Ciidamada la dagaalanka musuq maasuqa ee dowladda Kenya ayaa maanta xiray gudoomiyaha Ismaamulka magaalada Nairobi, Mike Sonko.Sonko. Sonko oo markii la xirayey lagala degay tareen ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta maxkamad lasoo taago. Xariggiisa ayaa yimid saacado ka dib markii uu Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji soo saaray warqad booliska ku amreysa inay soo xiraan Mike Mbuvi Sonko, si wax looga weydiiyo lacago ka mid ah dhaqaalihii ismaamulka uu hoggaanka u hayo. lacag gaareysa Sh357 milyan oo shilinka kenya ah(oo u dhiganta in ka badan $3.5 milyan oo doolar) ayaa la la’yahay.,hoos ka daawo…
Author: Jibril Qoobey.
Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay in cid walba oo soo sheegta goobta uu ku sugan yahay nin u dhashay Mareykanka oo Al Shabab u qaabilsan howlaha sameynta bambanooyiinka ay siin doonaan abaalmrin lacageed oo dhan 5 milyan oo doolar. Abaalmarintan ayaa markii hore la soo saaray ka dib markii dacwad ooge ku sugan gobolka California uu dib u furay gal-dacwadeed ka dhan ah Jehad Serwan Mostafa, oo ah 37 u dhashay Mareykanka. Ninkan ayaa la sheegay in muddo dheer xubin ka ahaa ururka Al-Shabaab ee uu fadhigiisu yahay Soomaaliya. “Waxaan rumaysan nahay in uu yahay muwaadinka ugu…
Deegaanada xeebaha bari ee Punland ee Soomaaliya ayaa xalay ilaa iyo saakay waxaa laga soo sheegayaa roobab dabeylo iyo daadad wata oo maalmahan laga sii digayay. Roobabkan ayaa imanaya ayada oo ugu yaraan 280 qof ay ku dhintay roobab xooggan oo daadad dhaliyay oo ka da’ayay bilihii u dambeeyay dalalaka Bariga Africa. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay roobabkan ayaa dhinaca kale saameeyay in ku dhow saddex milyan oo qof. Hadalkan Qarmaada Midoobay ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli roobabku ay sii socdaan.
Hogaamiyayaasha Gaashaanbuurta NATO ayaa soo gaba-gabayey shir madaxeed labo maalin uga socday duleedka London, waxaana ay soo saareen war-murtiyeed ay ku midaysan yihiin inkastoo la arkayey xiisadda ka dhex aloosan qaar kamid ah hogaamiyayaasha NATO. Shirkan ayaa kusoo beegmaya 70 guuraddii kasoo wareegtay markii la aas aasay isbahaysigan milatari. Hogaamiyayaasha ayaa ku sheegay warmurtiyeedka ‘si loogu noolaado amni waa in aan si wada jir ah u eegnaa Mustaqbalka wada jirkeena’ Hogaamiyayaashu waxaa ay isla garteen khataraha ka imanaya dalalka China iyo Ruushka, waxaana ay balan qaadeen in ay la imanayaan qorshe xoogan si looga hortago argagixisada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan…
Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Muqdisho Shiikh Sharif Shiikh Axmed,oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha Madasha, ayaa maanta la kulmay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Kulanka Shiikh Shariif iyo James Swan ayaa si weyn diirada loogu s aaray dhawr qodob oo muhiim ahaa. 1 – Helitaanka doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana la isla ogolyahay oo ka dhacday Soomaaliya. 2 – Wada-hadallo dhab ah oo dhex-mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Dowlada,Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Xisbiyada Muqdisho. 3-Joojinta faro-gelinta ciidamada Itoobiya ay ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaga oo…
Waxaan maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Sida uu dhigayo Qodaka 70-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland ayaa fadhiga maanta Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland qodod qodob uga doodeen uguna codeeyeen Hindise xeereedka Forensic Science ka. Xeerka oo Ka kooban 28 qodob ayaa maanta Golahu ka doodeen 16 qodob oo ka mid ah, halka dib loogu balamay in La dhamaystiro doodiisa maalinta Sabtida oo taariikhdu tahay ( December 07, 2019), Haddii EEBBE idmo.
Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku geeriyootay, tiro intaas ka baddanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay degaanka Afbarwaaqo, oo hoos taga degmada Jariiban ee gobalka Mudug. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dagan, waxaana wararku ay sheegayaan in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dhammaantood ahayeen kooxihii dagaalamay. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma yaqaan sababta dhalisay dagaalka. Odayaal iyo waxgarad ayaa ku baaqaya joojinta dagaalka waxaana sidoo kale socda dadaal lagu doonayo in lagu damiyo xiisadda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay gelinkii dambe oo Arbaco ahayd kula kulmay Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan. Wasiirka cawad iyo James Swan ayaa kulanka waxa ay uga wadahadleen xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo bani’aadannimada ee dalka iyo howlaha qaran ee waajib ay tahay in la fuliyo inta lagu gudajiro xilliga nagu soo fool leh,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
CC Shakuur Warsame: Dowladu Argagixiso iyo Culumo ay Mushaar siiso ayey ii Adeegsatay si Dhiigeyga loo baneysto,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyey kulanka golaha Wasiirada Jubbaland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Fatahaadda uu sameeyey webiga Jubba oo saameeyay dalagyadii beeraha ee deegaanka Buurdhuubo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Kanaal ama Khooriga Xarunta Gobolka Garda-fuu ee Caluula ayaa Sameeyay Fatahaad Saamaysay Dadka deeganka Waxaana Halka uu kanaalku Fahatahaada Ka sameeyay Booqday Maamulka Gobolka Iyo Masuuliyiinka Socotay Wasaarada Arimaha Gudaha,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Garowe waxa maalinti 2 aad ka soconaya shirka Daneeyasha Puntland ee ku saabsan qorshaha hormarinta Puntland ee shanta sano, kaas oo ay ka qaybgalayaan dhamaan wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
74 qof oo kamid ah Codsadayaasha Shaqooyin Banaan oo ay Dhawaan Naadisay Dawlada Hoose ee Dagmada Boosaaso ayaa u fadhiistay Imidtixaan ay Ku Doonayaan Ku guulaysiga Shaqooyinka Banaan,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Gudoomiyaha Gobolka Garda-fuu Muusi Saalax ayaa Xilka Kala Wareegay Maamulkii Hore Waxaana Xilwareejinta Gudoomiyaha Ka qaybgalay Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyaynta Dawlada Putland Iyo Masuuliyiin Kala,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari ayaa Xukuno Kala Duwan Kuriday Rag ku Eedaysnaa Dhac Hantiyeed iyo Waxyaabaha Maanka Dooriya,hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Ku -Xigeenka Dowladda Puntland Oo Shir Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda Oo looga hadlay xaaladda gobolka Gardafuu iyo iyo caawimaad deg deg ah oo shacabka deegaanadaas Loo fidiyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muqaalka
