Author: Jibril Qoobey.

Madaxweyne Deni,ayaa ku baaqay in la isugu yimaado Shir looga heshiinayo arrimaha doorashada, kaasi oo la mid ah kii Muqdisho ku qabsoomay 17-kii September 2020. Madaxweyne Deni waxuu daaha ka qaaday in uu jiray Shir kale oo dahsoonaa oo ay wadeen isaga iyo Qoor-qoor oo bar-bar socday Kulan weynaha Heritage. Muhiimada Shirka Heritage ee Garowe waxay ahayd in ay isku arkaan madaxda Somalida ee taladu ka go’do si ismari waaga taagan looga gudbo. Kulamadii dadnaa muhiimkana ahaa ee socday maalmihii lasoo dhaafay xogaha laga helayo waxay sheegayaan in guul laga gaaray maalmaha soo socdana dhaqdhaqaaq wanaagsan bilaaban doono. Puntland markale…

Read More

Uma qalmin mana ahayn in uu ku matalo Puntland gudoomista Mahadnaqa Martigelinta Shirka. Wasiiro iyo shaqsiyaad kale,ayaa bixiyay dadaalka ay Puntland ku faanayso kuna mutaysatay bogaadinta. Hadii kii dadaalay la xaqiro oo magaciisii mid Sanbuus keen keenayay isticmaalo,waxaa lumaya dadaalka iyo waxtarka midka wax ugu yaal Bulshada. Marna ma ahayn in Dhabancad magaca Puntland loo igmado si walba uu u yahay Wasiirka arimaha gudaha. Jibril Qoobey.

Read More

Waa soo gabagaboobay Shirkii muhiimka ahaa ee ay kasoo qaybgaleen ku dhawaad 900-ka ee qof. Soo dhaweyn aad looga mahad celiyay,Martigalin maqsuud ka dhigay Marti sharaftii timid iyo Maamuus gobeed oo aad sareeya ayay Puntland timid. Madaxweyne Deni hogaamin qurxoon,ayuu sameeyay mudadii Shirku socday. Sidoo kale Gudiyadii la shaqaynayay kuwa Heritage ee Puntland,ayaa dadaal xoog badan sameeyay. Puntland waxay soo bandhigtay awoodeeda dhan walba. 3-sano oo Jabuti ay martigalinaysay Kulankan,waxaa laysla qiray in kan Puntland uu ka miisaan iyo maqaam sareeyay kana saamayn batay. Shirkan marka laga soo tago arimaha 2025 ee uu ku wajahnaa hadana xaalka dalka ee maanta,ayuu…

Read More

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika U.S. Africa Command (AFRICOM) oo kaashanaya Dawlada Federalka Somalia,ayaa waxey si wadajir ah u fuliyeen (2) labo duqeyn oo cirka ah laguna bartilmaameedsanayay xaro ay leeyihiin ururka al-Shabaab oo ku taal agagaarka Kunyo Barrow, Soomaaliya,Jan. 1, 2021.Sida ay ku sheegeen warsaxaafadeed uu soo saarey Taliska Africom in ay socoto qiimeyntii u dambeysey, hase yeeshee qiimayntii ugu horreysay ee la soo gabagabeeyay ayaa ku dhammaatay burburka dhismayaasha la beegsaday. In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted two airstrikes in Somalia on Jan. 1, 2021. Both strikes targeted al-Shabaab compounds in…

Read More

Warmurtiyeedka Shirka Heritage ee Garowe” Garowe, Puntland—Soomaliya (02 Janaury 2021) Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, oo ah xarun cilmi-baaris, gorfeyn iyo maskax-maal lagu sameeyo, ayaa Madasha Aragti-wadaaga Soomaalida ee sannadlaha ah markii ugu horreysay ku qabatay caasimadda Dowladda Puntland ee Garowe, intii u dhaxeysay 29 December 2020 iyo 2-da January 2021. In ka badan 700 oo qof, oo ka kala yimid dacallada dalka, ayaa kasoo qeybgalay madasha. Masuuliyiinta labada heer ee dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka bulshada rayidka ah ayaa ka mid ahaa dadka kasoo qeybgalay. Madashan, oo ah fagaare kulmiya haldoorka iyo hoggaanka Soomaalida sannadkiiba mar, ayaa looga arrinsaday afar…

Read More

Madaxweyne Axmed Madoobe si faahfaahsan oo xog ogaalnimo leh,ayuu uga hadlay dib udhiskii Ciidanka Xooga Dalka iyo heshiiskii Amniga Qaranka ee fashilmay. Madaxweyne Axmed Madoobe waxuu cadeeyay in Al-Shabaab ay si fudud ku helaan hubka iyo agabka kale ee Dowlada Federaalka ah ay lahayd halka aysan helin Ciidamada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madasha waxaa la sugayaa in la isku raaco warmurtiyeed: 1.Fulinta heshiiskii doorashada ee 17 September 2020 2.In murankii ka dhashay habraacyada heshiiska Doorashooyinka lagu xaliyo shir deg deg ah oo Madaxda Dalku isugu timaado iyo saamileyda siyaasadda. Jibril Qoobey.

Read More

Shirkada Kebarco wajigii sadaxaad oo 400-mitir ah ayay udhisaysaa Wadada dhexmarta Burtinle. Laba boqol oo ka mida ah Wadada waxaa bixiyay Faysal Baabaraqiis iyo Axmed Baabaraqiis oo Aabahood Xasan Yacquub Baabaraqiis usadaqeeyay. Kebarco waxay mudan tahay bogaadin iyo mahad celin.

Read More

Madaxweyne Hassan Shiikh Maxamud,ayaa khudbad heer sare ah ka jeedin doono Madasha 17-aad ee PDRCTALKS oo dhacaysa 3-da bishan,ayaa waxaa looga hadli doonaa ‘Hannaanka Toosan ee Hirgelinta Nidaamka Federalka Somaliya. Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Garowe Caasimadda Puntland ayaa su’aalo toos ah weydiin doono Madaxweynaha Demoqraadiga ah Xassan Xassan Sheikh Maxamuud.

Read More

Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayi Aadan ayaa ka tacsiyeeyey geerida AUN Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo katirsanaa golaha wakiilada Jubbaland, Xildhibaanka ayaa geeriyooday kadib markii kooxaha Argagixisadu ay qarax ugu xireen gaarigiisa. Madaxweynaha ayaa guud ahaan dadka Jubbaland, golaha wakiilada Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyeeyey geerida Xildhibaanka Laamaha amniga ayuu faray in ay dabagal ku sameeyaan kooxaha Argagixisada katirsan ee ka dambeeyey falkaan si gacanta loogu dhigo kadibna loo horgeeyo sharciga.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qado sharaf u sameeyay Madaxda DFS, Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan Garoowe. Qada sharafta oo ay Madaxweynaha ku weheliyeen Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka DFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS Mudane Maxamed Mursal, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Madaxda Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka…

Read More

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Arbacadii u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Anita Kiki Gbeho, oo u dhalatay dalka Ghana, ku-xigeenka wakiilkiisa gaarka ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM. Kiki Gbeho ayaa xilkan kala wareegysa ninka jagadan horay usoo hayey ee Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe, kaas oo isagana loo magacaabay kaalliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Libya. Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in Gbeho ay leedahay qibrad 25 sano ah oo la xiriirta qorsheynta istaratjiyadda, isku duwidda iyo maamulka siyaasadda waxayna kasoo shaqeysay xafiiska horumarinta arrimaha binu’aadannimada Qaramada…

Read More

Bism.Rax.Rax. “DOORASHADA 2021” SOMALIYA IYO FARMAAJO YAA U GAR NIQIDOONA..? Anoo ku hadal qabsanaya khudbadii Mahdi Guuleed ee Garowe, faaladayda waxaan ugu magacdaray GARNAQSI: Marka hore, waxaan Xaal u dirayaa AUN Adeerkay Osman Yussuf Keenadeed oo gabaygiisi si qalddan iyo Madal qalddan loo isticmaalay. Qodobka labaad, maalmahaan waxaan iswaydiinayey, Mucaaradka ma aqbalayaan in ay Doorashada ka qayb galaan haddii Farmaajo aqbalo codsigooda oo ah: Guddiga Doorashada in gabi ahaanba la bedelo oo la tixgeliyo xubno ay heshiis ku yihiin..!Fahad Yassin in laga qaado xilka NISA..!!Ciidamada Dawlada in dib looga soo celiyo Gedo..!!! MashaAllah, riwaayad qurux badan soo ma aha. Somaali…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS, Madaxweynaha Jubbaland iyo Qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa maagaalada Garoowe ku yeeshay kulan looga hadlay xaalada Guud ee dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO DAAH-FURAY SHIRKA HERITAGE EE GAROOWE. Garoowe: 30 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa daahfuray madasha aragti wadaagga ee maxadka Heritage oo hadda Garoowe ka furmay, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horaysey ee Soomaaliya lagu qabto. Doodda shirka sanadka ayaa ku aqptonta “sidee looga bixikaraa ku-meelgaar-nimada daba-dheeraatay sanadka 2025”. Shirka waxaa qayb ka ah Madax ka socota DFS, Madaxweynayaal hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwo ka tirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah, masuuliyiin ka socda bulshada rayidka ah, culimo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa booqasho ugu tagay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Madaxweynaha ayaa Masuuliyiintan kulanka uu la yeeshay waxaa uu ku saabsanaa Xaalada dalka uu marayo xiligan kala guurka ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa Doorashooyin loo dhan yahay oo la isku raacsan yahay xor iyo Xalaalna ah inay dalka ka dhacaan taas oo kamid ah himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan hogaamiyayaasha dalka.

Read More

Sidee u geeriyooday Wasiir Dowlad?? Qolkiisii,ayuu xalay galay kadib maantaa lagu jabiyay,waxaana loogu tagay isagoo Sijaayadiisii Salaada dul yaala oo u eg Qof geeriyooday. Kadib bahda Caafimaadka oo loo yeeray waxay xaqiijiyeen in uu geeriyooday. Dowlad waxuu ahaa Qof wanaagsan oo haldoorka bulshada ka mid ah sida ay ka mara kacayaan dadkii lasoo shaqeeyay. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye”Qooraoor” ayaa ka hor shirka Sanadlaha ah ee Madasha Heritage’ kulan la qaatay masuuliyiinta iyo shacbka ka soo qeyb galay Furitaanka Madasha.

Read More

CBB waxay u yaqaanaan N&N Farmaajo oo qura!! Shirka Aqoon iswaydaarsiga sanad laha ah Heritage ee Garowe ka furmay maanta waxaa jooga.. 1.Raiisalwasaare ku xigeenkii dalka iyo 10-Wasiir wax ka badan iyo Wasiir ku xigeeno. 2.Gudoomiyayaashii Golaha Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo Xildhibaano tiro dhaaf ah. Hadana N&N waxay wareejinayaan in shirkaas shir mucaarad yahay Dowladda fedaraalkuna aysan shaqo ku lahayn. CBB waxay ka xun yihiin in markii ugu horaysay shirkan lagu gabtay caasimada Puntland ay ku qabatay Heritage Somaliya asagoo awal lagu qaban jiray DJabuti. Heritage waa hay’ad Cilmi baaris mana jirin loogama baran inay ka shaqayso wax Dowladda Somaliya…

Read More

Jadwalka Shirka Heritage Ee Garowe” Maalinta 1-aad: Salaasada 29 Diisenmber 2020. Mawduuca: Siyaasadda BARNAAMIJKA AFI 2020 Goorta Barnaamijka Cidda hadlaysa Qaybt 1-aad 15:00 – 16:00 Iswaangalinta 16:00 – 16:05 Furitaanka madasha HIPS+Qur’aan 16:05 – 16:10 Farriin caafimaad oo la xiriirta COVID-19 Jaamac Faarax, Wasiirka Caafimaadka Puntland 16:10 – 16: 20 Erayga furitaanka ee HIPSCabdirashid Khaliif Xaashi, Agaasimaha HIPS 16:20 – 16: 30 Erayga soo dhoweynta Madaxweynaha Puntland H.E. Siciid Cabdullahi Dani 16:30 – 16:45 Hadal-jeedinta Madaxweynihii hore H.E. Xassan Sheikh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya 16:45 – 17:00 Hadal-jeedinta Aqalka Sare H.E. Cabdi Xaashi C/llahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare 17:00 –…

Read More

Casharka laga bartay “Sixir bararkan” la buunbuunshay oo ay Fahad iyo Farmaajo dabada ka riixayaan si ay arrimaha doorashada kaligood isaga wataan.. In Puntland u baahantay inay ka fakarto sidey lacag Sharci ah oo aan si fudud loo daabici karin u samaysan lahayd (Xamar iyo koonfur xaal keedu xaalkeedu ma dhawa). 2.In xal u helida dhibka ka dhashay diidmada Sh So aan Dawladda PL kaligeed xalin karin oo ay tahay awooda dowladda dhexe ayna Iska indhatirayso DASTUURKA DALKA 3.In ay ganacsatadda reer Puntland door muhiim ah oo la taaban Karo ka qaadato abuurista sidii xalwaara loogu helilahaa dhibka jira iyo…

Read More

Qaabka ama Shaxda uu Mw Farmaajo u agaasimayo Doorashada 2020-2021Cayaar-Qof-Kaligii sameestay..!! Qaybtii labaad.. Mw Farmaajo waa Madaxwaynaha Dalka islamarkaa ah Murashax doonaya in marlabaad dib loo doorto 2021.. Mw Farmaajo waxa loo dhaariyey inuu dalka gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Codkiisa ah, lkn waxay u muuqataa inuu agaasimayo Doorasho Qof-Kaligiis ah.. One-Man-Election..! Halbeega faaladayda ama Misaanka aan saarayo waa sidii loo heli lahaa Doorasho waafaqsan Dastuurka, Daah-furan, Xor ah, ay ka muuqato in si CADAALAD ku dhisan tahay loo agaasimayo Doorashadii loo balansanaa ee 2020-2021.. iyo haddii la waayo waxa la filan karo.. Su’aasha aan iswaydiinayno waa: Mw Farmaajo isagoo ah…

Read More

Maanta waxaa ka furmay Caasimadda Puntland ee Garowe shirweyne Soomaaliyeed oo Machadka Heritage uu soo diyaariyey. Waxaa amaan mudan Madaxweynaha Puntland H.E. Sacid Abdullahi Deni oo xil weyn iska saaray dejinta, soo dhoweynta, hab maamuuska iyo qabsoomidda shirkan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, howl wadeennada Machadka Heritage ayaa mudan hambalyo isku dubaridka shir weynaha. Shirka waxaa looga doodayaa oo saldhigiisu yahay 2025 see Somaliya ugaari kartaa Afartan Qodob… 1.Dhameystirka Dastuurka 2.Dib u habeynta Dhaqaalaha ( financial reform).. 3.Dib u habeynta Amniga ( security sector reform). Dib u heshiisiin ( National reconciliation plan) 4-taas qodob oo si buuxda u…

Read More

Kadib markii ay arkeen in cid doorasho ugu imaanaysaa in aysan jirin ayay iskood dib ugu dhigeen xiligii ay horay udhigteen kaligood. Doorasho laysla ogol yahay waxaan ahayn dalka kama dhacayso. “Taariikh: 26ka Diseembar 2020WARSAXAAFADEED KU SAABSAN ISBEDEL KU YIMID WAKHTIGA DOORASHADA Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in is baddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31-ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021. Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku…

Read More

Garoowe: 29 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Read More