tagay waddanka DRC waxay ka dhigantahay hindise cusub oo ay beesha caalamka ku doonayso inay xal ugu raadiso arimaha murugsan ee doorashada. Tillaabadaan waxay timid kadib markii ay kadigtay Hay’adda Xasadaha Adduunka (ICG) khatar ka imaan karto muranka doorashada, dalkana gelin karta halis weyn. Waxay tilmaantay hay’addaan in dhinacyada siyaasada Soomaaliya ay kala gaareen heer aad u xun aysan suura gal aheyn inay iyaga kaligood xalistaan khilaafka arimaha doorashada. Hay’adan waxay soo jeedisay in la joogo wakhtigii ay gacan seddexaad toos usoo…
Halkan ka daawo muuqaalka
Saraakiisha iyo xildhibaanada Beesha Mudulood oo wata gaadiidka Dagaalka,ayaa soo gaaray hoyga uu dagan yahay saadaq john. U imaanshaha saraakiiisha iyo xildhibaanada Beelaha Mudulood ee Saadiq John,ayaa lagu sheegay in ay tahay qorshe ay Saadaq kula wadaagayaan xog hoose.
Halkan ka daawo muuqaalka
Gaalkacyo:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Xasan Shire iyo Wasiirka Wasaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan ayaa kormeer shaqo ku sameeyay Xarumaha dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo waxaana ay dhagax dhigeen labo waddo oo laami ah kuwaasi oo laga hirgelin doono magaalada. Halkan ka daawo muuqaalka
“Safiirkii hore ee Maraykanka Soomaaliya u fadhiyey Stephen Schwartz ayaa bartiisa Twitter soo dhigay in Fahad Yaasiin iyo Dawlada Qatar ee maalgelisa ay Hay’adda NISA ka dhigeen mid lagu wiiqo dastuurka Soomaaliya , hanaankii dimoqoraadiga ahaa, soo jireenkii is ogolka ku dhisnaa, waxayna gaashaanka u daruureen baaqyada iyo cadaadiska beesha Caalamka,taasi waxay dhalisay in Xaalada xuquuqul insaanka ay ka sii darto, dawladnimadii macno tirto, Alshabaabka culayskii ka yaraado, taliska Farmaajana uu noqdo mid kaligii ah oo aan wax ixtiraam ah haysanin”
Hay’adda Nabadsugidda Sirdoonka Qaranka [NISA], oo mas’uul ka ah ururinta sirdoonka, ayaa si weyn loo tilmaamay in ay tahay mid ka mid ah hay’adaha ka danbeeya dhacdooyinka xun ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Geeska Afrika. Warbixinta ayaa sheegatay in NISA ay ka danbeyso dad la waayey oo lagu bartilmaameedsaday siyaasiyiinta mucaaradka ah in ay la shaqeeyaan. Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay maqnaanshaha Maxamed Nuur “Abuuja” mid ka mid ah tusaalooyinka kiisaska noocaas ah. “29-kii Febraayo ilaa 2-March,Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka [NISA] waxay xireen wariye ka tirsan Radio Higsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur“ Abuuja ”, iyadoo looga…
Xalay Linda Thomas iyo Farmaajo maryo dhiig leh ayay kala furteen jawaabtana wada hadalkaas,ayay ku timid. Warqaddan waa jawaab ku aadan hadaladii kululaa ee xalay dhexmaray Linda iyo Farmaajo,Waa been 31 March sida ku qoran. Si adag ayey ula hadashay xalay Linda waxay u sheegtay in uu ku guul dareystay hogaanka Somaliya. Dowladda Mareykanku in ay si dhow ula socon doonto xaalka Dalka,ayaa loo sheegay Farmaajo. Linda Thomas waa Haweeneyda UN-KA u fadhida Dowladda Mareykanka. REF: MFA/FRS/OM/1900/2021 09/04/2021 Excellency, In reference to the statement made on the 31st of March 2021 by the outgoing president of theUnited Nations Security Council…
Shacabka Soomaaliyeed iyo Midowga Murashaxiinta waxaa u cadaatay in Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday uu carqaladayn joogta ah ku hayo geeddi socodka lagu baadigoobayo doorasho wadar oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, iyadoo ujeedkiisu yahay muddo kororsi khilaafsan dastuurka, halisna ku ah xasilloonida dalka.
