Beri waxay xogi igu soo gaartay in Isimo ay hogaaminayaan Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase ay ka degi doonaan Muqdisho hadaan cadaadiska lagu hayo uusan baajin. Ujeedka socdaalka Isimada waxaa laygu sheegay in uu daaran yahay dhaqaale uhelida Magtii beelaha Bah-Ararsame iyo Qayaad ee Dhulbahante,kuwaasoo dhexdhexaadintoodii iyo masuuliyada bixinta Xoolaha ay dhabarka uriteen Islaan Ciise iyo Garaad Kulmiye. Sida xogtu sheegayso Khayre oo ay Isimadu la xiriireen,waa soo dhaweeyay dalabka Isimada ee ah in Dowlada Fadaraalku qayb ka qaadato Magtaas. Khayre waxuu u arkaa imaanshaha Isimada qorshe uu kula dagaalami karo Deni kuna gaari karo hamigiisa ah Madaxweyne Somaliya. Madaxweyne…
Author: Jibril Qoobey.
Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegay in kulankii Yamamoto,Deni iyo Axmed Madoobe ee Nayrobi lagu go”aamiyay sii daynta Wasiir Janan. Yamamoto waxuu ka codsaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in ay aqbalaan wada hadal dhexmara iyaga iyo Dowlada Fadaraalka,kaasoo ka dhaca Muqdisho. Madaxweynayaasha oo aqbalay codsiga Maraykanka,ayaa ku xiray shuruud ay ka mid ahayd sii daynta Wasiirka Amniga Jubaland. Dowlada Fadaraalka oo fulinaysa shuruudaas,ayaa si daysay Wasiir Janan,isla markaana beelaha Raxan weyn ee uu ka xiran yahay Rooboow si aysan ukicin,ayay ku sheegtay sii dayntiisa baxsad. Dad badan waxay u arkaan isticmaalka erayga baxsad in uu ceeb ku yahay Dowladnimada Somaliya.
Beesha caalamka,ayaa ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda Galmudug in ay diiradda saaraan baahida loo qabo in ay ka wada qeyb-galaan hanaan heli kara taageero ballaaran, islamarkaana ka fogaadaan halista xasillooni darro iyo dagaal. “Kani waxa uu baahan yahay ka wada qeyb-gal lagu helo wada-hadal, iyo tanaasul ay sameeyaan dhammaan dhinacyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.“Beesha Caalamka waxay garowsan yihiin in dadaallo muhiim ah oo arrintan ku saabsan la sameeyey toddobadii bil ee tagay. Tani waxay sahashay in heshiisyo laga gaaro qeybsashada kuraasta, waxaana bogaadineynaa tanaasulka ay dhammaan dhinacyada u sameeyaan danta Galmudug.” Beesha Caalamka,ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Galmudug in ay…
Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump u ogolaatay inuu dhaqan gelin karo qorshe uu ku doonayo in dadka qaata kaalmada dowladda loo diidi karo sharciga deganaanshaha ee dalkan Mareykanka, inta uu ka soo baxayo xeer kama danbeys ah. Go’aanka ay maxkamaddu gaartay ayay dowladdu u cuskan kartaa in sharciga loogu diido dadka hela, kaalmooyinka ay ka midka yihiin, caymiska caafimaad, lacagaha cunnada lagu iibsado ee ay dowladdu ku kabto qoysaska dan yarta ah iyo kaalmada guryaha. Xeerka oo weli ay maxkamaddiisu taagan tahay ayaa waxaa dubra ka so hor jeestay kooxaha u dooda xuquuqda dadka dhawaangalka ah.…
“Xasan Cali Khayre Lacagta Dhalinyarada Lagu Maal Galinayo Ma Isagaa Leh”Faysal Cali Waraabe,ayaa yiri sidaas. Faysal waxuu ka jawaab celinayay hadal kasoo yeeray Khayre oo uu ku sheegay in dhalinyaro kasoo jeeda Gobolada Somaliland ay qayb ka yihiin mashruuca maalgalinta Dhalinyarada ee USAID ay maalgalisay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