Dhaqaalaha Turkiga ayaa kordhay 0.9% rubacii saddexaad ee sanadkan, marka loo bar-bar dhigo sanad ka hor, taasi oo soo geba-gebeysay saddex rubac oo hoos u dhac xiriir ah. Dhaqaal-yahanada ayaa sadaalinayey inu dhaqaalaha uu rubaca saddexaad ee sanadkan kordhi doono 1%, waxaana la filayaa inuu guud ahaan sanadka uu kordho 0.5%. Dhaqaalaha Turkiga ayaa caadiyan sanad kasta kordha 5%, hase yeeshee qiimo dhac 30% oo ku yimid lacagta dalkaas ee Lira ayaa sare u qaaday sicir-bararka, islamarkaana dhaawacday dhaqaalaha. Sare u kaca dhaqaalaha ee rubaca saddexaad ayaa waxaa xoojiyey qeybta beeraha dalka oo sare u kacday 3.8%, halka warshadaha ay…
Halkan ka daawo muuqaalka
Muddo todobaad ah,ayaa la hakiyey howlaha dhisida maamulka Galmudug. Hakintay,ayaa ka danbeysay,kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay Go’aamisay in wada-hadal lala furo hoggaanka Ahlusunna oo haatan saluugsan sida ay dowladda federaalka u wajaheyso dhismaha Maamulka Galmudug. Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya ahna xiriiriyaha Dowladda ee Arrimaha Galmudug sidoo kalena uu dhalay hoggaamiyaha ugu sareeya Ahlusunna ee Macalin Maxamuud,ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu tago Magaalada Dhuusamareeb. Maalmaha soo socda dib loo bilaabi doono wada-hadallada si Ahlusunna looga qanciyo tabashada ay ka qabto sida lagu wado dhismaha Maamulka Galmudug. Ilo xog ogaal ah,ayaa…
Baarlamaanka Ciraaq ayaa ogolaaday iscasilaad uu Sabtidii shalay u gudbiyay Ra’isulwasaare Adel Abdul Mahdi, kaddib kulan aan caadi aheyn oo ay maanta ku yeesheen magaalada Baghdad. Isaga oo tixraacayay qodobka 76 ee dastuurtak dalkaasi, ayuu afhayeenka baarlamaanka Mohammad al-Halbusi Axadda maanta ah sheegay, in madaxweyne Barham Saleh weydiisan doono xisbiga ugu weyn baarlamaanka in uu soo magacaabo Ra’isulwasaare cusub. Ra’isulwasaaraha Ciraaq ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu xilka ka dagayo, kaddib cadaadis aan kala go’laheyn oo uga imanaya shacabka, kuwaasoo tan iyo bishii October waday mudaaharaadyo ka dhan ah xukuumadda. Dhanka kale, dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa…
Just months after winning the Nobel Peace Prize, Ethiopia’s reformist Prime Minister Abiy Ahmed is fighting accusations of is interfering with the affairs of neighbouring countries. In November, two United Nations reports accused him of being lukewarm in South Sudan peace process and fuelling fires of instability in Somalia; two of the countries he has been closely involved in as the chairman of the Intergovernmental Authority on Development. In South Sudan, where Igad midwifed a revitalised peace agreement in September last year, Abiy’s government, Uganda and Kenya were accused of being inconsistent in ensuring the deal is implemented. PEACE PROCESS…
Dhawr Bilood ka dib markii uu ku guuleysteyRaysal wasaare itoobiya Abaalmarinta Nabada aduunka ee Nobelka,ayay Gudiga Qaramada midoobey uqaabilsan cunaqabataynta soo saareen warbiixn ay ku eedaynayaan in uu khilaafaad siyaasadeed kawado gudaha dalalka Koonfurta Sudan iyo Somaliya. Khilaafaadkaas siyaasadeed ee dhaliyay gacan ka hadal dhiig badan ku daatay,ayuu RW Abiye sameeyay mudadii uu hayay xilka Gudoomiyaha Urur Goboleedka IGAD. Gudiga Qaramada Midoobey uqaabilsan cunaqabataynta waxay warbiixntooda ku sheegeen in Urur Goboleedka IGAD uu ku guuldaraystay xal uhelida khilaafaadka ka taagan Koonfurta Sudan iyo Somaliya,waxayna masuuliyada faashilkaas dusha usaareen RW Abiye. Gudaha Somaliya iyo banaankaba waxaa si isdaba joog ah uga…
Ka soo jawaabid la’aanta Aqoonsiga Safiirnimo,ayaa u eg mid diidmo ah haddii ay dhaafto mudadii loogu tala galay in looga soo jawaabo oo ku siman 90-cisho gudahood. C/xakiin Xasan Ashkir Safiirka Somaliya ee Sacuudiga,ayaa lagu magacaabay digreeto Madaxweyne oo soo baxday bishii May ee sanadkan. Dowladda Soomaaliya waxay ku guuldareysatay isku dayo ay dooneysay in lagu aqbalo Safiirka cusub, waxaana arrintaas darteed Sacuudiga safaro ugu tagay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiiru Dowlaha.tiro dhawr jeer ah. Xiriirka Sacuudiga iyo Dowladda Somaliya,ayaa hoos u dhac ku yimid, wixii ka danbeeyay markii uu qarxay khilaafka dalalka Khaliijka, waxaana Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga xiriirka…
Gudiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland waxay saaka doorteen Gudoomiye cusub Gudiga doorashaooyinka Cusub,ayaa Gudoomiyaha udoorteen Cabdirashiid Riyo-Raac,sidoo kale waxay Gudoomiye ku xigeen udoorteen Mustafe Daahir Doorashada Gudoomiyaha Cusub ee Loo Doortay Cabdirashiid Riyo Raac,waxaa Cabsi weyn Laga qabaa in ay cirka ku sii shareerto khilaafka siyaasadeed ee xukuumada iyo mucaaridka
Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay Shir Madaxeedkii Caadiga ahaa ee 13-aad ee madaxda Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Shirkan oo laba maalmood socday ayaa dib u habeyn lagu sameeyay hogaanka Ururka, iyadoo gudoomiyaha cusub ee IGAD loo doortay Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan. Mr. Xamduuk ayaa ka hor intii uusan Ra’isul Wasaare ka noqon Sudan xubin ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya. IGAD ayaa sidoo kale Xoghayaheeda cusub u dooratay Workneh Gebeyehu, oo u dhashay dalka Ethiopia, oo uu dhawaan magacaabay Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed…
Halkan ka daawo muuqaalka
Waa sawir hadlaya oo muujinaya sida Abiye uga biyo diidsan yahay siyaasada foosha xun ee Farmaajo. Abiye sida sawirka tilmaamayo hadaba xogaha hoosena ay sheegayaan wax badan,ayuu ku diiday Farmaajo. Dad badan oo Wadaniyad kablakac ah ku taageeray Farmaajo,ayuu sawirkan ku yahay falaar Wadnaha ka abaartay. Madaxweyne Somaliyed oo ka baryaya Ra”isalwasaare Itoobiya in uu ucaburiyo dadkiisa.
Ciidamo Amxaaro ah oo fasax ka haysta Madaxtooyada Somaliya ee uu xiligan dhex fadhiyo Farmaajo,ayaa gudaha ugalay Magaalada Dhuusamareeb. Dhuusamareeb waxay Xukuumada Fadaraalku qorshaynaysaa in ay ku qabato shir lagu dhisayo maamulka Galmudug bishan bartankeeda. Culumada Ahlusuna oo horay heshiis ula galay Dowlada,ayaa hada ka biya diidsan sida wax usocdaan waxayna sheegeen in looga baxay qodobo ka mid ahaa heshiiskii dhexmaray iyaga iyo Xukuumada. Ciidamada Itoobiya ee gudaha ugalay Dhuusamareen,ayaa umuuqda kuwo wax lagu caburinayo oo ay u adeegsanayso Xukuumada Fadaraalka danaheeda gaarka ah. Waxaa xusid mudan in Farmaajo lagu doortay Wadaniyad iyo ka fogaansho itoobiya.
Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ucid ee Somaliland,ayaa Dawlada Itoobiya ku eedeyey in iyadoo Gacan Ka helaysa Dawlada Soomaliya ay iibsaneyso Baddaha Somaliland. Gudoomiyaha oo goor dhawayd la hadlay Warbaahinta,ayaa u sheegay sidan. Hadalka gudodomiyha waxuu imaanaya ka dib Ka laabashadii safarkiisii uu ku joogay Dalka Kenya ee uu ku sugnaa maalmihi u danbaysay. faahfaahinta la soco…
Mama Xaawo Aden Maxamed, madaxa Xarunta Waxbarasha, Nabada iyo Horumarinta Gaalkacyo (GECPD) ayaa ku guuleysatay Bilada Baraha Sannadka 2019 ee ay bixiso TRT World Citizen. Waxay ay ku mutaysatay 20 sano in ka badan oo ay ka shaqeynaysay waxbarista Gabdhaha Soomaaliyeed, dadka laga tirada badanyahay, iyo barakacayaasha,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirkii hore ee Haweenka iyo arimaha Qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo shil ku dhacay,iyadoo markaas ka dagaysa mid ka mid ah garoomada diyaaradaha dalka Sweden. Marwo Caasho shilkaas waxaa kusoo gaaray dhaawac ay gacanta ka jabtay iyo Nabaro yaryar oo wajiga ah. Sweden waxay kaga qaybgalaysay shir caalami ah oo si gaar ah loogu casumay Marwo Caasho. Ugu danbayn waxay umahadnaqday dadkii faraha badnaa ee ka gurmaday shilkeeda. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Ciidamada Sigaarka Ah U Tababaran ayaa Maanta Tababar Loogu Sooxirey Xerada Turkisom,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Somalia’s international partners* (listed below) welcome the recent meeting between President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo and two former Presidents, Hassan Sheikh Mohamud and Sheikh Sharif, which discussed Somalia’s priorities and the importance of preserving an open political space. They also welcome the consultations between President Farmaajo and more than 50 political parties, as a positive step to foster inclusive dialogue ahead of the 2020 ‘one-person, one-vote’ elections. We encourage further engagement among key stakeholders at both the national and Federal Member State level to ensure inclusive dialogue with a view to broad consensus on peaceful, free, fair, transparent and credible…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Dhanka kale waxaa jira xogo sheegaya in Farmaajo iyo Abiye ay kulan gaar ah ka yeelna doonaan xaalada Jubaland oo u muuqata in loga adkaaday isbahaysigoodiii.
Beesha caalamka ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay abuuraan is-afgarad siyaasadeed oo suurto galinaya in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo sanadka 2020-ka. Midowga Afrika, EU, UN iyo Mareykanka oo ah saaxiibada dhow ee soomaaliya waxay soo dhoweeyeen shirkii dhowaan dhex maray Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif. Waxay sidoo kale soo dhoweeyeen wada-tashiyada u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo inka badan 50 xisbi siyaasadeed, taasoo ah tallaabo wanaagsan oo lagu dhiirrigelinayo wadahadal loo dhan yahay ka hor doorashada 2020-ka. Daneenayaasha Soomaaliya waxay dhiirrigeliyeen wada shaqayn buuxda oo dhex marta dowlad federalka Soomaaliya…
Wararka ayaa sheegaya in magaalada Nairobi uu ka socdo dadaalo la doonayo in la isugu keeno, laguna wada hadal siiyo Mr Seeraar iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Dadaalada, ayaa socday todobaadyadii u dambeeyay, waxaa la sheegayaa in Ganacsato iyo siyaasiyiin labada dhinac ku heyb ah ay ka shaqeeyeen sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar. Seeraar muhiim buu u yahay nidaamka Jubaland,isagoo ka mid ahaa hogaamiyayaashii usoo halgamay hirgalintiisa. Lasoco wararkayaga danbe
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah isimada iyo waxgaradka degmadda Xingalool waxayna kawada hadleen dardargelinta dhismaha golaha deegaanka degmadaasi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Maamulka gobolka Mudug, taliska qaybta Booliska gobolkaasi iyo laamaha Garsoorka ayaa si wadajir ah maandooriyaha Khamrida iyo Xashiiska ugu gubay magaaladda Gaalkacyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Odayaal iyo Waxgarad ku beel ah Xeer ilaaliyihii Qaranka ee xilka laga qaaday oo Dowladda ku eedeeyay in ay baal martay nidaamka Awood qeybsiga iyo Xilalkii ay ku lahaayeen hey’adaha Dowladda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Naxariistiisa janno alle ha siiyo Jeneraal Yuusuf Axmed Khayr oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal London.. Samir iyo iimaan alle ha ka siiyo ehelkiisa iyo qaarabadiisa. Jen Yuusuf wuxuu soo noqday taliyihii Booliiska Puntland iyo Wasirka amniga Pubtand..