Halkan ka daawo muuqaal dhoolatus kooban oo ay samaynayaan Ciidamada Taangiyada iyo Madaafiicda qaybtooda Mudug.
Guddiga dib u habaynta Ciidamada Dowladda Puntland oo dufcado katirsan Ciidanka iyo qalabkooda hubka tababar ugu soo xiray xarunta taliska ciidanka daraawiishta ee magaalada GAALKACYO. Halkan ka daawo muuqaalka
Puntland iyo Jubaland Wadajir usoo saaray War Saxaafadeed”
Shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa hadda ka socda xarunta UN-ka ee Xalane. Shirkan ayaa imaanaya saacado kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Teendhada Afisyooni. waxii kasoo kordha kala soco idilnews
Si waafi ah oo balaaqadeeda ay sareyso, oo dagan oo cid walba ay fahmi karto buu u sharaxay waxii dhacay Madaxweyne Deni. “Waxaan kusoo kala tagnay wadatashi oo waliba isagaa codsaday markaan Xaafadihii nimidna muuqaal sii diyaarsanaa,ayaa lasii daayay,waxaana cadaatay in uusan rabin doorasho in dalkan aado,anagu dareenkaas waa qabnay waxaase muhiim ah in Shacabka Somaliyed ogaadaan,waxii dhacay Madaxweynaha cid la qaybsanaysaa majirto”Ayuu yiri Madaxweyne Deni. Halkan ka dhagayso Codka Madaxweynaha
Halkan ka daawo muuqaalka
“ Farmaajo isaga ayaa doonaya in uu shirka ka cararo sidii Dhuusamareeb oo kale’Ayuu yiri W.warfaafinta. Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirka Warfaafinta Puntland,ayuu yiri”Farmaajo miyaa jid & jaha diidka ah mise ?. Halkan ka daawo muuqaalka
Amiir Xamza ayaa cajalad muuqaal ah oo uu duubay ku sheegay in la geliyay xabsi guri ku jiro, iyadoo loo sheegay inuu guriga joogo oo uusan cidna xiriir la sameyn karin. Dhaxal sigihii hore ayaa muuqaal uu qareenkiisu u gudbiyay BBC ku sheegay inuusan qeyb ka aheyn shirqoollo shisheeye oo ka dhan ah Urdun, isagoo dowladda dalkaasi maamusha ku sheegay mid musuq-maasuq ah. Wargeyska Washington Post ayaa qoray in dowladda Urdun ay xirtay Hamza iyo 20 qof oo kale, kuwaas oo mas’uuliyiintu ay sheegeen inay halis ku yihiin ammaanka dalkaasi. Taliyaha ciidamada militariga Yusef Huneiti ayaa beeniyay wararka ku saabsan…
1. Shirkii Farmaajo waa diiday in Ajendaha laga hadlo 2. Madaxweynayaasha Deni iyo Madoobe waxay ku adkaysteen in loo dhamaado wadahadalada. 3. Galabta markii la is mari waayey waxaa lagu heshiiyey in Talaadada la isku soo laabto 4. Wadahadalada in la sii wado. Rajadu waa in aan lakala caraabin,balse laysku soo laaban doono. Beesha caalamka,ayaa Shirka isku haya dadaalkeeda,ayuuna ufashilmi waayay.
Mahan markii ugu horaysay oo uu sheegto hogaamiye kooxeedka soo daahay Shir uusan wax door ah ku lahayn. Horay waxuu usoo saaray Warqad uu ku sheeganayo in Afisyoone layskugu yimaado Shir kadib markuu ogaaday in Beesha caalamku wado Kulan Deni iyo Axmed yimaadeen Xalane. Kulanka hada socda wax saamayn ah kuma laha horjooguhu masoo abaabulin,mana soo dirin Odoyaasha balse fariin been abuur ah,ayuu kasoo daba tuurtay. Shirkan waxuu ka dhashay kulankii horay udhexmaray Deni,Axmed iyo Qoor-qoor.
Halkan ka daawo muuqaalka
Hogaamiyayaasha reer Galbeedku way ka tashteen talaabada ay ka qaadayaan kaligood talyayaasha Itoobiya iyo Somaliya iyo waliba aragtida Diktatooriga ee Asiyas Geeska ku faafinayo. “They expressed concern over increased tensions between Sudan and Ethiopia and encourage both countries to resolve their difference through peaceful means. They also discussed the situation in Somalia, where they expected a political consensus to deliver an election without delay.The European Union and United States intend to intensify their cooperation on Afghanistan, together with key partners, to advance the peace process and to ensure the long-term stability and prosperity of the country. The European Union and…
Kulan 5-ta Dowlad Goboleed oo qura ah,ayaa ka furmay Hotel Airport oo ay degan yihiin Puntland iyo Jubaland.Kulakan waxaa dalbaday Sadexda Maamul kadib markii Hogaamiye kooxeedka soo daahay udiiday kalankii saakay loo balansanaa ee Beesha caalamka.
Maxaad ugu canbaareyn wayday Xukuumada Ethiopia xasuuqa iyo kufsiga ka dhacay Tigray,iyo in Eritrea dagaalka ka qeyb gashay?? Mise waxaad ka baqaysaa in lagu eryo sidii loo ceyriyey Wasiirkii adiga kaa horeeyey Axmed Ciise Cawad?? Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Dooda iyo dadaalka Dacwada Badda Dowladii Xasan Shiikh meel sare ayay gaartay,Dad uqalmana gacantay ku hayeen ee 4-tii sano Farmaajo maxaa laga qabtay,markii laga soo tago ilmada Yaxaaska ee Wadaniyiinta CBB-da?? Waxaan u baahannahay in aan jawaabo u halno su’aalahan?? Ilaa intee gaarsiisan yahay diyaar garowgeennu?yaa u xilsaaran kiiskan?Qareemada Badda Soomaaliya Difaacaaya waa kumaba?Ma runbaa in Qareemadii Dacwadda bilaabay ay kiiska uga tageen Xushmadaro ?Ma runbaa in Qareemada hadda Soomaaliya Difaacaaya ay ku jiraan kenyaati?Yaa u xilsaaran in ay bulshada la wadaagto sida wax u jiraan?Yaa u xilsaaran in ay Dunida ka gadaan in aan Kenya ka saxannahay?Yaa u xilsaaran…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamadda Caalamga ah ee Garsoorka ICJ ayaa dooratay madaxweyne cusub oo xilka hayn doona saddexda sano ee soo socota, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda. Madaxweynaha cusub ayaa ah gabadha xaakimka ah ee u dhalatay dalkan Maraykanka ee lagu magacaabo Joan E. Donoghue. Xaakim Joan Donoghue ayaa xilkan kala wareegaysa xaakimka Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo u dhashay Soomaaliya. Xaakimka u dhalatay dalka Ruushka ee lagu magacaabo Kirill Gevorgian ayaa sidoo kale loo doortay madaxweyne ku xigeenka maxkamadda. Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ayaa qaadda dacwadaha iyo muranada heerka caalamiga ah ee u dhexeeya dawladaha, waxaana maxkamaddan ay hoostagtaa…
Halkan ka daawo muuqaalka
Laga billaabo 8-da Febraayo heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah oo keli ah ayaa looga gudbi karaa xilliga kala guurka siyaasadeed ee dalka. Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu la tashiyo ku aaddan sida ugu habboon ee firaaqa dastuuriga ah loo dabooli karo la leeyahay saamileyda siyaasadeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna soo bandhigayaa hannaanka ugu haboon ee looga gudbi karo xilliga kala guurka ah. C.C Warsame. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Deni Taariikhda,ayaa xusi doonta xaqiiqdii. Gaalkacyo oo gashay gacanta argagixisada,Khamrida iyo danbiyada ayuu dib usoo celiyey. Gaalkacyo oo qof caadiya ka cararay ama la dilay,ayuu gaarsiiyay in maanta loosoo guuro. Amni,horumar iyo dib usoo kabasho la yaab leh,ayaa ka muuqata Gaalkacyo.Odayaasha hadlaya maanta halkee jireen Shalay?? Talye Muumin Aadbaan ugu bogaadinaynaa shaqadiisa uu sida weyn uga soo dhalaalay. Wariye Abshir Dhiirane waa uga mahadnaqaynaa Barnaamijkan qiimaha weyn leh soo diyaarintiisa. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Reer Puntland-noow hogaamiyahaas ilaalsada Cabdullaahi Yuusuf kadib aad hesheen. Waxuu kasoo degay Cadaado oo Bulshadii kula kulmay tusayna in ay haystaan Nabad oo ay mudan yihiin in la karaameeyo. Ugu danbayna Dhuusamareeb,ayuu ugu soo xarooday si isku kalsoonaan leh. Farmaajo,Guudlaawe,Laftagareen iyo Qoor-qoor waxay ku dhici waayeen in ay Tacsi uga qaybgalaan 60-Km oo Guriceel ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Kastamka Tuurdibi Dowlad Deegaanku waa amray,waxaana hada heegan ku ah Ciidankii sida gaarka ah uga haelgeli lahaa. Madaxweyne Mustafe waxuu bixiyay amarkii Easiirada Deegaanku si rasmi ah ugu furi lahaaueen Kastamka. Masuuliyiinta Shirkada Wadaagsin ee Jigjiga ku sugan waxay si gaar ah ula kulmayaan oo ugu yeeray Madaxweyne Mustafe. Dowlad Deegaanka waxaa laga rabaa dhankooda in ay Kastamka furaan Wadada Laamiga ahna soo gaarsiiyaan. Dhanka Puntland waxii laga rabay way buuxiyeen,marka laga reebo Wadada xiriirisa Tuurdubi iyo Garacad oo Laami laga dhigayo. Wadadaas oo dhererkeedu gaarayo 300-Km,qiimayn ay samaysay Shirkada Wadaagsin waxaa ku baxaya dhaqaale gaaraya 80$-Milyan,iyadoo la bilaabayo Sanadka…
War-saxaafadeed ka soo baxay Hawgalka Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOM) oo ay ku saxeexnaayeen dalal iyo hay’ado dhowr ah ayaa lagu soo dhaweeyey magacaabista Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo la soo gudbiyey 27kii bishan Janaayo. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay gacan ka geysan karto hirgelinta heshiiskii 17kii September ee ka hadlayey hanaanka doorashada. War-saxaafadeedka UNSOM ayaa lagu sheegay in saaxiibada Somalia ay taagersan yihiin kulan dhex mara madaxda Dawladda Federlka iyo kuwa dawlad goboleedyada xubnaha ka ah, si ay u dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo xilligeedii ku qabsoonta. War-saxaafadeedka…
Madasha Danaha Puntland iyo Todobaadkan” Dooda” Maxaa la isku hayaa? Maxaa hortaagan in Dastuurka la qabyo tiro? Betroolka iyo Wadaaga kheyraadka Caqabadaha ku wareegsan? Martida” Cabdiraxmaan Salaad Jowle Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga hadana aha Musharax Aqalka Sare,isla markaana diyaarinaya Shahaadada Sare ee Sharciga Batroolka. Daahir Mire Jibril Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Dowladdii Cabdulaahi Yuusuf ahaana Musharax Madaxweyne Dowladda Puntland haystana Doctor of Philosophy. Cabdirashiid Sh.Cali Qunsulkii hore ee Safaarada Somalida Zambia,haystana Shahaadada labaad ee Xiriirka Caalamiga ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Dhiirigelinta Dhalinyarada ee Madasha Danaha Puntland” Waxaa marti noogu ah oo aan ka waraystay Hay’ad uu abuuray oo ka hawlgasha Puntland Cabdiqaadir Siciid Jaamac. Cabdiqaadir waa Agaasimaha Guud ee Haya’ada Tababarada Amaanka iyo Sharciyada Puntland oo haysta Shahaadada Master in Security and Criminology. Khibradiisuna gaarsiisan tahay 7-sano oo ah UN Security Department iyo 2 sano oo Kenya Criminal investigater. Cabdiqaadir waxuu hada jooga Garowe oo uu qayb ka qaato tababarida Ciidamada Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Maamulka degmada gaalkacyo ayaa olole nadaafadeed ka sameeyey xaafadaha magaalada gaalkacyo iyo waddooyinka si ay maagaladu unoqoto mid bilic leh,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
