Author: Jibril Qoobey.

Madaxweyne Deni wuxuu u anba baxay Mudug. Waa safar xasaasiya muhiimna u ah Dowladnimada ayna kalifay xogo muhiim ah. Isbadal,ayaa imaan kara inta Madaxweynuhu Mudug joogo. W.Arimaha gudahaW.Haweenka.Gudiomiyaha GobolkaDuqa Magaalada. Sidoo kale Ciidan fara badan,ayaa tababar yga socdaa Gobolka. Jibril Qoobey.

Read More

“Waxaa la abaabulayaa Warmurtiyeed yar oo Somaliya iyo Kenya ay soo wada saaraan maalmahan”Ayuu yiri Afyare. “Somaliya ma haysato Card badan oo ay isticmaasho sida Kenya ay u haysato,Jubaland,Somaliland iyo Ganacsiga”Ayuu yiri Afyare markale. Kulankii IGAD arinta Kenya Somaliya laguma soo darin Ajandaha,sidoo kalena Warmurtiyeedka. Waxaa laysla gartay in si hoose loo xaliyo oo kulamo gaar gaar ah lagu dhameeyo. Madaxda Wadamada ku bahoobay IGAD hoos ayay udhigeen Ashtakadii Somaliya. Arintaas waxay dharbaaxo ku tahay Farmaajo oo sii sheegay in kulanka isagu dalbaday oo Kenya lagu wada hadal siinayo,hoos ka daawo. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Culumada ama kuwa Diinta Dadka iska xijiya si fiican buu ula hadlay Gudoomiye Sanyare. Ra’isalwasaaraha waxuu usheegay hadiiba uu jiro waxtar uu samayn karo in Galmudug u baahan tahay oo uu la garab istaago. Reer Galmudug Sanyare waxuu tusay in reer Puntland wanaag la jecel yihiin waxtarna la garab taagan yihiin. Shabaab fariin buu udiray Sanyare uu ku leeyahay idin kama baqayno ee waan iska kii dhicinaynaa. Isku soo wada duuboo Sanyare waa hadlay maalinkaas. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Laba Qodob,ayuu ogolaaday oo ugudbiyay beesha caalamka Farmaajo. 1.In Doorashada hal goob lagu soo koobo.2.In Gudiyada dib loogu laabto oo la saxo. Laba Qodob,ayuu rabaa in loo sii daayo.. 1.In Gedo Ciidankiisu sii joogo2.In Xildhibaanada Waqooyi isaga looga danbeeyo. Weli jawaab lagama helin dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,balse bishan 27-keeda ayay ubadan in ay Garowe isku arkaan. Jubaland hadii hal goob doorasho laysku raaco dan baa ugu jirta oo Kismaayo,ayay noqonaysaa,waxaase adag in ay Gedo ka tanaasusho,inkastoo dib loo dhigi karo doodeeda oo doorashada lagali karo. Puntland iyadu wax dhib ah kuma qabto hadiiba Jubaland qanacsan tahay. Jibril Qoobey.

Read More

Booliska Bari waxay fashiliyeen Qarax,iyagoo gacanta ku dhigay Walxaha Qaraxa caawa. Taliska Booliska Gobolka Bari,ayaa fashiliyay Qarax la dhigay mid kamid ah xaafadaha Bosaaso. Ciidamada Booliska Oo uu Hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari,ayaa Qarxiyay Qaraxaas. Faahfaahinta la soco..

Read More

Wasiirka horta kii badali lahaa Garowe,ayuu joogaa oo waa loo yeeray ee bal qabso!! Wasiirku Madaxweynuhu utagay kadibna,waxaa lagu yiri iiga bax Xaafiiska shaqada aad hayso waa la socdaa!! Eeda ugu weyn ee uu eersaday hada Wasiir Saalax waa in uu ku xirnaa Nabar iyo Naxdin oo Xan,ayaa laga duubay!! Agaasimaha Guud oo ay horay isku gacan qaadeen Wasiirka asna Madaxweynuhu waa soo cayriyay mar uu xalay ukaxaystay Xildhibaankiisa Aweys. Wasiir ku xigeenka Wasaarada oo ay isagana isku dhaceen Wasiirka waxuu qabaa Ina Deni oo ah Madaxweynaha Walaashiis. Wasiir Maxamuud Xaaji Saalax waxaa markii hore Madaxweynaha ukeenay Musharax Madaxweyne M.Xaaji…

Read More

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Cabdullaahi Xasan Rooble ayaa Tebiyaha TV-ga uga warramay shir looga arrinsanayey hannaanka ururinta xogta macalimiinta dugsiyada Puntland oo la doonayo in diiwaan gelin rasmi ah loo sameeyo si loo ogaado tayadooda waxbarasho. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Qoraalka madaxda IGAD,ayaa lagu soo dhoweeyey heshiiskii 17-kii September ay hogaamiyeyaasha federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ka gaareen doorashooyinka Federaalka. “Golaha Madaxda IGAD isaga oo xusaya ahmiyadda hirgelinta heshiiska, waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, iyo saamileyda kale, inay ku xalliyaan khilaaf kasta oo la xiriira maamulka doorashada iyada oo loo marayo kalsooni iyo hab lagu ilaalinayo muhiimadda hanaankii geeedi socodkii Dhuusamareeb iyo heshiiska 17-ka Sebtember 2020 ee ku saabsan hanaanka doorashada ee isbedelka lagu sameeyey, si doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay wada aqbalaan dhammaan Soomaalida loo qabto,” ayaa lagu…

Read More

Shirka waxa ugu muhiimsanaa ee looga wada hadlayay waxay ahayd arinta South Sudan ee mucaaradka iyo Dowlada iyo sidoo kale Xanuunka Covid-19. War murtiyeedka kama muuqato meel Kenya iyo Somalia looga hadlay arinkooda. Gudi,ayaa loo saaray arinkaas waxaana lagu dhamaynayaa qaab wada xaajood. Wax macno ah oo saas uweyn lagama soo qaadin tabashadii iyo Eedii Farmaajo.

Read More

Arinta kenya iyo Somaliya shirkan,ayaa lagu dhamayn waxaan ka ahayn kiiska yaala Maxkamada aduunka. Hadii ay taasi dhacdo waxay dhabar jab siyaasadeed ku tahay xasaradii Farmaajo abuurayay isaga oo raba inuu kursiga mudo kororsi uhelo. Balse kenya oo fahamsan dagaalkaan in uusan ahayn mid labada dalba dan u ah runtii waxay muujisay dabac sanaan iyo inaysan diyaar u ahayn waqtigan in ay dagaal lagasho Somaliya. Taas badal keedana wax kasta wada hadal lagu dhameeyo waana tan keentay in arinta Somaliya dood macno saas uwayn ahaan waydo kadib marki Somaliya keeni wayday cadaymo cad cad oo muujinaya faragalinta kenya kuhayso Somaliya.…

Read More

Xogta Shirka IGAD Shir madaxeedka 38aad ee aan caadiga aheyn oo maanta ka furmay Jabuuti, arrinta Soomaaliya iyo Kenya waxay ka ahayd qayb yar, waxaana lagu soo qaaday, xaaladda kala guurka ah ee Suudaan, heshiiska kooxaha hubeysan ee Koofurta Sudan, dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii Tigray, xaaladda xuduuda Itoobiya iyo Sudan, saameynta Covid 19 iyo ayaxa aafaynayo Geeska Afrika. Sida muuqato arrinta Kenya iyo Soomaaliya waxaa lagu dhammeeyay shir doceed ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Warmurtiyeedka oo la filayo in maalinta berri la soo saaro waxaa la sheegayaa inay ku qoran tahay in xiriirka diblomaasiyeed la…

Read More

Mar hadii boor isku qarintii iyo dagaal beenaadkii lasoo af jaray oo arintii kenya halkaas lagu dhameeyay waxaan sugnaa waa in shacabka runta loo sheego oo la dhaho duulaan kayagu wuxuu ahaa kismaayo!! Qodobada hordhaca ah ee laysku afgartay goordhowna saxaafada loo qaybin doono!! In Kenya ay dhawrto madax banaanida, dhuleed, joojisana nooc kasta oo faragalin oo ay hadda kuhayso gudaha Soomaaliya, ama kujiray dacwada labada dal.In lasoo celiyo xariirka labada dal, lana hagaajiyo iyadoo lamarayo dariiqyada diblumaasiyadda.In wadajir looga wada shaqeeyo la dagaalanka Argagixisada iyo Iskaashiga Amniga ee guud.Guddi gaar ah ayaa kormeeri doona hirgalinta qodobada laga soo saaray…

Read More

Beesha Jareer Weyne oo Jamhad ay uga soo horjeedaan Maamulka Hir-shabelle uga dhawaaqday Beledwayne. Fool xumadaas iyo isku hubayntaas dadka walaalaha ah kala dhex gashay kama jirin dalka 2017-kii. Somaliya waxay ku socotay is ogol iyo tanaasul,balse hada Madaxwayne Farmaajo ayaaba Gobolkiisi Gedo raba in uu Jubaland ka xoreeyo marka layaab malaha hadii beesha Jareer weyne iyaguna xaqa qabiil kooda raadiyaan. Jibril Qoobey.

Read More

Excellency President Ismael Omar Guelleh, President of the Republic of Djibouti. Your Excellency Dr Abdallah Hamdok, Prime Minister of the Republic of Sudan and Current Chairman of IGAD,. Your Excellencies Heads of State and Government. Honourable Ministers, members of the diplomatic corps. Mr Executive Secretary of IGAD,Ladies and Gentlemen. Today, the Horn of Africa finds itself in a a very particular situation, and IGAD, its Regional Organization is experiencing more than one tough challenge. I therefore appreciate your decision to hold this important extraordinary summit and for inviting me to be with you today. This is a good time, and…

Read More

Boosaaso: 20 December 2020: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Boosaaso ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Bari. Kulanka oo ay Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyeen Guddiga ka talabixinta sarifka lacagaha, Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Rugta Ganacsiga Puntland, waxaa looga hadlay dardargelinta go’aamadii dowladdu ku xalisay cabashooyinkii sicirka sarifka. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga arrimahan ka shaqeynayay iyo ganacsatada, wuxuuna faray dhammaan ganacsatada Puntland in ay isticmaalaan Shillin Soomaaliga, Iyadoo dowladduna ay hore u hirgelisay tallaabooyin lagu horumarinayo isticmaalka Shillin Soomaaliga. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Waa talaabo muujinaysa in uu hurinayo Farmaajo colaada Gedo. Alshabaab waxay ka taliyaan inta badan Koonfurta Dalka. Xamar amaankeedu gacan kuma jiro Dowladuna kama wada taliso. Gedo in Ciidan lagu daabulo,iyadoo laga faa’idaysanayo fursada Qaranimada waxay la mid tahay fulinta ujeedadii Barre Hiiraale. Gedo Ciidan udaabul ama Kenya xagxago Kismaayo waa uga dhamaatay reer Diini Farmaajoow!!!!

Read More

Garowe waxaa ka dhacaya 27-ka bishan kulan ay soo qaabanqaabiyay Machadka Heritage. Kulankaas waxaa iskugu imaanaya madaxda Somalida intooda badan. Madaxweyne Axmed Madoobe,Madaxweyne Qoor-qoor waxay bixiyeen xaqiijin in ay kulankaas imaanayaan,waxaanse weli cadayn Laftagareen iyo Guudlaawe. Kulankan waa mid mar walba uu qabto Machadka Heritage oo markan loo doortay Garowe kii ka horeeyayna,waxaa lagu qabtay Jabuti. Jibril Qoobey.

Read More

77-sano kadib Ciidanka Booliska Somaliya majirto wax lagu amaano oo ay gaar uleeyihiin. Marka laga soo tago in ay qayb ka yihiin oo uu saameeyay burburka guud ahaan dalka ku dhacay,hadana iyaga waxaa ugaar ah hogaan xumo. Booliska Somaliya 30-sano oo burburkii kadib ah wax weyn oo la tilmaamo maleh. Baahida ugu weyn ee ay qabaan waa hogaan dhisi kara Talis balaaran oo Fadaraaliya qaadi karana masuuyad. Jibril Qoobey.

Read More

Markabka USS Hershel “Woody”,ayaa soo gaaray Badda Somaliya si uu qayb uga qaato bixitaanka Ciidamads iyo Qalabka Maraykanka. Maalmaha soo socda ayay guud ahaan Ciidanka Maraykanku ka dhamaanayaan gudaha Somaliya sida la qorsheeyay. Trump waxuu amray ka hor intuusan wareejin talada in Ciidamadu kasoo baxaan Somaliya. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa loo sheegay in uu marka hore marinadii Diblomaasiyada soo celiyo. Waxaa la xasuusiyay in uu jaray xiriirkii diblomaasi kuna dhawaaqay dagaal. Waxaa la tusay jawaabihii Kenya ee asluubaysnaa ayna ka muuqatay masuuliyad iyo bisayl. Waxaa lagula taliyay Farmaajo in uu marka hore wax saxo isagu dibna xaalada caadi ugu soo celiyo,markaas kadibna IGAD ay doorkeeda qaadanayso. Shirka waxaa diirada ugu weyn la saaray arimaha Itoobiya iyo Sudan. Jibril Qoobey.

Read More

Maxamed Cabdirisaaq sidee u khiyaamay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf??? “Somalia’s Government Teeters on Collapse” By Jeffrey Gettleman March 29, 2008 MOGADISHU, Somalia � The trouble started when government soldiers went to the market and, at gunpoint, began to help themselves to sacks of grain last week. Islamist insurgents poured into the streets to defend the merchants. The government troops took heavy casualties and retreated all the way back to the presidential palace, supposedly the most secure place in the city. It, too, came under fire. Article(ka) New York Times:Mincaha siyaasadeed Waa sidan… “Dawladda aan Anigu madaxtooyadeeda maamulo waa ka gardaran tahay…

Read More

Rooble beri galab in uu ka baxo Gaalkacyo oo dib ugu laabto Xamar ayay ubadan tahay. Madaxweyne Deni waxay ubadan tahay in uu ka baaqdo Gaalkacyo boqolkiiba todobatan. Qaraxii shalay Ninka fuliyay ee ismaadimiyay waxuu udhashay beesha Sacad reer Hilowle. Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in muran ka dhex jiray maamulka Galmudug ee Baraxley iyo Ciidanka Qooje watay,iyadoo laysku qabtay sugida amniga Ra’isalwasaaraha. Ciidan ay diyaariyeen Maamulka Baraxley,ayaa laga saaray garoonka Kubada Cagta taasoo keeni kartay fursad ay ka faa’idaysan kareen argagixisadu. Sidoo kale Ciidanka markii danbe la wareegay amaanka garoonka Kubada Cagta ee Baraxley ee dadka baarayay waxay…

Read More

MADAXWEYNE DENI OO DEGMADA BALLI-DHIDDIN U MAGACAABAY GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN KU-MEEL-GAAR AH. Garoowe: 19, December, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-48 ugu magacaabayGuddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah degmada Balli-dhiddin ee Gobolka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu garowsaday: in ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Deegaanka Degamadda Billi-dhiddin, walinna aysan suurto gelin in la dhiso Gole deegaan oo cusub. Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Maxamed Axmed Muumin si ku-meel-gaar…

Read More

Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi,Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka waxa lagaga wada hadlay xiriirka Somaliland iyo Malawi oo ah mid bilow ah oo umuuqda iska dhoolatus iyo farsamo kale mid ku yimid. Malawi mahan dal saamayn leh oo wax kusoo kordhin kara qadiyada gooni goosadka ah ee Somaliland. “Dalkii aan booqano ama na booqda xiriirka ha ujaro Farmaajo waa istiraatijiyad siyaasadeed oo aan helnay”Sidaa waxaa tiri Somaliland. Farmaajo saakay muxuu ka samayn doonaa Malawi??? Jibril Qoobey.

Read More

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa u duulay dalka Djibouti. Madaxwaynuhu, waxa uu ka qayb galayaa shirka urur goboleedka IGAD oo ka furmaya magaalada Djibouti, sidda uu ballanku ahaa. Somalia ayaa horre ugu gud-bisay IGAD warqad ay kaga cabanayso Kenya. Shirka ayaa lagaga wadda hadli doonaa khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Somalia iyo arrimaha Ethiopia ee ku aaddan khilaafkii TPLF iyo dawladda dhaxe. Ka hor inta uusan bixin waxuu soo saaray warqad uu kaga ashtakoonayo faragalin uu sheegay in Kenya ku hayso Somaliya. Danbiga ugu weyn ee Kenya loo haysto waxuu yahay… “Maad fududaysid reer Diini…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa lagu soodhoweeyay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Soo dhoweynta Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaa ka qeybgalay xubnaha goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Boosaaso.

Read More

MADAXWEYNAHA OO DEGMADA QANDALA U MAGACAABAY GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN KU-MEEL-GAAR AH. Garoowe: 19, December, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-62 ugu magacaabay degmada Qandala Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu garowsaday: In uu dhintay Guddoomiyihii Degmada, walina aysan suurto galin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub. Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Qandala.Waxaa…

Read More

Dowlad goboleedka Jubbaland oo warsaxaafadeed kasoo saartay faragelinta iyo khal-khalka amni ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo gobolka Gedo ee Jubbaland, ayaa sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata dhibaatada ay DFS ka waddo gobolka Gedo uu masuuliyadeedda dusha saaran doono Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaadka yahay ee DFS. Jubaland waxay ku wargalinaysaa umadda Soomaaliyeed “ Kenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xudduud dhan 860km ee ma 7KM ee u dhaxeysa Malkaariyey iyo Baladxaawo ayay dawladda Soomaaliya ka difaaceysaa Kenya. “ Hadal gar ah.

Read More

Reer Axmed,Reer Xasan,Reer Ugaas Sharmarke,Talxe iyo Awrarsame oo ka midaysan gardarada Farmaajo iyo damaca beeshiisa gaar ahaaneed,ayaa udiyaar garoobay dagaal ay dib ugu xoraysanayaan dhulkooda Gobolka Gedo. Beelahan oo kaashanaya garabna ka helaya Ciidamada Jubaland,ayaa kusii jeeda Degmooyinka Luuq,Baardheere iyo Garbahaarey,waxayna hada ku diyaarsan yihiin duleedka Beledxaawo. Jubaland waxay dib uxorayntan ku xoojisay Ciidamo gaaraya 1200 oo Askari iyo 60-Tikniko ah. 5-ta maalmood ee soo socota ayay ubadan tahay in ay bilaabato dib uxoraynta Gedo. Farmaaajo danta reer Diini,ayuu rabaa in uu ubadalo danta Qaranka,balse nasiibdaro Dadku waa soo jeedaan!! Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne xigeenka Puntland Axmed Karaash beri waxuu ku kala hayaa Bosaso hadii rabi idmo. Bosaso waxaa ka dhico doona Shir muhiim ah oo ku saabsan Mashruuca JPLG. Shirka JPLG waxaa sanadkan loo wareejiyay Bosaso in uu ka qabsoomo. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni waxay ubadan tahay in uu beri soo gaaro Gaalkacyo sida ilo muhiim ah sheegayaan. Deni iyo Rooble waxay yeelan doonaan kulan gaaban,sida la ii sheegay. Kulankaas kadib Rooble waxuu uduuli doonaa Muqdisho sida wararku sheegayaan. Guud ahaan qaraxu waxuu badalay qorshihii Rooble ee safarkiisa Gaalkacyo. Jibril Qoobey.

Read More

Geerida Saraakiisha waa 12 oo uu ku jiro Qooje oo naf baxay hada. Sidoo kale Shacabku waa 8-Qof Dhimashada. Saraakiisha ugu Magaca Wayn waa 2-ba Habar Gidir ah Qooje, Moorshe, iyo 2-Mareexaan ah oo uu ka mid yahay Mukhtaar Gaadaale. Inta kale waa Saraakiil hoosaad Ciidamada 21-aad & Danab iskugu jira. Guud ahaan Saraakiisha geeriyooday waa 7-Habargidir ah iyo 5-Mareexaan ah. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Jibril Qoobey.

Read More