This week Ambassador Don Yamamoto has continued to promote FGS-FMS cooperation that will be critical in 2020 for the political development and future of Somalia, particularly as the country’s leaders prepare federal elections and continue to respond to ongoing threats to security. The Ambassador met with regional leaders of four of the five Federal Member States to discuss the urgent need to jointly address these challenges for the good of Somalia. A reenergized process of dialogue and compromise will be necessary on all sides. The United States remains committed, determined and focused on advancing our shared goals and objectives of realizing…
Guud ahaan kulankii Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Safiirka Maraykanka waxuu kusoo idlaaday guul. Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka waxay hor dhigeen mawqifka ay ka qabaan xaalka dalka. Si gaar ah mawqifkooda hanaanka doorasho ee 2020-21 ayay ugudbiyeen Madaxdu safaarada Maraykanka. Wada xaajood dheer oo gaar-gaar ahaa kadib waxay isla qaateen labada dhinac dhawr qodob oo kala ah… B.In uusan jiri karin mudo kororsi loo sameeyo hay’adaha Fadaraaliga ah haba yaraatee. T.In Maraykanku qaadanayo door dhexdhexaadin dhawaana uu madal iskugu keeni doono Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. J.In lasii xoojiyo iskaashiga lagula dagaalamayo…
”Cafis buuxda,ayaan waydiisanayaa Qalbidhagax iyo ONLF waana qiranayaa qaybta aan ku lahaa dhiibistiisii”.Sanbalooshe,ayaa sidaa yiri. ‘Dowlada waxaan leeyahay qirta in uu danbi ahaa dhiibistii Qalbidhagax oo raali galin siiya isaga iyo ONLF kana saara liiska argagixisada Xamarna ku casuma”,ayuu markale yiri Sanbalooshe. ”Farmaajo ha qaato masuuliyada dhiibista Qalbidhagax,maadaama uu ahaa Madaxii ugu sareeyay Xukuumada dhiibtay oo aan qaybta ka ahaa markaas” waxaa yiri Sanbalooshe oo umuuqda Nin ana Runta ka gabanayn. ”Somali waxaan usheegayaa Farmaajo Ninkaad moodeen mahan ee waad ku khaldanteen”.ayuu Sanbalooshe kusoo gabagabeeyay hadalkiisii. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Doorashada guddoonka baarlamanka ee maanta ka dhacday Dhuusamareeb waxaa lagu fasiri karaa sida tan… Dhanka Dr. Gacal 1. Dr. Gacal wuxuu muddo 8 bilood ah ka shaqeynayay campaign kiisa Galmudug, isagoo lagu daray Guddigii Dibu Heshiisiinta, kadibna wuxuu la shaqeynayay madaxda Dowladda kuwaas oo xoog iyo xoolo (1 malyan dollar) wixii ay hayeen isugu geeyay. Sidaas oo ay tahayna 9 cod (50%+9) ayuu uga adkaaday wiil 3 maalmood kaliya olole ku jiray, cid taqaannana aysan jirin. 2. Codadka uu Gacal helay waxay isugu jireen kuwa dhanka Ahlu Sunna ka yimid oo lagula heshiiyay in ku xigeenka koobaad lala dhisi doono.…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Qado sharaf ugu sameeyay deegaan-dalxiiseedka Biyo Kulule,Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Waftiga uu hogaaminayo ee booqashada ku jooga Boosaaso. Kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Jubaland, Maamulka Gobolka Bari, Kan Degmada Boosaaso, Siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Odeyaasha Dhaqanka, Ganacsato, Culimo, Dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladda Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shan qof, oo ay ku jiraan laba askari, ayaa la dilay kadib markii ciidamada Sudan ay Maanta weerareen wakiilo ka tirsan sirdoonka laga baqo ee dalkaas oo gadooday. Talaadadii, rasaas culus ayaa laga maqlay qaar ka mid ah saldhigyada hay’adda sirdoonka NISS ee Khartoum, kadib markii wakiilada hay’addaas ay diideen qorshe howlgab oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta cusub ee dalkaas. Xubnaha NISS ayaa hormuud u ahaa weerarkii lagu qaaday dibad-baxayaasha intii uu socday kacdoonkii lagu riday madaxweyne Omar al-Bashir, bishii April 2019. Goor dambe oo Talaadadii ahayd ciidamada militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF ayaa ku xoomay…
Madaxweyne Xaaf oo dhawaan magacaabay Gudi doorasho oo kasoo horjeeda kan Dowlada,ayaa soo saaray Jadwal doorasho. Jadwalkaan,ayaa ah mid ka duwan kii ay soo saareen Guddiga farsamada ay Dowladda Villa Somaliya magacawday. Waxay umuuqataa in Galmudug ay yeelan doonto laba Madaxweyne oo kala fariisan doona Dhuusamareeb iyo Koonfurta Gaalkacyo. Halkan ka akhriso Gudiga Xaaf soo saaray:-
Kulan maanta ku dhexmaray Madaxtooyada Somaliland Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka iyo Madaxweynaha ayaa lagu guuleysan waayay in lagu dhameeyo murankii siyaasadeed ee u dhexeeyey labada dhinac. Mucaaridka ayaa madaxweynaha ku ku eedeeyey inuu diiday inuu kala diro gudidda doorashooyinka ee Cusub,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa mar labaad ku guuleysatay xilka dalkaas, iyadoo doorashada Taiwan ay hareysay xiriirka ay jasiiraddu la leedahay Shiinaha. Codadkii la tiriyay, Ms Tsai waxay ka heshay 57%, iyadoo aad uga horreysa ninka la tartamayay ee Han Kuo-yu. Ms Tsai ayaa ka soo horjeedda xiriir dhow oo lala yeesho Shiinaha, halka Mr Han uu rumeysan yahay in xiriir lala yeesho Shiinaha uu sare u qaadayo dhaqaalaha dalkaas. Khudbaddii ay jeedisay, Ms Tsai ayaa waxay u sheegtay Shiinaha inuu ka tanaasulo hanjabaaddiisa ah inuu jasiiradda si xoog ah u soo ceshan doono. Weriyaha BBC John Sudworth oo ku…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Sharcigan,ayaa markii la ansixiyay kadib waxaa ka dhashay muran, ayada oo ay si weyn uga soo horjeesteen dawladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo ay ugu miisaa culus tahay Puntland. Dowlada Puntland,ayaa maanta soo saartay War saxaafadeed ay ku cadaynayso mawqifkeeda,isla markaana ku faahfaahinayso sababta ay uga soo horjeensatay sharcigan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Muuqaal muujinaya diyaaraddii Ukrain oo uu haleelay Gantaal,waxaana faafiyey warbaahinta Mareykanka. Dowladda Iran wey beenisay in diyaaradda uu ku dhacay Gantaal,sidoo kalena ciidamadeedu aysan ridin wax Gantaal ah. Iran waxay codsatay in baaritaanka Burburka diyaarada lagala qaybgalo,waxayna ku casuntay Kanada iyo Wadamo kale oo dhawr ah. Dowladaha reer Galbeedka,ayaa qaba in diyaarada uu ku dhacay Gantaal ay rideen Ciidamada Iran,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Jubaland,ayaa maanta kormeer ku tagay Deegaanka Cabdalla Biroole oo hawlgalo amaanka lagu sugayo ay ka socdaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Farmaajo waxuu usocdaalayaa Asmara si uu Asiyaas uga soo qanciyo xogtii fashilantay ee Fahad Yaasiin. Warar lagu kalsoonaan karo waxay sheegeen in warbixintii ay todobaadkii hore soo saartay NISA ee ay ku eedaysay in uu ka danbeeyay dal shisheeye qaraxii Ex-Control Afgooye uu dalkaasi ahaa Eretereya. Warku waxuu intaa ku darayaa sababta Fahad eedaynta qaraxaas dusha uga saaray Eretereya ay ahayd xiriirka Qatar iyo Eretereya oo maraya heerkii ugu xumaa abid,isla markaana Eretereya ay xiriir dhow la yeelatay dalka Imaaraadka Carabta. Fahad waa madaxa NISA,sidoo kalena waxuu si toos ah ugu xiran yahay sirdoonka Dowlada Qatar. Asiyaas Madaxweynaha Eretereya oo…
Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa ka digey dhaqan-galka sharciga Batroolka ee ay ansixiyeen golaha aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish waxuu sheegay in Dowlada Fadaraalku ka adkaatay Alshabaaab awoodoodiina ay wiiqday.. Hadalkan,ayaa noqday mid la yaab leh oo ka fog xaqiiqda,waxuuna kusoo aaday Todobaad gudihiis qaraxyo is xig-xiga oo ay Alshabaab ka fuliyeen gudaha Muqdisho. Alshabaab waxay canshuur ka qaadaan Dekeda Muqdisho iyo suuqa ugu weyn Muqdisho ee Bakaaraha. Sidoo kale Bulshada ku dhaqan Muqdisho waxay cadaalad uraadsadaan Garsoorka Alshabaab. ,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Maleeshiyo loo maleynayo Alshabaab oo dhowr qof ku dilay weerar ay ku qaadeen bas rakaab ah oo marayay Gobolka Xeebta ee dalka Kenya. Boolsika Kenay oo gaaray goobta weerarku ak dhacay oo udhaxaysay laamu iyo Mombasa,ayaa hawlgalo ak bilaabay halkaas.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Waxgarad, Culimo’awdiinka, Aqoonyahanada Garissa iyo qaar kamid ah wasiiradda is-maamulka Gaarissa ayaa dhanka Jubbaland waxaa uga qayb galay masuuliyiin isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyeyaal degmo iyo ganacsato. Muhiimadda shirku waxay ahayd in la xoojiyo midnimada iyo wadajirka labada gobol iyo in dadka Soomaaliyeed ee deggan Kenya iyo Dowladaba looga mahadceliyo marti gelinta iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen qaxootiga Soomaaliyeed. Masuuliyiinta Jubbaland uga qayb galay kulanka waxaa kamid ahaa Wasiirka Waxbarashada Jubaland Maxamed Ibraahim Maxamuud, wasiir kuxigeenka Caddaaladda Jubbaland Aadan Iinshaar Cumar, Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin iyo masuuliyiin kale oo isugu…
Caarre,ayaa ku wareejiyay Ciidan iyo Hub fara badan maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi. Waxgaradka beeshiisa ah,ayaa kasoo shaqeeyay heshiiskan uu la galay Muuse Biixi,waxayna xoga hoose sheegayaan in laga dalbaday Caarre in uu ciidankiisa kusoo daro kuwa Somaliland, isna la siiyo lacag dhan 300-Kun oo doolar,isla markaana uu dalka dibaddiisa uu dago,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ayaa sheegay in uu Bulshada Soomaaliyeed la qeybsanayo xanuunka iyo murugada haysta, wuxuuna intaa ku daray in kuwa sidaa u galay ay yihiin kuwa cadowga umada soomaaliyeed Cumar Filish, oo ka hadlayay bannaanbax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Magaalada Muqdisho sheegay ayaa in aysan ka hari doonin kuwa Ciidamada iyo Ubadka Soomaaliyeed sidaa u galay, Maalin walbana aysan ooyi doonin balse taasi dhiggeeda ay ka aarsan doonaan cadowga. “Kama hari doonno kuwa Ubadkeenna iyo Ciidamadeenna sidaas u galay, waanan ka hadlay arrintaasi oo waxaan iri “ma ooyi…
Halkan ka daawo muuqaalka
Bannanbax labaad oo rabshado wata ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kadib markii dadweyne careysan isugu soo baxeen isgoyska Ex. Kontrol Afgooye ee qaraxu ka dhacay. Dadka bannaanbaxaya ayaa xiray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxayna dhagxaan ku shidayaan Gaarigii isku daya inuu wadadaasi maro, iyado gubaya lugaha baabuurta. Dadka banaanbaxa wada,ayaa sheegay inay ka horjeedaan ciidamada dowladda oo Jiingad ku xiray goobtii ay ganacsiyada ku lahaayeen ee Ex. Koontrol Afgooye Qaraxa kadib, ayna tuhunsan yihin in dowladda ay la wareegeyso si ay ganacsato kale u siiso. Bannaanbaxayaasha ayaa markii dambe ku dhawaaqayay ereyo ay uga so horjeedaan madaxda Dowlada Fadaraalka…
Baarlamanka Turkiga ayaa maanta ansixiyey sharci ogolaanaya in xukuumadda ay ciidamo gayso dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda QM ay taageerto ee Tripoli. Dowladda Tripoli ayaa tan iyo bishii April wajahaysay weeraro joogto ah oo kaga imanayey Jeneral Khalifa Haftar, oo ay taageeraan dalalka Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo Masar. Xafiiska madaxweyne Erdogan ayaa jimcihii tagay xaqiijiyey in dowladda Libya ay ka codsatay taageero militari. Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama bixin inta ay la ekaan doonaan ciidamada Turkiga uu gaynayo Libya, islamarkaana madaxweyne ku-xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu u sheegay inaan waqti…
Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo qaraxii sabtidii la soo dhaafay ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye,ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararku waxay sheegayaan in banaanbaxa lagu qabtay dugsiga tababarka booliska Jeneral Kaahiye ee Muqdisho. Banaanbaxa waxaa soo agaasimay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb-galay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday degmooyinka Gobolka, kuwaas oo boorar ay wateen ku muujinayey dareenkooda ku aaddan qaraxyada lagu gumaado shacabka. Maamulka gobolka Banaadir,ayaa sheegay in banaanbaxan uu yahay mid ay ugu baroordiiqayaan shacabkii lagu xasuuqay weerarkii qarax ee sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-Control,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacayo, Qorshaha horumarinta 5-sano ee Puntland, Shirka dib-u-eegista Waxbarashada ee sannadlaha ah iyo Diyaargarowga Xuska 8-da Janaayo oo ku beegan sanad guuradii kowaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Xaaladda magaalada Dhuusamareeb,ayaa deggan iyadoo ay socdaan kulamo u dhexeeya dhinacyada siyaasadeed ee dowladda iyo ururka Ahlu-Sunna. Kulamadan,ayaa waxaa waday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhowaan gaaray magaalada, si xal kama dambeys ah ay u gaaraan Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu-Sunna. Warar soo baxaya,ayaa sheegaya in dadaal dheer kadib xal laga gaaray cabashadii ka taagnayd Xildhibaanada Ahlusuna ay soo xulayaan ee 20-ka ah. Beesha Cayr oo cabashadan waday,ayaa ka tanaasushay 5-Xildhibaan oo ay dood ka qabeen. Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo waxa beesha Cayr ay ku badalatay 5-ta Xildhibaan ee ka mid ka ah 6-Xildhibaan oo ay qoondo…
War murtiyeedka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Muqdisho,ayaa lagu sheegay in warkii NISA uu ahaa mid marin habaabin ah oo aan caddeyn dhab ah wadan,isla markaana lagu qanci karo, una muuqda mid xaqiiqda jirta lagu daboolayo, lagana leeyahay ujeeddooyin qarsoon oo lagu raalli gelinayo daneystayaal shisheeye oo qeyb ka ah loolanka awooddeed ee ka dhaxeeya wadamada danaha istiraatiijiyadeed ka leh Gobolka, gaar ahaan Soomaaliya. Madasha,ayaa tilmaamay in macluumaadka ay bixisay Hey’adda NISA uu meel ka dhac ku yahay maqaamka Hey’adda taasoo laga filayay in ay noqoto mid karti u leh inay heli karto xogo laga baaraan degay oo xaqiiqo ku…
Magaalada Gaalkacyo waxaa si toos ah uga bilowdey Maanta Gurmadka loogu Gurmanayo Reer Gardafuu,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shacabka ku nool magaalada Kismaayo oo u riyaaqay qaabka ay ula macaamiilaan laamaha amniga Jubbaland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Casho sharaf kooban ayay xubno ka mid ah jaaliyada Somalida ee Minisota usameeyeen Marwo Caasho Geelle Diiriye. Caasho Geelle oo maalmo ka hor gaartay dalka Maraykanka,ayaa qorshuhu yahay in ay si guud ula hadasho jaaliyada loona qabto kulan balaaran oo soo dhaweyn ah. Caasho,ayaa ka mid ah haldoorka Puntland,sidoo kalena maqaam sare ku dhex leh Umada Somaliyed guud ahaanteed,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Kulanka labada diblomaasi waxuu kusoo aadayaa xili Wargeysyada Turkiga ay masuuliyada Qaraxii Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho dusha usaareen Dwolada Imaaraadka Carabta. Nisa oo ah hay’ada sirdoonka uqaabilsan Dowlada Fadaraalka Somaliya ee taageerada xoogan ka hesha Dowlada Qadar ama la oran karo waxay si dadban unoqotay xarun ay Muqdisho ku leeyihiin sirdoonka Qadar,ayaa sheegtay in qaraxaas dal shisheeye ka danbeeyay,inkastoo aysan magac dhabin. Kulanka James Swan iyo Safiirka Imaaraadka ee Muqdisho si hoose looma oga waxa ay kawada hadleen. Dowladaha Fadaraalka Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraadka Carabta,ayaa xiligaan xiriirkoodu kasoo kabanayaa mudo uu xumaa,kadib markii Garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabatay…
Labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadda sannadka 2020-ka oo dhan ku dhowaad 470 milyan oo dollar. Ansixinta miisaaniyadda ayaa waxaa codka ogolaanshaha siiyey 188 xildhibaan, waxaana diiday laba xildhibaan, sida uu sheegay afhayeenka golaha shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan. Miisaaniyadda sanadka ay saacaduhu naga xigaan ee 2020-ka,ayaa waxaa kulanka wadajirka ah ee labada Gole hor geeyey, Wasiirka maaliyadda xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa toddoba nin oo ka tirsan Al-Shabaab ku xukuntay dil toogasho ah kadib dhagaysi ka socday Muqdisho muddo ka badan toddobaad. Saddex ka mid ah toddobada dilka lagu xukumay ayaa joogay maxkamadda, halka afar kalena weli aan gacanta lagu dhigin. Ragga dilka lagu xukumay waxa aku jira Maxamed Xaaji Axmed oo ku magic dheer Ilkacase, kaasi oo lagu eedeeyey inuu madax u ahaa amniyaatka dadka khaarajiya ee Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho. Mid siddeedaad ayaa lagu xukumay xabsi daa’im, halka gabadh lagu xukumay 15 sano oo xarig ah. Dhammaantood waxa lagu helay inay gaysteen falal…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey shirka la dagaalanka Nafaqo darrida Puntland, Shirkan oo saddex biloodle ah ujeedkiisu waa sidii wadajir loola la dagaalami lahaa Nafaqo daridda, waxaana ku kulma dhammaan Wasaaraddaha Dowladda ee arrintan khuseyso iyo Hayáddaha kala shaqeeya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Amiirka Qatar Shiikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani ayaa amarkiisa lagu soo diray, waxaana saaka diyaaradan ka soo duushay magaalada Doxa, waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta inay soo gaarto Muqdisho. Diyaaraddan ayaa noqoneysa tii labaad oo gargaar sida oo Muqdisho soo gaarta, waxaana dowladaha Qatar iyo Turkiga ay ka soo jawaabeen baaqii degdega ahaa ee ka yimid dowladda Federaalka. Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in diyaarad ay soo dirtay Qatar oo sida gargaar caafimaad ay sidoo kale qaadi doonto dhaawacyada kale ee dalka wax looga qaban waayay. Maalintii shalay ayay aheyd markii sidan oo kale…
1. In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda. 2. Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay. 3. In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo. 4. In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro. Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan degdegta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin! Hey’adda…
War-saxafadeed ka soo baxay xubnaha gollaha ammaanka ee qaramada Midoobay ee Newyork ayaa lagu cambaareeyay qarixii ka dhacay isgoyska ekiskontrool ee Afgooye kaasi oo ay ku dhinteen 89 qof. Xogyahana guud ee qaramada midoobay Antonia Gutterres ayaa ku tilmaamay weerkaas dadka badan lagu laayay mid laga argagaxo, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah cadaalada loo horkeeno kuwii ka masuulka aha. ” waa in cadaalada la horkeenyo kuwii fuliyay, maalgaliyay, soo qorsheeyay falkan aragagixisnimada ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka Gollaha ammaanku wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay si wadajir ula dagaalamaan kooxaha argagixisada. Warsaxafadeedka waxaa…
Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in afar ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab ay ku dileen duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi oo lala kaashanayay dowladda Soomaaliya lala eegtay laba bartilmaameed oo ku yaal gudaha Soomaaliya. AFRICOM waxay sheegtay in ilaa afar ka tirsan mintididinta Al-Shabaab lagu dilay duqeymahaasi oo ka dhacay deegaannada Kuunya-barrow iyo Caliyoow Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. “Duqeymahaasi muhiimka ahi ayaa lala eegtay mintidiinta Al-Shabaab ee mas’uulka ka ah falalka argagixisnimo ee ka dhanka ah shacabka aan waxba…
Saddex Maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho,ayaa maanta baxsaday, sida ay sheegayaan warar ay heshay laanta Af-Soomaaliga. Warka ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay, balse weli ay maqan yihiin labada kale. Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno.
Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in dal shisheeye “uu lahaa qorshaha” qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-Kontorool Afgooye ee duleedka Muqdisho. “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. “ ayaa lagu yiri qoraal ay NISA ku baahisay twitter-ka. Qoraalka laguma xusan magaca dalka la tuhunsan yahay, balse hay’addu waxay sheegtay in weli baaritaanka uu socdo. “Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.” Ayey tiri NISA. Illaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Dowladda Soomaaliya waxay…
Wajiga koowaad” 1-Banaynta dhulka Garoonka 2-Silig ku wareejinta dhulka Garoonka 3-Ka qodid labo ceel biyood iyo bilyo gelintooda 4-Dhismaha laba taawar. Wajiga koobada waxaa fulinaysa shirkad Wadaniya oo laga leeyhaya Gobolka Wajiga labaad” 1-Dhismaha dhabaha dayuuraduhu ku ordaan, 2-Terminalka 3- Hangarada Wajiga labaad waxaa toos ufulinaysa Shirkad laga leeyahay Dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CCECC. Si rasmi ah,ayaa loo dhagax dhigay dhismaha Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee cusub. Islaan Bashiir,Wasiiro ka tirsan Xukuumada,maamulka Gobolka,siyaasiyiin hore iyo qaybaha bulshada Gobolka,ayaa wada dhagax dhigay. Talaabo lasoo dhaweeyay,isla markaana meesha ka saartay wax walba oo la filayay in ay caqabad ku tahay dhismaha Garoonka…
Warar dheeraad ah,ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ka dhacay Xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Dagaalka,ayaa saacado qaatay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna u dhexeeyaa Ciidamo ka wada tirsan dawladda Soomaaliya balse u hubaysnaa qaab beeleed,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Dadka ku geeriyooday Qaraxa,waxaa ka mid ahaa labo Injineer oo Turki ah iyo seddex askari oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo la socday Gaari la sheegay in uu ahaa nooca aysan xabaddu karin oo marayey goobta. Warka,ayaa sheegaya in bartilmaameedka Qaraxu uu ahaa Gaariga ay la socdeen Injineerada Turkiga ah ee dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Khasaaraha ugu badan wuxuu gaaray Dad shacab ahaa oo isugu jiray arday Jaamacadeed oo la socday Gaari Bas- ah iyo kuwa kale oo la socday Gaadiid Dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka ah,sidoo kale waxaa goobta taagnaa Gaadiid laga qaadayey Canshuur,hoos ka daawo…
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland,ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag. Halkan ka daawo muuqaalka
Xildhibaanada Golaha Shacabka,ayaa goor dhowayd meel-mariyey sharcigii doorashooyinka Qaranka heer federaal, ee dhowaanahan ay ka doodayeen. Inta aan la meel-marin sharciga, ayaa waxaa saxitaan lagu sameeyay qodobada ka hadlayay mudo kordhinta loo samayn karo Baarlamaanka iyo arrimaha Somaliland. Sharciga,ayaa waxaa u codeysay 171-Xildhibaan.
In ka badan 76 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen qarax aad u culus oo maanta oo Sabti ah ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho. Goob-joogayaal,ayaa sheegay in gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu mar qura ku qaxray isgoyska Ex-control Afgooye, xilli ay safaf ku jireen islamarkaana ay is-dhaafayeen baabuur tiro badan oo ah kuwa rakaabka ee daabula dadweynaha. Warar kale,ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday xarunta canshuurta lagu qaado ee ku taalla isgoyskaasi. Goob-jooge tagay halka qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in isgoysku uu noqday “goob wada dhiig ah oo…
Madaxweyne Deni la hadalkiisii shacabka Puntland ee ‘PDRC TALK’ waxay ahayd mid la bogaadiyay boqolkiiba sagaashan. Waxuu taabtay dhan walba iyo arin kasta oo Dadku iswaydiinayeen ama ay uga baahnaayeen faahfaahin. Doorashada 2020.Nidaamka 4.5. JubalandWaxbarashada.Mashaariicda.Xildhibaanada Pl ee Fadaraalka.Siyaasada arimaha dibada.Doorka Pl ee hogaaminta dalka.Siyaasada gudaha Puntland.Dhaqaalaha Puntland.Amniga gudaha ee Puntland.Soo jireenka Puntland.Hirgalinta nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland.Midnimada iyo ilaalinta nidaamka Fadaraalka Puntland Madaxweyne Deni waxuu muujiyay balaaqo,Deganaan,isku kalsoonaan,xog ogaalnimo iyo hogaamin. Bulshada indhaha,ayuu ufuray,xog ogaal,ayuu ka dhigay,waxuu ka haqab tiray xogta dalka iyo jawaabo ay ubaahnaayeen. Deni waxuu muujiyay daacadnimo,Wadaniyad iyo in Dalka lagu aamini karo halsano kadib. Madaxweyne Deni…
Madaxweyne Deni oo shacabka ugu baaqay indho furnaan,dhaleecayayna Gudiga lagu sheego dib uheshiisiinta Qaran ee ka kooban Ddakii horay iyagu danbiyada ugalay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Saciid Deni,ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan Baarlamaanka ay u ololeylayaan in 4.5 laga dhigo xeer, waxaana uu xusay in maalmaha soo socda ay go’aanka Puntland ee ku aadan arrintaas uu caddaan doono. Dhinaca kale waxaa uu xusay in uu socdo qorshe xubno ka soo jeeda Deegaanada Puntland ay doonayaan in kuraastooda Baarlamaanka la geeyo Muqdisho, si looga doorto, waxaa uu xusay in aanay Puntland aqbali doonin maqaar-saar sida uu hadalka u dhigay,hoos ka daawo muuqalka. Halkan ka daawo muuqaalka