Hal Kilo Mitir oo kale,ayaa lagu darayaa Wadada dhex marta Degmada Burtinle. Kilomitirkan,waxaa bixinaya Dowlada Puntland,iyadoo la dhagax dhigay maanta. Wadadan muhiimka ah,ayaa lagu bilaabay dhismaheeda isku tashi Bulshada qaybaheedu ay ka qayb qaateen. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey.
NATIIJADA BAARITAANKA CORONAVIRUS EE PL “Guddigu wuxuu xaqiijinayaa in natiijadii ka soo baxday baaritaankii laga qaaday afar (4) ka mid ah shan (5) qof oo loo karantiilay caabuqa COVID-19 ay soo baxday lana cadeeyey in aysan qabin xanuunka oo ay haatan bedqabaan. Guddigu wuxuu cadaynayaa in aysan jirin wax kiisas cusub ah oo laga heley deegaanada Puntland manta oo ay taariikhdu tahay 4-ta April 2020.k Guddigu wuxuu si dhow ula socdey muwaadinkii looga shakiyey caabuqa COVID-19, ee la karantiiley 2dii April, 2020 in xaaladdiisa caafimaad ka soo raynayso, maantana laga qaaday baaritaankii labaad lanana socon doono xaaladdiisa ilaa laga soo…
Sadex Nin oo qorshahoodu yahay in ay isku qarxiyaan 3-goobood oo ku kala yaala Garowe iyo Bosaso,ayay xogaha ugu danbeeyay sheegayaan in ay gudaha ugu jiraan Magaalooyinkaas. Waa muhiim in aan la fududaysan oo heegan buuxa ay galaan Ciidamada amaanka. Digniino hore oo la dayacay,ayaa sababay khasaare xoog leh. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Deni maalmaha soo socda,waxuu isku badali doonaa sida xogta sheegayso dhamaan Gudoomiyayaasha Gobolada. Gudoomiyaha Sool waxay ubadan tahay in la geeyo Bari. Gudoomiyaha Gobolka Mudug waxay ubadan tahay in la geeyo Nugaal. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal waxay ubadan tahay in la geeyo Mudug. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar waxay ubadan tahay in la geeyo Sool. Gudoomiyaha Gobolka Gardafuul waxay ubadan tahay in la geeyo Karkaar. Jibril Qoobey.
20-Gawaarida dagaalka ah iyo 3-Booyadood,ayaa ku xayiran Dekeda Bosaso… Gawaaridan,ayaa markii hore waxaa lagu sheegay in ay leeyihiin Ciidamada Gaashaan ee Maraykanku taageero kana hawlgala Koonfurta Somaliya,sida uu horay usheegay Cabdixamiid Dirir. Balse way beenoobay hadalkii Cabdixamiid Dirir,waxaa la ogaaday in aysan lahayn Ciidankaas ee loo wado maamulka Qoor-qoor. Sida aan xogta ku helay waxaa damcay in ay Garowe uyimaadaan sii daynta Gawaaridaas Ninka uqaabilsan Khayre soo iibinta Hubka iyo rag la socda.balse way baaqdeen. Wasiir Dhabancad oo saakay ka anba baxay Garowe kuna sii jeeda Gaalkacyo ayay ubadan tahay in ay ragaasi la kulmaan. Hadaba Bulshada Puntland,gaar ahaan reer…
Madaxweyne Deni oo kormeerayay xili habeenimo ah xarunta sirdoonka ee PISA,ayaa ugu soo galay Muxyidiin oo dhex fadhiya. Sida ay ii xaqiijiyeen goob joogayaal aadbuu uga carooday Madaxweynuhu joogista PISA ee Muxyidiin,waxuuna ku amray in uu deg-deg uga baxo. Laamaha amaanka wada shaqayn baa ka dhaxaysa,balse sababta Madaxweynuhu uga carooday joogista Muxyidiin ee PISA xili waliba aad loogu mashquuulsan yahay baarista ismiidaamintii lagu dilay udoomiye Gu’jir waxay abuurtay dareen. Sida aan ku helayo ilo lagu kalsoonaan karo waxay ubadan tahay in Muxyidiin waayi doono hogaaminta Booliska oo digreetadiisu soo bixi doonto caawa ama habeen danbe hadii eebe idmo. Puntland isbadal…
Waa lasoo dhaweeyay isbadalka Talyayaasha qaybaha Booliska ee la sameeyay. Si gaar ah Booliska Mudug ee baahida xooga leh loo qabay in isbadal lagu sameeyo oo waliba la geeyo masuul loo han weyn yahay bogaadin bay mudan tahay. Waxa kale ee muhiimka ah,waxay tahay in la raaciyo Ciidan,Gaadiid iyo qalab loona dayactiro xarumaha ay ku shaqeeyaan. Isbadalku xili loo baahnaa,ayuu kusoo aaday. Jibril Qoobey.
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal waxay ubadan tahay in uu noqdo Shuuqe. Gudoomiyihii hore gudiga doorashada,ahna caaqil aad looga yaqaan Puntland qadarin ku dhex leh bulshada. Gudoomiyaha cusub wax badan uguma duwanaan doono Gujir rabi ha unaxariistee. Gobolka Nugaal sidii ay ka rabeen kooxda Maxamuud Shido hogaamiyo waa noqon waayay. Jibril Qoobey.
Golaha Deegaanka Gaalkacyo in lakala diro ayay ubadan tahay si Kmg-ahna loogu sii dhiibo Maxamuud Yaasiiin Tumey Duqii hore ee Magaalada. Duqa xiligan Saahid Sayn si buuxda,ayuu ugu fashilmay shaqada Magaalada xilka qaadistiisuna waa mid safmar lagu so dhawayn doono marka laga saaro dhawr nabadoon oo dana gaar ah ku ilaalsada. Isbadalka maamul baahi weyn,ayaa looga qabaa Puntland maanta. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Puntland Oo isku bedelay Taliyeyaasha Qaybaha Booliska ee Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug. Garoowe: 04 April 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saara, Xeer Madaxweyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal iyo Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska…
Hogaanka nabadgelyada Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya,waxaa loo magacaabay Xuseyn Qaasim oo ah aqoon yahan haysta shahaadada PHD. Xueyn dadka yaqaan waxay ku tilmaamaan in qunyar socod ah degan oo macquul ah. Beel ahaan waxay isku jifo yihiin Madaxweyne Mustafe Cagjar. Magacaabistiisu waxay sii xoojinaysaa awooda Madaxweyne Cagjar,iyadoo horay ay uhaysteen beesha Madaxweynaha Talyaha Ciidamada Liyuu Bookiska. Shalay ayay ahayd markii uu fashilmay iskuday inqilaab,isla markaana xilkii laga qaaday hogaankii Nabadgalyada Inta badan hogaanka Nabadgalyada,waxaa qaadan jiray beesha reer Cabdille. Jibril Qoobey.
Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu khaarajiyay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Gu’jir xogo khatar badan,ayaa dul hoganaya. Xogta 1-aad ee sirdoonka Dowlada!! Qaraxa waxaa ka danbeeyay Alshabaab,waxaana fuliyay Nin horay uga mid ahaan jiray laguna qabtay Bosaso xiligii Dowladii Faroole kadibna la shaqaystay Booliska laguna magacaabi jiray Cabdifitaax M.Khaliif. Sirdoonku waxay leeyihiin,waxaan uqabanay abaabulka ismiidaamintan 8-Qof oo aan ku kala qabanay 3-Garowe,3-Bosaso,1-Galkacyo-1-Laascaanood. Xarunta abaabulka qorshahan fadhigeedu waa Laascaanood sida sirdoonka Puntland sheegayaan waxayna wada shaqayn dhow kala leeyihiin Somaliland. Sirdoonka Puntland maamlmaha soo socda ayay sheegeen in baaristu usoo gabagaboobayso. Xogta 2-aad?? Qaraxa waxaa ka danbeeyay Muxyidiin Talyaha Booliska Puntland oo baqdin…
Gudaha Puntland shacabku waa dhaleeceeyeen Afhayeenka Booliska. Dadku waxay intooda badan u arkaan in arin xasaasiya oo xogo khatar leh ay kasoo baxayaan uu bartanka u istaagay,isagoon ka fiirsan. Markii si nidaamiya loo eego Afhayeenu waxuu ku hadlay afkii Booliska,balse dad badan,ayaa qaba in uusan caadi u arag arinkan xasaasiga ah. Mida kale ee shakiga abuurtay waxay tahay Ninka lasoo istaajiyay Saxaafada oo aan wax hadal ah jeedin una muuqday Qof dhiban oo lasoo khasbay lana galinayo arin uusan raali ka ahayn. Geeridii Gu’jir waxaa dul heehaabaya xogo khatartooda leh Jibril Qoobey.
Soo barakaysigii Axmed Karaash ee Boqor Burhaan lagama soo dhaweyn Madaxtooyada,waxaana lagu tilmaamay deg-deg iyo wadatashi la’aan in ay ku dhacday. Balse Karaash oo aan inta badanba isfahan buuxa kala dhaxayn Deni dhagjalaq uma siin. Deni ilaa iyo hada waxuu fahmi la’yahay kursigii adaa ku fadhiyee tanaasul samee oo dadkaaga isku wado. Gaar ahaan Boqorka oo uu wax ka tirsanayo waa ogolaan la’yahay in uu barakaysto. Jibril Qoobey.
Tedros qalabkii lagu baarayay caabuqa Corona ee hay’ada Caafimaadka aduunku ugu deeqday Itoobiya waxuu uweeciyay Gobolka Tigray. Dhaleecayn gudaha Itoobiya ah,ayaa uga timid go’aankaas. Balse uma muuqdo mid ujoojinaya dhaleecayntaas. Tedros waxuu kasoo jeeda Qowmiyada Tigree,waxuuna soo noqday Wasiirka arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Itoobiya. Haatan Tedros waa madaxa hay’ada Caafimaadka aduunka ee loosoo gaabiyo (WHO). Jibril Qoobey.
Somaliland waxay ka mamnuucday garoomadeeda diyaaradaha Shirkadaha Fly Dubai iyo Alcarabiya. Go’aanka mamnuucida ee ay kusoo rogtay Somaliland Shirkadahan waxay ku salaysay uhogaamistoodii amarkii Dowlada Fadaraalka Somaliya ee Corona Virus. Sida la fahansan yahay go’aanka Somaliland uma dhutin doonaan shirkadahaas maadaama baahida xoogeedu uu ka jirto Hargaysa. Dhinaca kale markii nidaamka caalamiga ah loo eego Shirkadahan kama hor imaan karin go’aanka Dowlada Fadaraalka ee la aqoonsan yahay. Diyaaradaha Fly Dubai iyo Alcarabiya waxay duulimaadyo toos ah ku tagi jireen Hargaysa. Jibril Qoobey.
W/Q: Wasiirkii hore Wasaaradda Arrimaha Dibedda JF Soomaaliya Yusuf Garaad. Ma ogi waxa ay NISA sheegtay in ay iyadu ka og tahay Haaruun Macruuf. Mana sahashan karo eedeyn ku saabsan khatar ka dhan ah Amniga Qaranka. Haddana ma jecleysan farriinta ay NISA soo jeedisay, Goobta ay ku soo bandhigtay iyo khaanadda ay dhigtay Heybadda Dowladnimada Soomaaliya. Laba eedeymood oo ay NISA u jeedisay weriyaha ayaa ah falal ka baxsan anshaxa saxaafadda iyo xiriirro khatar ku ah Amniga Qaranka. Anshax marin saxaafadeed Sirdoon shaqo kuma laha. Haddiise ay hesho xogta fal dambiyeed ka dhan ah Amniga Qaranka, waa shaqada Hey’adda Sirdoonka.…
Afhayeenka Booliiska Puntland G/dhexe C/waaxid Cabdille ayaa beeniyay wararka sheegayay in qofkii isku qarxiyay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal C/salaan Gujir uu horey uga tirsana Ciidamada, taliska ayaa soo bandhigay Cabaas Abuukar oo ahaa shaqsigii la sheegay in uu is qarxiyay. Cabaas m,ayaa ka mid ahaa Ciidamada Booliiska gaar ahaan ilaalada Taliyaha Booliiska Muxiyadiin Axmed, mana ahayn qofkii is qarxiyay. Halkan ka daawo muuqaalka
Waa qarax kuwa ismiidaaminta ah oo loo diyaariyay in lala beegsado Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland. Qaraxan waxuu ku xirnaa Jaakad,waxaana gurigii lagu diyaarinayay oo ku yaalay Baraxley dhanka Galmudug,iyadoo surnayd meel katabaan ah xalay habeenimo kasoo xaday Tuug udhacay. Tuugaas,ayaa meel qashin qub ah ku tuuray markii uu arkay Jaakada Miinaysan. Kadib waxaa hawlgalo ay fulinayeen Ciidamada Booliska Galmudug ee Baraxley iyo kuwa Gaashaan ee Maraykanku taageero ay kusoo qabteen Tuugii Jaakada soo xaday,kaasoo xogtii la wadaagay Ciidanka. Ciidamada Booliska Galmudug,waxay heleen markii danbe Jaakadii,sidoo kalena waxayna udhaceen gurigii,iyagoo kasoo qabtay Nin iyo Naag. Ugu danbayn Ninkaas iyo Naagta…
Harun Macruuf waxuu xog badan ka helay daminada uu dhigo Fahad Yaasiin iyo u adeegidiisa Qatar oo ay ugu weyn tahay lacagta uu kasoo qaado isla Qatar ee uu ugudbiyo Alshabaab,sida xogo lagu kalsoonaan karo xaqiijinayaan. Taasi waxay keentay in qaylo dhaan hanjabaad wadata oo sharciga lagu gabanayo ay kasoo baxdo Fahad iyo kooxdiisa NiSA hay’adii hore ee Nabadsugida Qaranka oo hada noqotay xarun loogu adeego Qatar iyo qorshayaasheeda argagixisanimo. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha waa la gaarsiiyay si rasmi ah in ay gudaha Puntland ku jiraan sadex Nin oo ismiidaamin diyaar u ah. Laba ka mid ah Ragaas gacanta waxaa ku dhigay PSF markii danbe waxaana loo xaqiijiyay Madaxweyne Deni. Hal ismiidaamiye oo lagu magacaabo Cabdifitaax Maxamed Khaliif,ayaa harsan kaasoo bar tilmaameedkiisu yahay caasimada gaar ahaan shirkii Wadatashiga ama Madaxtooyada,ayaa markale lagu wargaliyay Madaxweynaha. Feejignaan dheeriya iyo hawlgalo la sameeyay waa usuuroobi wayday in uu fuliyo ismiidaamintiisii Cabdifitaax M.Khaliif. Sidoo kale Ciidanka PSF kuma aysan guulaysan gacan ku dhigida Ninkaas. Cabdifitaax waxuu sanadihii udanbeeyay la shaqaynayay Booliska waliba Talye Muxyidiin oo uu xataa…
JIGJIGA IYO JUGTA YEERTEY Wadanka Ethiopia waxaa gaaray Cudurka COVID-19 kaas oo gobolo kala duwan ku faafaya, ilaa haddana kisasku dhaafayaan 27 qof, taas oo sababtey in guddiga doorashooyinku ku dhawaqaan in aysan sanadkaan Qabsoomeyn doorashadii madaxtinimada Waddankaas. Halkaas markii Xaalku marayo sida caadiga ah dib dhacaas wuxu keenay in kililadana aysan wax abaabul ah galin ayana oo hakadkaasi wax badan sii dib dhigo waxana laga yabaa in 2 sano oo dib dhac ah galo nidaamka Doorasho ee gobolada taaso ka careysiisey Mucaarad badan oo wax daneynayay. Hadaba Waxaa Jigjiga ka dhacay arin ay ku shegeen ilaha aan ka helney…
Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa hooyga uu Qardho ka dagan yahay ku booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse. Halkan ka daawo muuqaalks
Wax ka badan labo bilood ayaa ka soo wareegatay markii kiiskii ugu horreeyay ee fayraska corona laga helay Mareykanka. Tan iyo wixii intaa ka dambeeyay, fayraska ayaa ku faafay gudaha dalkaas, iyadoo kiisaska guud ay kor u dhaafeen 200,000, halka tirada dhimashaduna ay gaartay 5,000. Mareykanka ayaa hadda ah xuddunta fayraska ee dunida, iyadoo tirada kiisaska dalkaasi ay ka sare martay tan Shiinaha, oo ah halka uu ka markii hore ka dillaacay, iyo Talyaaniga oo ah dalka ugu daran wadamada Yurub ee uu fayrasku aadka u saameeyay. Inkastoo saraakiisha caafimaadka ay qabaan in xaaladdu ay ka sii dari doonto toddobaadyada…
Wararka ka imaanaya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in shaqada laga cayriyey madaxii amniga ee gobolka Cabdicaadil Xasan Cabdi Wararkan oo aanu ka helnay ilo kala duwan waxay sheegayaan in lagu beddelay ku xigeenkiisii Cabdullahi Maxamed “Candullaahi Dheere”. Waxaa isna xilkii laga qaaday madaxii sirdoonka Ilyaas Cali Bulxan, waxaana si ku meelgaadh ah loogu dhiibay Cabdi Siigaale iyadoo ku xigeen looga dhigay Xirsi Dool. Sidoo kale waxaa wararkan sheegayaan in la xiray madaxii hab-maamuuska ee madaxtooyada maamulka Cabdulqaadir Sheekh Axmed Bisle. Sababta tallaabooyinkan loo qaaday ayaan ilaa hadda rasmi ahaan loo shaacin, waxaana la filayaa in maamulku saacadaha soo…
Dowlada Puntland waxay soo togtay bandow socda habeenkii labaad guud ahaan Gobolada. Ujeedka Bandowga,ayay Dowladu ku sheegtay in looga gol leeyahay yaraynta khatarta caabuqa Corona Virus. Bandowgan,ayaa bilowda 6-Makhribnimo socdana ilaa 5-ta aroornimo. Dadka falanqeeya arimaha amaanka,ayaa ku doodaya Bandowgu haduusan wadan qorshe amni oo looga faa’idaysanayo in uu noqon doono ismuujin iyo waan joognaa,taasina jawaab uma noqon doonto xaalada adag ee taagan!!!. Jibril Qoobey.
Puntland waxaa usoo qalanjabiyay 1035-askari oo si weyn loosoo tababaray mudo 6-bilood ah. Madaxweyne xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash,ayaa Qardho utagay usoo xirida tababarkaas Ciidsmada cusub,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Gudoomiye Axmed Nuur yare Kamas in uu yahay Nin Oday ah oo niyad uhaya shaqadiisa,ayaan ka xaqiiqsaday meelo kala duwan,balse aan haysan waxii uu ku hawlgeli lahaa.. Dhaqaalaha Gobolka loo qoondeeyay waa 1800 oo dolar bishii,lacagtaas waxaa ku jira mushahaarka shaqaalaha iyo masuuliyiinta.adeega Xaafiisyada,korontada, Biyaha iyo kharashaadka siyaasadeed. Hal Baabuur oo xaaladiisu aysan wanaagsanayn,ayuu leeyahay Gobolku. Shidaal gaar ah oo uu ku hawlgalo maleh. Xaafiisyadu waa ka burbureen mana qalabaysna. Ilaalo gaar ah oo Dowladeed maleh Gobolku. Tiro ka dhawr jeer,ayay masuuliyiinta Gobolku utageen Madaxweynaha kana codsadeen garab istaag,waxaana ugu danbaysay Janaayo sanadkan welina waxba kama hayaan aan ka ahayn…
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka cisbitaalka Xoogga ay ku dhinteen saddex qof. Qaraxan ayaa ka dhashay miino dhulka lagu aasay, waxaana ay ku qaraxday baabuur ay leeyihiin ciidanka dowladda Soomaaliya oo waddada marayey. Laba ka tirsan dadka dhintay ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada saadka ee gobolka Shabeellada Hoose. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Waa qaraxii labaad ee toddobaad gudihiis ka dhacay Muqdisho. Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ahaa oo 25-kii March ka dhacay magaalada. Qaraxaas ayaa waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey oo isku…
PARIS — Naadiga ay ku mideysan yihiin dalalka deymaha bixiya ee loo yaqaan Paris Club (Naadiga Paris) ayaa ogolaaday Talaadadii shalay in dib u qaabeyn lagu sameeyo deynta Soomaaliya, taasi oo ay ku jirto in si dhaqsa ah looga dhaafo deyn gaareysa $ 1.4 bilyan oo lagu leeyahay Soomaaliya. Go’aankan oo ay markii hore soo warisay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa la sheegay in lagu baabi’inayo ilaa 67 boqolkiiba deymaha ay dalalka Paris Club ku mideysan ku leeyihiin Soomaaliyaa. Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxman Beile ayaa go’aankan ugu yeeray tallaabo horey loo qaaday oolagu taageerayo Soomaaliya oo haatan la tacaaleysa xakameynta…
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada London, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa toddobaadyadii dhowaa. Nuur Cadde ayaa waxaa ku dhacay xanuunka coronavirus ee caalamka ku faafaya, isaga iyo wiil uu dhalay. Waxaa uu ahaa 83 jir. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee iminka Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka oo uu uga tacsiyadeynayo geerida Nuur Cadde, waxa uu ku yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga…
Waxuu ka mid ahaa Alshabaab,waxaase gacanta ku dhigay Ciidanka Puntland oo markaas hawlgalo ka waday Bosaso xiligii Dowladii Madaxweyne Faroole. Kadib waxuu ogolaaday wada shaqayn ku aadan la dagaalanka Alshabaab in uu la sameeyo Ciidanka amaanka. Intii uu wada shaqaynta la samaynayay laamaha amaanka,gaar ahaan laanta la dagaalanka argagixisada oo mudo usoo hogaaminayay Muxyidiin Talyaha Booliska Puntland ee xiligan,waxaa lagu guulaystay in la fashiliyo qorshayaal badan lana qabto xubno muhiim ah oo Alshabaab ka tirsan. Liibaan waxuu si cad ugu markhaati furay xubno Alshabaab ah oo la qabtay oo uu aqion ulahaa. Kadib waxaa la qoray Ciidanka amaanka Puntland si…
Guddi ay Somaliland u xilsaartay ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa goor dhowayd xaqiijiyey in laba qof oo lagu sameeyey baadhitaan laga helay cudurka Coronavirus. Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilahi oo Xarunta Wasaaradasi kula hadlay warbahhinta ayaa sheegay in labada qof ee laga helay xanuunka ay u kala dhasheen Somaliland iyo dalka Shiinaha. Wasiirku wuxu intaasi ku daray in ninka muwaadinka ee laga helay xanuunku uu joogo magaalada Burco balse uu ka yimid dalka Biritan, halka qofka labaad uu joogo magaalada Berbera. Waxa uu wasiirku u sheegay warbahinta in la amray mas’uuliyiinta caafimaadka ee labadaasi gobol in baadhitaan lagu sameeyo…
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegay inay magaalada Buu’aale ku toogteen lix nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin “basaasiin”. Wararka ay baahiyeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa ku eedeeyey lixda qof inay u kala basaasayeen dawladda Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka. Maxkamadaha Al-Shabaab ayaan oggolaan qareenno inay difaacaan dadka lasoo eedeeyo, waxaana xukunka lagu ridayaa “qirasho” la sheego inay eedeysanayaasha sameeyaan. Si kastaba, waxaa dadka kasoo goostay Al-Shabaab ay sheegaan in dadka lasoo eedeeyo la jirdilo si loogu qasbo qirasho.
Ugu yaraan 14 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa geeriyootay ilaa sadex kalena way dhaawacmeen kadib dagaal beeleed shalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo. Dagaalladan oo soo noqnoqonayey saddexdii sano ee tegay ayaa ka dhacay deegaanada Fuuma, Kooyaamo iyo Jiiroole oo qiyaastii 30 ilaa 50 km dhanka galbeedka uga beegan magaalada Kismaayo. Halkan ka daawo muuqaalka
Doorashadii dalkiisa oo ay ka harsanayd 2-bilood dib,ayuu udhigay isagoo marmarsiiyo ka dhigtay Caabuqa Karoona Fayras. Ilaa iyo hada lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan Xisbiyada mucaaradka iyo Dowlad Goboleedyada awooda badan ee Tigreega iyo Amxaarada. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Ugu yaraan Bosaso waxaa ka jira maamul iyo Ciidan amni oo la tacaalaya xaalada haba liitado awooda hogaamineed ee masuuliyiinta qaar. Deni qorshe amni,ayaa looga fadhiyaa sida ugu dhakhsiyaha badan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Inta meesha fadhida mid gudaha Magaalada seexdaa kuma jiro xaalad amni darteed. Amaro Dowladeed baan fulinaynaa ayay ku leeyihiin,Ciidanka ay hawlgalinayaan caawa may horay Umada amnigeeda wax uga qabtaan. Deni qorshe amni,ayaa looga fadhiyaa sida ugu dhakhsiyaha badan. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.
Go’aamo wax ku ool ah !!! Shirkii ay iskugu yimaadeen xalay Gudida Amniga Puntland oo uu shir gudoominayay Madaxwayne Siciiid Cabdulaahi Deni iyo Madaxwane ku xigeenka Axmed Karaash,ayaa lagu go”aamiyay qodobo muhiim ah. Qodobadaas,ayaa kala ahaa………… 1.Madaxweynaha oo si toos ah ula wareegay hogaaminta amniga. 2- Amaanka guud Puntland oo la adkeeyay. 3- Dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dawladda heer walba oo ay yihiin oo la faray in ay xoogga- shaqadooda isugu geeyaan sugidda amniga. 4- Waxaa heegan la galiyay dhammaan ciidamada Dawlada Puntland si ay qayb uga noqdaan qorshaha cusub ee sugida amniga. 5.Waxaa Ciidanka Badda lagu amray in…
Aas-qaran,ayaa loo sameeyay halgamaa Gu’jir. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo Gu’jir,waxuu ahaa hogaamiye qadiyadiisu gaarsiisnayd helida qaran Somaliyed oo Fadaraal ah. Gu’jir waxuu soo qabtay masuuliyado kala duwanaa oo Puntland iyo heer Fadaraal ah. -Qunsulkii Safaaradda Somaliya ee dalka Faransiiska. -Duqa Magaalada Garowe -Gudoomiyaha Gobolka Nugaal -Talyaha CIidamada Birmadka Puntland. -Talyaha Saldhiga Gobolka Nugaal -Talyaha Saldhiga Degmada Burtinle -Talye Ku xigeenka Ciidanka Puntland. Gu’jir rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo,wuxuu ifka uga tagay 4-Gabdhood iyo 2-Wiil & mid caloosha ku jiray. Halkan ka daawo muuqaalka
Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa guud ahaan Shacabka iyo Dowlada Puntaland geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaam Xasan Xirsi. Halkan ka akhriso wareegtada
Deputy prime minister accuses Tedros Adhanom Ghebreyesus of being incapable of managing. Japan on Saturday criticized the head of the World Health Organization, accusing him of being incapable of managing the coronavirus crisis. Speaking at the House of Representatives in the capital Tokyo, Deputy Prime Minister Taro Asos slammed Tedros Adhanom Ghebreyesus for his “inadequate evaluation to address the coronavirus outbreak.” He also noted the petition on Change.org signed by 635,000 people so far, demanding the resignation of Tedros. After first appearing in Wuhan, China, last December, the novel coronavirus has spread to at least 177 countries and territories, according…
Garoowe : 29, Maarso, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga dowladda u qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus. Guddoonka labada Guddi ayaa warbixin siiyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxayna ka warbixiyeen xaaladda guud ee Amniga Puntland iyo sida loogu diyaargaroobey ka hortaga cudurka Coronavirus ee adduunka ku fidaya. Kulankan oo intiisa badan looga hadlay sidii Puntland, Dowlad iyo Shacaba loo xoojin lahaa ka hortaga cudurka Caronavirus, waxaa laga soo saaray go’aamo.
Wax lala yaabo mahan in Qarax ka dhaco Garowe,sababtoo ah waxaanba jirin hay’ad sirdoon oo shaqaysa. Xogihii isdaba jooga ahaa ee la helayay oo lala wadaagnay laamaha amaanka,haba yaraatee lagama faa’idaysan. Agaasimaha Pisa haduusan iscasilin waa in xilka laga qaadaa si deg-deg ah. Argagixisadu waxay ku guulaystay in Bosaso iyo Gaalkacyo ay gacanta si dadban ugu dhigaan. Madaxweyne Deni gacan fudayd baa looga baahan yahay xiligan oo kale. Jibril Qoobey.
“Fashilkii dhacay caawa ee muujiyay ceebta nidaam xumo” 1.Talyaha Booliska habka uu hadlay waxay muujisay hogaan xumadiisa,khibrad yaridiisa iyo xog la’aantiisa!! 2.Talyaha Boolisku in uu soo gashto jaakad aan xabadu karin waxay muujisay heerka xaaladu marayso!! 3.Qaraxu waxuu ka dhacay xaruntii amaanka Gobolka horteeda,waxaana lala eegtay masuulkii ugu sareeyay maamulka iyo amaanka Gobolka taasina waa fariin cad!!. 4.Xiliga qaraxu dhacay waxaa goobta kusoo shamuumay Dad shacab ah oo sawiro boobaya mana jirin ciidan ka hor istaagay!!. 5.Xiliga qaraxu dhacay isbitaalka weyn waxaa isku shubay shacab fara badan mana jirin cid ka hor tagay!! 6.Qaraxa kadib waxaa magaalada lagu sii daayay…
Gudoomiyihii Gobolka Gu’,jir alle ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo samir iyo imaana hanaga siiyo. Goor dhawayd,ayuu ugeeriyooday Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay. Gu’jir waxuu ka mid ahaa haldoorka soo halgamay ee reer Puntland. Jibril Qoobey.
Qof ismiidamiyey ayaa isku Qarxiyey Gaari ay saarnaayeen Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) iyo Taliyihii hore qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli Waxaana dhaawacoodaa la geeyey Isbitaalka Guud ee Garowe. Mohamed Said Yusuf
Colonial-era Nile river treaties are to blame for the unresolved dispute over Ethiopia’s dam Disputes over the filling and operation of Ethiopia’s Grand Ethiopian Renaissance Dam have, once again, threatened security in North-East Africa. The dam—a huge project on one of the River Nile’s main tributaries, the Blue Nile in Ethiopia—is designed to generate 6,000 megawatts of electricity. Its reservoir can hold more than 70 billion cubic meters of water. That’s nearly equal to half of the Nile’s annual flow. Filling the immense reservoir will diminish the flow of the Nile. Tensions have been particularly acute between Egypt and Ethiopia…
Madaxweyne Trump ayaa yiri “Waxaan ka fikirayaa inaan muddo kooban karantiil galiyo State ka New York” Hogaamiyaha State kaas Cuomo ayaa asna yiri “Sharci maahan in madaxweynuhu sidaas sameeyo, waana iclaamin dagaal maamul goboleeydada iyo dowlada dhexe ah” Markii dhibu timaado waa la is wada arki dheh. Sidan oo kale Gobalka Nova Scotia ee Dalka Canada ayaa maalin dhaweyd ku dhawaaqay inuu Xuduudkiisa ka xirtay guud ahaan Gobalada kale ee Dalka. Xigasho Sayid Abdul
Hadii aad joogto Puntland, oo aad isaga shakido ama aad isku aragto calaamadaha xanuunka Coronavirus, fadlan wac lambarkan lacag la’aanta ah (343). Waxaa ku caawin doona team aqoon u leh arrimaha caafimaadka, kana tirsan Wasaarada Caafimaadka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
29 March,2020: Ma jiraan illaa hadda wax xaalad la xiriirta COVID-19 oo ay Wasaarada Caafimaadka DPL ay xaqiijisey. Dadka baahinaya warka been abuurka ee ku saabsan cudurka COVID-19 waxaa looga digayaa inay joojiyaan haddii kalena sharciga lala tiigsan doono. Wasaaradu waxay ugu baaqaysaa dadweynaha Puntland inay xogta ku saabsan cudurka COVID-19 ay ka qaataan illaha munaasibka ah sida Wasaarada Caafimaadka. DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Halkan ka daawo muuqaalka
Announcement from Ethiopian Airlines Group Ethiopian would like to announce that it has suspended flights to more than 80 international destinations as of today (Sunday 29 March, 2020) due to the COVID-19 global pandemic. Our cargo services have continued to all served cargo destinations. We have continued to operate all our Domestic services but our domestic market has declined by 50%. As usual and as part of our historical corporate culture, the Safety and the health of our staff, our passengers and the staff of our partner organizations are top priority and we have been scaling up all the necessary…
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda Xisbiyada mucaaradka Somaliland,ayaa maanta ka hadlay go’aanka Bankiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Dunida ee IMF ay deynta uga cafinayaan Soomaaliya. Muuse Bixii ayaa hay’addahan ka codsaday inay si gooni ah ula macaamilaan Somaliland, oo wixii ay siinayaan aanay u soo marin Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah,ayaa isla waafaqay in si ku meel gaar ah laga bilaabo maalinta berrito ah loo hakiyo duulimaadyada dalka gudahiisa ah si loo xakameeyo cudurka Coronavirus. Shirkadaha duulimaadyada,ayaa laga codsaday in ay joojiyaan safarrada ay ka dhex sameeyaan magaalooyinka dalka.
Wasaaradda Caafimadka Puntland ayaa ku Karantiishay Magaalada Garoowe 5 Qof oo looga shakiyay Cudurka Corona Virus kuwaaso hadda maraya nidaamka Baritaanka isla markana la filayo labada maalin ee soo socota in la helo natiijada Shaybaarka. 5-ta Qof ayaa wasaradda Caafimaadka Puntland sheegtay in afar kamid ah ay yihiin Ajanabi iyo mid soomaali ah isla markana ay qaybtood ka muuqdaan Astamaha Corona Virus qaar kamid ah balse ay ka warsugayan natiijada Shaybaarka. Dhowaan ayay Wasaradda Caafimadka Puntland shaacisay in duleedka Garoowe ay ka hirgelisay Isbitaal lagu karantiilo dadka qaba Cudurkaas sidoo kalana ay shaacisay Lambar lagala xiriiro Qaybaha Qaabilsan Corona Virus.…
Taliyaha ciidanka Booliska dawladda Puntland oo ay weheliyaan saraakiil kale,ayaa digniin u diray dadka ka ganacsada Qaadka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasaaradda Caafimaadka dawladda Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ka daah-furtay goob lagu karantiili doono dadka looga shakiyo ama laga helo cudurka Coronavirus,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalks