Talye xigeenka Xabsiga Gaalkacyo iyo ilaaladiisii,ayaa la weeraray xoogna looga furtay Nin danbiile ah oo ay Xabsiga usii wadeen. Maleeshiyo kasoo jeeda beesha reer Bicid yahan oo Alshabaab gadaal ka riixayaan,ayaa fuliyay weerarka sida xog lagu kalsoonaan karo ay xaqiijisay. Talyaha iyo mid ka mid ah ilaaladisa waxaa la geeyay dhaawacooda Isbitaalka Gaalkacyo. Ujeedka Alshabaab,ayaa ah in ay beelaha iska horkeenaan. Waa falkii labaad oo dhacaya Gaalkacyo 24-saac kadib dilkii Xildhibaanka oo Alshabaab ay ka danbeeyaan. Jibril Qoobey.
Author: Jibril Qoobey.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku dhaleeceysay isku day u muuqday weerar gaadmo ah oo ciidamo hubeysan ay ku hareereeyeen xarunta Madasha iyo hoyga Guddoomiyaha Madasha Shariif Sheekh Axmed. Wasiirka Amniga ayaa goor sii horeysay beeniyay wararka sheegaya Ciidamo dowladeed la dul dhigay ama weerar ku ah hoyga Sheekh Shariif.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka daba-tagtay, kana laabatay qaraarkii Jaamacadda Carabta ee ay horay u taageertay, kaasoo lagu cambaareynayay dowladda Itoobiya qorshaheeda ku saabsan biyo xireenka Wabiga Niil. Go’aanka dowlada Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed cadaadis ku saaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre in dowlada Soomaaliya ka laabato qaraarkaas! Waxaa xusid mudan in dowlada Qatar oo xiriir aad xun kala dhaxeeyo Masar ay taageertay qaraarka Jaamacada Carabta, ayna lama filan tahay in DFS buriso mowqifkeedii hore ee ay ku taageertay qaraarka Jaamacada Carabta. Annagoo wada xusuusanna in dowladda Soomaaliya ay la safatay Masar markii Wadamada…
Maamulka Degmooyinka Gobolka Gedo,ayaa isku shaandhayn lagu sameeyay. Halkan ka akhriso wareegtada
Wasiirka arimaha dibada Itoobiya,ayaa uga digay Dowlada Somaliya in ay taageerto qaraarkii Masar ee Biyaha Niil. “Somaliya dan waxay ugu jirtaa in aysan qaraarkaas taageerin oo ay ka gaabsato”ayuu yiri W.Arime dibadeedka Itoobiya. Dowlada Villa Somaliya ee mudo xileedkeedu gabaabsiga yahay,ayaa si fudayd ah ugu codaysay qaraarka Biyaha Niil ee Itoobiya looga soo horjeeday. Sidoo kale si fudayd ka muuqdo ayay markale uga booday taageeradeedii hore,isla markaana itoobiya si liidnimo ah u hoos fariisatay. Itoobiya kuma qancin intaas waxayna si cad ugu sheegtay in aysan ku filnayn jilba jabsiga diblomaasi ee ay la timaado Dowlada wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Muqdisho…
Guud ahaan Masaajidada Deegaamada Puntland muddo laba todobaad,ayaa la amray in la xiro ka hortagida Korona Faayres. Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud,ayaa amarkaas bixiyay. Marka laga soo tago dadaalka Dowlada,ilaa iyo hada Puntland lagama helin Virus-ka. Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidanka amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta ayaa gacanta ku dhigay xubno lagu tuhunsan yahay ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook, ee Ciidanka PSF-ta ayaa lagu sheegay in howlgallo ay Ciidanku ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso lagu qabtay xubnaha, iyo agabyo la doonayay in la doonayay in loo gudbiyo Kooxahan Argagixisada ah ee ku dhuumaleysanaya Buuraleyda Cal-madow iyo Cal-miskaat. “Ciidamada Amniga Puntland #PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa…
Hal-sano ka hor waxaa loo dhiibay Hay’ada sirdoonka Puntland ee Pisa oo dayac iyo kala daadsanaan xoog leh ay ka muuqatay Mukhtaar Jeyte. Waxaa loo kordhiyay dhaqaalihii 3-jibaar si joogta ah,ayuuna uhelayay bil walba. Madaxtooyada oo awooda magacaabista Agaasimaha lahayd waxa ay ka codsatay in uu wax la taaban karo qabto sida ugu dhakhsiyaha badan. Mukhtaar waa loogu han weynaa dib uhabaynta Hay’adan marka dib loo eego taariikhdiisa arimaha Wardoonka. Balse si buuxda,ayuu ugu fashilmay shaqadaas ilaa iyo hadana ma dhisin xataa unug isku xiran oo hawlgasha. Balanqaadkiisu waxuu ahaa in 6-bilood gudahood isbadal la arki doono,waase beenoowday. Sida muuqata…
Kooxo hubeysan,ayaa Gaalkacyo waxa ay ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka,kaasoo lagu Magacaabi jirey Mukhtaar Axmed Cumar Tinle. Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur io ka hadlay dilkaas,ayaa sheegay in ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen,isaga oo kasoo baxey Xildhibaanka Goob Ganacsi,sidoo kalena ay dhaawaceen Askari kasoo hor baxay markii ay dilka geysteen,iyaga oo sii baxsanaya. Guddoomiyuhu waxa uu ku eedeeyey in ay dilkaasi ka dambeeyeen Al-Shabaab.
Gogosha Puntland ay ku baaqday ee Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah waxaa si buuxda utaageeray Beesha Caalamka. In Somaliya dayn laga cafiyo,isla markaana doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda waxay ku xiran yihiin in gogosha Garowe la ajiibo oo uu dhaco kulan dhexmara Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Taageerada caalamka ee iska soo daba dhacaysa kuna aadan socdaalka Madaxweyne Deni Muqdisho looguna gogol xaarayo gogosha Garowe waxay muujinaysaa sida siyaasadii Somaliya halmar ay ugu wareegtay gacanta Puntland. Kooxda Villa Muqdisho waxay isku dayayaan in ay fashiliyaan imaanshaha Deni ee Muqdisho oo ay ogsoon yihiin in uu soo afjarayo…
Safiirka UK ee Soomaaliya Amb. Ben Fende, ayaa soo dhaweeyay soo dhaweeyay safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ee muqdisho iyo kulanka Madaxda DFS iyo Dowladda Gobaleedyada ee ay iclaamisay Puntland. Amb. Ben Fender oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in kulan ay yeeshan dhinacyadu ay muhiim u tahay geedi socodka Doorashooyinka dalka, deyn cafinta iyo ka hor-taga caabuqa Corona-virus. “Wadahadalka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS waa lama huraan: si looga faa iideysto deynta cafinta, doorashooyinka iyo la tacaalida coronavirus. Waxaan soo dhaweynayaa talaabooyinkaan muuqda ee horay…
Waxaan Tacsi udiraynaa Aniga iyo Xaaskayga Idil Keenadiid reer Xaaji Ismaaciil iyo reer Ciise Seeraar geerida ku timid Cabdullaahi Ciise Seeraar oo ku geeriyooday Dalka Sweden caasimadiisa Stokholm. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynaynaa Walaal Sahro Xaaji Cali Faahiye. Naxariistii rabi ha siiyo Cabdullahi Ciise Seeraar hana ka dhigo marti la jecel yahay hoygiisuna ha noqdo janada. Jibril Qoobey.
Madaxweyne Deni,ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Xaliimo Yareey Gudoomiyaha Gudiga doorashada Kmg ah iyo Wasiirka arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Axmed Ciise Cawad. “Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen”,ayuu yiri Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.
Kooxda Villa Somaliya waxaa astaamahooda ka mid ah oo isla markiiba maskaxdaada kusoo dhacaya markhaati beenaale iyo Qoorye xeralaawe. Xaliimo Yareey waa Cawadkii labaad oo ay ku adeegtaan. Waxay lasoo hor istaagaysaa Umada,iyadoon haba yaraatee beri waxba u reebanayn doorasho Qof iyo Cod ah,ayaa ka dhacaysa Somaliya 2020-2021. Xasuusnoow waa ugu badnaan 6-bilood gudahood wakhtiga haray !!. 1.Dadka Somaliyed tirakoobkooda saxda ah lama yaqaan. 2.Afgooye iyo Muqdisho diyaarad bay ukala raacaan madaxda Fadaraalku. 3.Xisbiyo siyaasadeed majiraan markii laga saaro 63-urur oo Muqdisho Hoteladeeda ku kulma baraha Bulshadana wax kusoo qora. 4.Dowlada leh doorashaan hirgalinaynaa Xisbi maleh . 5.Sharcigii Xisbiyadu doorashada…
Halkan ka daawo muuqaalka
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland waraysi waxuu bixiyay aad kaga bogan karto halka ay marayaan udiyaar garowga hirgalinta nidaamka Xisbiyada badan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Cawad waa Nin jilicsan oo liita!!. “Farmaajo iyo Khayre,ayaa ku yiri Waxa Garowe kaaga adkaaday adoo Wasiir ah Juxaa,hadii aan lagaa adkaan oo aad rabto Wasiirkaaga in aad difaacato waa in aad hadashaa” Ninkaas Wasiir arime dibadeedka ah,hankiisuna yahay Madaxweyne Puntland ama Fadaraal warsaxafadeedka waxaa loogu diray Juxaa,ayaa ka adkaaday!!. Farmaajo iyo Khayre ujeedkooda hoose,waxaan xog ku helay in uu ahaa fashilinta socdaalka Deni ee Muqdisho oo ay u arkeen mid iyaga qorshahooda soo afmeeraya. Beesha caalamka,ayaa labada dhinac ku saartay cadaadis in ay kulmaan oo sameeyaan tanaasul. Puntland doorkeeda tanaasulka way ku dhaqaaqday beesha caalamkuna bogaadin ayay usoo dirtay,waxa…
Itoobiya way Isku Hub urursatay,waxaana todobaad walba soo gala Hub Iyo Raasaas aad u badan korna u Dhaafaya hal Millyan. Waxaa muuqata in Qowmiyaduhu si gaar-gaar ah udiyaar garoobayaan iskuna hubaynayaan haddii marxalada Dalka isku badasho dagaal sokeeye oo qabiliya ama mid Diiniya. Dagaaladii sokeeye ee ugu danbeeyay,waxaa lagu gubay 34-Masaajid iyo 4-Kiniisadood. Ciidamada amaanka Itoobiya waxay dadaal ugu jiraan ka hor tagida Hubkaas faraha badan ee kusoo qulqulaya Dalka,waxaana ugu danbeeyay Booyad ay ka buuxaan Hub iyo Rasaas oo ay gacanta ku dhigeen. Jibril Qoobey.
Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga,ayaa taageeray qoraalkii Qaramada Midoobey ku boggaadisay safarka Madaxweyne Saciid Deni ku tagi doono Muqdisho. “Safiirka Midowga Yurub waxaan aaminsanahay in isu tanaasulku yahay siyaasadda dhabta ah ee loo baahan yahay in wadadeeda la qaado”ayuu yiri Safiirka Midowga Yurub. Taageerida Danjiraha Midiwga Yurub ee Somaliya socdaalka Madaxweyne Deni ee Muqdisho waxay muujinaysaa saamaynta siyaasadeed ee Puntland ay ku dhex leedahay Somaliya iyo caalamka. Halkan ka akhriso Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Qaramada Midoobey,ayaa ammaantay socdaalka la filayo in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku tago Muqdisho. Qaramada Midoobey waxay ku faraxsan tahay waftiga dowladda Federaalka ee ka qeyb galay shirka Wadatashiga Puntland in ay soo dhoweeyaan socdaalka Madaxweyne Deni ee Muqdisho. Qaramada Midoobey waxay kaloo ku sheegtay War Saxaafadeedkeeda in ay ka war dhawarayaan kulanka Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo ee muhiimka u ah danaha guud ee Somaliyed. Sida muuqata ku dhawaaqista Madaxweyne Deni ee tagista Xamar waa mid ay dabada ka riixayaan Qaramada Midoobey iyo Maraykanka aadna udanaynayaan kulanka labada hogaamiye ee Puntland iyo Fadaraalka. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidammada Difaaca Dawladda Puntland ee tababarku uga socdo Xerada Ciidammada ee Xorgoble ayaa laga dareemayaa in ay siwanaag san u gudanayaan Hanaankii Tababar ee lagu carbinaayay mudooyinkii u dambaysay. Xukumada uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go’an in Puntland yeelato Ciidammo la yaqaan Tiradooda iyo tayadooda. Waxaa xusid mudan in tababar uga socdo Ciidammada Difaaca Dawladda Puntland Xeryaha 54aad Garoowe iyo Xerada Ciidammada Degmada BADHAN. FG. Xuquuda Sawirdan Hannaanka wanaag san waxaa qaaday Wariye Siciid Muumin oo Xerada Xorgoble booqaday. Xigasho:Jookar
Wasiiraduna waxay sheegeen in Shirweynihii Puntland loo qabtay dadka Puntland oo keliya,isla markaana aysan door ku lahayn Dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirradu waxay kale oo sheegeen in safarka Madaxweyne Deni ee Xamar uu keliya yahay gogol xaarka shirka Puntland ku baaqday ee Dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Waxay sheegeen in madaxweyne Deni aanu wada-hadallo hadda la yeelanayn madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre. Jibril Qoobey. Halkan ka daawo muuqaalka Abdirashiid A. Warsame
Halkan ka daawo muuqaalka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo shaacisay sida ay ukale guuleysteen Degmooyinka horumarka ka sameeyey Mashaariicda Hormarinta ay fuliyeen. Degmada Burtinle Iyo Degmada Garowe ayaa wada galay kaalinta koobaad 1-aad. Halka Degmada Boosaaso ay gashay kaalinta labaad 2-aad. Degmada Qardho waxay gashay Kaalinta 3-aad.
Qardho waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse. Soo dhaweyntiisa waxaa ka qayb qaatay Xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.m,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Golaha Wasiirada Puntland waxay taageereen Shirkii Wadatashiga waxayna si buuxda uqaateen Qodobadii kasoo baxay. Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay shir iskugu yimaadaan Garowe,iyagoo tixraacaya baaqii Shirka ee ahaa gogol Somaliyed in ay fidiso Puntland . Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in Gudi loo saaro diyaarinta shirkaas lana cayimo xiliga uu dhacayo. Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Deni ay bilaabaan gogol xaar Shirkaas ku aadan booqashana ku tagaan caasimada Dalka iyo caasimadaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Golaha Wasiirada Puntland waxay go’aamiyeen in mudo laba Todobaad…
Itoobiyaan Airlines si toosa ayay uga soo degtay garoonka diyaaradaha Jeneral Maxamed Abshir ee Garowe. Wax saamayn ah kuma yeelan duulimaadyadii Puntland hadalka ujeedadu ka danbayso ee Dowlada fadhiidka ah Jidka Maka Almukarama amaankiisa ku filnaan wayday. Jibril Qoobey.
Baalayaashii Wadooyinka Muqdisho oo xalay la gumaaday,gaar ahaan kuwa Wadada Madaxtooyada ee ay Dowlada Muqdisho isticmaasho. Sidoo kale habeen hore waxaa Hoobiyayaal lagu weeraray Xarunta Xalane. Sida muuqata Dowlada waxay ku filnaan wayday sugida amaanka Wadada kaliya ee ay isticmaasho. Jibril Qoobey.
Wajigii koobaad oo ahaa is diiwaangalinta ayay ka gudbeen 17-ka Urur,,waxayna ugudbeen hal bil oo Wajiga labaad ay kusoo dhamaystiri doonaan. Ugu danbayn 17-ka Urur kuwooda Wajiga labaad kasoo gudba waxay geli doonaan doorashada Dowladaha Hoose ee qorshaysan. Puntland waxay utahay maalin weyn oo lagu dhiiraday hami mudo soo jiitamayay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Qardho si weyn oo aan loo kala harin soo dhaweynta Boqorka ayay ugu diyaar garowday . Boqorka oo ay galbinayaan haldoor fara badan,waxuu kasoo anba baxay Bosaso saakay xili hore. Boqor Burhaan Boqor Muuse waa maqaamka ugu sareeya ee dhaqanka Puntland saamayn balaarana leh. Jibril Qoobey.
Dowladda Australia ayaa maanta ku dhawaaqday in ay xireyso xuduudaheeda dhamaan aysana soo geli karin dalkan dadka aan heysan dhalashada iyo deganaanshaha. Taasi macnaheeda waxaa weeye: Dhammaan dadka aan muwaadiniinta ahayn iyo kuwa aan deganeynba waa laga mamnuucay inay yimaadaan Australia 9-ka fiidnimo ee Jimcaha beri. Dadkase Australiyaanka ah ee ka soo laabanaya dibedda iyaga way iman karaan laakiin waxaa looga baahan yahay inay gooni u noolaadaan 14 maalmood (guryahooda ay ku jiraan muddo 14 casho ah). Allaha sahlo…
Ma jirto wax ay si gaar ah ugu heshiiyeen Qoladii Xamar ka timid iyo Madaxtooyada Puntland. Maanta ayay wada qadeeyeen Qolada Xamar ka timid iyo Madaxweyne Deni mana jirto kulan caawa dhacay oo kale. Qolada Xamar ka timid ee Cawad hogaaminayo waxay codsadeen in Shirweynaha Somaliyed ee Puntland ku baaqday uu noqdo mid udhaxeeya Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Codsigaas waxaa horay uga dalbaday Puntland Maraykanka iyo Qaramada midoobey. Madaxweyne Deni qolada Xamar ka timid ma siin go’aan,sidoo kalena weli uma jawaab celin Maraykanka iyo Qaramada midoobey. Majiraan wax ay ku heshiiyeen Madaxtooyada Puntland iyo Qolada Cawad hogaaminayo…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmay Dhalinyarada ku nool Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Kulankan ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay sidii dhalinyarada looga caawin lahaa baahiyaha shaqo iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa. Madaxweynaha ayaa dhalinyarada ka dhagaystay baahiyaha ku gadaaman dhalinyarada ku nool Degmada Afmadow waxaana uu ku amaanay in qaar kamid ah dhalinyarada Degmadan ay si iskood ah iskugu howleen sidii ay hormarka iyo dhismaha Degmada ay uga qayb qaadan lahayeen. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday in sida ugu dhakhsiyaha badan ay Wasaaradaha kala duwan ee Arimaha dhalinyarada ka shaqeeya…
Magaalada Bosaaso, qaybaha kala duwan ee bulshada oo la hadlay Puntland State TV,ayaa soo dhowayey qodobadii kasoo baxay shirweynihii wadatashiga Puntland ee Garoowe kusoo gaba-gaboobey,hoos ka daawo muuqaalka.
Madaxweyna Jubbaland oo waqti la qaatay dadweynaha Afmadow isagoo ka xog wareystay baahiyaha ka jira deegaanka
Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland iyo Jaamaacadda Islamic International University Uganda ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ay Jaamacadda heerkeeda tacliinta sare ee kowaad iyo labaad wax uga baran karayaan Ardayda Puntland ,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
War-murtiyeed ka Soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran,ayaa lagu taageeray War-murtiyeedkii laga soo saarey Shirwaynihii Wadatashiga Puntland. Jibril Qoobey.
WARBIXINO WANAGSAN AYAA HADA LAGA SOO SHEEGAYAA XANUNKA CORONA VIRUS DAAFAHA DUNIDA: -China waxay xidhay isbitaalkeedii ugu dambeeyay ee coronavirus. kuwana oo ku filan kiisas cusub oo buakanada lagu daweyay. Dhakhaatiirta Hindiya waxay ku guuleysteen daaweynta Coronavirus. Isku darka daawooyinka la istcimaalo: Lopinavir, Retonovir, Oseltamivir oo ay weheliso Chlorphenamine. Waxay u soo jeedinayaan daawo isku mid ah, adduunka oo dhan.Baarayaasha Xarunta Caafimaadka Erasmus waxay sheeganayaan inay heleen daawo ka hortaga cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’.haweeney da’ahayd oo Shinaha u dhalaty oo jirta 103 sano ayaa si buuxda uga soo kabatay COVID-19 kadib markii lagu daaweeyay 6 maalmood magaalada Wuhan, China.shirkada Apple…
Hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa isku Dhax-yaac ku maareeynaya loolanka Masar iyo Itoobiya u dhexeeya ee arrimaha Webiga Niilka. Dowladda Soomaaliya waxay markii hore la jirsatay dowladda Masar iyadoo kulankii Jaamacadda Carabta codka ku taageertay Dowladda Masar. Itoobiya ayaa ka carootay arrinkaas. Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayday in ay raali gelin afka ah siiso Dowladda Itoobiya oo ay baahi badan u qabto taageeradeeda, gaar ahaan arrimaha haatan ka taagan Gobolka Gedo, laakiin Dowladda Itoobiya kuma qancin raali gelinta, waxay dalbatay in ay Dowladda Soomaaliya qaado talaabooyin muuqda. Dowladda Soomaaliya ayaa Jaamacada Carabta u qortay qoraal in ay ka gaabsatay (Taxafuday) go’aankii…
Beesha Muddulood oo Soo Dhawaysay Shirkii Wadatashiga Aayaha PL & Midka Somaliwayn ee maanta kasoo gaba-gaboobay Garowe.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan mahadcelin ah u sameeyay marti sharaftii iyo ergadii kasoo qeybgalay Shirka wadatashiga Puntland, Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame. Sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgalay Raísalwasaarihii hore ee Soomaaliya Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland…
Halkan ka daawo muuqaalka
Aadbaan ugu faraxsanahay sida wax udhaceen caawa.Dulaal iyo danayste waa loo dayriyay dalkuna horay buu usocday. Puntland shir ay kasoo qaybgaleen ergooyin gaaraya 1825-Qof ayay qabsatay. Si hufan oo xor ah,ayaa loo dooday layskuna waydaarsaday afkaarta iyo aragtiyaha kala duwan. Waxay muujisay Puntland markale sida Bulshadeedu ubisishahay uga gudubtay yooyootan,muran iyo fawdo. Puntland waxay Somalida iyo caalamkaba tustay Wadaniyada iyo Somalinimada cid uga horaysaa in aysan jirin oo iyagu ay tilmaan gaar ah uleeyihiin. Puntland waxay muujisay in haldoor fara badan unool yahay oo hankoodu ka sareeyo dan gaar ah. Dowlada Puntland ee xiligan fadhida Villa-da waxaa lagu bogaadin karaa…
Halkan ka daawo muuqaalka
Guul iyo Gobanimo Shirweynihii Wadatashiga Puntland,waxaa kasoo baxay waxaan rabnay oo Puntland iyo Somaliba badbaadada u ahaa. Shirweynuhu waxuu awood dhamaystiran oo ay fulin karto gacanta ugaliyay Dowlada Puntland oo ay ku jirto hadii lagama maarmaan ay noqoto gooni isu taag. Dhamaan arimihii taagnaa ee muhiimka ahaa Shirku waa taabtay go’aana waa ka qaatay. Sharaf iyo dadnimo waxaa ah in Qoladii Xamar ka timid,iyagoo fadhiya lagu dul akriyay Qodobo hankoodii soo afjaray. 11-Qodob oo midba midka kale ka muhiimsan yahay,ayaa kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland. Qodobada soo baxay markii la faahfaahiyo si Bulshadu wada fahmi kartana loo dhigo waxay udhigmayaan…
“Xukunka dalka waxaa haya niman aan rabin in ay doorasho sax ah qabtaan, dastuurka ku dhaqmaan, federaalnimada ilaaliyaan, ciidamada qarankana u adeegsanaya dano gaar ah oo siyaasadeed. Puntland keligeed ma diiddana ee maamulkasta baa diiddan. Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay isugu yeerto madal kale oo qarannimada lagu badbaadiyo”” ,ayuu yiri Saleebaan Xaashi. Isagoo hadalkiisa si wata Xildhibaan Saleebaan Xaashi waxuu yiri markale… “Nimanka Wasiiradda ah ee DFS idinka yimid yay idin hodin waxba Muqdisho idinka keeni maayaan waa niman kursigooda illaashanaya ee ogaada reer Puntlandnow.” Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Miiskaa Maanta dood adag,ayaa ka dhacday oo aan waxba laysku reeban. Qoladii Xamar ka timid Odoyaal rug cadaa ah,ayaa jilibka u aasay,waxaana lala galay dood adag hufan oo dimuqraadi ah. Qolada Xamar ka timid,waxaa la tusay in ay Puntlander-yihiin dooda wax ku leeyihiin hadana si waafaqsan Dastuurka looga gar leeyahay. Madaxweyne Deni,Gaas,Faroole Gudoomiye Jibril iyo Madaxweyne Karaash,ayaa dhanka Puntland dood lagalay Qolada Xamar ka timid tusayna in ay khaldan yihiin dibna ugu laabtaan kooxdoodii,iyagoo run loo sheegay. Dood caafimaad qabta oo furan,ayaa maanta Shirka ka dhacday,iyadoo loo qaybiyay 5-Miis. Isku soo wada duuboo Shirku beri,ayuu soo gabagaboobaya,waxaana la jeedin doonaa…
Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay labadii habeen ee la soo dhaafay ka wadeen gudaha magaalada Bosaso hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga,hawlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixiso oo ay kooxaha cadowga ahi ku doonayaan in ay ku beegsadaan xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida #masaajida iyo suuqyada ee magaalada #Bosaso. Ciidanka PSF oo kaashanaya shacabka magaalada Bosaso waxay ku soo qabteen hawlgalladan socda xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah,kuwaas oo baaritaano ku socdaan. Ciidanka #PSF waxay shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaan iskaashiga ay la garab taagan yihiin ciidamada Amniga; soo wac…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka