Author: Jibril Qoobey.

Dowladda Djibouti ayaa dhowaan shaacisay in adeeg dekadeed oo bilaash ah ay muddo 60 cisho ah siineyso shirkadaha Ethiopia ee badeecooyinka ka dhoofsada dekedaha Djibouti. Djibouti ayaa sheegtay in sababta ay tallaabadan u qaadday ay tahay mid ay ku caawinayaan dhaqaalaha dalka Ethiopia xilligan adag ee dunida uu kala xiray cudurka Coronavirus. Dowladda Djibouti,ayaan sheegin cadadka lacagta uu dalkeedu ku weynayo mudadaas laba bilood ah. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

The Ethiopian Defence Force said it has killed several members of the al-Qaida-linked al-Shabaab extremist group with airstrikes in Somalia. “A total of 17 al Shabaab troops who were members of the explosive crew were killed by the airstrikes at two places called Kortole and Hirkut,” the Ministry of Defence Forces said on Monday in a statement. Colonel Habtom Zenebe, deputy commander of the eastern division of the Ethiopian airforce said the extremist force was about to launch attack on Ethiopian army which was escorting artillery from Dolo Ado to the town Baidoa in the southwest of the country. Members…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faray maamulkiisa in uu hakiyo dhaqaalaha la siinayo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waxa uu sheegay in WHO ay “ku guuldareysatay waajibaadkeeda aasaasiga ahi” marka la eego jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus. Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay hay’addani Qaramada Midoobey in ay si xun u maaraysay isla markaana qarisay faafitaanka fayraska dhaliya cudurkani ka dib markii cudurkani uu ka dillaacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay khasab tahay in lala xisaabtamo. Trump ayaa horay hay’addaasi caafimaadka adduunka ee WHO ku eedeeyay in ay u xaglinayso Shiinaha. Madaxweyne Trump ayaa shakhsiyan…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland,ayaa Warbaahinta usheegay in la joojiyey Biraha loo iib geyn jiray Ethiopia. Bandowgii deegaanada Puntland Saarnaa oo la kordhiyey iyo Qodobo kale oo amniga iyo Ka hortagga caabuqa Carona Virus lagu xoojinayo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Sida ay soo gudbinayaan ilo muhiim ah,waxaa uqorshaysan argagixisada qaraxyo dhawr ah in ay ka fuliyaan Bosaso. Goobaha bartilmaameedka u ah waxay kala yihiin… B.Xarunta Dowlada Hoose T.Xarunta Gobolka J.Xarumaha hay’adaha caalamiga ah. Sidoo kale waxaa jira isbaacsi ay gudaha Bosaso isku raadsanayaan kooxo ka kala tirsan Shabaab iyo Daacish. Bosaso waxaa kaloo culays amni ku ah isqabqabsi dhuleed oo ka dhaxeeya Dad ka kala soo jeeda beelaha Cismaan Maxamuud iyo Dishishe. Dhanka Degmada Carmo iyo Ceel-daahir waxay saldhig suuq unoqdeen Khamriga iyo Xashiishka ugudba Bosaso,waxaana fududeeya Booliska Degmada oo qayb ka ah. Waa muhiim in laamaha amaanku ka hawlgalaan…

Read More

Amniga Magaalooyinka dhexdooda ah ma sugi karaan Gawaari Tikniko ah iyo Ciidan la istaajiyo Wadooyinka waa weyn. Balse waxaa sugi kara Ciidan dharcad ah oo ay kaabayaan kuwo muuqda. Puntland Magaalooyinkeeda waa weyn sida Bosaso,Gaalkacyo,Garowe iyo Qardho markii la qiimeeyay baahida Ciidan ee sugi kara amnigooda,waxaa lagu qiyaasay 200-300 askari oo qura. Madaxweyne Deni waa muhiim in uu kasoo baxo Guriga quruxda badan ee adeegiisu sareeyo, hoosna u eego shacabka culayska amaan haysto, dadajiyana qorshayaashiisa amaan. Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe: 12, April, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ahna Guddoomiyaha Guddiga Wacyigelinta iyo Ka hortagga Coronvirus, ayaa caawa ka hadlay dadaalka Dowladdu ku bixinayso ka hortagga Covid-19 iyo doorka looga baahanyahay shacabka oo ah u hoggaansanka awaamiirta looga hortagayo cudurkan, sida bandowga , yareynta isu imaatinka bulsho, xirista goobaha la isugu yimaado iyo qaadka sida dhuumaaleysiga ah marmar kusoo gala Puntland. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn hambalyeeyay sanadguuradii 60-aad ee kasoo wareegatay maalinta asaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadibna wuxuu ka tacsiyadeeyay geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda ee Hirshabeelle Alla Ha’unaxariistee Khaliif Muumin oo Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka…

Read More

Shacabka wuxuu maanta filayey in madaxweynuhu ka hadlo xaaladda adag ee uu dalku marayo. In uu dadka dejiyo oo cabsida, welwelka iyo jahwareerka uu sababay Karoona Fayris kala hadlo. La wadaago shacabka sida ay dowladdu u wajahayo halista Karoona Fayris, sida ay u yarayn lahayd saamaynta taban ee dhinac dhaqaale, muujiyana dareenkiisa ku aaddan dadka fayriska u dhintay iyo kuwa uu xanuunkiisa hayo. Keliya wuxuu madaxweynuhu Karoona ka soo hadal qaaday in uu dabaaldegii ka hor istaagay. Iyadoo dayac iyo daryeel xumi ba’an laga soo sheegayo isbitaalladii, iyadoo dalkii deegaanno badan colaado sokeeye ka socdaan ayuu Madaxweynuhu door biday in…

Read More

Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshaballe kana mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle Khaliif Muumin ayaa Goordhow Muqdisho ugu Geeriyooday Cudurka Coronavirus. Xildhibaan Khaliif ayaa ka mid ahaa 9 ruux oo maalin ka hor Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay in laga helay cudurka Coronavirus.

Read More

Puntland si adag ayay uga hor timid mudo kororsi lagu soo gabanayo xanuunka Corona Virus oo loo sameeyo hay’adaha Fadaraaliga ah. Tuhun waxaa jira isa soo taraya oo ku aadan in uu jiro qorshe mudo kororsi oo ay wado kVilla Somaliya. Digniinta Puntland mahan mid la dhayalsan karo. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

C/raxmaan Faroole xalay waxuu aad ugu dadaalay oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii aan loo layn lahayn dhalinyaradii Bah-Awrtable Muuse Ciise ee Degmada qabsaday! MA XUMA Balse waxa isu kay qaban wayday in uu hada ka hor go’aamiyey isaga oo Madaxweyne ah in lagu gumaado Khayr seexay Dhalin yaradi Beesha Reer yoonis Abokor Ciise ee dhulka qandaraaska Maxamuud Shido dhisayayay qabsaday!!. MARKA ODAYGU MA XALU SAXNAA MISE WAGAAS AYUU SAXNAA?? Su’aashaas waa u hakaday xaqiiqdii uu keenay Nin Oday ah oo qormadan qoray laguna magacaabo Saadiq. Faroole in kuwana yiraahdo gorgortan halala galo kuwa kale oo sila…

Read More

25-Gaari oo Tiknika ah iyo 240-askari oo dhamaan fadhiyada Ciidamada laga soo kala qaaday,ayuu Madaxweyne Deni ku amray in ay soo afjaraan haysashadii Dhalinyarada ee Dowlada Hoose Garowe. Sidoo kale,waxaa la diyaariyay 3-Gawaarida gurmadka deg-dega ah ee Caafimaadka ah,waxaa kaloo heegan la galiyay isbitaalka weyn. Dowladnimaa xalay muuqatay iyo hogaamin adag oo go’aan qaadasho leh. Madaxweyne Deni,waxuu iska diiday wax walba oo gorgortan ah,waxuuna ku adkaystay erayga ah” Jiri ergo kama noqonayno”. Raganimo,waxaa uga haray Deni isku shaandhaynta oo uu soo dadajiyo iyo Maaliyada oo uu dhaafiyo Nimanka suuqa la taagan Madaxweynaha,anagaa samaysanay. Xaalad abuur aan laga xishoonayn oo ay…

Read More

Dagaalkii saakay,wuxuu ka dhacay Deegaanka Waqdariya oo ay hore u qabsadeen Maleeshiyo beesha Muuse Ismaaciil Habar Uoonis kasoo jeeda. Deegaanka,waxaa iska leh beesha Nuux Cumar ee Warsangeli. Dhawr jeer baa dagaal ka dhacay dhimasho hore iyo dhaawac ayaa jirey labada dhinacba. Wadahadal ayaa Ceerigaabo ka socday maalmahan. Beesha Nuux Cumar waxay ku adkaystat marka hore in meesha laga qabsaday ee Waqdariya laga guuro wayse diideen Beesha Muuse Ismaaciil-Habar yoonis, maamulka Soomaaliland hoosaasin ayey ka sameeyeen arinkaas. Beesha Nuux Cumar dhawr bilood dagaal ayay u diyaar garoobaysay si ay dhulkooda maqan usoo ceshtaan una difaacdaan inta kale. Saaka ayey Maleeshiyada Muuse…

Read More

Marba Hadii Warbaahintii Qaranka la yiri waxa loo baahanyahay Gabadho dhaadheer oo Hub-qaad Wanaagsan leh, waa in sidaan oo kale Xilalka Wasiirada Arimaha Dibada iyo Safiirda iyo dhamaan Hawl-wadeenada Safaaradaha Dibada ayagana Sharuudo Muuqaal dhismoodkooda ah lagu xushaa. Waa Hadii loo simanyahay Sharciga Xulashada Matalayaasha Shaqooyinka Dowliga ah. Ugu Danbeyn, Warqadaan uma qalanto inay ka soo baxdo Telefeshin Qaran, waxaanan rajaynayaa in lala laabto, lagana bixiyo Raaligalin sababahan dartood. 1- Da’da waxaa la raadinayaa Nambar go’an ee lama oran inta u dhaxaysa. 2- waxaa warqada ka muuqda Takoor, oo waxaa la dalbaday Gabdhaha Dhaadeer, fursadna lama siin tan gaaban, mana…

Read More

Dhalinyaro ilaa 30 gaaraya,ayaa isku gadaamay Dhul Dowladeed oo horay looga qaaday kuna yaala caasimada Garowe. Lacag 50.000 oo dolar ah,ayaa Xasan Shire Wasiirka Maaliyadu horay ugu balan qaaday Dhalinyaradan,balse balankii,ayuu uga baxay isagoo ku xumaynaya Madaxweynaha. Sida warar lagu kalsoonaan karo ay xaqiijinayaan Xasan dhalinayaradaas si cad,ayuu ugu sheegay in uusan waxba u hayn walibana waxuu soo siiyay lacag loo fasirtay ku hawlgala oo qabsada Dowlada hoose ee Garowe. Aaran-jaan oo markii horeba lahaa qorshihii lagu burburiyay Dhulka Garowe balanqaadna usameeyay dadkii laga saaray,ayaa hada umuuqda in ay ka hor leexdeen Dadkii caraysnaa,iyagoo cadaadis uga dhigaya Madaxweyne Deni. Dhanka…

Read More

Labo wafti oo ka kala socda Dowlada Fadaraalka iyo Qaramada midoobey,ayaa Garowe ku sugan mudo todobaad ah sida wararku sheegayaan. Waftigaas waxay Garowe ujoogaan wasa xaajoodka arimaha doorashooyinka,Shirkii Garowe iyo tagidii Deni ee Muqdisho sida ilo muhiim ah ii xaqiijiyeen. Faahfaahinta warkan dib,ayaan idin kala wadaagi doonaa. Jibril Qoobey.

Read More

10-Nin oo Alshabaab ah,ayaa lagu qabtay Koonfurta Gaalkacyo. Nimanka la qabtay,waxay ka yimaadeen Xarardheere qorshahooduna waxuu ahaa in ay fuliyaan weerar sida xoguhu xaqiijinayaan. Ciidanka Danab iyo Maamulka Degmada Wadajir Gaalkacyo ee Galmudug,ayaa gacanta kusoo dhigay. Jibril Qoobey.

Read More

Gaalkacyo,waxaa lagu dilay goor dhawayd masuul u shaqaynayay laanta socdaalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo. Masuulka la dilay rabi ha’unaxariisto,waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Farey. Cismaan Farey waxaa lagu dilay Masjidka Abu Hureyra aga- gaarka Shirkada Golis. Jibril Qoobey.

Read More

Golis iyo amaanka Puntland!!! Shirkada isgaarsiinta Golis waa mid ka mid ganacsiyada sida weyn uguulaystay. Balse guushaas ganacsi iyo samaynta faa’iido xad dhaaf ah,waxaa barbar socda khataro iyo guuldarooyin kale. Golis waxay khatar aan laga sii aamusi karin ku tahay amaanka Puntland. Dhamaan kooxaha argagixisada ah waxay kula jiraan heshiis isfahan Shirkada Golis. Dhanka argagixisada” 1.In aysan Golis la shaqayn karin cid walba oo dabagali karta iyaga. 2.In ay ufududayso adeega kooxahaas. Dhanka Golis” 1.In Qalabka Shirkada aysan kooxahaasi waxyeelayn. 2.In shaqaalaha iyo masuuliyiinta Shirkada la amaan galiyo. Heshiiskaas waxuu sababay in Golis ay ka gaabsato ama si cad udiido…

Read More

Waa maalinkii 9-aad oo warbixintan ay inala wadaagayaan guddiga ay Puntland u saartay ka hortaga iyo wacyogelinta xanuunka #Covid19. Warbixintan maalinlaha ah waa mid muhiim ah, kana turjumeysa masuuliyad, ka war-qab iyo in hal (Source) looga dambeeyo wararka la xiriira xanuunka Covid-19 Marka laga soo tago guddiyadda heer qaran, maamulada kale ee dalka ka jira waxaa haboon in ay sameeyaan guddiyo ka hortag iyo wacyigelin kuwaas oo sidan oo kale la socon kara xaalada, maalin walbana soo saari kara warbixinta xanuunkaas. Halksn ka akhriso”- ILAAHAY HA BADBAADIYO SOOMAALIYA. Awale Salat

Read More

Hal Kilomitir iyo Bar wado dharerkeedu gaarayo oo labada dhinac Magaalada iskaga gudbaysa,ayaa Gaalkacyo ka bilaabatay. Buulo-bacley oo Baraxley ah ayay kasoo bilaabanaysaa,waxayna usoo gudbaysaa magaalada inteeda kale. Sidoo kale Labo Wado oo labada dhinac isku xiri doona,ayaa la fulin doonaa mudo dhow. Wadooyinkan,waxaa muhiim ka dhigaya waa in labada maamul iyo labada shacab ay isla fahmeen wada shaqayn dhexmarta si ay horay ugu socdaan. Waxaa xasuus mudan in dagaal xoog leh oo khasaare fara badan dhaliyay ay sababtay Wado yar oo laysku qabtay dhismaheeda 3-sano ka hor. Gaalkacyo oo nabad saldhigatay ay ka hirgashay,waxay noqonaysaa xalkii Somaliya oo soo…

Read More

Madaxii Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO horayna usoo noqday Wasiirkii arimaha dibada ee Itoobiya Attoo Tedros,ayaa aad udhibsaday erayo loo adeegsaday cunsirayad iyo aflagaado uu ku tilmaamay. Tedros waxaa ku socda kacdoon looga soo horjeedo oo larabo in lagu khasbo iscasilaad. Kacdoonkaas waxaa saldhig looga dhigay in uu maarayn xumo muujiyay xiligii uu bilaabanayay Xanuunka Corona. Attoo Tedros waxaa lagu eedeeyay in uu Shiinaha laaluush ka qaatay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxii Amniyaadka Alshabaab ee Gobolka Mudug ayay badashsy Kooxdu todobaadkii lasoo dhaafay. Amiirka la badalay waxuu beel ahaan kasoo jeeday Gobolka,waxayna ku badaleen sida xoguhu igu soo gaarayaan Amiir kale oo udhashay Beesha Hawiye gaar ahaan Murursade. Amiirka la badalay waxay kooxdu ku eedaysay in uu dabac ka muujiyay hawlgalada laynta haldoorka Bulshada iyo Qaraxyada oo uu Dadka qaar unaxariistay. Amiirka cusub waxaa laga fili karaa gacan adayg iyo dardar galin hawlgalada kooxda ee Gobolka. Puntland waxay xoojinaysaa maalmaha soo socda laamaheeda amaanka kala duwan ee ka hawlgala Gobolka sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin sar-sare. Jibril Qoobey.

Read More

Axmed Siciid Kaarshe oo ka mid ahaa hormuudkii Waxbarashada Somaliya,waxuu ku geeriyooday London. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo samir iyo imaana haka siiyo guud ahaan Umada Somaliyed,gaar ahaan Qoyskiisii. Waa muhiim in Dowlada Fadaraalka iyo Puntland ay xusaan taariikhdiisii iyo doorkiisii Waxbarashada Dalka loona sameeyo Tacsi Qaran. Jibril Qoobey.

Read More

Taliyaha Guud ee Ciidamada S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo hawlo shaqo ku joogay Magaalada Qardho,ayaa maanta la kulmay Ciidamadii dhawaan tababarka loogu soo xiray Xeradda Xorgoble. Gen Yaasiin ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay gutaan waajibaadkooda shaqo sida ugu wanaagsan, Sidoo kalena ay ka run-sheegaan tababarkii ay mudada ku jireen. Sidoo kale Ciidamada ayaa loo sameeyay hogaan haggi doona shaqadooda, waxaana Askari kasta xaqiisa uu ku heli doona hab casri ah Ciidamada ayaa loo sameeyay midkasta Akoon u gaar ah oo uu Bankiga ku leeyahay halkaas oo uu ilkasta mushaharkiisa ugu soo dhici-doono. Gen Yaasiin Cumar Dheere waxa uu sheegay…

Read More

Hawsha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo waxaa dhameeyay oo soo afjaray Odoyaal uu hogaaminayo Fiqi Cabdinaasir kana mid yahay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.. Shaqaaqadii dhacday ragii ku geeriyooday,waxay Odoyaashu go’aamiyeen in si guud Cumar Maxamuud uwada bixiyo. Sidoo kale dhalinyaradii weerartay garoonka kuna doodaysay in ay dhulka leeyihiin,ayaa laaga soo qaaday sheegashadoodii waxba kama jiraan. Dowladu intii hawshu socotay hal maalin ma tagin goobta dhibku dhacay wax doorana kuma lahayn dadaalkii lagu daminayay. Dhabancad oo baadi goobayay meel uu isku sawiro,ayaa saakay booqday goobta. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Midowga Africa ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hoggaankeeda ka difaacay weerar xooggan oo kaga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Talaadadii ku hanjabay inuu ka joojinayo maal-gelinta. “Waxaa aad igaga yaabay inaan ogaaday ololaha dowladda Mareykanka ee ka dhanka ah hoggaanka WHO,” ayuu Moussa Faki Mahamat ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. “Ururka Midowga Africa wuxuu si buuxda u taageersan yahay WHO iyo Dr Tedros,” ayuu yiri Mahamat, isaga oo tixraacaya agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo u dhashay Ethiopia. Isaga oo weriyayaasha la hadlaya ayaa Trump wuxuu Talaadadii sheegay in WHO “ay u muuqato inay…

Read More

92-jirkii Boqorka Cuudka Axmed Ismaaciil Xuseyn ” Xudeydi”waxuu ugeeriyooday xanuunka Corona Virus. Boqorka cuudku waxuu ahaa mid ka mid Fanka Somaliyed kuwooda loogu jacaylka iyo tixgalinta badnaa. Rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Axmed Ismaaciil Xussein “Xudeydi” Boqorka Cuudka. Jibril Qoobey.

Read More

Maanta oo Arbaca ah ayay ubadan tahay in lasoo gabagabeeyo wada xaajoodkii Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dhinaca kale Xidig iyo Seeraar. Sida xogtu tilmaamayso shuruudihii ay ku xireen in ay tanaasul sameeyaan Seeraar iyo Xidig waa loo fuliyay saakay,ayaana qalinka lagu duugayaa. Marka laga soo tago haldoorka reer Jubaland ,waxaa si gaar ah door xoog badan uga qaatay mira dhalka wada xaajoodkan Puntland. Heshiiskan kadib waxaa meesha ka bixi doona fursadihii ay qalalaase uga abuuri kartay Kismaayo Dowlada Farmaajo. Jibril Qoobey.

Read More

Chicago waxaa ku dhintay 98 qof, iyadoo 72% ka mid ah ay yihiin dadka madow. Tirokoob ay soo saareen saraakiisha caafimaadka ee magaalada Chicago,ayaa hoosta looga xarriiqay sare u kaca dhimashada dadka Mareykanka madow ah ee uu dilay coronavirus. Madowga reer Chicago ah waxay kala bar ka yihiin tirada kiisaska coronavirus, halka dhimashadana ay ka yihiin 70%, iyagoo xitaa looga tiro badan yahay halkaas oo shacabka guud ka ah 30%. Magaalooyinka kale ee ay ku nool yihiin dadka madow ee faraha badan sida; Detroit, Milwaukee, New Orleans iyo New York ayaa saldhig u noqday cudurka coronavirus. Mareykanka ayaa laga soo…

Read More

Gaalkacyo maalinkii labaad,ayuu ku sugan yahay lagamana dareemin Dhabancad. Waxgaradka iyo haldoorka magaalada waa diideen ilaa iyo hada in ay la kulmaan. Madaxweyne Deni Dhabancad Wasiirnimadu waa ku weyn tahay ee maqaamkiisu waa Agaasimaha Madaxtooyada ee ka dhigo. Dhabancad waa shaqaale daacad ah oo nadiif ah ee hogaamiye Umad matali kara mahan. Jibril Qoobey.

Read More

9-qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada Amaanka,ayaa ku dhaawacmay Qaraxa. Ciidamada amaanka wa ay ku jireen howlgalka bandowga ee Magaalada kaasoo bilowda salaada maqrib ka dib. Qaraxa waxaa uu ka dhacay wadada dheer ee dhex marta bartamaha Magaalada,gaar ahaan agagaarka Ex-Hotel Nakhiil. Goobaha caafimaadka,ayaa noo xaqiijiyay in dhaawacyada qaar ee la geeyay ay qabaan dhaawacyo sahlan marka laga reebo hal qof oo xaaladiisu culustahay Laamaha amaanka Puntland weli kama aysan hadlin qaraxa. Jibril Qoobey.

Read More

Qaraxu waxuu ahaa mid lagu aasay dhulka oo la qarxiyay majirto ilaa iyo hada khasaare ka weyn firir oo ka dhashay. Ciidanka Booliska,ayaa goobta gaaray kana bilaabay baaris. Goobta qaraxu ka dhacay waa Hotel Nakhiil Bosaso sida warka ugi danbeeyay uu xaqiijinayo. Jibril Qoobey.

Read More

Deni oo umuuqda in uu qaatay doorkii Madaxweynihii Somaliya,ayaa u hadlay si masuuliyad ka muuqato. Ugu horayn waxuu ka hadlay xanuunka Corona Virus,isagoo bulshada uga digay markale,isla markaana codsaday in ciriiriga ka imaanaya ee dhaqaaluhu ku jiro loo dulqaato Xukuumadana lala fahmo isdhinka ku imaanaya Miisaaniyadeeda. Deni waxuu bogaadiyay tanaasulka Xaaf iyo dulqaadka Qoor-Qoor ugu danbayn iyo in Galmudug dib iskugu soo laabato.waxaa la oran karaa siyaasad qaan gaar ah,ayuu ku mareeyay arinkaas. Deni waxuu baaq nabadeed ka diray colaada sokeeye ee Galbeedka Kismaayo ku dhexmaraysa beelaha walaalaha ah ee halkaas wada daga,sidoo kale waxuu si weyn ubogaadiyay wadahadalada uga…

Read More

Ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa la dhigay cisbitaaka ka dib muddo toban cisho ah oo uu la xanuunsanayay cudurka coronavirus. Afhayeen u hadlay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha ee Downing Street ayaa sheegay in gelinkii danbe ee Axaddii Mr. Johnson la geeyey cisbitaalka si baaritaano caafimaad oo dheeri ah loo marsiiyo. Saraakiisha ayaa ku waramaya in Ra’iisulwasaare Johnson uu wali si buuxda u hogaaminayo xukuumadda Britain, inkastoo Xoghayaha Arrimaha Debedda Dominic Raab uu shir gudoomin doonno maanta kulanka looga hadlo arrimaha coronavirus. Saacado ka hor intii aan Ra’iisulwasaare Johnson la seexin isbitaalka, boqoradda Britain Queen Elizabeth ayaa jeedisay khudbad naadir ah taasi oo…

Read More

Waxaan maanta xaruntiisa ku booqanay aniga iyo xubno kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez oo aan ka wada hadalnay qodobadan:- 1- Ilaalinta dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, innaga oo la wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka. 2- Aragtideenna ah in aan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21. 3- Qoondada haweenka ee golayaasha sharci dejinta ee ah 30%, innaga oo u xaqiijinnay in Madasha Xisbiyada Qaran ay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya taageera la qabto in la ilaaliyo oo aan marnaba lagu…

Read More

Dunida dacalladeeda tiro toban dal ka badan ayaa doorashooyin qabsanaya bilowga sanadkaan, ayada oo halista safmarka ah ee cudurka Covid 19, lagu jiro. Dhowr iyo sodon dal ka badan ayaa badhtamaha sanadkan sidoo kale qorshaynaya in aan muddada doorashooyinka dib loo dhigin. Dhowr kale dhamaadka sanadka ayey hilaadinayaan in ay doorashoooyinka qabtaan sideena oo kale. Mareykan, ayaa nala mid ah oo aan qaarad ka dhicin (dhulka iyo tirada dadka marka la eego). November 3, 2020 ayaa loo muddaysan yahay in doorashada labada Aqal iyo tan Madaxtinimadu dhacdo. Gobolada Wisconsin iyo Taxes ee dalka Mareykan, wax ka badel muddada doorashada waa…

Read More

Waxaa fariimo hanjabaad ah loo diray maalmihii udanbeeyay ilaa 5-Wasiir iyo 6-Xildhibaan oo ka tirsan Dowlada Puntland. Fariimaha loo diray,waxaa ka mid ahaa midan… “Asalamu calaykum waraxmatulahi wa barakatu wa sheekh abdi fitaax xaaji maxamud ilyaas abdi maxamed waxa lagaga bahanyahay lacagtii islamka baytul mal sakawatul islaam waxan ku sheegaya waxa laga qaadi jiray gudoomiye cabdi xakiin dhobo darood qimaha lacagta $400 dollaar waxana ku bad badineesa naafta malkaga iyo ehelkada wa ka war heesa gudoomiye gujir cawa meshu jiro ilyaas abdi maxamed cidkasta oo puntland joogta wan ka qadna sakawatul islam allshabab ayan nahay waxan joogna gal gala melkasto…

Read More

Taliyihii Saldhiga Bartmaha Gaalkacyo Dhame Cabdi Jaamac Geeraare ayaa xilkii Iska casilay. Alshabaab,ayaa ku khasbay in uu iscasilo Talyaha Saldhiga Dhexe ee Booliska Gaalkacyo. Talye Garaar hal jeer,ayuu ka badbaaday qarax lagu khaaarajin lahaa,waxuuna ugu danbayn ka cidgalay Garowe. Tiro ka dhawr jeer,ayuu la kulmay Madaxweynaha oo uu gaarsiiyay qayla dhaanta amaanka iyo baahiyaha jira ee ufududeeyay argagixisadu in ay hawlahooda si fudud ufushadaan. Sida aan xogta ku helay Talyuhu mahelin cid ka hoos qaada ama garawshiiyo ka badan waa dadaalaynaa umuujisa. Ugu danbayn waaqicigu waxuu ku khasbay in uu iscasilo si isaga iyo qoyskiisu ubadbaadaan. Talyaha Saldhiga Dhexe ee…

Read More

Saaka Magaalada Gaalkacyo Waxaa kadhacay Qarax kaasoo lala Beegsaday Nin Layiraahdo Abdi Gube Oo kamid ahaa waaxda Canshuuraha. Cabdi Gube waxaa la sheegayaa in ay Xaaladiisu Culustahay luguhuna Go’een. Sida xogo horay noosoo gaaray ay sheegayaan argagixisadu waxay bartilmaameedka dhiganayaan shaqaalaha Wasaarada Maaliyada iyo Dowladaha Hoose. Sida xoguhu sii xaqiijinayaan waxaa fariimo hanjabaad qarax ay gaartay Wasiirka Maaliyada iyo masuuliyiin kale. Shalay,ayaan sii daayay 3-qarax oo looga baqsan yahay in ay ka dhacaan Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Safaaradda Mareykanka ee Somaliya oo ka jawaabtay eedeynta NISA ee Haaruun Macruuf Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay twitter-ka ayaa lagu sheegay in “weerarada NISA ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf” ay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta. “Haaruun Macruuf waa weriye la ixtiraamo oo xirfadle ah oo ka howl-gala VOA, waana mid ka mid ah suxufiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarada NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda soo dhigtay barta twitter-ka. Arintaan iyo midii ahayd Qarixii Muqdisho…

Read More

Madaxweyne Deni,ayaa la filan karaa caawa ama habeen danbe isku shaandhayn guud ahaan Xukuumada. Wasiirada isbadalku saamaynta uu ku yeelan doono waxaa ka mid ah .. 1.Wasiirka Maaliyada 2.Wasiirka Waxbarashad 3.Wasiirka Deegaanka 4.Wasiirka amniga 5 Wasiirka Warfaafinta 6.Wasiirka Qorshaynta Waxaa sidoo kale isbadal lagu samayn doonaa Agaasimayaasha guud guud ahaantood sida xogtu sheegayso. Talyayaasha Ciidamada ,ayaa iyagana isbadalku saamayn doonaa,waxaana laga xusi karaa… 1.Talyaha Ciidamada Daraawiishta 2.Talyaha Ciidamada Booliska 3.Talyaha Ciidamada Badda 4.Talyaha Ciidamada Asluubta Isbadalkan haduu dhaco waxuu noqon doonaa mid balaaran oo yimid xili loo baahnaa. Jibril Qoobey.

Read More