Kenya is playing a host to a meeting between high level officials from the Ogaden National Liberation Front (OLNF) led by party Chairman, Abdirahman Mahdi Madey, and high level officials from Jubaland, led by its recently elected President, Ahmed Mohamed Madobe, causing concern in Ethiopia, a well placed diplomatic source told Addis Standard. According to our source who wants to remain anonymous, ONLF officials led by Chairman Abdirahman Mahdi Madey, who was elected to the position on November 11, arrived in Nairobi’s Jomo Kenyatta International Airport on Sunday November 24 and were “warmly received by Kenyan authorities.” Jubaland and ONLF officials are currently holding a…
Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa warar hoose waxay sheegayaan in Rw itoobiya ugu yeeray Adis-ababa. Maalin ka hor waxay Kenya martigalisay kulan dhexmaray hogaamiyaha cusub ee ONLF iyo Madaxweynaha Jubaland ,kulankaas ayay Dowlada Itoobiya ka muujisay dareen walaac xoog leh wata. Uyeerida Farmaajo ee Adis ayay wararku tilmaamayaan in ay salka ku hayso arimaha Jubaland oo meel xasaasiya maraya. Dowlada Itoobiya,ayaa Farmaajo ku garab siisay la dagaalnka maamulka Jubaland lamana oga in qorshahii hore ay wax ka badalayaan ama sii xoojinayaan. Dhanka kale 28-ka bishan sida qorshuhu yahay waxaa dhici doona kulan madaxda urur Goboleedka IGAD ay ku…
Nuxurka Warqadan,ayaa muujinaya in doorka fulinta heshiiskii Farmaajo iyo Uhuru in ay kenya fulisay,iyadoo dhankeeda looga fadhiyo Dowlada Soomaaliya in ay fuliso heshiiskii lagu balamay. Xogo hoose waxay sheegayaan in heshiiska ay ka mid ahayd badalida Xeer-ilaaliyaha Somaliya,
Waxaa dib u helay xorriyadoodii xubnaha xisbiga Waddani ee dhawaan la xiray kaddib dibedbax uu xisbigaasi ugu baaqay in ay taageerayaashooda isugu soo baxaan xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa. Booliska Somaliland,ayaa xalay xabsiga ka siideysay xubnahan oo kala ahaa, xoghayihii guud ee xisbiga waddani Khadar Xuseen, Afhayeenkii xisbiga waddani Barkhad Jamac iyo Cabdi Ibraahim (Ilameereyso). Guddoomiyaha Xisbiga Wadani,ayaa soo dhaweeyay soo deynta masuuliyiinta xisbiga Wadani. Muddo sagaal casho ah ayay xubnahani xabsiga ku jireen.
Gobolka Gardafuu ee Puntland waxaa go”doon ka dhigay Roobab xoog leh oo ka da”ay,waxaana Dowlada Puntlan ku amartay guud ahaan maamulada Gobolada in ay istaagaan gurmadka Gobolkaas. Halkan hoose ka akhriso. Halkan ka akhriso:-
Maanta oo kale 27-November- 1962-kii waxey ku beegan tahay markii Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake uu Washington kula kulmay Madaxweynihii 35-aad ee Mareykanka John F. Kennedy oo martiqaad uu ka helay, waxaana la socday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Fadaraalka Soomaaliya Cabdullahi Ciise Maxamuud iyo Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Mareykanka Cumar Macalin Maxamuud, Labada dowladood,ayaa xiligaas kala saxiixday heshiisyo lagu xoojinayay xiriirka labada dal. Labadaas Madaxweyne,ayaa ugu danbayn shirqool dil ah ku geeriyooday.
Nin Soomaali ah, oo isku dayay inuu dilo saddex ruux, oo uu ku jiray askari ka tirsan booliska Britain ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah. Mahdi Maxmuud ayaa falkaas ku geystay weerar uu toorri u adeegsaday oo ka dhacay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Manchester. Ninkan 26 jirka ah, ayaa toorri la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo ka howlgalayay Manchester Victoria, dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay. Waxaa horay loogu sheegay in 11 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono ka dib markii uu qirtay saddex nooc oo dambi…
Beesha Caalamka ayaa maanta war ay soo saartay ku sheegtay inay ka walaacsan yihiin go’aankii uu Golaha Guurtida ee Somaliland 24-kii bishan muddo laba sano ah ugu kordhiyay waqtiga Golaha Wakiilada. War-saxaafadeedkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskii ay xisbiyada Somaliland gaareen bishii July ee sanadkan uu ahaa mid ahmiyad leh oo lagu go’aamiyey in la qabto doorashooyinka xubnaha baarlamaanka iyo kuwa golaha deegaanka iyo in lagu heshiiyay in doorashooyinkaas lagu qabto sida ugu dhaqsa badan ee suurtogal ah, siyaasad ahaan iyo farsamo ahaanba. “Waxaan ka walaacsanahay in dhacdooyinkan ay si aad ah u wiiqayaan heshiisyadaas…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Iyadoo Soomaaliya ay ku sii siqeyso waqtiga la doonayo inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxaa soo xoogeysanaya walaaca laga qabo khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda Dhexe iyo caqabadda uu ku yahay horumarka siyaasadda Soomaaliya. Dhawaan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa warbixin uu u gudbiyay Golaha Amaanka waxaa dhinacayada ugu baaqay inay ka wada hadlaan khillafka. Maantana, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaalada guud ee dalka, iyagoo uga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda horumarka, iyo wada shaqeynta u dhaxeysa…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Shiikh Shariif iyo xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga Himilo Qaran,ayaa gaaray jabuti. Qasriga Madaxtooyada jabuti ayay kulan kula qaateen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee ka dhici doona sanadka 2021-ka. Sidoo kale kulanka,ayaa waxaa qaby ka ahaa safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire .Aadan Xasan Aadan. Shiikh Shariif Shiikh Axmed Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Muqdisho,ayaa waxa uu uga mahadceliyay Ismaaciil Cumar Geelle, soo dhawaynta iyo kulankii dhexmaray. Ilaa iyo haad si rasmi ah looma oga ujeedka dhabta ah ee socdaalka Sh.Shariif ee Jabuti.
Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug. Dhuusamreeb,ayaa isku diyaarinaysa dhismaha maamul cusub oo ay Galmudug yeelato bisha soo socota dhexdeeda. Tagida sabriye ee Dhuusamareeb waxay kusoo aadaysaa,iyadoo Odoyaasha Gobolkaasi ay ugu baaqeen Dowlada Fdaraalka ah in ay fuliso heshiiskii ay la gashay Ahlusuna. Duqayda dhaqanka,ayaa Dowladda federaalka ugu baaqay inay siiso 35 kursi oo ka mid ah 89-ka xildhibaan ee baarlamaanka Galmudug oo ay sheegeen in horey loogu heshiiyey. Hadal uu dabayaaqadii bishii October jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dawladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayuu…
Guddiga Golaha shacabka u saaray diyaarinta sharciga doorashada ayaa la yimid nidaam cusub oo doorasho ah, iyagoo meesha ka saaray nidaamka Metalaada isu dheeli tiran ee liiska xiran oo ahaa sharcigii doorashooyinka ee ay Xukuumadda soo gudbisay kuna bedelay Nidaamka Aqlabiyada badan. Guddigu wuxuu si wada jir ah isugu raacay in nidaamka (modelka) doorashooyinka ee dalka ku habboon yahay. Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleyst. Nidaamkan cusub ayaa laga hor akhriyay Golaha inkastoo aan laga doodin oo wali howshiisa ay socoto. Halkan hoose…
Maxkamadda koowaad ee magaalada Gaalkacyo oo xukunno ku riddey rag lagu qabtay maan-dooriyaha khamriga, waxana maxkamaddu sidoo kale xukuntay in meel fagaare ah lagu bur-buriyo maan-dooriyaha xukumanayaasha lagu soo qabtay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka