Nuxurka baaqa besha caalamka?? Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda. Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta heshiiskaas si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan.
Author: Jibril Qoobey.
For immediate release JOINT PRESS STATEMENT International Partners Urge Resolution of Electoral Impasse Mogadishu, 12 January 2021 – Somalia’s international partners* are deeply concerned about the continuing impasse in implementing the electoral model agreed on 17 September by President Mohammed Abdullahi Farmajo and Federal Member State leaders. We urge Somalia’s top political stakeholders to demonstrate leadership in the interest of the nation and to quickly resolve outstanding issues of implementation through dialogue and compromise, so that a credible electoral process can proceed as soon as possible. The partners appreciate recent initiatives. In particular, they welcome the visit of Prime Minister…
SAAXIIBADA CAALAMKU WAXAY KU BAAQAYAAN IN LA XALLIYO IS-MARI-WAAGA KA TAAGAN DOORASHOOYINKA Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca sida ugu dhakhsiyaha badan. Saaxiibadu waxay ka mahad celinayaan…
Midowga Musharaxiin ayaa qoraal ay u direen Beesha Caalamka waxay kaga hadleen is mari waaga doorashada iyo sida xal looga gaari karo. Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in xalka uu noqon karo in Hal magaalo lagu qabto doorashada in Arrinta kuraasta Gobolada Waqooyi loo daayo Cabdi Xaashi, sidoo kale waxay sheegeen inay diyaariyeen Liiska xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay.
Howgal uu Hogaminayay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari Oo Ay Qeyb Ka Ahayeen Ciidamada Madaxtooyada Dowlada Puntland Ayaa Cawa Laga Sameeyay Magaalada Bosaaso kaas Oo Ku Adanaa Xaqiijinta Amniga Gobalka Bari. Howgalada Laga sameeyay Bosaaso ayaa qatay in ku dhow sagaal sacadood waxana laga sameeyay Bartamaha Lamiga Bosaaso Xafadaha Qaar iyo Huteelada iyadoo ay jiraan in ciidamada ay soo qabteen dad inta uu howgalka socday balse lagu sameen doono Baaritaano kala duwan Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Ayaa Bulshada Ka Dalbaday In Ay La Shaqeyaan Ciidamada Kala Duwan Ee Gobalka Bari.
Faadumo Maxamed Maajo oo ahayd laba Kaarle kawada tirsan Shabaab iyo Daacish,ayaa lagu toogtay Bosaso. Faadumo waxay ahayd madaxii Maaliyada Shabaab. Sidoo kale waxay ku darsatay oo noqotay madaxii Maaliyada ee Daacish. Labadaas jago ayay ku shaqaynaysay mudadan danbe. Faadumo waxay ahayd qoftii maalgisay oo hawlgalisay Wiilkii dilay Maareeyihii DP World ee Dekeda Bosaso Paul. Ciidamada amaanka,ayaa qabtay iyada iyo Nin la shaqaynayay,balse sifo sharci daro ah ayay uga baxday Xabsiga Bosaso,taasoo keentay in xilkii laga qaado Gudoomiyihii Maxkamada Danbiyada culus. Faadumo labadii sano ee udanbeeyay waxay ku dhuumaalaysanaysay Magaalooyinka Bari sida Carmo ka hor intaysan Bosaso dib ugu soo…
Madasha Difaaca Puntland oo kulankeedii koobaad xalay qabatay,ayaa laysku waydaarsaday arimaha masiiriga ah ee taagan.. Qodobada laga dooday,waxaa ugu waa weynaa.. 1.Doorashada. 2.Sicirka 3.Amaanka. 4.Midnimada Doodan,waxaa ka qaybgalay masuuliyiin xilal haya,kuwa soo qabtay,haldoor bulsho,Musharixiin iyo aqoon yahano.. B.Burhaan Dio Mio 2.Wasiir Ilyaas Dinix 3.Xildhibaan M.Shiike 4.Sarkaal Gaawiido. 5.Boqor Hanad 6.Ganacsade M.Mire. Halkan ka daawo muuqaalka
,“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri Muuse Biixi. Halkan ka daawo muuqaalka
Srael ayaa habkeeda difaaca gantaallada gaysay koonfurta dalkaas, taasi oo lagu macneeyey taxaddar iyo isu-diyaarinta weerar ay ka cabsi qabto in lagu soo qaado. Qeybo ka mid ah habka difaaca Patriot ee dhexda ka qabta gantaalalda ballistic, iyo habka Iron Dome ee ka hortaga gantaallada riddada gaaban ayaa lagu arkayey waddooyinka magaalo xeebeedka ku taalla badda cas ee Eilat. Sida ay sheegeen warbaahinta Israel, difaacyadan ayaa halkaas la geeyey kahor sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Jeneral Qassem Soliemani, taliyihii giuutada Quds ee ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kaasi oo sanad kahor ay Mareykanka ku dileen magaalada Baghdad.…
Shirka dowladaha Masar, Suudan iyo Ethiopia,ayaa mar kale galay xaalad cakiran kadib markii ay gaari waayeen hesiish ku aadan Xiisadda Biyo-xireenka webiga Nile. Biyo-xireenka oo ay dhiseyso Ethiopia, ayaa Masar iyo Sudan waxay u arkaan halis amni oo ay wajahayaan dadkooda ayaga oo rumeysan inuu yareyn doono biyaha kasoo gaari doona Webiga.
Xisbiga Dimoqraadiga ayaa Isniinta maanta ah billaabay dhaq-dhaqaaq dhanka sharciga ah oo ay xilka uga xayuubinayaan madaxweynaha uu waqtigiisa sii dhamaanayo ee Mareykanka, Donald Trump. Afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi ayaa sheegtay in maanta ay soo saari doonto qaraar ugu baaqaya Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wasiiradda, in ay adeegsadaan qodobka 25-aad ee dastuurka Mareykanka, kaasoo u ogolaanaya in madaxweyne Trump ay xilka ka qaadaan. Warqad ay u xalay u dirtay mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee xubnaha ka ah Aqalka Wakiillada, ayay Pelosi ugu sheegtay in haddii uu madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu qaraarka uga jawaabi waayo muddo 24-…
Ciidanka Haramcad l,ayaa weerar ku ah Ciidamo Lagu soo bandhigay duleedka magaalada Muqdisho oo uu Horkacaayo Sargaal Lagu Magacaabo Saney Cabdulle. Taliyaha NISA Fahad Yaasiin,ayaa bixiyay amarka lagu weerarayo Ciidamada duleedka magaalada Muqdisho ku sugan ee Sheegay in ay ka hortagaayaan Doorasho aan la isla ogolayn in ay Somaliya Gaar ahaan magaalada Muqdisho ka dhacdo.
Isimadu si fiican oo qurxoon ayay uhadleen. 3-qodob ayay ka hadleen oo muhiim ah kana hor imaanayn qadiyadeehana iyo masiirkeena. Sidoo kale Madaxweynaha waa is fahmeen,waana isla jaanqaadeen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Dhamaan Musharaxiinta oo isku duuban waxay la kulmeen hogaamiyayaasha sadexda Maamul ee Hir-shabelle,Koonfur-galbeed iyo Galmudug. Sadex arimood ayay hor dhigeen,kuwaasoo kala ah… 1.In aysan qaban karin doorasho aan loo dhamayn oo Pl iyo Jl aysan qayb ka ahayn. 2.Hadii ay qabtaan doorasho aan loo dhamayn ka musharaxayaal in aysan aqbalayn oo ka hor imaanayaan waxii foolxuma ah oo ka yimaadana ay masuuliyadeeda iyagu qaadayaan. 3.In Sadexdoodu ay abaabulaan Shir layskugu yimaado oo waliba Laftagareen markan doorka qaato maadaama Qoor-qoor fashilmay. Sadexda hogaamiye balanqaad cad kama samayn qodobadaas la hor dhigay,waxayse sheegeen in ay kasoo tashanayaan. Musharaxiintu si weyn ayay ugu…
aafad walba,waxaa lagu diyaariyay 100-Askari iyo Talyahoodii,kuwasoo ka hor tagi doona in doorasho been abuur ah lagu qabto Muqdisho. Sidoo kale waxaa jira Talye guud oo hogaaminaya Ciidamadaas oo diyaarsan. Qorshuhu waa 9-Feb in dhamaan Wadooyinka Xaafadaha ee Muqdisho lala wareego. Musharaxiinta waxay kaloo diyaariyeen dhaqaale fiican oo lagu hawlgalo. Dhanka kale Gudiga doorashada ee Musharaxiintu waxuu qabsan doonaa shaqadiisa,waxuuna taako taako uga jawaab celin doonaa kan Farmaajo ilaa ugu danbaynta Xamar lagu doorto Madaxweyne kale. Muuqaalkan waa Ciidamo ka mid ah kuwaas. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
MADAXWEYNAHA OO GUDDI U MAGACAABAY CABOOSHOOYINKA LA XIRIIRA SHILLIN SOOMAALIGA. Garoowe: 10 January 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga. Guddiga ayaa ka kooban: Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole. Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland. Wasiiradii hore ee Maaliyadda ( Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh). Wasaaradda ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Iyo Bangiga Dowladda Puntland. Madaxda qaar ka mid ah Jaamacadaha Puntland iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha ayaa guddigan kala shaqeyn doona talabixinta. Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii…
Garoowe: 10 January 2021 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda Shir-guddoominaya Shir gaar ah oo looga hadlayo xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga. Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore Senator Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh. Sidoo kale waxaa kulanka waxaa ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar…
Wafti ka socda Dowladda Kenya oo shaley la hadal hayey in ay tagaayaan magaalada Muqdisho,ayaa maanta tagi waayey , Wafti kale oo ka socda urur Goboleedka IGAD,ayaa magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo booqanaya si ay Qiimeyn ugu Sameeyaan muranka dhanka Xuduuda ee ka dhexeeya Somaliya iyo Kenya , Madaxweyne Farmaajo,ayaa isniinta oo Berrito ah booqanaya dalka Jabuuti si loogu dhawaaqo qiimeynta waftiga Urur Goboleedka IGAD iyo waxa ay kala soo kulmeen Magaalada Mandheera oo ay horey u booqdeen iyo Magaalada Beledxaawo oo ay maanta booqanaayaan. Jibril Qoobey
Dadka garashadooda yaan lagu ciyaarin!! Maalmo hore jadwalka doorashadaa la soo dhajiyey wax ka shaqaynayay ma jirin. shalay inta ay soo safteen ayey yiraahdeen qof danbe oo lala hadlayo ma jiro ee horaa loo soconayaa. Saakay waxaan maqlayaa Midowga musharaxiintaan la kulmeynaa!! Berrina meel kalaan aadeynaa ayey oran doonaan!! Hadal uu Nin siyaasi ah oo midkood la hadlay ii sheegay shalay ayaan xusuustay.. Wuxuu weydiiyey maxaa idiinku kalifay hadaladan? “War wax doorasho la yiraah ma jirtee Xabsi baan 48-saac ku jirnay sida kaliya oo aan ku soo bixi karnayna sidaas aad aragtay uun bay aheyde isu kaaya keena”Ayuu ugu jawaabay…
War saxaafadeed ka soo baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare “ Waxaanu halkaan ku Cadeeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba ka jirin hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, “Shirkii Garoowe kadib majirto cid noola timid wax heshiis iyo wada hadal ah” Shacabka soomaaliyeed xogta aan la qayb sanayo waa taas. Halkan ka akhriso
Eng Maxamed fa’izudiin oo ka warbixyey Dekada Garacad iyo dhamaan shaqada ka socota hada. Halkan ka daawo muuqaalka
“Ra’iisul Wasaaraha waxaan is dhaafsanay aragtiyo aad iyo aad u kala durugsan, waxuu isoo gudbiyey dowladda aragtideeda ana aragtida musharaxiinta ayaan u gudbiyey, qadarin ayaan u hayaa Ra’iisul Wasaaraha.”Ayuu yiri Daahir Geelle. Halkan ka daawo muuqaalka
“West Virginia lawmakers Derrick Evans, who live-streamed himself during the storming of US Capitol Building, being arrested by the FBI”. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence,ayaa ka mid ah dadka dalbaday in maxkamad lasoo taago kuwii qalalaasahaas sameeyay, sharciga ugu adagna la marsiiyo. Khubarada dhinaca sharciga ayaa sheegay in dadka dambiyada geystay qaarkood ay wajihi karaan 20 sano oo xabsi ah.Tiro ka mid ah xildhibaannada Mareykanka,ayaa khasab ka dhigay in shaqada laga eryo saraakiil sar sare oo ay u heystaan mas’uuliyadda wixii dhacay. Chuck Schumer oo loo doortay hoggaamiyaha Aqalka Senate-ka,ayaa sheegay in marka xilkiisa loo dhaariyo uu shaqada ka…
Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nency Pelosi,ayaa sheegtay, in ay xilka qaadi doonaan Madaxweyne Trump haddii uusan is casilin. Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyadduusu hadda heystaan Dimoqraadiga ayaa diyaarinaya qodobka xil-ka-xayuubinta madaxweynaha, kaasoo oo ay warbaahinta Mareykanku ku sheegeen inuu noqon doono “Kicinta Kacdoon lagu ridi rabay dowladda” .Qodobkaasi,ayaa Madaxweynaha ku eedeynaya in uu dhiirrigeliyay rabshado ka dhacay xarunta Kongareska, kaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo shan qof. Haddii ay Aqalka Wakiillada xilka ka qaadaan madaxweynaha, si taasi ay ansax u dhaqangasho waxay u baahnaan doontaa in Aqalka Senatka ay Iyana xilka ka qaadaan, taasoo u baahnaan doonto in qaar ka…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Lacagtan maxaa qiimaha ka qaaday ma is waydiiseen?? Horta maamulkeeda,wax ka badalkeeda iyo jaangoynteeda Dowlada Dhexe,ayaa leh oo awoodaha Afarta ah ayay ka mid tahay ee qabsada!! Puntland Dowladeedu way dadaashay oo waxay isku dayday in ay xakamayso. Joojinta Sh.S. ee Dekeda waxay qayb ka ahayd xakamaynta sicirka,maadaama ay samaysmeen ganacsato lacagta ka baayac mushtareeya. Tusaale” Dekedaha Somaliya mida kaliya ee Sh.S laga qaato waxay ahayd tan Bosaso,taasi waxay sababtay in qof walba oo Sh.S. haystaa Bosaso usoo qaato si uu dolar ugu badasho. Ganacsatada Puntland oo fursadaas ka faa’idaysanaysa waxay bilaabeen in ay baayac mushtar ka dhex abuuraan xoog…
Wasiirada mushahaarkoodu waxuu ahaa 800$,maantana waxaa lagavdhigay 3000$. Baarlamaanka mushahaarkoodu waxuu ahaa 1200$,maantana waxaa laga dhigay 2500$. Ciidanka Mushahaarkoodu waxuu ahaa 70-120$,halka maanta looga dhigay 250$. Shaqaalaha rayidka ah oo la dhamaystiray darajooyinka heerarkooda,waxaa loo kordhiyay mushahaarkooda Boqolkiiba Boqol iyo Toban. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Qoor-qoor ma sheegin Puntland iyo Jubaland waxa ay u soo dhiibeen?Qoor-qoor ma sheegin waxa ay tanaasulka ay ka samaysay Dowlada Fadaraalka? Halkan ka daawo muuqaalka
Rooble waa Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Farmaajo!! Qoor-qoorna waa Gudoomiyaha Gudiga Olalaha Farmaajo!! Qorshaha ay dajisteen Nabar iyo Naxdin waxuu yahay sida tan… 1.In Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland lagu soo xulo Xamar sida kuwa Somaliland. 2.In Dhuusamareeb iyo Jowhar fawdo laga sameeyo. Kadib doorasho sidaa lagu galo oo dib loogu doorto Farmaajo. Dowladaha Itoobiya,Eretereya iyo Qadar ay aqoonsadaan doorashadaas iyo natiijada kasoo baxda kana caawiyaan Farmaajo in beesha caalamka laga dhaadhiciyo ictiraafka Madaxweynanimadiisa. Qorshaha kale ee Nabar iyo Naxdin ay wataan waa sida tan… Hadii isku dayadan ay umuuqdan kuwo aan socon karin oo si weyn looga hor yimaado. Farmaajo waxuu…
Qoor-qoor siyaasiyan,ayuu usoo afjarmay xaqiiqdii. Waa markii labaad oo uu fashil siyaasadeed dhex istaago. Gaalkacyo ayay ku kulmeen isaga iyo Deni waxay isla qaateen in ay dhexdhexaadin wada bilaabaan oo dalka ur ubixiyaan. Garowe ayay wada tageen oo kula kulmeen Somalidii kale. Wada xaajood kadib Qoor-qoor waxaa loo soo dhiibay sadex Qodob oo kala ahaa. 1.Arinta Gedo2.Arinta Xildhibaanada Waqooyi.3.Gudiyada Doorashada. Balanku waxuu ahaa in uu lasoo kulmo Fahad iyo Farmaajo dibna ugu soo cesho jawaabta Odoyaashiii Garowe ku sugayay. Qoor-qoor waxuu lasoo hadlay Deni oo uu ku yiri aan kuu sheego waxii aan kula heshiiyay Farmaajo. Deni waxuu ugu jawaabay…
Warar laga helayo deegaanka Cimaamad oo deegaanka Wisil u jira 15KM ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa la wareegay Malayshiyad ka tirsan Al-Shabaab, ka dib iska horimaad kooban oo dhaxnaray dadka deegaanka Iyo Al-shabab Dadka deegaanka Wisil oo VOA ay la xiriirtay ayaa waxa ay u sheegeen in deeganka Cimaamad oo kamid ah deeganada hoostaga Bacadweyne aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay isku dhicii xalay. Dadka ku dhaqan deegaanada Bacadweyne, Shabelow Iyo Cimaamad ayaa horay dagaal ula galay Al-shabab ka dib markii ay ka biyo diiden fulinta ammarada Al-shabab ay dadka deegaanka kaga dalbanayeen bixinta xoolaha ay ugu yeereen…
XEERKA ANSHAXA EE MURASHAXIINTA BAARLAMAANKA FEDERALKA SOOMAALIYA lnta lagu guda jiro geedi-socodka doorashada, murashax kasta oo u tartamaya kursi baarlamaan waa inuu ilaaliyaa, dhowraana dhamaan habraacyada, xeerarka iyo shuruucda doorashada 2020/2021, si loo xaqiijiyo horumarinta jawi fududaynaya inay qabsoomaan doorashooyinka 2020/2021 si xor ah oo xalaal ah. Xeerkaan wuxuu saldhig u yahay geedi-socodka doorashada, wuxuuna hagayaan hawlaha ay qabanayaan Murashaxiinta inta lagu guda jiro geedi-socodka oo dhan, min billow ilaa dhamaad, oo ay ka midyihiin Diiwaan-gelinta murashaxiinta, ololaha siyaasadeed, codaynta, tirinta codadka, go’aan ka gaarista cabashooyinka, iyo ku dhawaaqidda natiijooyinka doorashada. Dhammaan murashaxiintu waa inay u hogaansamaan qodobada hoos ku…
Waxaa goordhow soo dhamaaday shir u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle oo soo bilowday maanta duhurkii, waxaa shirka markii dambe ku soo biiray Taliyaha NISA, iyadoo mas’uuliyiinta shirsanaa uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka iyo xal u helida caqadaha ku hor gudban hirgelinta hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay. Jibriil qoobey
Maxaa naga maqan?WQ: Biciid sidee se ku helnaa waxa naga maqan?marna ma is weyddiisay weyddiintaan iyo kuwo la mid ah? Bal ila eeg hidda afeedka ay nooga tageen awooweyaasheen balse aan ka gadmannay? Cirro Ciso mudanGobi guddoon mudanCulimo duco mudanGari Xeerbeegti mudanGuurna Hidde Mudan Waa shan qaacido oo aan laga tallaabi karin, markii laga tallaabayna waxa ay noqotay in loo dhiibay mid walba cid aan wadaygeeda ahayn. Shiqi markii uu duceeye nin walba na wadaad noqday waxaa ka dambaysay maanta waa u jeednaa. Cisadii cirradii baa kala maagay, oo cirradii la cisayn jiray baa maanta hor boodaysa intii keeni jirtay…
Donald Trump ayaa sheegay in uusan ka qeyb galeyn xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Mareykanka 20-January.
Xuska Sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay Doorashadii Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdullaahi Deni iyo Maxawayne ku Xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan.
Maanta oo ku beegan 8,1,2021 waa labo Sano Guuradii kasoo wareegtey Doorashadii Madaxweynaha Puntland mudane Saciid Abdullaahi Deni. Xaflad Caawa ka dheceysa Madaxtooyada Puntland,ayaa looga Dabaal degayaa Labo Sano Guuradii kasoo wareegtey Doorashada Madaxweynaha Puntland. Waxaa Xaflada Caawa jooga musharixiinta kala ah Xassan Cali Kheyre,Cabdikariin Xuseyn Guuleed iyo Mustaf Dhuxulow iyo Xasan Shiikh Maxamud, Xafladan waxaa kasoo Qeyb Galaya marti sharaf kala duwan. Jibriil Qoobey
Waxyar kadib markii Congress-ka ay ansixiyeen guusha Biden, Trump ayaa ballan-qaaday inuu si nidaam leh awoodda u wareejin doono 20-ka Janaayo, inkasta oo uu yiri “Si buuxda ayaan u khilaafsanahay natiijada doorashada.” “Waxaan mar kasta sheegayey inaan sii wadi doonno dagaalkeena si aan u xaqiijino in kaliya codadka sharciga ah la tiriyey,” ayuu yiri Trump. “In kasta oo tani ay ka dhigan tahay dhammaadka muddo xileedkii koowaad ee ugu weynaa taariikhda madaxweyne ee Mareykanka, waa kaliya billowga dagaalka aan mar kale Mareykanka uga dhigeyno mid weyn,” ayuu yiri. Qoraalkan ayaa waxaa baahiyey, Dan Scavino oo ah agaasimaha warbaahinta baraha bulshada…
Congress-ka Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey guushii uu Joe Biden ka gaaray doorashadii madaxweyne ee dhacday bishii November, saacado kadib markii aqalka Capitol Hill ay qabsadeen taageerayaasha madaxweyne Trump. Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, oo guddoominayey kulanka Congress-ka, ayaa ku dhowaaqay in 306 ergo doorasho ay codadkooda siiyeen Biden, halka Trump uu ka helay 232. Trump ayaa labadii bil ee tegay wuxuu si aan caddeyn laheyn ugu celcelinayey inuu isaga ku guuleystay doorashada, wuxuuna ku boorinayey taageerayaashiisa inay ka dagaalamaan natiijada doorashada. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir guddoominayay kulanka golaha wasiirada Jubbaland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Mudane Saciid Abdullaahi Deni, ayaa manta Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland. Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ahmed Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay.. 1.Amniga2.Horumarinta Garoomada Diyaaradaha, 3.Mushahaarka Shaqaalaha.4.Dib-u-eegista khidmadda Visaha iyo shaqasiinta Ajaanibta. Jibriil qoobey
Maxay iska shabahaan Trump iyo Farmaajo?? Waxaa jira arimo badan oo Trump iyo Formaajo ka simayihin!! 1.Xukun jacaylka. 2.Dacaayadaha. 3.Askarta oo loo isticmaalo si aan sharciga waafaqsanayn. 4.Umada oo Laaluush lagu kala dilo. 5.Wadaniyad Been abuur ah 6.( Make Amerika Great) for Trump?? 7.Formaajo ( Kenya ayaan xariirka u jarney iyo wax la mid ah.) 8.Trump wuxuu xariir la samaystay (Putin oo ahaa former KGB officer) 9.Farmaajo wuxuu xariir la samaystay (Brother Abiy(oo ahaa militari intelligence for Tigray. Trump tag daadka ayaa qaadey!!! Formaajo rabitankiisa iyo shacabka Somaliyed rabitankooda yaa guulaysan doona 8-Feb ??? Jibriil qoobey
Dhaqanka Siyaasadeed iyo Sifooyinka Farmaajo iyo Trump ka siman yihiin!! Hal Xisbi ayay ka wada tirsanaayeen, Doorasho xor ah iyo xukunka oo si nabad ah la isugu dhiibana doqonimo ayay u arkaan. Kursi Jacaylka iyo Kaligii Taliyenimaduna waa u sii dheertahay.Dadka oo dhan in ay ka caqli badanyihiin ayay isku heystaan, in wax laga sheegana dambi ayay u arkaan, shar iyo kheyr wixii ay la yimaadaana in lagu taageero ayay jecelyihiin.Dadka taageera waxay u badanyihiin CARUUR IYO CAAMO aaminsan sheekooyin khurraafi ah oo aaminsan in ay yihiin Owliyo Ilaahey iyaga u soo diray, hadii aan la adeecina balaayo aan la…
Rooble waxuu ku celiyay 12-kii Safiir ee uu soo qoray Wasiir Maxamed Cabdirisaaq. Ku celinta,ayaa loo cuskaday in aysan buuxin awood qaybsiga dalka. Sida wararka la helsyo ay sheegayaan diidmadan kama imaan Rooble waxay ka timid Fahad Yaasiin. Xubno badan oo ku jira Safiirada la celiyay ayaa sidaanoo kale sanad ka hor loo magacaabay. Jibril Qoobey Halkan ka akhriso magacyada safiirada
“Adoo Madaxweyne Somaliyed ah maxaad Jigjiga utagtay oo waliba ugu dhaantaysay” Su’aashaas,waxaa waydiiyay Wiil dhalinyaro ah habeenkii PDRC Xasan Shiikh. Halkan ka daawo muuqaalka
“Ciil baan 15-sano ku joogay Hargaysa marar badana ma iskaga tagtaa,ayaan is oran jiray”Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe,ayaa sidaa yiri. Baashe waxuu kasoo jeeda Gobolka Sool beesha Dhulbahante,waxaana hada ka hor ugu gacan qaaday Golaha dhexdiisa Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Wadani. Hadalkiisu waxuu muujinayaa ilhaamada masuuliyiinta beeshaas ay ku dhex joogaan maamulka Somaliland ee beesha Isaaq ay leedahay. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirka wada shaqaynta Dowladaha Puntland iyo Galmudug,ayaa markale qabsoomay. Shirka waxaa wada gudoominayay labada Wasiir ee amniga iyo arimaha gudaha,waxaana qayb ka ahaa saraakiisha amaanka,Maamulada Gobolada iyo Isuduwayaasha Wasaaradaha. Shirkan waxuu muhiim u yahay amaanka Gobolka Mudug si gaar ah,iyadoo looga xaajoodo xaalada markaas taagan iyo wada shaqaynta guud. Gaalkacyo isbadal amaan,ayaa ka muuqda marka laga soo tago dhacdooyin marmar dhaca. Jibril Qoobey
Wasaarada Caafimaadka Puntland xarun cusub oo si casriya loo dhisay ayay ku yeelatay Gobolka Mudug markii ugu horaysay tan iyo aas-aaskii Dowladnimada Puntland. Xaruntan waxay mudan tahay bogaadin,waxaana looga fadhiyaa Wasaaradaha kale in ay fuliyaan balanqaadkoodii hore. Mudug waxaa aad u hooseeya xarumaha loogu adeego Bulshada ee ay Gobolka ku leeyihiin Wasaaradaha Puntland. Jibriil qoobey
Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa ku sugan Muqdisho Laba Isin,ganacsato iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Cali Saleebaan. Beeldaaje Maxamed,Suldaan Maxamuud,Caaqil Siciid Xuseyn,Xildhibaan Cabdirxmaan iyo Liibaan Dheere. Xalay waxay shir kula qateen Hotel Decale Kulane Jiis iyo Fahad Yaasiin. Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro lacag lasoo siiyay oo Codad ka duubaya Dadka caadiga ah ee ku nool Bariga fog ee Puntland,kuwaasoo aan wax badan kala socon siyaasada. Ujeedka waxaan loo abaabulayo waa dhabar jabin siyaasadeed oo Puntland ku wajahan. Jibril Qoobey.
Wasaarada Arimaha dibada Turkigu waxay uga digtay muwaadiniinteeda in ay ka fogaadaan goobaha mudaaharaadyadu ka dhacayaan ee Maraykanka. Sidoo kale waxay ugu baaqday dhinacyada Maraykanka in ay isdajiyaan oo dulqaad muujiyaan. Hadalka Wasaarada arimaha dibada Turkiga,ayaa umuuqda mid ku digasho ah oo looga faa’idaysanayo yaxyaxa ku dhacay hormuudkii Dimuqraadiyadii caalamka. Jibril Qoobey.
Wasaarada Arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa magacawday Danjirayaal . Xiliga lagu soo aadiyay marka la qiimeeyo waxay umuuqataa mid dano siyaasadeed laga leeyahay. Somaliya horay waxay u awoodi wayday kharashaadka safaaradaheeda muhimka ah sida Qatar,Imaaraad,Sacuudi,Nayrobi,Turki iyo Adis-ababa. Wax macno leh sooma kordhinayaan magacaabida Safiiro cusub,iyadoo kuwii hore ay biilaan dalalka ay la joogaan kuwana ay Xamar ku dayacan yihiin. Maalmo ka hor waxaa Wasaarada Maaliyada Fadaraalka lagu arkayay Safiirka Adis-ababa Camey oo mudo ka daba wareegayay xoogaa kharash ah oo uu usaxiixay Madaxweyne Farmaajo. Diblomaasiyada Somaliya waxay macno uleedahay Qofkii ganacsada ah oo isagu is kharashgareeya danahiisana ku fushada maqaamka…
Labada Aqal,ayaa caawa sii wada kulanka ay ku tirinayaan codadka ergooyinka Gobolada,isla markaana ay ku xaqiijinayaan guusha Joe Biden,kadib kala cararkii shalay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Trump oo aanan si toos ah u cambaareyn rabshadihii ay taageerayaashiisa ka dhigeen xarunta baarlamaanka, ayaa bartiisa twiterka qoraal iyo muuqaal uu soo dhigay ku boorriyay taageerayaashiisa, in ay guryahooda aadan. Baraha Bulshada ku xiriirto, sida Twitter iyo Youtube,ayaa muuqaalkaasi ka qaaday barahooda. Sidoo kale Twitter ayaa muddo 12 saacadood ah ka xannibay madaxweyne Trump cinwaanka uu leeyahay bartaasi. Dhacdadi shalay ay taageerayaasha Trump ku galeen xarunta Koongareeska, ayaa noqotay mid ka mid ah dhacdooyinki ugu xumaa ee taariikhda casriga ah ee Mareykanka ka dhaca xarunta Baarlamaanka. Halkan ka daawo muuqaalka
Xisbiga Dimoqraadiga ayaa la wareegaya hoggaanka Aqalka Senate-ka, kaddib markii ay laba kursi ka heleen doorasho ku celis ahayd oo ka dhacday gobolka Goergia. Jon Ossoff iyo Raphael Warmock,ayaa ka guuleystay senatorrada Jamhuuriga David Perdue iyo Kelluy Loeffler. Dimoqraadigu waxay hore u haysteen aqalka hoose,laakiin guusha aqalka Senate-ku waxay madaxweynaha la doortay ee Joe Biden u sahli doontaa in ajandayaashiisa ay labada aqal meel mariyaan. VOA
HOOS U DHACA DHAQAALAHA ITOOBIYA… Dhaqaalaha Itoobiya ayaa lagga dayrinayaa, Ha’yadda lacagaha adduunka ee IMF ayaa saaddalisay in sannadka cusub waxsoosarka guddaha Itoobiya(GDP) uu noqon doono EBER(0%). Arrintan waxaa ka dhalan karta shaqo la’aan baahsan. Shantii sannee u dambaysay waxaa bur-buray Afar boqol(400) oo maal gashi ah. Wasaarada maal gashiga dalka Itoobiya oo warbixintan shaacisay ayaa sheegtay in la awoodi waayay in dib loo haggaajiyo maal gashigan, maaddama hannaan qowmiyadeed loo beegsaday. Sicir barar guud ayaa dalka saameyay, sarifka lacagaha qalaad ayaa cirka isku sii shareeraya. Dollarku suuqa madaw 53-Birr ayuu marayaa halka Bangigu ku sarifayo 39.6 Birr. Lacagta cusub…